Macalinka Spurs Mauricio Pochettino Oo Lagu Sawiray Isagoo La Kulmaya Sir Alex Ferguson, Taasoo Walwal Gelisay Jamaahiirta Tottenham.

0
Wednesday May 11, 2016 - 09:48:37 in Sports News by
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinka Spurs Mauricio Pochettino Oo Lagu Sawiray Isagoo La Kulmaya Sir Alex Ferguson, Taasoo Walwal Gelisay Jamaahiirta Tottenham.

    Jamaahiirta Tottenham ayaa hubaal ay tahay inay walwal qabaan ka dib markii tababare Mauricio Pochettino lagu sawiray isagoo halyeeyga Man United Sir Alex Ferguson kula kulmaya qado sir ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaahiirta Tottenham ayaa hubaal ay tahay inay walwal qabaan ka dib markii tababare Mauricio Pochettino lagu sawiray isagoo halyeeyga Man United Sir Alex Ferguson kula kulmaya qado sir ah.

Macalinka Spusra ayaa lagula sawiray shalayto halyeeyga Red Devils iyagoo ka soo baxaya maqaaxi iyadoo Fergie uu sii galayo gaari sugayay.

Pochettino ayaa ka mid ah raga ugu cadcad inay bedelaan Louis van Gaal haddii uu tababaraha reer Holland ka tago Old Trafford xagaagan, inkastoo uu tababaraha Spurs sheegay inuu heshiis dhanka afka ah oo uu Tottenham ku sii joogayo 2021 uu ogolaaday.

AssetAccess1_648x9_2855334aAssetAccess2_648x9_2855335aAssetAccess3_648x9_2855336a

Ilo ka tirsan Tottenham ayaa u sheegay The Sun inay ka warqabeen kulanka qadada ah, iyadoo kulankaan la soo agaasimay ka dib markii ay Fergie iyo Pochettino ay ku kulmeen isku imaad xiriirka tababarayaasha Ingariiska ah.

Macalinkii hore ee Southampton ayaa si ciriiri ah ku seegay hanashada Premier League xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku soo jiitay madaxda United qaab ciyaareedka uu ka hergeliyay kooxda iyo sida uu u horumariyay da’ yarta uu ku jiro xiddiga ku guuleystay abaalmarinta da’ yarka sannadka ee PFA Dele Alli.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip