HALKAN KA AQRISO W. W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER ARBACO 29-6-2022

1
Wednesday June 29, 2022 - 08:05:07 in Wararka by
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER ARBACO 29-6-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xasan Sheekh oo tijaabo cusub laga qaaday shalay iyo Villa Somalia oo war kasoo saartay xaaladdiisa

     Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga waayey xa nuunka COVID-19, kadib markii uu shalay maray baaritaan lagu sameeyey, sida uu shaaciyey afhayeenka madaxtooyada Cab dikriin Cali Kaar.

          Afhayeenka oo marti ku ahaa barnaa mij ka baxay TV-ga Somali Cable ayaa xa qiijiyay in baaritaankii galabta lagu samee yay madaxweynaha uu muujiyey inuu ka caafimaaday xanuunkaas, isla markaana uu dhawaan la hadli doono bulshada.

      "Madaxweynaha waxaa la baaray mar kale, waana laga waayey xanuunkii, wa xaan umadda Soomaaliyeed ee xogta ma daxweynaha raadineysay la wadaagayaa in shalay baaritaankii madaxweynaha la marsiiyey uu muujiyey in ka caafimaadan Covid-19,” ayuu yiri Cabdikriin Cali Kaar.

       Sidoo kale Afhayeen Cabdikariin ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sida ugu dhaqsiyaha badan dadk ula hadli doono, una soo shaqo geli doono, iyadoo weli la raacayo tilmaamaha caafimaadka.

         Hadalkaan ayaa rajo gelinaya dadka Soomaaliyeed oo ka walwalsanaa xanuun ka laga sheegay madaxweynaha cusub ee dalka oo laga sugayo dhismaha dowlad adag oo baahi badan ay u qabaan dadka Soomaaliyeed oo ka soo baxay xaalad hu banti la’aan ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo si rasmi ah xilka ula wareegay

          Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa 25kii Bishan ay ansixi  yeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

       Munaasabada xilka wareejinta oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaa ka qeyb galay xubnaha golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya.

         Rooble ayaa sheegay in shalay uu ku faraxsan yahay in uu si nabad ah xilka u gu wareejiyay Mudane Xamse.

        Xamse ayaa sheegay in sida ugu dha qsiyaha badan uu soo dhiso xubnaha gola ha Wasiirada cusub si loo dardargaliyo Shaqooyinka muhiimka ah.

DFS oo Xildhibaan Ilhaan Cumar Warbixin ka siisay Abaarta kajirta Somalia

       Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaloya Xassan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo bini’aaadannimada Xildhibaan Cabdirax man Cabdishakuur Warsame ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay Xildhi baan Ilhan Omar oo aqalka Congresska Mareykanka ku metesha Gobolka Minneso ta.

       Ergeyga ayaa Xildhibaan Ilhan iyo dow laddeeda Mareykanka uga Mahad celiyay garabsiinta ummadda Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen, isaga oo si gaar ah u xusay deeq 55 Malyuun ah oo dowladda Maraykanku deeqda Soomaaliya ugu kor dhiyeen dhibaatada abaarta darteed, taas oo si gooni ah ay dedaal dheeri ah ugu bixi say Xildhibaan Ilhaan.

        Intaas kadib waxa uu ergeygu ka da lbaday Xildhibaan Ilhan in ay laban laabto gacansiinta dadkeeda Soomaaliyeed, iya da oo codsigiisa ka warcelineysana waxa ay Xildhibaan Ilhan ballan qaadday in ay gacan ka geysato ka dhex ololeynta gu daha dowladda Mareykanka iyo sidoo kale dowladaha kale ee gacanta ka geysan ka ra arrimaha bini’aadannimo ee Soomaali ya.

         Waxa ay sidoo kale xustay in ay qayb ka qaadan doonto isku duwidda Soomaali- da Mareykanka iyada oo Soomaalida ku tilshalayy dad ku wanaagsan iskaal meynta.

         Ergeyga iyo Xildhibaan Ilhaan oo isku bogaadiyay dedaalka ay ku bixinayaan Gur madka dadka Soomaaliyeed ee tabaale ysan ayaa ku ballamay wada shaqayn iyo kulamo kale oo ay rajeynayaan in ay dalka iyo debeddaba ka dhacaan.

Rooble oo si cajiib ah uga jawaabay weeraro uga socda baraha bulshada

         Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaali ya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Ra’siiul wasa raaha cusub Xamse Cabdi Barre ayaa si dadban uga jawaabay weerarro baraha bul shada uga socday maalmihii lasoo dhaa fay.

       Rooble oo jeedi yey khudbad dheer ayaa sheegay in so o hadal qaaday rag uu tilmaamay inay sheegteen culumo iyo aqoo nyahano oo been abuur iyo dacaa yado ku faafiya masuuliyiita, wuxuuna had alkiisu dadka soo xasuusiyey weerarradii ay bara ha bulshada u mariyeen xubno ay ku jiraan Fahad Yaasiin iyo Prof. Maxamed Xaaji Ing iriis.

       "Dalkeena waxaa ku soo badanaya dhaqamo xun oo ay sameynayaan dad sheeganaya darajooyin ay ixtiraamaan dad ka Soomaaliyeed, sida Sheekh iyo Aqoon yahan, waxay sameynayaan been abuur iyo dacaayado, wuxuuna carrabkooda iyo qalinkoodu noqday wax la ijaarto, waxaana kireysta qofkii ama kooxdii dan gaar ah leh,” ayuu yiri Rooble.

             Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacanta ka qabtaan dad ka caadeystay dhaqamadaas oo hoos wa xa ugu sheegaan,”Qof kasta oo siyaasad da looga guuleysto, waxaa haboon inuu sugto waqti kale, balse uusan maciin bidin waxyaabhihii aan aragnay maalmihii lasoo dhaafay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Xuseen Rooble.

        Sidoo kale wuxuu sheegay in ku dhaw aad 2 sano Ra’iisul Wasaare uu ka ahaa dalka uu shalay si rasmi ah xilkii ugu wa reejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Ba rre, "Waxaan si niyad ah idinkaga codsana yaa inaad la shaqeysaan Xamse,” ayuu yiri.

      Ugu dambeyntii Rooble wuxuu u mahad celiyey Farmaajo, "Waxaan u maha dcelinayaa madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fursad ii siiyay in aan dalka u adeego, Shacabka Soomaaliyeed oo garab istaagga ii muuji yay, howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wa saaraha iyo cid kasta oo igu garab gashay howshii adkeyd ee aan soo galnay.”

Ra’iisul Wasaaraha Cusub Iyo Kan Xilka Ka Degaya Oo Si Wadajir Ah U Kormeeray  Xarunta Cusub Ee Xukuumadda

            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

      Xarumaha uu shalay kormeeray Ra’ii sul Wasaaraha Cusub Xamse Cabdi Barre ayaa horay xarigga kaga jaray, waxaana dha waan si toos ah ugu howgali doona xa fiisyada Wasaaradaha iyo Ra’iisul Wasaa raha.

         Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa si doo kale goordhaw lawareegi doona Xafiis ka,waxaana socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Maxamed Xuseen Rooble uu Xilka ku wareejinayo.

RW Xamse Iyo Madaxweynaha KGS Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

           Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bar re ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxw eynaha Dowlad Goboleedka Koofur Gal beed Soomaaliya, kaasi oo ku sugan Maga alada Muqdisho.

       Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xas an Maxamed Laftagareen ayaa habeen horre hoy giisa ku soo booqday Ra’iisul Wasaaraha, waxaana uu ugu hambalyeeyay in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, una rajeey ay in Eebbe la garab galo waajibaadka qa ran ee hor yaalla.

Beyle”Aduunyada Oo Dhan Baa Ku Oraneysa Tuug Tuug Dhalay Hadii Aanan Sameynin Xisaab Xir”

         Xildhibaanada Golaha Shacabka Ba arlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulan muhiim ah oo ku saabsan Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda do wladda ee 2022 ka.

          Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hor tagay Baarlamaanka Golaha Sha cabka, iyadoo Su’aalo laga weydiiyay arri maha ku aaddan Miisaaniyadda Dowladda.

           Xildhibaanada ayuu kaga warbixi yay arrimaha Miisaaniyadda, waxaana intii uu Baarlamaanka ka hor hadlayay uu carra bka ku dhuftay in sanadkii hore ay wasaar addiisu sameysay Xisaab xir. Taasi oo Xild hibaanada qaar ay su’aalo galiyeen.

        Wasiirka Cadbiraxmaan Beyle ayaa sheegay in aysan jirin xisaab-xir ku maqan wasaaradda Maaliyadda, isagoona ku eed eeyay Baarlamaankii hore in aysan samee ynin xisaab xir.

            ”Aduunyada oo dhan baa ku orane ysa Tuug Tuug dhalay hadii aysan dowlad aada xisaab xir sameynin”  ayuu yiri Wasiir Cabdiraxman Ducaale Beyle oo ka kahor hadlaayay Xildhibaanada  Golaha Shacab ka.

         Sidoo kale Xildhibaanada ayaa wasiir ka weydiiyay su’aalo kale oo muhiim ah, oo ku aaddan arrinta Maaliyadda iyo sida ay Wasaaraddiisu u maaraysay, intii uu xafiis la fadhiyay, waxaana Wasiir Beyle uu ka ja waabay su’aalaha ay Xildhibaanadu weydii yeen, kuwaasi oo qaarkood ahaa kuwo aad xasaasi u ah.

         Kulankaan shalay oo diiradda lagu saarayo Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda ayaa horay Xildhibaanada loogu wargali yay in ay soo xaadiraan, waxaana haatan xarunta ku sugan dhammaan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Baar lamaanka.

Xukuumada Somaliland oo joojisay xujaydii sannadkan xajin laha

          Gabi ahaanba waxa la joojiyay xuja ydii reer Somaliland ee sannadkan gudan laha waajibaadka xajka, kadib markii xukuu mada Soomaaliya ay dhintay tiradii ay reer Somaliland ku lahaayeen samiga xujayda, sida xukuumada Somaliland sheegtay.

        Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somali land Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani, oo warbaahinta la hadlay, ayaa dowlada Soo maaliya ku eedeeyay in ay is hortaagtay in reer Somaliland helaan saamigii ay xaqa u lahaayeen.

         "Mudadii ay Somaliland jirtayba reer Somaliland waxay xajka iyo cimrada guda shadeeda kala kulmeen dhibaatooyin kala duwan, oo si toos ah iyo si dadban ba ay ula badheedheen xukuumadihii kala danb eeyay ee Soomaaliya, iyaga oo carqaladee yay oo is hortaagay in reer Somaliland he laan tiradii xujayda ee ay xaqa u lahaaye en" ayuu yidhi Wasiir Albaani.

         Waxa uu sheegay in talaabada dowla da Soomaaliya ay kaliftay in shacabka So maliland ay xajka ka baaqdaan, tirada la sii yay oo aan u cuntamin awgeed "Taasi oo keentay in dhamaan shacabka Somaliland ee tiradoodu gaadhsiisantahay 4.5 milyan iyo dheeraadka, ay ka baaqdaan in ay san nadkan ka qaybgalaan guddashada rukni ga 5aad ee diinta Islaamka, ee ah xajka" .

Waa uu xukuumada Soomaaliya ku eedee yay in ay mudoba u xusul duubaysay sidii ay u dhimi lahaye tirada xujayda ee reer Somaliland, taasi oo uu ku micneeyay ku takrifal ay dowlada Soomaaliya ku samay say saamigii ay Somaliland lahayd.

        Wasiirka ayaa sheegay in saamigii ay Somaliland ku lahayd xajka, la siiyay dad ka reer Muqdisho, oo suuqa Bakaaraha la gu iibinayo, wuxuuna dowlada Sacuudiga ugu baqaay in ay soo faragaliso.

Wakiillada Puntland Oo Xasaanad Siiyay Wasiiro Iyo Wasiiru Dawlayaal

        Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Do wlad Goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,  oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa shalay shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Gola ha Wakiillada Puntland.

  Fadhiga shalay waxaa goob-joog ahaa 49 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Far qadiisa 16aad ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoo saadka Golaha Wakiillada Dowlad Gobo leedka Puntland.

          Kadib markii Xildhibaannada ay dha geysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan -taag ah ugu codeeyay Oggol 48 Xildhi baan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma ji rin.

           Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Wasiiradda, Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dawlayaasha

Dowladda Somalia oo Ciidamo horleh u dirtaysa howlgalka ka socda Gobolka Hiiraan

          Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay Ciida mo dheeraad ah ka dejiso degmada Guri ceel ee Gobolka Galgaduud, kuwaas oo gurmad u noqonaya Ciidamada uu hog gaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hii raan ee howlgalka ka wada inta u dhaxee ysa degmooyinka Beledweyne iyo Mata baan.

       Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamadan oo u badan Miino baaris ay ka dalbadeen Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Saraakiisha Qeybaha 27aad iyo 21 aad iyo Gudoomiyaha Gobolka Hii raan Cali Jeeyte Cismaan oo ku sugan deg mada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

        Markii Ciidamada laga dejiyo degma da Guriceel ayaa la filayaa in la geeyo deg mada Matabaan si ay qeyb uga noqdaan Ciidamada wada howlgallada la isugu fur aayo waddooyinka ay mararka qaar weera rada ka fuliyaan Ururka Al-Shabaab ee kuy aalla Gobolka Hiiraan.

      Ku dhawaad bil waxaa ka socda inta u dhaxeeysa Beledweyne iyo Matabaan      howlgal leys kugu furayo labadaas Degmo oo inta u dhaxeeyso Al-Shabaab maamu laan, iyada oo dorraad qarax iyo weerar

toos ah lala beegsaday Ciidamada dowladda oo howlgal kujira.

Wariyeyaashii ku dhaawacmay qaraxii dorraad oo la keenay Muqdisho

          Waxaa Shalay Magaalada Muqdi sho diyaarad looga soo dajiyay dhaawac yada Wariyaashii dorraad wax yeelada ka soo gaartay qarax miino oo lala eegtay ko lonyo ay la socdeen , xilli ay marayeen du leedka degmada Matabaan ee Gobolka Hii raan.

         Wararka aan helay ayaa sheegaya in xaaladda Wariyaasha ay hadda tahay mid ka wanaagsan sidii hore, iyada oo la Dhig ay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Mu qdisho.

          Madaxweynaha Hirshabelle ayaa hore ugu balanqaaday wariyaasha in ay he li doonaan baxnaano caafimaad oo aad u Wanaagsan kaas oo shalay u bilowday F ulintiisa.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galaya dalka Poland

         Magaalada Katowice ee Dalka Pola nd waxaa Shir looga hadlayo horumarinta magaalooyinka waaweeyn ee Caalamka, in Ka badan 40 duq magaalo oo dunida da caladeeda ah iyo madax kale oo Ka socota 170 dal dowlaahooda hoose ayaa ka qeyb galaya.

       Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wafdi ka socda Maamulka Gobolka Ba naadir oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Maxamed Axmed Cantoobo oo uu wehli nayo Agaasimaha Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Maxamed Cadow.

           Shirka ayaa shalay waxaa aad loo ga dooday culeesyada dowladaha dhaxe ay ku hayaan maamul goboleedyada iyo dowladaha hoose, waxaana mid kamid ah Uruurada Caalamiga ah ee shirka ka qeyb galaya ay ku doodeen in Ajenda walba oo qaran oo aay leedahay dowladda dhexe haddaan lasoo dhax marsiin ama aan lagu xoojin dowladaha hoose, ay u badantahay in Ajandahaas uu guul dareeysto.

          Wafdiga ka socda Maamulka gobol ka Banaadir ayaa la filayaa in marka shirka la soo geba-gabeeyo ay kulamo gooni goo ni ah la qaadan doonaan madaxda kale ee ka qeyb galeysa Shirkaas.

laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay, Rasaas, Maandooriye & dad ka Ganacsanayay

            Ciidamada Booliska Gobolka Bana adir gaar ahaan qeybta Bari ayaa habeen horre howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa, halkaas oo dhowrkii cisho ee la soo dhaafay dadka degan ay ka cabanayeen amni darro.

        Howlgalka oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidamada qeybta Bari iyo Maamulada degmooyinka ayaa Ciidamadu sameeynayeen baaritaano Guri guri ah, iya ga oo kusoo qabtay Mandooriyaal, Rasaas iyo shaqsiyaad Amni daro lagu eedeyay.

          Ciidamada ayaa howlgalka ku burbu riyay Sandaqado lagu iibinayay waxyaaba ha maanka dooriya, sidoo kale laga helay rasaas farabadan iyo Agab kale oo looga           qeyb qaadan karo falalka Amni darro oo uu dhaca qeyb ka yahay.

           Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid si joogto ah loo sameyn doono, isaga oo digniin u diray dadka ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya.

           Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo ku hadlayay Magaca guddoomiyeyaasha ayaa dhan kiisa ugu baaqay Waalidiinta Carruurta Ci yaal weerada ah iyo kuwa dhaca u geysta Shacabka inay ceshadaan hadii kale tallaa bo laga qaadi doono.

    Saddexda degmo ee Kaaraan, Yaaq shiid iyo Hiliwaa ayaa kamid ah degmooyi nka Bilihii la soo dhaafay ay kajireen dhaca teefoonada iyo dhibaatooyinka ay geeys anayaan Ciyaa weerada.

AL-SHABAAB oo isbitaal weyn ka furtay JILIB

     Kooxda Al-Shabaab ayaa xarigga ka jar tay isbitaal weyn oo ay ka hir-gelisay ma gaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana lasoo bandhigay sawirrada isbit aalkaas oo aad u qalabeysan.

       Al-Shabaab waxay balan qaadeen in bulshada ku nool Jilib iyo deegaanada hoo s taga ay isbitaalkaas ka heli doonaan ade egyo caafimaad oo dhameystiran, waana goobtii ugu horeysay oo dan-guud ah oo Al-Shabaab ay hir geliyaan abid.

        Warbaahinta taageerta maleeshiyada Al-Shabaab ayaa baahisay bayaan u dhig naa, "Isbitaalkan oo bixin doono adeegyo caafmaad ah oo muhiim ah, loona soo xul ay qalab iyo dhaqaatiir ku filan ayaa in mud do ah lagu howlanaa diyaarintiisa, waxaa na ugu dambeyntii xafladii lagu daahfuray ey ay dhacday Jimcihii lasoo dhaafay.”

      Xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka qeyb galay xafladii xarigga looga jaray isbitaalkaas, waxaana ka mid ahaa nin ay magaciisa ku sheegeen Sheekh Ma xamed Abuu Cabdalla oo kooxda ugu ma gacaaban guddoomiyaha gobollada Juboo yinka.

        Nin ay qariyeen magaciisa oo agaasi me looga dhigay isbitaalkaan cusub ee koo xda Al-Shabaab ay ka hir gelisay magaala da Jilib ayuu Maxamed Abuu Cabdalla ku wareejiyey furayaashiisa, wuxuuna shara xay adeegyada ay sii doonaan bulshada ku nool Jilib iyo deegaanada hoos taga.

        "Walaalayaal ku soo dhowaada isbit aalka guud ee Jilib oo noqa doonaan mid ay bulshadu u siman tahay, waxaadna ka heli doontaan dhakhtar walba, rag quburo ah ayaa ka howlgeli doona isbitaalkaan, laguma fududaa doono kiiska qofka bu kaanka ah, laba qoybood oo jiif iyo bukaan socod  kala ah, ayuu ka kooban yahay isbi taalkaan,” ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka ay Al-Shabaab ka dhiseen Jilib.

        Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobol lada Jubooyinka Maxamed Abuu Cabdalla oo xafladaas ka hadlay wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladihii laga soo ma ray in la hir-geliyo isbitaalkaas iyo doorka ay Al-Shabaab ku lahaayeen.

         Sidoo kale ninkaan wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay isbitaalkaan u wakiilatay guddi ka kooban dadka deegaan oo lasoo xulay, wuxuuna balan qaaday in isbitaalkaas uu dabooli doono baahida caa fimaad oo ay qabto bulshada ku nool dee gaanada gobollada Jubooyinka.

Dowladda Itoobiya oo magacawday guddi wadahadal lagali doona TPLF

         Dowlada Itoobiya ayaa guddi u maga cawday wadahadal lagali doona Jabhadda TPLF, guddigaas oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra'iisal wa saare ku xigeenka Itoobiya Damake Meko nin.

          Guddigan ayaa waxaa ku jira xubno culus oo xilal sare ka haya dowladda feder alka Itoobiya, sida Taliyaha Sirdoonka Itoo biya, lataliyaha Ra'iisal wasaare Abiyi Ax med ee dhanka amniga iyo xubno kale.

        Dowladda Itoobiya ayaa guddigan u magacwaday si xal nabadeed looga gaaro dagaalka sokeeye ee mudada sannad iyo badhka ka soconayay Waqooyiga Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

      Labada dhinac waa Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa horey waxay isugu raaceen inay wada hadal gali doonaan, kaas oo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika kana dhici doona dalka Kenya.

     TPLF wali kamaysan hadlin xubnahan ay dowladda Itoobiya usoo magacawday inay wadahadal lagalaan TPLF.

 Nin Soomaali horey uga tirsanaa Booliska Minneapolis oo xabsiga laga sii daayay

          Askari hore oo katir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip