Gareth Barry Oo Rikoor Cusub U Dhigay Horyaalka Premier League Xalayto Inkastoo Kooxdiisa Laga Badiyay.

0
Thursday May 12, 2016 - 08:47:01 in Sports News by
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gareth Barry Oo Rikoor Cusub U Dhigay Horyaalka Premier League Xalayto Inkastoo Kooxdiisa Laga Badiyay.

    Gareth Barry ayaa noqday ciyaaryahanka Premier League ee kulamada ugu badan ku soo bilowday ka dib markii uu ku soo bilowday kulankiisii 572aad xalayto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gareth Barry ayaa noqday ciyaaryahanka Premier League ee kulamada ugu badan ku soo bilowday ka dib markii uu ku soo bilowday kulankiisii 572aad xalayto.

35 jirkaan khadka dhexe ayaa ka mid ahaa shaxdii uu ku soo bilaabay Roberto Martinez kulankii xalayto ee Sunderland ee ka dhacay Stadium of Light, laakiin ku soo bilaabashadiisii ugu danbeysay waa mid ay tahay inuu iska ilaawo iyadoo Everton ay guuldarro 3-0 soo gaartay, xilli Black Cats ay ka badbaadeen inay u dhacaan heerka labaad.

Barry oo ku soo bilowday 572 kulan oo Premier League ah ayaa noqoneysa rikoor cusub ka dib markii uu jabiyay rikoor uu hore u hayay David James saaxiibkiisii hore ee Aston Villa, kaasoo ku soo bilowday 571 kulan oo horyaalka heerka koowaad ee Ingariiska ah.

01_11214542_7fa6c0_2858552a

Frank Lampard, Ryan Giggs iyo Gary Speed ayaa ku jira shanta ugu sareysa dhanka ku soo bilaabashada, iyagoo ku soo kala bilowday 546, 522 iyo 521 kulan.

Barry ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League 2dii bishii Maajo 1998dii isago u ciyaarayay Aston Villa kulan ay la ciyaarayeen Sheffield Wednesday ka dib markii uu Aston Villa kaga soo biiray Brighton.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip