HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA JUUN 2022

0
Wednesday June 01, 2022 - 08:25:56 in Wararka by
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA JUUN 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan oo lagu soo dhoweeyey BAYDHABA, shaaciyeyna qorshihiisa

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxam uud ayaa Shalay booqasho ku tegay magaalada Ba ydhaba, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeeyay.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garo onka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo maamulka iyo Shacabka dowlad gobolleedka Koo nfur Galbeed.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safa rkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qot omo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

"Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aadd an in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo wala aloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay naba dda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qal biga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno,” ayuu yiri madaxwe yne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay mag aalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa xaa ladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soom aaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadan nimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

"Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen, Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doo nnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu saa meeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna, si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba.”

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Max amuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Mad axtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koo nfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh Maxamed oo mar labaad loo door tay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doo rashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Koonfur Galbeed oo kamid ah maamul goboleeyada ka jira dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Madaxweyna ha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa booqasha diisa Baydhaba, kadib u gudbi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweyne Ax med Qoor Qoor.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo she egay in Madaxweyne Xasan uu berri tegayo caasi madda Galmudug ee Dhuusamareeb, marka uu ka dhamaado howlaha Baydhabo

Qaban-qaabo ku aadan safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa haatan laga dareemayaa gu daha magaaladaas, iyada oo aad loo adkeeyey am maanka. Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay booq ashadiisa u muuqataaa mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Xogta kulamada madaxweyne Xasan Sheekh ee Xalay iyo Baydhaba

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud oo Shalay gaaray Baydhaba ayaa Xalay ku lamo is-xogwaraysi ah kula qaatay odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Dowlad Go boleedka Koonfur Galbeed, Madaxweynaha maamu lkkaas Cabdicasiis Laftagareen, ayaa ku wehliyey kulamadaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka ku boorriyey dardar gelinta kaalintooda ku aaddan nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, xallinta khil aafaadka iyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaal iyeed, isaga oo tilmaamay in duubabka dhaqanku ay udub-dhexaad u yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna.

"Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay qiray saa doorka wanaagsan ee aad ku leedihiin dowlad-dhiska dalkeenna, nabadaynta iyo hoggaaminta bul shada. Waxaan mar walba soo dhoweynanaa talooy inkiinna wax-ku-oolka ah ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka. Waxaan idinka codsanaynaa in aad nagu garabsiisaan xaqiijinta himilada shacabka Soo maaliyeed ee ah dal nabad ah, xasilloon oo horuma rsan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey qorsheya asha hortebinta u leh dowladda federaalka ee ku sa absan horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-heshiis iinta, la dagaallanka argagixisada iyo wax-ka-qaba shada xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay abaaraha saameeyey guud ahaan dalka.

Dhankooda, odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Koonfur Galbeed oo Madaxweyna ha ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda loo doortay, ay aa hoosta ka xarriiqay la shaqaynta dowladda iyo ga rab istaagga dadaalladiisa ku aaddan horumarinta dalka.

Sidoo kale waxay tilmaameen in ay ku kalsoon yihiin odaynimada Madaxweynaha, waayo aragnim ada iyo fulinta ballanqaadyadiisa hortebinta u leh hor umarinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soo maaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Xariga Ka Jaray Du gsiga Hoose Dhexe Ee Agoonta Booliska Sooma aliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhaw aan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhi nteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha,

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xar unta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damq aday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.

Iskuulkan oo loo dhisay si heer sare ah ayaa leh adeegyada muhiimka ah ee waxbarashada. Ra’iisul Wasaaruhu oo kormeeeray qeybaha uu ka kooban yahay Iskuulka, ayaa faray Wasaaradda Waxbarashada in ay u joogteyso adeegyada uu u baahan yahay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta naftooda u huray difaaca dalka. –--DHAMMAAD----

Mareykanka oo lacag badan dul-dhigay madaxa nin Somali Kenyan ah

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xa rigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la ba adi-goobayo, kuwaasi oo lagu eedeeyay ka ganac siga daroogada iyo duur-joogta.

Laamaha amaanka Kenya ayaa baadi goob ugu jira labada nin ee baxsadka ah oo lagu kala magac aabo Badru Abdul Aziz Saleh iyo Abdi Hussein Ahmed.

Madaxa waaxda dambi baa rista ee Kenya, George Kinoti oo wariyeyaasha kula hadla yay Khamiistii magaalada Na irobi ayaa sheegay in labada qof ee Kenyanka ah loo raadi nayo ka ganacsiga daroogada iyo duurjoogta oo ku kacaya malaayiin dollar.

"Waxay ku lug lahaayeen gudbinta, qaybinta iyo tahriibinta 190 kiiloogaraam oo gees wiyisha ah iyo 10 tan oo fool maroodi ah oo laga kala keenay wad damo kala duwan oo Afrika ah, oo Kenya ku jirto, ku waas oo loo qaaday Mareykanka,” ayuu yiri Kinoti.

Waxa kale oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin laba daan Nin daabulida iyo qaybinta hal kiilo oo daroog ada nooca Heroin-ka ah oo la geeyay Mareykanka.

Kinoti ayaa sheegay in Saalax la xiray bishii June ee sanadkii 2019-kii, isaga oo la soo taagay maxk amad ku taalla Kenya, iyada oo damaanad lagu sii daayay, waxaana markii ugu dambeysay ee la arko ay aheyd December 2019. Kinoti marnaba ma soo hadal qaadin Axmed.

Saleh iyo Ahmed ayaa lagu dacweeyay dalka Mareykanka sanadkii 2019-kii, waxaana hay’adda bo oliska caalamiga ah ee Interpol ay soo saartay am arka qabashada tuhmanayaashan.

Eric Kneedler, oo ah u qeybsanaha safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciribtirka daroogada iyo ka ganacsiga duurjoogta ay tahay mudnaanta koowaad ee maam ulka madaxweyne Joe Biden, wuxuuna sheegay in Mareykanku uu kala shaqeyn doono Kenya sidii loo ciribtiri lahaa dambiyadan, kuwaas oo saameynaya labadaba dal.

Bishii Luulyo 2020, nin kale oo looga shakisan ya hay ka ganacsiga duurjoogta, Abubakar Mansur Moh am med Surur, ayaa la xiray oo loo gacan geliy ay Mareykanka Surur ayaa la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa ugaarsiga sharci darrada ah ee ugu yaraan 35 wiyil iyo in ka badan 100 maroodi ah.VOA

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Gola ha Shacabka & Safiirka Sacuudiga?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay kulan la qaatay danj iraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Moh amed Almowallad.

Safiirka oo Guddoomiyaha kala hadlay arrimaha horuma rinta Baarlamaanka JFS iyo sidi loo tayeyn-lahaa shaqaal aha, sidoo kale waxaa uu soo gaarsiiyay dhamaal sa laan ah uga siday Guddoomiyaha Golaha fadhiga shuyuuqda dalka Sucuudiga, isagoo sheegay in Gud doonka Golaha shacabka dedaal dheer ku bixiyeen dhismaha Hay’adda ugu sarreysa ee dalka, kaas oo lagu soo doortay Madaxweynaha JFS.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa safiirka ku boga adiyay dedaalka joogtada ah ee Boqortooyada Suc uudiga la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ergeyga Abaaraha U Qaabilsan Somalia Oo Safar kiisii Ugu Horreeyay Ku Tagay Baydhaba Tan Iyo Markii La Magacaabay

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaa bilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday Shalay ku tagay magaalada Baydhabo.

Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.

U-jeedka socdaalka ergeyga iyo ku xigeenka Erg eyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qo toma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo no losha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo korm eer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.

Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobolleedka Koon fur Galbeed, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ku soo barakaceen dadka ugu badan ee ay xoolihii iyo beerihii noloshoodu ku tiirsanayd abaaruhu waxyee leeyeen.

Ergeyga ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bee sha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaas.

XOG: LOOLANKA XILKA RA’IISUL WASAARAHA IYO XASAN SHEEKH OO HAB CUSUB U WAJAHAYA

Waxaa hoteellada waa weyn ee Muqdisho ee ay madaxda degan yihiin soo buux dhaafiyay siyaasiy iin, waxgarad iyo aqoonyahano kasoo jeeda beesha awood qeybsiga u leh xilka Ra’I isul Wasaaraha la filaayo inuu magacaabo madaxw eyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiintaan oo xilal kala du wan kasoo qabtay dowladda fede raalka Soomaaliya iyo maamul go boleedyada Jubala nd iyo Puntla nd ayaa mid walba wuxuu orod ugu jiraa sidii uu xil ka ra’iisul wasaare loogu magacaabi lahaa.

Xog ay Sheegtay in ay heshay Caasimada Online oo laga soo xigtay xafiiska Madaxweynaha aya a wa xay sheegeysa inuusan markaan diyaar u ahayn ma gacaabista Rai’sul Wasaare ay dad kale ama mas’u uliyiin kale soo jeediyeen sidii ra’iisul wasaareyaashii hore ee 2012-2017 uu usoo magacaabayna ay ka gedisan tahay hadda.

Waxaa xusid mudan inuu Madaxweyne Xasan sheegay inuu wadatashiyo kadib isagu kaliya soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare uu aamini karo, iska hubo inay wada-shaqeyn karaan, mowqifyada iyo aragtida siyaasadeed ay isaga dhow ihiin, lehna sifo uu ku hoggaanmin karo xukuumadda federaal ka. Siyaasiyiinta isu sharxay inay qabtaan xilka Ra’ii sul wasaare badankooda waa kuwo xilka ku raadi naayo nidaamka qabaliga ah, waxaana maamulada Puntland iyo Jubaland ay ku dagaalamayaan in ma daxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabo shaqsi ay iyaga keensadeen, taasoo hadda madaxweynaha u diyaarsaneyn inuu ku dhaqaaqo, badalkeedna uu iskiis usoo xulan doono.

Waxaa jira dhowr siyaasi oo Xasan Sheekh uu la kulmay, kuwaasi oo uu la sheekeystay, eegayna barnaamijyadooda si uu imtixaan u mariyo.

Madaxweyne Xasan oo wareysi bixiyay wuxuu ka ga hadlay mudadii uu xafiiska joogay sababtii sed dax Ra’iisul Wasaare uu ula soo shaqeeyay, isagoo sheegay in dhibaatada ay tahay dastuurka qabyada ah, oo awoodii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaar aha is-dhinac socodsiiyey oo aysan kala jiirn kala sar eyn, isaga oo intaa raaciyay ineysan jirin madaxwe yne iyo ra’iisul wasaare shaqada isla dhameystay.

By Ali Muhiyaddiin

Ciidanka DF oo rag hubeysan ku qabtay MUQDISHO

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga hel ayaa howlgal qorsheysan oo Habeen hore ciidamada amm aanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaa lada caasimada ah ee Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey sa ddex degmo oo kala ah Kaaraan, Yaaqshiiid iyo Hel iwaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Banaadir, Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle) oo la ha dlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay in ujeedka uu ahaa ka hortaga falalka liddiga ku ah amniga, kooxaha burcadda iyo kuwa ciyaal weerada.

"Waxa aan galnay howlgal aan ka sameynay Deg mooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo lagu xaqiijinayo amniga guud, howlgallada ka socda Muqdisho wax aa looga hortagayaa Kooxaha nabad-diidka ah, Burcadda & dhalinyarada weerarada, waxa aan ka soo billawnay saldhigga Laaraan ilaa saldhigga Hel iwaa waan ku tagnay ilaa aan ka gaarnay saldhigga Yaaqshiid, howlgalkaas sidii loogu talagalay ayuu u dhacay waana wax sii socon doona” ayuu yiri Taliye ku xigeenka qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle).

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in koox dhalinyaro ah oo mid ka mid ah ay tahay Haweeney ay gacanta ku soo dhogeen, kuwaas oo haatan baaris dheeraad ah lagu wado.

Shacabka ayaa sidoo kale ugu baaqay inay la shaq eeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortegao falalka dhaawacya nabad-gelyada iyo kooxaha ku howlan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayey falal amni darro, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka shacabka ah.

Deni oo Garoowe ku laabtay kana hadlay doora shadii Xasan iyo khilaafka Karaash

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cab dullaahi Deni ayaa barqanimadii Shalay dib ugu la abtay magaalada Garoowe, oo mudo bil ka badan ka maqnaa, oo sidoo kale uu kusoo guuldareystay door ashadii xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qey bgalay ku-xigeenkiisa khilaafka kala dhaxeeya Ax med Karaash, guddoomiyaha baarlamaanka, xu bno ka tirsan xukuumaddiisa, xildhibaano iyo sha cab. Saciid Deni oo ku guuldareystay doorashadii madax tinimada Somalia ee 15-kii May uu kusoo ba xay Xasan Sheekh ayaa waxaa khilaaf ka dhex qar xay isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash oo sheegay in xilkii uu ka qaaday Deni maadaama uu jabiyay da stuurkii Puntland iskuna sharxay xilka madaxt inimada federaalka.

Madaxweyne oo soo dhoweynta kadib hadlay ay aa u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qe yb gashay soo dhaweyntiisa. Sidoo kale waxa uu shee gay in Puntland ay ku faraxsan tahay Natiijada ka soo baxday doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo sidoo ka le si dadban u soo hadal qaaday khilaafka kala dha xeeya kuxigeenkiisa Axmed Karaash iyo sababta keentay.

"Markasta oo doorasho dhacdo dadku waa is qoo nsadaan, marka sida dadka reer Puntland lagu yaqa aney waa in aynu horey uga socona, laysna cafiyaa dibna aan la eegin,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa wararka la helay ay she egayaan in uu qorsheeyay isbedelo uu ku sameey nayo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas’u uliyiinta kale ee Maam

Saciid Deni ayaa todobaadkii u danbeeyay ku su gnaa magaalada Nairobi oo arrimo qoys ah uu u te gay, halkaasoo ay ku xanuunsaneyso hooyadiis.

Dhinaca kale, waxaa aad loo hadal hayaa in Saciid Deni uu ka mid yahay xubnaha damaca kaga jiro in madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabo xilka ra’iisul wasaare, hase ahaatee rajadaasi ayaa ah mid aad u yar.

Duqa Hargaysa oo ka horyimid mudahara adada ay mucaaradku ku baaqeen

Duqa caasimada Somaliland ee Hargaysa Cabd ikariin Axmed Mooge, oo ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaaka horyimid mudaharaadka ay xisbiyada mucaaradku abaabulayaan.

Mooge ayaa soo jeediyay in madaxda axsaabta siyaasadu ay miiska wada hadalada kusoo noqdaan, oo ay ka arri nsadaan qodobada laysku hayo laakiin aan umada laysku soo saarin.

"Waxan qabaa in la wada hadlo, uma dna aan laysku soo saarin, ee saddexda xisbi ee ay arrintani khusayso intay isla galaan miiska wadaha dalada, oo intay qol yar hoosta kasoo xidhaan ay xal ka gaadhaan arrimaha laysku hayo" ayuu yidhi ma ayar Mooge.

Duqa ayaa sheegay in uu isagu masuul ka yahay horumarka iyo nabadgalyada Hargaysa "Aniga ma ayar ahaan waxa isaaran horumarka Hargaysa, nab adgalyada Hargaysa iyo in dadkeedu ay ku noolaa daan nabad, oo ay ku noolaadaan walaalnimo".

Waxa kale oo uu sheegay in mudaharaadku aanu xal u noqon doonin khilaafka siyaasadeed "Hadiiba mudaharaadku uu dhaco miyuu keenayaa xal, oo maalin la mudaharaaday miyay xal u noqonaysa arri maha laysku hayo, markaa jawaabtu waxay noqon aysa, waa maya weeyi".

Go'aanka maayarka ayaa ka dhigan in uu si toos ah uga hor yimid go'aan siyaasadeed oo uu gaadhay xisbigii uu ka tirsanaa isla markaana uu kasoo baxay ee Waddani. Mucaaradka oo doorashadii golayaa sha deegaan ka ee qabsoontay Shalay oo kale 31, May, 2021, ku guulaystay badiba maayar ada magaalooyinka waa wayn, ayaa ku tashanayay in maayaradu ay u sahli doonaan in ay si fudud ku gaadhaan danahooda siyaasadeed


Mucaaradka Somaliland: Mudaharaadku wuu dhacayaaye ku biyo caba

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan mudaharaad xili ciidanka booliiska heegan buuxa la galiyay.

Masuuliyiin ka tirsan axsaabta mucaaradka oo warbaahinta la had lay, ayaa sheegay in ay guddi u saareen qaban qaabada mudaharaadyo ay balan qaaden in ay qaba nayaan, xili ay xukuumada isku afgaran waayeen nidaamka loo maamulayo mudaharaadka.

"Arrinkaa mudaharaadku wuu socdaa wuu dhac aya ku biyo caba, guddidi qaban qaabada ayaa ga canta ku haysa, ku biyo caba, sifo sharci ahna waa nu u marayna" Xogeeyaha Guud ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse, ayaa sidaa warbaahinta u sheegay.

Xukuumada Kulmiye ayuu ku eedeeyay sharci jabin, isaga oo sheegay in sharcigu xiil uga baahanyahay shacbiga Somaliland, waxa kale oo uu shacbiga ugu baaqay in ay isku diyaariyaan doorashada madax tooyada.

"Waxa is haysta sharcigii Somaliland iyo xisbiga Kulmiye, kaasina wuxuu inooga baahanyahay hiil ... waxaan leeyahay shacbiga Somaliland aan u diyaar garowno doorasho, xisbiga Kulmiye 10 sannadood oo uu shacbigan ragaadiyay ayuu haystay" ayuu yidhi Kayse.

Booliiska Somaliland ayaa heegan buuxa la gal iyay kadib markii mucaaradka iyo xukuumadu isku afgaran waayeen, sida loo maamulayo muda haraadyada ay mucaaradku ku baaqeen.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Mid oobay iyo Ergayga Arrimaha Abaaraha Soomaal iya oo codsaday gurmad deg deg ah

Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo Shalay booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ay si weyn u saameysay abaarta Soom aaliya ka jirta.

Wuxuu sheegay in xa alad quus ah ay ku su gan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed oo bara kacayaal ah, islamark aana ay xaaladooda sii xumaaneyso marba marka ka dambeysa, isagoona hoosta ka xariiqay in loo ba ahan yahay in la xaqiijiyo iney helaan dadkaasi kaal mada bini'aadaninimo ay u baahan yihiin si ay u noolaadaan.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan Shalay Baydh abo gaaray iyadoo uu ila socdo Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur si aan u muujino sida ay xaaladdu u liidato - iyadoo khatarta loogu jiro ma cluusha ay sii kordhayso, Qaramada Midoobay iyo hay'adaha la shaqeeya waxa ay bixinayaan dadaal xooggan, waxaa loo baahan yahay dhaqaale badan si looga hortago in xaaladdu ka sii darto” ayuu yiri ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.

Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula, waxaa safarkiisa ku wehlinaayay Ergayga gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Abaaraha Soo maaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana safa rkoodu ku qotomay u kuur galidda xaaladaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoona kormeer iyo indha indheyn ku tagay, xeryo barakacayaal dagan yihiin oo ku yaala magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Magaalada Baydhabo waxay ka mid tahay magaalooyinka ay buux dhaafiyeen dadka kusoo xoolo beelay abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qar amada Mid oobay iyo Ergayga gaarka ah ee arrim aha Abaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Be esha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo gurm ad deg deg ah lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaaraha soo noqnoqday ay saameysay.

Wasaaradda Gargaarka XFS oo sahay gargaar u dirtay Galmudug

Wasaaradda Garrgaarka iyo Maareynta Musi ibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Shalay sahay gargaar u dirtay degmada #Gaalkacyo dhi naca Dowlad Goboleed Galmudug, iyadoo sahay daas ay dhan tahay 6.5 tan.

Wasiirka Wasa aradda Gargaar ka Xukuumad da Marwa Khadiijo Max amed Diiriyr ayaa she egtay in sahaydaas oo ka timid dowlada Qadar ay Shalay gar gaar ahaan u amartay in la gaarsiiyo dadka abaa ruhu saameeyeen gaar ahaan dadka ku sugan deg mada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug.

Waxaana goobta Wasiirka Gargaarka kula sug naa oo goob joog ahaa Agasimaha guud ee wasaa radda gargaarka Axmed Abukar Axmed (Axmed wali), Agaasimaha waaxda gargaarka Cabdulahi mu gan, Agaasimaha waaxda xiriirka dowlad gobaleed yada iyo gobalka banaadir Marwo Sahro Yusuf iyo Lataliyaha wasiirada Maxamed Nur shuuriye

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Hon Khadiijo Maxamed Diiriyr ayaa sheegtay in iyana Sahayda gargaarka la gaarsiin doonaa dowlad gobaleedyada dhiman maal amaha soo socda si loo samatabixiyo dadka ay abaa ruhu saameynta ba’an ku yeesheen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo beri kulan yeelanaya

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarla maanka Soomaaliya ayaa Maalinta beri ah waxaa ay kulan ku yeelan doonaan xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa lagu sheegay inuu ya hay Akhrinta Xeer hoosaad ka Golaha Shacabka.

Fariin qoraal ah oo loo diray xildhibaanada ayaa waxaa lagu wargeliyay in ay beri soo xaadiraan fadhiga golaha shacabka ee Baarla maanka Soomaaliya

Deni & Axmed Karaash oo ka heshiiyay khilaafka

Waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Mad axweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay muddooyinkii la soo dhaafay, kaas oo la xiriiray awood dhinaca maamulka ah.

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa la sheegay inay door weyn ka qaateen xalinta khilaafka Madaxda ugu sar reeysa Puntland, kuwaas oo ku dhameeyay wada-ha dal dhinaca khadka taleefoonka ah, sida ay Risaala u sheegeen dad xog-ogaal ah oo ku sugan Magaa lada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii uu Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay tartankii doorashada Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Shalay dib ugu soo laabto Magaalada Garoowe, waxaana soo dhaw eyntiisa qeyb ka noqon doona Madaxweyne ku xig eenka Puntland Axmed Karaash iyo mas’uuliyiin kale.

Khilaafka u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa salka ku haayay dhanka awooda Maamulka kadib markii Madaxweyne Deni uu soo aaday Muqdisho iskuna sharaxay xilka Madaxwey naha Soomaaliya, waxaana Axmed Karaash uu ku dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha Puntland, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo Magacaabis.

Ciidanka Booliska Somaliland oo heegan buuxa la galiyay

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay, kadib mudaharadadii ay ku baaq een xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booli iska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo ciidamo booliis ah u kala diray xaafadaha mag aalada Hargaysa, ayaa ku goodiyay in ciidanku ay gacan adag ku qaban doonaan cidkasta oo amni daro abuurta.

"Waxan idiin sheegayaa waxaynu u diyaar garoobaynaa abniga guddaha oo dhan in aynu gac mo adag ku qabano, cida doonaysa in ay ina khal khal galiso waxay doontaba ha ahaatee, amniga ay aynu adkaynaynaa, cidkasta oo doonaysa in ay amn iga khal khal galisana u dul qaadan mayno ee labada gacmood ayaynu iskugu gaynaynaa" ayuu yidhi Dabagale.

Taliyaha ayaa sheegay in dhamaan ciidanka hee gan la galiyay "Laga bilaabo imika ciidamadeena he egan baynu galinaynaa, waxaynu u diyaar garoo baynaa dhacdo kasta oo howlaha shaqooyin keena qaranka ku saabsan".

isbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa kulan warbaahineed ay qabteen Isniintii ku sheegay in ay qaban doonaan mudaharaado. Mu caaradka iyo xukuumada ayaa isku afgaran waayay nidaamka mudaharaadka loo qabanayo.Minnesota kamid ah.

Dowladda Somalia Oo Sacuudiga Kala Hadashay Diyaargarowga Howlaha Xajka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta XFS Md. Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa ka kulmay Wa siirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al-Rabiicah.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan heerka diyaa rgarowga howlaha Xajka ka dhageystay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacu udiga iyo waxa uu Xajka sanadkan kaga duwan yahay sanadadii hore.

Wasiir Sh.Cumar Cali Rooble ayaa isagana la wada agay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sac uudi Carabiya warbixin ku saabsan heerka diyaar ga rowga ay dowladda Soomaaliya sameysay iyo in dha waan Xujeyda Soomaaliyeed ay soo gaari doonaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiir Sh. Cumar Cali Rooble ayaa la wadaagay Wasiir Dr. Towfiiq caqabado ugaar ah Xujeyda Soo maaliyeed, isagoona ka codsay in wax laga qabto caqabadahaas, isagoo dul istaagay Caqabadaha xaga deegaanada la dejiyo Xujeyda Soomaliyeed (Mina) xilliyada gudashada acmaasha Xajka.

Gudoomiyihii guddiga doorashada Somaliland oo is-casilay.

Guddoomiyihii guddida Doorashooyinka ee jamhu uriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Cabdirashiid Riyo Raac,ayaa iska cas ilay xilkaasi iyo xubinimadiiba sida ay BBC u xaqiij iyeen Ilo-xogogaal ah.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii khilaaf soo kala dhex-galay xub naha guddida Doorashooyinka Somal iland. Riyo-raac, oo markii hore muca aradku ka biyo diideen magacaabistii sa ayaa qabtay Doora shadii Wakiillada iyo deegaan ka oo uu ammaan badan ku helay. Hore xubno kale oo guddida doorasho oyiinka ka tirsan ayaa xilka iska casilay.

 

Sheekh Cali Warsame Xasan oo Shalay Burco lagu aasay.

Alle ha u naxariistee waxa Shalay magaalada Burco lagu aasay Sheekh Cali Warsame Xasan, oo ka mid ahaa Culimada ugu caansan Soomaalida.

Aaska Sheekha waxa ka qayb-galay madax ay ku jiraan madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, guddoomiyaha Golaha

Wakiillada Som aliland, Cullimo iyo dad kale oo ka kala yimi Deega amada Soom aalida.Sheekh Cali, oo 28-kii bish an ku geeriyo oday waddanka Urdun, ayaa lagu tilm aamaa in uu ka mid ahaa culimada aadka diinta uga shaqeyay. Waxa uu sidoo kale Sheekhu ka mid ah aa aasaasey aashii ugu horreeyay ee ururkii Al-iti xaad.

Ku dhawaad nus qarni ayuu Sheekh Cali ku how lanaa faafinta diinta Islaamka iyo la dagaallanka fici llada wax u dhimaya islaamnimada.

Waxaana lagu xasuustaa sidii ugu soo horjeeday fikirka Alshabaab ,Sheekha ayaa sida oo kale mudo dheer waxa uu bare ka ahaa Jaamacadda Burco.

Baaritaan ka socda Garoonka Diyaara daha Boos aaso & mas’uuliyiin kormeeray

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda iyo Guddiga Maaliyada ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa korm eeray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.Guddiga amniga iyo naba dgalyada golaha wakiill ada & guddiga maaliyad a, dhaqaalaha iyo xisaabaad ka golaha wakiillada Puntl and, ayaa u kuur galayay shaqada balaarinta ah ee ka socota garoonka diyaar adaha Boosaaso.

Ugu horeyn guddiyada ayaa kulamo la qaatay ma areeyaha garoonka iyo saraakiisha kastamka ca shuuraha garoonka, kuwaas oo ay ka dhageysteen habsami u socodka shaqada garoonka oo ay sheeg een in bishiiba ay soo fariistaan in kabadan 100 diya aradod oo isugu jira caalami iyo kuwo sameeya sa faro gudaha dalka ah.

Sidoo kale Guddiyada ayaa kormeeray habka ay u socoto casriyeynta iyo balaarinta garoonka, taas oo meel gabgabo ah mareysa

Qiimaha shidaalka aduunka oo mar kale aad u sare kacay

Qiimaha Shidaalka ayaa sare u kacay ka dib mar kii madaxda Midowga Yurub ay Habeen hore ku heshiiyeen in Ruushka laga mamnuuco soo dejinta Shidaalka.

Saliida Brent ayaa kor u kacday oo halkii foostaba ay gaartay 123 dollar maalintii talaadada, waana heerkii u gu badnaa ee uu gaaray mu ddo laba bilood ah.

Qiimaha saliidda iyo gaaska ayaa sare u kacay bilihii la soo dhaafay, taas oo ay uga sii dareen dagaalka Ukraine.

Shidaalka Ceyriinka Brent ayaa kor u kacay in ka badan 70% sanadkii la soo dhaafay.

Cunaqabataynta Ruushka ay ku soo rogeen mid owga Yurub ayaa hadda uga sii dartay xaalada, hadda 40% qiimihii saliidda Midowga Yurub ayaa mar kale kor u kacay.

Ruushka ayaa 27% soo saaro saliidda ay istic maalan wadamada EU-da.

Ruushka oo burburin ka wada magaa lada istiraa ti ijiga ah ee Severodonetsk

Militariga Ruushka ayaa sii wada duqaynta xoogga leh ee ay ka wadaan Magaalada Severod onetsk ee Gobolka Luhansk ee bariga dalka Ukraine. Militariga Ruushka oo doonaya inay la wareegaan gacan ku haynta magaaladaasi ayaa kordhiyay duqaynta, ka dib markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen Ciidamada Ukraine.Serhiy Haidai, Gudoomiyaha Gobolka Luhansk ayaa sheegay in dhulka lagu daray kala bar dhismooyinka magaalada istiraatiijiga ah ee Severodon etsk.Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in xaaladda mag aaladaasi ay tahay mid aad u cakiran, inkastoo sida uu sheegay ay Ciidamada Ukraine isku dayayaan inay iska caabiyaan weerarkaasi.

Gudoomiye Haidai ayaa xusay in ujeedka ugu weyn ee Ruushka uu yahay inay la wareegaan mag aladaasi, oo ay u arkaan sida uu yiri mid muhim uah

Diyaaradaha dagaalka Ruushka, maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Ukraine iyo ciida mada hareereeyay magaaladaasi ayaa la sheegaya inay duqayn culus ka gaysanayaan magaalada.

Severodonetsk ayaa waxaa ku xaniban dad tiradoodu lagu qiyaasay shan iyo toban kun oo rayid ah, waxaana colaadda horey ugu barakacay toban aan kun oo kale.

Turkiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay guluf cusub

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa dhiggiisa dalka Ruushka, Vladimir Putin kala hadlay hawlgal ay dowladdiisu qorsheynayso inay ka fuliso waqooyiga Suuriya.

Labada hoggaamiye oo Isniintii khadka teleef anka ku wada hadlay ayaa isla gorfeeyay muhiimad da uu hawlgalkan u leeyahay Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dhawaan sheegay in Ankara ay ka gudbi doonto xuduudda Suuriya, si ay uga hortagto kooxda Kurdiyiinta Suuriya ee YPG, isla-marka ana ay abuuri doonto 30km oo aag bannaan ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in aaggaasi ay labada dowladood ku heshiiyeen sanadkii 2019, ha yeeshee aan la hirgelinin. Turkiga ayaa bishii October ee san adkaasi qaaday guluf ka dhan ah YPG, inkastoo aanu hawlgalkaasi u fulin sidii la doonayay, sababo ku aaddan Dowladaha Suuriya, Ruushka iyo Mare ykanka oo ciidamado ay ka jooggaan deegaanada dhaca xuduudda.

Ankara ayaa YPG u aqoonsan koox argagixiso oo xiriir dhow la leh kooxda Kurdiyiinta Turkiga ee PKK, oo dagaal kula jirta dowladda dalkaasi.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in hawlgalka laga fulinayo xuduudda uu noqon doono mid aan gaabis lahayn.

Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar

Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa Ax adii xabsi dheer ku xukuntay musharrixii hore ee ma daxweyne Abdel Moneim Aboul Fotouh iyo dhowr qof oo kale oo caan ah oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, iyadoo lagu soo eed eeyay inay qorsheynayeen inay afgembiyaan dow ladda.

Aboul Fotouh, oo ku jira da’da 70-ka, sida laga soo xigtay qoyskiisa ay la ildaran xa alado caafimaad, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah oo racfaan uu ka qaadan karo, sida uu dhigayo go’aanka maxkama dda.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in ku mannaan siyaasiyiin, dad u dhaqdhaqaaqa bulsha da, iyo saxafiyiin lagu xiray Masar kadib maxkama deyn caddaalad darro ah ama aan sharci aheyn. Aboul Fotouh ayaa ka baxay ururka Ikhwaanul Mus limiin sanadkii 2011 kadib markii la isku khilaafay do orka diinta ee siyaasadda wuxuuna aasaasay xis biga Strong Masar, isagoo bilaabay olole madax-banaan 2012-kii. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa markii dam be ku eedeysay inuu la kulmay madaxda Ikhwaanul Muslimiinka si uu qalalaase u kiciyo, taasoo uu beeniyay.

Waxaa la xiray bishii Febraayo 2018 kadib markii uu bixiyay waraysiyo uu si weyn ugu dhaliilay mada xweyne Abdel Fattah al-Sisi, bil kahor intaan Sisi dib loo dooran.

100 qof oo ku dhintay dagaal dhex maray kooxo dahab qodata ah

Wararka ka Imanaya dalka Chad ayaa sheegaya in in kabadan 100 qof ay ku dhinteen isku dhacyo dhex maray kooxaha dahabka ka qota woqooyiga dalkaasi, sida laga soo xigtay masuuliyiinta dalka Chad, sidoo kalena waxaa dagaalkaas ku dhaawacmay in ka badan 40 qof oo kale.

Iska hor-imaadyada ayaa badankoodu waxay dhaceen 23-kii iyo 24-kii bishan May, waxayna ka dhaceen degmada Kouri Bougoudi oo u dhow xuduuda dalka Chad uu la wadaago Libya. Goobta weerarku ka dhacay ayaa la soo sheegayaa inay ka mid tahay meelaha aan sida sharci-darrada ah ay dadweynuhu uga qotaan dahabka.

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Chad ayaa sheegay in dagaalku uu goobaha dahabka laga qoto ka bilawday xilli habeenimo ah, balse faahfaahin intaas ka badan kama bixinin sababta keentay dagaalka. Hase ahaatee wasiirka warfaafinta ee dalka Chad ayaa sheegay in weeraradu ay dhex mareen kooxo carab ah oo ka soo gudbay xuduudda dhinaca Libya iyo qowmiyadda Tama oo deggam dhinaca bari ee dalka Chad.

Dawladda Chad ayaa haatan mamnuucday hawlaha macdan qodista ee deegaannada Kouri Bougoudi, iyada oo halkaas ka daadguraysay dadweynihii goobtaas ku noolaa.

Eritrea Oo Ciidamo Laga Laayay

TPLF ayaa sheegtay labadi maalmood ee u dambeeyey iney dagaal la galeen ciidamada Eritrea.

Afhayeenka TPLG Getachew Reda bartiisa Twitterka wuxuu ku qoray iney labada dhinac ay ku dagaallameen jiidda hore ee Shiraaro.

Wuxuuna intaa ku daray dagaalka iney soo qaadeen ciidamada Eritrea ayna ku dileen tiro ka mid ah ciidamada Eritrea.

Afhayeenka Dowladda Itoobiya Leggese Tulu oo BBC u warramay wuxuu sheegay inuu xaqiijin Karin dagaalka ay TPLF sheegtay.

Leeges waxaa kale oo uu sheegay iney jirin sabab ay ciidamada Eritrea dagaal ugu soo qaadaan fallaagada TPLF

Duufaanno waxyeelo ka geystay magaa looyin kamid ah Mareykanka

Waxaa markale duufaanno iyo roob dabaylo xo ogan wata ay waxyeelo xoogan oo burbur ah ka geysteen magaalooyin kamid ah gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.Duufanta ayaa sababtay oo saameysay guryo baddan iyo goobo ganacsi. Sidoo kale geedo bad dan ayey duufaantu sababtay in ay jaraan fiilo oyinka korontada iyo dhismo yaal baddan oo uu Gaadiid ku dhacay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Guryo farab adan iyo Goobo Ganacsi ay koronto la’aan noqdeen ka dib markii duufaanta ay jartay fiiloyinkii kotontada.

Sawiro laga soo qaaday Magaalooyinka ay duufa anta ku dhufatay ayaa muujinaya heerka uu gaarsi isan yahay khasaaraha iyo saameynt

a Duufaannta magaalooyin


Nin Soomaali ah oo korona dartii u dilay xaaskiisa oo ay maxkamad xabsi ku xukuntay.

Maxkamad ku taalla magaalada London ayaa ku xkuntay xabsi daa’in muwaadin Somali British ah, kaasoo bishii April ee sanadkii hore xaaskiisa ku dilay Waqooyiga London.

Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 sano jir ah ahna dar awal basaska dadweynaha ayaa maxkamadda ka hor qirtay in xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Ma ryan Ismaaciil uu dilay kadib markii ay guriga ugu ceyrisay markii uu ku dhacay cudurka COVID19, kuna qeylisay si uu uga fogaado iyada iyo caruur kale oo ay haysatay oo ay nin kale u dhashay.

Meydka haweeneydan oo 57 jir ahayd ayaa laga helay fadhiga gurigeeda iyadoo lag daboolay busto, sida ay boolisku u sheegeen maxkamadda.

Waxaa maxkamadda loo sheegay in ilaa iyo 70 dhaawac oo kala duwan lagu arkay jirkeeda, iyadoo dhaawacyada ugu badan ay ku yaaleen xabadka iyo madaxa.

Xuseen ayaa maxkamadda horteeda ku dooday in uu isdifaacayay islamarkaana cudurkii ku dhacay uu jahwareeriyay kuna riday isbadal maskaxeed, taasoo keentay geerida marxuumada.

Balse garsooraha maxkamadda Mark Lucraft QC ayaa ku gacanseyray sheegashada Xuseem isgoo sheegay in baaritaanka maskaxeed ee la sam eeyay u mujinaya inu Xiseen ay maskaxdiisa fiyo obeyd.

Sababta kugu qaaday dilka adiga un ayaa og. Wax yar ka or dilka iyo xitaa a dib, nolol maalme edkaada ayaad iska wadatay. Waxaa muuqtay in aadan wax Dorraadto ah ka muujinayay dilka. Marka aan eegay caddeymha la I horkeenay o dhan, waxaa muuqatay inaad ahayd qof ay caro badan ka muuqtay markii aad dilka gaysaneysay. Sabab kasta ha ku timaadee, waxaa ii muuqata inaad si ula kac ah u dhishay xaaskaada”, ayuu yiri garsooraha.

Garsooraha ayaa sidoo kale ku gacanseyray she egashada Xusen ee ahayd inuu is difaacayay maa dama Xuseen jirkiisa uusan wax nabar ah ka muuq anin markii la soo qabtay. Xigasho:BBCSomali

Ireland: Nin Soomaali ah oo loo ogolaaday inuu raadsado magdhaw ka dib sanado badan oo uu si khalad u xirnaa.

Sida ay daabaceen warbaahinta The Irish Times iyo Independent.ie ee uu fadhigoodu uu yahay Ire land, maxkamadda ugu sarraysa Irish-ka ayaa waxa ay fasaxday in dhaqaale magdhaw ah uu dalbado nin dhimirka ka xanuunsanaa oo asalkiisu uu Soomaali yahay, oo muddo dheer si khaldan u xirnaa.

Warbaahinta oo soo xiganaysa ma xkamadda ayaa baahisay in ma xkamaddu ay go’aamisay in nin kan oo lagu magacaabo Yuusuf Cali Cabdi, ay khalad aheyd inuu 16 sanadood xabs iga ugu jiro xukun lagu riday, kaddib markii uu dilay wiilkiisa oo 20 bilood jiray, sababo la xiriira xanuun dhimirka ah oo uu qabay.

Xukunkan oo ay rideen shan xaakim oo maxk amadda ugu sarreysa Ireland ah ayaa waxa ay til maameen in ninkaasi si khaldan loogu riday xukunka xabsiga taasna ay wax u dhintay cadaaladdii.Mr Cabdi oo ka soo jeeda Soomaaliya ayaa waxa uu xabsiga ku jiray 16 sanadood xabsi ku yaal Ireland, laga soo bilaabo 2003-dii markaas oo lagu helay inuu 2001-dii dilay wiilkiisa oo 20 bilood jiray, xuku nkaas oo laga laabtay dabayaaqadii 2019.

Xeerbeegtida dib u qaadday xukunka ayaanan ku helin dambiga kaddib markii ay ogaadeen in ninkaasi maskaxiyan uusan degganayn, kaddib baaritaanno ay sameeyeen dhakhaatiir dhanka dhimirka ah oo ka kala socday dhinacyada dacwad oogayaasha iyo kooxdii difaaca, kuwaas oo qeexay in ninkaasi uu dhimirka ka xanuunsanayay.

Warbaahintu waxa ay intaasi ku dartay in Isniintii Dorraad aheyd ay maxkamadda ugu sarreysa Ireland ay si buuxdo ugu ogolaatay Mr Cabdi oo dalkaasi te gay 1997, ay dhibaato wayn ka so gaartay Sooma aliya, taas oo ay ka mid aheyd inuu goobjoog u ahaa dilka aabihii iyo weliba gubistii maydkiisa.

Cabdi ayaa intuu ku jiray xabsiga waxaa dhowr jeer la geeyay isbitaalka Central Mental Hospital halk aas oo xanuunka dhimirka loogaga dabiibay, sida ay warbaahintu ku warrantay.

Kaddib markii ninkaasi lagu waayay dambiga markii dib loo maxkamadeeyay sababo la xiriira xanuunka dhimirka ee uu qabo, ayey warbaahintu sheegtay inuu dalbaday magdhaw ku aaddan xukun kii hore loogu riday. Arrintaas oo Maxkamadda ugu sarraysa ee Ireland ay ogolaatay.


XARUNTA TABABARKA TIKNOOLUJIYADA SOMTEL AYAA SHALAY SI RASMI AH TABABAR U FURTAY ARDAYDA JAAMAC ADAHA SIU & JAAMACADA JAMHUURIYA

Tababarkaan Waxa uu Soconayaa Muddo 6 bilood ah iyadoo ardayda Lagu Tababari doono 10 Taqasus oo La Xiriira Kuliyadaha Engineering & iT-da Dhismaha Xarunta Tababarka Tiknoolujiyada Somtel & qalabeynteeda Intaba waxaa Ku baxay qarash dhan 1.9 Million oo doolar iyadoo loogu Tala galy in Si lacag la'aan ah Tababar La gu siiyo ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barta Jaamacadaha dalka & Kuwa ka qalin badashay intaba. Ugu horeyntii Waxaa daah-furay Tababarka Maareeye ku xigeenka Somtel ahna Madaxa Howl-fulintq Somtel Mudane :Aden Xaaji Yusuf Ibrahim oo Ku dheer aaday ahmiyada Tababarkan Waxa uu tibaaxay in Somtel ay sii wadi doonto Tababarada Nuucaan oo Kale ah isa goo Ka dhawaajiyay in Tababaro Sare oo casri ah ( Advanced Trainings) ay Shirkadda dhawaan Soo kordhin doonto " Waxaan ku faraxasanahay in Xar unta Tababarka Tiknoolujiyada aan Ku bilowno ardaydii ugu horeysay oo Shalay Tababarka aan u fureyno Waxa ay isugu jiraan qeyb IT ah & Qeyb

( Telecommunication Field) ah Sida aad ka warqabtaan ardayda Marka Casharada las iinayo waxa ay Makaxda Ku Weeleyn karaan oo kaliya 25% Fursadaha Tababar ay bixineeyso Xarunta tababarka Tilnoolujiyada somtel waa Fursadi isku mid ah dhamaan Jaamacadaha dalka & ardaydooda intaba Umad Waliba Hormarkeeda waxa ay KU xirantahay Heerka ay tiknolujiyada ka gaartay Waxaan U sameeynay jamaacadaha & ardayda Jadwal Cad oo qolo waliba waqtiga loo asteeyay ayey tababarada qaadan doonaan Waxaan soo kordhin doona Kuliyaaha cilmiga ah oo iyagana Muhiim ah Ugu dambey btii Waxaan U Mahad-celinayaa Milkiilaha Dahabshil Xaaji Maxamed Saciid Ducaale oo Ugu Deeqay ardayda Soomaaliyeed (1.9 Milion) doolar oo lagu dhisay Dhismaha Xaruntan Tababar & qalabeynteeda intaba" Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka hadlay Maamule Ku axigeenka Waaxda farsamada Eng Muxudiin Cali Yusuf oo tilmaamay in shirkaddu balan-qaadyo rasmi ah u fidisay ardayda Soomaaliyeed "Waxaan Tababro qoto dheer Siin doonaa ard ayda kuliyadaha Engineering & it-da Waxaan hubin doonaa in baraatikada Si dhab ah U wada qaateen dhamaan ardayda Jaamacadaha da lka ee Xarunta Tababarada U fidineeyso Waxaa Tusaale idiin-kugu filan ardayda Ja amacadaha SIU & Jamhuuriya oo Shalay Tababarka u bilowday Waxaan raj eeyneeynaa iyagoo Xirfadlayaal ah inan Tababarka U Soon xiro ardayda In ta uu Tababarka uu Socdo Waxaan Ku tababar Ku qaadan Donaan maadooyinka Kala ah (- *) ISP/SPLACING *) IT *) CORE AXESS NETWO RK *) DATA COM NETWORK *) PSTN/NGN *) RNPO *) OCS *) POWER HYPRID SCENARIOS *) TRANSMITION * ) VSAT *) WIRELESS)"

Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka hadlay Hormuudka Kuliyada Engi neering & Computer Technology ee Jaamacada SIU Mudane: Eng: Max amed Cali khaliif oo Ku hadlayay Codka Jaamacadaha ardaydooda Tabab arka U furmay " waan Ku faraxdanahay In Shalay Xarunta Tababarka Tikno olujida Somtel ay Tababarada ay qabaneyso Ku bilowday ardaydeena Waan uga Mahad-celineeynaa Sida ay inooga Caawiyeen dhinaca Baraatikada oo dalka oo idil Kama jirto Xarumo Tababar qalabeysan oo baraatiko lagu siiyo ardayda Soomaaliyeed waa Markii ugu horeysay Xarun Nuucaan ah oo arda yda weliba si lacag la' aan ah tababaro Lagu siinaayo Waxaan rajeeyneey naa In la badiyo Xarumaha Tababarka Nuucaan ah si ay u daboosho baa hida ardayda Somtel " .

Ugu dambeyntii Qaar ka ka Mid ah ardayda Jaamacadaha SIU & Jam huuriya oo iyaguna dareenkooda Muujiyay & Sida ay ugu faraxsanyihiin Xa runTababar ay Somtel ay Soo Kordhisay " Waan ku faraxsanahay inan Shalay fursad u helno ardaydii ugu horeeyay ee Lagu daah-furay Tababar ada ay bixineyso xarunta Tababarka Tiknoolujiyada Somtel Waxan ka koo banahay Ku dhawaad 100 arday oo ka Socda jaamacadaha Jamhuuriya & SIU oo Shalay Lagu bilaabay Tababarka Waxaan rajeeyneeynaa Marka tab abarka inoo ahamaado inan baraatiko dhameystiran halkan kala tagi doono taasoo Marka an suuqa shaqada tagno ka dhigeeysa ianan Noqono arday Xirfadlayaal" Si kastaba ha ahaatee Waa Xaruntii Tababar ee ugu horeysay ee Shirkad ganacsi furtay abid oo Si bilaash ah Wax lagu barayo arday Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka & kuwa ka qalin bad ashay intaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip