HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANT OO AH KHAMIIS 2 -DA JUUN 2022

1
Thursday June 02, 2022 - 08:53:37 in Wararka by
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANT OO AH KHAMIIS 2 -DA JUUN 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baa qay in loo gurmado dadka ay saameys ay abaarta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo boo qday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxye elladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka kale ee jira.

 

 

 

 

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka ugu baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan ee ay waxyeelladu ka soo ga artay masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqd ay iyo duruufaha amni ee ka jira qeybo ka mid ah dalka, isaga oo faray hay’adaha dowladda in la da rdargeliyo hawlaha gurmadka abaaraha.

"Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay jooga an waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.”

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in DFS ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qaba shada xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka & garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowlad du dhowaan magacowday ergay gaar ah oo ka shaqaynaya isku-xirka arrimaha Gur.abaraha.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxaa bo oqashada ku weheliyay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdica siis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wa saaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyin ka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Ga ashaandhigga, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan DF iyo DGK/Galbeed.

Maxay ka wada hadleen Ergeyga gaarka ah ee Abaaraha & Safiirka Mareykanka ee Somalyia?

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Sooma aliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaanka Cabdirax maan Cabdishakuur Wars ame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Mareyk anka ee Soomaliya Larry Andre iyo madaxa hay’adda US AID Patrick Diskin.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida D/Mareykan ka ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraha daran ee ka jira guud dalka Soomaaliya.War kasoo baxay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliyau qaab ilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Maraykanka uu yahay dalka dee qda gargaarka bani’aadanimo ee ugu badan siisa Soomaaliya.Ugu dambeyn, Danjire Larry Andre ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buu xda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee baar uhu saameeyeen, kuwaas oo kunool Koonf rta iyo Bartamaha Soomaaliya.Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ergey ga gaarka ah ee Madaxweynaha Soo maaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaara ha Xildhib aanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wa xaa uu kulamo kala duwan la qaada nayay Wak iilada Beesha Caalamka si gurmad lo ogu same eyo dadka ay abaartu saameeysay Aadan Madoobe ooxildhibaanada ugu baaqay in ay 12-ka Juun soo xaadiraan xukuumaddana ka dalbay inay soo gudbiyaan miisaanayadda Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed oo Shalay warbaahinta kula ha dlay xarunta golaha ayaa amar ku aadan miisaa niyadda cusub dul dhigay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddoomiyaha ayaa xukuumadda ka dalbaday in miisaaniyadda ay ansixiyeen golaha wasiirrada loo soo gudbiyo guddoonka ka hor 12-ka bishaan, si loogu soo daro ajendaha golaha ee fadhigooda ugu horeeya.

Xildhibaanada oo fadhigoodii Shalay uu u fur mi waayey kooram la’aan ayaa dib isugu soo laa banaya 12-ka bishaan June, sida uu iclaamiyey guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ajendeyaasha ugu horeeya ee golaha la hor geynayo ayaa lagu wadaa inay ka mid noqoto mii saaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, ka as oo la doonayo in goluhu uu ansixiyo.

Shirkii todobaad-laha ee golaha wasiirrada ay aa Khamiistii lagu ansixiyey miisaaniyadda dowl adda ee sanadkan 2022-ka oo dhan (918.7 M) taas oo noqotay mi isaaniyadii ugu badneed ee dalka burburkii kadib.

"Xukuumaddu miisaaniyadii waa diyaarisay, wax aan ka rabnaa in 12-ka bisha ka hor ay noo soo gud biyaan miis aaniyadda, 12-ka June ayaan fa dhiga ugu hore eya isugu imaa doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Hanti-dhawrka Guud oo gudbiyay baaris ta kiiska Wasiirka A/Dibedda

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ay aa shaaciyay in uu baaristii uu ku sameeyay kiiskii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali ee dhawaan shaqada uu ka joojiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa sheegay in baarista uu bilaabay kadib warqadii 24-ka bishii hore kas oo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ee la xiriirtay kiiska markab dhuxul siday oo lagu xan ibay Saldanada Cumaan.

"Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa gutay waaj ibaadkiisa kaga aadanaa baaristaas, iyadoo dhamaan macluumaadka aan uruurinay intii ay ba aristu socotay aan la wadaagnay Xafiiska Xeer Ila aliyaha Guud ee Qaranka si loo dhameystiro baa rista oo uu horay gal ugu furay,” ayaa lagu yiri qo raal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhaw rka Guud.

Sidoo kale waxa uu sheegay Han ti-dhawrka Guud in macluumaadka la xiriira arrinkaas uu la wadaagay hay ’aaddaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ay khuseyso.Xubno ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa 27-ka bishii hore la kulmay Was iirka Arrimaha Dibadda ee shaqo joojinta lagu sa meeyay, ayada oo su’aalo ka weydiiyeen kiiska la xiriira markabka siday dhuxusha.Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore ugu eedeyay Wasiirka Arrima ha Dibadda Soomaaliya ku takrifal awoodeed markii uu ku sameynayay shaqo joojinta Si kasta ba, Baarista uu sameeyay Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa timid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dalbaday in Hanti-dhawrka iyo Hay’ad aha amnigu ay baaritaan ku sameeyan tallaaboo yinka Wasiirka, gaar ahaan fasaxida Markab sid ay dhuxul sharci daro ah.

Ciidanka xoogga oo howlgal ku qabtay Saraa kiil katirsan Al-Shabaab

Taliska ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ku su gan degaanka Janaale ayaa soo bandhigay Cu smaan Xasan Hiraab oo muddo ka barbar dag aalamayay Urururka Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay ciidanka.

Ninkaan oo kamid ah dhalinyarada Al-Shab aab ayaa sheegay inuu ka soo dagaalamay gobol lada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose oo ugu dambeyntii uu iska soo dhiibay.

Gaashaanle Nuuradiin Xuseen Macalin oo ah taliyaha ururka 83-aad, guutada 14October iyo L/xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo ah taliyaha ururka 84-aad ee isla guutada 14-ka October oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa Cusmaan Hiraab si weyn ugu soo dha weeyay deegaanka Janaale.

Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska Danab Gàar Ahaan Ururka 5aad Guutada 16’aad iyo ku wa Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deg aannada dhaca dhinaca Galbeed eeMagaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Degaannada ay Ciidamada howlgalka ka sam eeyeen ayaa waxaa ay kala yihiin, Shabac, Gaawo Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus iyo Kaa njaroon, halkaas oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in howlgalka intii uu socday ay Ciidanka ay u suurto gashay in gacanta ku dhigaan Sarkaalkii Al-Sha baab u qaabilsana Degaannada howlgalka laga sameeyay, kaas oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Mukhtaar Magaciisa Afgarashada uu yahay (Sakhraawi) , isla markaana ay dileen Afar Xubno od oo ahaa ilaalada Sarkaalka, Sida uu Warbaahi nta Ciidamada Qalabka sida u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab Taliye Carab Dheeg Axmed Dhageey.

Saxafiyiin xarig iyo jirdil loogu gaystay Degma da Baraawe

Ciidanka Booliska Degmada Baraawe ee G/ Sh/Hoose ayaa Xalay jirdil iyo xarigba u gaystay laba ka mid ah Saxafiyiinta ka hawlgasha degma daasi.

Booliska ayaa xabsiga dhigay Wariye Cismaan Aweys Baxar, oo ah Wariyaha Universaltv ee Ba raawe ahna Agaasimaha Radio Baraawe iyo Fu’a ad Shooble oo ka mid ah Maamulka Radio Bara awe.

Wariye-yaasha oo shaqadooda ku guda jira ay aa lagu weeraray Xarunta Idaacadda Baraawe, iy adoo aan illaa iyo hadda la garanayn ujeedada ka dambeysa xarigooda.Maamulka Degmada Baraa we iyo Saraakiisha Booliska ayaan weli ka hadlin sab abta keetay jirdlka iyo xarigga lagula kacay War iye-yaashaasi.

12-kii bishii ina dhaaftay ee May ayay ahayd, markii Booliska Galmudug ay Magaalada Guriceel ku dileen Wariye Saciid Cismaan Gabeyre, oo ka mid ahaa Wariye-yaasha ka hawlgala Gobolada Dhexe.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida dalalka ugu halista dunida ee Saxafi uu ka hawlg alo, bacdamaa Wariye-yaasha loogu gaysto xag udubyo isugu jira dil, dhaawac, jirdil, xarig iyo ba qdin-gelin joogto ah.

Dowladda Federaalka Oo Shalay Soo Saartay Digniin Ku Socota Kalluum eysatada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda Xukuumadda Federaalka So omaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa soo saaray Digniin ku socota kalluumeysatada ka jilaabata xeebaha dalka.

Agaasime Dhagaxtuur oo la hadlay warbaahin ta dowladda ayaa u she egay in laga bilaabo Shalay la galay xillaga bad-xeranka oo lagu jirayo ilaa 15-ka bisha 9-aad 2022, ayna ku wargelinayaan kalluumeysatada oo badda u doonta kalluunka.

Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha iyo gad iidka badda ayaa waxaa uu kalluumeysatada Soo maaliyeed uga digay inay tagaan meelaha fog-fog ee gudaha badda inta lagu jiro bad-xiranka, isa goo tilmaamay in arrintaas ay ka dhalan karto xaa lad khatar ah.

"Waxaa Shalay bilaawday xillaga bad-xeranka waxaana uga digeynaa kalluumeystada inaysan tagin meelaha fog fog ee gudaha badda” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha oo sheegay in kalluumeysatada wadata doomaha yaryar aysan ku fogaan gudaha badda.

Inta lagu guda jiro xiliga Bad xeranka ayay Kall uumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan khasaa rooyin is kugu jira mid Naf iyo Maal, iyadoona mar arka qaarkood dhacda in gudaha badda lagu waa yo doomo iyo kalluumeysata la socota.

Riyo-raac oo qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda SOMALILAND

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soma liland, Mudane Cabdirashiid Maxamuud Wacays (Riyo-raac) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha keenay is casilaaddiisa oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Riyo-raac ayaa shaaciyey in sababta soo dadajisay is casilaadda uu ku dhowaaqay ay tahay khilaafka weli ka dhex jira guddiga doora shooyinka Somaliland, kaas oo uu tilmaamay in dhowr jeer xalkeeda lagu guul dareystay, isla-mar kaana saameeyey shaqada guddiga.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in cada adis xooggan uu uga yimid dhanka Xukuumadda iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID.

"Waxa sababay is casilaadda waxa ay ahayd khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo ka dhex jira Komishinka, mana jirto wax culeys ah ama cid culeys igu saartay in aan is casilo, sidaas awgeed aniga ayaa isku casilay,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamuud (Riyo-raac). Is casilaadda guddoomiyaha guddiga doora shada Somaliland ayaa kusoo aadeysa xilli bilo yar ay ka harsan tahay waqtiga lagu balamay in la qabto doorashada guud ee Somaliland.

Tallaabada guddoomiyaha ayaa sidoo kale uga sii dareyso is mari-waaga haatan ka taagan doorash ada Somaliland oo ay isku hayaan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.

Si kastaba xiisadda ugu weyn ayaa ka dhala tay muddada la qabanayo doorashada oo ku bee gan 13-ka November sanadkaan 2022-ka, taas oo meel sare gaartay, waxaana sidoo kale fashil ku soo dhamaaday wada-hadalladii labada dhinac oo gebi ahaan lagu kala kacay.

DANAB oo nolosha kusoo qabatay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Wararka laga halayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, gaar aha an kuwa Danab ay howlgal qorsheysan ka sam eeyeen deegaano dhaca gableedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Ciidam ada Da nab oo kaashanaya kuwa Nabad Sugidda Jubb aland ayaa beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gac anta ku soo dhigeen sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cabdi Muqtaar oo magaciisa afgarash ada lagu sheegay (Saqraawi), kaas

oo Al-Shabaab u qaalbisanaaa deegaanada kala ah Shabac, Gaawo, Gabdhoodle, Beerxaani, Qu dus iyo Kaanjaroon oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay toogasho ku dileen afar ka mid ah ilaalada sarkaalka lasoo qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad kumaandooska Da nab, Carab Dheeg Axmed oo la ha dlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgal kan, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay burburiy een xarumo ay lacago ku qaadi jireen sarkaalka la soo qabtay iyo ragga la dilay.

Carab Dheeg ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay haatan ka wadaan duleedka magaalada Kismaa yo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan ho wlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciid amada dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwan ta ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka ayaa sa re u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolladaasi.

Shacabka Soomaaliland oo ka cabanaya qii maha Korontada.

Mucaaradka iyo xukkuumadda oo xiisad siya asadeed oo adagi dhextaalo ayaa qolaba dhank eeda ka waddaa sidii ay awoodeeda u muujin lahayd. Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee S omaliland waxa ka jira dhaq dhaqaaqyo lagu abaabula yo bannaanbaxyo iyo kuwo lagaga hortagyo in ay dhacaan bannaan baxyada asi oo mucaaradku ay ku baaqeen.

Mucaaradka iyo xukkuumadda oo xiisad siyaa sa deed oo adagi dhextaalo ayaa qolaba dhanke eda ka wadaa sidii ay awodeda u muujin lahayd.

Boolis xirtay waddo ka tirsan magaalada Muq disho oo dil iyo dhaawac la isu gu daray

Shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan iyo kuwa masaafurka ah ee isticmaala waddada laa miga Kaaraan ee hormarta saldhiga degmadaasi ayaa dhibaato ku qaba isticma alka waddadaasi oo ciidam ada booliska 5-ta Shalayn imo ay goo yaan, gaadiidkana ka mamnuuc inay isticmaalaan wixii saacadaas ka danbeeyo ilaa subaxdii.

Iyadoo dhibaatadaasi ay jirtay ayaa ciidamo milateri oo ku socday gaari Toyoto ah oo damcay inay maraan waddada hormarta saldhiga deg mada Kaaraan waxaa ka hor istaagay askartii boo liska ee saldhiga ku sugnaa, kuna amray in ay isticmaalaan qarda jeexa xaafadaha.

Milaterigii oo ka carooday amarka askarta boo liska ayaa ku adkeystay inay marayaan laamiga maadaama xili Shalay ah ay aheyd, hase ahaatee ismaan dhaaf kadib waxaa dhex maray gacan ka hadal, waxaana ciidamadii milateriga ay billaab een inay awood adeegsadaan.

Israsaaseyn dhex martay askartii booliska iyo milaterigii gaariga ku socday ayaa waxaa goobta ku dhintay laba askari oo booliska saldhiga deg mada Kaaraan ka tirsanaa, waxaana dhaawac may askari kale iyo qof shacab ah.

Falkaasi anshax xumada ku dhacay ayaa wax aa eeda iyo mas’uuliyada loo saariyay taliska boo liska degmada Kaaraan oo shacabka iyo gaa diidka ka xera wadada 5 Shalaynimo, iyadoo ay ad ag tahay in la isticmaalo wadooyinka qarda jeexa ah ee xaafadaha oo ah kuwo raf ah oo la mari karin.

Degmada Kaaraan ayaa ah tan ugu amniga xun Muqdisho, waxaana caadi ka ah falalka dha ca ah oo ay gaysanayaan ciidanka iyo kooxo kale oo hubeysan, ayada inta badan shacabku aanay guryaha ka biixn maqribka kadib cabsi darteed.

Maamul Cusub Oo Loo Magacaabay Deegaan Xebeedka Jasiira

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ee Maam ulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku Magacaabay Maamulka cusub ee deegaan Xebeedka Jas iira. Guddomi yahaay aa Cismaan Maxam ed Nuur umagacaabay Guddoom iyaha Dee gaanka Jasiira, halka Guddoomi ye ku xigeenada Maam ulka iyo Maaliyadda uu u magacaabay Xuseen Jilacow Maxamuud, waxaana Maxamed Shuqaale Maxamed loo magacaabay Guddoo miye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.


Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo kulan gaar ah ka yeeshay khilaafkii u dhaxeeyay

Wararka naga soo gaaraya M/Garoowe ee Xa runta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegay aan in Xarunta Madaxtooyada ay Habeen hore kulan gaar ah ku yeesheen Madaxwe ynaha dowlad Goboleed ka Puntland Saciid Cabdu laahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Kar aash, kaas oo ay kaga ha dleen waxyaabihii keenay khilaafkii dhexmaray.

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in in 2da mas’uul ay kulankooda uu ahaa mid lagu dhammaystiray xallinta khilaafkii u dhexeeyay mu ddooyinkii dambe ayna ka Shaqeeyeen Isimada iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda degaannada Puntl and.

Illo ku dhow dhow kulanka ayaa xaqiijiyay in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweyn aha Puntland iyo kuxigeenkiisa, kaas oo salka ku haayay arrimo la xiriira awooda dhinaca Maamu lka ah, isla markaana ay ku balameen in la dardar geliyo hawlaha Maamulka oo gaabis xoogan ka jiro.hilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha D/Puntl and Saciid Cabdulaahi Deni & kuxigeenkiisa Ax med Cilmi Cismaan Karaash ayaa horay looga da reemay degaannada Puntland, waxaana uu saa meyn ku yeeshay howlaha Shaqo ee Hay’ada

ha kala duwan ee Maamulka Puntland.

JUBBALAND oo odayaal dhaqameed ku xir-xirtay DHOOBLEY + sababta

Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo warram ayaa in tiro odayaal ah ay ku xireen xabsi ku yaa lla magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Odayaasha la xiray oo gaa raya ku dhowaad 10 ayaa la ga soo qabtay agagaarka de egaanka Diif oo ay ka taag an tahay xiisad colaadeed oo u dhexeyso ma leeshiyo beeleed hubeysan.

Mid ka mid ah nabadoonada xiran oo ay u suura gashay inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay inay wajahayaan xaalad adag, wuxuuna shaaciy ay in aysan ogeyn waxa loo xiray.

"Odayaal xiran oo nabadoono ah ayaanu nahay, waxaan ku xiranahayna waxaan ognahay maaha,” ayuu yiri mid ka mid ah Nabadoonadasi.

Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Onl ine odayaasha dhaqanka ee lagu xiray Dhoobley ayaa loo heystaa colaadda ka taagan deegaanka Diif, gaar ahaan saddex qof oo lagu dilay hal ka asi.Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegay a in odayaasha la xiray ay qaraabo dhow yihiin maleeshiyaadka loo heysto dilka saddexda qof.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo ba xay saraakiishaJubbaland oo ku aadan xarigga odayaashaasi, balse waxaa socda dadaallo ay wa daan waxgaradka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa xiisad xoo gan oo u dhexeeysay maleeshiyaad beeleed hub eysan waxa ay ka taagneyd deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay muqdisho

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay aa ka dhashay qarax miino oo Shalay barqadii Cii damo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya lagula eegtay inta u dhaxeya Aargada Degmada Deeyniile & Xaafada Siisi.

Qaraxa ayaa qabs aday gaari Prado ah oo ay wateen ciidam ada Milalteriga, waxaa na goobjoog ayaal sheegay in qaraxa uu ku dhintay Ask ari halka ay ku dha awacmeen Saddex qof oo labo kamid ah yihiin Shacab.

Ciidamo katirsan booliska degmada Deeyniile ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday dadka ku dhaawacmay qar axa sidoo kalena muddo kooban xiray Aaga uu qa raxa ka dhacay wallow markii dambe ay dib u fureen.

Maamulka degmada Deeyniile iyo laamaha Amniga degmadaas ayaan weli ka hadlin, waxaa na qaraxa uu kusoo eegmay xilli Habeen hore ciidamada ammaanka ay howlgallo la xiriiray dhanka Amniga ka sameeyeen Xaafado katirsan degmadaas.

JUXA oo shaaciyey afar caqabad oo Deni suga ya kadib ku laabashadiisa Puntland

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay ma gaalada Garoowe ee caasimadda maamulk aas ka dib markii uu kaalinta seddex aad ka galay do orashadii xilka madaxweynimo ee ka dhacday Muqdisho. Xilligiisii ololaha doorashada wuxuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Deni isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cism aan (Karaash), kaddib markii Deni oo ku sugan Muqdisho uu sameeyay magcaabis xubno xilal loo dhiibay, arrintaasi oo uu ka biyo-diiday Axmed Karaash oo isaguna soo saaray war qoraal ah oo uu arrintaas gaashaanka ugu daruuray.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo wasiir ka soo no qday Puntland iyo Xukuumadda Federaalka ah oo la hadlay idaacadda BBC ayaaa sheegay in mad axweynaha Puntland ay hor yaalaan caqabado badan oo xalkeeda laga rabo.

"Waxaa hor yaalla Madaxweynaha xukuumad diisa iyo baarlamaanku in ay dib u soo laabtaan. Waxaa hor yaalla khilaafka soo shaac baxay ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Karaash in la xaliyo; khilaafkaas oo runtii dibadda u soo baxay, waraaqo la iska soo daba saaray, dadkuna aanay jecleysan, shaqo-maalmeedkii dowladdana cur yaamiyay. Arrintaasi waxay u baahan tahay in la xalliyo, shaqadii dowladanna la dardargeliyo,” ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale, caqabadaha kale ee horyaalla Deni ayaa waxaa kamid ah xalinta kala-irdhowgii ka dhashay doorashadii xildhibaannada baarlama anka Soomaaliya ee lagu doortay Puntland.

Waxaa sidoo kale jirta tabasho ay qabaan dad kii xubnaha lahaa qaarkood iyo weliba qaar ka tir san isimada Puntland oo sheegay in dowladdu ay gacan-togaaleysay xubnihii ay saxiixi jireen.

Wasiirkii hore ee arrimaa gudaha Juxa wuxuu qabaa in ay taas tahay howl dadaal dheeri ah uga baahan Madaxweyne Deni sidii uu isugu soo dumi lahaa dadka ku kala indhoobay doorashada dart eed.

"Khilaaf weyn iyo kala fogaansho ayaa doora shadaas ka dhashay. Khilaafkaasi markii dambe Xamar ayuu la aaday. Waxaa muuqaneysay ard aa kasta oo olole-doorasho uu ka socdo in lagu arkaayay dad reer Puntland ah oo iska soo horj eeda, kuwaas oo halkaa ku kala qaybsamay,” ayuu yiri Juxa. Puntland oo dhisan 24 sano waxaa la isku soo dooranayay nidaamka hab-beeleedka, Juxa wu xuu aamisan yahay in aan mar kale wejiga la siin karin jidkii rubuc qarniga la hayay.

Dagaal geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan dagaal culus oo Ciidamo katirsan ku wa dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyadka macawuusleeyda oo dhinac ah iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Bo oco oo dhaca 40-KM dhanka Koonfureed Maga alada Beledweyne.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay maleeshiyadka macawiisleyda ay weerareen Goob Makamad u aheyd Al-Shabaab oo dadka ay lacag uga qaadi jireen.

Dagaalka oo leysku adeegsaday hubka noo cyadiisa kala duwan ayaa weerarka kadib waxaa ku biiray Ciidamo katirsan kuwa dowladda Sooma aliya oo u gurmaday maleeshiyaadka macawiisl eyda ah, waxaana la sheegay in dagaalka ay dhi masho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 5 Ru ux oo labada dhinac ah.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in la arkayay Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciid anka Dowladda oo kusi qul qulayay degaanka uu dagaalka ka dhacay, halkaas oo siweyn ugu xoog an yihiin Ururka Al-Shabaab.

Laamaha Amniga Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee inta badan dega annada Gobolka Hiiraan ayaa waxaa markasta ka dhaca dagaallada u dhaxeeya Ciidamada dowla dda iyo Al-Shabaab.

Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay

Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobo lka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuur tay ceel biyo ku jiraan.

Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday in ay is disho, balse Dadka tuulada ayay u suurtaga shay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta la hayd dhacdadaas naxdinta leh.

Haseyeeshee dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga u taxaabay hoo yada oo lagu soo oo gay dambi dil ah.

Sidoo kale, ninke eda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan.

Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: "Carruurta dhim atay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa hal sano jir, gaba dha ugu waynna waxay ahayd 10 jir.”

Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaan ka ayaa galinkii dmabe ee maalintii Isniinta ka dha cday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi.

Aabbaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ay aa halkaas soo dagay muddo hal bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guu ray gobolka magaalada Gorakhpur ee gobolka Ut tar Pradesh.

Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa, oo 30 jir ah iyo lix carruur ah oo ay dhal een, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.

Xigasho Bbc Somali


QM oo shaacisay tirada dadka ay abaar ta ku saameeysay Soomaaliya

Xaaladda Soomaaliya ayaa ah mid aad u daran iyadoo 7.1 milyan oo qof, oo ay ku jiraan ugu ya raan 370,000 oo carruur ah ay abaaruhu saame en karaan ka hor dhammaadka sanadkan haddii aan la helin dadaal bani’aadamnimo oo ballaaran, ayuu yiri sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

"Haddii aanaan sare u qaadin oo aan wax ka qab an, nasiib darro, dad badan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 370,000 oo carruur ah, ayaa baabi’i

doona ka hor dhammaadka bisha June. Taasi waxay kuu sheegaysaa sida xaaladdu u daran tahay,” Isku-duwaha Hawlaha Bani’aad amnimada ee Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa ka sheegay Baydhabo oo ka mid ah mee laha ugu daran oo ay dhibaatada abaarta kajurto.

Ilaa 6.1 milyan oo Soomaali ah ayay saamaysay xaaladda degdegga ah ee abaarta tan iyo bishii May, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantini mada ee OCHA.

Ilaa 771,400 oo qof ayaa ku barakacay, kuwa as oo raadinaya biyo, cunto iyo daaq, iyadoo dad ka u badan ay yihiin haween iyo carruur.

"Arrintaan ayaa uga sii dartay iyadoo ay ugu wa can tahay rajada laga qabo xilli-roobaadka shan aad oo xiriir ah,” ayay tiri Qaramada Midoobay.

Tan iyo bilowgii sanadkan, 30,000 oo qof ayaa ka barakacay deegaannada Koonfur Galbeed, kuwa as oo si ba’an ay u saameysay abaarta.

Tan iyo bishii Maarso, kiisaska cudurka shub an biyoodka ayaa sii kordhayay, iyadoo wadarta guud ee xaaladaha shuban biyoodka ay gaaraya an 2,279, oo ay ku jiraan 11 dhimasho ah, la soo sheegay tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Shac abkooda Ugu Baaqay Iney Sanadan Tagin Xajka Oo Ay Niyeystaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdir axmaan Saylici ayaa faray shacabka Som aliland in aanay sannadkan tagin Xajka oo ay niyeystaan, haddii dowladda Soomaaliya ay kasoo jawaabi waydo caddaalad darro uu shee gay in lagu qay biyay qoondada Xajka.

Saylici ayaa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u qabtay in muddo saddex maalmood ah ay kaga soo jawaabaan arrintan, hadii ay jawaab heli waayaana ay go’aankooda ku taagn aan doonaan.

Saylici ayaa sheegay in 350 xaaji aanay ahayn qoondo ku filan shacabka Somaliland isla marka ana aan sinaba loo aqbali karin. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa hore si adag uga horyimid sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u go’aamisay tirada Xujeyda uu Sacuudigu siiyay, taasi oo ay ku dooday inay Somaliland ku laheyd 40%.

Waxa uu sheegay in qoondada Xajka ee ay laheyd Somaliland ay gaareyso 2082 Xaaji, halka dowladda federaalka ay sheegtay inay Somaliland ka xajinayaan 350 Xaaji, taasi oo uu ganafka ku dhuftay Wasiirku.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo War ka soo saaray dagaalkii ka dhacay degaan hoostaga Beledweyne

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa bogaadiyay Ciidamada Dowlada iyo ciidamada is Abaabulay ee deeganka oo kaashanayo Hay’adaha Ammaanka oo Shalay weerar ku qaaday deegan Booco, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobalka Hiiraan Axmed Cabdulle Cusm aan ( Inji) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Howlagalka lagu qaaday Al-Shabaab looa dilay tiro 20 Xubnood ah oo dadka ku dhibaateyn jiray degaanka Booco.

Wuxuu sidoo kale sheegay Goobta la weeraray ay Maxkamad u aheyd Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada Ammaanka iyo dadka degaanka ay sii wadi doonaan howlallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deganka booco oo dhaca 40-KM dhanka Koonfureed Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda & maleeshiyaadka degaanka ay dib Beledweyne ugu soo laabteen

Mareykanka oo shaaciyey in la qabtay nin Soomaali Kenyaan ah oo $1 milyan la duldhigay

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaas oo lagu eedee yay ka ganacsiga daroogada iyo duur-joogta.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa baadi goob ugu dhaqaaqay labadaas nin ee baxsadka ahaa, Badru Cabdulcasiis Saalax ayaa lagu guul eystay soo qabashadiisa, halka ay ciidamadu weli baadi goobayaan Cabdi Xuseen Axmed.

Labadaas nin oo baxsad ka ahaa Mareykanka, laguna raadjoogay ayaa loo haystaa ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjo ogta, waxaana Badru Cabdulcasiis Saalax laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Gari ssa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Nation oo soo xigtay ilo ka tirsan booliska Kenya. Qabashada ninkaan ayaa ku soo beegmaysa afar maalmood un ka dib markii Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta iyo dhamaan baraha bulshada, balse booliiska weli kuma guuleysan inay soo qabtaan Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Ninka la qabtay ee Badru Cabdulcasiis Saalax waxaa lagu hayaa xarunta laanta la dagaalanka argagixisada ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay dambi barayaashu ku waydiinayaan su’aalo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Mr Axmed, halka uu ku sugan yahay iyo waxa uu dalka ka hayo.

Safaaradda Mareykanka ayaa toddobaadkii hore u yaboohday 1 milyan oo doolar cidii keenta xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto Mr Saalax oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha.

Madaxa waaxda dambi baarista ee Kenya, George Kinoti oo wariyeyaasha kula hadlayay Khamiistii magaalada Nairobi ayaa sheegay in labada qof ee Kenyanka ah loo raadinayo ka ganacsiga daroogada iyo duurjoogta oo ku kacaya malaayiin dollar.

"Waxay ku lug lahaayeen gudbinta, qaybinta iyo tahriibinta 190 kiiloogaraam oo gees wiyisha ah iyo 10 tan oo fool maroodi ah oo laga kala keenay waddamo kala duwan oo Afrika ah, oo Kenya ku jirto, kuwaas oo loo qaaday dalka Mareykanka,” ayuu yiri Kinoti.

Qaabkii loo soo qabtay ayaan faahfaahin laga bixin islamarkana ma cada in ay jirto cid qaadatay abaalmarintii uu Mareykanka ballanqaaday, balse safaaradda Mareykanka ayaa Shalay xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku amShalayy inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa.

"Mr Saalax waxa uu ku jiraa xabsiga Nairobi. Xogta lagu soo qabtay Saalax waxay jawaab u tahay dalabkii 26-kii May ee lagu dhawaaqay in abaal-marin lacageed lagu raadinayo macluumaad horseedaya in la xiro, lana maxkamadeeyo Saalax iyo Cabdi Xuseen Axmed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Zelensky oo mid waali ah ku tilmaamay duqeyn uu fuliyay Ruushka.

Ciidamada Ruushka ay duqeyeeya warshad kiimikooyinka sameyso, iyagoo taa u adeegsanayo in ay dib ugu riixaan ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalo muhiim ah oo ku taala bariga Ukraine, Madaxweynaha Ukriane ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid "waali” ah oo xad dhaaf ah.

ciidamada Ruushka ayaa taangiyo ku garaacay warshada oo ku taala gudaha Severodonetsk, taasoo keentay in gudoomiyaha deegaanka uu ku amro dadka ka agdhaw warshada inay guryahooda ku jiraan, iyadoo laga cabsi qabo in waxyeelo caafimaaad oo ka dhalan karto weera rkaasi ay soo gaarto.

Dagaalka ka socda Severodonetsk ayaa noqday mid aad u xoogan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo soo

gaaray labada dhinac ee Ukraine iyo Ruushka.


AFHAYEENKII FARMAAJO OO QORMO MACSALAAMEYN AH UGU HADLAY WIXII SOO MARAY


Afhayeenkii hore ee madaxtooyadda Villa Somalia, C/rashiid Maxamed Xaashi oo qoraal macsalaameyn ah soo gaarsiiyay Caasimada Online, wux uu ugu hadlay waayihii shanta sano iyo marxaladihii kala duwanaa ee soo maray, isagoona qormadiisa cinwaan ugu dhigay "AFHAYEENNIMADU WAA BANOONI AFKA LAGA DHEELO OO BULSHADU GARSOORE KA TAHAY.

Hoos ka aqriso

Fursaddan aan uga faa’iidaysto in aan u mahadceliyo, Madaxwayne Ma xamed Cabdullahi Farmaajo oo igu aami nay in aan guto waajibka qaran ee uu ii magacaabay, waxaan leeyahay: "Afrika waxaa asaaggeed ka reebay musuqmaas uq. Haddii Shalay 54-ka dal ee Afrika ay gali lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah, dadweynaha dal waliba waxuu dooran lahaa hoggaamiye u ilaaliya amm aanadooda. Naso nafta geesiga aheey”.

Intii aan shaqaynaynay, waxaa na soo martay maalmo qurux badan iyo ku wo kale oo adag. Marka aan ka soo gudbo in laga shaqeeyey danta Dalka, Dadka iyo Diinta, Waxaa iigula xasuus badnaa xilliyadaas, aafadii COVID-19 iyo sidii caalamku u kala go’ay bulshooyinkuna u kala fogaadeen. Waxaa xig ay dabayshii doorashada iyo shirarkii isdaba joogga ahaa, heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo hirgalintiisii. Waxaa ugu danbayn ku soo afmeernay dimuqra adiyaddii xil-wareejinta oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ast aan Qaran inoogu noqday, waxaan leeyahay: "Madaxweyne Alla ha kula gar abgalo, hammigaaga iyo dib-u-doorashadaada”.

Marka labaad waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan Hawl-wade ennadii Warfaafinta Madaxtooyada ee sida xirfadda leh iila soo shaqeeyey, iyaga oo igu garab siiyey in aan waajibaadkii nasaarnaa u wada gudanno si xil-kasnimo leh.

Bahda warfaafinta Soomaaliyeed gaar ahaan Agaasimayaasha warbaah inta gaarka loo leeyahay waxaan uga mahadcelinayaa sidii wanaagsanayd ee ay mudadaas iila shaqeeyeen, si gaar ah waxaan u xasuusnaan doonaa barnaamijyadii khayriga ahaa ee aan wada fulinnay sida, ka warqabkii joogt ada ahaa ee agoonta wariyayaashii Soomaaliyeed ee u geeriyooday iyaga oo mihnaddan sharafta leh ugu adeegaya bulshadooda.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa, saaxiibbadii caalamka ee Warfaaf inta Madaxtooyada JFS, kuwaas oo aan iska kaashanay dhinacyada la dagaallanka fikirka xagjirka iyo wararka been abuurka ah, Saaxiibaddaas oo ay ugu horreeyaan Warfaafinta Madaxtooyooyinka Turkiga, Nigeria, Qadar iyo qaar kale.

Waxaan marwalba xasuusnaan doonaa una mahadcelinayaa bulshadii Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba nagu taageertay shaqadii aan qaranka u soo qabanay. Waa idinkii nagu garab taagnaa guulihii dib-u-dhiska dalka iyo Isxilqaan, waa idinkii dhiigga u shubay 14 Oktoobar, waa idinkii soo hor dho obtay maxkamadda ICJ, waa idinkii.. waa idinkii..

Dharaarihii aan shaqayneynay, waxaan 30 sano kaddib dhisnay xafiiska cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada JFS, kaas oo Madaxweyne Farmaajo ugu magac daray ruugcaddaagii saxaafadda Soomaaliyeed ee Cabdi Xaaji Gobdoon. Waa Muwaadinkii ugu horreyey ee goob ka tirsan Madaxtooyada Qarankeenna loogu magac-daro, waana mid muujinaysa mudnaanta ay Ma daxtooyadu u hayso shaqadii qiimaha badnayd ee uu ka soo qabtay. Waana tan Shalay ay hiigsanayaan jiilka aan ka midka ahay.

Warfaafinta Madaxtooyadu waa qayb ka mid ah Xafiiska Madaxweynaha oo u xil saaran baahinta waxqabadka Dowladda iyo horumarka Dalka, iyada oo mudnaan la siinayo haqabtirka baahiyaha xogeed ee Shacabka iyo War baahinta, difaaca danaha qarannimada Soomaaliyeed iyo horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed.

Muddadii Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS aan ahaa waxaan maanka ku hayey, in afhayeennimadu tahay banooni afka laga dheelo – kub ad afka laga ciyaaro- oo ay waajib tahay in aad yool ama hadaf cad u yee sho xirfadda aad garoonka latagayso. Bulshada ayaa garsoore ka ah ciyaar ta, iyaga oo maanka ku haya "War hay, oo war aad rabto hay.”

Ugu danbayntii, hoggaaminta Xafiiska Warfaafinta JFS waa shaqo iyo sha raf, dhafar iyo dheelmad, waa dhabar adayg hawl rabta iyo dhiiri xoog bad an. Waxaa nasiib leh ruuxii masuuliyaddaa shaadh cad oo nadiif ah ku soo gala, kalana hoyda shaadh cad oo nadiif ah.

Mahadsanidin

Abdirashid M. Hashi


INGIRIIS OO FAALLO KA QORAY ‘KHALADAAD SHARCI AH’ OO KU JIRA MAGAC BEDDELKA NISA

Runtii, waa wax la-yaab leh in magaca NISA loo beddelo FISA, iyada oo aan wax qaanuun ah la soo marsiin jiritaankeeda. Markii horeba, ma aysan ji rin wax xeer ah, oo ku dhisan sharci iyo shuruuc baarlamaan la mariyey, oo lagu sameeyey NSS (NISA).

Waxay weligeed NSS (NISA) ku dhisnayd dikreeta dii uu Jaalle Siyaad soo saaray 15 February 1970-kii, ee uu ku sheegay inay tahay xeer. Bacdamaa Jaalle Siyaad uu isagu isku ahaa sharci-soo-saare iyo sharci-fuliye, sideeda ayay dhaqan-gal ku noqotay dikreetada aasaaska hay’adda, mar haddeysan xilligaas dalka ka jirin cid ku af-celin kar tay ‘Macallinka Kacaanka’.

Shaqada ay NSS qabaneyso, oo si caddaan ah loogu faahfaahiyey xeer-ku-sheegga, waxay sharci-darro ku ahayd xeerarkii dimoqriyadeed, ee golay aasha metelaadda qaran ee dadweynuhu (national assemblies) ay ansixiy een intii u dhexeysay 1952-1967, sida xeerarka xuquuqda aasaasiga ah (ba sic human rights), xorriyadda qofeed (individual liberty) iyo xaqa uu qofka So omaaliyeed uu u leeyahay inuu xornimo iyo sharaf ugu noolaado dalkiisa gu dihiisa. Tusaale, Qodobka Lixaad ee xeer-ku-sheegga NSS (NISA), wuxuu le eyahay: ‘Xubnaha NSS [NISA] waxay lahaanayaan awood ay qof kasta kaga soo qabanayaan meel kasta iyaga oo aan wadan wax warqad maxkamade ed oo soo-qabasho ah’ (Tixraac: Bollettino Ufficiale della Repubblica Democr atica Somala, ‘Law No. 14 of the 15 February 1970, Establishment of the Nat ional Security Service’, Anno I., Mogadiscio, 23 Marzo 1970, Suppl. n. 5 al., n. 3, pp. 203–205).

Bilcaksi, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo lagu ansixiyey xeer baarlam aan 16 December 1962-kii, lana dhaqan-geliyey 3 April 1964-kii, wuxuu qa baa in aan qofna la iska soo xiran karin (sidii xoolaha oo kale), iyada oo aan warqad laga haysan maxkamad sharci ah (Tixraac: The Somali Penal Code, Legislative Decree No. 5 of 16 December 1962). Haddaba, waa su’aalo shar ciyeede, yaa haddeer wax ka beddelaya xeer-ku-sheeggii Lambar 14? Ma sidii Jaalle Siyaad oo kale ayuu Xasan Sheekh wuxuu dikreeto cusub – kon ton sano kaddib- ku soo saari doonaa xeer-ku-sheeg ku saabsan magac-ka-beddelka NISA, oo la leeyahay waxaa loo bixiyey FISA, taas oo aan dhinac kasta waxba ka duwanayn NSS (NISA)-dii hore? Mise, waa sida ay tahaye, waa in NSS (NISA) dib loogu celiyo sidii ay ahayd 1969 ka hor, oo ah laan gaar ah oo ka tirsan Booliiska (Special Branch of the Somali Police?)

Si kastaba, waxaan maalmahaan oo dhan wareysanaayey dad ka mid ahaa dhibbanayaashii NSS (NISA) ee sannadihii 2017-2022. Waxaan soo ururiyey dhowr kiis oo ku saabsan falal naxariis darro iyo cawaannimo ah (numerous harrowing accounts of barbarism and brutality). Waxaa naxdin u gu filan dhibanayaashaas sugaya dacwadahooda in la qaado in magacii NSS (NISA) loogu sii beddelo FISA, oo ah sheeka-baraleey aan ku cusbeyn maqalka dhagahooda.

Magaca NSS waxaa horey loogu beddelay magaca NISA xilligii hore ee Xasan Sheekh. Mar kale in haatan magaca NISA loogu sii beddelo FISA, waa calaamad cad oo muujinaysa inay sheekadu ahaan doonto ‘jugjug mee shaada joog’.

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis

MAREYKANKA OO ISKA DIIDAY EEDEYN AH INUU CUDUR HALIS AH KU FAAFINAYO WADAN AFRIKA KU YAALO.

Sida uu qoray wargeyska sida gaarka ah loo leeyahay ee Vanguard, safa aradda Maraykanka ee dalka Nigeria ayaa sheegtay in Maraykanku aanu xidhiidh la lahayn Furuqa daayeerka ee dhawaan ka dil aacay wadanka ku yaala galbeedka Afrika.

"Bayaanka ayaa waxaa la soo saaray iyadoo laga jawaa bayo sheegashada ah in dowladda Mareykanka ay isti cmaalayso shaybaaro qaas ah si ay furuqa daanyeerka ugu faafiso Nigeria,” ayaa lagu yiri wargeyska.

Safaaradda Mareyanka, ayaa usoo jeedisay Hay’adda Caafimaadka Add uunka (WHO) inay baarto sheegashooyinkan .”.

Safaaradda ayaa sheegtay in Maraykanku uu waaxda caafimaadka Nige ria ka taageeray dhisidda awoodda caafimaad iygoo siiyay bixinta qalabka iyo maalgelinta barnaamijyada caafimaadka bulshada ee muhiimka ah.

In ka badan 200 oo kiis oo looga shakisan yahay furuqa daayeerka ayaa laga xaqiijiyay ugu yaraan 19 oo intooda badan ku yaala Yurub tan iyo hor raantii May.

Mareykanka Oo Ergey Cusub U Soo Magacaabay Geeska Africa

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa Mike Hammer, kaas oo bedeli doonaan Ergaygii hore David Satterfield oo is-casilay bishii April.

"Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu bedeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo go’aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika” ayuu yiri BlinkenWaxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhakhsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda, amniga guud, iyo barwaaqada dhammaan dadka Itoobiya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip