Xiddiga Chelsea Pedro Oo Sanka Ka Jabay Ka Dib Shil Uu Ku Galay Gurigiisa.

0
Wednesday May 11, 2016 - 09:49:54 in Sports News by
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddiga Chelsea Pedro Oo Sanka Ka Jabay Ka Dib Shil Uu Ku Galay Gurigiisa.

    Pedro Rodriguez ayaa sanka iska jabiyay isagoo jooga gurigiisa, sida uu sheegay tababaraha Chelsea Guus Hiddink.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pedro Rodriguez ayaa sanka iska jabiyay isagoo jooga gurigiisa, sida uu sheegay tababaraha Chelsea Guus Hiddink.

Xiddiga garabka ka ciyaaraya ayaa u baahnaan doona inuu xirto maaskarada wajiga marka xiga ee uu ciyaari doono, sida ay soo sameeyeen xiddigo badan oo Chelsea ah dhawaanahaan.

"Pedro waa uu maqan yahay, ma dhaawacna” ayuu Hiddink sharaxaad ku bixiyay ka hor kulanka Chelsea ay la ciyaareyso caawa kooxda Liverpool oo uu seegi doono xiddiga reer Spain.

pedro-1453329693723

"Tababar ma qaadanayo sababtoo ah waxa uu sanka isaga jabiyay gurigiisa, ma aqaano sida sanka uga jabay isagoo gurigiisa jooga.

"Waxa uu ii sheegay inuu shil yar ku galay gurigiisa, waa uu dhacay, waxaana uu ku maqnaa Milan, waa uu soo laabanayaa waxaana uu ka qeyb qaadan doonaa tababarka.”

Pedro ayaa la rumeysan yahay inuu Milan u aaday in loo soo sameeyo maaskaro wajiga u ilaalisa madaama uu sanka ka jaban yahay iyadoo Cesc Fabregas, Azpilicueta, Matic iyo Diego Costa ay iyagana Milan u doonteen xilli ciyaareedkan maaskaro ay xirtaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip