HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA JUUN 2022

1
Tuesday June 07, 2022 - 08:14:50 in Wararka by
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA JUUN 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wafdi Ka Qeyb Galaya Caleema Saarka Mad axweyne Xasan Oo Soo Gaaray Muqdisho

Waxaa Shalay magaalada Muqdisho soo gaaray wafdigii u horeeyay ee ka socda wadamada deriska la ah Soomaaliya, kuwaasoo ka qeybgalaya cale ema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

Wafdiga Shalay soo degay oo ka socday dalka Jabu uti waxaa garoonka ku soo dhaweeyay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo loo galbiyay hoteel gaar ah oo loo sii diyaariyay madaxda wadamada caalamka ee martida ah.

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo kamid ahaa xubnaha soo dhaweeyay wfdigan ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu Muqdisho ku soo wajahan yahay mad axweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo kamid ah madaxda la casuumay.

"Waxaan Shalay wafdi horudhac ah oo ka socda waddanka aan walaalaha nahay ee Djibouti ku soo dhaweeynay magaalada Mugadishu, iyagoo ka soo hormaray Madaxweyne Ismail Omar Ghelle oo maalinta khamiista ka soo qaybgeli doono caleema saarka Madaxeyne Xassan Sheikh Maxamuud. Wax aa soo dhawaynta wafdiga ka qaybqaatay wasiir khadiija M. DIriye, wasiir Xagaa iyo xildhibaano ka tir san BFS” ayuu yiri xildhibaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka madaxweyne dib loogu doortay 15-kii bishii hore ayaa la filayaa in la caleema saaro Khamiista nagu soo foolka leh, wa xaana caleema saarkiisa kadib la filayaa inuu soo magacaabo ra’iisul wasaarihiisa cusub, si loo dhame ystiro howlaha u dhiman dowladda cusub.

wafdi ka qeyb galaya caleema saarka madaxweyne xasan oo soo gaaray muqdisho

JAWAARI oo si cajiib ah uga hadlay ololaha ‘guri ga loogu dhisayo’ Maxamed Farmaajo

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Max amed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay guriga la sheegay in qaaraan dadka laga uruuriyey loogu dhisayo madax weynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farma ajo.

Guddoomiye Jawaari oo wareysig aan siiyey Tv-ga Dalsan ayaa fowdo weyn iyo ceeb ku tilmaam ay guriga Farmaajo loo dhisayo, isagoo sheegay in Madaxweynihii hore uu leeyahay xuquuq dastuuri ah, isla markaana uusan qaaraan u baahneyn.

"Dadka Farmaajo dhahaya guri ayaan kuu dhisey naa, waxay wadaan faduul iyo sharaf dil ay ku hay aan shacabka Soomaaliyeed, kuwa Farmaajo kula talinaaya waxay kuu dhiseynaa guri oo lacag ayaan kuu uruurineynaa, waxay wadaan fowdo lagu ceebe ynayo shacabka, waxaan u soo jeedinayaa inay ka haraan waxaas,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka, wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda siyaasadda ay horay maamuus ugu sameeyeen madaxweynihii xukunka si nabad ah uga dega.

"Wuxuu sharcigeenu qabaa madaxweynihii aan qiyaano qaran gelin oo si nabad ah xukunka ku war eejiya inuu xaq u yeelanayo xildhibaan inta uu noolyahay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray guddo omiye Jawaari.

Profosser Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si dhameystiran aan wareysigiisa loo baahin ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, isbadalka siyaas adeed ee dalka ka dhacay, guriga Farmaajo loo dhisayo waxa uu sharcigu ka qabo, nooca uu yahay yo astaamaha lagu xula karo Ra’iisul Wasaaraha loo baahan yahay xilligaan, kursigii Baydhaba looga soo diiday iyo arrimaha kursiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mudo dheer lasoo shaqeeyey Madaxweyne Xasan She ekh, isagoo laba jeer soo noqday guddoomiyaha baa rlamaanka, balse Farmaajo ayaa xukunka ka tuuray, kadibna Laftagareen ayuu sheegay inuu ka hor ist aagay inuu mar kale u tartamo kursigiisa.

Oomaar: Wasiirada aan xildhibaannada aheyn waa looma Ooyaan

Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawa da, Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Omaar) oo wareysi gaar ah siiyeyTelefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar aha an dhismaha dowladda cusub.

Oomaar ayaa wareysigan si gaar ah diiradda ugu saaray arrimo ku aa dan xukuumadda soo socoto iyo waxybaaha loo baahan yahay in ka hor la qaado.

Wasiirka oo ka mid ah xubnihii aadka ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee dalka ayaa is bar-bar dhig ku sameeyey, xildhibaanada wasiirada ah iyo xubnaha bannaaka laga keeno.

"Aniga waxaan ahaa wasiir afar sano oo buuxdo ayaan wasiir ka ahaa meesha, mana aheyn xildhib aan waa wixii Soomaalida ay dhihi jirtay looma Ooyaanka,” ayuu yiri wasiir hore.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan xubnaha baarlamaanka kasoo gala golaha wasiirada loo keeno sidii ay dowladda u difaaci lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaa jira wasiiro xildhibaano ah shan sano iyo ka badan meesha soo taagnaa waxay qabteen aad an garaneynin kaliya inay dowladda ka difaacaan baarlamaanka loo soo galshay,” ayuu markale ku yiri wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa si doo kale soo jeediyey in la koobo tirada xubnaha ka imaanaya baarlamaanka, si loo kala madax banne eyo labada hay’adood.

"Anigu waxaan dhihi lahaa iyadoo loo baahan yahay in dowladda baarlamaanka dad ka mid ah soo galaan, baarlamaanka waa tiro yar oo kooban qibra dda iyo wixii laga rabay dhamaantood lagama wada heli karo, marka waa muhiim in tirada la yareeyo,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhin aca dhaqaalaha xittaa ay saameyneyso arrintan, isla-markaana aan mushaar loo heli karin xubnaha tirada badan ee baarlamaanka.

"Ku xigeennada tirada badan iyo wasiiru dowleya asha loo sameeyey in dowladda ay ka difaacaan baa rlamaanka sax ma’aha mushaaraadkoodana lama awoodo,”.

Hadalkan ayaa kusoo beegmayaa, iyada oo haa tan Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku howlan yahay dhismaha dowladdiisa, oo ay ugu horreyso magac aabida ra’iisul wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya Oo Shir Caalami Ah Uga Qaybgelaysa Dalka Jabuuti

Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu hogaaminayo

Commissioner Khadar Axmed Diiriye kuna wehliyo safarka commissioner Abdullahi Abukar ayaa u amb abaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qeyb galaan Shirweynaha 8-aad ee Caalamiga ah oo ay soo qaban qaabiyeen Madasha Afrika ee Ladaga alanka Musuq-ma asuqa, iyo Hay’adaha Isku-dhafka ah (FIGE), Xafiiska ladagaalanka musuqa ee EU iyo Xafiiska Kormeeraha Guud ee Jamhuuriya dda Jab uuti kaas oo looga hadli doono "Dowlad-wa naagga iyo waxqabadka hay’adaha dowliga ah iyo ladagaal ank amusuqa”. Shirkan oo ka dhici doona Caasim adda Djibouti inta udhaxeysa 7–9 bisha Juun ayaa waxaa kasoo qeyb gali doona wufuud caalami ah oo ka kala socota Dalalka Ururka Hay’adaha isku-dha fka ah ee (FIGE), Madaxda Guddiyada La-dagaalan ka Musuq-Maasuqa ee Bariga Afrika, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika iyo Khubaro kale oo Caalami ah, shirkaan ayaa waxaa daah furaya Madaxweynaha Djabuuti Ismail Omar Geelle.

Soomaaliya ayaa ah markii ugu horeysay oo ay xubin ka noqotay Ururka FIGE kana qeyb gasho shir weynahaan.

Taliyaha Ciidanka Burundi Oo Soo Gaaray Muqd isho Iyo Jen.Odowaa Oo Kulan La Yeeshay

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Shalay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciid anka xoogga ee dalka Burundi, Genaraal Niyingabo Prime oo safar

shaqo ku yimid Soomaaliya.

Jeneraal Odowaa ayaa dhigiisa Burundi warbixin ka siiyay xaalka ay ku shaqeeyaan ciidamadda So omaalida, isagoo ku amaanay kaalinta ay ka qaa taan sugida amniga dalka, maadaama Burundi ay tahay wadanka labaad ee leh ciidanka ugu badan ee Afrikaanta ah ee ka howlgala dalkan.

Taliyaha Ciidanka xoogga ee dalka Burundi, Ge naraal Niyingabo Prime ayaa kormeer ku tagay xar unta wasaarada Gaashaandhigga, isagoo amaanay sida dalkan loogu soo dhaweeyay, wuxuuna balanq aaday iney sii laba laabi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed

Howlaha uu dalkan u yimid taliyaha ciidanka Buru ndi waxaa qeyb ka ah sidii uu kormeer ugu sameyn lahaa xeryaha ciidamadooda ee ku yaala Shabeelo oyinka, si uu u dhiiri galiyo shaqooyinka ay dalkan ka hayaan isla mar ahaantaasina niyada ugu dhiso maadaama dhawaan askar badan looga dilay weer ar ka dhacay dalkan.

Kooxda Shabaab oo 3-dii bishii hore ee May wee rar ku gashay xero ku taala deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh.dhexe ayaa ku dishay askar 30 ah una dhashay dalka Burindi, waxaana jiray ciidan kale oo nolosha lagu waayay, iyadoo Burundi isku dayey so sidii ay ciidamo dheeraad ah ugu soo biirin leheyd howlgalka ATMIS.

Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaq ay in Gole degaan loo sameeynayo Magaa lada Cadaado

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi ballaaran oo uu hog gaaminayo ayaa safar dhulka ah ku gaaray degma da Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka tegay Maga alada Dhuusamareeb ayaa maalmo kooban safar shaqo ku joogi doona Cadaado, waxaana degmada Cadaado ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, maamulka degmada cadaado, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo bulshada qeyb aheeda kala duwan.

Madaxweynaha Galmudug oo u mahad celiyay dadkii Magaalada kusoo dhaweeyay ayaa sheegay inay guda geli doonaan dhismaha Golaha degaanka Magaalada Cadaado.Ammaanka Magaalada Cadaa do ayaa aad loo adk eeyay, waxaana Madaxwryne Qoor Qoor uu la kulmi doonaa Maamulka Magaala da, Oda yaasha Dhaqanka & Saraakiisha Cidamada.


Muuse Geelle oo sharxay sababtii ay doora shada uga reebeen Fahad Yaasiin

Guddoomiyihii guddiga doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka dhacay Muuse Geelle Yuusuf ayaa mar kii ugu horeysay wareysi uu bixiyey ku faahfaahiyey dhibaatooyinkii ay ka soo mareen inay dhacdo doorashadii socotay 21-ka bilood.

Sidoo kale Muuse Geelle ayaa ka hadlay kursigii ugu muranka badnaa doorash ada dalka ee Beledweyne uu ka soo qaatay Fahad Ya asiin, kaas oo ilaa hadda aan xildhibaan rasmi ah loo dooran.

"Kursigaas wuxuu ka mid ahaa kuraas uu habra aca doorashadu ka qaldamay, beel ayaana iska laheyd oo ilaa hadda laga war sugaa, beesha ayaa laga doonayaa inay qof u doorato kursigaas HOP 086,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin aysan gaar u beegsan, laakiin kursigaas uu ka mid noqday kuwo ku soo baxay xaalado aan fiicneyn oo indhaha ay ka fiirsa waayeen, "kadibna amar ayaan bixinay ahaa in doorashada kuraastaas lagu noqdo, waana lagu noqday qaarkood.”

Markii ay Baydhaba u tageen xalinta kuraastii ka le ayuu sheegay in arrinta kursiga HOP086 ay maxk amadda sare jirtay, taas oo dacwo uu u geystay Fahad Yaasiin, sidaasna ay ku dhaafeen.

Muuse Geelle oo wareysigaan siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sharaxay caqabadihii ugu waaweynaa ee qabsaday, isagoo sheegay in mar kaliya aysan faro gelin ka nasan.

"Qolo kasta waxay naga hor istaageysay wixii ay san u arkeyn in danu ugu jirto, xitaas beesha caal amka ayaa faro gelinta qeyb ka aheyd, dowladaha caalamka qaar waxay doonayeen in hoggaamiyaa shii hore ee dowladda ay meesha ka baxaan, qaarna waxay doonayeen inay xukunka ku soo laabtaan,” ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Wuxuu sheegay in wax faro galin ah oo ay dhibs adeen aysan kala kulmin Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay ayagu gaarayeen go’aanadii door ashada, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu ahaa hoggaa miyaha guud ee doorashada dalka.

Mar wax laga weydiiyey eedeyntii Madaxweyne Laftagareen ee aheyd ‘warqadaha guddiga doorasho oyinka meelo kale ayaa looga soo qoraa Muuse Gee lle’ ayuu ku jawaabay, "Laftagareen marar badan ay uu waxaan jirin igu eedeeyey, weligiis R/Wasaaruhu wax nooma soo qorin, marka waa dacaayad nagala faafiyey.”

Muuse Geelle ayaa sheegay in doorashadaan ay aheyd tii ugu dhibka badneed, laakiin ay noqotay tii ugu laaluush bixin yareed, isagoo tusaale u soo qaa tay kaalintii ay ku lahaayeen golaha wadatashiga qaranka oo ka baaraan degay arrimaha laaluushka.

29-kii bishii hore ee May ayuu Ra’iisul Wasaare Ro oble kala diray guddigii doorashooyinka heer feder aal, isagoo ku amaanay shaqadii ay qabteen, xillig aas Rooble wuxuu ka war helay wadahadal hoose oo xubno ka tirsan guddiga ay kula jireen Fahad Yaa siin oo doonayey in guddigu uu fasaxo kursigiisa.

C/Raxmaan C/Shakuur Oo Wadahadal La Yeesh ay Madaxda Ugu Saraysa Ha’yadaha Q/Midobay.

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannim ada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cab dish akuur Warsame, ayaa kul

an fogaan arag ah la yeeshay madax da ugu saraysa ha’yadaha Qaram ada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ay ka mid yihiin; WFP, UNICEF, UN HCR, IOM, OCHA iyo kuwa kale.

Waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka abaaruhu wax yeelleey een, isla-markaana loogu diyaar diyaar garoobi lah aa xaaladda bani’aadannimo ee dalka ku soo waj ahan. Ergaygu wuxuu kaloo kulan la yeeshay Madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii uu Bankiga u gacan sii lahaa xalka wa ara ee dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, loona dar dar gelin laahaa taageerada Bangiga ee mashruucy ada degdega ah.

Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Ba anka adduunka ayaa ballan qaaday in ay dadaal kooda laban-laabayaan, degdegna ugu istaagayaan wax ka qabashada abaaraha. Ergeyga waxaa masu uliyadihiisa ka mid ah, dardar gelinta iyo raadinta taageero loo fidiyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.

c/raxmaan c/shakuur oo wadahadal la yeeshay mad axda ugu saraysa ha’yadaha qaramada midoob y. C/raxmaan c/shakuur oo wadahadal la yeeshay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Q/ Midoobay.

Sheekh Cusmaan Barre oo shaaciyey dhib aatooyin ay FARMAAJO ku qabeen

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabe elle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii la soo shaqeysay Madaxweyne Far maajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaa tooyinkii ay HirShabeelle ku qabtay nimaadkii Far maajo.

Wuxuu sheegay in dowladii uu Farmaajo hogga aminayey ay kor uga eked dowlad, balse gudaha aan looga shaqey jirin sharci dowladnimo, isagoo sheegay in dadka qaarna la dilay, qaar na ay cabsi ku noolaayeen.

"Dowladii Farmaajo dadka waxay ka dhigtay qof cabsi ku nool, qof jeelka la dhigay iyo qof la dilay, waxay aheed dowladii ugu liidatay tan iyo burburkii, dastuurkii ayey baabi’isay heybadii Soomaaliya ayey baabi ’isay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Barre.

Wuxuu sheegay in madaxda dowlad goboleedya da ay cabsi ku joogeen xukunka, halka madaxda do wlad goboleedyada qaarna ay ku baxeen cadaadiskii ay saartay xukuumadii Farmaajo.

"Waxaa ugu daraa HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo cadaadis xun la saaray, markii la cuuryaamiyey maamulladaas waxaa fursad helay Al-Shabaab oo meel kasta u fariistay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu dul istaagay sida uu Farmaajo ugu tuntay dastuurka dalka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in muhiimad uu siiyo dastuurka oo wadadii uu Farmaajo ku socday uu ka leexiyo dowladnimada.

"Soomaaliya intii Farmaajo xukunka joogay wax aa la iskula joogay xoog, waxaa meel la iska dhi gay nimaadkii dowladnimada iyo shuruucdii dalka, waxy aabaha ugu daran ee Madaxweyne Xasan Sheekh sugaaya waxaa ka mid ah soo celinta xiriirkii dowla daha caalamka, maadaama uu dalkeenu weli tabar yaryahay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan.

Wasiirada Galmudug Oo Ansixiyay Sharciga Guddiga Doorashooyinka.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ca bdi Kaariye Qoorqoor ayaa Habeen hore gudoomi yay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hin dise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ans ixiyaan.

Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciye edyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabi yad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee, kuw aas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug, sida wasriirka arrimaha gudaha maamulkaas uu xusay.

Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiir ada Habeen hore ansixiyeen ayaa kala ah:- 1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dow ladda Galmudug. 2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaa sadeed ee Dowladda Galmudug. Sharciyadaan ayaa si rasmi ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fed eraalka iyo Dib u heshiisiinta u gudbin doontaa Gola ha Baarlam aanka Galmudug si ay waajibkooda uga gutaan.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay Mad ax ka Socotay Safaarada Libya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahman Du aleh Beileh ayaa Shalay la kulmay safiirka wadanka Libya ee Somaaliya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna u qaabi lsana ha dhinaca Maaliy adda Safa arada Libya, waxa ayna ka wada hadleeyn arrimha dha qaalaha iyo Deyn Cafinta Soo maaliya madama Libya ay ka mid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soom aaliya.

"Waxaan Shalay la kulmey safiirka wadanka Libya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxaan ka wada hadalney arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Car abta ee nagu leh deynta”Ayuu yiri Wasiir Beileh

Akhriso War Saxaafadeed Ay Midowga Dallada ha Waxbarashada Ka Soo Saareen Imtixaan ka Shahaadiga

EGuddiga sare ee Midowga Falladaha Waxbara shada dalka ayaa ka soo horjeestay xubno magaca mid owga Dalladaha ku qaadacay Imtixaanka Sha haadiga oo ay qaado Wasaaradda Waxbarasha da.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ayaa lagu shee gay in Wasaaradda Waxba rasha da ay masuul ka tahay nid aanka iyo siyaasadda waxbarashada gu ud ee dalka.

Sidoo kale Midowga Dallad aha Waxbarashada ayaa sheegay iney mar walbo diyaar u yihiin la shaqeynta Wasaaradda Waxbarashada iyo agaasinka Waxbarasbada Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Midowga Dalladaha Waxbarashada Soo maaliyeed ayaa ugu baaqay Maamulayaasha Iskuula da, waalidiinta iyo Ardayda iney u diyaar garoobaan ka qeyb galka Imtixaanka isla markaana la shaqeeyaan Wasaaradda.

Akhriso war saxaafadeed ay midowga dallad aha waxbarashada ka soo saareen imtixaanka shahaadiga


Kooxo Hubaysan Oo Nin Nigerian Ah Noolasha Ku Gubay

Booliiska Nigeria ayaa sheegay in nin ay isku dha ceen wadaad Muslim ah uu ku dhintay ma g aalada Ab uja ee caasimadda dalkaas,ka ddib markii ay dab qabadsiiyeen kooxo taageers an wadaadka.

Axmad Cusman, oo 30 jir ah, ayaa ku jiray kooxo si iskood ah u jooj iyo dambiyada ka dib na ciqaabo damb iilayaasha oo maxalli ah, wa xayna booliisku sheegeen in ilaa 200 oo qof oo la abaabulay dhacdadan ay ka dambee yeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in muranku uu salka ku hayo hadal la sheegay inuu ku afla ga adeeyay wad aadka , balse booliiska ma aysan xaqiijin arrintan.

Bishii hore, arday Kiristaan ​​ah ayaa waxaa

dilay arday Muslimiin ah oo ku eedeeyay inay

aflagaadaysay magaalada Sokoto.

Dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa shee gaya in kiisaska soo noqnoqda ee rabsh adaha wata, ay ka dhashaan isla xisaabtan la’ aan qoto dheer iyo kalsooni la’aanta nidaamka cadaaladda dembiyada.

Amb. Jamaal Barrow oo soo saaray dalab ka dhan ah safiirada caalamka

Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Ni geria, Amb. Jamaal Barrow ayaa si weyn u dha liilay hab dhaqanka safiirada dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho

wuxuuna arrin ka baxsan diblomaas iyadda ku tilma amay inay maalin walba tegaan xafiisya da madaxda u gu sarreysa dowladda.

Jamaal Barrow oo qora al soo dhigay bartiisa Face book-ga ayaa xusay in sa fiiradu ay dhex wareegaan xafiisyada dowladdaiy ada oo ay san ka warqabin wasaaradda arrima ha di bad da."Tusaale waxay dhex wareegaan xaf iisyada dawl adda heerarkooda kala duwan iya goo Wa saaradda Arrimaha Dibedda ka war qa bin, taas oo ah hey’adda u xilsaaran la maca amilka diblo maasiyiinta ajaanibta ah. Ilaa hadd ana lama hayo cid yac tiraahdo oo nid aamka sax ah ku toosiya,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray safiirka Somalia u fadhiya dalka Nigeria.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray "Waxa kaloo, nida amka diblomaasiyadda baalmarsan in diblomaa si ajnabi ah dhambaal madaxdiisa ka sida si toos ah ugu gudbiyo madaxda ugu sareysa dalka,”.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay mid la la yaabo, wuxuuna intaasi raaciyey in xittaa aan la garaneynin cidda ballamisa.

"Arrimaha kaloo yaabka leh waxa weeyaan in bar aha bulshada maalin kasta la soo dhigo sawiro dib lomaasiyiin ajanabi ah oo la shirayo madaxda ugu sareysa dalka, lama yaqaano ci dda balamahaas u fu dudeeysa,” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saa ray Jamaal.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in arrin tan wax weyn laga qabto, wuxuuna ka dalbad ay wasaaradda arrimaha dibadda inay diyaar iso xeer lagu hagayo diblomaasiyiinta shishee ye. "Haddaba, si looga baxo fowdadan dibloma asi yadeed waxa waajib ah in Wasaaradda ay diyaariso xeer-nidaamiye hagaya diblomaasiyi inta dalka ka hawlgala, isla markaana ciddii ku xad-gudubtana lala xisaabtamo, sida ay sam eeyaan dalalka adduunka oo dhan,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ka dib do orashadii 15-kii May ay xoogeysteen dha q-dhaqaaq yada safiirada caalamka ay ka wa daan dalka, gaar ahaan Qatar iyo Imaaraadka.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida Qeybta 27aad oo xukun ku riday askar katirsan Ciidamada Dowladda

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qey bta 27aad ayaa Shalay xukuno kala duwan ku riday Afar Askari oo katirsan Ciidamada xoogga iyo Nabadsu gida Soomaaliya, ku waas oo lagu helay dil iyo inay dhac ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka gedo.

Bukhaari Axmed Maxamuud oo kartirsan Nisa iyo Dable Xooga Salmaan ibraahim Shire ayay Max kamadu ku xukuntay dil toogasho ah halka Axmed Xuseen Cilmi lagu xakumay sed dexsano oo Xarig ah & Sharmaake Muxumed Cali oo lagu xukumey hal sano oo xabsi ah

Guddoomiyaha Maxkamada qeybta 27-Aad ee ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxa med Amiin Cabdule Aadan ayaa ku dhawaaq ay xukunka,isago ona sheegay in maxa kama da markey dhage ysatay ka dib edeynta iyo cad eymaha la ho rkeynay Max Kamadu ay ku riday xukunada isugu jira dilka xabsi ga ah, islmark ana ay heystaan Muddo30-Cisho ah in ay racfa an ka qaataan xukunka.

Guddiga TPEC Oo Balanqaaday In Dhamaad ka Sanadan Doorasho Qof Iyo Cod Ka Qab anayaan Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdu llaahi Deni ayaa Shalay kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gu daha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Punt land, Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorasho oyinka Puntland

(TPEC).Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegays tay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TP EC), waxaana Kulanka oo ay ka qeybgaleen qa ar ka mid ah xubn aha Gola ha Wasiir ada, looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa dhameysti rka wejiga labaad ee qabashada doora sho qof iyo cod ah oo la gu soo doorto Goleyaa sha deegaanka Degmooyinka Puntland ee har san.

Guddiga Doorashooyinka ayaa soo bandhi gay shaqada socota iyo qorsheyaashooda sha qo ee u yaalla, sidii dhammaan doorasho hal qof iyo cod ah looga qaban lahaa degmooyinka Puntland, taasi oo qorshuhu yahay in ay Puntl and ka dhacdo bisha december 2022. Mada xweynaha maamulka Puntland ayaa bogg aadi yay shaqada wanaagsan ee la qabtay, wuxuu na faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khud eyso si dhameystiran loogala shaqee yo Guddiga in shaqooyinka horyaalla iyo Doora shada goleyaasha deegaanku ay ku qabsooma an wakhtiga loo qor sheeyay.

Ergeyga Gaarka Ah Ee Arrimaha Abaaraha Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Shiinaha

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aad annima da iyo Gurmadka Abaaraha, Md Ca bdiraxm aan Cab dishakuur Warsame, ayaa ku lan la yee shay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaliya, Ambassador FEI Shengchao.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, si da do wladda China qeyb ka ga qaadan lah ayd gur madka ay sida degdeg ga ah ugu baah an yi hiin malaayiinta Soom aaliyeed ee abaaraha daran aafeeyeen iyo ka wada-shaqeynta sidii looga hor tagi lahaa in xaaladdu isku baddeshu macluul.

Danjire FEI Shengchao, ayaa Ergeyga u bal lan qaaday wada shaqeyn buuxda iyo in dow laddiisu u istaagi doonto, dardar galinta wax ka qabashada aba araha, si loo samatabixiyo, dadka gargaarka u baah an ee abaaruhu waxy eelleeyeen.

Ugu danbeyn, Ergayga ayaa ka mahad cel iyay xiriirka qaddiimiga ah ee ka dheexa labada waddan, kaasoo ah midka ugu waqtiga dheer ee dal ku yaalla Afrikada Bari la leeyahay Shi inaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magac aabay Gole Wasiiro Cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Ga lbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftaga reen) ay aa waxaa uu Magacaabay Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada oo banaa naa, kuwaas oo xubnihii awal hyay ay kamid noqdeen xildhibaannada Go laha Sha abka .

Wareegto kasoo baxday X afiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu Magacaabay Wasi irada kala ah.1: Dr Cali AlCabdi Ma calin oo loo magacaabey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta K/ Galbeed.

2: Cabdullaahi Xaaji Xasan oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

3:Maxamed Isaaq Cabdi oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

4: Xasan Cabdinuur Aadan oo loo Magacaabay Was iirka Gaadiidka cir & Dhulka Koonfur Galb eed.5: San dheere Maxamed Iftin oo loo Magac aabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xool aha Maamulka Koon fur Galbeed. Wasiirad an cusub ee la magacabay ayaa bada layo was iiradii hore kuwaa oo xilkooda kuwaayay ka mid

noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya


Ciidanka Danab oo gudaha u galay Tooratorow, kadib maxaa dhacay?

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxa ya howlgal ay ciidamada sida gaarka ah u tab abaran Danab ka fuliyeen deegaannada Toora tootow iyo Caliyow Baarow oo ka tirsan gobol ka Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Danab, gaar ahaan kuwa ururka 4-aad, guutada 16-aad ee kum aan dooska Da nab, ay aa guda ha u galay deegaanada as oo ay saldhigyo ku leey ihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sha aca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen illaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shab aab, kuwaas oo loogu tegay deegaanad aasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay burburiy een goobo ay xoogaga Al-Shabaab lac ago uga qaadi jireen dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen. Xubnaha lasoo qab tay ayaa sidoo kale la shee gay in ciidamadu ay geeyeen deegaanka Balidoogle oo ay ku lee yihiin saldhig, waxaana kadib loo soo gu dbin doonaa Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan ho wlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidam ada Xoogga Dal ka Soomaaliyeed.

Tooratoorow oo ka mid ah meelaha howlg alka la ga fuliyey ayaa waxaa sanado badan ka taliya Al-Shabaab, waxaana ugu yaallo saldhi gyo waa weyn iyo xarumo maxkamadeed.Si ka staba, maalmihii u dambeeyey ciidamada huw anta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milat ari ee ay ka wadaan koonfura iyo bartamaha Dalka Soomaa liya.

Muwaadin Soomaaliyeed oo Habeen hore la gu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay meelo kamid ah gudaha dalkaas kudileen muwaa din Soomaaliyeed oo kamid ahaa Dhalinyarada u Shaqa tegay dalkaas ee ku lah aa Goobaha Ganac siga.

Alle ha u Naxariistee Muw aadinka Soomaaliyeed oo la gu Magacaabi jiray Cali Max amed Xasan (Bal aakii) ay aa lagu toog tay degaanka Nyanga oo ka tir san Magaa lada Cape Town ee Dal ka asi Ko onfur Afrika xilli uu ku dhe xji ray Gaar igiisa, iyada oo Kooxdii ka da mbeeysay dilkiisa ay Goobta ka bax sad een.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool deg anka uu dilka ka dhacay ee Nyan ga ayaa she egay in Muwaadinka Soo maaliyeed uu Gaari ku war eejin jiray Rooti, hayeeshee Kooxaha Burcadda mar kii ay dileen aysan waxba ka qaa dan, isla markaana ay isaga tageen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa ku batay dilalka loo geysanayo Soom aalida, waxaana ay aheyd Sabtidii la soo dhaafay markii laba dhalinyaro Soomaali ah la dilay laba kalena la dhaawa cay Ukraine

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Oo Hanjabaad Hor Leh Soo Saaray Waxaan hadda helnay falcelin dheeri ah oo ka timid Ruushka ka dib markii UK ay sheegtay inay ku biiri doonto Mareykanka oo ay Ukri ane u soo diiri doonto hababka gantaalada riddada dheer.

Wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov ayaa sheeg ay in ciidamadiisu ay arrin tan ka jawa abi do onaan iya goo dib u riixaya ciidamada Ukraine.

Wasiirka arrima ha dibadda Ruushka ayaa sheegay in ay dib u riixi doonaan ciidamadda Ukraine inta ay reer galbeed ka wadaan in hub ka riddada dheer usoo diraan

Dunida Islaamka Oo Jawaab Ka Bixis Ay Af la Gaado Cusub Oo Loo Gaystay Nebiga Nnkh

Dalalka Islaamka ayaa si caro leh uga jawaabay afl aagado ay Nebiga NKKH u gaysteen xubno ka tirsan xisbiga haya talada dalka India ee Bharatiya Janata Party (BJP). Afhayeenka BJP

Nupur Sharma ayaa aflagaadeysay Nebiga NNKH iyo xaaskiisa Caa’isha ayada oo ka qeyb galeysay dood tal eefishin, halka madaxa warb aahinta xisbiga BJP Naveen Kumar Jindal uu qoraal aflagaado ah soo geliyey twitter-ka. Xis biga ayaa shaqo joojin ku sameeyey labada xubnood.

Dalal badan oo Carbeed ayaa u yeeray safi irada India, halka wasaaradda arrimaha dibed da Pakiustan ay war-saxaafadeed ku cambaa reysay hadalladan sidan weyn gefka u ah iyo jawaabta BJP.

"Hadalladan aan gebi ahaanba la aqbali kar in, ma ay san dhaawicin kaliya dareenka dadka Pakistan balse waxay dhaawaceen dareenka balaayin Muslimiin ah oo caalamka ku nool,” ayaa lagu yeeray war-saxaafade edka wasaar adda arrimaha dibedda.

Wasaaradda Arrimaha Dibeda Qatrar ayaa u yeertay safiirka India una gudbisay qoraal ras mi ah oo ay ku mu ujineyso sida ay dowladda Qatar "uga niyad jabtay, u di idan tahay una cambaareyneyso hadalladan.”

"Dowladda Qatar waxay ugu baaqeysaa do wladda In dia inay si deg deg ah u cambaare yso hadalladan, si shaacsanna uga raali-geliso dhammaan Muslimiinta caalamka,” ayuu yiri Ma jed Mohammed Al Ansari oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar.

Dowladda Kuwait ayaa sidoo kale u yeertay safiirka India, waxayna sheegtay inay u gacan gelisay qoraal rasmi oo cabasho ah, oo Kuwait ay ku diiday kuna cambaareyneyso hadallada sarkaalka ka tirsan BJP.Dhanka kale, guddoom iyaha labada Xaram ee shariifka ah Sheekh Ca bdiraxmaan Sudaysi, ayaa si kulul u cambaare eyey hadallada aflaagadada ah ee ka dhanka ah Suubanaha NNKH.

"Ficilladan foosha xun kama tarjumayaan ixtiraamka diimaha, islamarkaana kuwa sam eeyey ma aysan aqrin taariikhda Nebiga NN KH. In Nebiga la aflagaadeeyo waxaa ka kheyr roon dunida oo dhan oo la gediyo,” ayuu yiri Sheekh Sudaysi.

Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) ayaa dhankiisana sheegay inuu sida ugu xooggan u cambaareynayo aflagaadada ay Nebiga NNKH u gaysteen xubnaha ka tirsan xisbiga BJP.

Dowladda Sacuudiga ayaa hadallada afhaye enka BJP ku qeexday aflagaado cad, waxayna dalbatay in la ixtiraamo diimaha oo idil, sida la gu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Sida uu ku warramay Taleefishinka Al-Jaze era, Xisbiga BJP ayaa horey uga faa’iideystay siyaasad ahaan inuu qaado talalabooyin ka dhan ah muslimiinta India, ayada oo lagu yaq aan siyaasad Muslim naceyb ah oo ku dhisan sareynta Hindu-ga.

Hase yeeshee, hadallada ka dhanka ah Neb iga NNKH ayaa dhaliyey caro caalami ah, oo hadda India ay bixineyso qiimahooda.Dhinaca kale, shacabka dalalka Islaamka qaarkood ay aa billaabay olole ka socda bar aha bulshada ayaga oo dalbanaya in la qaadaco dham maan badeecadaha ay soo saarto India.

Al-Shabaab Oo Qarax La Beegsatay Xildhib Aan Ka Tirsan Kenya Iyo Ilaaladiisa

Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maalintii Ax ada aheyd qarax nooca miinada ah ciidamo gal binayey xildhibaan ka tirs an baarlamaanka dal kaasi lagula eegtay duleedka M/ Gaarisa. Qaraxa ayaa qabs aday mid ka mid ah kolonya da ay wateen ciidamada Bool iska Kenya oo markaas ilaali nayey xildhibaan Ibraahim Ca ba as iyo wafdiisa oo maraya wadada Ijara.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhaaw acmay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciida mada Kenya, waxaana qaraxa ka bad-baaday xildhibaankii la socday gaadiidkaasi. Askarta ay waxyeelada dhaawac ah soo gaartay ayaa la geeyey Manda Bay, si loogu daaweeyo xaala ddooda caafimaad, maadaama qaarkood ay halis yihiin.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo weerarka qaraxa ah, ka dib howlgallo kooban ka samee yey halkaasi.Xaaladda goobta uyu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, ma na jirto cid ay falkaas usoo qatbteen saraakiisha laama ha ammaanka ee waddanka Kenya. Kooxda Al-Shab aab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa dalka, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaali ya.Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo u gu jir aan howlgalka ATMIS, ex AMISOM ee ka so cda Soomaaliya.


 

SIDEE AYAY KU TIMID IN MEYDKA HAWEENEYDA LAGA BAARO BOOSANEERKA?

Waa la cusbooneysiiyay 35 Daqiiqadood ka hor

Qabuuro Sheekh Cali Cabdiraxmaan Axmed oo ah sey ga Amiina Maxamed Cismaan oo Dorraad meydkeeda laga dhex helay helay boo saneerka guri ku yaalla Bay dhabo ayaa BBC-da uga warramay sida uu u dhacay baari taanka.

Wuxuu sheegay in xaaskiisa la la'aa ilaa Sha laykii Jimcaha. "Wa xaa la la'aa laga billaabo 2:30 pm Jimcihii, Sabtidii oo dhan baa la la'aa. Kaddib waxaa la helay Shalaykii Axadda," ayuu yiri Sheekh Cali.

Wuxuu xusay in loo tagay shirkadda isgaars iinta ee ay telefoonkeeda adeegsaneysay xaaskiisa, kaddibna la tixraacay lambarradii u dambeeyay ee ay la xiriirtay. Waxaa lala xiriiray bajaajle ay hal doollar u dirtay, kaas oo tilma amay guriga uu geeyay.

Booliska oo baaritaanka qeyb ka ahaa ayaa tagay gur iga, halkaas oo lagu arkay waxyaabo laga shakiyay.

"Guriga dhiig iyo wax baa lagu arkay iyo meel qof la gu jiiday. Waxay [boolisku] dareem een in meesha qof la gu dilay," ayuu yiri seyga Aamina.

Wuxuu intaa ku daray in la sii baaray, lana ogaaday inuu raadku tagayo dhanka mus qusha. Waxaa la jebi yay boosaneerka oo lagu arkay shamiito cusub oo dho waan la mari yay.

Warbaahinta gudaha ayaa qortay in ay gab adhu u gu tagtay ninka gurigiisa oo uu ku balla miyay si ay uga qaadato lacag deyn ah oo ay ku lahayd. Hase yeeshee, Cali wuxuu noo she egay in uusan taas xog badan ka hayn, isla ma rkaana uusan noo sheegi karin sababta ay ugu tagtay, iyo caddadka, haddiiba ay jirto lacag ay ku lahayd.

MAXAA LOO ADEEGSADAY DILKA?

Sheekh Cali ayaa sheegay in isbitaalka oo mey dka loo geeyay si loogu baaro uu caddeeyay inay qabtay sa gaal dhaawac oo middi ah - ka billow qoorta, kelidda il aa feeraha iyo meelo kale oo badan.

Ninka oo markii uu falku dhawacayay ku maqnaa Muqdisho ayaa hadda dib ugu noqday Baydhabo si uu uga qeyb qaato aaska iyo tacs ida xaaskiisa.

Wuxuu sheegay in ay boolisku xireen ninkii lahaa guriga meydka laga helay. Cali ayaa xus ay in uu boolisku u xaqiijiyay in ninka la xiray uu qirtay dilka xaaskiisa.

Sheekh Cali ayaa xusay in loo sheegay in ay suuqley isla ahaaye en ninka laga shakisan yahay iyo xaaskiisa.

WAA TUMA AAMINA? AAMINA MAXAMED

Amiina Maxamed Cism aan waxay ahayd gana csato dharka ku iibisa dukaan baca dle ah oo ay ku lahayd Ba ydh abo. Waxay ahayd ooy ada 8 carruur ah oo ga badhee da ugu yar ay 16 sano jir tahay. Waxay ahayd haweeney dhigata dugsi Qur'aan si gaar ahna u gu xiran misaajidka, sida uu noo sheegay seygeeda.

Booliska ayaa weli baaritaan ku wada kiiska. "Inkastoo uu qirtay, haddana baaritaanka wixii dhiman askarta ay aan ka sugaynaa. Marka xog buuxda la helo ayaan wax un go'aansan doonnaa, laakiin hadda tacsi ayaan ku ji rnaa," ayuu yiri Sheekh Cali. Gaashaanlaha ayaa shee gay in ninkii baajaatka ku geeyay goobta uu gacan ka geystay arrinta, kaddib markii uu booliska geeyay goob tii uu ku dajiyay.

"Waxaan ahay codka u hadlaya dadkii la xasuuqay"

Tuug xaday dambaska meyd la gubay oo iska soo celiyay Shac abka iyo askarta oo ku xoonsan goobta meydka laga helay

XIGASHADA SAWIRKA,RADIO MUQDISHO

Booliska ayaa sheegay inay dib ka soo sheegi doon aan sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka.

G/le Sare Amiin Maxamed Cismaan ayaa BBC-da u she egay in in dhacdadaan ay tahay tii ugu horreysay oo no oceeda ah oo ka dhacday Baydhabo ama guud ahaan Koonfur Galbeed.XIGASHO:BBC

9-qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Mareykanka.

Toogashooyin ka dhacay 3 Magaalo oo Mareykan ah ayaa lagu dilay 9 qof, waxaana ku dhaawacmay labaat ameeyo kale, taasoo ah tii ugu da mbeysay ee rabshado hubeysan oo ka dhashay 3 toogasho oo dad badan ay ku dhin teen oo ka dhacay dalka Mareykanka.

M/ Philadelphia, iska horimaad dhex maray laba nin, ay aa isku bedelay is-rasaasayn, taa soo keentay in rasaas lagu furo maqaayad ay dadku ku badan yihiin, halkaas oo ay ku dhinte en saddex qof, 12 kalena ay ku dhaaw acm een, waxaana sida uu boolisku sheegay ka dha shay argagax intii ay dadku ka baxsanayeen rasbasta.

Toogasho taa la mid ah ayaa saqdii dhexe ee Sabtidii ka dhacday meel u dhow baar ku yaalla magaalada Chattanooga ee gobolka Ten nessee, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, 14 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen.

Sidoo kale toogasho kale oo dhacday saac adihii ho re ee Axaddii, ayaa lagu dilay saddex qof, labana waa lagu dhaawacay mag aalada Saginaw ee gobolka Michi gan, sida uu sheegay taleefishinka WEYI, isagoo soo xiganaya bayaan uu soo saaray boolisku.

Rabshadahan ayaa dhacay iyadoo bulshooyinka ku nool saddex magaalo oo kale ay weli ku jiraan baroor-dii qda xasuuqii 10-ka qof lagu dilay ee ka dhacay duk aan ku yaalla Buffalo, New York; 21 qof oo u badnaa ardayda yar yar oo lagu dilay Uvalde, Texas; iyo afar qof oo joogay dhismo caafimaad oo ku yaal Tulsa, Okla homa.

Dadka u dooda xakameynta hubka ayaa ku riixaya dowladda Mareykanka inay qaaddo tillaabooyin adag oo lagu xakameynayo rabshadaha hubka.

Ugu yaraan 240 toogasho wadareed ayaa sanadk an gudaha Mareykanka ka dhacay, sida ay sheegtay Gun Violence Archive, oo ah koox sameysa cilmi-baaris la xiriirta waxyeellada hubka.

Mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow oo Ukraine lagu dilay

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Mo scow ee joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dha cay gobolka Donbas ee bariga Ukraine. Sida uu shee gay wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ee Rossiya 1, Roman Kutuzov ayaa la dilay isagoo hogaa minaya weerar lagu qaaday deegaan ay degan yihiin ciidamad da Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan weli ka had lin wararkan. Militariga Ukraine ayaa sidoo kale xaqii jiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bi xin faahfaahin dheeri ah oo ku saabs an sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale Ruushka ayaa ku and acoonaya in uu burburiyay dhismay aal warshadeed oo ku yaallay warsh ad dayactir ku samaynaysay baabuurta hubaysan ee Ukraine oo ku taalla gobolka Kharkiv Wasaaradda Dif aaca Ruushka ayaa sheegtay in di yaarad kale oo mili tariga Ukraine la soo riday, sidoo kale.

Ruushka ayaa sidoo kale sheeganaya in 18 kale oo kamid ah, taangiyada Yukreen ayaa sidoo kale la burbu riyay waxaana la dilay 450 oo kamid ah dagaalamayaa sha Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa waqti la qaa tay ciidamada kusugan jiidda hore ee bariga Donbas – halkaas oo uu Ruushka duqeymo joogta ah ku hayo. Khudbadiisii ​​habeenkii Axadii, wuxuu sheegay inuu saf ar ku tagay magaalada Lysychansk iyo magaalada Sole dar – isagoo sheegay inuu ku faanayo "qof kasta oo aan la kulmay {iyo} qof kasta oo aan gacan qaaday”.

Safarkan ayaa madaxweynaha ayaa ah safar naadir ah oo uu ku tagay meel ka baxsan caas imadda Kyiv tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Febraayo

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip