HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 21-KA JUUN 2022

1
Tuesday June 21, 2022 - 08:02:57 in Wararka by
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 21-KA JUUN 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Maxaa ka jiro inuu xanuunsan yahay guddoomiye Aadan Madoobe?

Xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Sh.Aadan Madoobe ayaa beeniyey wa rarka sheegaya inuu xanu unsanayo. Maxamed Xasan Idiris oo ah lataliyaha guddoomiyaha golaha shacabka oo la hadlay warhaabinta ayaa shee gay in guddoomiyaha uu Nairobi joogo, halkaa sina uu ka wado kulamo kala duwan, wararka sheegaya inuu xanuunsanayo ay been abuur yihiin.

Idiris waxaa uu intaa raaciyey in guddoomi yaha uu dalka dib ugu soo laaban doono maal maha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu gud doomiyo shirka golaha Arbacada soo socota.

Hadalkan la taliyaha afhayeenka G/shacab ka ayaa imaanaya ka dib markii ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya in guddoomi ye Madoobe ku xanuunsanayo Kenya.

Warka xanuunka guddoomiyaha ayaa saac adihii lasoo dhaafay ku faafay baraha bulsha da, waxaana shaki weyn keenay in safarka gud doomiyaha uu ku aaday Nairobi uu ahaa mid qarsoodi ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulan isugu yimaado maalinta Arbacada ah ee soo socota si codka kalsoonida loogu qaado Ra’Isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo uu dhawaan magacaab ay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Amar La Duldhigay Dadka Leh Guryaha Iyo Goobaha Ganacsi Ee Saaran Wadooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shalay shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga 7 aadka Xorriyadda Somaliya ee 26 june iyo 1 da Luulyo, kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhammaan Guddoomiyeyaasha Degm ooyinka & deegaanada G/Banaadir, Taliyeyaa sha Laammaha Ammaanka ee Qeybta Guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Qaar ka mid ah Aga asimeyaasha Maamulka G/Banaa dir iyo Dowl adda Hoose ee Xamar.

Shirkaan ayaa waxa uu ahaa mid uu Duqa M/ Muqdisho ku farayay Madaxda Maamulada iyo Saraakiisha laamaha Amniga sidii ay ugu diya ar garoowi lahaayeen Xuska Maalmaha Qaran, isla Markaana loo wacyigelin lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada lana gaarsiin lahaa farii nta Duqa Magaalada ee ah in laga wada qeyb-qaato xuska Todobaadka Xorriyadda iyadoo la fulinayo Awaamiirta Maamulka G/Banaadir ee ah in Astaanta Qaranka la suro Guryaha iyo Go obaha Ganacsi ee saaran Wadooyinka waaw eyn ee Magaalada iyo sidoo kale in laga wada shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimada.

Md.C/Filish ayaa Magacaabay Guddi Heer Gobol oo isugu jira Guddoonka Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal D egmo ayna hogaamineyso Guddoomiye Kuxige enka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Ma amulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caa mir Axmed (Jakeeti) kuwaasi oo ka shaqeyn do nna Xuska Todobaadka Xorriyadda, isla marka ana la fal-geli donna Guddiga Heer Qaran ee Xuska Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

Guddiga dhismaha guriga madaxweyne Farmaajo oo war cusub soo saaray

Guddiga isku-xirka ololaha Mahadsanid Madaxweyne ee Guriga loogu dhisayo mada xweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farma ajo ayaa Shalay ka warbixiyay halka uu mar ayo ololahaas. Cabdirashiid Duqa oo ku hadla yay afka guddiga ayaa sheegay inuu meel aad u wanaagsan marayo ololaha guriga loogu dhi sayo Farmaajo, isaga oo xusay in qofkasta oo wax ku darsaday ololahaan ay kaydiyeen maga cyadooda.

"Guddiga waxay u mahad-celinayaan dadw eynaha Soomaaliyeed sida sharafta badan ee ay uga qeyb-qaateen ololaha iyo sida dar-darta leh ee u wadaan ololaha Mahadsanid Madax weyne. Waxaa farxad inoo ah in aan u xaqiijino in qofkasta oo ku soo ha gaajiyey dhaqaalaha uu u gu tala-galay ololaha an ay nasoo gaartay,” ayuu yiri.

"Waxa sidoo kale idinla socodsiineyna inaan keydinay oo diiwaan-galinay qofkasta oo ka qe yb-qaatay ololaha,dhamaantiina si gaar-gaarah ayaa idinla soo xiriri doona haduu alle yirahdo.”

Sidoo kale waxa uu ka codsaday Injineer ka sta ee Soomaaliyeed oo doonaya in ololaha u ga qeyb-qaato naqshad ama hindise guriga Far maajo in uu si toos ah usoo gaarsiiyo guddiga isku-xirka ololaha Mahadsanid Madaxweyne.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha guriga loogu dhigasayo mada xweynihii hore ee Maxamed C/hi Farmaajo, is lamarkaana ay ka qeyb qaadan karaan dadka aan weli qeyb ka noqon ololahaan.

Ergeyga gaarka ah oo ka dagay Doolow iyo arrin uu shaaciyay

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ja mhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Gargaar ka Bani-aadanimada Cabdiraxmaan Cabdishak uur Warsame & mas’uuliyiin kale ayaa Shalay gaaray deg mada Doolow ee gobolka Gedo.

Ergeyga gaar ah ayaa waxaa safarkiisa ku w ehliya mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoob ay, si ay usoo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Xeryaha la dejiyay dadka barakac ayaasha ah.

Doolow waxaa saldhigtay qoysas intooda ba dan ka barakacay degmooyin katirsan Gobolla da Baay iyo Bakool ee D/G/K/Galbeed & degm ooyinka qaar ee isla gobolka Gedo si ay caaw inaad ugu helaan.

Md.CC/Cabdishakuur ayaa shaaciyay in xaa lad bani’aadanimo oo aad u daran ay ka jirto, islamarlaana loo baahan yahay in loo gurm ado dadka ay Abaaraha ceyrteeyeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in maalin welba ay Doolow tagaan Qoys u badan xoolo dhaqato iyo beeraley abaartu saameyn taban ku reebtay.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in garg aarka dadkaas la siiyo uu gaarayo 18%, mar ka la eego tiradooda iyo raashinka la siinay ana aanay isku dhigmin.

Maxay ka wadahadleen Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow?

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ugu tegay Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa fa ah faahin ka bixiyey kulanka dhex-maray lab ada dhinac.

Shariif Xasan ayaa shaaca ka qaaday inuu salaan iyo sidoo kale is xog wareysi ugu tegay wadaadkaasi oo muddo ku dhow afar sano ku xiran gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka wada-had leen arrimo ku aadan masiirka Koonfur Galb eed iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay,

"Waxaan Shalay hoygiisa ku booqday wal aalkey Mukhtaar Roobow Cali, salaan iyo is xog- wareysi kadib waxaan ka wada hadalnay arimaha masiiriga ah ee dawladda Koonfur Gal beed, guud ahaan mustaqbalka iyo xaaladda Soomaliya,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhankiisa Roobow ayaa uga mahaceliyey Shariif Xasan booqasha uu ugu tegay, wuxuu na sheegay inuu ku faraxsan yahay inay iska xog wareystaan xaaladaha guud ee dalka.

Kulankan ayaa u muuqdo mid qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee siyaasiyiin ta mucaaradka ku ah Madaxweyne Lafta Gare en ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Roobow ayaa markii ugu horreysay loo ogol aaday inay soo booqdaan xubno ka tirsan qoys kiisa iyo asxaabtiisii siyaasadda, waxayna arrint aas kusoo beegantay, kadib doorashadii Mad axweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhac day 15-kii bishii hore ee May.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, NISA ayaa cadaadiskii saaraa ka qafiifisay Sheekh Mukhtaar, kadibmarkii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa loo ogolaaday Taleefo on iyo in ehelladiisu ay soo booqan karaan.

Dhamaadkii 2018-kii ayaa Mukhtaar Roo bow laga soo xiray magaalada Baydhaba, xill igaas wuxuu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Adeegtadii carmalka ahayd ee noqotay madaxweynaha.

Duqii hore ee Bogota Gustavo Petro ahaana dagaal yahan hore oo falaag ahaa aya noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Colombia ee ah garabka bidix.

Petro oo ah haatan ah sanatar ayaa ka guuley stay talaadadii hugoomiyaha garabka midig Rodolfo Hernández.

Laakiin arrinta xiisaha leh ayaa ah in ay ololihisa qayb ka ahayd Marquez oo ah hooyo caraml ah sidoo kalana ahayd adeegto guri, waxay noqon doontaa haweneeydii ugu horey ee madow ah ee mad axweyne ku xigeen ka noqota Colombia.

Natiijada soo baxday ayaa sheegaysa in 60.5 codadka uu ku guuleystay.

Natiijadaan ayaa isbadal wayn uga dhigan wadanka oo ay tobanaan sano soo xukumay een kooxda midigta fog ee xagjirka ah
Gacan ka hadal iyo khasaare ka dhashay arday Shalay loo diiday imtixaanka DF

Iyadoo maalintii 3-aad Muqdisho iyo goboll ada dalka looga fariistay imtixaanka shahaad iga ah ee dugsiyada sare oo dowladda federaa lku ay qaadeyso ayaa Shalay waxaa degmada Xamarweyne ka dhacday shaqaaqo ka dha latay imtixaanka.

Ugu yaraan shan arday oo qaarkood ay ras aasi ku dhacday ayaa ku dhaawacmay shaqa aqadaas oo Shalay barqadii ka dhacday bana anka hore ee iskuul lagu magacaabo Macalin Jaamac oo ku yaalla degmada Xamarweyne.

Arday la sheegay inay ka soo daaheen waqtigii loo fariisan lahaa imtixaanka iyo ciidankii ilaal ada ka ahaa banaanka hore ee iskuulkaas ay aa isku gacan qaaday, waxaana ka dhashay dhaawacyo, iyadoo askartu ay rasaas fureen.

Ardayda qaar oo warbaahinta la hadlay ay aa sheegay in la balamiyey 7:00 subaxnimo, ba lse markii ay yimaadeen laga furi diiday albaab ka iskuulka ay imtixaanka ku galayeen, waxay na dowladda, gaar ahaan wasaaradda waxbara shada ka codsadeen inay cadaalad helaan.

Markii loo diiday ardaydaas inay gudaha u galaan iskuulka, waxay isku dayaan inay xoog ku galaan iskuulka, si imtixaanka ay uga qeyb qaataan oo uusan u dhaafin, balse waxaa rasa as iyo gacan qaad kala hor yimid booliskii ilaal ada ka ahaa albaabka hore.

Madaxweyne Deni Oo Sheegay Inaan Lagala Tashan Magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse.

Madaxweynaha maamulka Puntland Sic iid C/llaahi Deni ayaa sheegay in madaxweyne Xa san Sheekh Maxamuud aanu kala tashan magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dal ka Xamse Cabdi Barre oo ka soo jeeda deega anada Jubaland.

madaxweyne Siciid Deni oo walaac arint aasi ka muujiyay ayaa sidoo kale cabasho ka keenay sida uu u dhaqmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu magacaabayay Ra’Iisul wasaaraha, isagoo ku faanay inuu kaalin weyn ku lahaa guusha do orashadii 15-ka May ka dhacday teendhada Afisyooni.

Hadalkan waxa uu Deni ka sheegay kulan Qado ahaa uu Dorraad magaalada Garoowe ugu sameeyay xildhibaanada Puntland oo uu kala hadlayay xaaladda guud ee Puntland iyo halka ay tahay in laga aado isbedelka cusub uu dalka galay.

Si kastaba, Deni ayaa ku guul dareystay la ba isku day oo midi ahaa in loo magacaabo xi lka ra’iisul wasaaraha ama in qof ka soo jeeda Puntland oo uu isaga keensaday loo dhiibo ja gadaas, Siciid Deni wuxuu kaloo ku fashilmay inuu qabto jagada ugu sareysa dalka, maadaa ma musharax madaxweyne oo wareegii 1aad codad badan uga soo gudbay ahaa. Lama oga in madaxweynaha maamulka Puntland uu ban aanka keeni doono khilaafka ugubka ah ee kala dhexeeya madaxweynaha dalka, iyadoo Xasan Sheekh uu ka feejignaa inuu xilkaasi u dhiibo qof uusan garaneyn, wuxuuna doonayaa inuu ka weecdo wadadaii sanadihii 2012 ilaa 2017 oo uu soo magacaabay saddex ra’iisil wasaare

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ku biir tay nidaamka caalamiga ee xogta IMF

Dowladda federaalka ah ayaa buuxisay shu ruudaha barnaamijka hal abuurka heerka xogta sanduuqa lacagta aduunka ee IMF ee loo yaq aano (GDDS) waxayna Somalia markii u horey say ku biirtay barnaamijkan oo ah mid muhiim ah.Haashim Sheekh Cab di Nuur oo ak mid ah ho wlw adeennada Hay’adda Sta tistic-ka Qaranka oo u warramay Universal Tv ayaa shaaciyey in Soomaaliya ay ka soo baxd ay shuruudaha nidaamka faafinta ee xogta gu ud ee ku aadan sanduuqa hay’adda lacagta adduunka IMF.

"Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ugu biir tay hal abuurka heerka xogta sanduuqa lacagta aduunka ee IMF, iyada oo la fulinayo shuruuda ha nidaamka faafinta xogta guud,” ayuu yiri Xa ashim Sheekh Cabdinuur oo faah faahin siina yey Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xogta Som alia haatan wixii ka dambeeya lagu soo daabici doono bogga hay’adda, iyada oo ay la wadaagi doonto Hay’adda Statistic-ka Qaranka.

"Soomaaliya waa markii ugu horreysay ee ay ku biirto nidaamkan, waana markii koowaad ee Soomaaliya xogteeda si rasmi ah loogu faa fin doono sadnuuqa adduunka” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in xogta aysan ku eka an doonin arrimaha dhaqaalaha, balse ay ku jiri doonaan xoga kale oo muhiim ah, sida tirakoon ka dadweynaha iyo arrimaha bulshada.

"Xogaha kale ee dalka ayaa qayb ka ah ee ay soo saarto Hay’adda Statistic-ka Qaranka, waxaa ka mid ah xogaha tirakoobka dadka, wa xaa ka mid ah xogaha kale ee dhaqaalaha,”

Sidoo kale wuxuu xusay in barnaamijkan uu muhiim u yahay Soomaaliya, isla-markaana ay hadda kadib ka soo muuqan doonto saaxadda aduunka oo uu tilmaamay in markii hore ay ka maqneyd, maadaama halkan lagu soo ban dhigo xogaha waddamada aduuunka oo dhan.

"Waxay muhiim ugu tahay waxaan ka maqneyn saaxadda adduunka barmaanijka haddii aad website-ka gasho wadan walbo oo adduunka ka tirsan wuu ku jiraa,” ayuu yiri.

Ugu dmabeyn wuxuu xusay in barnaamijkan uu sidoo kale muhiimad gaar ah siin doono deyn cafinta Soomaaliya oo haatan mareysa meel aad u wanaagsan oo gabagabo ah.

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo laga gudd oomay warqadaha aqoonsiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Md. Aleksandar Vučić ayaa Shalay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjir aha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Serbia,Md. Maxa med Cabdullahi Axmed.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iska ashiga labada dal, xiriirka labada dal ayaa soo bilowday Sanadka 1960 bishii October.Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa la wad aagay Madaxweynaha Serbia dhambaal salaan iyo sida Soomaaliya ay uga soo kaba nayso mu dadii ay Dowlad la’aanta aheyd.

Madaxweynaha Serbia ayaa dhankiisa she egay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer, hadda ay Serbia di yaar u tahay xoojinta xirii rka soo-jireenka ahaa.

Xiriirka Muqdisho iyo Bel grade ayaa ahaan jiray mid aad u wanaagsanaa ka hor inta aysan dow ladda dhaxe ee Soomaaliya aysan burb urin, waxaana ka faa’iideysan doona cilaaqaad ka la bada dal ganacsatada iyo arday badan.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dawladnimada Geeska Africa.

Wafdigii ka socday Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya ee dhawaan gaaray dalka Ethi opia ayaa si rasmi ah uga qayb galay Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dawladnimada Soom aaliya, kaas oo lagu qabtay Hoteelka Sher aton ee caasimaadda Addis Ababa.

Wasiir ku xigeen ka Wasaaradda Arrimaha Di badda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Pekos, Qunsulka ah na ku simaha safiirka Safaaradda JFS ee Ethi opia Md. Cali Maxamed Xuseen iyo Agaasim aha wa axda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrima ha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdi salaan Suleymaan Koosaar ayaa shirkan ku metelaya Dawladda Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo laba maal mood ah waxaa qaban-qaabadiisa iska kaasha day Dawladaha Ethiopia iyo China, waxaana la gu casumay dalalka Geeska Africa iyadoo loo ga arrinsanayo sidii loo dejin lahaa qorshe dhax algal ah oo lagu sii anba qaadi karo horumarka ka jira Geeska Africa.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Nab adda, Horumarka iyo Dawladnimada Gees ka Africa.

Wafdigii ka socday Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya ee dhawaan gaaray dalka Ethi opia ayaa si rasmi ah uga qayb galay Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dawladnimada Soom aaliya, kaas oo lagu qabtay Hoteelka Sheraton ee caasima adda Addis Ababa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Di badda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Pe kos, Qunsulka ahna ku simaha safiirka Safaar adda JFS ee Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen iyo Agaasimaha waaxda Asia iyo Aust ralia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sooma aliya Md.Cabdisalaan Suleymaan Koosaar ay aa shirkan ku metelaya Dawladda Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmo od ah waxaa qaban-qaabadiisa iska kaashaday D/Ethiopia iyo China, waxaana lagu casumay dalalka Geeska Africa iyadoo looga arrinsana yo sidii loo dejin lahaa qorshe dhaxal gal ah oo lagu sii anba qaadi karo horumarka

ka jira Geeska Africa.


Muxuu Beyle ka yiri warka sheegaya in dowl adii Farmaajo ay lacag badan ka tagtay?

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuum adda fedeeraalka Soomaaliya, Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Bayle oo muuqaal kooban soo duubay ayaa ka hadlay wa xa ka jira wararka sheegaya in dowladdii uu hoggaaminayey ma daxweyne Farmaajo ay qasana dda uga tegtay lacago badan, is la-markaana ay buuxaan.

Bayle ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen ma s’uuliyad darro aad u weyn sida uu hadalka u dhigay.

"Qolooyin oranaya qasnadaheena ayaa bu uxa lacago fara badanbaa laga tegay waxya alaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyadda darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Bayle ayaa sidaas yiri,” ayuu yiri wasiirka maliyadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey "Waxaan doonayaa dadyahow Soomaaliyeed aniga kol aba inaan been sheego laygama baran waxaan jecelahay in marwalba wixii jira oo run ah oo la taaban karo inaan idinla wadaago,”.

WasiirBayle ayaa xaqiijiyey in aysan had da buuxin qasnadda dowladda, isla-markaana aysan jirin lacag looga tegay, wuxuuna xusay in xaqiiqada jirta ay sidaasi tahay.

"Qasnadaheenaa buuxa anigu ma oran, mana buuxaan. ciddii tiraahdana waa mas’uuliyad da rro runtiis sidaas ayaa xaqiiqadu tahay,” ayuu markale yiri wasiir Bayle.

Ugu dambeyn wuxuu qiray in dakhliga dowl adda uusan markasta ku filneyn dalkeena, bal se ay ku dadaalayaan in 25-ka bil kasta la bix iyo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ho rey taageerayaasha Madaxweynihii hore ee da lka Maxamed Farmaajo ee loo yaqaano CBB in ay aad u faafiyeen wararka la xiriira in dowlad du ay ka tegtay lacago badan oo ku jira qasan adda taasoo ugu dambeyn uu beeniyey was iirku.

Al-Shabaab oo la wareegtay isbitaalkii CEEL BUUR kadib jabkii BAXDO

Kooxda Al-Shabaab ayaa gebi ahaanba la wareegtay Isbitaalka degmada Ceelbuur ee go bolka Galgaduud, kadib markii ay halkaas la geeyay dhaawacyo badan oo laga keenay dee gaanka Baxda oo dhawaan dagaal ka dhacay lagu jabiyay kooxda.

Sida laga soo xiganayo dadka deegaanka waxay Al-Shabaab ka saareen Isbitaalka dhamaan dad kii bukaanka ahaa ee shacabka ahaa oo lagu dabiibayay isbitaalkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ceel buur la geeyay dhaawacyo iyo meydadka toban aan Al-Shabaab ka tirsan, ayada oo uu sii kor dhay dagaalkii Baxdo ee dhexmaray kooxda iyo dadka deegaanka. Isbitaalka degmada Cee lbuur ayaa waxa dib u howl-galiyay dadka dee gaanka oo dhaqa ale iska ururiyey, lamana oga in ay Al-Shabaab si gaar ah u adeegsan doonto iyo inay dib ugu celin doonto dadka deegaanka.

Dagaalkii Jimcihii ee deegaanka Baxdo ay aa si weyn loogu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga dilay 70 dagaalame, ku waasi oo ay ku jireen ajaanib.

Mucaaradka Somaliland Oo Sameystay Ciidan Hubeysan Iyo Cabsi Laga Qabo Dagaal.

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyay inuu jabiyay sha rciga, qaadayna talaabooyin wax u dhimaya da stuurka Somaliland.

"Waxa uu keenay (Muuse Biixi) in uu sharci sameys to, sharci odhanaya anigu waa joogaya asxaabtana waa baabinaya, meel ay ku taallo ururo toos ah oo la furayo majirto. Waa ar agt een in uu dad kiciyay oo magacyo la baxay oo ayaga aan sharci haysan ololeynaya,” ayuu yiri.

Injineer Waraabe ayaa qiray in madaxwey naha uu la soo baxay dhaqan cusub oo ah kala saarida ciidamadda, isagoo kuwa ilaaliya muc aaradka aanu u aqoonsaneyn jney yihiin ciidan qaran, sida uu hadalka u dhigay.

"Muuse Biixi waxa uu keenay in uu isku dayo in mucaaridka xabad la dhaco oo musharaxii xi sbiga Waddani iyo ilaaladiisa in uu labo gaadhi mariyo, wuxuu keenay in ciidamadii kala sa aro.” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Talaabooyinkaas isbiirsaday oo lagu daray isku daygii dil ee musharaxa Wadani C/raxma an Ciro ayuu tilmaamay iney keeneen iney ila alo gaar ah sameystaan oo ay is hubeeyaan, isagoo ka digay in la carqaladeeyo amniga dal ka iyo howlaha doorashada loogu diyaar garoo bayo.

"Dhaqamadaas waxay keeneyn in uu ku dha co is-difaac, oo halka yimaada dad hubeysan oo difaacaya asxaabta ayaa jooga. Dadka uu le eyahay waa beelo ee way difaacayaan waa mu waadiniin reer Somaliland ah oo ka xanaaqay fi cilka uu sameeyay.” ayuu Waraabe hadalkiisa ku soo xiray.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Ma ayarka Hargeysa iyo Wasiir hore Warancade ay u istaageen xalinta khilaafka axsabta muca aradka iyo xukuumadda, waxaana jira warar sheegaya in Muuse Biixi uu albaabada ka soo xirtay dhinacyadan doonaya iney xal ku dayaan muranka, halkii gacan ka hadal la isla gaari la haa.

Shirarkii u socday Wasaaradda Gadiidka iyo Taliska ciidanka ilaalada wadooyinka oo galay maalinkii 3-aad

Shirarkii u socday Wasaaradda Gadiidka iyo Taliska ciidanka ilaalada wadooyinka oo galay maalinkii 3 Sadexaad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS mudane Cali Ga’al GabowIyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyi nka Genaral Bishaar abshir geedi iyo Madax ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo dh amaan hay’adaha madaxa banaan ee Wada shaqaynta la leh Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Saraakiil ka socotay kulankan oo maal mahan ka socday Xarunta Taliska ilaa lada wadooyinka Muqdisho.

Shirkan ayaa Shalay looga hadlay iskaashi iyo in wada shaqayn dhaw laga yeesho waxyaa baha hortabinta leh iyo ku dhaqanka sharciga wada marista iyo in lala shaqeeyo Cidanka Nab ad galiyada wadooyinka iyadoo lagu soo qaad ay kulanka in isgaysyada Muqdisho laga hirga liyo samaafaraha oo mihiim u ah Gadiidka Ta soo yarayn doonta shilalka iyo saxmada wado onyinka.

Khilaafka madaxweyne Deni iyo ku xigeenki isa Axmed Karaash oo sii xooggaysanaya

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntl and Axmed Karaash, ayaa diiday inuu shir kala qeyb galo wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo kamid ahaa saddexdii wasiir ee uu xilka ka qaaday 5tii bishii may.

Axmed Karaash ayaa ku amray wasiirka arr imaha gudaha inuu ka baxo shir arrimaha dow laddaha hoose looga hadlayay, arrintaas oo markii dambe keentay in shirkii lagu kala tago.

Waxaa weli muuqda in Axmed Karaash uu ku adkaysanayo xilalkii uu ka qaaday wasiiradda arrimaha gudaha, amniga iyo maaliyadda, kuw aas oo lagu tiriyo saaxiibada madaxweyne Deni.

Dhinaca kale, barlamaanka Puntland ayaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ku cadaadin aya inay heshiis ka gaaraan khilaafkooda, iya doo laga yaabo in barlamaanka oo hadda ku ji ra kalfadhigiisa uu mooshin ka keeno Golaha wasiiradda.

Ajendaha kalfadhiga barlamaanka waxaa ku jira qodob ku saabsan khilaafka madaxwey naha iyo madaxweyne ku xigeenka, arrintaas oo u muuqata mid xal loogu raadinayo khilaafk ooda oo saameyn ku yeeshay shaqooyinka ma amulka.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheeg aya in madaxweyne Deni uu Shalay kulan gaar ah la qaadanayo ku xigeenkiisa, iyada oo la fil ayo inay kawada hadlaan sidii xal looga gaari la haa khilaafkooda soo jiitamayay muddada.

Deni oo dhowaan kusoo guul daraystay do orashadii madaxweynaha dalka, ayaa haatan culaysyo badan wajahaya, waxaana horyaala sidii uu u maarayn lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii xildhibaannada barlama

anka



Mucjiso: Nin qabri uu meydka gabadhiisa u qodayay ku dhex arkay wax yaab leh

XIGASHADA SAWIRKA,ANOOP KUMAR MISHRA Qoraalka sawirka,

Cunugta yar ee qabriga laga soo saaray ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaalka Gabar yar oo mar dhow dhalatay ayaa iyadoo nool laga soo saaray qabri ay ku aasneyd, Waqooyiga dalka Hindiya, sida ay booliska shaaciyeen.

Sarkaal booliska ka tirsan oo lagu magacaabo Abhinandan Singh ayaa wariyeyaasha u sheegay in cunugta yar uu helay nin tuulada daggan, xilli uu damacsanaa inuu aaso gabar uu isaga dhalay oo geeriyootay daqiiqado yar ka dib markii ay dhalatay.

Gabadha yar oo lagu aasay qabri hoos u qo dan qiyaastii 3ft (90cm), ayaa durbadiiba isbi taalka loola cararay, halkaas oo iminka lagu daw eynayo, dhakhaatiirtuna waxay sheegeen inay xaaladdeeda soo hagaageyso.

Ciidamada booliska ayaa hadda billaabay howlgal ay ku baarayaan dhacdadan.

"Waxaan isku dayeynaa inaan helno waalidiinta dha;ay gabadha qabriga laga soo saaray, wax aana ka shakisannahay inay ka war qabaan sida ay wax u dhaceen, raallina ay ka ahaayen", ayuu yiri Mr Singh oo la hadlayay warbaahinta gobolka Uttar Pradesh.

Nin soo toosay isagoo naxash lagu wado

Waa kuma ninka 4,400 oo sano ku aasnaa Qabriga cajiibka ah ee dalka Masar?

XIGASHADA SAWIRKA,ANI Qoraalka sawirka,

Abhinandan Singh waa taliye ka tirsan booliska

Sida uu sheegay taliyaha booliska ah, ninka reer tu ulada ah ayaa qabri u qod ayay meydka gaba dhiisa.

"Iyagoo qabrigii qodis ku wada, oo oo hoos u gaaray ilaa 3 ft, ayuu badii lkoodii ku dhacay ashuun, wayna soo bixiyeen. Haddii ay eegeen waxaa ashuunka ku jirtay gabar yar", ayuu yiri Mr Singh, oo sharraxayay dhacd ada.

"Booliska ayaa markiiba cunugta yar ula car aray isbitaalka, waana la daweynayaa", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Map of India

Hindiya ayaa ka mid ah waddamada caala mka ee ay ka jirto sku dheellitirnaan la'aanta ugu badan ee ragga iyo dumarka. Haweenka ayaa inta badan lagu cunsuriyeeyaa dalkaas, gaar ah aan kuwa ka dhashay bulshooyinka saboolka ah.

Dadka u ol'oleeya in arrintaas lasoo afjaro a yaa sheega in dhaqanka ay bulshooyinka qaar kood heystaan ee wiilasha lagu doorbido uu sa bab u noqday in la dilo malaayiin gabdho oo yaryar.

Inkastoo inta badan gabdhaha aan loo baah neyn uurkooda la iska soo xaaqo, iyadoo la kaa shanayo dhakhaatiir sharcidarro ah, haddana wali waxaa jira gabdho badan oo marka ay dhashaan la dilo ama nolosha lagu aaso. XIGASHO:BBC

AJAANIBTA LAGA YAABO INAY AF-SOOMA ALIGA KAA BADIYAAN

Marka la maqlo qof Soomaali ah oo horumar ka gaaray barashada, ku hadalka ama qorista lu uqadaha ajnabiga ah waa arrin aan qayrul caadi ahayn, balse waxaa dhif ah in la arko qof aan So omaali ahayn oo si fiican ugu hadla afkeenna hooyo.Burburkii Soomaaliya kaddb iyo ka hor ba waxaa jiray dad ajnabi ah oo dhex galay dadka Soomaalida ah, kuwaas oo xitaa bartay dhaqanka iyo af-Soomaaliga. Dadkaasi waxaa ka mid ah:Paul Marino PAUL Qoraalka sawirka, KALSANTV Paul oo loo yaqaano Geedi

Paul oo Soomaaliya looga yaqaannay Geeddi wuxuu ka mid yahay ajaaninta ama cad daanka aadka u bartay af-Soomaaliga kaddib mar kii uu muddo dhowr sano ah joogay dalka. Wuxuu ku dhashay dalka Mareykanka.

Geeddi ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya tago uu tagay magaalada Bu ula-burte isagoo kalkaaliye caafimaad ah.

Wuxuu tilmaamay in dadka Buulo-burte ay ka caawiyeen inuu barto luuqadda iyagoo ku oran jir ay waad dadaaleysaa ee horay u soco. Xarfihii ugu adkaa markii uu Sooma aliga baranayay wuxuu ku sheegay DH, C, X iyo KH.

Paul ayaa ku heesi kara af-Soomaal iga, sidoo kale wuxuu yaqaannaa maahmaahyo badan.

Khubaro magacyo Soomaali ah u bixiyay maa lmaha iyo bilaha sanadka

Maxamed Daahir Afrax: Taariikhda Qoraaga buuggii ugu caansanaa ee Af Soomaali lagu qo ray

Maxaad ka taqaannaa magacyadii Soomaalidu u taqaannay bilaha?

Gabadha ajnabiga ah ee Af Soomaaliga ku qaadatay shahaadada PhD

Gabriel

Gabriel oo sidoo kale loo yaqaanno Jibriil oo ku dhashay dalka Mareykanka, gaar ahaa New York ayaa ka mid ah ajaanibta sida fiican u bartay af-Soomaaliga.

Gabriel oo ku koray magaalada Boston ayaa sheegay in af-Soomaaliga uu isaga isbaray. Wu xuu sheegay inuu soo iibsaday buug qaamus ah oo af-Soomaali iyo Ingiriis isku fasiraya iyo weliba buug naxwe ah. Sidoo kale wuxuu sheegay nin Soomaali ah uu ka caawiyay barashada luuqa dda.

Gabriel ayaa sheegay in sababta uu u bartay af-Soomaaliga ay tahay inuu caawiyo dadka qaxo otiga ah ee Mareykanka ku cusub iyo sidoo kale inuu xuquuqdooda u doodo, maadfaama uu ka shaqeeyay arrimaha xuquuqda aadanaha.

Professor Lid wan

Lid wan

XIGASHADA SAWIRKA,PLTV

Waa barafasoorad u dhalatay dalka Holland, balse 82-dii ayay tagtay Mareykanka. Waxay bare jaamacad ka soo noqotay jaamacadda Khartuum.

Lid Wan oo sidoo kale loo yaqaanno Ladan ay aa sheegtay in barshada af-Soomaaliga ay bil lowday sanadkii 1974-kii.

Waxay sheegtay sababta ay u baraneysay ay ahayd inay wax ka qorto taariikhda Soomaaliya markaas oo ay wax ka qoreysay taariikhda Itoo biya, Suudaan iyo Soomaaliya.

Hadafkii Ladan waa uu hirgalay oo waxay qort ay buug ay ku dhameystiran yihiin dhammaan wi xii ka dhacay dalka Soomaaliya.

George

Waxa uu ku dhashay dalka Ruushka ka hor da gaalkii labaad ee adduunka. Wuxuu sheegay in ku dhaw 50 sano inuu baranayay af-Soomaaliga iyo sugaantiisa. Wuxuu billaabay sanadkii 1962-kii, markaasoo uu arday ka ahaa Jaamacadda Mo scow. Xilligaas arday badan oo Soomaali ah ay aa magaalada Mowscow u joogay waxbarasho, kuwaas oo uu saaxiib la noqdya kuna dayan jiray hadalkooda, kaddibna tartiib-tartiib ayuu u baratay waxa ay ku hadlayaan.

Wuxuu sheegay in uusan gudaha Soomaa liya ka baran af-Soomaaliga markii uu baranayayna aysan jirin sabab gaar ah oo u baranayay.

Dr Bouthaina Dr Bouthaina Sayid Maxamuud Qoraalka sawirka,

Dr Bouthaina Sayid Maxamuud

Dr Bouthaina Sayid Maxam uud oo ah aqoonyahan u dhalatay dalka Masar, kuma aysan ekaanin oo kaliya in ay barato af-Soomaaliga, balse waxa ay sidoo kale ka dhigatay takhasuskeeda jaamac adda.

Ilaa heerka ugu sarreeya ee shahaadada loo yaqaanno PhD ee jaamacadda ayay ku qaadatay naxwaha af-Soomaaliga oo ay si wanaagsan u naqtiimisay.

Haweeneydan da' dhexaadka ah ayaa luuqadda ku baratay meel ka baxsan Soomaaliya, iyadoo xoogga ku saartay shahaadada mastarka iyo PhD-ga.

Bouthaina waxay ku biirtay kulliyadda af-Soom aaliga oo Jaamacadda Qaahira lagu soo kordhiyay 10 sano ka hor.

Maamulka Jaamacadda Qaahira ayaa maadd ooyinkooda ku soo daray af-Soomaaliga kaddib markii ay dhaceen mudaharaadyadii Kacdoonka Carabta ee curtay sanadkii 2011.

Gabayada iyo murtida kale ee Soomaalida ayaa ka mid ah culuumta ay takhasuskeeda ku qaadatay, sida ay noo sheegtay.

Iyadoo ka hadlaysa fal celinta laga bixiyay mar kii la arkay iyadoo ku hadlaysa af-Soomaaliga ayay tiri: "Dadka Soomaalida ah way farxeen mar kii ay arkeen gabar ajnabi ah oo baratay af-Soo maaliga."XIGASHO:BBC

In Ka Badan 200 Oo Qof Oo Lagu Dilay Wee rar Qowmiyadeed Ka Dhacay Itoobiya

Goobjoogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay Axaddii in inka badan 200 oo qof oo u badan qowmiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalkaas, waxayna ku eedeeyeen jabhadda Oromada taasoo markii dambe beenisay.

Waa mid ka mid ah weerar adii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Ito obiya, iyadoo xiisadaha qo wmiyadeed ay weli ka socd aan dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

"Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir, oo ka mid ah dadka deggan degmada Gimbi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press kadib markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkii Sabtidii. "Waxaan ku aaseynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka, waxaa hadda soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, balse waxaan ka baqeynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan”.

Goob-jooge kale oo magaciisa ku soo koobay Shambel, cabsi uu u qabo ammaankiisa, ayaa sheegay in qoomiyada Axmaarada ee deegaanka ay hadda si quus ah u raadinayeen in la raro "kahor intaysan dhicin dil wadareed kale.” Waxa uu sheegay in qowmiyadda Axmaarada ee hadda "loo laaynayo sida digaagga” ay deegankan 30 sano kahor kusoo degtay barnaamij dib u dejin ah.

Labada goob-jooge ayaa weerarradaas ku eedeeyay Ciidanka Xoraynta Oromada.



MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: MARKII LABAAD IYO XUJADA MAQAAMKA MUQDISHO


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare cusub. Hadda xilka ugu weyn ee gacantiisa ku haray waa guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dad badan oo eryanaya kursigaas ayaa lasoo warinayaa inay dhooban yi hiin xafiiska madaxweynaha. Siyaasiyiinta wax ka dhisatay madaxwe ynaha ayaa iyaguna olole u wada shaqsiyaad kala duwan oo ay

rabaan in midkood loo magacaabo xilkaan.

Sida ay wax ku socdaan, shacabka magaalada Mu qdisho waxay mar kale qaadanayaan guddoomiye gobol oo warqad madaxweyne ku magacaaban, wax ayna weli masaafo usii jiraan in iyaga loo madax baneeyo aayahooda.

Xasan Sheekh wuxuu marar badan sheegay intii uu mucaaradka ahaa in qa byadii uu sheegi jiray ay kamid aheyd inuu nidaam gaar ah u sameeyo gobo lka Banaadir. Hadda Xasan wuxuu mar kale nasiib u helay inuu xafiiska ku soo laabto, waxayna dadka eegayaan inuu hadalkiisii mucaaradnimada kursi doon ku ekaan doono ama inuu Muqdisho culeyskeeda wax ka badali doo no, oo uu billaabi doono geediga maamul u gaar ah magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho waxay marar badan si aan dhuumasho laheyn u sheegeen inay u baahan yihiin maamul u gaar ah oo ay iyagu do ortaan.

Nooca maqaamka ay magaaladaan yeelan doonto waxaa lagu xiray go’a anka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin waxaa ku lifaaqan iyadoo la tixgelinayo rabitaanka dadka magaalada

Dadka caasimadda ayaa su’aalo laga weydiiyey sanadkii 2017 nooca ma qaamka ay rabaan, laakiin nidaamkii madaxweyne Farmaajo ayaa joojiyey shir bishii December 2017 lagu soo bandhigi lahaa sida ay dadka caasim adda rabaan inuu noqdo maqaamka magaaladaan.

Muqdisho waa magaalada ugu dhulka ballaaran dalka, ugu dadka badan, u gu dhaqaalaha badan, ugu ganacsiga ballaaran, cashuurta ugu badan bix isa, haddana dhinaca kale waa magaalo aan matalaad siyaasi ah ku laheyn dalka, waa magaalada ugu amniga xun, dadka ugu badan agu dilo, midda u gu badan ee lagu gafo siyaasad ahaan iyo mid aan dadkeeda loo ogoleyn in ay go’aansadaan masiirkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa heysta imtixaankii labaad ee ku saab san magaalada Muqdsiho, haddii uu markii hore sheegay inuu dib u dhigtay hagaajinta nidaamka magaaladaan hadda ayuu gacanta ku hayaa fursaddii labaad.

Haddaba maxaa muhiim ah oo laga dhex raadin karaa xulashadiisa cusub ee qorsheysan?

Inkastoo aysan dooda noqon karin inuu hadda joojiyo isbadalka warqadda ku dhisan ee hoggaanka gobolka Banaadir, haddana waxaa madaxweyne Xasan la gudboon inuu magacaabo maamul heysta awood iyo waqti kooban oo magaalada ugu diyaariyaan inay is maamusho.

Ugu yaraan waa in la heli karo qof laba sano magaaladaan ku gaarsiin kara is doorasho. Macno badan dadka magaalada Muqdisho uma lahan guddo omiye la iska magacaabo oo aan la ogeyn waxa uu u taagan yahay.

Waa in xulashada cusub lagu saleeyaa qof dhallin kara maqaam oo haya fikradeedii iyo farsamad eedii ayey badi qabaan siyaasiyiinta deegaanka.

Iyadoo aan la dafiri karin caqabadaha awood qeybsiga beelaha iyo damaca beelaha uga wada jira inay wax ka helaan maamul madax banaan oo ay Mu qdisho yeelato, haddana sida loo qeybsanayo awoodda waxaa ka muh iimsan in marka hore la meel mariyo nooca uu noqonayo maqaamka caas imadda oo uu nidaamka cusub ee Xasan Shiikh hor-tabin ka dhigto.

Dadka reer Muqdisho intaan ka badan kuma hoos noolaan karaan guddo omiye gobol oo maqaar saar ah oo saacadii uu doono uu eryi karo mada xweynaha.

Helitaanka taageerada Xasan Sheekh ee shacabka caasimadda waxay ku xiran tahay sida uu mudnaan u siiyo halista maqaam iyo maamul madax banaan oo ay caasimadda yeelato ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre oo inta ugu badan noloshiisa ku qaatay magaalada Muqdisho, wuxuu dhowr jeer doodo hore ku muujiyey sida ay muhiim u tahay in dhibaatada taalo Muqdisho xalkeeda si dhab ah loo wajaho oo la helo maamul gaar ah oo dadku dhistaan lana xisaabtami karaan.

Xamza hadda wuxuu joogaa miiska go’aanka waxaana la eegayaa sida uu isna dhankiisa mudnaan u siiyo Muqdisho iyo maqaamkeeda.

By:_Saalax Saciid Sabriye

Caasimadda.net


TODDOBA KHASAARO OO SACIID DENI KASOO GAARAY DOORASHADII SOOMAALIYA


Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu dhawaan ku laa btay Puntland, wuxuu safarkaas gunaanad u ahaa dagaal siyaasadeed qaatay muddo 2 sano ah.

Dagaalkaan oo uu ku raadinayey fooqa ugu sarreeya xukunka So oma aliya ayaa kusoo dhammaa day inuu Saciid iska iimaansado hoggaankiisa Puntland.

Wuxuu furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Punt land ka sheegay inay kaalin fiican ka qaateen isb adalka hoggaamineed ee DFS.

Shacabka Puntland inta lala gaaray makaraf oonka saxaafadda madaxa-banaan waxay muuj iyeen in aysan u riyaaqsaneyn sida uu Saciid De ni u wajahay xaajadii federaalka.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa Saciid Deni ku sifeeyey siyaasigii ugu khas aaraha badnaa doorashadii dhawaan soo idlaatay ee Soomaaliya.

Dhowr arrimood ayaa daliil looga dhigay arri ntan, waxaana kamid ah:

1-Qarashka

Inkastoo dhammaan musharixiinta ay qarash geliyeen doorashada, sida soo saarista xildhibaanada, sii heyntooda, iyo sooryada habeenka doorashada madaxweynaha, haddana Saciid Deni waxaa la sheegaa inuu yahay ninkii bixiyey qarashkii ugu badnaa mudadii lagu jiray marxadda doorashada Soomaaliya.

2-Xilka madaxweynaha

Hadafka ugu weyn ee Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa inuu noqdo madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. 99 xildhibaan ayuu imaanti nko oda saameyn ku lahaa, laakiin Saciid Deni wuxuu ku dhameystay kaalinta 3-aad ee doora shada ma daxweynaha. 

3-Kursiga ra’isul wasaaraha 

Saciid Deni oo ay hal sano iyo dhowr bilood uga harsan tahay waqti xukunkiisa Puntland, wuxuu rajeynayey inuu heli doono kursiga ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa la sheegaa inuu Xasan Sheekh u sam eeyey ballan-qaad marqaatiyaal leh intaan loo gudbin wareegii 3-aad ee doorashada madaxwey naha, balse wax walba ayaa si deg deg ah isku badalay, kadib guushii Madaxw eyne Xasan Sheekh.

Kooxo ku hareereysan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay si weyn u diideen Saciid Cabdullaahi Deni, mar kale Saciid uma hagaagin hammigii ra’isul wasaaraha.

4-Cilaaqaadkii Jubbaland

Deni wuxuu dul-saartay kaarkiisa siyaasadda maa mulka Jubbaland. Kooxdiisa ololaha qaar waxay shaki ka qabaan inay hoosaasin jirtay. Cilaaq aadka labada dhinac hadda shaki ayaa hareena ya, iyadoo si weyn looga dharagsan yahay wixii uu Saciid Deni u huray Axmed Madoobe.

5-Niyadda beesha kore

Deni wuxuu horey fagaaro uga sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in Farmaajo la bix iyo. Marka la joogo siyaasadda Soomaaliya xis aabtu waa 4.5.

Isbadalka dhacay 15-kii May kaliya ma qusee yo Xasan iyo Farmaajo ee wuxuu sidoo kale qus eeyaa xisaabta beelaha. Inuu Deni sabab u ahaa inuu kursiga dhaafo xisaab beeleedka isaga iyo Farmaajo waxay ka lumisay Saciid dadka badan oo reerkaas ah oo dhallinyaro iyo dhaqan u badan.

6-Siyaasiyiinta waaweyn ee Puntland

Saciid Deni wuxuu sanadkaan u bareeray inuu masraxa ka xaalufiyo siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland si uu hadafkiisa u gaaro kuwaas oo uu badankood u diiday inay ku biiraan Baa rlam aanka. Isaga iyo xubnahaas waa kala jeesteen, laakiin ma uusan gaarin sababtii uu dakanadaas u abu urtay.

7-Habacsanaanta doorashooyinkii Puntland

Intii uu Saciid Deni eryanayey hadafkiisa feder aalka waxaa si weyn hoos

ugu dhacay mashruucii doorashada dadweynaha ee Puntland.

Sidoo kalana wuxuu maamulka dhowr jeer dha dhamiyey khilaaf gudaha ah.

Dhacdooyinka waa kuwa loo arko inay kamid yihiin khasaarooyinkii Saciid Cabdullaahi Deni, ka as oo gaaray doorashadii dhawaan soo idlaatay ee Soomaaliya.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Mas’uul katirsan Xisbiga Mucaaradka ee UCID oo Habeen hore la dilay

Kooxo hubeysan ayaa Habeen hore Magaalada la as-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dishay Gudoomiyihii xisbiga Ucid ee Gobolka Sool Max amed Axmed Faarax(Aflahaar), sidoo kalena mar kamid noqday Golaha degaanka Magaalada laas-caanood.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsa tay, sida ay sheegeen dad ku sugan Magaalada laas-caanood, waxaana xilliga la dilayay uu sii ga layay Gurigiisa.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.Dhowr jeer oo hore ayaa Magaalada laas-caano od waxaa lagu dilay dad xilal ka haayay Somali land, waxaana taasi ay keentay in Somaliland M/ laas-caanood kasoo musaafurisay Boqolaal qof oo kasoo

jeeday degaannada Koonfur Galbeed , hayeeshee weli dilalka ay dhacayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip