Louis van Gaal Ayaa U Sabab Ahaa In Man United Ay Ku Hungowdo Saxiixa Renato Sanches Kaasoo Ku Biiray Bayern Munich.

0
Wednesday May 11, 2016 - 09:47:06 in Sports News by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Louis van Gaal Ayaa U Sabab Ahaa In Man United Ay Ku Hungowdo Saxiixa Renato Sanches Kaasoo Ku Biiray Bayern Munich.

    Louis van Gaal ayaa ka baxay heshiis uu kula soo wareegi lahaa xiddiga Benfica Renato Sanches ka dib markii uu go'aansaday inuu ceyrsado xiddigo kale oo diirada u saarnaa, sida ay qortay Daily Mail.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa ka baxay heshiis uu kula soo wareegi lahaa xiddiga Benfica Renato Sanches ka dib markii uu go'aansaday inuu ceyrsado xiddigo kale oo diirada u saarnaa, sida ay qortay Daily Mail.

18 jirkaan khadka dhexe ayaa shalayto ku biiray kooxda Bayern Munich isagoo si lama filaan ah ugu wareegay heshiis 35 milyan euro ah iyadoo Bayern ay aakhirka lacagtaas ka dhigi doonto 45 milyan euro.

Manchester United ayaa loo arkayay inay hogaamineyso saxiixiisa ka dib markii ay Benfica kala hadleen la wareegista ciyaaryahanka tan iyo bishii Janaayo, waxaana ay ciyaaryahanka daawadeen 24 kulan. Taas bedelkeeda Bayern waxa ay ciyaaryahanka daawatay kaliya 2 jeer waxaana ku qanceen markii uu iyaga ka horyimid wareegii 8da Champions League.

Madaxa kooxda Bayern Karl-Heinz Rummenigge kaasoo sidoo kale dhameystiray saxiixa xiddig isna diirada u saarnaa United Mats Hummels oo ay kala soo wareegeen Borussia Dortmund ayaa yiri: "Waxaan isha ku heynay Renato Sanches muddo dheer, waana ku faraxsanahay inaan helnay isaga inkastoo tartan adag loogu jiray.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip