West Ham United Oo Man United Guuldaro Xun Dhabarka U Soo Saartay, Hammers Oo Kulankii Ugu Danbeeyay Upton

0
Wednesday May 11, 2016 - 09:35:18 in Sports News by
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    West Ham United Oo Man United Guuldaro Xun Dhabarka U Soo Saartay, Hammers Oo Kulankii Ugu Danbeeyay Upton

    Park Guul Ku Sharaftay Iyo Rajadii Red Devils Ee Kaalinta Afraad Oo Ay Dhibaato Wayni Soo Gfaadhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Park Guul Ku Sharaftay Iyo Rajadii Red Devils Ee Kaalinta Afraad Oo Ay Dhibaato Wayni Soo Gfaadhay

Kooxda West Ham ayaa guuldaro xun u soo xambaarisya kooxda Manchester United kulankii ugu danbeeyay ee ay West ham ku ciyaarto garoonka ay ka guurayso ee Upton Park. Inkasta oo uu Martial laba gool udhaliyay Red Devils isla markaana ay kooxda Van Gaal ay mar hogaanka ku qabtay 2:1 haddana West Ham ayaa guul ku gaadhay 3:2. Guuldara Man United soo gaadhay ayaa ciid wayn u ah Manchester City oo markii hore uu xaalku ku xumaa laakiin hadda Red Devils ayaa markale dhibaato dhexda kaga jirta.

Manchester United ayaa kooxda West Han United marti ugu ahayd Upton Park wuxuuna ahaa kulanka ugu danbeeyay ee ay Hammers ku ciyaartay garoonkeeda waxayna xili ciyaareedka danbe u wareegi doontaa Olympic Stadium. Waxa uu ahaa kulan si wayn looga war sugayay isla markaana muhiimad gaar ah u lahaa kooxda martida ahayd ee Manchester United oo doonaysay in ay kaalinta afraad kala baxdo dariskeeda Manchester City oo kulankii Arsenal markale dhibco iska lumisay. Kala saraynta Premier Leaque-ga ee ugu danbaysay.

Manchester United ayaa maanka ku haysay in guul ay ka soo gaadho West ham ay kaalinta afraad soo galin doonto markii ugu horaysay sanadkan 2016 isla markaana ay fursad wayn u haysan doonto in ay Sky Blues kala bixi karto booska afraad ee Champions Leaque-ga loogu soo baxo.

Anthonay Martial ayaa taam u noqday kulakan , waxaana sidoo kale shaxda Red Devils dib ugu soo laabtay da’yarka Rashford iyo Blind.Schneiderlin oo sheegay in aanu ku faraxsanayn waqtiga kooban ee uu Louis Van Gaal siiyay ayaa khadka dhexe kula jiray Rooney Herrera iyo Rooney.

Kulankan ayaa dib loo dhigay kadib markii ay jamaahiirta West Ham weerar ku qaday buskii Manchester United, waxaana arinta soo gaadhay xoogaga booliiska basle dhacdadan ayaan saamayn ku yeelan in kulanka dib loo dhigo.Manchester United bus 'smashed up' by West Ham fans

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

WEST HAM UNITED(4-4-2):Randolph, Antonio, Reid, Ogbonna, Cresswell, Noble (c), Kouyate, Sakho, Lanzini, Payet, Carroll

KAYDKA:Tomkins, Valencia,Obiang, Collins, Moses, Emenike, Spiegel

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1):De Gea, Valencia, Smalling, Blind, Rojo, Herrera, Schneiderlin, Rooney, Mata, Rashford, Martial

KADYKA:Romero, Borthwick-Jackson, Jones, Carrick, Lingard, Januzaj, Memphi

Qaybta hore ee kulankan West Ham United ayaa soo badhigtay qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo bilawgii qaybta hore si cajiib ah u karkarisay kooxda Louis Van Gaal oo qaybta hore soo badhigtay qaab ciyaareed aad u liitay. West Ham ayaa heshay fursado badan oo cadaan ah oo goolal lagu dhalin karayay, laakiin kooxda Red Devils ayaa markale ku fashilantay in ay qaybta hore samayso hal bartilmaameed oo goolka West ham. Manchester United ayaa hal bartilmaameed samaysay qaybta hore ee saddexdii kulan ee ugu danbeeyay.

DAQIIQADII 10 aad West Ham ayaa heshay goolkeeda furitaankad kadib weeraro joogto ah oo ay markiiba ku bilawday goolka Manchester United, waxaana goolkan u saxiixay Diafra Sakho kaas oo si fiican uga faa’iideeyay kubbad uu ka helayManuel Lanzini, laakiin goolhaye David De Gea ayaa qalad wayn ku lahaa in aanu goolkan iska badbaadin maadaamo ayna darbada Sakho ahayn mid xooganayd. Waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay West Ham hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

West Ham ayaa weeraro duufaan ah ku bilawday goolka Man United iyada oo Manchester United ay u muuqatay in ay isku dhex yaadcay waxaana daqiiqadii 18 aad West ham goolka labaad u keeni gaadhayAntonio uu kubbad fiican u soo karoosay Carroll kaas oo isna kubbada siiyay Payet laakiin xidiga ree France ayuu darbadiisa badbaadiyay De Gea. Hal daqiiqo kadib waxaa isna fursad fiican helay Carroll balse markale fursadan ayaan noqon mid midho dhashay.

DAQIIQADII 21 aad West Ham ayaa shabaqa Man United soo taabtay kadib markii uu Antonio uu kubbada fiican kaga soo shaqeeyay dhinaca midig, kubbada uu soo koroosay isla markaana difaaca United ku soo dhacday ayaa si toos ah goolka ugashay laakiin garsoorka ayaa tilmaamay in ayna gool sharci ahayn isla markaana ay kubbad markii ay soo socotay ay dibada ka soo laabtay.

Manchester United ayaa mararka qaar isku dayaysay in ay madaxa sare u qaado oo ay fursado abuurto laakiin difaaca West ham ayaa si fiican iskaga ilaaliyay halista Red Devils, si kastaba qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay West Ham hogaanka ciyaarta ku haysay

.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Louis Van Gaal ayaa ciyaarta ka saarayMorgan Schneiderlin oo qaab ciyaareed aad u liitay soo badhigay waxaana kaydka looga yeedhayMichael Carrick. Manchester United ayaa markan bilawday in ay hurdada ka kacdo oo ay raadiso goolka qaybta hore looga hormaray.

DAQIIQADII 51 aad Man United ayaa la timid goolkeeda barbaraha waxaana goolka Man United ciyaarta dib ugu soo celiyay u dhaliyayAnthony Martial kaas oo kubbada caawin ka helay Juan Mata oo isna kubbad fiican marka hore ka helay Rashford, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

DAQIIQADII 55 aad West Ham ayaa u muuqatay in ay dib ula soo noqotay hogaankii ciyaarta kadib markii uuSAKHO! helay fursad dahabi ah wuxuuna goolka labaad ku dhalin gaadhay kubbada laaga xorta ahayd oo uu Payet soo tuuray, waxa uu ka soo dhex baxay ciyaartoyda Man United, basle kubabda goolka u furnayd ayuu doonay in uu madax ku dhaliyo laakiin darbadiisa ayaa birta dulmartay. Alla maxay Man United sigtay!.

Ciyaarta ayaa markan noqotay mid xamaasad badan oo weerar iyo weerar celis ah waxayna labada kooxoodba ay dagaal ugu jireen sidii ay ula iman lahaayeen goolka labaad.Daqiiqadii 64 aad Man United ayaa heshay fursad cajiib ah kadib markii uu Mata kubbad qurux badan u bixiyay Rashford kaas oo isna cidhib kubbada ku soo hormariyay goolka West Ham laakiin Herrera oo kubbada raacday ayaa soo daahay.

DAQIIQADII 67 aad Anthonay Martial ayaa gool cadaan ah ka badbaadiyay Manchester United kadib markii uu Andy Carroll madax cajiib ah uu ku dhalinayay goolka labaad ee Hammers, goolhaye David De Gea ayaa u muuqday mid ku war heli lahaa kubbada goolkiisa gashay basle nasiibkiisa Martial ayaa qabtay shaqo difaac oo layaableh.

DAQIIQADII 72 aad Manchester United ayaa natiijada ciyaarta dhinaca kale udhigtay waxaana gool cajiib ah isla markaana si qurux badan looga soo shaqeeyay indhaha ku xaday Anthony Martial, kaas oo xagal ay adag tahay in gool laga dhaliyaa si fiican shabaqa uga soo taabtay. Rooney ayaa khadka dhexe kubbada ka sood dhisay, Rashford ayaa garabka bidix kubbada uga bixiyay Martial kaas oo si fiican u maray difaaca hortaagnaa ka hor intii aanu kubbada ku hubsan shabaqa Hammers waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Man United markeeda hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 76 aad hogaanka Manchester United ee ciyaarta ayaan sii waarin waxaana markiiba jawaab fiican oo deg deg ah goolka Marital ka bixiyayMichail Antonio kaas oo gool qurux badan oo madax ah West ham ugu keenay goolka barbaraha, wuxuuna caawin fiican ka helay Dimitri Payet. De Gea ayaa kulankan u muuqday mid si wayn ugu dhibtoonayay kubbada madaxa ah ee West Ham, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah.

WAALIDII CIYAARTA: Daqiiqadii 80 aad ciyaarta ayaa noqotay mid waali ah isla markaana uu Upton Park gariiray kadib markii ay West Ham dib ula wareegtay hogaanka waxaana markan gool kale oo madax ah David De Gea iyo Manchester United ka dhaliyayWinston Reid kaas oo markale caawin ka helayDimitri Payet oo si cajiib ah u soo tuuray kubbad laaga xorta ah oo Hammers loo dhigay garabka bidix, waxayna ciyaartu noqotay 3:2 ay West Ham si deg deg ah natiijada ciyaarta dhinaca kale ugu dhigtay. Yaab!

.

Dhibta ugu wayn ee Manchester United haystay ayaa ahaa qaladaadka badan ee ay galaysay iyo kubbada quruxda badan ee uu soo tuurayDimitri Payet, waxayna markale Manchester United raadinasyay qaabkii ay ula iman lahayd goolka barbaraha.

Si kastaba Manchester United ayaa awoodi wayday in ay wax gool danbe ah la timaado taas oo sabab u noqotay in kooxda West Ham United ay saddexda dhibcood xoog kaga qaadato Red Devils isla markaana ku heshay saddex dhibcood oo ay dagaal adag ku heshay

.

SHARAF: West Ham United ayaa garoonkeeda Upton Park ku macasalaamaysay guul kadib markii ay ku soo ciyaartay 384 kulan oo waxayna ku soo heshay 601 dhibcood oo Premier Leauqe-ga ah. Guuldarada Manchester United soo gadhay ayaa fursad dahabi ah u noqon doonta Manchester City oo kaalinta afraad hadda ugu jirta 65 dhibcood iyo 37 kulan halka Man United ay 37 kulan ka haysto 63 dhibcood. West Ham ayaa iyana 37 kulan ka heshay 62 dhibcood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip