RASMI: Arsenal Ayaa Xaqiijisatay U Soo Bixitaankeeda Champions League Ka Dib Guuldaradii Manchester United Ee Xalayto.

0
Wednesday May 11, 2016 - 09:41:20 in Sports News by
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Arsenal Ayaa Xaqiijisatay U Soo Bixitaankeeda Champions League Ka Dib Guuldaradii Manchester United Ee Xalayto.

    Arsenal ayaa xaqiijisatay u soo bixitaankeeda Champions League ee xilli ciyaareedka danbe ka dib markii Manchester United ay guuldarro xalayto ka soo gaartay West Ham United.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa xaqiijisatay u soo bixitaankeeda Champions League ee xilli ciyaareedka danbe ka dib markii Manchester United ay guuldarro xalayto ka soo gaartay West Ham United.

Iyadoo kaliya ay hal kulan uga harsan tahay xilli ciyaareedka dhamaan shanta kooxood ee ugu sareysa, kooxda Gunners ayaa xaqiijisatay inaysan ku dhameysan doonin meel ka hooseysa kaalinta afaraad taasoo la micno ah inay ciyaari doonaan Champions League xilli ciyaareedkii 19aad oo isku xigta.

Kooxda Arsene Wenger ayaa weli ku dhameysan karta kaalinta labaad ee ka danbeysa kooxda hanatay horyaalka ee Leicester haddii Tottenham ay guuldarro ka soo gaarto Newcastle oo ay Gunners gurigeeda ku garaacdo Aston Villa.

CiILIPJWMAAxorR

Rajada Man United ee Champions League ayaa dhabarjab xoogan ay soo wajahday ka dib guuldaradii ku soo gaartay kulankii ugu danbeeyay ee abid lagu ciyaaro Upton Park, waxaana ay la micno tahay inay haatan u baahan yihiin in Man City ay guuldarro ka soo gaarto Swansea halka ay iyagana ku qasban yihiin inay Old Trafford kaga badiyaan Bournemouth.

Arsenal ayaa haatan hal sanno kaliya ka danbeysa kooxda rikoorka heysata ee Real Madrid kuwaasoo koobka Yurub ugu weyn ka soo muuqatay 20 sanno oo isku xigta.

Ingariiska waxaa haatan u matalaya Champions League oo la xaqiijiyay Leicester City, Tottenham & Arsenal, halka Man City iyo Man United ay midkood ku soo biiri karaan, waxaana macquul ah sidoo kale inay Liverpool ku noqoto kooxda shanaad ee u soo baxda koobka haddii ay ku guuleystaan Europa League 18ka bishaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip