SUUQA KALA IIBSIGA: Granit Xhaka, Morata & Henrikh Mkhitaryan Oo La Filayo Inay Yimaadaan Arsenal Xagaagan.

0
Thursday May 12, 2016 - 08:49:22 in Sports News by
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Granit Xhaka, Morata & Henrikh Mkhitaryan Oo La Filayo Inay Yimaadaan Arsenal Xagaagan.

    Arsene Wenger ayaa qorsheynaya inuu lacag badan qarashgareeyo xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda si uu u dejiyo cabashada tirada badan ee ka imaaneysa jamaahiirta kooxda Arsenal, sida ay qortay jariirada The Sun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsene Wenger ayaa qorsheynaya inuu lacag badan qarashgareeyo xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda si uu u dejiyo cabashada tirada badan ee ka imaaneysa jamaahiirta kooxda Arsenal, sida ay qortay jariirada The Sun

Macalinka Faransiiska ayaa cadaadis badan kala kulmaya shaqadiisa Emirates Stadium xilli ciyaareedkan, iyadoo Gunners ay mar kale ku guuldareysatay inay ku guuleysato koobka horyaalka inkastoo ay xaqiijisteen u soo bixitaankooda Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Laakiin inuu soo xerogeliyo xiddiga kooxda Juventus Alvaro Morata, kan Borussia Monchengladbach Granit Xhaka, iyo xiddiga Borussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan ayaa caawin karta iyadoo taasi ay soo bandhigeyso inuu hami u leeyahay inuu qaado horyaalka xilli ciyaareedka danbe.

Wenger ayaa qorsheynaya inuu 80 milyan ginni kula soo wareego seddexdaan xiddig oo kooxdiisa xoojian kara xilli ciyaareedka danbe, iyadoo Arsenal ay haatan si weyn ugu dhow dahay inay la soo wareegaan Granit Xhaka islamarkaana hormar laga gaaray wadahaladii ay kula jireen kooxda Gladbach.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip