HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANT OO AH 5-TA JUUN 2022

0
Sunday June 05, 2022 - 09:45:50 in Wararka by
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANT OO AH 5-TA JUUN 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Deni oo shaaca ka qaaday ballan-qaad uu u sam eeyey madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday ballan-qaad ay ma daxda maamul goboleedyada ka haleen madaxw eyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni oo uu soo xigtay wargeyska The Eco nomist ay aa faha-faahin kooban ka bixiyey casho uu mada xweyne Xasan Sheekh Muq disho u gu sameeyey mad ax gobole edyada waxyar kadib markii la doortay "Waxa uu noo ballan-qaaday inuu xukunka nala wadaagi do ono islamarkaana uu soo dhame ystiri doono dast uur cusub oo federaal. Waxay aheyd khudbad aad u wanaagsan,” ayuu yiri mad axweyne Deni.

Md.Deni faha-faahin kama bixin waxa uu ka wado xukun wadaagista, balse waxaa la fahams an yahay inay la xiriirto jagada ra’iisul wasaaraha, oo uu madaxweynaha Puntland uu ka mid yahay dadka u sharaxan.

In kasta oo la rumeysan yahay in Xasan Sheekh aanu hamuun u qabin inuu magacaabo Deni, haddana waxaa la fahamsan yahay in ugu yaraan uu ka talo-gelin doono isaga iyo madaxw eynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Md.Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muhi im u ahaa dagaalkii looga adkaaday Maxamed Fa rmaajo, waxaana la filayaa in Xasan Sheekh uu ku abaal-mariyo in ra’iisul wasaaraha uu u maga caabo qof kasoo jeeda Jubaland iyo Puntland. In kasta oo uu jiro loolan u dhaxeeya labada gobol, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan in Xa san Sheekh uusan mid gaar ah door bideyn, ayna ku xiran tahay halka uu kasoo jeeda qofka noqda musharaxa ugu wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in lagu dha waaqo kadib caleemo-saarka madaxweynaha oo sida aan xogta ku helnay dhaceysa 9-ka bishan June 2022.

Md.Xasan Sheekh ayaa muddo xileedkiisii 1aad ee 2012-2017 wuxuu magacaabay saddex Ra’iisul wasaare oo laba ay ku beel ahaayeen Far maajo halka midka kalena uu ku beel ahaa Saciid Deni. Weli Soomaaliya ra’iisul wasaare kama no qon qof kasoo jeeda beesha Axmed Madoobe, waxaana jira guux ku saabsan inay tahay in mar kan la siiyo.

Guddoomiyaa golaha oo la kulmay Safiirka Jaa macada carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarla maanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Dorraad kulan la qaatay Safiirka Jaamacada carabta u fa dhiya dalkeenna Amb. Salah Elguneid.

Danjiraha oo Guddoo miyaha ugu mahad celi yey soo dho weynta loo samaayey ayaa xusay in BJFSkaa lin muuqato uu ku yeesho Jaamaca da carabta.

G/G/Shacabka BJFS ayaa Jamaacada carab ta ku amaanay in doorka muhiim ka ah ay ku lee dahay iskaashiga dhanka horuma rada iyo tayey nta howl-wadeenadda Golaha Shacab ka.

Guddoomiyaha Maamulka G/Banaadir oo Heshiis la saxiixday dalka Turkiga?

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa faah faahin ka bixiyey safarkii uu ku aaday Turkiga, ka dib markii lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Cumar Filish ayaa shee gay inuu heshiis ku aadan mataaneynta magaalooyin ka Konyo iyo Muqdisho uu ku soo saxiixay Turkiga, kaas oo uu tilmaamay in uu yahay mid muhiim ah.

"Waxaan aaday Turkiga waxaan heshiis lasoo saxii xanay maayarka magaalada Konya waa ma gaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga. Heshii skaas waxa uu ku saabsanaa heshiis mataaneyn ah oo la mataaneynayo Konyo iyo Muqdisho,” ay uu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey muhiimadda uu heshiiskan u leeyah caasimada Muqdisho iyo dadkeena, isaga oo hoosta ka xariiqay arrimaha gaarka ah ay yihi in maareynta qashinka, gaadiidka dadweynaha iyo diiwaan-gelinta bulshada.

‘Arrimahas mataaneynta ah ayaa ugu muhiims anaa waxyaabaha aan rabnay inaan iska kaasha no way fara badan yihiin, balse waxaa annaga mu hiimad gaar ah innoo leh inay gacan naga siiyaan maareynta qashinka, gaadiidka dadweynaha iyo diiwaan-gelinta bulshada,” ayuu hadalkiisa sii raa ciyey duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa xusay inuu socdaal kusoo maray magaalada Stanbul, isla-markaana uu soo joogay muddo saddex cisho ah, isaga oo la kumlay bulshada Soomaalida.

Arrimaha kale oo uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah ammaanka caasimada, wuxuuna tilma amay in loo baahan yahay in la’iska kaashado, si looga gudbo xaaladaha taagan.

Si kastaba, Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah, wux uuna mashaariic kala duwan ka fuliyaa gud aha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo danjiraa Imaaraa dka carabta oo ka wada hadlay adkeynta xiriirka labad dal

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Dorraad xafiiski isa kula kulmay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Sooma aliya Dan jire Maxa med Axmed Alcusm aan.

Guddoomiye Ca bdi Xaashi iyo Danj ire Maxamed Axmed Alcusm aan ayaa ka wada had lay adkaynta xiriirka labada dal , sidii ay owladda Isu tag ga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lah ayd gurmadka abaaraha ee haa tan ka socda dal ka, iyo waliba in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo dhax mara golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Gu ddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Md. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xige enka 2-aad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Tima cadde) Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo Sen ator Saynab Ismaaciil Maxamed.

Cadadka lacagta uu Farmaajo bishii ka qaadan doono DF xilli uu dalbaday qaaraan

Waxaa isi-soo tareysa falcelinta lacagta loo ur uurinayo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, si guri loogu dhiso, waxaa na baraha bulshada ka socda abaabul xoog leh oo ay wadaan taageeraya asha Farmaajo. Waxaa lasoo bandhigay akoono iyo lam barro lagu uru urinayo lacagtaas, waxaana qaark ood iska leh shakhs iyaad gaar ah oo ka shaqey jir ay xafiiskiisa, welina ku dhow dhow Fa rmaajo. Sida uu qabo dastuurka Soo maaliya Ma daxwey ne kasta oo xukunka si nabad ah ku ware ejiya wuxuu yeelanayaa miisaaniyad dhan $25 kun oo kharashaadka gurigiisa iyo ila aladiisa ku baxaya ah iyo $8 kun oo mushaar ah bil kasta.

Wadarta lacagtaas waxay sanadkii noqoney saa 396 kun oo dollar, baarlamaankii 9-aad ee dal ka ayaa ansixiyey qodobkaan dhigaya in madax weynihii xukunka si nabad ah ku wareejiya la siiyo kusiga xildhibaan aan dhicin iyo $33 kun oo bil kasta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu bilaab ay dhaqan gelinta qodobkaas, sida aysheegtay in ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tir san wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ee dowladda.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Mad axweyne Farmaajo wuxuu ka mid noqonayaa labo mudane oo 12-ka bishaan lagu dhaarinayo kulan ka golaha shacabka, wuxuuna qaadanayaa kuriga Xildhibaan sharafeed aan dhici doonin abid.

Dhaarinta xildhibaanimo ee Madaxweyne Far maajo ayaa la qorsheeyey inay dhacdo Arbacadii la soo dhaafay, balse fadhigii xildhibaanada gola ha shacabka ayaa u furmi waayey kooram la’aan.

Dad badan ayaa aad ula yaabay ololahaan uu Far maajo ku dalbaday in guri loogu dhiso, waxayna dadka ka falceliyey arrintaan ay qabaan in aysan jirin baahi Farmaajo ku kalifi karta inuu qaaraan weydiisto dadkaan gaajada ugu dhimanaya abaarta dalka ka jirta, isagoo bil kasta qaadanaya $33 kun.

Waxaa shaki badan la gelinayaa sida ay lacagt aasi ku geli karto gacan aamin ah, maadaama ak oonada iyo lambarada lasoo bandhigay ay badan kood leeyihiin shakhsiyaad gaar ah.

Dad badan oo ka falceliyey uruurinta qaaraan kaan waxay qabaan, Maxamed Cabdullahi Farm aajo oo aan hadda wajaheyn duruufo dhaqaale, ol olaha guriga loogu dhisayo ma u wareeji doonaa gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen?

Farmaajo wuxuu dhowr jeer fagaare ka sheegay inuu yahay wadani jecel dalka iyo dadkiisa, waxa ana hadda hor taalla xujo ah sida uu u maarey do ono lacagta loo uruurinayo, iyadoo malaayiin dad Soomaaliyeed ah ay abaar daran ku jawahayaan gudaha dalka.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Tha abit Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu bartiisa Fac ebook soo dhigay wuxuu ku yiri, "Qoysas baa qur aac quudan, qado iyo casho warkoodaba daa. Guri sharafeed mise Gaajo, Alleylehe gaajo baa gurmadka mudan! Haloo gurmado hooyada harra adsan, sabiga iyo waayeelka gaajada u la’anaya, taa baa darajo sare leh diiniyan iyo damiir aha anba.”

7baadkaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo sa far ku maray gobollada Bay iyo Galgaduud ayaa dul tegay qaar ka mid ah qoysaska ay sida daran u saameysay abaarta dalka ka jirta, wuxuuna ku baaqay in qof kasta wixii uu awoodo uu la gaaro dadka dhibaateysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo weli aan la ca leemo saarin, maalmo koobana xukunka jooga, wuxuu ku baaqayaa gurmad qaran, halka Mada xweynihii hore Farmaajo uu ka dhinac furay olole uu doonayo in loogu dhiso guri sharafeed Qasri ah.

Hadaba Xasan iyo Farmaajo kee wadani ah? Danyarta iyo Farmaajo yaa mudan in Dorraad loo gurmado? Ma Farmaajo oo bil kasta qaada doona 33 kun oo Dollar, mise hooyada Soomaaliyeed ee haraadka iyo gaajada u dhimaneysa?


Ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha oo u kuur galay xaaladda carruur ay saameysay nafa qo darada ka dalatay abaarta

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.

Nafaqo darradan oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka, ayaa carruurtan loo keenay Isbitaalkaa, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan.

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa uga war bixisay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, waxay ay sidoo kale Agaasime Fartuun sheegtey in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Sababaha ugu badan ee arrintan ayey ku sheegeen dadkaan in aysan helin cunto fiican taas oo sababtay in ay dhaqaale ahaan noloshooda dabbari karayn, oo ay yihiin dad danyar ah oo aan awood u lahayn maaraynta noloshooda iyo ubadkooda.

Agaasime Fartuun ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.

Ugu danbayn, Ergeyga ayaa ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Guddiga Qaran ee Shaqaalaha rayidka dowladda oo Dorraad bilaabay wejiga 1-aad ee dhaqangel inta isticmaalka Aaladda Suul-saarka

Xafiiska Guddi-Hoosaadka Kormeerka, Ansh axa & Abaalmarinta ee Guddiga Qaranka Shaqaa laha Rayidka Dowladda oo uu hor kacayo Gudo omiyaha Guddi-hoosaadka Mne. Aadan Macalin Maxamed (Aadan Jeeg) ayaa Dorraad Wasa aradaha Warfaafinta iyo Haweenka ku daahfuray Barnaamijka Dhaqangelinta Isticmaa lka Aaladda suul-saaraka ee Xaadarinta Shaqaa laha Rayidka Dowladda kaas oo dhawaan lagu tababaray ho wl-wadeennada waaxda shaqaalaha ee hay’ada ha loo xiray aaladda xaadirinta shaqa alaha. Barn aamjikaan Suul saarka ayaa loogu gol leeyahay in lagu xaqiijiyo shaqo-galka & shaqo ku negaan shaha shaqaalaha ee Hay’adaha Dowladda aya doo xafiiska kormeerka uu manta si toos ah u bil aabay koormeerkii shaqaalaha ee hay’adaha dow ldda laguna tegi doono dhammaan hay’adaha do wladda si loo hubiyo shaqo-galka shaqaalaha.

Gudoomiyaha guddi-hoosaadka kormeerka ayaa shaqaalaha kula dardaarmey in waqtiga sha qa galka la ilaaliyo si qaranka loogu shaqeeyo ma adaama buu yiri Qarankaxuquuq joogta ah aan ka qaadano, waxaa nalooga baahanyahay wax soo saar dhab ah.

Ugu dambeyn, agaasimaayasha Guud ee Wa saaradaha Dorraad la booqday ayaa ballanqaad ay in ay dhaqangelin doonaan barnaamijkaan xaa dirinta shaqaalaha waxa ayna shaqaalahooda ku la dardaarmeen in ay ilaaliyaan saacadaha shaq ada. Sidoo kale, Agaasimayaasha ayaa xusay in shaqaalihii soo xaadiri waayay uu saameyn doo no xuquuqaadka ay helaan.

Wasiir Rooble oo u jawaabay Somaliland, shaaciyeyna sida Xajka loo qeybiyey sanad kan

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowladda fede raalka Soomaaliya, Cumar Cali Rooble ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay u qaybiyeen tirada Xujeyda ee sanadkan Somaliya loo ogolaaday.

Soomaaliya ayaa sanadkan la siiyay tiro dhan shan kun iyo laba boqol (5,200), halka sanadkii horena la siiyay kow iyo toban kun iyo shan boqol (11,500).

Somaliland ayaa daba-yaaq adii bishii hore ee May waxa ay cabasho ka muujisay qaabka ay wasaaraddu u qaybisay tirada Xu jeyda, oo sida ay ku andacootay ay tiro yar kaga soo aaday.

Cumar Cali Rooble, Wasiirka Diinta iyo Awqa afta ee Dowladda Federaalka ayaa sheegay inay san iyagu waxba ku qaybin qaab qabiil iyo mid Do wlad Goboleed toona, balse ay wax ku qaybiyeen shuruudihii ay dejiyeen shirkadihii soo buuxiyay oo keliya.

"Waxaan rabaa ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee Xajka dooneysa inaan u cad deeyo Xajka laguma qaybin qabiil, deegaan ama Maamul Goboleed ee waxaa lagu qaybiyay shar ikaad, oo ah yaa ka bixi karo arrintan oo horey u ga shaqayn jiray oo Xaajiga Soomaaliyeed dhiba atada haysa iyo culeyska ku haystaa wadankaasi oo ka warqabno dal ajnabi ah oo aysan aqoon u lahayn, oo luqadiisa iyo deegaankiisa aysan aqoo nin, yaa baahi tiri kara. Shuruudahaa ciddii soo bu uxisay uun baa laga qaatay,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri "Waan arkayay in la siy aasadeeyay, waan arkayay in la qabyaaladeeyay, waxaan rabnaa inaan u sheegno ummadda Soom aaliyeed qabiil laguma qaadanin, lagumana qayb inin. Xajka waa tiirkii 5aad ee Islaamka, cid qabiil lagu siiyayna ma jirto.”

Wasiir Rooble ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Xa jkan, guddi Soomaaliyeed oo wasaaradda dhexde eda oo khubaro ah ayaa loo qabtay, shuruudo ay ay dejiyeen, shuruudahaa ciddii ka soo baxday ayay magaca sharikaadka ku siiyeen. Qabiil wax la yiraahdo waxba laguma qaybin, qabiil walaa Maamul Goboleed wax lagu qaybiyay ma jiraan. Guddigaa howshaan iska leh, asaga ayaana maa mulayay, haddaad tiraahdo Maamul Goboleed halagu qaybiyana, waa iska dareemi kartaa dhib aatada intaan ayay ka sii badan laheyd.”

Sarkaal ka tirsan NISA oo shaaciyey xogta hab kii Fahad looga soo qaaday ilaalada

Taliyaha dabagalka ee hey’adda NISA Col. Ca bdullahi Daahir (Cabdullahi Dheere) oo kamid ah saraakiisha si aadka ah ula socda xuuraanka hey’ adda, awood badana ku dhex leh ayaa war ka soo saaray wararka sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay la weeraray guriga uu Muqdisho ka deg an yahay Fahad Yaasiin.

"Xog aruurin aan sameeyay ka dib, waxaan u cadeynayaa umadda Soomaaliyeed in guriga Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin aan la weer arin. Kaliya ciidankii ilaalada ka hayay guriga ay aa rabitaankooda ugu laabtay taliska dhexe ee nabad sugidda,” ayuu yiri Korneyl Cabdullahi Dheere.

Sidoo kale waxaa uu sarkaalkan ku baaqay in la joojiyo been abuurka, lalana shaqeeyo dowlad da cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo.

"Cid walba oo ku lug leh waa inay joojisaa be en abuurka, waana in lala shaqeeyaa madaxw eyne Xasan Sheekh oo aan la wadaagi doono dhaqdhaqaayada la xiriira amniga, isaga iyo Tali ye Mahad Salaad oo shaqsi wax badan qaban kara ah,” ayuu markale yiri Taliye Cabdullahi Dheere.

Taliyaha dabagalka NISA Cabdullahi ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in is-casilaad uu dhowaan laga baahiyay inuu u gudbiyay agaa simaha cusub ee NISA Mahad Salaad aysan ah ayn mid hadda ah, balse ay ahayd mid ka hore ysay maamulkan cusub, isagoo sheegay in koox loo shaqeeyaa inay ka qiimo badan tahay in Qaranka wax loo qabto.

"Waa in madaxda cusub ee dhamaan hey’ad aha amniga wax ka bartaan qaladaadkii ka dha cay dowladii hore mudadii shanta sano ahayd,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay korneylkan.

Hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaran ka Soomaaliyeed ee NISA ayaa muddo sanad ah ku jirtay jaho-wareer xoog leh, waxaana aad loo gu baraarugay wixii ka danbeeyay soo if-bixii kiis ka Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayay 26-kiiJune sanadkii hore bishan oo kale.

Agaasimaa cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo hadda bedelay qaar kamid ah hogga nada talisyada NISA, waxaa kale oo horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu soo horeyso ka qeyb qaadashada sugidda amniga xafladda caleema saarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ima anayaan qaar badan oo kamid ah madaxda caal amka, taasi oo lagu wado in ay dhacdo maalmaha soo socda.

Xigasho:-caasimadda.net

Saddex ka mid ah Guddiga doorashooyinka Somaliland oo iscasilay

Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa Dorraad iscasi laadooda u gudbiyay madaxwe yne Biixi.

Xubnahan oo ka la ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar.

Saddex xubnood ayaa hore isaga casilay gud dida halka xubinta xisbiga UCID-na aan weli Baar lamaanku ansixin. Tani waxay la macno tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay.

 


Darbaweyne oo digniin u diray Xasan Sheekh, weerarna ku qaaday Odawaa

Muxudiin Darbaweyne oo ka mid ah odayaa sha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa aad u dhaliilay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen eraal Odowaa Yuusuf Raage, isagoo digniin u di ray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horeyn Muxudiin Darbawey ne ayaa Jeneraal Odawaa ku til maamay shakhsi aan arkin awo odiisa, kuna guul dareystay inuu ka dhiidhiyo sidii xumeed ee nida amkii Farmaajo uu dadkiisa ula dhaqmay.

"Wuxuu ahaa maqaarsaar, yacni waa qof bug ah, wuxuu ogyahay sida meesha lagu geeyey, wax tayo ah laguma xulan, dadkii Farmaajo la sha qeynaayey waxay ahaayeen kuwo uu markii hore aad isaga tijaabiyey, hadii dad karti iyo tayo leh uu rabo muxuu aniga ii soo xula waayey Farm aajo?” ayuu yiri Muxudiin Darbaweyne.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Jeneraal Odawaa Shantii sano ee la soo dhaafay kama hadlin dhib ootoyiinkii loo geystay shacabka Gobolka Ban aadir.”

Dhinaca kale Muxudiin Darbaweyne oo ware ysigaan siiyey TV-ga Goobjoog ayaa Madaxwey ne Xasan Sheekh uga digay dad uu sheegay inay Farmaajo jaajuus u ahaa jireen oo hadda isaga xi lal u soo duuntay.

"Madaxweyne Xasan Shiiqow nimanaa gacma ha dhiiqo kuu geli raba, nimankii aan shan sano ka dhuuma jirnay oo aan ka shiri weynay oo Far maajo noo soo diri jiray, iyagoo qaliDorraad wax duubta wata oo NISA nagu soo jaajuusi jiray ay aan hadda arkaa iyagoo kugu meereysanaaya oo xilal kaa raba,” ayuu yiri Muxudiin Darbaweyne.

Xasan Sheekh kula taliyey in aad uu isaga fiiri yo Ra’iisul wasaaraha uu keensanaayo, "Wax aan Madaxweynaha kala talinayaa xulashadiisa R/Wasaaraha, yuusan kugu noqon ragii hore oo seddax sano ay kugu qaadatay inaad bedesho, kadibna adigoo qabyo leh ayaad xafiiska ka bax day, hasoo xulan nin dambe oo dadkiisu aysan ce sha karin markii aad is qabataan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Muxudiin Darbaweyne

XIGASHO:GOOBJOOG TV.&CAASIMADDA.NET

La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyey arrin laga faafiyey

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xiriira in kulan uu la qaatay saraakiil Ethiopian ah.

Wararkaas ayaa lagu sheegay in Xuseen Macallin uu safar qarsoodi ah ku tegay dalka Jab uuti, halkaasi oo uu kula kul may saraakiil sare oo ka tirsan hoggaanka kooxda TPLF ee ka dhisan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Ethi opia.

Warbixinadaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xuseen iyo saraakiisha TPLF ay ka wada-hadl een xasaradaha bani’aadaminimo ee ka taagan gobolka Tigray iyo amniga gobolka.

Si kastaba, Xuseen Macallin ayaa qoraal uu ku soo daabacay bartiisa twitter-ka ku beeniyey wararkaas.

"Fadlan iska jira wararka beenta ah ee waree gaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaran ka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraal ka uu soo dhigay twitter. Wararkan ayaa la rumey san yahay inay ka dambeeyaan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo oo dagaal xooggan oo dhanka baraha bulshada ah ku hayey dowladda madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay ku dhowaad saddex toddobaad kahor.

Mid ka mid ah caddeymaha ugu weyn ee muu jinaya in warka laga faafiyey Xuseen Macallin uu been yahay ayaa ah; inuusan jirin xiriir ka dhaxe eya TPLF iyo Jabuuti, islamarkaana aysan mada xdooda joogi karin Jabuuti.Jabuuti ayaa si buuxda u taageertay dowladda Abiy Ahmed markii uu qa rxay dagaalka gobolka Tigray.Bishii June 2021, warbaahinta dowladda Ethiopia ee FANA ayaa we risay in Jabuuti ay Addis-Ababa usoo gacan gel isay dagaal-yahano Tigray ah oo dalkaas u baxs aday, taasi oo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka labada dal, iyo inaysan suurta-gal aheyn in saraakiil TPLF ah ay Jabuuti kula kulm aan mas’uuliyiinta dal kale.

Soomaali dil iyo dhaawac loogu geeystay tuu lo hoostimaada Magaalada Cape Town

Cabdirashiid Axmed Shiiq Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde, ayaa ku dhintay Weerarkii ay Hab een hore Burcadda hubaysan ku qaadeen Labo Dukaan oo iskasoo horjeeda oo ay Ganacsato Soomaaliyeed la haayeen, kuwaasi oo ku yaalla Tuulada Strand ee Magaalada Cape Town

Tirada Dhaawacana waa Sad ex Muwaadin, sida Walaalaha goobta tagay iyo dhakhaatiirta Isbitaalaadka dhaa wacyada la geeyey xaqiijinayaan.

Booliska Koonfur Afrika, ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kuwa musiibadan gaystay, gacanta na ay kusoo dhigi doonaan.

Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida Amiir Sheikh ayaa cambaareeyay weerarka khasaaraha nafeed geeystay oo ay burcada hubeeysan ku qaadeen dukaamaha ay lahayeen ganacsatada soomaalida ah.

Amiir Sheikh ayaa sheegay in wax laga xuma ado ay tahay in labo dukaan oo iska soo horjeeda 2 muwadin oo soomaaliyeed lagu dilo, 3 kalana la gu dhaawaco, tacsi mooye aan wax fal celin ah la ga samayn, ama dilalka gobolka kusoo batay aan la iska wareeysan,

Omar Kiyow Johannesburg

Sheekh Al-Sima iyo xubno la socday oo howlgal lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ay aa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay how lgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-Cuni ee gobolkaasi, ka as oo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxdaasi.

Taliyaha guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee ciidan ka xoogga dalka Col. Cali Xabad oo la hadlay war baahinta ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallada asi, wuxuuna sheegay in ay ku dileen illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, si da uu hadalka u dhigay.

Xubnaha la

dilay ayaa waxaa ku jira sarkaal sare oo mag aciisa lagu sheegay Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Si ma), kaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhada gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Col. Cali Xabad ayaa sidoo kale shaaca ka qa aday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan labadaas gobol, si looga saaro Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo ba xay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidama da dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Baay iyo Bakool.

Inta badan waxaa deegaanada dowlad goboleed ka Koonfur Galbeed Soomaaliya weeraro ka fuliya kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan saddexda gobolka ee maamulkaasi.

ZAHRA Naaleeye: Sidee ku dhici kartaa in lagu xadgudbo qoddobka dastuurka ku qoran ee kootada haweenka?

Zahra Siyaad Naaleeye, oo ka mid ah howl-wadeenada dalladda FSAN, ee ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah, oo ka dhi san waddanka Netherlands, ayaa ka hadashay xa dgudubka mar walba loo geysto kootada haw eenku ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, waxayna Zahro ka codsatay Dowladda Soomaa liya in dib loo saxo arrinta kootada haweenka.

Zahra Naa

leeye oo wareysi siiyay taleef ishinka Somali Nederland TV waxay ku nuuxnuuxsatay in la jebiyay qoddob dastuuri ah, oo qeexaya kootada haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka, iyada oo tilDorraady in loo baahan yahay wacyigelin safmar ah, oo bu lhada loogu sheegayo sida ay muhiim u tahay kaa linta haweenku ka qaadan karaan jaan-goynta siyaasadda.

"Waxaa jirta qoddob dastuuri ah oo qeexaya in haweenku ka yihiin Baarlamaanka 30%, marka laga soo billaabo doorashadii 2012 waxay heleen 12%, tii dhacday 2017 waxay heleen 24%, laakiin doorashadii u dambeeyey waxaad moodaa in ay hoos dhaceen oo ay heleen 19%, sababtuna wa xay tahay doorashada waxaa maamulayay maa mul goboleed & oday dhaqmeed, qabiilaadka Soo maalida kuwa ka mid ah ma rabaan in ay haween metelaan” Ayeey tiri Zahra, waxayna intaasi sii raacisay:

"Waxaa soo baxay wax la yiraa malxiis iska ma gac u yaal ah, oo meesha la soo fadhiisiyay, dha qanka Soomaalida ayaa u oggoleyn in ay haw eenku metelaan waana wax soo jireen ah, balse u baahan in laga gudbo”

Zahra Naaleeye, waxay ka codsaday culu maa’udiinka in ay ka hadlaan xuquuqda hawe enka, lagana soo billaabo qoysaska Soomaalida, waxaana ay sheegtay in dhaqanku ahaa in wiilku ka macno ama qiimo badan yahay gabadha.

"Gabdhihii hore ee baarlamaanka ku jiray waxaa loo diiday in ay ka soo ololeeyaan goboladooda, inkastoo maamulada qaar isku dayeen in ay gab dhaha kuraas siiyaan balse waxaa ka tanbadiyay dadkii kale,” ayeey tiri Zahra.

Zahra Naaleeya, mar ay ka hadleysay ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxay shee gtay in ururkaasi weligiis uu jiray, balse uu ahaa mid Dowladda markaasi jirta u sacbiya, waxayna soo jeedisay in ururka dib u habeyn lagu same eyo.

"Ururka Qaranka haweenka waa loo baahan yahay, balse ma haystaan dhaqaale ay wax ku ful iyaan, maadaama aan laga maarmin wuxuu u ba ahan yahay dib u habeyn iyo in ay soo galaan gabdho aqoon leh oo dhalinyaro ah, ayna qorshe u sameeyaan si baahida haweenka uga tarjuba

an” Ayeey tiri Zahra Naaleeye ..

Waxaa wareystay : Cabdishakuur Cilmi Xasan


 

Taliyihii 27-aad oo ka hadlay dagaalkii beesha Xawaadle iyo Al-Shabaab

hore ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Axmed Tareedishe oo Habeen hore warbaahinta la hadlay ayaa bogaadiyey dagaalka ay macawiisleyda gobolka Hiiraan kala hor tageen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa si gaar ah uga hadlay dagaal 2-dii bishaan lagu dilay ku dhawaad 20 Sha baab ah oo ka dhacay degaan lagu magaca abo Booco oo hoos taga magaalada Bele dweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaas oo ay qaadeen Macawiisley ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa loogu aar-guday Nabadoon lagu magacaabi jiray Cali Dheere oo 27-kii May lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne, xilli habeen ah.

Nin ka mid ah ragga weeraray Al-Shabaab ee beesha Xawaadle oo laba maalmood ka hor la wareystay ayaa sheegay inay weerarka ka hor la xariireen kooxda, iyagoo weydiiyey sababta loo dilay Nabadoonka, balse wuxuu sheegay in si kibir ku jiro ay ugu jawaabeen, iyagoo uga been abuurtay inuu ku jiray ergadii xildhibaanada soo dooratay.

"Nabaddoonkeennii oo aan naqaanno in uu ahaa nin nadiif ah oo Muslim ah, ummadda aan dhibaatayn, cid kale aan gardaysan, doorasho aan ka qaybgelin, ergo kale aan ka qayb qaadan, ayay noo sheegeen in uu gaal murtad ah ahaa, jawaabtooduna nalama su’aali karo ayay noqotay, si isla weyni leh ayay noola hadleen,” ayuu yiri nin ka mid ah dableyda dagaalka ku qaadday Al-Shabaab oo sababo amni dartood u codsaday in aan la magacaabin.

Jeneraal Taraadishe oo si weyn u bogaadiyey dagaalkaas ayaa ugu baaqay qabaa’ilka gobollada dalka inay is abaabulaan oo iska dul qaadaan Al-Shabaab.

Wuxuu dowladda Soomaaliya u soo jeediyey inay gacan siiso kooxaha Macawiisleyda ah ee is abaabula, si deegaanadooda ay uga ciribtiraan Al-Shabaab.

Sidoo kale Janankaan oo mudo soo hoggaaminayey qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey dagaalo ay la galeen Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya macawiisley, isagoo ku amaanay qibradda ay u leeyihiin macawiisleydu dagaallada ay la

Wasiirkii hore ee dhallinyarada Hirshabelle oo kulan dhiiragelin ah u sameeyay bahda kubadda koleyga

Wasiirkii hore ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dowlad-gobolleedka Hirshabelle Cabdiqani Cab dullaahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo), ayaa Dor raad kulan dhiiragelin ah u sameeyay bahdii kub adda koleyga ee cayaaraha uga socda maga alada Muqdisho.

Kulanka waxaa kasoo qeyb-galay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Ga raad Cumar, oo kamid ah bahda kubadda kole yga, guddoomiyaha xiriirka kubadda koleyga C/la ahi Nuur Maxamed Cadaani, ciyaartooyda kubad da koleyga ee ka kala socday dalalka Tanzaniga, Ruwanda iyo Kenya iyo bahda kubadda koleyga ee dalka Soomaaliya.

Kulanka sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay gabdhihii ugu caansanaa kubadda koleyga ee xulka qaranka Soomaaliya, oo ay kamid aha ayeen Sucaad Cabdullaahi Galow oo u cayaari jirtay naadiga Horseed, Mulki Nuur Muudeey oo u cayaari jirtay naadiga Jeenyo iyo Geni oo u cayaari jirtay naadiga Ingi.

Yuusuf Garaad Cumar, ayaa ugu horeyn was iirka dhallinyarada uga mahadceliyay isku keenida halyeeyada kubadda koleyga, isagoona bahda ciyaaraha kula dardaarmay muujinta maqaanka guud ahaan kubadda, gaar ahaan koleyga. "Kub adda koleyga ee Soomaaliya waxaa ay leedahay taariikh mug weyn”, ayuu yiri wasiir Yuusuf Gar aad.

Wasiirkii hore ee dhallinyarada Cabdiqani Jee nyo, ayaa xusay in kulamada nooca oo kale ah ay soo nooleynayaan kubadda koleyga ee dalka Soo maaliya, maadaama wali ay joogaan ciyaartooydii u soo cayaaray xulka qaranka Soomaaliya.

"Dalka waxaa uu sameynayaa horumar dhinac kastaba ah, waxaana hadda dalkeenna ku sugan cayaartooy ajnabi ah oo kamid ah kooxaha ka dhisan dalka, taasi waxaa ay muujineysaa in kubadda loo soo jeestay”, ayuu yiri wasiirka, isagoona kusoo gunaanuday in uu mar walba u ta aganyahay soo nooleynta kubadda iyo dhiir agelinta dhallinyarada hamiga u heysa cayaaraha kubadda koleyga.

Sucaad Cabdullaahi Galow ayaa hoosta ka xariiqday in isu-imaatinnada noocan oo kale ah ay dhiiragelin ballaaran u tahay dhallinyarada xiis eysay kubadda koleyga, ayna arki karaan in hal yeeyadii qaranka ay wali isku duubanyihiin, diy aarna u yihiin taageerida kubadda koleyga.

"Kulanka waxaa looga hadlay horumarada laga gaaray dib-u-soo nooleynta kubadda koleyga, waxaana la ammaanay dhammaan bahda kub adda koleyga iyo dhallinyaro badan oo dibadda ka timid oo wax tar badan ku kordhisay kubadda”, ayey u sheegtay HOL.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda koleyga C/laahi Nuur Maxamed Cadaani, oo ka sheekeeyay du ruufaha xiriirka uu ku shaqeeyo ayaa xusay in bartamaha bisha Julay ee sannadkan ay xulka kubadda koleyga Soomaaliya ay aadi doonaan dalka Masar, halkaaso oo ay uga qeyb-geli doo naan tartanka ciyaartooyada da’dooda ay ka yartahay 18-

Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Degmada Kaxda Oo Qarax Lagu Dilay.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo duhurninadii Dorraad ka dhacay mag aalada Muqsisho, iyadoo qaraxaasi lala eegray gaari NOAh-ahaa oo uu watay mas’uul ka titsan maamulka degmada Kaxda.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa Miino nooca dhajiska ayaa loogu xiray gaariga uu watay mid kam ida ah mas’uuliyiinta cansh uuraha laga qaado xaafada ha u qaabilsan maamulka de gmada Kaxda oo lagu magacaabo C/Fitaax Ax med Afrax Janaqoow, wuxuuna xiligaasi marayay xaafada Suuq Boocle degmada Dharkiinkeey ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan degmada Dharkiinkee ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in isla goobta uu ku geeriyooday marxuumka, iy adoo meydkiisa loo qaaday xarunta baarista dan biya ee C.I.D, halkaasoo sawirran looga qaaday si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.

Ciidamada amniga oo daqiiqado kadib tagay hal ka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaana ah iyagoo ku guuldareystay iney ga canta ku soo dhigaan kooxihii qaraxan ka danb eeyay, waxeyna sii daayeen dhalinyaro ay ka sha kiyeen oo markii danbe la aqoonaaday.

Falalka amni daro ee u badan qaraxyada ayaa maalmahan ku soo badanaya caasimadda, iya doo Khamiistii qarax ka dhacay Deyniile lagu dilay mas’uul isaguna gobolka Banaadir u qaabilsanaa canshuuraha laga qaado Xoolaha Geella ee la keeno gobolkan Banaadir

Qaramada Midoobay oo $20 Million ugu yaboohd ay gurmadka abaaraha Soomaaliya

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arr imaha Soomaaliya ayaa 20 Milyan oo doollar uga qoondeeyay Sanduuqa Gargaarka Bani’aada nnimo ee Soomaaliya, si gar gaar degdeg ah loo gaarsiiyo bulshooyinka halista ug

u jira abaaraha ee ku sugan goobaha darran.

Adam Abdelmoula, Xirii riyaha Gargaarka Bini'aadan tinimo ee Qaramada Midoob ay ee Soomaaliya, ayaa she egay in dad badan oo Soomaaliyeed ay qarka u saaran yihiin macluul.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Soomaal iya waa dalka ugu badan ee ay abaaruhu saa meeyeen ee Geeska Afrika. Ugu yaraan 6.1 mil yan oo qof ayaa ay saamaysay, kuwaas oo 771,000 ka mid ahi ay ka tageen guryahoodii. Iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ugu yaraan 1.5 milyan oo carruur ah ay soo food saa rtay nafaqo-xumo ba'an, in ka badan 3,170 shub an biyood iyo 2,460 xaalad oo jadeeco ah.

"Waxaan ka walaacsanahay in tiro aad u bad an oo dad ah ay gaajo u dhintaan haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin gargaarka bani'aada mnimo," ayuu yiri Abdelmoula.

QM waxa ay sheegtay in Qorshaha Waxqabadka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2022, kaas oo lagu raadinayo 1.5 Bilyan oo Dool lar si loo caawiyo 5.5 Milyan oo qof, uu helay kal iya 18 boqolkiiba dhaqaalaha loo baahan yahay.

Wariyeyaal lagu dhaawacay Dalka Ukraine

Labo wariye oo ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku dhaawacmay, darawalna waa la dilay ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen la rasaaseeyay xilli uu ku sii jeeday Severodonetsk ee dalka Ukraine.

Sawir qaade Alexander Ermochenko iyo sawir qaade Pavel Klimov ayaa Jimcihii ku safrayay ba abuur ay siiyeen ciidamada Ruushka ee taageer aya qeybta uu Ruushku haysto ee jidka u dhexe eya Severodonetsk iyo magaalada Rubizhne.

Waxaa loo qaaday isbitaal ku yaal Rubizhne halkaas oo lagu daweeyay bilowga hore, Ermo chenko dhaawac yar oo firir ah iyo Klimov oo ka jabay gacanta.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheeg tay in aysan si degdeg ah u xaqiijin karin aqoons iga darawalka oo kooxda gooni u goosadka ah ay u xilsaareen safarka warbixinta.


Xukuumada Somaliland oo digniin u dirtay shirk adaha korontada

Xukuumada Somaliland ayaa digniin u dirtay qa arkamid ah shirkadaha bixiya adeega korontada oo kor u qaaday qiimaha lay dhka.

Shirkadaha digniintu ku soc oto, ayaa fulin wa ayay amar ay xukuumadu ugu jaangoysay shir kadaha qiimaha korontada ay bixiyaan, oo ay amartay in halkii unit lagu iibiyo $0.39, halka shirk adaha amardiida sameeyay ay ku iibinayaan $0.84 halkii unit, qiimahaa oo bulshadu aad uga qaylisay.

"Shirkadaha kale ilaa hada kamay soo falcelinin waxaana nasoo gaadhaya in ay 0.84 ku gudbiy een, sharciga Islaanka iyo xukuumadaba midna masuurogasho in loo shuraakoobo macaamiisha, si axsaarta loogu kiciyo" Guddoomiyaha Koomiish anka Tamarta Somaliland Ax med Faarax Cadare, ayaa sida yidhi.

Cadare ayaa sheegay in anay aqbalayn in macaamiisha qiima ha lagu kiciyo, waxa kale oo uu sheegay in shaqada koomiishanka tamartu tahay ilaalinta danta macaamiisha iyo ganacsada.

"Miskiin ayaa misko la fuulo leh socon mayso, koomiishanku labada sanno ee uu jiray wuxuu u heeganyahay in uu ilaaliyo danta macaamiisha, iyo masaakiinta isla markaana uu ilaaliyo oo uu mi isaamo danta maalgashiga" ayuu yidhi Cadare.

Shirkadaha bixiya adeega korontada ee Som aliland, ayaa shir ay yeesheen kadib isku raacay in ay qiimaha korontada kor u qaadan, taasi oo xu kuumada Somaliland ganafka ku dhufatay

Ruushka oo duqeymo culus ka fuliyay Bariga Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa xoojiyay duqeynta ay ka wadaan barriga wadanka Ukraine, waxaana isi soo taraya khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhashay duqeymahaasi.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, tiro intaasi ka badana waa ay dhaawacmeen ka dib markii Ciidamada Ruushka ay weerar duqeyn ka geysteen Magaalada Mykol aiv.

Duqa magaalada ayaa sheegay in dadka dhaaw aca la geeyay Isbitaalada magaalada, kuwaasi oo lagu dabiibayo Xaalado oda Caafimaad.

Ruushka ayaa weli sii wada dagaalka Ukraine oo 100 maalmood ka badan ka socda dalkaasi, isla markaasna sababay khasaare dhimasho, dha awac, burbur iyo barakac badan.

Xaaladda Dibadbaxayaasha Suudaan Oo Laga Deyrinayo

Khabiirka Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee dalka Suudaan ayaa ku baaqay in la dardar geliyo baaritaannada la xiriira dilalka loo geysanayo dadka mudaaharaadyada dhigaya iyo tacaddiyada kale.

Adama Deng ayaa dhaleeceeyay adeegsiga awoodda xad dhaafka ah ee saraakiisha amma anka Sudan.

Ku dhawaad boqol qof ayaa la toogtay in ka badan shan kun oo qofna waa la dhaawacay intii lagu jiray mudaaharaadyada toddobaadlaha ah ee looga soo horjeedo afgambiga milatariga ee dhacay bishii Oktoobar ee sanaki hore.Jimcihii hal qof ayaa la dilay iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalooyinka dalka Suudaan si ay u xusaan sannad-guuradii saddex aad ee ka soo wareegtay rabshadihii dhacay xilli la kala dirayey mudaharaadayaal ku hortubnaa wasaaradda gaashaan dhigga dalkaasi

Midowga Afrika oo Putin oo kala hadlay saa may nta dagaalka Ukraine ee Afrika

Mas’uulka ugu sarreeya Midowga Afrika ayaa Jimcihii la kulmay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Afr ika, gaar ahaan hakinta ku timi dhoofinta hadhu udhka iyo sarreenka, ta asoo keentay inay sare u kacaan qiimaha cun tada ee dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika, waxaana taasi keentay in malaayiin qof oo Afrikan ahi inay gaajo soo foodsaarto.

Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall oo ah guddoomiyaha Midawga Afrika ee sannadkan oo kula kulmay madaxweyne Vladimir Putin mag aalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa sidoo kale kala hadlay dagaalka Ukraine iyo saamaynta uu ku leeyahay 1.3 bilyan oo qof oo Afrikan ah.

Da gaalka Ukraine ka hor, waxay dalalka Afrika aysannadkiiba ka soo dhoofsan jireen dalalka Ru ushka iyo Ukraine, 30 milyan oo tan oo sarreen, hadhuudh iyo gallay ah, hase ahaatee dagaalka ayaa yareeyey dhoofintii waxsoosaarka beeraha ee Ukraine iyo Ruushka, iyo weliba qiimaha shida alka oo isna cirka isku shareeray.

Shirkii Jimcihii, ayaa madaxweyne Macky Sall, oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika, wu xuu ku boorriyay madaxweyne Putin inuu il gaar ah ku eego, in waddamada Afrika ay ” dhibana yaal” u noqdeen colaadda Ukraine, sida ay shee gtay wakaaladda wararka ee Faransiiska. Waxa uu sheegay in sahayda cunnadu ay noqoto mid aanay saamayn ku yeelan cuna-qabataynta ay wa damada reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka.

Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Ak inwumi Adesina ayaa walaac ka muujiyey tallaaba da ay dawladda Ruushku ku hor-istaagtay maraa kiibta ku sugan badda madow, kuwaas oo siday malaayiin ton oo hadhuudh iyo sarreen ah kuwa as oo ay u wadeen dalal kala duwan oo ay ku jir aan qaaradda Afrika.

Magaalooyin kuyaala Maraykanka oo laga sam eeyay mudaharaad looga soo horjeedo ciida mada Maraykanka ee loo dirayo Soomaaliya

1, 400 qof oo ku nool magaalooyinka mataan aha ee Maryakanka, Minneapolis iyo Saint Paul Minnesota ayaa qaatay boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay kagasoo horjeedaan faro galinta Mareykanka ee Soomaaliya iyo duqey maha uu ka geysto.

Bayaan ay soo saareen qabanqaabiyeyaasha Ololaha Nabadda ee Magaalooyinka Mataanaha ah ayaa lagu yiri, "Ciidamada Mareykanka lama dagaallamaan argagixisada, duqeymaha diyaara daha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ma keenaan dimuquraadiyad. " Maamulka Biden ayaa shaaca ka qaaday in 400 ilaa 500 oo askari oo Mareykan ah ay tagi doonaan Soomaaliya, waxaana Mareykanka uu qorsheynayaa in uu kordhiyo weerarada duqe ymaha ah ee ka dhanka ah Alshabaab Arrintaan ayaa kusoo beegmatay 24 saac kadib in Ciidamada Mareykanka ay fuliye en duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay shan xubno od oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan waxay ahayd tii ugu horeysay ee lagu bartilmaameedsado kooxda Alshabab ee Soomaaliya tan iyo bishii February, waana weerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca tan iyo markii Madaxweyne Joe Biden uu amar ku bixiyay in ciidamo badan oo Mareykan ah ay dib ugu soo laabtaan gudaha Soomaaliya.

Dal lix kun oo qof lagu dilay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkaan

Wasiirka Boliiska ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in uu si weyn kor ugu kacay tirada dilalka iyo dambiyada kale ee ka dhaca dalka Koofur Afria.

Bheki Cele aya sheegay saddexdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan ay u ahaayeen dad badan oo reer koofur Afrika ah bilo qalalaase, xun oo aan ammaan aheyn.

Waxaa uu sheegay in in ka baan 6 kun oo qof la dilay -taas oo kor u kaca ka dhigeysa 20% marka loo eego saddexdii bilood ee ugu horreyay sana dkii hore

Afduubka ayaa aad u kordhay oo gaaray lao laaab in ka 3kun oo afduub.

Waxaa kale oo jiray in ka badan 10 kun oo kufsi intii u dhaxaysay bishii Jnnaayo iyo Maarso ee sa nadkan

Mr Cele ayaa tiradaas ku tilmaamay mid laga argagaxo wuxuuna ballanqaday in uu xididada u saaro saraakiisha musuqmaasuqa ku shaqeysata isla markaana si wanaagsan loo hubeeyo boliiska

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka iyo boliiska ay la dagaalamaan dambiileyaasha

Kanada oo laga helay kiisas cusub oo busbus Daayeerada ah

Xanuunkan ayaa la xaqiijiyey in uu ka dilacay dalalka Kanada, Faransiiska iyo Mareykanka, sar aakiil caafimaad ayaa sheegay in Xanuunkan uu isu beddelo cudur faafo oo aan ku ekaan doonin dal qur ah.

Mas’uuliyiinta Canada ayaa Jimcihii Dorraad xa qiijiyay in baaritaano kala duwan oo laga samee yay gobalada dalkaas laga helay kiisas gaaraya 149, kiis oo cudurka Busbus Daayeerada ah.

Sargaal ka tirsan Wakaaladda Caafimaadka Canada, ayaa shir jaraa’id uu qabtay Jimcihii Dor raad ku sheegay in ay ka walaacsan yihiin soo bix itaanka kiisaskan cusub ee ku saabsan xanuunka Busbus Daayeerada.

Wakaaladda Caafimaadka Canada ayaa xaqiiji yay in faafitaanka cudurkan uusan ku koobnaan doonin Dal ama deegaan gaar ah.

Sidokale, mas’uuliyiinta caafimaadka Faransiiska

ayaa ku dhawaaqay Dorraad helitaanka 51

xaaladood oo Busbuska Daayeer ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip