Ciidanka Danab iyo Alshabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaallo ka kala dhacay Hiiraan iyo Shabeellada dhexe

0
Sunday July 03, 2022 - 18:25:48 in Wararka by
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Danab iyo Alshabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaallo ka kala dhacay Hiiraan iyo Shabeellada dhexe

    Ciidamada xoogga dalka ee Danab ayaa maanta oo axad ah sheegay in ay dileen ku dhawaad 40 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe. Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda oo kasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xoogga dalka ee Danab ayaa maanta oo axad ah sheegay in ay dileen ku dhawaad 40 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe. Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda oo kasoo baxay Danab, ayaa lagu sheegay intii uu socday howlgalka in ilaa 40 dagaalyahanno ah, oo ay ku jiraan saraaakiil sare sare lagu dilay, baabuurna la gubay. Warkan kasoo baxay taliska Danab, ayaa kusoo beegmaya, xilli isla maanta Alshabaab ay shaaciyeen khasaaraha ka dhashay weerar ay ku qaadeen kolonyo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Alshabab ayaa sheegay inay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ku weerareen duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyey ciidankii uu watay guddoomiye Jeyte, sida Alshabaab ay sheegeen. Alshabaab ayaa gacanta ku haysa deegaano badan oo miyi ah oo ku yaala Shabeeladda dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo la aaminsan yahay inay kasoo abaabulaan weerarada ka dhanka ah Hirshabeelle.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip