HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 18-KA JUUN 2022

1
Saturday June 18, 2022 - 08:11:18 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 18-KA JUUN 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray dagaalkii BAXDO

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud oo war ka soo saaray dagaalkii Shalay ka dhacay degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa bogaadiyey dadka deegaan ka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka degaanka Baxdo ku amaanay sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen kooxda Al-Shabaab oo Shalay weerar ‘bahalnimo ah’ ku soo qaaday deegaankaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee bulshada Baxdo iyo ciidanka xoogga dal ka ay gaarsiiyeen Al-Shabaab soo weerartay ay muu jinayso sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh ay iskaga dulqaadi karaan dhibaatada ay argagixisadu ku hayso.

"Reer Baxdo, waxaad Shalay cashar lama ilaawa an ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo mu ujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagi xisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Mad axweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa Alle Janna tul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan, kuwaas oo difaacayay dhulkooda iyo dad kooda, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee waxyee ladu ka soo gaartay weerarkaas.

Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa wa xaa jab weyn lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, waxayna magaalada dhexdeeda uga carareen mey dad tiro badan, kadib markii ay awoodi weysay koo xdu inay qaadato.

Sida ay shaacisay idaacadda VOA, Al-Shabaab ayaa waxaa dagaalkaas looga dilay ugu yaraan 40, halka uu jiro tira kale oo dhaawaca ah oo dagaalka lagu gaarsiiyay dagaal-yahanad kooxda.

Sidoo kale dadka deeganka Baxdo ayaa waxay soo bandhigeen saddex kamid ah maleeshiyada oo dagaalka lagu qabtay.

Galmudug iyo Al-shabaab oo guulo ka kala shee gtay dagaal khasaare badan geystay oo ka dhac ay deegaanka Baxdo

Waxaa isa soo taraya marba marka ka damb eysa khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo Shalay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Bax do ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciida mada Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deega ankaasi.

Dagaalka oo ka dhex bilawd ay Salaadii subax ka dib gudaha deegaanka Baxdo ayaa socday mudo 2 saacadood ka badan, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Ax med Shire Falagle oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalka Shalay ka dhacay deega anka Baxdo lagu dilay 45 kamid ah dagaalameya asha Al-shabaab, isla markaana ay ku qabteen rag kale oo ku jiraan shan ajaanib ah.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo gurmad ah ay geeyeen deegaanka Baxdo, isla markaana ay ku raad joogaan raggii weerarka soo qaaday ee baxsaday deegaanka.

Dhinaca kale dagaalamayasha Al-shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay dagaalka Shalay ka dhacay deegaanka Baxdo, kuwaas oo ku daabacay baraha ay ku leeyihiin Internetka in dagaalkaas uu ahaa qorshahiisa mid ay kaga hortagayeen abaabul ciidan oo iyaga ka dhan ahaa oo ka socday deega anka Baxdo, islamarkaana lagu uruurinayay ciidamo katirsan Galmudug si ay ugu duulaan goobaha ay ka joogaan deegaanada Galmudug. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dishay 27 kamid ah ciidam ada ku sugnaa deegaanka Baxdo, islam ark aana dhankooda ay ka geeriyootay ilaa 9 ka mid ah dagaalamayaashii Shalay qaaday dagaalka ka dhacay Baxdo.

Xaalada deegaanka Baxdo ayaa haatan ah mid dagan waxaana gacanta ku haya ciidam ada ma amulka Galmudug iyo dadka deegaanka, waxaana xusid mudan in dagaalamaayashii Shabaab ee Shalay weerarka culus ku qaaday deegaanka iney dib uga laabteen, walow waqti walba la filan karo in dagaalo kale halkaasi dib uga qarxaan.

Xamza oo la kumay Ra’iisul Wasaare ROOBLE

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay booqasho iyo salaan ugu tagay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha cusub Md. Xamza Cabdi Barre u rajeeyay in Eebbe la garab galo mas ’uuliyadda qaran ee loo igm aday.

Arbacadii ayey aheyd mar kii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u ma gacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamza, taasi oo uu si weyn u soo dhaweeyay Maxamed Xus een Rooble.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Ca bdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Shalay u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaara ha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha mag acaaban u rajeynayaa guul,” ayuu Rooble ku yiri qor aal uu soo saaray Arbacadii.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa tan iyo markii la magacaabay kulamo ka bilaabay magaala da Muqdisho, isaga oo la kulmay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasi oo ahaa kulankoodii u horreeyey oo ahaa mid is barasho ah.

Sidoo kale waxa uu wada-hadalkii ugu horreeyey la yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe oo ku sugan magaa lada Muqdisho.

Kulanka Cali Guudlaawe iyo Xamza ayaa ujeedk iisu waxa uu ahaa mid salaan iyo isbarasho ah oo ka dhashay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Dorraad uun la magacaabay.

Labada mas’uul ayaa intaasi kadib iska xog war eystay xaaladda dalka, gaar ahaan isbedalka siyaas adeed ee dalka dhacay iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

Sidoo kale waxa ay diiradda isla saareen waxya alaha hor-tabinta u ah waxqabadka xukuumadda cu sub oo ay ka mid yihiin u gurmashada dadka ay ab aarahu saameeyeen, amniga dalka iyo arrimaha dib uhishiisiinta.

Dowladda Xasan Sheekh oo heshay taage ero deg deg oo ah 100 milyan oo dollar

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mar wo Kristina Svensson oo la kulantay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacisay in Bang iga Adduunka uu dowladda ku taageerayo 100 Mily an oo dollar.

Kulanka Xasan iyo Kristina ayaa waxaa looga wa da-hadlay xoojinta wada-shaqeynta Bangiga Addu unka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan.

Marwo Kristina ayaa sheegtay in lacagtaan uu Bangiga Adduunka ku taageerayo 12-ka billod ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda.

Sidoo kale waxay ku amShalayy Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay dib u hab eynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa soo bandhigay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadida adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinya rada. Ugu dambeyntiina waxa uu Bangiga Adduunka ugu baaqay in uu kala shaqeeyo dowladda casri yeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowl adda Ffederaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub Oo Codsi U Diray Gud doonka Golaha Shacabka Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumad da Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiyaha Gol aha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Ra’I isul Wasaaraha Dorraad la magacaagay ugu ham balyeeyay xilka loo dhiibay, isa goona Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyada xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Xuku umadda dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Gudd oonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda ka codsaday in ay ku gacan siiyaan sidii uu heli lahaa kalsoonida Golaha, si uu usoo dhiso xukuumad cusub.

Guddoomiyaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha magac aaban uu sheegay in dedaal dheer loogu baahan yahay in dalkan laga samata-bixiyo marxaladaha kala duwan ee dalka ka jira sida Abaaraha, ka dib marka uu helo codka Kalsoonida Baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha shac abka Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa qayb ka ahaa kulanka, iyagoona dhankooda ugu hambaly eeyay xilka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud u magacaabay Xamse Cabdi Barre

Sheekh Usuuli oo si cajiiba ugu hadlay kiis ka Ikraan digniina u diray shacabka

Sheekh Usuuli oo ka mid ah culumada Soom aaliyeed ee bulshada uga jawaabta su’aalaha diiniga ah ee ka dhex guuxaya ayaa ka jawaabay su’aal la ga weydiiyey isku tuur-tuurka uu galay kiiska Ikr aan Tahliil, xilli uu toos u fadhiyey barnaamij ka bax ay TV-ga Universal. Sheekha ayaa fariin la xariirta kii ska Ikraan Tahliil u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga digay inay la kala saftaan siyaasiyiinta isku eedeyneysa dilka Ikraan.

Wuxuu soo jeediyey in kiiskaan maxkamad la geeyo oo ragga isku eedeynaya halkaas lagu kala saaro, balse aan lala kala safan siyaasiyiin faraha isku fiiqeysa, "Shacabow arrintaan afkiina ka beri-yeela,” ayuu yiri.

Sheekh Usuuli ayaa sheegay in shacabku ay baraha bulshada ka difaacayaan siyaasiyiinta, "War yaa kuu sheegay waxaan aad ku doodeyso? Maxkama dda malagaa wacaa berri oo ma ku marqaati furee? Maka jawaabeysaa haddii lagu weydiiyo sidii loo dilay Ikraan? Cadeyn haddaadan heynin iska aamus walaalow,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Usuuli.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qof kasta oo Shalay uu Ilaahey ka beri-yeelay kiiskaan uu nasiib leeyahay, "War shacabow ilaahey ka cabsada, gabar dhiigeedaa la isku heystaa, dhiiguna waa khatar, waxaan ilaahey ka baryaa inuu dhiiga gabadhaas xa qa ka soo saaro,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qof kasta looga ba ahan yahay inuu gacan ka geysto sidii kiiskaan max kamad loo geyn lahaa, balse laga baaqsado marin habaabinta, "Buuqa la kicinaayo waxaa looga dan-leeyahay in dacwada taalla ay noqoto mid aan wax ka soo qaad laheyn, qiyaamaha waa la qabsanayaa dadka ka qeyb qaadanaya marin habaabinta dhiiga gabadhaas,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Shacabow waxaan id inku waaninayaa, ka gaabsada kiiskaan, haka qeyb qaadanina marin habaabintiisa, qof kasta ninka uu taageerayo maalinta qiyaame waa uu ka carari do onaa, nin kasta oo qof tuhmay cadeyn ayaa laga

Rabaa.”

Maxay magacaabista Xamza Cabdi Barre uga dhigan tahay siyaasadda Soomaaliya?

Agaasimaha Machadka Heritage ee fadhigiisu ya hay Magaalada Muqdisho, Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo markii u horeysay ka hadlay magacaabista Ra ’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay So omaaliya uga dhigan tahay in ay u jiheysatay siyaasadda xis biyada.

Prof. Afyare ayaa qaba in ma gacaabista Xamza ay sare u qaadeyso awoodda xisbiyada, taasi oo siyaasadda ka dhigeysa mid leh aragti iyo jiho ka badalan middii sanadaha badan lag u hogaaminayay dalka, sida uu hadalka u dhigay.

"Ra’iisul Wasaaraha waxa uu kamid ahaa xisbigii uu hogaaminayay madaxweynaha, runtii waa arrin muu jineysa in loo socdo nidaamka xisbiyada oo halkii hore ee dad aan is aqoon isugu imaanayeen labada xil u sareeya waa soo badalatay, waana horumar ayaa isleeyahay marka dhinacaas laga fiiriyo,” ayuu yiri.

"Waxaa isleeyahay markasta oo loo sii dhawa ado xisbiyo in siyaasadda ay waji, jiho iyo aragti ay yeelaneyso.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ra’iisul Wasaar aha ay hor-taallo dhaqan-gelinta hal-ku-dhigii olola ha madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ahaa "So omaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah”. "Golaha ha la xoojiyo oo dooduhu ha ka dhacaan oo go’aam ada lagu gaaro ha noqdaan, oo yeysan noqon Gole uu iska leeyahay Ra’iisul Wasaaraha ama Madaxw eynaha.Waxaa ku talinay in habka loo habeynayo wasaaradaha ay noqdaan hab la socda caalamka hadda cusub.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya u magac aabay Xamza Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, horena u soo noqday xoghayihii xisbiga madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexe eyay 2011-2017.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu ho rreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa R/wasaarihii ugu horeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo

Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisl eyda oo la wareegay deegaanka Jiracle ee gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashana ya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa Shalay la wareegay gacan ku heynta deegaan ka Jiracle oo fariisin u aheyd mudooyinkii da mbe dag aalamayaas ha Al-shabaab, sida ay warbaahinta u xaqiijiy een dadka deegaanka.

Todobaadkaan gud ahiisa waxaa ka dhacay dhowr jeer inta u dhaxeysa magaalooyinka Matab aan iyo Baledweyne dagaalo xoogan oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada loo yaqano Macawisleyda.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Macawiisleeyda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa Shalay lagu arkaya deegaanada dhaca waqooyiga magaalada Baledweyne oo maalmahii lasoo dhaafay inta badan ay ku sugnayeen Al-shabaab.

Habeen hore ayay aheyd markii dagaal culus uu ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisle yda oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab deegaanka Bacda oo ka mid ah deegaanada hoostaga degma da Matabaan ee gobolka Hiiraan, kaasoo wali aysan ka hadlin labada dhinac khasaaraha ka dhashay dag aalka Habeen hore dhexmaray. Dagaalada soo noqnoqday ee dhowrkii maal mood ee lasoo dhaafay ka dhac ayay deeg aanada hoostaga Matabaan ayaa imaan aya xili dhawaana haanba dagaalmaya asha Al-shabaab isku balaarina yeen deegaana da u dhaxeeya Baledweyne, Matab aan iyo Maxaas

R/W Xamse Oo Khadka Teleefonka Kula Hadlay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Mudane Xam se Cabdi Barre oo khadka telefonka kula hadlay Madaxweyneynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Maxamed Cagjar ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan, isagoo ka guddoomay Hambalyo ku aadan magaca abistiisa.

Qoraal kooban oo uu Mudane Xamse Cabdi Barre ku daabacay bogiisa ayaa u qornaa sidan.

"Waxaan qadka telefoon ka kula hadlay Madaxw eynaha dowlad deegan ka Soomaalida Itoobiya Mda.Mustafa Maxamed Cagjar isaga oo igu ha mbalyeeyay Xilka la ii magacabay.

Madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay xaal adda Soomaalida dowlad deeganka Itoobiya iyo sida ay dowladda Soomaaliya ugu gaabisay mashaaricda Hormarinta Soomaalida kunool Jigjiga, Madaxweyna ha Waxaan la wadagay in dowladda cusub ay garab tagan tahay walaalaheed JIGJIGA.

Ugu Dambeyntii waxaan ku heshiinay sidii Soomaa lida Deegaanka u yahay Itoobiya ay qeyb ugu noqon lahaayeen Dowlad dhiska Soomaaliya.

Xog: Dalka ugu horreeya ee madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho ku tegayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa horraanta toddobaadka soo socda saf arkiisii ugu horreeyey, tan iyo markii dub loo doortay, ugu baxaya dibedda dalka, sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu u safro dal ka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo uu ka helay ca suumad madaxweyne oo rasmi ah, sida ay ilo-ware edyo lagu kalsoon yahay u sheegtay inay xaqiiji yeen Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheekh Mohamed bin Zay ed Al Nahyan oo 13-kii May noqday amiirka Abu Dhabi iyo madaxweynaha dalkaas, kadib markii uu geeriyooday walaakiis Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka labada dal, oo uu bilihii tegay dib usoo nooleeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble kadib markii uu go’naa tan iyo bishii April ee 2018.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu sii maro dalka Jabuuti, balse weli lama xaqiijin.

In madaxweyne Xasan uu Imaaraadka Carabta ka dhigto dalka ugu horreeya ee uu booqanayo ayaa direysa farriin siyaasadeed weyn oo gudaha iyo dib edda dalka ah.

Shantii sano ee lasoo dhaafay ee uu dalka xuk umayey madaxweyne Maxamed Cabdullaa hi Far aamjo, Imaaraadka Carabta ayaa laga go’doomiyey siyaasadda Soomaaliya, lagana doorbiday Qatar, inkasta oo Soomaalida ay xiriir ganacsi oo taariikhi la leedahay Abu Dhabi.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta inta aanu xilka qaban u olol eyn jiray in la hagaajiyo xiriirka Imaaraadka Car abta, maada ama ay si weyn isugu xiran yihiin Soomaalida, oo ay wadaagaan dano ka waaw eyn kuwa Qatar, si gaar ahna ganacsiga.

Booqashadan ayaa Doha u direysa farriin ah inay si rasmi ah usoo geba-gebowday saamey ntii xoog ganeyd ee ay ku laheyd siyaasadda Soomaaliya shanti sano ee lasoo dhaafay ee uu Farmaajo dalka xukumayey.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa sheegtay in ay fahansan tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan wax dan ah la lahayn inuu colaadiyo Qatar, balse uu doonayo in Soomaaliya ay dhammaan heshiis la ahaato dalalka gobolka, taasi oo qeyb ka ah siyaasa ddiisa; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah. Xigasho:caasimadda.net

Soomaaliya oo liiska awoodda militariga uga sare martay dal ka tirsan NATO iyo Yurub

Bogga Golobal Firepower oo sanad walba soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalamka ayaa cusboonaysiin ku sameeyay xogtii sanadkan oo meelaha qaar isbaddallo laga arki karo.

Sida caadiga ahaydba, xagga sare ee liiskan, sadde xda dal ee ugu awoodda badan militeriga adduunka waa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo sida ay magacyadooda u kala horreeyaan isugu xiga.

Hase yeeshee, haddii aad eegto meesha ugu hoosa ysa, waxaa kuu muuqanaya isbaddal aan horay looga baranin liiska.

Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan, Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalam ka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Kosovo iyo Bhutan.

Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad oo kasii ho os maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu damba ysa ka galay liiska.

Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yur ub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo.

Sida ku xusan xogta GlobalFirePower, Iceland waxa ay shacabkeeda ka heli kartaa 81,474 qof oo awood u leh inay militeri noqdaan. 48,070 ka mid ah dadkaas waxay xilli kasta diyaar u noqon karaan in loo qoro ciidanka qalabka sida. Sanad walba waxaa da’da militeriga soo gaara 1,779 ruux.

Balse sidaasoo ay tahay Iceland ma laha ciidan dhisan oo militeri ah. Waxaase uu waddankan leey ahay nidaam difaaca hawada ah, ciidamo ilaalada xeebta u qaabilsan, boolis iyo ciidamada maamulka.

Militeriga Iceland lama dhisin tan iyo sanadkii 1869-kii balse waddankan waxa uu xubin ka yahay isbaha ysiga NATO ee ugu awoodda badan caalamka.

Maxkamadda Ciidamada Oo Shalay Xukun Ku Riday Lamaane Daacish Oo Eed Loo Heysto

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Shalay xukuno ku riday Nin iyo Haweeney lagu ee deeyay dembi ah inay ka tirsan yihiin ururka Daac ish, kuwaasi oo 05-tii bishii lasoo dhaafay ee May lagu xeray xabsiga dhexe Magacyada Ninka iyo haweeneyda la xukumay ayaa lagu sheegay Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim oo loo heysto in ay ka tirsan yihii Daacish, isla markaana isku guurs adeen magacyada Mustaf iyo Xaawo.

Dayib ayaa ku Eedeysan samaynta Qaraxyada halka Xaliimo ay ahayd soo dhawaynta xubnaha Da acish iyo kaydinta Hubka ay dhibta ku gaysanayaan, waxaana Eedeysanayaasha la xiray March sanadk an. Garsoorka ayaa ka dalbaday Xeer Ilaalinta in ay la yimaadaan cadaymo dhamaystiran oo lagu Max kamadayn karo Dayib iyo Xaliimo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer ka dib Maxkamadda Ciidamada Waydiistay in la maxka madeeyo raggan billowgii June, isla xilligaas ayay Maxkamadda aqbashay dhegeysiga Dacwadda laba Eedeysane.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor Cadeeyay labada Eedeysane in ay is qabeen laakiin ay isku Guursadeen Magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxa ay Maxkamadda ka hor sheegeen Eedeysanay aasha in Sarkaalkooda uu isku doonay, sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.

Dhowr fadhi kadib Shalay ayay Maxkamadda ku wada xukuntay min 15-sano oo Dayib Macalim Max amed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore G/le M/med Cabdi Muumin oo ka tirsan MaxkamadaCQS

Kulane iyo Biixi oo la sheegay inay ka dambee yeen dhacdadii Gedo ee Talaadadii

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi oo warbaahinta la hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in gobolkaas ay weli ka jirto dhibaatadii maamul oo ay gelisay dowladdii Farmaajo.

Guddoomiye Al-Qaadi ayaa sheegay in dadka reer Gedo ay weli dhiba ne u yihiin Xildhibaan Ca bdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis iyo Tali yaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi oo weli ka arr imiya gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Qaadi ayaa intaas ku daray in labadaas nin ay hadda hor istaageen duullimaadyadii gobolkaas, "Dad shacab ah oo rabay inay ka baxaan Muqdisho ayaa laga hor istaagay Dorraad, waana ka xunahay waxa weli ka socda gobolka Gedo,” ayuu yiri Alq aadi.

Al-Qaadi ayaa tixraacayey diyaarad siday shacab oo Talaadadii loo diiday inay ka degto degmada Lu uq, sababo la xiriira inuu saarnaa Guddoomiyihii deg mada Luuq ee gobolka Gedo, garabkii taageersanaa maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdullahi Gar-dhuub, wuxuuna Al-Qaadi ku eedeeyey Kulane iyo Biixi inay ka dambeeyeen dhacdadaas.

Maxamed Gar-dhuub ayaa Talaadadii markii u gu horeysay u safray gobolkaas, kadib isbedelkii ka dhacay dalka, balse raga hadda maamula gobolkaas ayaa diyaaradda ku wargeliyey in guddoomiye Gar-dhuub aysan Muqdisho ka soo qaadi karin.

Al-Qaadi wuxuu nasiib darro ku tilmaamay isbed elka dalka ka dhacay in uusan weli gaarin gobolka Gedo, oo dhibaatadii maamul ee dowladii Farmaajo ay abuurtay ay weli ka taagan tahay.

"Gedo Shalay waxay mareysaa in duulimaadyadii oo dhan laga xiro, mana u dul qaada karno in Biixi iyo Kulane ay sii dhibaateeyaan dadka reer Gedo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Gedo.

Sidoo kale Al-Qaadi ayaa fariin u diray madaxwe ynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo ugu ba aqay dadkiisa reer Gedo uu dhibaatada ka dul qaa do oo maamulkoodii uu u soo celiyo.

Xamza oo hadda ka hor si cajiib ah uga hadlay maqaamka MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo hadda ka hor ka qeyb galay dood ku saabsaneyd maqaamka Muqdisho ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda ay reer Muq disho u leedahay inay helaan metelaada ay xaqa u leey ihiin.

Doodaan oo la qabtay maa lmihii ay jirtay hadal heynta 13-kii xubnood ee Farmaajo uu sheegay in Aqalka Sare laga siinayo reer Muqdi sho ayuu Xamza ka sheegay in Farmaajo uu sirayo bulshada gobolka Banaadir, isla markaana lagu beer-laxowsanayo kuraas aan la sii doonin.

Waxaa rumowday doodii uu maalintaas Xamza ka jeediyey madal ay ku sugnaayeen siyaasiyiin uu ku jiray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana dad ka reer Muqdisho looga baxay balan qaadkii 13-ka kursi.

Sidoo kale intii ay socotay doodaas Ra’iisul Was aaraha cusub wuxuu soo bandhigay sharaxaad dhe er oo muujineysa sida uu u doonayo in bulshada gob olka Banaadir ay helaan metelaadooda.

"Caasimadaan ay malaayiinta qof ku noolyihiin ee dowladdu degan tahay, dadkeedana aad loo can shuuro, jidadka laga xiro, qaraxyadana lagu laayo da dkeeda, waxaa u dheer adeeg la’aan xitaa ma hel aan biyo nadiif ah, caafimaad lama siiyo, jidadka looma dhiso, wax adeeg ah, haba yaraatee owlada an kama helaan,” ayuu yiri xiligaas yiri Ra’iisul Was aare Xamza. Sidoo kale Xamza wuxuu xiligaas ku dhaliilay dowladii Farmaajo inay ku celcelineysay in ay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku guul dareysatay inay maamul u soo dhisto gobolka Banaadir. "Reer Muqdisho xaq waxay u leeyihiin in ay maamulkooda soo doortaan oo helaan adeeg dowladeed, loona maamulo sida shucuubta degan caasimadaha caalamka, 13-kaan kursi ee la sheega ayo waa lagu indha sarcaadinayaa, yaa soo dooran aya horta? Waxaa looga gudbayaa caqabado mark aas taagan ee 13-ka xitaa ma heli doonaan reer Muq disho,” ayuu xiligaas yiri R/Wasaare Xamza Barre.

Ciwaanka doodii uu ka qeyb galay xiligaas ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ahaa "Do wlad-dhiska Soomaaliya iyo maareynta xiligga kala guurka siyaasadeed.”

Howlgalka Midowga Yurub Oo Agab Ciidan Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga ayaa agab ciidan oo casri ah kala wareegay howlg alka Midowga Yuruboo taageero siiyo dowladda Federaalka Soomaal iya. Taliyaha Ciida nka Lugta ee Soomaaliya Janar aal, Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u lee yahay howlaglka ciidanka xoogga, wuxuuna xusay in guulaha ciidanka ay qayb ka tahay adeegsiga qalab ka

Agaasimaha guud ee Wasaara dda Gaashaandhig ga XFS Md.Xasan Maxame Siciid Samatar ayaa ho wlg alka Midowga Yurub ugu mahad celiyay tababarrada iyo qalabaynta ciidanka xoogga ay mar kasta la gar ab taagan yihiin

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu faray Ciidanka Xoo gga dalka inay sidii loogu tala-galay u adeegsadaan agabka ee howlgalka Midowga Yurub ku wareejiyay dowladda

Howlgalka Midowga Yurub ayaa taageero dhinac yo kala duwan ah siiya dowladda Federaalka, wux uuna howlgalka Ciidamada xoogga dalka ka taag eeraa tababaro iyo latalin joogta ah siiya saraakiisha iyo Ciidamada dowladda, gaar ahaan Ciidanka Milatariga

Wasiirka Beeraha XFS oo daahfuray masrax loogu talagalay Horumarinta Beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS Siciid Xus een Ciid ayaa Shalaydaah-furay Masraxa Horum arinta Beeraha oo muddo 30 sano kadib lagu sam eeyay dib u dhis.

Kulankii daahfurka waxaa ka qetbgalay mad axda wasaaradda,khuburo ka socotay beeraha, iskaashatooyinka beeraha iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kul ankaasi.

Masraxaan ayaa shaqadiisu noq oneysaa halka la gu soo bandhigo awooda aqooneed iyo xirfadda la ma huraanka u ah beeraleyda.

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen oo lagu dilay Masjidkii horey loogu dilay aabihiis

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Waloore) oo ka mid ahaa Nabadoonada Gobolka Mudug ayaa Habeen hore lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Kooxo hubeysan ayaa nabad oonka ku dilay xaafadda Garsoor ee Waqoo yiga Ga alkacyo, xilli uu ka soo baxay Masaajidka Macmuur oo Salaaddii Cishaha uu ku soo tukaday. Goobjoog ayaal ayaa sheegay in kooxahaasi ay ka baxsadeen goobta, ka hor intii aanay gaarin ciida mada amniga. Bishii August ee san adkii 2011 waxaa isla Masaajidkan la gu dilay aabihii Nabadoon Xasan Xus een Aw Maxamed (Waloore).

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Waloore) ayaa ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug ee dhexda u xirtay xasillinta iyo masaalixda Magaalada Gaalkacyo. Laamaha amniga gobolka Mudug ee Pu ntland ay aa weli ka hadlin dilka Nabadoon Cabdiq ani Wal loore, oo imanaya xilli dilalka qorsheysan ay maal mihii tegay kusii kordhayeen magaalooyinka Puntland.

Subaxnimadii Talaadada, waxaa la dilay taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho, Cumar Hiira ad Kaatuun, ayada oo la sheegay inay dilka ka damb eeyeen koox hubeysan oo cabtoy ah, sida uu warb aahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka, Cabdi Saciid Cismaan

Faah faahin dheeraad ah ma bixin Cabdi Saciid, balse waxaa la sheegay in xilliga la dilayey taliyaha uu ku jiray howlo shaqo, gaar ahaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurm ashada dadka ay saameysay Abaarta

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaa liya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo gur madka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabd ish akuur Warsame ayaa kulan Magaalada Nairobi kula qaatay mas’uuliyiinta Safaaradda Canada ee Sooma aliya.

Xubnaha safaaradda Kanada oo uu hoggaam inaayay xoghaya koowaad ee safaaradda ayaa warb ixin ka siiyay Ergayga howlaha horumarinta iyo gar gaarka isugu jira ee ay ku taa geeraan Soomaaliya.

Ergeyga oo dhankiisa uga ma hadceliyay dowladda Kanada sida ay u garab qab anayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaan shiyaha Kanada ee dee qbixiyaha afaraad ee dhaq aalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.

Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay haddii qeyb ka mid ah dhaqaalaha hor umarinta loo weecin karo howlaha gargaarka bini’ aadannimo iyo abaaraha iyaga oo intaas ka dib ka wada hadley siyaalaha kala duwan ee ay Safaarad du gacan uga geysan karto sare u qaadidda wacyiga iyo muujinta sawirada dhabta ah ee heerka Abaarta iyo sidoo kale saameynta guud ee Kanada ku yeelan karto hayadaha iyo waddama laga filan karo in ay gacan ka geystaan Abaarta.

Dhammaad

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrim aha Abaaraha waxaa uu kulamo kala duwan la qaa da ayay Wakiilada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlayay sidii loogu gurman lahaa dadka ay Sooma aliya ku saameeysay Abaarta.

Wasiir Ka Tirsan Hirshabeelle Oo Isku CasI lay Ballan Qaadyo Uu Fulin Waayay Guudlaawe

Wasiirkii Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo dib u dejinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur ayaa ku dhawaaqay inuu xilka Casilay, uu na Warqadiisa is Casilaada u gudbi yey Madaxwene Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Qoraal uu soo saaray Cabdikariin Cali ayuu ku faah faahiyay sababta keen tay inuu xilka iska Casilo, wuxuuna marka hore sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu fuliyay ballan-qaadyadii uu ku tegay Baladweyne oo aheyd inuu saxayo awood qeybsiga Hirshabeelle.

Wasiirkii Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo dib u dejinta Maamulka ayaa sheegay in muddo 25 Bilood uusan helin wax Mushaar ah ama guno ah, isla mar kaana uu horey u ogaa in Hirshabeelle ay heyso dhaqaalo xumo baahsan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayuu u sheegay Cabdikariin Cali inuu Go’aan ku gaaray inuu shaq ada isaga tago, isagoona intaas kusii daray in dadki isa aysan heysanin matalaadii ay ku lahaayeen Ma amulka Hirshabeelle ama awood qeybsigii lagu ballamay.

Madaxwayne Mustafe cagjar oo xukuumad dii hore ku sheegay mid shaqsi waxa uu hab eenkii ku seexdo Aroortii sharci noqonayay

Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee de gaanka Soomaalida, isagoo si gaar ah uga warbixiyay xaaladihii kala duwa naa ee uu soomaray degaanku.

Madaxwaynuhu wuxuu xusay in markii xukuumadiisu degaanka timid ay la kulantay caqab ado ay kamid ahayd, nidaamkii dowladnimo ee me esha ka jiray oo ahaa mid burbursan, maadaama sida uu sheegay Madaxwaynuhu uu degaanku xil ligaa ka jiray nidaam wax walba uu hal qof gacantii ku jiray, taasina ay wakhti qaadatay sidii loo hagaajin lahaa ee loo sixi lahaa

Madaxwaynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in waxyaabo badan ay uga qabsoomeen degaanka intii uu xilka hayay, sida xuquuqul insaanka oo horey deg aanku ahaa mid lagu tunto xuquuqda bani'adamka, haddase uu isbaddel ka jiro dhinacaas.

DhinacaXorriyadda hadalka iyo madax banaan ida saxaafadda waxa uu Madaxwaynuhu sheegay in isbaddal wayn dhinacyadaas lagu sameeyay, oo da dku hadda ay si xor ah fikiradooda u cabbirayaan, halkii markii hore mid degaanka jooga iskadaaye mid dibadda jooga uusan si xor ah fikirkiisa ugu cabbiri karin baraha ay bulshadu ku xiriirto, waa siduu hadal ka u dhigay Madaxwayne Mustafe cagjar.

Waxa kale oo Madaxwayne Mustafe cagjar sheeg ay in waxyaabaha u hirgalay intii uu xukunka qabtay ay kamid ahayd, in ururadii dagaallamayay oo ay ka mid ahayd ONLF lala xaajooday oo lala fadhiistay, is la markaana iyagu ku qanceen in mabaadiidooda ay si xor ah degaanka uga fulin karaan, iyagoo xafiisyo kala duwan degaanka ka furtay. Dhinaca Nabadgal yada oo wax walba aasaasi u ah, Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in degaanka ay hadda ka jirto Na badgalyo ku timid rabitaan shacab, halka markii hore ay degaanka ka jirtay Nabadgalyo ku timid cabsi ga lin iyo argagax waa siduu hadalja u dhigay Madaxw ayne Mustafe cagjar.

Ugu dambayn, Madaxwayne Mustafe cagjar wa xa uu sheegay in haba yaraatee aysan jirin dad nid aam aargoosi ah ugu xiran xukuumaddiisa kuwaas oo kamid ahaa xukuumaddii isaga ka horreysay.

Mareykanka oo gacanta ku dhigay Sarkaal katirsan Kooxda Daacish

Ciidamada Isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareyka nka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hogga amiye sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka ee Daacish. kaddib weerar hab een hore ka dhacay Waqooyiga dalka Siiriya.

Wuxuu ahaa nin "khibrad u leh samaynta bambo oyinka iyo fududeynta howlgalla da”, ayaa lagu yiri bayan kasoo ba xay Isbaheysiga.

Saraakiisha ayaa warbaahinta Mareyk anka u sheegay in ninkaas lagu magacaabo Hani Axmed Al-Kurdi.

Koox kormeer ah ayaa sheegtay in ciidamada la bo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah lagu geeyay magaalada Al-Humayra, oo ku dhow xuddu ud Turkiga ee gobolka Xalab ee mucaaradka ay maa mulaan.

Toddobo daqiiqo ayuu socday iska hor imaad hu baysan oo u dhaxeeyay ciidamada iyo dad ku sug naa gudaha tuulada ka hor inta aysan duulin diyaar adaha qumaatiga u kaca, sida ay sheegtay kooxda la socota xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay Ingiriiska. Waxay intaas ku dartay inay markii dambe ka de geen saldhig ku yaalla gobolka Kobane ee bariga go bolka Xalab, halkaasoo ay maamulaan kooxaha fal laagada ah ee uu Turkigu taageero. Ciidamada Israel oo 3 falastiin ah ku dilay weer ar ka dhacay Jenin

3 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 10 kalena waa la dhaawacay, kadib markii ciidamada Israel oo u hubeysan gaadiidka dagaalka ay weerareen mag aalada Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ee la ha ysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Ilaa 30 ka mid ah baabuurta ciidamada Israel ayaa saacadihii hore ee Shalayweerar ku qaaday magaalada Jenin,gaar ahaan xaafadda al-Marah ee bariga magaaladaasi,waxayna rasaas ku fureen afar nin ,iyagoo halkaasi ku diay Saddex halka midkii afra adna uu soo gaaray dha awac culus.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa m agacyadooda ku sheegtay Baraa Lahlouh (24-jir), Yuusuf Saalax (23-jir) iyo Laith Abu Suroor (24-jir).

Dadka deegaanka Jenin ayaa sheegay in ay tuh unsan yihiin in Israa’iiliyiintu ay damacsanaayeen in ay dumiyaan guriga Raed Hazem, kaas oo 7-dii April ka geystay weerar toogasho ah oo lagu dilay saddex Israa’iiliiyiin ah ka hor inta aan la toogan.

Ciidamada Israel ayaa kordhiyay weerarada gud aha iyo hareeraha xerada Jenin ee la heysto, iyagoo is ku dayaya inay ka hortagaan iska caabinta hubey san ee Falastiiniyiinta oo halkaasi ku sii kordhaya

Madaxweynaha Maraykanka oo ku dhawaaqay in Maraykanku Ukraine ku taageerayo hal Bilyan oo dollar.

Madaxweynaha maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ay Dalka ukraine ku taageerayaan dhaqaale gaar aya $1 bilyan dollar,oo lagu taakulaynayo dhinacy adda amaanka iyo arrimaha bini’aadanimadda sida biyo nad iif ah oo la cabbo, sahayda caaf imaad ee muhiimka ah iyo dary eelka caafimaadka, cunto, hoy, iyo lacag caddaan ah qoysaska si ay u iibsadaan ala abta muhiimka ah, ayuu yidhi Biden.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay xilli uu talefoon kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volod ymyr Zelenskyy si ay uga wadahadlaan dagaalka, iyadoo madaxweynaha Maraykanku uu sheegay in uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in Was hington ay la garab istaagto Kyiv oo ka dhan ah duullaanka Moscow.

In ka badan 6.98 milyan oo qof ayaa u qaxay da lal kale, halka 7.7 milyan ay ku barakaceen gudaha dalka Ukraine.

Q/Midoobay Oo Shaacisay In Tirada Barak acaya asha Caalamka Ay Aad U Sii Sare Kac day

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaxootiga du nida ee UNHCR ayaa lagu sheegay in tirada dadka guryahooda ka qaxaya inay sare u kacday 8% sa nnadkii 2021 marka la barbardhigo sannadkii ka hor reeyey ee 2020, waxaana lagu qiyaasay inay tira daasi gaartay illaa 89.3 million oo qof sannadkii 2021.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sababa ha dadkan ku kellifay inay guryahooda ka cararaan inay ugu wacan tahay dagaallada, rabshadaha, cad aadiska iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalkooda ka jira.

Filippo Grandi oo ah madaxa hay’adda qaxoot iga dunida ee UNHCR ayaa sheegay in tirada barak acayaasha caalamku inay si aad ah sare ugu sii kac day tan iyo wixii ka dambeeyey duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Filippo Grandi ayaa sheegay in dagaalka Ukraine uu barakiciyey inta u dhexeysa 12 illaa 14 million oo qof, taas oo haddii lagu daro tirada dadkii dagaalada iyo colaaduhu barakiciyeen sannadkii hore ee 2021, in tirada barakacayaasha iyo qaxootiga caalamku inay haatan kor u dhaafeen illaa 100 million oo qof.

UNHCR ayaa sheegtay in tirada dadka qaxootiga ahi inay sare u kacday sannadkii hore illaa 27 million oo qof, halka dadka dalalkooda ku dhex barakacay ay kordheen illaa 53.2 million oo qof.

Dad badan ayaa aaminsan in qaxootiga ugu bad ani ay u hayaamaan dalalka ladan, hase ahaatee UNHCR ayaa sheegtay in 80% dadka qaxootiga ahi inay u qaxeen dalalka saboolka ah ama ku dhaqa alohoodu dhexdhexaadka yahay.

Madaxda Yurub Oo Shalay Caasimadda Kyiv Kula Kulmay Madaxweynaha Dalka Ukraine

Hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka, Taly aaniga iyo Romania ayaa Khamiistii la kulmay mad axweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, iyagoo u muujiyay taageero ay Kyiv rajeyneyso in looga caaw iyo hubka iyo tallaabooyin adag oo laga qaado Ruushka.

Booqashadii ugu horeysay ee noocaan ah oo ay ku tagaan caasimadda tan iyo markii Ruushka uu duullaanka ku qaaday, ayaa waxaa is gacan qaaday madaxweynaha Ukraine Zelensky oo aan Ukraine ka bixin tan iyo biloowgii dagaalka iyo madaxda Fara nsiiska Emmanuel Macron, Jarmalka Olaf Schultz, Talyaaniga Mario Draghi iyo Romania Klaus Joha nnes.

Kulanka ayaa yimid kadib markii afarta hogg aamiye ee reer Yurub ay socod ku mareen dhis mayaal burburay iyo gawaari ku gubtay magaalada Irpin ee u dhow Kyiv, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay horraantii duullaanka.

Socdaalkan ayaa waxa uu ahaa mid lagu muu jinayo waxa Ukraine iyo taageerayaasheeda ay ku sheegeen inay ahaayeen gabood fallo waaweyn oo ay geysteen ciidamada Ruushka, waxaana uu hogg aamiyaha Jarmalku Scholz ku tilmaamay goob ay ka dhaceen "arxandarro aan la qiyaasi karin”

Madaxda oo ag taagnaa dhismayaal gubtay, ayaa waxay u ekaayeen kuwo murugeysan, markii ay dhe gaysanayeen mid ka mid ah golaha wasiirada Ukr aine oo sharraxaya wixii halkaas ka dhacay.

Kyiv ayaa hore ugu ugu eedeysay Faransiiska, Ja rmalka iyo, Talyaaniga, inay ka cago jiidayaan taag eeradooda Ukraine, iyagoo sheegay in ay ka gaa biyeen bixinta hubka.

Shiinaha Oo Jawaabtii Ugu Adkeyd Ka Bixiy ay Hadal Uu Yiri Madaxweynaha Mareykanka

Dhowr isbuuc kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saa rtay jawaabtii ugu adkayd abid.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu she egay inay ka adkaan doonaan isku day kasta” oo lagu raadinayo madaxbann aanida Taiwan.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Shii naha, Janaraal Wei Feng, ayaa sidoo kale isbuucan Mareykanka ku eede eyay inuu dagaal ka riixayo rabitaanka madaxbannaanida jasiiraddaas, isa goo sheegay in Mareykanku "uu jebiyay ballantii uu u qaaday arrimaha Taiwan” uuna "soo farogelinayo” arrimaha Shiinaha.

"Aan caddeeyo warkayga, haddii cid kasta ay isku daydo in ay Taiwan ka goyso Shiinaha, kama labo labayn doonno inaan qaadno dagaal,” ayuu yiri Jan araal Wei Fenge, oo ka hadlayay shirka amniga Aasiya oo ka dhacay waddanka Singapore.

Hadallada adag ee kasoo baxay wasiirka Gaa shaandhigga Shiinaha ayaa daba socday farriin uu dhawaan madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, u diray Shiinaha, taasoo uu ugu sheegayay inay "khatar ku ciyaarayso” maadaama ay diyaaradahe eda dagaalka ku duulinayso hawada u dhow

 

TOBAN DHACDO OO MUHIIM AH OO FAHAD YAASIIN UU KA DHUUNTAY INUU KA HADLO

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin wuxuu dusha saartay dhacdooyin badan oo loo haysto nidaamkii madaxweyne Farmaajo, intii uu socday wareysi uu dhawaan bixiyey.

Dhacdooyinkii uu Fahad mas’uuliyadooda qaatay, waxaa qaar laga sugayey inay ka jawaabaan Farmaajo ama madaxdii kale ee dowladaas, laakiin Fahad oo awooday inuu jawaabaha qaar xawilo ayaa doortay inuu isaga ka jawaabo.

Shantii sano ee madaxweyne Farmaajo dalka waxaa ka dhacay arrimo waaweyn, kuwa badan oo muhiim ah oo ay dadku sugayeen inuu Fahad ka hadlo ama la waydiiyo ayaan soo gelin ware ysiga.

Uma badna in la iloobay waxayse u muuqd aan dhacdooyin uusan rabin Fahad Yaasiin inuu ka hadlo. Sheekadaan waxaan ku soo koobeynaa 10 dhacdo oo qaarkood ay dalka iyo dowladnimadaba gilgil een oo uu Fahad ka dhuuntay una baahan in mar kale la waydiiyo.

1-ARRINTA QALBI DHAGAX

Dambiga ugu weyn ee nidaamkii madaxweyne Farmaajo loo haysto waa in muwaadin Soomaali ah loo dhiibay dowladda Itoobiya. Falkan lagula kacay Cab dikariin Shiikh Muuse Qalbidhagax ayaa gilgilay nidaamka dowladeed ee Sooma aliya.

Waa kiis uusan qofna ka boodi karin marka uu rabo inuu ka waramo maamul kii madaxweyne Farmaajo. Fahad kama hadlin arrinta Qalbidhagax.

2-DILKII INJINEER YARIISOW

Guddoomiihii hore ee Gobolka Banaadir En. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo qaar kamid ah maamulkii degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu dilay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdsiho.

Waxay aheyd dhacdo weyn in xafiis sidaas loo ilaaliyo uu falkaasi ka dhici ka ro. Illaa hadda mugdi ayaa ku jira dilkaas.

Muuqaaladii ay duubeen kaamirooyinka qarsoon sida ay dowladda u maare ysay ayaa shakiga gudaha ah xoojisay. Fahad waa ka dhuuntay mowduucaan.

3-WEERARKII LAGU QAADAY GURIGA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR

Dowladdii Siyaad Barre kadib in qof siyaasi ah la isku dayo in loo qaarijiyo ar agtidiisa siyaas iga ah waxay dhacday bishii December 2017.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa duulaan ku qaaday guriga siyaasiga Ca bdiraxmaan Cabdishakuu Warsame oo si weyn uga aragti duwanaa dowladaas. Fahad Yaasiin wuxuu markaas ahaa agaasimaha Villa Somalia oo la aaminsan yahay in weerarka laga abaabulay. Dhacdadaan iyadana Fahad lama waydiin/

4-WEERARKII MADAXWEYNAYAASHA

Laba jeer ayaa la weeraray madaxweynaha Shalay talada haya Xasan She ekh Maxamuud intii uu jiray nidaamkii Farmaajo. waxay aheyd gaf xasaanadeed, mid sharci iyo halis la geliyey dowladnimada Soomaaliya.

Dhaqankaas foosha xun illaa hadda cidna looma maxkamadeyn. Fahadna wuxuu doortay inuusan arrimahaas ka hadlin.

5-XILDHIBAANIMADII LOO DIIDAY FAHAD

Jabkii ugu weynaa ee siyaasad ahaan soo gaara Fahad Yaasiin waxaa loo ar kaa guuldaradii kursigii loo diiday. Muranka kursigiisa muddo ayuu socday mana ahan wax la iloobi karo, Fahad kama hadlin lamana weydiin sababtii uu kursiga ku waayey.

Laakiin wuxuu wareysiga dhexdiisa ku weeraray qof walba oo kaalin ku lahaa inuu kursiga xildhibaanimada waayo.

6-XARIGA MUKHTAAR ROOBOW IYO DADKII LAGU LAAYEY BAYDHABO

Muddo dhowr sano ah waxaa NISA ugu xirnaa Muqdisho Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Ninkaan oo isagoo raba inuu u tartamo hoggaanka Koonfur Galbeed lasoo xiray waxaa dhinaca kale dhacdadiisa xigay dad dibad-baxayaal ah oo ay dowladda ku leysay magaalada Baydhabo.

Fahad kama hadlin sababta loo soo xiray Mukhtaar iyo mas’uuliyadda shac abkii la laayey.

7-DOORASHOOYINKII MAAMUL GOBOLEEDYADA

Dowladdii madaxweyne Farmaajo waxaa lagu tilmaamaa dowladdii lacagtii ugu badneyd ku bixisay burburinta maamul goboleedyada.

Farmaajo iyo saaxiibadii waxaa la sheegaa inay nidaamka federaalka ah diidan yihiin.

Doorashooyinkii ugu liitay ayaa maamul goboleedyada laga qabtay intii uu jir ay nidaamkii madaxweyne Farmaajo. Silacaas loo geystay masiirkii dadka go bolada ku dhaqan iyo hantida lagu burburiyey midna kama uusan hadlin Fahad Yaasiin.

8-ASALKA KHILAAFKA IYO ISAGA IYO RA’IISUL WASAARE ROOBLE

Fahad wuxuu wareysigiisa ku muujiyey naceybka iyo cadaawadda ka dhaxe ysa isaga iyo Rooble. Dad badan ayaa ku dhaliilay Fahad inuu wax kala reeban waayey, balse dhinaca kale Rooble isna dhowr jeer ayuu Fahad si farsameysan ugu weeraray warbaahinta.

Gunta khilaafka labada nin kama uusan waramin Fahad

9-RIDISTII SHARCI DARADA AHEYD EE KHEYRE

Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa si aan sharciga lo marin loo riday Bishii July 2020. Sharci-daradaas oo la aaminsan yahay inay Fah ad iyo Farmaajo darawaliin ka ahaayeen iyadana lama soo hadal qaadin.

10-SABABTII GUULDARADA DOORASHADA MADAXWEYN AHA

Fahad wuxuu ahaa madaxii ololaha madaxwey ne Farmaajo, wuxuu sheeg taa inuu yahay macalin sixi kara qiyaasta doorashooyinka, walow dadka qaar ay taas si weyn u duraan, haddana Fahad ma sheegin waxa sababay guul-daradii qaraareyd ee kooxdooda kasoo gaartay doorashadii madaxweynaha.

Tobankaan dhacdo ee waaweyn ma ahan inuusan Fahad xasuusan ama aan la weydiin karin, balse waxaa lagu sifeeyey dhacdooyin uu ka baxsanayo ka ha dalkooda.BY :-ABDULLAHI OSMAN FAARAH

XIGASHO:CAASIMADDA.NET


WAR FARXAD LEH OO KU SOCDA DADKA ISTICMA ALA TELEEFOONKA IPHONE.

Malaayiin dadka isticmaala telefoonnada iPhone ah ayay suurtagal tahay in la siiyo lacag magdhow ah, kaddib markii la billaabay dacwad sharci ah oo lagu eedeeyay shirkadda Apple inay si qarsoodi ah u curyaamineyso waxqabadka taleefannadii hore.

Justin Gutmann ayaa ku eedeeyay shirkadda inay ku marin habaabisay dadka telefoonnadeeda isticmaala kor u qaadista habka uu u shaqeeyo teleefanka laakiin ay culeys ka dhigtay.

Ninkan wuxuu magdhow dhan 768 milyan oo ginni u raadinayaa ilaa 25 milyan oo isticmaaleyaasha iPhone ee Ingiriiska ku sugan.

Shirkadda Apple waxay sheegtay in aanay "waligeed” si ula kac ah u gaabin inta ay jiri karaan alaabaheeda. Sheegashada, oo loo gudbiyay Maxkamadda Rafcaanka ee Tartanka, ayaa ku eedaysay Apple inay habka ay u shaqeeyaan iPhone-dii hore ay ka dhigtay kuwo gaabis ah, iyadoo u mareysa waxa loo yaqaan "throttling”, si looga fogaado dib u soo celinta qaaliga ah ama dayactirka.

Waxay la xiriirtaa soo bandhigidda qalabka maaraynta awoodda korontada ee qeybta ka ahaa cusbooneysiintii software-ka ee ku beegneyd Janaayo 2017, si wax looga qabto caqabado la xiriiray habka dhaqsiyaha teleefoonka, loogana joojiyo aaladaha duugga ah inay si lama filaan ah isu demiyaan.

Gutmann ayaa sheegay in macluumaadka ku saabsan aaladda aan lagu darin sharraxaadda cusboonaysiintii software-ka ee xilligaas, iyo in shirkaddu ay ku guul-darraysatay inay caddayso inay hoos-u-dhigi doonto habka shaqada ee aaladaha.

Waxa uu ku andacoonayaa in Apple ay soo bandhigtay qalabkan si ay u qariso xaqiiqda ah in beteriga iPhone laga yaabo inuu xamili waayay software-kii ugu dambeeyay ee iOS, iyo in halkii ay dib u soo celin lahaayeen teleefoonnada ama ay bixin lahaayeen beteriyo beddel ah, shirkaddu waxay ku cadaadisay isticmaaleyaasha inay soo dejiyaan oo telefoonnadooda ay ku cusbooneysiinta software-ka.

Mr Gutmann ayaa yir: "Intii ay qaadi lahaayeen tallaabo sharaf leh oo sharci ah oo macaamiishooda u sameyn lahaayeen beddelaad bilaash ah, adeeg dayactir ah ama magdhow, Apple taa beddelkeeda waxay dadka ku marin-habaabisay inay u qariso casriyeyn software oo hoos u dhigtay aaladaha ilaa 58%.”

Noocyada ay sheegashadu xustay waa iPhone 6, 6 Plus, 6S, 6S Plus, SE, 7, 7 Plus, 8, 8 Plus iyo noocyada iPhone X.

Waa sheegasho aysan macaamiishu u baahnayn inay si firfircoon ugu biiraan kiiska si ay u raadsadaan magdhow.

Bayaan ay soo saartay, Apple waxay ku tiri: "Weligeen ma sameyn, mana sameyn doonno in aan si ula-kac ah u soo gaabinno muddada ay jiri karaan aaladaha ay soo saarto Apple, ama in aan hoos u dhigno khibradda adeegsadaha si kor loogu qaado macaamiisha.

"Hadafkeena had iyo jeer wuxuu ahaa inaan abuurno alaab ay macaamiisheennu jeceshahay, iyo in aan sameyno iPhones-ka oo sii jiraya intii macquul ah, waana qayb muhiim ah.”

Sheegashada Gutmann ayaa ku soo beegantay labo sano kaddib markii kiis kan la mid ah lagu soo afjaray gudaha Maraykanka.

Sanadkii 2020, Apple waxay oggolaatay inay bixiso $113 milyan si ay u xalliso eedeymaha ah inay hoos u dhigtay iPhones-kii hore.

Soddon iyo saddex gobol oo Maraykan ah ayaa sheegay in Apple ay arrintan u samaysay si ay dadka isticmaala u iibsadaan qalab cusub.

Malaayiin qof ayay saameysay markii noocyada iPhone 6 iyo 7 iyo SE ay shaqadoodu gaabis noqotay 2016 fadeexad lagu magacaabay Batterygate.

Waqtigaas, Apple waay diiday inay ka hadasho. Si kastaba ha ahaatee, waxay hore u sheegtay in telefoonnada xawligooda loo dhimay si loo ilaaliyo cimriga beteriga.Claire Holubowskyj, oo ah falanqeeye la shaqeysa shirkadda Cilmi-baarista ee Enders Analysis ayaa sheegtay in arrimahan oo kale laga yaabo inay sii socdaan, marka loo eego xa ddidaadda farsamo ee beteriyada gabowga ah.

Waxay xustay in Apple ay dakhligeeda 84% ka hesho iibinta aaladaha cusub.

Xigsho:BBCSomalii



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip