HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 9-KA JUUN 2022-KA

1
Thursday June 09, 2022 - 09:50:49 in Wararka by
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 9-KA JUUN 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Magacyada madaxda ka qeyb-galeysa calee mo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in maanta lagu calee ma-saaro magaalada caasimadda ah ee Mu qdisho, 25 maalmood kadib markii xilkaas loo doortay 15-kii May 2022.

Waxaa magaalada soo gaaray wafuud caal ami ah oo ka qeyb-galeysa calaama-saarka, ayada oo la filayo in saakana ay soo gaaraan qaar ka mid ah madaxweynayaasha iyo ra’iisul wasaareyaasha lagu casuumay munaasabada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madax da qeyb galeysa caleemo- saarka madaxweyne Xasan waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mo stafa Madbouly, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaa ciil Cumar Geelle.

Waxaa sidoo kale qeyb-galaya wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malaysia iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya, waxaana qaarkood ku jiro wasiiro arrimo dibadeedyo.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeyb-ga laya wufuud ka socota urur goboleedyo caalami ah, sida Qaramada Midobbe, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Urur Goboleedjka IGAD iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Madaxda lagu casuumay munaasabadda, oo isugu jiray kuwo xulafo la ahaa dowladdii Far maajo iyo kuwo ay u aragtay cadow, ayaa ast aan u ah ka dhabeynta hindisaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ah; Soomaali heshiis ah, dun ida na heshiis ah la ah.

Dalalka xulufada la ahaa Farmaajo ee xafla dda ka qeyb-galaya ayaa waxaa ka mid ah Qa tar, Itoobiya iyo Turkey, halka dalalkii ay fogey say ee la casuumay ay ka mid yihiin; Jabuuti, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta & Ma sar. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doona ya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhamm aan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarro on, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh caleema-saarki isa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, ayada oo da stuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 ma almood kadib marka madaxweynaha la dha ariyo.

Xasan oo magacaabay la-taliyeyaashiisa arri maha dastuurka iyo federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay wareeg to uu soo saaray ku magacaabay la ba nin oo noqa doo na la-taliy eyaashiisa arrimaha dastuurka iyo ni daamka federaal ka.Labada la-taliye ee Xalay la magac aabay ayaa kala ah: Dr .Cabduraxm aan Cabdul laahi Baadi y ow oo loo magac aabay la-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arr imaha dastuurka.

Iyo Axmed Cabaas Axmed oo loo magacaab ay la-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha federaalka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri, "Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Al le uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.”

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda federaalka So omaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxay na khibrad dheer iyo aqoon durugsan u leeyihi in howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee arrimaha dastuurka iyo federaalka.

RW Rooble oo shaaciyay in la xirayo waddo oyinka Muqdisho baaqna soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaali ya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirn aanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaar ka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Waxaa uu sheegay in waddooyinka Muqdi sho la xiri doono laga bilaabo 10: 00 Fiidnimo ee Xalay ilaa 5:00 Shalaynimo ee Maalinta Ber ito ah ,isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay saacadaas dulqaataan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha ca afimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yih iin.

Dowladda Somalia Iyo Hindiya Oo Is-Afgar ad Hordhac Ah Ka Gaaray 4 Qodob Oo Muhi im Ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay kulan la qaatay Safiirka dalka Hindiya Amb Dr Vira nder Paul iyo Ku xigeenkiisa, iyaga ka wakiil ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasiOm Bi rla ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo wad ashaqeynta Baarlaamaanada Labada dal.

kulanka oo lagu gaaray is afgarad horu-dhac ah (MOU) oo u dhaxeeya BaarlmaanadaSomalia iyo Hindiya qodobada ayaa Kala ah .

1-In Dalka Hindiya uu siin doono Xildhibaanada BJFS Caafimaad lacag la’aan ah oo si buuxda Dowladda Hindiya ay u damaanad qaadeyso dawaynta Xildhibaanada BJFS. 2-In Ciidanka Xoogga Dalka furimaha ku soo dhaawacma ee wax looga qaban waayo gudaha Dalka ay si lac ag la’aan ah dalka Hindiya loogu soo dawayn doono.

3-In la diyaarin doono duulimaad toos ah iyada oo loo marayo Xafiiska ra’iisul Wasaara ha iyo Wasaaradda duulista si loo sameeyo du ulimaad toos ah oo ka yimaada Muqdisho-Hyd erabad. 4) sidoo kale in Dalka Hindiya uu bixin doono deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah .

Isbeddel ku yimid habkii ay madax goboleed yada ku iman jireen Muqdisho – Maxaa dhacay Shalay?

Is-bedelka hoggaamineed ee dalka ka dhac ay ayaa saameyntiisa durba laga dereemayaa hanaanka ay gudaha Muqdisho u kala degeen madaxda dowlad goboleedyada dalka. Madax weynayaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug oo Xalay ku hoyanaya Muqdisho ayaa degay Hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Halka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Mado obe oo intii uu Farmaajo xukunka joogay aan soo dhaafi jirin agagaarka garoonka uu hadda degan yahay guri ka soo hor jeeda Madaxtooy ada Soomaaliya.

Arrimaha cajiibka ah waa in Madaxweyne La ftagareen uu Shalay markii u horeysay Muqdi sho la yimid diyaarad sida ciidamo aad u hubey san, halka xilligii uu Farmaajo xukunka hayay uusan wax ciidan soo wada jirin.

Ciidamada Nabad sugidda iyo Asluubta fed eraalka ayaa Laftagareen kasoo gelbi jiray gar oonka, markii uu yimaado Muqdisho, balse had da waxaa muuqata in arrintaasi ay is bedeshay, ka dib guul daradii doorashada ee Mada xweyne Farmaajo.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadda ku wada sugan Muqdisho, kuwaas oo berri ka qeyb gelaya xafladda caleemo saa rka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud oo ka dhacaysa teendhada Afisyooni.

Madaxda iyo wafuuda berri ka qeyb galeysa caleemo saarka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Mad axweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

Puntland Oo Go’aamisay Xilliga Lagu Dhaw aaqayo Xukunka Maxaabiis Dishay Masbuus Xirnaa

Maxkamadda darajada koowaad ee Maga alada Qardho ee Maamulka Puntland ayaa Sha lay si rasmi ah u mudeysay waqtiga kama dam beysta ee lagu dhawaaqayo xuku nka eedeysanayaasha loo heysto dilkii Marxuum Sharmaake Wars ame Nuux.

Maxkamadda Magaalada Qardho ee Puntland ayaa Go’aamisay in 19-ka bishan June 2022 loo muddeeyo ku dhawaaqista xukunka shan eedey sane oo loo heysto dilka Sharmaake Warsame, sida ay sheegeen Garsoorayaasha Maxkamadda.

Xeer ilaalinta Maxkamadda darajada koowaad ee Qardho ayaa caddeysay in eedeysanayaasha oo Maxaabiis ah ay qirsan yihiin inay dileen Shar maake Warsame oo kamid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga Magaalada Qardho, kaasi oo la di lay. Sharmaake Warsame ayaa la xaqiijiyay inuu u dhintay jirdil loo geystay, xili uu ku xirnaa xabsi ga M/Qardho ee Xarunta G/Karkaar ee Puntland, waxaana dhowr jeer oo horey Maxka madda la ho rkeeday eedeysana Ya asha loo heysto dilka.


Maxaad ka taqaan afarta nin ee hoggaami naya ololaha guriga ‘loo dhisayo’ Farmaajo?

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn bar aha bulshada u haystay olole la sheegay in guri loogu dhisayo Madaxweynihii hore ee Soomaa liya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Far maajo).

Ololahan oo siyaabo kala duwan looga had lay ayaa dadka wada waxa ay ku tilmaameen mid Farmaajo loogu mahadcelinayo, maadaa ma uu "si wanaagsan u ilaaliyay amaanadda qa ran ka.”

Dadka dhaliilsan ayaa ku tilmaamay mid uj eedo siyaasadeed laga leeyahay, isla markaa na aan habooneyn in xilligan oo abaar xooggan ay dalka ka jirto shacabka lagu mashquuliyo ha wl noocaas ah.

Hadaba waa kuwee afarta nin ee hogaami naya ololaha guriga loogu dhisayo Farmaajo?

Maxamed Cabdullahi Ciise

Waxa uu ahaa agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaaliya markii doorashada looga adka aday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xilkaas ayaa loo magacaabay dabayaaqadii bishii November 2021, kadib markii Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa agaasimihii xilkaa hayay loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda So omaaliya.

Sanadihii u dambeeyay, Maxamed waxa uu ahaa nin aad u taageersan Farmaajo, waana ninkii codadka u tirinayay doorashada madaxtin nimada ee dhacday 15-kii May.

Maxamed ayaa mar ahaa guddomiyaha urur la baxay midnimo doonka Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo xaruntiisu tahay Muqdisho.

Hadda waa gudoomiyaha ololaha guriga loogu dhisayo Madaxweynihii hore.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi

Waa afhayeenkii hore ee Villa Soomaaliya, wax aana xilkaas loo magacaabay bishii September 2020 kadib markii uu banneeyay Cabdinuur Ma xamed Cali oo uga hoorreeyay.

Waraysi uu todobaadkii tegay Cabdirashiid siiyay BBC Soomaali ayuu ku sheegay in qor shaha guriga uu kamid shacabka taageersan Madaxweynaha hore, isla markaana uu oggol aaday Farmaajo.

Waxa uu muddo ku noolaa waddanka Cana da oo uu ku soo qaatay qeyb kamid ah waxba rashadiisa.

Hadda waa afhayeenka ololaha guriga lagu dhisayo.

Cali Cabdi Wardhere (Cali Yare)

Waa guddoomiye kuxigeenka gobolka Ban aadir u qaabilsan amniga iyo siyaasadda.

Waxay sanado badan saaxiibbo dhaw ahaay een Farmaajo, oo uu kamid ahaa ragga aadka ugu dhaw tan iyo markii uu billaabay ololihii uu Villa Somalia ku hantay February 2017.

Baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa waxa uu ku leeyahay taageerayaal badan oo uu la wadaago xogta ololaha guriga iyo weliba dadka dhaqaalaha ku taageeray.

Cabdirisaaq Xirsi Waa wadaad ku nool dalka Canada, oo si weyn baraha bulshada uga difaaca dowladdii uu madaxda u ahaa Max amed Cabdullahi Farmaajo.Markii uu Farmaajo xilka hayay, waxa uu Sheekh Cabdi Xirsi sa meyn jiray fallanqeyn toos ah oo mararka qaar ay marti ugu yihiin siy aasiyiin caan ah iyo was iirro ka tirsan xukuumadda.

Waxa uu bartiisa Twitter ku sheegay in isa ga uu lacagtii ugu horreysay ku diray koontada loo furay dhisidda guriga loogu talo-galay Fa rma ajo. Xigasho: BBC Somali

Rooble oo qaabilay taliye ku-xigeenkii NISA ee ay isku dhaceen Farmaajo iyo Fahad

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaa bilay taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA General Cabdalla Cabdalla Maxamed oo uu horey shaqo joojin ugu sameeyey taliyihii hore ee hay’addaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Inkastoo xafiiska ra’iisul waaaraha uusan wax faahfaahin ka bixin kulankaas, haddana Cabdalla Cabdalla oo qoraal soo dhigay bart iisa Facebook ayaa sheegay inuu ra’iisul wasa are Rooble uga mahadcelinayo qaabilada uu u sameeyey iyo inuu mar kale dalka dib ugus oo dhaweeyey.

"Waxaan aad ugu mahad-celin ayaa ra’iisul wasaare Maxam ed Xuseen Rooble oo Shalay igu qaabilay xafiiskiisa, si rasmi ahna iigu soo soo dhaweeyay inaan dib ugu soo laabtay dal kayga Hooyo, waxaana u rajaynayaa guul iyo mustaqbal wanaagsan, runtii ra’iisul wasaare Rooble waa badbaadiyaha qaranka, wuxuu kh atar badan usoo galay in dalkaan doorasho ka dhacdo si nabad ah, wada ogol ah, xilkana lagu kala wareego si nabdoon,” ayuu Cabdalla Cabd alla ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Face book.

Xil ka qaadistii lagu sameeyey

Cabdalla Cabdalla oo ahaa taliye ku xig eenkii koowaad ee hey’adda NISA iyo Taliye ku -xigeenkii kale ee hay’adaas Cabdulqaadir Max amad Nuur oo Jaamac ku magac-dheer ayaa 2daba xilka laga qaaday kadib laba toddobaad oo qaraxyo is xig-xigay lala beegsaday agag aarka madaxtooyada, kuwaas oo ay dad ku dhi nteen, kuna dhaawacmeen.

Dowladdii hore ma sheegin sababta xilka lo oga qaaday Cabdalla Cabdalla, isagana ware ysii uu siiyey VOA markii xilka laga qaaday ka dib ayuu ku sheegay in uusan ogeyn sababta xilka looga qaaday.

War qoraal ah oo 01-09-2018 kasoo baxay Hey’adda ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba liiska xubnaha NISA laga saarey Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo soo noqday taliye ku xigeenka koowaad ee Hay’addaan.

Sababta ayaa lagu shaaciyay inay salka ku hayso wareysi uu siiyay Cabdalla VOA-da, oo eedeymo cul-culus ugu jeediyay hoggaanka sare ee NISA, oo uu sheegay inaysan u shaqe ynin si waafaqsan nimaadka dowladnimo.

Marka laga soo tago qaladaad uu sheegay inay ka jireen gudaha Hay’adda, ayuu carabka ku dhuftay hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ay noqotay mid lagu caburiyo shaqsiyaadka dhaliila madaxa sare ee DFS, oo lagu weeraro.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa lagu cade eyay in go’aanka Cabadalla Cabdalla looga saa rey Hay’adda ay qaateen Guddi la sheegay in la sameeyay, kuwaasoo baaris ku sameeyay sida hadalka loo dhigay qaladaadkii uu wareys iga ku galay. Si gaar ah, waxaa farta lagu fiiqay in arrimaha xasaasiga ah ee uu banaanka soo dhigay Cabadalla Cabadalla uu ku lumiyay xub innimadiisa Hay’adda, taasoo la sheegay inay ka hor-imaaneyso hanaanka shaqo ee hay’ad da NISA iyo danaha qaran.

Arrimaha xasaasiga ah ee uu daboolka ka qaaday Cabdalla ayaa waxaa qayb ka ah in da gaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dhex-leeyih iin gudaha Hay’addaan xubno kuwaasoo si dhow ula shaqeeya una gudbiyay xogta dowl adda.

Darajooyinkii ciidan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa 09 September sanadkii 2018 ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseey ay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qar anka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Max amed kadib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoon ka Qaranka oo uu xilligaas ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

FAHAD YAASIIN oo si yaab leh uga hadlay agaasimaha cusub ee hay’adda NISA

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin ayaa markii u horeysay ka hadlay magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA Mahad Salaad, kaasi oo dhawaan si rasmi ah ula wareegay xilka hay’adda.

Fahad oo sidoo kale ah Agaasimihii hore ee hay’adda NISA ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan si fiican u aqoon Mahad Salaad, taasi oo keentay in uu gacanta u geliyo hay’ad muhiim u ah amniga Qaranka, sida uu sheegay.

"Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magacaabeen. Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir Qaranka leeyahay la wadaaga Taliyaha cusub uu yahay qof la wadaagay sirtii qaranka Cadowga,” ayuu yiri.

Fahad ayaa si badheedh ah u maagay Mahad Salaad oo uu gaarsiiyay heer uu isla barbar-dhigo argagixisada Al-Shabaab, marka hadalkiisa laga imaadana ma jirto cadeyn muujineysa arrintaas.

Sidoo kale waxa uu ku faanay intii uu joogay xilka u sareeya hay’adda in uu ka sifeeyay wax ugu yeeray "fara-gelin shisheeye” iyo in xogaha dowladda si fudud ku helaan ajaaniibta kale.

"Waxaa hey’adda (NISA) ka saaray wax alaala iyo wixii fara-gelin Ajaanib ahaa oo hay’adda si xad dhaaf ah ugu dhex jiray.”

Si kastaba, Wareysiga Fahad ee xiligaan la baahinayo ayaa u muuqda mid laga leeyahay ujeedo siyaasadeed iyo in indhaha bulshada laga leexiyo eedeymihii cusla iyo gabood-falkii uu geystay intii uu joogay hay’adda.


Qoraal uu Kamaal Guutaale uga jawaabay weerarkii Fahad uu ku qaaday Mahad Salad

Wareysiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaa siin oo u warramay wariye Farah Geylan ayaa goos-gooskiisa waxaa iiga baxay in taliyuhu uu sugi waayay inta ma amulka cusub ee Ma daxweyne Xasan Sh.uu hay’adaha do wladda si dhameysti ran ula wareego,la na arko jihada dalka uu u kaxeeyo, ugu yaraanna sida caadada dow ladnimada ah uu u sugo xitaa 100 maalin ee 1aad ee dowlad kasta xilligaas kadib keed la qiimeeyo.

Taliyihii hore wuxuu baaq farriin ah u dirsad ay ururkiisii hore ee al-ictisaam si uu oga helo meel uu ku dhuunto "protection” iyo cid u dood da maa daama loo heysto danbiya waaaweyn iyo tacadiyo uu Qaranka ka galay, xasaanadii barlamaaniga aheyd ee uu ku talo galay maa daama ay meesha ka baxday, sida muuqata wuxuu baxsad ka yahay cadaalad ay dhibanay aashiisii Shalay ay ka dalbanayaan hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa yaab leh isaga oo iska dhigaya nin weeraraya taliyaha cusub inuu si "indirect” ah farriin ugu diro hay’adaha dowlada ha kale ee la shaqeeya hay’adeenna nabad Su gida ee uu leeyahay yaanan wax wada shaq eyn ah lala yeelan taliyaha cusub ama aanan xog lala wadaagin kollayba waa inta karaanki isa ah ama dowladihii uu u shaqeyn jiray oo ha y’addeenna u dhex deganaa xilligii uu taliyaha ka ahaa.

Waxaa xusid mudan in afartii sano ee la soo dhaafay iney aheyd hay’adda NISA markii ugu badneyd ee ay ku dhex milanto dowlad ajn abi ah, cumalada dowladaasna ay iyada oo la wada ogyahay ay dhex daganeed xarunta hay’ ada ee Habar Khadiija.

Weerarka uu taliyaha ku qaaday madaxwey ne axmed Madoobe ma ahan mid cusub ee waa siyaasadii fashilantay ee reer Jubbaland la gu cunnaqabateeyay sanadihii la soo dhaafay, maamulkii Fahad diiqa ka ahaana uu kala gar an waayay cadaawadda kaala dhaxeysa axm ed Madoobe ha u ciqaabin shacabka Soo maa liyeed ee ku nool deegaanada Jubbaland.

Intaas waa horudhac, wixii kalena waan sug ey naa!

W/Q: Kamaal Guutaale

Agaasimihii hore ee Villa Somalia

Maxaa sababay cillada ku timid internet-ka dalal ay Soomaaliya kamid tahay?

Adeegga internetka ee qaybo ka mid ah dal alka Afrika iyo Bariga Aasiya ayaa ciladi ku ti mid taladaadii Dorraad.

Hay'adda Netblocks oo qaabilsan la soc odka internetka ayaa sheegtay inay u badan tahay burbur weyn oo gaaray fiilooyinka badda hoostooda mara. Soomaaliya, Jabuuti, Tanz ania, Madagascar iyo Pakistan ayaa ka mid ah dalalka ay dhibaatadu saameysey, iyadoo dhib aatadan loo aaneynayo go’itaanka isku xirka AAE1 iyo SMW5 oo ah fiilooyin badda hoos teeda mara sida ay sheegtay Netblocks. Fiiloo yinka internetka ee Aasiya, Afrika iyo Europe ee badda hoosteeda mara, oo loo yaqaano AAE1, waa mid ka mid ah afar hab oo waa weyn oo isku xidhka internet-ka qaaradaha iyo 19 waddan.

Ilaa 380 xadhkaha badda hoosteeda ah ay aa ah laf-dhabarta internet-ka caalamka, balse khubaradu waxa ay muddo dheer ka digayeen in ay u nugul yihiin dhibaatada ay u geysan kar aan barroosinnada maraakiibta iyo dhagaxyada badda hoosteeda.

Iidle Yare oo Muqdisho yimid soona saaray war ku saabsan xaaladdiisa iyo qorshihiisa

Fanaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare) oo maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey xaaladiisa caafimaad ayaa soo ga aray M/Muqdisho Soomaaliya.

Iidle oo degan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo gaaray Muqdisho, waxaana caafimaad loogu qaadi doonaa dalka dibediisa, si wax looga qabto xanuunada haya oo ay ugu darantahay Buro madaxa u ga taalla.

Markii uu soo gaaray Muqdi sho wuxuu sheegay in dad ka Soomaali yeed oo dhan ay u istaage en, isagoo si ga ar ah ugu mahad celiyey Xil dhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo la shee gay inay ka damb ay say in Iidle Yare xaaladi isa caafimaad loo raadiyo daryeel dibada ah.

"Waxaan aad ugu mahad celinayaa Maama Khadiija, waxaan ku leeyahay hooyo mahadsa nid, waxaad tahay hooyo Soomaaliyeed, si go oni ayaan kuu salaamayaa hooyo,” ayuu yiri Iidle Yare.

Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxwey naha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Ii dle Yare ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii aad u gu baahay baraha bulshada, kadib markii uu qo raal taabtay quluubta Soomaalida uu soo dhi gay Facebook.

Farriinta Iidle Yare ee dadka Soomaaliyeed ka nixisay ayuu ku yiri, "Allaah ayaa idinkaga te gay ilmaheyga,” taas oo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu qibleeyay geeri.

Tan iyo Habeen hore, waxaa Nairobi ka soc day dedaallo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fa nnaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

"Sabtidii ayaan guriga ka baxay anigoo aad ay cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay go ws. Markii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay. Waan suuxay qol ayaa la i seexiyay, waxaan soo ka cay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noo lid,”ayuu yiri. Mar uu ka jawaabay sababta uu u soo qoray erayada quusta ah ayuu yiri, "Halkii aan ka dhi hi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga.”

Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo Axmed Madobe?

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Madax we ynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo Dorraad soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada guud ee dalka iyo diyaar garoowga mu naasibadda caleemo-saarka Madaxweyn aha, oo la filayo in maalinta berri ah ka dhacdo gudaha caasimada dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roo ble ayaa uga mahad-celiyay Madaxweyna ha dowl ad goboleedka Jubbaland booqashada uu ugu yimid iyo doorkii weyna ee uu kulahaa dha mey stirka doorashooyinka.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magaal ada Muqdisho u yimid ka qeyb-galka Xafladda caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wada in kulamo kala duwan uu la qa adan doono Madaxda ka qeyb galeysa xafl adda.

Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha oo beri dhaceyso ayaa waxaa lagu wadaa inay ka soo qab-galaan madax kala duwan, safiiro iyo marti sharaf kale oo caalami ah.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeey ey, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu ka codsaday reer Muqdisho inay dul qaataan in ta ay ka dhaceyso xafladda caleemo-saarka.

15-kii bishii hore ee May ayey aheyd markii ay dhacday doorashada Madaxweynaha oo mar labaad loo doortay Md.Xasan Sheekh Maxamu ud oo si rasmi ah xilka ugula wareegay madax weynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farm aajo.

Taliska Ciidanka Xoogga Oo Soo Bandhigay Xubin Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Dhiibay

Taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa Shalay magaalada Baydhaba ku soo bandhigay Mustaf Isxaaq Cali oo labadii sa no ee la soo dhaafay ka tirsa naa Al-Shab aab, kana soo dag aalamay go bolla da Bay iyo Galgaduud.

Mustaf oo dhawaan isku soo dhiibay gacanta dowladda Fed eraalka ayaa ka soo bixita ankiisa dagaalamay aasha Al-Shab aab ku saleeyay dhibaatooyin dhinaca nolosha ah oo uu sheegay inuu la ku lmay, isla marka ana uu Go’aanka bixitaanka qaatay.

Wareysi lala yeeshay Mustaf Isxaaq Cali oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa waxaa uu tilmaam ay inuu kasoo dagaalamay deegaano ka tirsan Gobollada Bay iyo Galgaduud ee maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, sidoo kalena uu muddo ka tirsanaa Shabaabka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad ayaa dhowr jeer oo horey soo bandhigay xubno iyo Saraakiil ay sheeg een inay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka D&kuwa K/fur Galbeed.


3 qof oo lagu arkay calaa madaha cudurka monkeypox oo la dhigay isbitaalka De Martino

Saddex qof oo laga shakisan yahay cudurka furuqa daanyeerrada (Monkeypox), kuwaasi oo lagu arkay calaamadaha cudurka ayaa la dhig ay Isbitaalka De Martino ee magaalada Mu qdisho, sida ay sheegtay in ay xaqiijisay Ca asi mada Online

Ilo-wareedyo lagu kalso on yahay ayaa Caasima da Online sheegtay inay u sheegay laba ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwa ku sugnaa magaalada Muqdisho, halka qofka kale uu dhowaan ka yimid dalka Koonfur Afrika.

Ilo-wareedyo caafimaad oo ka tirsan isbitalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu socdo baaritaan lagu sameynayo dadkan, oo ay si wadajir ah ay u wadaan wasaaradda caafimaad ka Soomaaliya iyo hey’adda caafimaadka add uunka ee WHO.

Saddex qof ayaa laga qaaday tijaabo caaf imaad oo shaybaar ah, waxaana la sugayaa natiijada kasoo baxda.

"Illaa natiijada shaybaarka ay soo laabato ma dhihi karno weli waa cudurka monkeypox, balse waxaa ka muuqda caalamadaha, waxaan sugaynaa natiijada,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Sawir laga soo qaaday qof ka mid ah dadka uu soo ritay xanuunkaan oo la baahiyey ayaa muujinaya nabarro badan oo ka soo baxay qo fkaas jirkiisa, waxaana lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay xanuunkaan war kasoo saarto, kadib markii ay sameyso baaritaano socda oo ay ka qeyb qaadaneyso WHO.

Sidoo kale warar ay sheegtay in ay heshay Caasimada Online waxay sheegayaan in dee gaanada Somaliland lagu arkay hal kiis oo ah Busbuskaan halista ah ee afka qalaad lagu yir aahdo (Monkeypox).

Waa maxay cudurka monkeypox?

Monkeypox (Furuqa daanyeerrada), waa cu dur uu keeno il-ma’aragga viruska oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacs an family-ka Poxviridae. Monkeypox Waa cudur virus ah oo ku dhaca xayawaaanka, una gudba bani’aadamka (zoonotic disease). Waxaa bad anaana lagu arkay keymaha Afrikada Dhexe iyo Afrikada Galbeed.

Monkeypox calaamadaha lagu garto wax aa ka mid ah qandho, nabarro afka biyo iyo ma lax ku sita iyo qanjirro-barar, badanaa waa cu dur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 toddobaad gudahood ah. Xaalado aad u daran ayaa dhici kara oo mararka qaar dhimasho ke eni kara.Monkeypox wuxuu ku gudbaa taaba shada qof ama xayawaan qaba cudurka. Cala amadaha lagu garto waxay u egyihiin calaamad aha cudurka furuqa oo dunida hadda kahor la ga dabarjaray, iyada oo la isticmaalay tallaal.

Xukuumada Somaliland oo go'aan kasoo sa artay korodhka qiimaha korontada

Wasaarada Arrrimaha Guddaha Somal ila nd, ayaa si kama danbays ah u mamnuucday qiimaha korontada ee ay kordhi ye en shir kadaha bix iya adeega kor ontada.

Wasaarada ayaa amar ku bixisay in la joojiyo korodhka qiimaha kor ontada, waxayna ciidanka booli iska iyo guddoomiyaya asha gobolada fartay in ay joojiyaan qiimaha laydhka ee shirkaduhu kor dhiyeen. Shirkadaha ayaa horay uga dhago ad eegay amar kasoo baxay Koomiishanka Tama rta Somaliland.

Hoos ka dheeho amarka wasaarada oo faah faahsan:-

Faah-faahin: Madaafiic xalay lagu garaacay xaafado ku dhow garoonka Aadan Cadde

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxe ysa tiro madaafiic ah oo xalay abbaare 2:00 hab eenimo lagu garaacay xaafado ka mid ah mag aalada Muqdisho, xilli maanta la calaamo-saarayo madaxweynaha cusub ee Soo maaliya Xasan Sheekh Maxa muud.

Sidawararka inagu soo gaar een , Illaa 7 Madfac ayaa ku dhacay xaafado ka tirsan degm ada Wadajir ee M/Muqdisho, soona xiga dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaar ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo xilligaas hurdayey, waxaana ku dhaawacmay 8 qof oo isku qoys ah, ayada oo sidoo kalena qof kale oo shacab ah, oo ka tirsan qoys kale uu ku dhintay.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka degga ah ee magaalada Mu qdisho ayaan wax faah-faahin ah bixinin weerark aan iyo khasaaraha ka dhashay.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo M/Muqd isho lagu soo rogay bandow soo billaabmay saa caddu marka ay ahayd 10:00-kii habeenimo ee xalay, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka mag aalada oo la filayo Maanta oo Khamiista ahay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxwey ne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada ayaa la filayaa inay soo gaaraan madaxweynayaal, ra’iisul wasaareyaal iyo madax kale oo ka qeyb-galeysa caleemo-saarka, waxaa na jirta cabsi ku saabsan in madaafiic kale maanta lagu weeraro hoolka calaamo-saarka ee Afisyoone. Weli ma jirto koox sheegatay mas’uul iyadda madaafiicdii xalay, hase yeeshee weerara da noocaan ah ayaa wxaaa horey mas’uuliyadd ooda u qaadan jiray kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo QARAX ku dishay Injineer Shiinees ah

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay gobolka xeebta Lamu ee dalka Kenya, kaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay galbinayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Ijaara iyo Sangaa’ilow. War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen ciidanka Booliska Kenya, isla-markaana uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay in ay qaraxyadaasi mid ka mid ah ay ku dishay nin Injineer ah oo u dhashay dalka Shiinaha, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kolonyada la qarxiyey ay socdaalkooda sii wat een, kadib weerarka ay la kulmeen, waxaana xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaan ka ee Kenya oo ku aadan qaraxyadaasi ee ay gu ulaha ka sheegteen Al-Shabaab. Maalmihii u dam beeyey ayaa waxaa weeraro u badan qaraxyo ay ka dhacayeen deegaanada u dhow xadka Soom aaliya, waxaana ugu dambeeyey qaraxii lagu weeraray xildhibaano ka tirsan Kenya iyo ciidamo la socday oo ku socdaalayey duleedka Garissa.

Wararkii Ugu Dambeeyay Dad Badan Oo Ku Le’day Shil Tareen Oo Ka Dhacay Iiraan

13 qof ayaa ku dhintay, 60 kale oo rakaab ah waa ku dhaawacmeen kadib shil tareen kuwa rakaab ka ah uu ka dhacay bariga Iran Shalay, sida ay qortay, wakaalada wararka ee Fars.

Tareenka oo ku sii jeeday magaalada Yazd ayaa ku dhacay mid ka mid ah gaadiidka dhisma ha kahor inta aan tareenku ka leexan waddadii uu ku sucoda meel 50 km u jirta magaalada Tabas, halkaas oo safarkiisu ka bilowday, sida uu sarkaal ka tirsan tareennada u sheegay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.

"Shan baabuur oo ambalaas ah ayaa ku sugan goobta shilku ka dhacay, 12 kalena waa ay ku sii jeedaan,” ayuu yiri sarkaalkan oo ka tirsan gobolka Koonfurta ah ee Khorasan.

Farah-faahin dheeraad ah kama bixin dowladda Iran shilkan.

Jabhado la dagaalama Ciidamada Ruushka oo ka abuurmay Magaalada Severodonetsk

Ciidamadii Ukraine ee isaga baxay Magaalada Severodonetsk ee Gobolka Luhansk ayaa bila abay inay qaab jabhadeyn ah uga dagaalamaan magaaladaasi.

Ciidamadan oo aan barro cayiman ku lahayn magaaladaasi ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada Ruu shka ku leeyihiin magaaladaasi. Ciidamadan oo qayb qayb isu qaybiyay ayaa sameystay magacyo ay ku dagaal galaan.

Sidoo kale ciidamadan ayaa weerara Ciidama da Ruushka, mar kasta oo ay damcaan inay dha qdhaqaaqyo iyo hawlShalaya ka sameeyaan magaalada ugu weyn Gobolka Luhansk ee Sever odonetsk.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa Talaa dadii duqaymo xoogan ku harqiyay xoogaga jabhadaha, mar ay weerar ku qaadeen Ciidamada Lugta ee Ruushka. Duqa Magaalada Severodo netsk, Oleksandr Stryuk ayaa sheegay inay ciida madoodau ku dadaalayaan, sidii ay u difaaci laha ayeen magaalada.

Magaalada ayaa ah mid gebi ahaanba haawa neysa, iyadoo dadkii deganaa ay colaaduhu ku khasbeen inay guryahooda isaga barakacaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay wadaan isku day ay ku doonayaan inay ku weer araan Magaalada Koonfurta Ukraine ku taala ee Zaporizhzhia, ka dib Mariupol. Zaporizhzhia ayaa waxaa ku sugan M/mukii Mariupol weliba dadkii uu Ruushku ka soo barakiciyay Magalada.

XAFLAD LAGU DABAAL-DEGAYEY MADAXWEYNAHA CUSUB OO LAGU QABTAY NETHERLANDS

Xaflad lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha cu sub ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Max amuud ayaa Habeen hore lagu qabtay Magaalada De Heeg ee waddanka Netherland.

Xafladdan, ooqabsoomideeda ay iska kaashad een Guddi uu horkacayay agaasimaha hay’adda nab adoon [Yahye Foundation] Cali yaxye & Dalladda isu tagga ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo [FSAN] waxaa ka soo qeybgalay marti sha raf iyo mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeensafiirka Soom aaliya u fadhiya dalalka la isku yiraa Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, ma dax ka socotay jaaliyadaha Soomaalida oo uu hork acayay Guddoomiyihii hore ee dalladda FSAN Dr. Cali Waare, C/qaadir Cali [Nuune] oo ka tirsan Gudd iga FSAN ahna Guddoomiyaha Jaaliyadaha Zwolle & nawaax igeeda, fanaaniin, aqoonyahanno & marti sharaf aad u tiro badan.

Xafladdan, waxaa xiriiriye ka ahaa Cali yaxye, waxaana ugu horreeyn abaalmarin sharf eed lagu guddoonsiiyay marwo Ruqiyo Caddoowoo abaalmarintaasi ku muteysatay doorkeeda ka sha qeynta masaaliixda & danaha mushtamaca Sooma alida ee ku dhaqan NL, iyada oo abaalmarintaasi uu guddoonsiiyay Ruqiyo Safiirka Dowladda Soomaa liya u fadhiya dalalka Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis.

Guddoomiyihii hore FSAN Dr. Cali Waare oo xaf ladda ka hadlay, wuxuu hambalyo, duco & talo u diray Madaxweynaha cusub. "Maadaama codad aqlabiyad leh ay ku doorteen Madaxweynaha cusub xildhibaanada 2da aqal ee shacabka metalaayay, waxaa na looga baahan yahay annaga oo dhan ina an ka qeybqaadano geedi socodka dib u dhiska Soomaaliya” Ayuu yiri Dr. Cali Waare oo ku tilma amayxilka ugu sareeya ee dalka inuu yahay mid qori-isku dhiib ah.

"Madaxweynaha la doortay waxaan leenahay jaaliyadda Soomaalida waa kuu soo hambalyeyney saa iyada oo isku duubban, waxaad ogtahay in jaa liyada Holland ay xasuus gaar ah kuu leedahay maadaama aad aheyd madaxweynihii ugu horreeyay ee dacwadda badda keenay Holland” Ayuu yiri Cali Waare, oo intaasi raaciyay in ummadda Soomaaliy eed ay haraad u qabto cadaalad & amni.

C/qaadir Cali [Nuune] oo ka tirsan guddiga FS AN, laf-dhabar-na u ahaa qabsoomida xafladda, ay aa kelmado koobban oo uu munaasabada ka jeed iyay u hambalyeeyay Madaxweyne Xassan Sheekh.

"Anigoo ku hadlaya magaca dalladda FSAN wax aan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub Xass an Sheekh Maxamuud, waxaanna u rajeynayaa in mas’uuliyada cusub uu ALLE ku asturo” Ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale uu bogaadinayo Madaxweynihii hore Max ’ed Cabdullaahi [Farmaajo] oo agaasimay xaflad qurux badan xilligii uu xil-wareejinta sameynayay.

"Annaga oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Netherland waxaan la kulanay safiirka Netherland u fadhiya Soomaaliya, waxaan ka codsa nay in arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha inay wax ka qabtaan” Ayuu yiri C/qaadir Nuune oo dhowaan ku soo biiray guddiga dalladda, wuxuuna balanqaaday indalla ddu ay wax weyn ka qaban do onto intii karaankeeda ah horumarka bulshada Soomaalida.

Abwaanad Marwo Jawaahir Axmed oo caan ku ah curinta suugaanta, gaar ahaanburaanburka ayaa madasha ka tirisay buraanbur dadkii madasha fadhiy ay aad u qiira geliyay.

Zahra Siyaad Naaleeye, oo ka tirsan howl-wadee nada dalladda FSAN oo madasha ka hadashay waxay dhinaceeda hambalyo u dirtay Madaxweyne Xassan Sheekh.

"Soomaali heshiis ah, duniddana heshiis la ah waa halku dhig taariikhda u gashay Madaxweyne Xassan Sheekh ALLAHA ku garab qalo” Ayeey tiri Zahra Naaleeye.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafl adda wuxuu ku tilmaamay Madaxweynaha cusub inuu astaan u yahay horumarka & dimuqora adiyadda.

"328 xildhibaan oometalaya shacabka Soomaali yeed ayuu wuxuu ka helay madaxweynaheena cu sub 214 taasi waxay siineysaa madaxweynaheena aqlabiyad weyn oo uu "mandate” ku haysto” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay Mad axweyne Xassan inuu astaan u yahay horumar & dimuqoraadiyad.

"Madaxweyne Xassan Sheekh waxaad ku xasu usataan inuu ahaa hogaamiyihii dhidibada u taaga ydhismaha labada Dowlad goboleed [Galmudug & Hirshabele] oo qaati laga taagan yahay wuxuu ahaa shaqsigii dhismahooda ku guuleystay” Ayuu yiri Dan jire Yoonis.

Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Cabdi Baadil, Le ylo Cumar Dhuule, Weeroow & kuwa kale ayaa he eso waddani ah ku soo bandhigay xafladda, wax eyna xafladaasi ku soo idlaatay si qurux badan.


NEBI MUXAMED: PUTIN OO HINDIYA FARRRIIN U DIRAY KADDIB AFLAGAADDADII RASUULKA (NNKH)


XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Vladimir Putin

Waddamada Muslimka ah ayaa si adag uga soo horjeestay hadalladii muranka dhaliyay ee afh ayeenkii hore ee xisbiga BJP Nupur Sharma ee ku saabsanaa Nebi Muxamed NNKH, sida lagu baahiyay baraha bulshada, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay hadalladii muranka dhaliyay ee loo jeediyay Nabi Muxamed ee dowla dda Hindiya.

Hadalka Putin ayaa 24-kii saac ee la soo dhaaf ay si weyn ugu faafay baraha bulshada ee Hindiya iyo dalalka Carabta kaddib markii Putin oo la talin ayay Hindiya isagoo ku guda jira shirkiisii ​​jaraa'id ee sanadlaha ahaa yiri, "Aflagaadada Nabi Muxamed waxay ku xad-gudbeysaa xorriyadda diinta taas oo dhaawacday shucuurtii muqaddaska ahayd ee dadka Islaamka."

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Falcelinta hadalka laga soo xigtay Putin ayaa aad ugu baahday baraha bulshada gaar ahaan barta Twitter oo in ka badan 50 kun oo jeer la wadaagay gaar ahaan Hindiya iyo dalalka Carabta.

Muxuu horay Putin uga yiri Islaamka iyo Nebi Muxa med NNKH? Sida ay sheegtay warbaahintu, mada xweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa shirkiisii ​​jaraa'id ee sanadlaha ahaa ee 23-kii December ee sanadkii hore, waxa uu ku sheegay hadal la xiriira kaartuunkii Charlie Hebdo ee Faransiiska ee muran ka dhaliyay. Waxa uu yiri: "Marnaba qayb kama aha xeerka xornimada hadalka ee qof walba uu u heysto inuu fikirkiisa cabbiri karo."

"Aflagaaddada ka dhanka ah Nabiga waxay meel uga dhaceysaa xorriyadda diimaha, waxayna ku xad gudbeysaa dareenka dadka heysta diinta Islaamka," ayuu yiri Putin, sida ay tebisay Wakaal adda Warar ka Ruushka ee TASS. Madaxwe yne Putin ayaa car rabka ku adkeeyay in ficillada noocaas oo kale ah ay kicinayaan aargoosiga kooxo xagjir ah, sida weer arkii lagu qaaday Majalladda Charlie Hebdo ee mag aalada Paris kaddib markii ay daabacday sawirro kartoon ah oo lagu dhaawacayo sharafta Nabiga (NNKH).

Cabsid Faransiiska soo wajahday ee ka dhalatay afla gaadadii 'Nabi Muxamed NNKH'

Dalalka Muslimiinta ah ee ka dhiidhiyay hadalkii Madaxweyne Emmanuel Macron

Dalka afaraad ee ugu Muslimiinta badan dunida oo dibadbax wayn uu ka dhacay

Shacabka Ruushka ayuu ku boorriyay in ay dhamm aantood isku tixgeliyaan dhaqamada iyo diimaha ay kala heystaan, isagoo intaas ku daray in waddank iisa uu yahay mid ku dhisan "dhaqamo aad u kala du wan" oo aan la mid ahayn dalalka kale ee caalamka.

PUTIN XIGASHADA SAWIRKA,PRESIDENT OF RUSSIA@TWITTER

Dalalka Imaaraadka, Cumaan, Indonesia, Cira aq, Maldives, Urdun, Liibiya iyo Baxrayn ayaa ku bii ray liiska sii kordhaya ee dalalka caalamka Islaamka ee cambaareeyay hadalkaas. Horay hadalkaas wa xaa u cambaareeyay Kuwait, Iran iyo Qadar waxay na u yeereen safiirrada Hindiya caradooda ka dhan ka ah arrintan darteed. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas Isniintii la soo dhaafay.

Diblomaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayay inay dejiyaan dalalkan - waxay Xiriir saaxiibtinimo la wa daagtaa intooda badan dalalkan - laakiin duufaantu waa mid aad uga fog intaas.

Nupur Sharma, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP), ayaa hadalkan ka sheegay dood telefishin, halka Naveen Jindal, oo ah madaxa warbaahinta ee xisbiga Delhi, uu arrintan soo dhigay bartiisa Twitter.Faallooyinkaas - gaar ahaan tii M Sharma - waxa ay ka caraysiisay bulshada Muslimiinta ah ee laga tir ada badan yahay ee dalkaas, taasoo keentay muda aharaadyo goosgoos ah oo ka dhacay gobollada qaar.Labadan masuul ayaa raaligelin guud ka bixiyay, wuxuu xisbigu shaqadii ka joojiyay Sharmaa.

Xigasho:-BBC

Lafta-gareen oo xil ka qaadis iyo magaca abis sameeyey

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Md, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa Shalay sameeyey xilka qaadis iyo magaca aabis, kadib wareegto Shalay kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo la baa hiyey.

Lafta Gareen

ayaa maamul cusub u magacaabay gobollada Baay iyo Bakool oo hoo staga dowlad goboleedkaasi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Sidoo kale warqadda ayaa waxaa lagu shaaciyey in magacaabitsan ay timid, kadib talo soojdin ka timid, wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Gal beed.

Sida lagu sheegay wareegtada waxaa xilka la ga qaaday guddoomiyihii gobolka Bakool iyo ku xigeenkiisa amniga, waxaana la magacaabay ma s’uuliyiin cusub. Maxamed Cabdi Maxamed (Tall) ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Ba kool, halka isna ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaas adda loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nu ur (Snike).Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Baay ayaa waxaa loo ma gacaabay Md. Cabdifitaax Maxamed Ibraahim oo ku magac dheer (Biyaano). Madaxweynaha ayaa faray mas’uuliyiinta cus ub inay si deg deg ah ula wareegaan xilalka, ayna dardar geliyaan shaqoo yinka maamul ee loo igm aaday.Maalin ka hor Ma daxweynaha ayaa magacaab ay illaa 5 Wasiir oo bedelay wasiiradii hore ka dib markii ay

ka mid noqdeen Xildhibaannada G/SHB/FS.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip