HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 6-DA JUUN 2022

0
Monday June 06, 2022 - 08:23:44 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 6-DA JUUN 2022

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Wararkii U Danbeeyay Caleema Saarka Mad axweynaha Iyo Magacaabista Ra’iisul Was aaraha Cusub.

Mudo ku siman 20 cisho ayaa ka soo wareega tay doorashada Madaxweyne Xasan Sh, iyadoo la gu wado in 9 bishan June oo ku beegan Khamiis ta in la caleema saaro. Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb geli doono Madax ka so cota dalalka Gobolka iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda Caleema Saarka ayaa dib uga dhacday waqtigii la fil ayay in la qabto oo aheyd 10 cisho ka dib markii la doortay Madaxwey ne Xasan Sheekh, waxaa dib u dha ca lagu sababeeyay arrimo farsamo iyo Madaxda lagu martiqaaday caleema saarka oo aan xilliga as la heli karin, waqtiga martiqaadka loo dirayna uu jadwalkooda buuxay.

Xubno ka tirsan Guddiga qaban qaabada cale ema saarka Madaxweynaha ayaa sheegay in xilli ga ugu macquulsan ee xaflada caleema saarka ee la qaban karo ay noqotay 9 bisha June, si diy aar garow dhameystiran loogu helo Xafladda iyo waqtiga Madaxda imaan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in marka la caleema saaro uu magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub, si usoo dhiso Gole Wasiiro oo sii dardar galiyo howlaha ay haatan hayaan wasiira da xukuumadda Rooble.

Madaxweyne Xasan ayaa haatan ku jira lata shiyadii u danbeeyay ee la xiriirta qofka noqoaya wasiirka 1aad ee xukuumadda, wuxuuna haatan ka fikirayaa shaqsiyada,aqoonta iyo khibrada qof ka uu ka dhigayo, isagoo ka feejigan si lamid ah dowladiisii hore inuu soo magacaabo Ra’iisul wa saareyaal badan.

Maamulada Puntland iyo Jubaland midkood ay aa loo badinayaa inuu ka iman doono Ra’iisul wa araha cusub, iyadoo xafiiska madaxweynaha ay buux dhaafiyeen dad xil doon ah iyo kuwa dad ka le jagada u raadinaya, lama oga in Ra’iisul wasaa raha soo socda uu noqon doono waji ku cusub bu lshada iyo inuu noqon doono siyaasii ay yaqaana an dadka Soomaaliyeed.

Md.Aadan Madoobe oo ku dhowaaqay war cul us oo la xiriira baarlamankii hore

Guddoomiyaha G/Shacabka BFS, Md.Sh.Aa dan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay kor meer indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka JFS.

Ugu horreyn Guddoomiy aha ayaa guud ahaan kor meeray qeybaha uu ka ko oban yahay dhismahaweyn ee xarunta Golaha Shacabka, isaga oo horay u ballan qaaday in dib u dhis balaaran uu ku sam eyn doono mustaqbalka dhow. Sida lagu yiri qor aal ka soo baxay Golaha Shacabka.

Dhanka kale, Guddoomiye Sh. Aadan (Mado obe) ayaa sheegey in dhismaha lagu soo kordhin doono qayb Machad aqoon kororsi, taas oo wax badan u tari doona bulshada Soomaaliyeed.

Xaruntaan ayaa xirneed 2dii sano ee u dambe esay, ayada oo Golaha Shacabka BFS uu si kmg ah uu ugu shaqeeyo xarunta Villa Hargeysa oo ku taal Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh: Alshabab waa inaan ka riixno dhulka ay ku sugan yihiin kadibna aan wada hadal la furno

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sh. Maxamuud oo wareysi Muqdisho ku siiyay wargeyska caanka ah ee The Economist ayaa sheegay in Al-Shaba ab ay si weyn ugu dhex milmeen deegaannada ay maamulaan. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay tallaabadiisa 1aad inay tahay sidii Alshabaab lo ogu riixi lahaa dhulka miyiga ah, isagoo sheegay tallaabada 2aadna inay noqon karto inuu la furo wada hadal.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay dagaalka Alshabaab ficil ahaan inay qaadan karto sanado badan. Wuxuu tilmaamay Al-Shabaab inay leeyi hiin adkaysi.

Wuxuu sheegay canshuurta ay Alshabaab ka qaadaan dadweynaha ku nool dhul ka miyiga ah inay carruurtooda ku askareeyaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay deeg aannada ay maamulaan inay ka jir aan maxkamado iyo adeegyo aasaasi ah.

"Aragtidayadu waa inaan Meesha ka saarno mabda’a Al-Shabaab oo aan tusno dadka in dow laddu ay ilaaliso caqiidadooda. Tani waxay la ma cno tahay in la qaado dagaal fool ka fool ah,” ay uu yiri Xasan Sheikh

Ex- Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay ololaha guriga loogu dhisayo

Agaasimihii hore Warfaafinta ee Madaxtooya da Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka, Maxa med C/hi Farmaajo uu aqbalay ololaha ay shacab ka Soomaaliyeed ugu dhisayaan guriga.

Md.Cabdirashiid M.Xaashi ayaa tilmaamay in fekradda gurigan looga dhisayo M/Muqdisho ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, si loogu aba almariyo sida uu yiri Madaxweynihii 9aad ee JFS.

"Runtii fekradani waxay ka timid bulshada So omaaliyeed, waa fekrad shacbi ah oo loogu magac-daray (Mahadsa nid Madaxweyne), halheys ah la si iyay, si loogu mahadceliyo, isla-ma rkaana lagu abaalmariyo Madaxw eynihii 9aad ee Jamhuuriyadda, Maxamed C/hi Farmaajo.” Ayuu yiri Cabdirashiid M.Xaashi oo Universaltv la hadlay.

Cabdirashiid ayaa yiri "Bulshada Soomaaliyeed waxay garteen muddadii uu Madaxweynuhu talin ayay inuu aad iyo aad ugu ilaaliyay ammaanadii qaran ee loo dhiibtay.”

Waxa kaloo uu sheegay in wejiga hore ee olola ha lacagta loogu uruurinayo dhismaha gurigan uu socon doono muddo bil ah.

Farmaajo ayaa looga adkaaday tartankii doora shada madaxtinimada dalka ee 15-kii bishii hore ee May ka dhacday Magaalada Muqdisho, iyado ona uu xafiiska wareejiyay 23-kii bishaasi.

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sh.& Safiirka Imaaraadka?

Madaxwaynaha Soomaaliya Md.Xasan Sh .Maxamud ayaa Shalay Xafiiskiisa ee Villa Soo maaliya waxaa uu ku qaabilay Danjiraha dowlad da Imaaraad ka Carabta u fadhiya Soomaal iya Md.Maxamed Axmed Al-Othman.

Kulanka ayaa waxaa ay 2da dhinac uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Imaaraadka u bilaabi laheyd ta ageerada DFS.

War kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka Car abta ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in kulanka siweyn diirada loogu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka 2da dal iyo horumarinta wxyaabaha ay wadaagaan.

Madaxwaynaha Soomaaliya Md.Xasan Sh. ayaa dhankiisa D/imaaraadka Carabta uga mah ad celiyay taageerada ay siiso, isaga oo sheegay in looga baahan yahay wadasahqeyn xoogan oo dhinac walbo leh.

D/ Imaaraadka Carabta ayaa 5-tii sano ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah la laheyn D/Sooma aliya kadib markii uu khilaaf dhex-maray Dowlad dii hore ee Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaa jo, balse xiriirkii xumaaday uu soo celiyay R/ Was aaraha X/xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Safiirka Qat ar kala hadlay u gurmashada dadka ay saamey say Abaarta

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya Senator Cabdi Xaashi C/hi ayaa Shalay oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha D/ Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan Bin Xamze Haashim.

Qoraal kasoo baxay Xafi iska Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ujeedka Danji raha uu ahaa salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashada G/Aqalka Sare Senator Cabdi Xashi.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa waxaa ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, in D/ Qatar kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaa raha ba’an ee haatan ka jira dalka, iyo sidoo kale in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo ay wada yeeshaan Golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ahaa Guddoo miye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Sha cbaan Ibraahim iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Md. Cali Maxamed Jaamac.

Danjiraha D/Qatar u fadhiya Soomaaliya Danj ire Xasan Bin Xamze Haashim ayaa sheegay in dowladdiisa ay kordhin doonto taageerada dhinac walba oo ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dowlad da Cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Qatar ayaa S5-tii Sano ee la soo dhaafay si weyn u taageeri jirtay DFS, waxaana s igaar ah loogu tirinayay inay saaxiib dhow la ah eyd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo.

Wasaaradda Waxbarashadda oo shaacisay Jadwalka imtixaanka fasalka 12-aad

Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare JFS, ayaa wadaagay ardayda Soomaaliyeed ee -u-fariiisanaya Imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2021/22 jadwalka imtixaanka fasalka 12aad.

Imtixaanka waxaa uu bilaaban doonaa 18ka Juunyo, 2022 oo ku beegan maalin sabti ah.

Jadwalkaani wuxuu qeexaya sida maadooyinku-u-kala horreyn doonaan.

Wasaaraddu waxay ardayda Soomaaliyeed u rijayneysay guul iyo mustaqbal horumarsan.


Ahlu Sunna oo dooneysa in looga faa’ide eyo farriinta nabadaynta ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa Madaxweynaha cusub ee dalka, Xasan Sh. Maxamuud ka filaya inuu dhexdhexaadiyo iyaga iyo Maamulka Galmudug.

Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa 8-dii bilo od ee ugu dambeysay isu uruursan eysay deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan M/ Dhuusam areeb, ka dib dagaalkii bishii Octo ber ka dhacay Magaalada Guriceel.

Ilo ku dhow dhow Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxa muud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegaya in Vil la Somalia ay ka doonayaan inay ka soo qaybg eliso dadaalada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, si xal looga gaaro xurgufta kala dhaxeysa Madaxt ooyada Galmudug.

Ilo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegaya in Hoggaanka Ahlu Sunna ay ku andacoonayaan in sifo aan sax ahayn loogala wareegay magaalooy inkii ay dhowr iyo tobanka sano ka arriminayeen.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ay aa 7aadkii hore sheegay inaanay iyagu cidIina we erar ku ahayn, balse ay diidan yihiin shirqooladii ay u maleygtay sida uu yiri dowladdii uu Madaxwe ynaha ka ahaa Maxamed C/hi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligii uu Madaxweynaha 8aad ahaa waxa ay dowladdiisu xiriir wanaagsan la laheyd Hoggaankii Ahlu Su nna, inkastoo mararka qaarkod ay is qaban jireen.

Madaxweyne Xasan oo habeenkii Khamiista ka hadlayay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee M/Dhuusamareeb ayaa madaxda &bulshada reer Galmudug kula dardaarmay inay ka digtoonaada an khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gac maha is qabsadaan, si ay horumar buuxa uga hir geliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

Si kastaba ha-ahaatee baaqa Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee xilligan ayaa ah in lala heshi isiiyo Hoggaanka Galmudug, hal meelna lagaga soo jeesto dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Wafdi Ka Socday Dowladda Itoobiya Oo Shalay Soo Gaaray M/Muqdisho

Wafdi ka socday DF Itoobiya oo uu hoggaami nayo Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas Itoo biya Mogamed Rafie Abaraya ayaa duhurnimadii Shalay soo gaaray M/ Muqdisho, iyadoo soo dha weyn loo sameeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa Wasiiru-dowlaha Arrima ha Dibedda, W/Amniga C/hi M.Nuur, Safiirka Itoo biya u fadhiya Soomaaliya C/fataax C/llaahi Xas an iyo Saraakiil kale.

Wafdigan ayaa hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado in ay soo gaarayaan dalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema saar ka madaxweynaha JFS Md.Xasan Sh.Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan. Ra’iisal Wasaaraha X/FS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawa an magacaabay guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha, kuwaasoo ka shaqeyna ya habsami u socodka xafladda oo ay ka soo qe yb galayaan Madaxweynayaal, Wasiiro Arrimo dib edeed, danjireyaal iyo mas’uuliyiin ka kala imaane ysa dowladaha caalamka

Madaxweyne laftagareen & Guddoomiyaha Waajid oo ka wada hadlay Go’doonka ay saareen Al-Shabaab degmada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Gal beed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ee M/Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo oo kamid ah degmo oyinka ay g’doomiyeen Al-Shabaab.

Gudoomiye Maxamed Macalin Yuusuf ayaa Madaxweynaha Wa rbixin ka siiyey xaaladda Degmad a Dhinacyada Amniga,Waxbara shada, Nolosha Bulsha da,Sama ynta Abaarta ay ku yeelatay Bul shada Degmada iyo Deeganada hoosyimada iyo dadaalada hortabinta leh ee ka socda Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha DGKGS Md.Cabdicasiis Xas an Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyaha uga Mahad celiyey Booqashada uu ugu yimid iyo Sida uu ula wadaagay Warbixinta xaalada nolole ed iyo mida horumarineyd ee D/Waajid, isaga oo xu say Madaxweynaha in DGKGS uu hoggaami nayo ay xooga saari doonto wax ka qabashada Abaaraha,La dagaalanka Al-Shabaab oo go’doom iyay degmada iyo Baahinta Adeegyada Dowlada.

D/Waajid ee G/ Bakool ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka Gobolkaas ee u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana uu saameyn ku yeeshay no losha dadka ku nool degmadaasi Waajid.

Madaxweyne Biixi: Ma waxaanu u dagaala nay in aanu hogaamiyayaal noqono?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay su'aalo la xidhiidha nabada, dhaqaalaha iyo dimuquraadiyada oo lagu waydi iyay shirka caalamiga ah ee nabada iyo dowlad dhiska Afrika oo Hargaysa ka soconaya maalintii labaad.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay sida ay ku suurogashay maalgashiga balaadhan ee Wadd anka Imaraatku ku sameeyay Dekedda Berbera, ayaa ku jawaabay in nabada iyo wadajirka bulsho ee Somaliland ka jira ay soo jiidatay in dhaga ma algashadayaasha.

"Dadka Somaliland waxay aaminsanyihiin in na badu ay tahay muhiimadooda 1aad, markaa taas ayaa soo jiidatay dowlado badan iyo hay'ado, in ay na aaminaan oo ayna maal gashadaan, ma shruuca Berbera wuxuu tusaale u yahay nabada iyo is aamina ada ka dhexaysa umada Soma liland" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay sida uu u malaynayo in ay Somaliland aqoonsi ku gaadhi karto, ayaa sheegay in gu daha oo la hagaajiyaa ay keeni doonto aqoonsi ca alami ah."Waxaanu aaminsanahay in aqoonsiga lagu gaadhi karo guddaha oo la hagaajiyo, maaha dibadda, ma rajaynayno in dowladi iska tidhaahdo waanu aqoonsanaynaa Somaliland, waxaanu aaminsanayay in aanu gurigayaga nadiifino mar ka hore, oo aanu adduunka tusno in Somaliland la aamini karo, oo lala shaqayn karo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Biixi oo wax laga waydiiyay hadii Somaliland ay tusaale u noqon karto dowlada Soomaaliya, ay aa ku jawaabay "Waxaanu rajaynaynaa in aanu Soomaalida oo kali ah maahee, aanu badanka waddamada Afrika tusaale u noqono, haday no qoto siyaasada, dhaqanka, dhaqaalaha iyo nab ada". Heesaaga caan ka ah ee reer Uganda, ah na hogaamiyaha mucaaradka dalkaa Robert Kyagulanyi Ssentamu ee loo garan ogyahay Bobi Wine, oo kamid ah ergada shirka lagu soo casu umay, ayaa Biixi waydiiyay, sababta keentay in SNM xukunka gacmaha shacabka ku celiso, ma daama inta badan hogaamiyaya asha xoriyadu ay marka ay xukunka qabtaan xoog ku haystaan sida Yoweri Museveniga Uganda.

Maxweyanaha oo su'aashan ka jawaabay, ayaa yidhi "Ka hogaamiyayaashi SNM ahaan, xee rkayaga kowaad waxa uu ahaa, in aanu u halgam ayno xornimo, oo aanu la dagaalamayno hogaam iye macangag ah, waxaan nidhi maxaynu u dagaa lamaynaa? Ma in dadku mustaqbalkooda iyagu go'aan ka gaadhaan mise in aynu noqono hoga amiyayaal" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Intan kumay koobnayn su'aalaha la waydiiya madaxweynaha Somaliland, lakiin waxay ahaaye en kuwii ugu mudnaa ee madaxweynaha ay way diiyeen ergada ka qayb galaysa shirka nabada iyo dowlad dhiska Afrika oo uu soo qaban qaabiyay machadka laga leeyahay Koonfur Afrika ee The BRENTHURST Foundation ee uu hoggaamiyo

Dr. Greg Mills.

Ciidanka Jubbaland oo kasoo saaray miino lagu Aasay Xaafad katirsan Kismaayo

Ciidanka hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida DGJubbaland ayaa howlgal ay sameeyeen wax aa ay ku guuleystee soo bixinta iyo kala furista Miino lagu Aasakay mid kamid ah Xaafadaha M/Kismaayo. Saraakiisha Ciidanka NISA ee Jubb aland ayaa sheegay in Miinadaas ay Al-Shabaab Aaseen si ay dadka ugu dhiba ateeyaan, hayeeshee xog ay ka heleen Shacabka ay ku guuley staan inay soo saaraan.

"Waxaan u mahadcelineynaa shacabka sida hagar la’aanta ah ula shaqeynaya hay’adaha amniga sida joogta da ahna ula soo wadaagaya waxyaabaha lidiga ku ah amniga si ay uga hortagaan ugana badbaa diyaan dadka iyo dalkaba ayaa lagu yiri” War ka soo baxay Nabadsugida Jubbaland.

Sidoo kale Saraakiisha Nabadugida Maamulka Jubbaland waxaa ay sheegeen inay sii wadi doon aan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shaba ab ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Guud ee Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Dhowr jeer ayaa waxaa qaraxyo miino oo ka dhacay M/Kismaayo waxaa dhimasho iyo dhaaw ac ku noqday Saraakiil katirsan Maamulka Jubal and iyo dad Shacab ahaa.

Olollaha tallaalka cudurka dabeysha oo Baydh abo ka bilowday

Wasaaradda Caafimaadka maamulka K/GS ayaa Shalay M/Baydhabo si rasmi ah uga daah-furtay wareegii 3aad ee tallaalka Da beysha (mOPV3).

Munaasabadda lagu daahfur ayay waxaa ka soo qeyb galay ku-simaha Agaasimaha Guud ee W/Caafimaadka iyo qaar ka mid ah Agaasime waxeedyada, shaqaalaha kale ee Wasaaradda iyo wakiilo ka kala socdey Hay-adaha UNICEF iyo WHO.

Qaar kamid ah Masuuliyiintii ku sugnaa mada sha ayaa shaqaalaha fulinaya tallaalka waxaa ay kula dardaarmeen inay ku dadaalaan sidii talaalka ay u gaarsiin lahaayeen tiro badan oo carruur ah si looga hortago Cudurka Dabeysha. Mas’uuliy iinta WC KGS ayaa waalidiinta ku baraarujiyay in ay carruurtood siiyaan talla alka cudurka dabesha si looga badbaadiyo dhibaatada uu leeyahay, wax ayna ballan qaadeen ka inay sii wadi doonaan da daalkooda ku aadan ciribtirka cudurka dabeysha oo dhibaato weyn ku haya carruurta.

Siyaasi Bobi Wine oo Somaliland ku ammaanay horumarka ka jira.

Waxaa Shalay M/Hargeysa ee caasimadda jam huuriyadda iskeed madaxbann aanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, lagu soo gabagab eyay shirka nabadda iyo amniga ee Afrika oo socday laba maalmood. Shirkaan waxaa ka qayb galay hoggaamiyaal, kh uburo iyo daneeyayaal kale oo ka socday qaar adda Afrika,waxaana diir adda lagu saaray doorka arrimaha gudaha iyo dib adda ay ku leeyihiin dadka ka shaqeeya naba dda,iyadoo Somalil and loo marayo.

Fannaanka siyaasiga ah ee ka soo jeeda dalka Uganda,Bobi Wine oo ka qayb galay shirkaas isla markaana la kulmay madaxwe ynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa ku ammaanay Somaliland horumarka ay gaartay muddadii ay jirtay iyo in tan 1991-dii ay Somaliland yeellatay 5 madaxweyne oo si dimu quraadi ah loo doortay xilkana ula kala ware egay. Wuxuu intaa ku daray in Somaliland oo dagaallo burburiyeen ay ka soo kabatay hadda dhamaan dhibaatooyinkii soo maray marka laga eego dhinacyo uu ka mid yahay dhaqaal aha.

Bobi Wine 8oo caan ka ah gudaha dalkiisa isla markaana horey ugu tartamay xilka madax tini mada ee Uganda ayaa hadalkaan ku sheeg ay qo raal uu bartiisa Facebook, soo dhigay saacado ka hor.

Iidle Yare oo shaaciyey sababta ku kaliftay qor aalkii murugada xambaarsanaa

Gelinkii dambe ee Sabtidii Dorraad ahayd, wax aa baraha bulshada oo ay Soomaalidu ku wada xiriirto aad ugu faafay farriin uu Facebook soo dhi gay fannaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare), taasoo walaac badan ku abuurtay dadka.

Iidle Yare ayaa farriinta ku shegay in "Alle uu uga teg ay ilmihiisa”, taasoo loo fasiray in uu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu diyaariyey geeri.

Tan iyo Habeen hore, waxaa Nairobi ka socday dedaa llo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fannaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

"Dorraad ayaan guriga ka baxay anigoo aaday cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay gows. Mar kii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay,” ayuu yiri Iidle Yare oo Shalay ka soo muuqday muuqaal ay ka duube en dad ku booqday guri uu ku sugnaa. "Waan dhacay (suuxay). Qol ayaa la i seexiyay. Waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noolid. Dadka meesha ka shaqeynayay waxa ay xirnaayeen kabo caag ah oo gadaal ka xiran,”ayuu yiri fanna anka xanuunsan.

"Halkii aan ka dhihi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Iidle Yare ayaa soonkii la soo dhaafay baahiyay muuqaal uu kaga hadlayo in cudurka macaanka awgii uu gudan waayay waajibkaas, taa bedalke edana uu masaakiin quudiyo.

Waxa uu sidoo kale Shalay sheegay inay buro kaga taallo madaxa, isla markaana uu dareemayo xanuun badan.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi, Maxamed Cali Ameeriko oo kamid ahaa dadka bo oqday fannaanka xanuunsan ayaa ka codsaday Soomaalida inay u duceeyaan.

Dhacdo naxdin leh: Haweeney lagu dilay Baydh aba kadibna Suuli lagu riday

Haweeney lagu magacaabo Aamino Maxam uud ayaa meydkeeda Shalay laga soo saaray Su uliga xaafad ka tirsan M/Baydhaba ee G/Bay, ka dib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Nabad sugidda K/Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka Allaha u naxariistee Aam ina ay ka soo saaraan boosaneer uu ku riday nin kii dilay, waxaana la soo bandhigay sawirrada Meydka.

Ninka dilay haweeneydaas ayaa la sheegay in ay ku laheed deyn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo, maad aama uusan bixi karin deyntii ay ku laheed.Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, ka dibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marx uum Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib waxaa la sheegay in nin kii watay Bajaajta qaaday Aamina ee geysay gur iga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambey say, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay dadka reer Baydhaba, waxaana socda baaritaano ay kii skaan ku hayaan ciidamada Nabad Sugidda maa mulka K/Galbeed oo kaalin weyn ka geystay raad inta Meydka Marxuum Aamina Maxamuud.

Somaliland oo xirtay Wariye ka tegay Muqdi sho & Ururu cambaareeyay

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Gar oonka Diyaaradaha Cigaal ee M/hargeysa waxaa ay Shalay ku xireen Wariye Cumar Seerbiya oo ka mid ah Maamulka Astaan Tv, xilli uu ka tegay M Muqdisho. Wariye Cumar Seerbiya ayaa mar kii hore ka yimid isla M/Hargeysa, balse dhowrkii sa no ee la soo dhaafay uu ku sugnaa M/ Muqdi sho, isaga oo uu ka hwogalay Tv-yo kuyaalla Ca asimadda

Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa cambaareeysay xariga, iya ga oo sheegay inay ka xun yihiin xariga Saxafi Cumar Xasan Cali Seerbiya.

Waxaan cambaareynayaa xar igga sharci darrada ah ee Shalay ciidanka booliska ee Garoonka Cigaal ee M/ Har geysa kula keceen weriye Cumar Cali Xasan (Cu mar Seerbiya) oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlg ala Astaan TV.

Saxafi Cumar waxaa uu la socday duullimaad ka baxay Muqdisho, waxaana la xiray markii uu ka degey garoonka Cigaal ee M/Hargeysa. Illaa hadda lama yaqaano sababta loo xiray iyo halka lagu hayo.

Waxaan ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta boolis ka garoonka Cigaal ee M/Hargeysa inay deg deg u siidaayaan weriye Cumar ayna joojiyaan beegsi ga lagu hayo saxafuyiinta iyo warbaahinta ka hawl gasha Somaliland.

Loolanka dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ee Somalia oo xoogeystay

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaa liya waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasad eed oo ay ka wadaan safiirada qaar ka mid dala lka Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya, gaar ahaan Qatar iyo Isu Tega Imaaraadka Carabta.

2da Safiir oo uu fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa bilaa bay abaabul xoogan, kadib doora shadii 15-kii May, si mid kasto uu dalkiisa ugu xoog bato dowladda cusub.

Kulamada ay wadaan labada nin ee ka socda Dooxa iyo Abu Dhabi ayaa u muuqdo kuwa is da ba socda, sida ka muuqata shirarkii ugu dambee yey ee ka dhacay caasimada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/hi ayaa Dorraad xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Alcusmaan, waxayna ka wada-hadleen ad keynta xiriirka labada dal, sidii ay dowladda Isuta gga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya.

Maalin, kadib oo Shalay ah isla Cabdi Xaashi ayaa waxaa u tegay oo kulan ay wada yeesheen safiirka Qatar, Danjire Xasan Bin Xamze Haa shim, waxayna ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo in Qatar ay kaalin ku yeelata gurmadka abaaraha dalka.

Shantii sano ee la soo dhaafay Qatar ayaa xiriir xoogan la laheyd dowladdii hore ee uu hoggaam inayey Farmaajo, waxayse hadda u muuqataa in Imaaraadka uu booskaas kala wareegi doono, marka la eego dhaq dhaqaaqyadiisa ee uu haatan ka wada gudaha dalka.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadaya, xilli uu dalka ka dhacay isbedel weyn oo siyaasadeed, kadib doorashadii Madaxwe ynaha ee M/Muqdisho ka dhacday 15-kii bishii hore May, 2022-ka, taas oo uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GALMUDUG oo shacab hubeysay + Ujeedka

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu wajahayo dagaalka adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda goboll ada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soom aaliya, si looga adkaado kooxdaasi.

Saraakiisha Galmudug ayaa bilaabay inay hubee yaan, isla-markaana ay tababaraan dadka shacab ka ah ee ku dhaqan deeg aanada maamulkaasi, si ay qayb uga noqdaan dagaalka.

Galmudug oo qorshahaas ka duuleysa ayaa Shalay soo bandhigtay ciidamo ay sheegtay in loo abaabulay hab deegaan, kuwaas oo tababar loo soo xiray. Ciidamada la tababaray oo hubkoo da wata ayaa ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay D/G/Galmudug.

Tababarka la siiyey dhalinyaradaasi degaanka ah waxaa iska kaashaday saraakiisha Xoogga dal ka &kuwa Daraawiishta Galmudug, iyada oo la ba ray xirfado ku saabsan ciidanka.

Geedi Qalabxoor oo ka tirsan saraakiisha cii damada tababarka bixinayey ayaa kula ardaarm ay inay xoogga saaraan sidii Al-Shabaab looga sa ari lahaa halkaasi. Dhowr jeer dagaallo u dhexee yey Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, waxay ka dhaceen qaybo ka mid ah Galmudug, waxaana shacabka ay taageero ka heleen ciidamada huw anta.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dhaq-dha qaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayey Galm udug oo culeys kala kulmeysa Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna oo dhinac kale ah.

Faysal Cali Waraabe: Waxa cad in madaxw eyne Muuse uu go'aansaday in aanu kursiga ka dagin

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in uu qorshaystay in aanu doorasho qaban, waxaanu ugu baaqay in uu is casilo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta la hadlay, ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu go'aansad ay in uu kursiga si sharci daro ah ugu sii fadhi yo kadib marka wakhtigiisu dhamaado.

"Waxa cad in madaxweyne Muuse Biixi ay ka go'antahay kursigan inaanu ka dagin, siduu doonaana uu ku fadhi yo, waxan idiin sheegay aa shacabka Somalil and Muuse dantiisa ay uu wataa dan qaran ma wado, dan umadeed ma wado kursiga la macaanaaday, wuxuu u di yaar yahay in uu 1994 dalka gaadhsiiyo" ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo wax garadka Somaliland ugu baaqay in ay mada xweynaha u caqli celiyaan, waxaanu sheegay in hadii ay Shalay qaban waayaan ay maalin kale garan doonaan.

"Dadka baayac-mushtariga leh ee lacagtoo dii gashaday, ee aan codkoodii la maqlayn, ma alin kale ayaad garan doontaan, hadii aad Shalay ka hor tagi waydaan, balaayo waa laga hortaga, waxan leeyahay culimo awdiinta, sal aadiinta, waar Muuse wuu qaldanyahe qabta" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu ku andacooday in madaxweyne Bii xi uu nidaamkii doorashooyinka soo afjaray "Di muquraadiyadii hal qof iyo hal cod wuu soo afjaray, sharci aan oolin oo aan samaysnayn ayuu leeyahay waan hirgalinayaa, urruro toos loo doortaa dalkeena sharcigiisa ma yaalo".

Waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in uu kur siga baneeyo, oo la doorto madaxweyne ku me el gaadh ah oo Somaliland doorasho gaadhsiin kara, waxa uu ku andacooday in madaxweynu hu aanu lahayn awood hogaamineed.

Dagaal ay ku dhinteen laba Nin walaalo ah oo ka dhacay Gobolka Sool

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay uu ka dhacay degaanka Kugarad oo kuyaalla in ta u dhaxeeysa degaannada Buulal & Karin Kar food ee Gobolka Sool.

Daagaalka ayaa goobjoogayaal sheegeen in dadka ku dhintay ay kamid noqdeen Ca (-) iyo oo wada dhashay halka ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo kale.

Dhinacyada dagaalamay ayaa isku heysta dhul kuyaalla degaanka ay ku dagaalameen, waxaana dagaalkooda uu yahay mid dhowr jeer oo hore soo laab laabtay. laamaha Amniga Somaliland ayaa weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee colaad Beeleedyada ayaa sanadihii la soo dhaafay aad ugu batay degaannada Gob olka Sool gaar ahaan tuulooyinka hoostaga Ma gaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Weerar ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Rag hubaysan ayaa Habeen hore waxaa weerar ku bilowday bambo gacmeed ay ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Agagaarka masaajidka Turkiga ee kuyaalla Wad ada u dhaxeysa Isgosyka Fagax & Xaafadda Jamhu uriyo ee degmada Kaaraan.

Dagaal kooban oo ka dha cay Goobta weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku dhintay sida la xaqiijiyay Wiil Dhalinyaro ah oo wadada marayay, kaas oo lagu Magacaabi ji ray Sakariye Cabdullaahi Sabriye, halka ay ku dhaawacmeen weerarka.

Dadka degaanka ayaa ku waramay in Ciid amada Booliska ay Barta-koontorool isaga tag een intii uu socday dagaalka walow markii dam be ay dib ugu soo laabteen.

Warar qaar ayaa sheegaya in raga weerar ka soo qàaday ay ahaayeen ciidan millatari ah oo iyaga oo meesha maraya hubna aan wadan ay markii hore qash qashaadeen kuwa boolis ka sidaasna ay kusoo weerareen .

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale loo weeraray Barta Koontorool ee Ciidamada Boo liska kuleeyihiin Agagaarka Masaajidka Turk iga, waxaana inta badan ku waxyeelooba dad Shacab ah.

C/Raxmaan Cirro Oo Soo Bandhigay Cida Ka Danbeysay Is Casilaada Guddiga Doora shada.

Musharraxa xilka Madaxweynaha Somali land ee Xisbiga mucaaradka ah Waddani Cabdi raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa ka hadlay sababta ka danbeysa is casilaada xub nihii guddiga doorashada Somaliland.

Mr. Cirro oo taageerayaashiisa oo isugu soo ba xay Maqaaxi ku taalla Hargeysa kula hadlayay ayaa sheegay inuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku qanciyay guddiga doorashada iney is ka kala dareeraan, si aysan ugu qaban doora shada madaxweyne waqtigeeda.

"Komishinkii Doorashooyinka qaranka waxa uu Muuse ku guuleystay in uu xabad-xabad u tanaasuliyo oo lagu qasbay in ay tanaasulaan, taasi micnaheedu waa in uusan qaban doora sho, waxa aan taa ka leeyahay, Doorasho la’ aan halkaas kuma joogeysid, Dadkuna way Is ku soo baxayaan, aniga ayaa hoggaamin doo no oo waqtiga iyo goobaha waan idinku warge lin doonaa ee diyaar u ahaada” ayuu yiri Cabd iraxmaan Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cir ro) ayaa dhinaca kale ku adleysanaya iney qab ana yaan banaannaxa ay ki dalbanayaan in doorashooyinka la qabto xiligeeda, isagoo cii damadda uga digay iney dadkooda rasaas nool nool u adeegsadaan, maadaama banaanbaxay aasha aysan hubeysneyn.

"Isusoobaxa nabadgalyo waa xaq dastuuri uu shacabka leeyahay oo cidi aanay ka qaadi Karin, isusoo baxaas wuu dhacayaa aniga ay aa hoggaaminaya, ciddii xabbad ku rideysa Shacab dibadbaxaya oo aan hubeysneen ha soo rido, Muuse Biixi waxa aan leeyahay xilka xoog kuma qabsan ee qabo doorasho, haddii aad ku guuleysatid joog haddii lagaa helana dhi ib, muddo kordhin ma jirto ” ayuu yiri Cabdira xmaan Cirro.

Si kastaba, Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa dood la xiriirta doora shada, waxaana laga yaabaa in is-casilaada gu ddiga doorashada ay xaaladda uga sii darto.

Shiinaha oo isha ku haya Afrika si uu macda nta Lithium uga soo dhoofsado.

Dawladda Shiinaha ayaa bilowday in mac danta Lithium-ka ay u doonato qaaradda Afrika. Macdantan oo aad muhiim ugu ah sameynta ba abuurta korontada ku shaqeysa, una wanaag san cimilada ayaa Shiinuhu uu kaalinta hore ka ga jiraa dalalka doonaya in macdantan ay hel aan.

Macdanta oo la siiyey magaca "birtii cagaa rneyd” ayaa qiimahoodu uu kor u kacay 500% sanadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ganacsiga ee Bloomberg.

Sung Choi oo arrimaha macdanaha ku xiil dheer, kana tirsan BloombergNEF ayaa VOA u sheegay in "qiimaha Lithium uu kor u kacay sab abtoo ah dhammaan shirdaha baabuurta same eya ayaa bilaabay in kuwa korontada ku shaqeeya ay ku soo daraan.”

Mulkiilaha shirkadda Tesla ee baabuurta korontada ku shaqeysa sameysa, Elon Musk ayaa fariin dhinaca twitterka ah oo uu qoray ku sheegay in uu "waalli” noqday qiimuhu. Waxa uu intaas ku daray "Telsa waxa laga yaabaa in soo gasho qodista macdantan iyo sifeynteeda, taas oo xaddigoodu badan yahay.”

Arrintaasi waa waxa dawladda Shiinuhu ay sameynaysay, iyada oo shirkadaheedu aanay dooneyn in gaabis uu ku yimaaddo birtan, taas oo laga sameeyo beytariyada baabuurta koron tada ku shaqeeya, kuwaas oo tirada ugu badan laga soo saaro Shiinaha. Shiinaha ayaa haysta 80% wax soosaarka dunida.

In ka badan kala bar lithium-ka dunida wax aa laga helaa South America iyo Australia. Shi inaha ayaa baadi goob ugu jira meelo cusub oo ay ku jiraan goobo ku yaalla dalka Tibet iyo me elo kale. Hase yeeshee Africa ayuu aad uga sii raadinayaa.

Sida uu sheegay Sung Choi oo ka tirsan Blo omburgNEF "Afrika waxay xiliyadii dambe ah ayd meesha isha lagu wada hayo, marka loo eego kheyraadkeeda badan ee macdanahan.”

Koox hubeysan oo weerar ku qaaday dad ku sugnaa Kaniisad

Koox hubeysan ayaa dilay dad ku sugnaa Kaniisad ku taalla gobalka Ondo ee Koonfur-galbeed dalka Nigeria,sida uu sheegay guddo omiyaha gobalkaas.

Arakunrin Akeredolu ayaa ku tilmaamay weera rkan mid fal "shaydaan ah "oo lagu beegsaday dad aan waxba Shalaysan.

rag hubeysan ayaa gudaha u galay Kaniis adda Saint Francis Catholic, ee magaalada Owo, iyadoo halkaa ay xilligaa ku cibaadaysa nayeen dad badan maadama Shalay ay tahay maalin Axad ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda wee rarka gaysatay ay afduubatay qaar ka mid ah wadaadadii Kaniisadda joogay.Sidoo kale wali ma cadda tirada saxda ah ee dadka weerark aan ku dhintay.

Madaxweynaha Dalka Ruushka Oo Mar Kale Diray Hanjabaad Cusub

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ay aa ku goodiyay in Ruushku uu beegsan doona aag cusub oo aaney horey u gaarin gacanta Ru ushka,haddii Mareykanku siiyo Ukraine hubka riddada dheer.

Haddii ganttaallo noocaas ah la siiyo, "waxaan garaaci doonaa bartilmaameedyo cu sub oo aanna wali taaban,” ay uu yiri Putin oo waraysi siinay ay telefeshinka dowladda Ruushka.

Wuxuu intaa ku daray in ujeedka laga leeyah ay hubka la siinayo Ukraine, ay tahay in colaad du dheeraato oo ay waqti badan sii jirto. Puntin ayaa sheegay in tallaabooyinka reer galbeedku ay hubka ku siinayaan Ukraine aaney waxba ka badali doonin hadafka dalkiisu ka leeyahay duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Madaxweyne Putin ma uusan magacaabin bartilmaameedyada Ruushku qorshaynayo inay beegsadaan haddii wadamada reer galbeedku bilaabaan hubka ay siinayaan Ukraine.

Sucuudiga oo shaaciyey in dumarka ay Xaj ka imaan karaan maxram la’aan

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa mar kale ku dhawaaqday go’aan muran badan dhaliyey oo ku saabsan haaweenka iyo Xajka iyo cumrada.

Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in hadda wixii ka dambeeyo ay dumarka isku diiwaan gelin ka raan xajka sanadlaha ah iyada oo uu san la soconin nin mas’uul ah (maxram), Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegt ay in haweenku aysan u baahneyn in ay yee shaan qof mas’uul ah oo lab ah si ay isu di iwaan geliso haddii ay yihiin koox dumar ah.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa maalmo kadib markii lagu dhawaaqay in haweenka Sacuudiga ay hadda iskood u noolaan karaan iyaga oo aan u baahneyn ogolaanshaha aabahood ama mas’uulka lab ah.

Boqortooyada ayaa sanadkii 2019 haweenka u ogolaatay inay dibadda u dhoofi karaan diba dda iyaga oo aan ogolaansho ka helin mas’uul lab ah. Sidoo kale, boqortooyada ayaa ha wen ka u fasaxay inay gawaarida ka xeeyaan.

Go’aanada isdaba joogga ah ee kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayaa kusoo aad ayo kadib markii wax laga badalay sharicigii ay ku shaqeyn jirtay boqortooyada.

Wax badalka lagu sameeyey sharciyada boqort ooyada ayaa waxay qeyb ka yihiin isbadalka uu Dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Sal man sheegay inuu ka dhaqan geli doono dalka as illaa sanadka 2030.

Ruushka oo soo riday diyaarad sidday hub iyo shixnado militari

Ruushka ayaa sheegay inay soo rideen diy aarad nooca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Ukraine oo sidday hub iyo rasaas. Wasa aradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradda xamuulka ee Ukraine lagu soo riday meel u dhow dekedda Odesa ee Ukraine.

Moscow ayaa sidoo kale sheegtay in ay weerar gantaalo ah ku qaadday dhowr bartilma ameed oo ay ku jiraan xaruun lagu tababaro ciidamada madaafiicda Ukraine oo ku taal Stets-kovka oo u dhow Sumy.

Ruushka ayaa sheegay in macallimiin ajaan ib ah ay xaruuntaasi ka shaqeeyeen.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiigga Ru ushka Igore Konashenkov wuxuu sheegay wee rar dhinaca gantaalaha oo ay ciidamadoodu fuli yeen in lala beegsaday bartiilmameedyo ay ka mid yihiin fariisimaha ciidamada Ukraine iyo xa ruumo ciidmada Ukraine lagu tababaro.

Ukraine oo ka carootay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa si kulul ugu jawaabay madaxweynaha waddan ka Faransiiska Emmanuel Macron kaddib mar kii uu sheegay inay muhiim aheyd in Ruushka aanan lagu bahdilin duullanka uu soo qaaday.

Mr Macron ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Madaxweyne Vlad imir Putin uu heli ka ro waddo uu uga bixi karo waxa uu ugu ye eray "khalad asaasi ah” oo uu galay.

Hasayeeshee Dmyt ro Kuleba ayaa shee gay in xulafada dalkii sa ay tahay "inay si wanaagsan diiradda u saar aan sidii Ruushka halka uu mudan yahay loo dhigi lahaa” maadaama "isagu uu isbahdilayo”.

Mr Macron ayaa si joogta ah khadka taleef anka waxa uu kula hadlaa Mr Putin, arrintaas oo qeyb ka ah dedaal uu isagu garwadeen ka yahay oo la doonayo in xabadda lagu joojiyo wadahadalna lagu furo.

Ayatollah Ali Khamenei oo shaaciyey inuu jiro qorshe lagu afgambinayo dowladda Iran

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Sabtida Shalay ah ku eed eeyay dibad baxyadii dhawaan ka dhacay Iran in ay ka danbeeyeen "cadow” shisheeye oo do onaya in ay afgambiyaan dowladda ka talisa Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in waxa uu u gu yeeray cadawgu ay Iran ku wadaan "dagaal nafsi ah” oo ay ku eedeynayaan fal burcad-badeednimo ah in ay ku qabsatay laba markab oo laga leeyahay dalka Greece, ka dib markii Maraykanku uu la wareegay saliid ay Iran lee dahay.

"Shalay, rajada ugu muhiimsan ee cadawgu ka qabo in ay dalka dharbaaxo ay ku dhuftaan waxa ay ku salaysan tahay bannaanbaxyada dadweynaha,” ayuu yidhi Khamenei, isaga oo ula jeeda mudaaharaadyo muddo toddobaad ah socday oo ay dadku kaga soo horjeedeen dhisme bishii hore ku burburay koonfur-galbeed Iran oo ay ku dhinteen 37 qof.

"Laakiin cadawga waa ay ka qaldantay sida uu wax u qorsheeyay sidii kuwii horeba” ayuu ku yiri khudbad TV-ga laga baahiyay oo uu ka jeediyay sanadguuradii 33-aad ee geeridii hog gaamiyihii kacaanka Islaamiga ah ee 1979-kii la wareegay talada Iran, Ayatollah Ruhollah Kh omeini.

Mareykanka oo cunnaqabateyno adag saa ray Iran ayaa bishii April la wareegay shixnad sh daal ah oo ay lahayd Iran taasi oo saarnayd markabka Pegas oo sittay calanka Iran, ayna qabteen ciidanka badda ee Greece. Iyadoo tall aabadaasi ka aargudaneysa ayay Tehran laba markab oo laga leeyahay Greece waxa ay la wareegtay 27-kii May.

Laakiin, Khamenei ayaa sheegay in warbaa hinta caalamku ay Iran ku eedaysay burcad-badeednimo. "Waa ayo burcad-badeeddu halk an? Shidaal ayaad naga xadday. Waan kaa soo ceshannay. Wax lagaa xaday oo aad la soo noqoto ma ahan burcadnimo” ayuu yiri.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip