SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay

1
Tuesday June 07, 2022 - 13:56:20 in Wararka by
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Waxaa maanta fagaaro kuyaalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu toogtay Nin dhawaan Haweeneey deyn ku laheyd dilay Kaas oo Maxkamadda Gobolka Baay ay dil toogasho ah ku riday.

Ninkan oo lagu Magacaabayay Maxamed Xasan Maxamed (Goomeey) ayaa Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Aamina Maxamed Malaaq ay ka dalbatay in uu siiyo lacag ay ku laheyd, balse uu ugu yeeray gurigiisa si uu ugu wareejiyo maadaama uusan lacag u heyn, hayeeshee uu dilay.

   Ciidamada nabdsugida Maamulka Koonfur Galbeed oo baadi goob dheer u galay kiiskaas ayaa Musqul kasoo saaray Meydka Haweeneyda Maalintii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay , waxaana Alle ha u Naxariistee Aamina Maxamed Malaaq ay aheyd Haweeneey ka Ganacsan jirtay Dharka.

      Boqolaal kamid Shacabka Magaalada Baydhabo, Saraakiil katirsan Maxkamadda Gobolka Baay iyo ehellada Haweeneyda ayaa ku sugnaa goobta toogashada, kuwaas oo sheegay in si cadaalad ah kiiskaasi loo dhameeyay.

        Bulshada ku nool Gobolka Baay gaar haan Magaalada Baydhabo ayaa aad uga naxay dilka Haweeneyda Magaalada Baydhabo loogu geystay ka dibna meydkeeda musqusha loogu riday, waxaana uu ahaa mid si weyn looga hadal haayay degaannada Koonfur Galbeed Maalmahaan

dhinaca kale  iyadoo shacabka soomaaliyeed kaga mahad celiyeen maamulka koofur galbeed , dadaalka ay u galeen soo qabashada eedeysanaha iyo caddalad horgeynta  iyo muujinta cadeymaha lagu helay edeysanah iyo sida maxkamdeynta edeysanaha  ugu xukunta falkii uu geystay iyadoo meel fagaare ah lagu fuliyiayey dilkiisa waxaana cadeyn kuu filan aqristoo  sawirada maxkamdenta iyo kuwa fulinta oo caddalad waafajint a ah.

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail



 


 

thumbnail

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip