Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamaasada Leh Ee Caawa Anfield Ku Dhexmaraya Kooxaha Liverpool Iyo Chelsea.

0
Wednesday May 11, 2016 - 09:43:11 in Sports News by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamaasada Leh Ee Caawa Anfield Ku Dhexmaraya Kooxaha Liverpool Iyo Chelsea.

    Liverpool v Chelsea Kulanka: Premier League Garoonka: Anfield Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Michael Oliver

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool v Chelsea Kulanka: Premier League Garoonka: Anfield Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Michael Oliver

Farqi 10 dhibcood ayaa u dhaxeeya kooxaha kaalimaha 8aad iyo 9aad ee Liverpool iyo Chelsea iyadoo kooxda Reds ay soo tiigsan karto boosaska loogu soo baxo Europa League, inkastoo ay ka maarmi karaan haddii ay ku guuleystaan Europa League 18ka bishaan markaasoo ay u soo bixi doonaan wareega group-yada Champions League.

Dhanka kooxda Chelsea ma jirto wax ay u ciyaareyso oo aan ka aheyn inay guulo ku dhameystaan xilli ciyaareedka iyagoo 10 dhibcood ka danbeeya kooxda ay caawa martida ugu yihiin Anfield, islamarkaana ay ku dhameystaan 10ka kooxood ee ugu sareeya horyaalka.

Waxaa caawa la filayaa in qaar ka mid ah jamaahiirta Chelsea ay isaga baxaan garoonka Anfield daqiiqada 26aad islamarkaana ay dib u soo laabtaan waqtiga nasashada iyagoo ka mudaharaadaya diidmada kooxda ee ah inaysan qandaraas cusub ka saxiixeynin kabtan John Terry.

68243570

MAXAA KA CUSUB?

Tababaraha Liverpool ayaa isku isbedel badan ku sameyn doona shaxdiisa mar kale ka dib markii uu nasasiiyay xiddigo badan kulankii ay ka badiyeen Watford.

Xiddigaha sida Nathaniel Clyne, Dejan Lovren, Kolo Toure, Emre Can iyo James Milner ayaa ku soo bilaaban doona, iyadoo Daniel Sturridge ay u badan tahay inuu isna ciyaari doono.

Chelsea waxaa ka maqan kabtankooda John Terry kaasoo seegaya inta ka harsan xilli ciyaareedka madaama uu ganaax ku maqan yahay.

Weeraryahan Loic Remy iyo daafaca Kurt Zouma ayaa weli dhaawacyo gumaarka iyo jilibka ah ku kala maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool (4-2-3-1):Mignolet; Clyne; Lovren, Toure, Moreno; Emre Can, Milner; Lallana, Coutinho, Firmino; Sturridge.

Chelsea (4-2-3-1):Courtois; Ivanovic, Cahill, Miazga, Azpilicueta; Mikel, Matic, Willian, Fabregas, Hazard; Costa.

MA OGTAHAY?

  • Guusha kaliya ee ay Liverpool ka gaartay Chelsea todobadii kulan ee ugu danbeysay ayay ku gaareen Stamford Bridge xilli ciyaareedkan, lixda kulan kale waa seddex guuldarro iyo seddex barbaro.
  • Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ilaashato sagaalkii kulan ee Premier League ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Blues, waxaana laga dhaliyay labo gool mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Anfield.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip