Sawirro: Madaxweyne Xasan oo heshiis cusub la saxiixday ERITREA By

0
Tuesday July 12, 2022 - 12:00:07 in Wararka by
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Madaxweyne Xasan oo heshiis cusub la saxiixday ERITREA By

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

 Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta heshiis cusub oo is af-garad ah magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea kula saxiixday dhiggiisa dalkaasi, Mudane Isaias Afwerki.

Heshiiskan oo ka kooban ilaa 7 qodob ayaa ku qotoma xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda dalka Eritrea ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay ku heshiyeen iskaashi ay ka yeeshaan arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqanka, dhaqaalaha, deegaanka iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale qodobbada kale ee muhiimka ah ee ku jira heshiiskan waxaa ka mid ah arrimaha difaaca iyo amniga oo muhiim gobolka Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadiisu ay qaadatay dhowr cisho ayaa maanta soo gabagabeynaya, waxaana ujeedadiisa ugu weyn ay aheyd ka war doonka dhallinyarada Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaasi.

Xasan Sheekh ayaa xeradooda ku booqday ciidamadaas iyo sidoo kale kuwa badda ee tababarka ku qaadanaya dhulka buuraleyda ee dalka Eritrea.

Booqashada madaxweynaha ayaa ku soo aadday, xilli xasaasi, waxaana si aad ah si aad ah u soo dhaweeyey waalidiinta dhallinyarada ku maqan dalkaasi oo ku farxay markii laba sano ka dib ay  arkeen muuqaalka wiilashooda oo uu xerada ku booqday madaxweynaha Somalia.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip