HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 31-KA MAY 2022

0
Tuesday May 31, 2022 - 08:20:04 in Wararka by
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 31-KA MAY 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta booqa sho ku tegaya BAYDHABA

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu bilaabo sa faro kala duwan oo uu kala bixi nayo qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada ka jira dal ka. Sida ay sheegtay in ay ogaat ay Caasimada Online,

Madaxweyne Xasan ayaa berri booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya mag aalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, hal kaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono Mad axweynaha Koonfur Galbeed Somalia.

Waxaa Dorraad magaalada Baydhaba gaar ay wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Madaxt ooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamu ud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahayeen Xildhib aano iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qar anka.

Wafdigaan Dorraad gaaray Baydhaba ayaa hordh ac u ah booqashada uu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud lagu wado inuu berri ku tago Bay.

Madaxweyne Xasan iyo lafta-gareen ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan isbedalka ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii May, taas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh, waxaana Lafta Gareen uu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore dalka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaadi doono wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Lafta Gareen uu Madaxweynaha cusub la wadaago xaaladda siy aasadeed ee uu wajahayo maamulkiisa iyo abaab ulka ka socda magaalada Muqdisho. Safarka Bay dhabo, kadib Madaxweynaha DFS ayaa tegi doo no M/Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Ujeedka ayaa ah sidii uu Madaxweynaja u qaboojin lahaa xiisada & kala aragti duwanaanta maamullada qaar, gaar ahaan kuwii taabacsanaa Madaxweynihii laga adkaaday, Farmaajo.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ayaa ku howl an dhismaha dowladdiisa, wuxuuna horey u bal lan qaaday in uusan jiri doonin aargoosi lagu bee gsanayo kuwa ka fikirka duwan.

Xog: Sidee Rooble uga war helay qorsh aha guddiga FEIT ka hor inta aanu kala dirin?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xus een Rooble ayaa kala diray guddiyaddii door ashada dadban ee dalka ka dhacday, kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddiga doo rashooyinka heer federaal ayaa qorsheyna yey iuuu Habeen hore soo saaro go’aan lagu fasaxayo ku rsiga #HOP086 ee Fahad Yaasiin oo horay guddi gaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaa shanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online, waxaa heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaa siin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble soo ist aajin laheyd meel adag.

Xogta aysheegtay in ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu ka la qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Waxaa surta-gal ah in dad badan ay is-weydiiy aan sida lacag sidaas u badan loogu bixin karo ku rsi xildhibaan, balse muhiimadda ayaan aheyn kursiga ee waa xasaanadda uu leeyahay. Waxaa xusid mudan in doorashadii 2016 ay xildhibaano badan oo badankood kasoo jeeda beesha Hawiye ay kuraas xildhibaan ku bixiyeen lacag ka badan nus milyan dollar, si ay ugu helaan xasaanad uguna ilaashadaan ganacsiyo iyo qanadaraasyo ay ka hasytaan dowladda.

Sida sheegtay in ay ogaatay Caasimada Onl ine,heshiiska qarsoodiga ah ee guddiga iyo Fah ad ayaa waxaa ra’iisul wasaa raha usoo dusiyey xubno ka mid ah guddiga oo ku dhow, taasi oo keentay go’aankii deg degga ahaaa ee uu Hab een hore ku kala diray gudd iga.

"Kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiye en in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doora shooyinka, waxaana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalkaan waxaa sidoo kale lagu cadeeyey in shaqadii guddiyadaan ay ku ekeyd doorashadii guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soom aaliya oo dhacday 27 ilaa 28-kii bishii hore.

Kursiga #HOP086 ayaa waxaa horey ugu fa dhiyey oo weli damac uga jira inuu dib u helo Fa arax Cabdulqaadir oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, mana cadda haddii tallaabada uu Habeen hore qaaday Rooble ay arrintaas qeyb ka tahay.

Xigasho:caasimadda.net

Maxay Ka Wada Hadleen Guddoomiy aha G/Shacabka Iyo Danjiraha Turkiga U Fadhiya Soomaaliya?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarla maanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mad oobe), ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dow ladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, Amb. Mehmet Yilmaz.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka guddoomay Salaan iyo Hambalyo ku aaddan dooraashadii 15 May ee ka dhacday Teendhada Afasiyooni, laguna doortay Madaxwey naha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu shee gay in dowladda Turkiga ayballan qaadeyso dhis maha xarumo Balaaran, tayeeyn ta shaqaalaha, tababarada ay si iyaan Ciidanka Qalabka, sida ee JF/Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka dhankii sa ka hadlay, ayaadowladda Turkiga ku bogg aadiyay teegeeradda joogtada ah ay siiyaan dow ladda iyo shacabka Soomaaliyeed,.

Wasiirka Amniga” Madaxda dowladda ma ixtiraamaan shuruucda waddo marista”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumada xi lgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay jiraan aqabado xoogan oo heysta Ciidanka ilaalada wad dooyinka ee loo yaqaano taraaf iada, kuwaas oo u baahan in wax lag qabto.

Wasiirka oo hadal ka jeedin ayay Munaasabad Dorraad xariga looga jarayay xarunta Taraafikada oo dib u dhis lagu sameeyay ayaa sheegay in Ma suuliyiintaDowladda aysan Ixtiraamin sharuucda waddo marista, isaga oo ugu baaqay inay dhow raan.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in qof walba oo mas’uul ah looga ba ahan yahay in uu hagaajisto Guri giisa, balse uusan amrin waddo aan sa aheyn maadaama dad ka Shacabka ah ay ku daysan ayaan.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Xuku umada xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar waddooyinka Caasimadda ay shilal ku gala an Gaadiid ay wataan Madax ka tirsan dowladda & dowlad Goboleedyada.

Ergeyga gaarka ah Gurmadka Abaaraha oo kul an la qaatay R/wasaare ku xigeenka Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Md. Ca bbdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu ho ggaamiyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Md. Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen, Wasiirka Gargaarka iyo Maar y nta Musiibooyin ka XFS,caafimaadka, tam arta iyo biyaha, wasiirul dawladaha xafiiska Raysa lwasaaraha, agaas amiyaal iyo howlwadeenno ka le oo ka tirsan Was aaradaha, ayaa warbixin la xar iirta xaaladda aba araha, caqabadaha, iyo garga arka la qaybiyey iyo hawlaha taagan laga siiyey Ergayga.

Inta uu shirka socday Guddiga Gurmadka Ab aaraha, ayaa soo bandhigay xogta la xariirta aba araha, saamaynta taban ee ay ku yeesheen dalka iyo gurmadka ilaa iyo hadda la gaarsiiyay dadka ay sida daran abaaruhu u wax-yeelleeyeen.

Raysalwasaare ku xigeenka ayaa gunnaanad kii shirka ku boorriyey Guddiga Gurmadka Abaara ha dhammaantiis in gacan lagu siiyo Ergayga gud ashada xilkiisa, wada shaqayn buuxda ay yeesha an xubnaha guddiga.

Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Nab ad Sug ida Gobolka Banaadir.

Taliyaha cusub ee Nabad Sugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa Dorraad magacaa bay taliyaha Nabad Sugida qeybta guud ee bo oliska gobolka Banaadir.

G/nle sare Muxudiin Warbac Shadoor ayaa loo magacaaay xil kan, isagoo kamid ahaa sara akii sha ugu firfircoon ee hay’ ada, walow ay hoosey say shaq adiisa mudooyin kii la soo dhaafay sababo ku aad an khilaaf kala dhexeeyay koox dii hore u maamul eysay laanta mu khabaraadka dalka.

Muxudiin Warbac ayaa bilooy in kahor loo mag acaabay xilkan balse ma aysan dhaqan gelin oo waxaa diidmo kala horyimid kooxda taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, maadaama uu xiligaas jiray khilaaf salka ku hayay dib u dhac yada hareeyay doorashooyin ka madaxtinimo ee dalka.

Talaabadan ayaa bilow u ah isbedel balaaran oo la doonayo in lagu sameeyay hay’ada Sird oon ka dalka, isbedelka bilowgiisii hore waxa uu noq day in magacii hay’ada la bedelo ee ahaa Nat ion al Intelligence and Security Agency (NISA), waxa ana laga dhigay Federal Intelligence and Security Agency (FISA), maalmaha soo socdo waxaa la fil ayaa in taliyayaal kale xilalka laga qa ado oo ku

wo cusub la soo magacaabo.


Agaasimaha cusub ee warfaafinta mad axtooy ada oo Xalay xilka la wareegay

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahi nta Madaxtooyada Qaranka Cabdulqaadir Cali Dige ayaa munaasabad ka dhacday Villa Sooma lia xilka kagala wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Madaxtooyada Cabdirishiid Maxa med Xaashi.

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirishiid Duqa ayaa ka warbixiyey shaqooy inka muhiimka ah ee waaxdu ay u qabato Qaran ka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in shaqooyinkaas ay ka mid tahay haqabtirka baahiyaha xogeed ee shacabka Soo maaliyeed ee dhanka dow ladda, wuxuuna Alle uga ba ryey Agaasimaha cusub in uu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa, Agaasime Cabdulqaadir Cali Dige ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan hor umarinta Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada.

Sidoo kale Agaasime Dige ayaa u mahad cel iyey Agaasimihii hore Cabdirishiid Duqa, shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxwey ne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa bilowday is bedel ku socda maamulka madaxtooyada, iyadoo horay loo magacaabay Agaasimaha guud, ku xig eenkiisa, agaasimaha warfaafinta iyo xubno kale.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaar aha So maliya oo shaaciyay in dalku ku jiro xaalad Bani'aadanimo oo halis ah

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soom aaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadanimada iyo gurmadka abaaraha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay xaalada guud ee abaaraha ka jira gudaha dalka Soom aaliya.

Xaaladda Abaaraha ee dal ka ayaa Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo gurm adka Abaaraha, waxuu warbaahinta la wadaagay in dalka uu ku jiro xaaladda halis ah oo dhanka ab aaraha iyo arrimaha bani'aadannimada ah.

Ergeyga ayaa maalmihii ugu danbeeyay tan iyo markii la magacaabay ku howllanaa xog ururin iyo kulamo wada-tashi ah oo uu la yeelanayay he y'adaha kala duwan ee horay ugu lug lahaa arrim aha bani-aadamnimada, horumarinta iyo gurmad ka abaaruha sida; Wasaaradaha dalka, hey'adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaq eeya arimaha musiibooyinka iyo gargaarka, xafiis ka Qarmada Midoobay ee Muqdisho, safaarada ha, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bul shada.

Waxuu tilmaamay Ergayga Arrimaha Abaaraha Soomaaliya in xogururinta iyo kulamada hordhaca ahaa ay ahayd ujeedada in si hufan oo deg deg ah loola tacaalo saameynta abaaraha dalka oo ha atan maraya xaalad laga naxo oo u baahan in la qaado tallaabo deg deg ah.

" Xogta ugu horeysa ee aan hayno waa in 6.1 Milyan oo qof oo Soomaali ah oo ay abaaraha sa ameeyeen inay halis ku sugan yihiin, inta garg aarka ay gaartay oo Soomaali ahna waa laba Milyan iyo sideed oo boqol oo ka mid ah lixda milyan iyo boqolka ruux, waxaana aad xaaladoo da u daran tahay laba boqol iyo sideetan ruux, ku dhawaad 700 oo kun oo qofoodna way ka barak aceen guryahooda, waxaana abaarta ka jirta 74 degmo oo ka mid ah 84-ta degmo ee dalka, gar gaarka la helayna waa boqolkiiba sideed" ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha.

Hadalkaan kasoo yeeray Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani'aadanimada u qaabilsan madax weynaha Somaliya ayaa kusoo aadaya xili qela dhaanta abaaraha ka jira gudaha Somaliya ay si weyn isku soo tareyso marba marka ka dabeysa.

Magacaabista Mahad Salaad ee agaasim aha NISA iyo tusaalaha CIA-da

Su’aalo badan ayaa ka dhashay go’aanka xild hibaan Mahad Salaad loogu magacaabay taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA).

Inkasta oo magacaabista Mahad Salaad ay ansixiyeen Golaha Wasiirada,haddana Caasi ma da Online ay sheegtay inay fahamsan tahay inuu ku yimid rabitaanka madaxweyne Xasan Sheekh oo aay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha.

Xubno markii horeba mucaaradsanaa Mahad Salaad iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhal iilay go’aankan, ayaga oo waxa ugu weyn ee ay ku durayaan ay tahay in Mahad Salaad uusan la heyn khibrad sirdoon iyo mid amni.

Hase yeeshee, inaad noqoto taliye hay’ad sird oon ma u baahan tahay inaad leedahay khirbad amni iyo mid sirdoon ama aad horey uga soo shaqeysay?

Aan ka tusaale qaadano hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka, Central Intelligence Age ncy (CIA oo ah hay’adda sirdoon ee ugu weyn u guna awoodda badan caalamka.

Joe Biden iyo William Burns Madaxweyne Joe Biden wuxuu markii uu xukunka la wareegay aga asimaha hay’addan u magacaabay William Burns oo ah diblomaasi rug caddaa ah, oo aan weligiis sirdoon iyo amni midna kasoo shaqeyn.

Ka hor xilkan, Burns wuxuu soo noqday ku-xig eenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka 2011 illaa 2014. Waxaa sidoo kale diiwaankiisa shaqo ka mid ah inuu soo noqday safiirka Mareyk anka ee Jordan 1998-2001 iyo safiirka Mareykan ka ee Ruushka 2005-2008

Burns waxa uu sidoo kale soo noqday kaaliy aha xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha Bariga Dhow 2001-2005, iyo ku-xigeenka xogha yaha arrimaha dibedda ee arrimaha siyaasadda 2008-2011.

Xitaa waxbarasho ahaan, Burns marna sooma baran wax la xiriira amniga iyo ciidamada. Waxa uu shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda ka qaatay La Salle University isaga oo bartay taariikhda. Wuxuuna sha haadada Master-ka iyo PhD ku haystaa xiriirka caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadad Oxf ord ee London.

Waa sax in CIA-da ay ma dax kasoo noqdeen shaqsiyaad weligood kasoo shaqeynayey sirdoon ama militariga, sida gaba dhii ka horeysay Burn ee Gina Haspel oo sarkaal sirdoon ahaan jirtay, balse taas macnaheedu ma ahan inay ayaga u gaar tahay.

Xitaa hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da oo sidoo kale ka shaqeysa sirdoonka gudaha waxaa madax ka ah Christopher Wray oo aan amni iyo ciidan weligiis kasoo shaqeyn. Wray waa qareen sharciga ka bartay Jaamacadda Yale.

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu shahaada da heerka koowaad ee culuumta siyaasadda (Pol itical Science) ka qaatay Jaamacadda October 6 ee Qaahira, isaga midda heerka labaad ee xiriirka caalamiga ahna uu ka helay Jaamacadda Cairo.

Waxa uu sidoo kale muddo ka badan 10 sano soo ahaa xildhibaan feder aal, isaga oo xubin ka noqdo guddiyo heer federaal oo dhowr ah. Wuxuu sidoo kale xilal wasiiro dowle.

Waxa ugu muhiimsan ee madax weyne uu ka doonayo qofka uu ka aaminayo gacan ku haynta sirta qaranka waa aaminaad iyo inuu ku kalsoon yahay, islamarkaana si wanaagsan wax u ma amuli karo.

Hay’adda NISA waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ay aheyd hay’ad ka leexatay tubteedii. Waxaa loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed, waxaa ku dhexmilmay Al-Shabaab, waxaana ay noqotay goob tusaale u ah ku takrifal awoodeed. Xitaa waxaa jira xog sheegeysa in hay ’addan ay dhageysaneysay taleefonada xubnaha kale ee dowladda ama mucaraadka kasoo hor jeeday Farmaajo.

Waxay u baahan tahay nadiifin muddo badan qaadan doonto, mana ahan shaqo qof kasta lagu aamini karo, waana taas sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh u doortay qofkii uu islahaa waa ugu aaminaad badan tahay.

Cidna Mahad Salaad kama fileyn inuu dibedda aado ee uu sir soo ururiyo, shaqadaas waxaay u taalla wakiilada hay’a dda iyo madax qeybeyd yada fars amo.

Haddii diblomaasi uu madax ka noqon karaa CIA, ma jirto wax u diiday xildhibaan Mahad Sala ad inuu isna maamulo NISA.

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax iyo daga al ka dhacay AFGOOYE + Khasaaraha

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxa ya khasaaraha ka dhashay qarax Dorraad ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyey khasaare, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan degmada ayaa waxaa lagu soo warrama yaa inuu ka dhacay afaafka hore ee guriga gu doomiye ku xigeenkii hore amniga degmada Af gooye Xuseen Jibriil,.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uul ka la weeraray uu soo gaaray dhaawac, isaga iyo wiil dhalinyaro ah oo la socday, xilliga uu dhacayey qaraxa.

Sidoo kale waxaa goobta ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sam eyey halkaasi, mana jiro wax faah faahin ah oo ay ka bixiyey qaraxaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Habeen hore dagaal culus uu ka dhacay degmada Afg ooye, kadib weerar ay ku soo qaadeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku dhint ay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaaw acmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka oo aan la xiriirnay.

Afgooye oo hoostagta Koonfur Galbeed ay aa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo we eraro ay kusoo qaado kooxda Al-Shabaab oo

ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose


Agaasime GABOOSE oo shaaciyey xog ku saabsan IKRAAN TAHLIIL FAARAX

Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maa mulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ma xamuud Gaboose oo ka mid ah mas ’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii la gu dilay All aha u naxariist ee duqii hore ee Muqdi sho Eng. Cabdiraxmaan Yariis ow ayaa bixiyey faahfaahin iyo xog ku aadan Ikraan Tahliil Faa rax.

Dhibane Gaboose oo we erarkaasi ku waa yey lug iyo gacan is xiga ayaa wareysi dhe er oo uu siiyey Idaacadda Kulmiye wuxuu kaga ha dlay arrimo dhowr ah, waxaana sidoo kale wax looga weydiiyey aqoontii uu u lahaa Ikraan Tah liil oo la waayey, kadib dilkii Eng. Yariisow.

Agaasimaha ayaa sheegay in Ikraan Tahliil Faarax ay aheyd gabar yar oo deggan, afgaa ban, misana adaab leh, sida uu ku sheegay qa ybta labaad wareysiga uu bixiyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in inta badan aysan joogi jirin xafiiskeeda, balse ay agfdhiisan jirtay guddoomiyihii la dilay ee Mar xuum Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo ay si dhow ula shaqeyneysay mudadii uu jo ogay xafiiska.

"Ikraan Tahliil waxaan ka xasuustaa gabar yaroo afgaaban oo idaab badan marka iyadu xafiiskeeda inta badan ma joogi jirin waxay joogi jirtay xafiiska guddoomiyaha oo guddoomi yaha ayey agfadhin jirtay inta badan,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Gaboose.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo sha ki weyn uu ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faa rax oo la rumeysan yahay in loo beegsaday xog ay ka heysay qaraxii gobolka Banaadir, wa low arrinteeda ay dhalisay xiisad xoogan oo har eysay dowladda Soomaaliya.

Ikraan oo aheyd xubin ka tirsan Hay’adda Sir doonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (HSNQ) ayaa warke eda la waayey June 26 2021, mark aas oo xilli habeen ah lagu watay baabuur ka qaaday gurig eeda magaaladaMuqdisho, balse 2 September ee 2021 ayaa hay’adda NISA waxa ay sheegt ay inay u gacan gashay koo xda Al-Shabaab ka dibna sidaas lagu khaariji yey.

Agaasimihii ku dhaawacmay qaraxii la gu dil ay Yariisow oo xog cusub bixiyey

Waxaa la baahiyey qeybta labaad wareysi xanuun badan oo Idaacadda Kulmiye uu siiyey Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamul ka gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Ga boose oo ka mid ahaa masuuliyiintii lixaadkoo da ku waayey qaraxii lagu dilay Allaha u naxari istee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxm aan Yariisow iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii la shaqeyneysay.

Agaasime Gaboose oo qaraxaas ku waayey lug, gacan iyo labadiisa indhood ayaa wareysig iisa qeybtaan ku sharax dhibaatooyinkii uu soo maray, goortii uu ka soo laabtay dalka Qatar, balan qaad aan fulin oo Ra’iisul Wasaare Ro oble uu ka helay, dalalka loo sheegay in dha khaatiir wax ka qaban karta dhaawaciisa uu ka heli karo iyo waxa ka jira in gabar Indha la’ ay fulisay qaraxaas.

Maxamed Maxamuud Gaboose oo dhaaw aciisa lala qaaday Allaha u naxariistee guddo omiye Yariisow ayaa sheegay in dalka uu dib u gu soo laabtay Ramadaankii hore, si dowlad da Soomaaliya uu caawin caafimaad uga helo, balse uusan weli ka helin.

Wuxuu sheegay in loo geeyey Ra’iisul Wa saare Rooble oo u sa meeyey seddax balan qa ad oo uu ka xusay in seddax maalm ood gudah ood dibadda caafimaad loogu qaadi doono, isla markaana uu arrintiisa u xil saaray xoghayaha guud ee xafiiskiisa, balse uu balantii ka baxay ninkii arrintiisa loo xil-saaray.

Dhibane Gaboose ayaa u cudur daaray Ra’iisul Wasaare Rooble oo mudadii uu xafiiska joogay dhexda uga jiray howlo doorasho oo aad u adag, wuxuuna aad ugu mahad celiyey seddax qof oo kala ah, Ra’iisul Wasaare Roo ble,

Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre iyo guddoo miye Cumar Filish. Wuxuu aad uga cabtay sida ay u qadari waayeen Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdii la shaqeyneysay, isagoo sheegay in ergo badan uu u dirsaday xafiiska Madaxweyn aha marar kala duwan, si dalka dibadiisa uu ca afimaad ugu qaado, balse ugu dambeyntii uu Agaasimaha madaxtooyada u balan qaaday in markii Farmaajo dib loo soo doorto uu la kul ansii doono.

Dalalka kala ah, Jarmalka, Mareykanka iyo Talyaaniga ayuu sheegay Maxamed Gaboose in caafimaadka ishiisa wax looga qaba karo, si da ay u sheegeen dhakhaatiirtii Qatar, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday in daryeel caafimaad uu la raadiyo.

Dowladda Soomaaliya oo taliyaha ciid am ada Uganda ee howlgalka ATMIS ku abaal marisay sugida amniga doora shada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa abaal-marin ku guddoonsiisay Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda Gen Keith Katungi, doorkii uu ku lahaa sugidda doorashada guddoonka baar lamaanka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya.

Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska Qaranka ee magaalada Muqdisho, ayaa Sarreeye Guuto Katungi lagu guddoonsiiyay sha haado sharaf uu ku muteystay doorkii uu ka qaa tay amniga doorashada.

Shahaadada ayaa waxaa ku wareejiyay was iiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Fahim Mohammad Ali.

Gen Keith Katungi waxa uu sheegay in guusha asi ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay ciidan ka Booliiska Soomaaliya iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo, ka hor iyo inta lagu guda jiray doorashada.

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS islamarkaana ah ciidamada ugu badan ee dalka ku sugan ayaa waxaa loo xilsaaray sugidda amniga gobolada Banaadir iyo Sh/Hoose.

ADIGA IYO CARUURTAADA:

Caruurtada ha siin wax kasta oo ey ku wey diistaan Waxa ey weeynanyaan iyaga oo aam insan in ey xaq u leeyihiin wax kasta oo ey rab aan in la siiyo.

Ha u qoslin haddii ey ku dhawaaqaan Erayo Akhlaaq xumo ah.

Waxa ey weeynaanayaan iyaga oo aamin san Erayada Akhlaaq xumidu in ey yihiin wax caadi ah oo lagu qoslo

3.Ha u ogalaan in ey ku kacaan falaal ka soo hor jeedo dhaqanka Bulshada.

Waxaa ey weeynaanyaan iyaga oo aamins an in Bulshadu eyna leheeyn shuruuc diidee falaalka xun.

Ha u ogolaan in Adigu aad dayac tirto ama aad saxdo wax kasta oo ey kharibaan.

Waxa ey weeynanaan iyaga oo aaminsan wax kasta oo ey kharibaan in ey jirto cid kale oo Masuuliyadeeda qaadee lagana rabo in ey sax do, iyaguna eynan masuul ka aheyn in ey sa xaan.

5.Ha u ogaalaan in ey daawadaan barnaamij kasta oo TV-ga ka socdo.

Waxa ey weeynaanayaan iyaga oo aaminsn in aan farqi u dhexeeyn Caruurta iyo waayeelka

Ha u ogolaan in aad siiso Lacag kasta oo ey ku weeydiistaan.

Waxaa ey weeynaanayaan iyaga oo aamin sn in Lacag helidu ey tahay wax fudud, kamana shakinaayaan in ey wax xadaan.

Ha u ogolaan in aad iyaga la safato mar kast oo ey khalad ku sameeyaan Deriska, Mac allinka, police-ka ikm.

Waxa ey weeynaanyaan iyaga oo aaminsn in wax kasta oo ey sameeyaan ey sax yihiin, Dadka kalena ey khaldan yihiin

Ha u ogolaan in ey Guriga joogaan marka aad aadee Masjidka.

Waxa ey weeynanayaan iyaga oo aminsan, in aan laga rabin cibaadada

Ha u ogolaan in eynan Guriga ku soo dhaw eeyn Waalidkaa iyo Saaxiibadaa.

Waxa ey weeynaayaan iyaga oo u arko in soo dhaweyn la’aantu caadi tahay, Adigana ku ma soo dhaweeyn doonaan

Ha u ogolaan in ey la xiriiraan Caruur aad dhaq an xumo ku ogtahay iyaga ama Waalidkood.

Marka ey weeynaadaan waxa ey u dhaqmi doonaan sida iyagii.

Ha uga sheekeeyn sheekooyin aan macna leh eeyn oo aan xasuus ku reebeeyn. Uga shee keey sheekooyin xigmad leh iyo Siiraddii Rus usha.

Si marka ey weeynaadaan ey Caruurtooda uga sheekeeyaan. Waa iga Talo

FG: wixii ka khaldan ka sax wixii ka dhiman ku dar.

Qore: yahya Amir


Ugaas Xasan oo ka jawaabay hadalkii taliye Shub ee qorshaha Xamar ka socda

Wasiirkii hore wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Taliye Shub), kaas oo dhowaan shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo ku howlan duminta Koonfur Galbeed.

Ugaas Xasan oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in Taliye Shub markiisii hore lagu yaqaanay hadallada kicinta ah iyo handadaada, balse wuxuu tilmaamay in haatan looga baahan yahay inuu garto mas’uuliyada saaran maadaama uu yahay xildhibaan Qaran.

"Horta Jenaraal Mahad inta aan ogahay, inkastuu ahaa nin ciidan ah markiisii hore, laakiin Dorraad xeynd aabkii ciidanka iyo handada ada waa kasoo gudbay waa xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Ugaas Xasan "Waxaan ka sugeynaa Jenaraal Mahad hadalladii lagu yaqaanay kicinta iyo colaadaha inuu iska daayo oo garto mas’uuliyadda saaran inay ka weyn tahay midii waagu ciidanka ahaa in wax la dilo kaliya aheyd,”.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aysan aheyn siyaasiyiinta la eedeeyey kuwa duminayo Koonfur Galbeed, balse ay yihiin kuwii soo dhisay, ayna ka shaqeynayaan horumarka iyo in la ilaaliyo dastuurka lagu heshiiyey.

"Koonfur Galbeed dadkii duminaayey ma nihin dadkii Dorraad soo dhisay, Dorraadna jiritaankeeda ogol, berina inay wanaagsanaato ayaan rabnaa, haddii uu Alle idmo,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey xildhibaan Mahad uu weerar afka ah ugu qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Lafta Gareen oo uu ku eedeeyey in ay wadaan qorshe lagu burburinayo Koonfur Galbeed, siduu hadalka u dhigay.

"Madaxweynaha haddii la doortay dad annaga naga mid ah Digil iyo Mirifle ka mid ah ayaa system waxay wadaan inay burburiyaan maamulka inta ka jira maamul la burburiyeyna waxa uu leeyahay waa kaseynaa dhibaatuu leeyahay,” ayuu yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalado siyaasadeed oo horleh, waxaana la isku hayaa muddada xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay siyaasiyiinta kasoo horjeedo ku eedeynayaan inuu wado qorshe uu ku kororsanayo xilka.

Sida yaabka leh ee diyaarad ay SOOMAALI leeyihiin uga degtay ISRAEL

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu baahiyey in diyaarad ku duuleysa magaca Somali Airlines ay ku degtay garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv ee caasimadda maamulka Israa’iil. Diyaaradaas oo ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa Habeen hore ka degtay magaalada Tel Aviv ee caasim adda Israa’iil, waxaana sababta ay uga degtay sharaxay milkiilaha diyaaradaas Xaaji Ibraahim Nuur Hilowle oo la hadlay Idaacadda VOA.

Xaajiga ayaa beeniyey inay diyaaraddu ku soco tay magaca Somalil Airlines, isagoo xaqiijiyey in diyaaradiisu ay ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya.Rakaab ay siday ayuu sheegay inay ka dejisay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, isla mark aana ay diyaaradu u rareed nin ka kireystay, si doo kale Xaaji Ibraahim ayaa sheegay inuu qab saday ninkii, balse uu xaqiiqsaday in diyaarad wadata leesinka Kenya aysan meel ka xiran jirin.

Soomaaliya iyo Israa’iil ma laha xiriir diblomaasiy adeed, weligoodana ma yeelan, taasi waxay ke entay in markii Habeen hore diyaarad ay leeda hay shir kad da Halla Airlines oo uu leeyahay nin Soomaali ah ay ka degtay caasima dda Israa’iil aad lo ogu faafiyo wark eeda baraha bulshada.

Xaaji Ibraahim Nu ur Hilowle ayaa sheegay in seddax diyaaradood uu leeyahay, isla markaana laba diyaaradood oo aan aadi karin dunida kale ay ka diiwaan gashan yihiin Soomaal iya, halka mida Habeen hore tagtay Israa’iil ay ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo ka jawaabay war kii ka soo baxay xubno ka tirsan guddiga .

Mucaaradka Somaliland oo ka jawaabay muda kordhinta xukumadu sheegtay inay codsadeen

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa beeniyay in ay xukuumada ka da lbadeen in madaxweynaha iyo xisbiyadaba loo ko rdhiyo mudada, sida wasiirka arrimaha gudduhu sheegay.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xa aji Xasan, ayaa sheegay in anay waxba ka jirin ee daynta wasiirka, waxa uu sheegay in anay arrinta urrurada kala hadal madaxweynaha Soma liland, isla markaana ay kaliya ka wadahadleen qaba shada doorashada madaxyooyada.

"Waxaanu jecelnahay in aanu caddayno hadal ka wasiirka kasoo yeedhay ee odhanaya xisbiya da ayaa codsaday in loo kordhiyo, urrurada Kam anaan wadahadal furist ooda wakhtigooda iyo dariiqa sharciga ah ayaa loo mari doona, waxa Dorraad laga wada hadlayaa waa doorash adii madaxtooyada iyo koomii shankii oo ay afduubeen" ayuu yidhi Xirsi. waxa uu xukuumada ku eedeeyay in ay faraga lin ku hayso guddida do orashooyinka oo ay xubnaha ku caddaadinayso in ay is casilaan, waxaanu taageerayaasha mucaar adka ugu baaqay in ay ka falceliyaan ficilada xuk uumada, oo ay mudaharaad iskugu soo baxaan, marka loo baahdo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Wa raabe, ayaa isna dhankiisa hadalka wasiirka ku mi cneeyay "wanjalaad", waxa uu sheegay in ay tah ay arrin been abuur ah, waxa kale oo uu sheegay in xukuumada Biixi shanta bilood ee u hadhay a nay xataa xukunka ku aamini karin.

"Dorraad wuxuu yidhi ergo ayay nosoo dirteen oo waxay doonayaan korodhsi, horta arrintaasi waa wanjal, waa lagu yaqaanaa reer Qaaxo in ay dadka wanjalaan, Maxamadow kordhis ayaad she egaysaaye shantan bilood ee idiin hadhsan aya anu leenahay dalka ma wadi karaan" ayuu yidhi Faysal.

wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxam ed Kaahin Axmed, ayaa kulan warbaahineed uu xafiis kiisa ku qabtay Axadii ku sheegay in xisbiya da mucaaradku ay xukuumada Somaliland ka dal badeen in madaxweynahana loo kordhiyo muda da, xisbiyadana loo kordhiyo

UK Oo War Ka Soo Saartay Ciidamadda Ruushka Ee Jooga Ukraine

Wasaaradda Difaaca UK ayaa Dorraad daabac day warbixintii ugu dambeysay ee sirdoon oo ay ku qiimeyneyso xaaladda ciidamada Ruushka.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu qoray” Ruushka waxay u badan tahay inuu soo gaaray khasaare ba’an gaar ahaan saraakiisheeda dhexe iyo kuwa hoose,”

Warbixintu waxa kale oo ay intaa ku da rtay in la’aanta taliy ayaal khibrad leh "ay u badan tahay inay ke ento hoos u dhac hor leh oo xag ga niyad da ah iyo sii socoshada edebta liita”.

Diyaarad laga helay qaar ka mid ah meydadka rakaabkii la socday

Kooxaha gurmadka dalka Nepal ayaa soo helay meydadka 14 ruux oo la socday diyaarad Dorraad ku dhacday bariga dalkaas. Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka ee dalka Nepal ayaa sheegay inay soo heleen meydadka 14 ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa diyaarad ay la socd een 22 ruux oo Dorraad dhul buuralay ah ku dhac day. Cimilada oo xun dart ed ayay kooxdaan sheege en inay sii adkaynayso in baadigoobku sii socdo.

Meelaha qaar waxaa aad u adag in kooxaha samatabixinu tagaan sida warbaahinta dalkaasi sheegtay. Dadka diyaaradda la socday oo dalxiisayaal ahaa waxay dawlada Nepal sheegtay inay u kala dhasheen dalalka Hindiya, Nepal iyo Canada

Furuqa daanyeerka oo uu qof ugu dhin tay wadan ku yaalla Afrika

Nigeeriya ayaa xaqiijisay kow iyo labaatan (21) xaaladood oo furuqa daayeerka tan iyo bilowgii sanadkan .

Tani waa koror aad u weyn marka loo eego toddobo xaaladood oo la xaqiijiyay isla mudd adaas (Janaayo – Ma ajo) ee sannadkii hor e.

Bayaan ay fiidnimadii Axadda soo saartay Xa runta Nigeria ee Xakamaynta Cudurrada, NCDC, ayaa lagu sheegay in nin 40 jir ah uu sidoo kale u dhintay fayraska illaa hadda.

Waxa ay sheegtay in bukaanku lahaa xaalado caafimaad oo hoose. Kiisaska Bus-Baska ayaa laga xaqiijiyay sagaal gobol oo kuyaala Nigeeriya iyo caasimadda Abuja.

Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Beeni say Eedo Uga Yimid Mucaaradka

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa beenisay dhaliil uga timid qeyb kamid ah mu caaradka oo sheegay in musuq maasuq xooggan uu sabab u yahay sicir bararka taagan.

Guddoomiyaha Xisbiga Xoriyad da & Sinnaanta (F EP), Ibr aahim Maxam ed Xus een (Sh. Ibraahim Dheere) oo Dorraad u warramay BBC-da ayaa ku eedeeyay maamulka Ji gjiga in gawaari lacag Itoo biyaan ah ay geeyaan Wajaa le, taasina ay wax ba dan u dhintay sarifka dollar ka. Hadd aba wasiirka warfaafinta Dowlad Deeg aan ka Somalida, C/dir Rashiid oo arrintaa ka jaw aabaya ayaa sheegay in aanay suuragal ah ayn in dhaqa alo intaa dhan laga musuq-maasuqo de

egaanka


SOOMAALIYA IYO LIX WADDAN OO KALE OO DHOOLA TUS MILATARI SAMEYNAYA IYO UJEEDKA

Soomaaliya ayaa ku biireysa lix waddan oo ku dhawaaqay inay sameyn doonaan dhoolatus militari oo ujeedkiiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka dalal ka ku teedsan Badda Cas.

Dalallka lixda ah ee dhoolatus kaan sameen ayo ayaa kala ah Masar, Sacuudiga, Urdun, Suu daan, Jabuuti, Yemen iyo kormeerayaal ka socda Soomaaliya.

Admiral Yahya bin Mohammed Al-Asiri oo ah taliyaha Ciidanka galbeedka dalka Sacuudga ay aa xusay in dalalka ku teedsan Badda cas ay is-dhaafsan doonaan khibrado sare loogu qaadayo amniga baddaha iyo xoriyadda socdaalka badda cas.

Taliyaha howlgalkaan hoggaamin doono oo lagu magacaabo Admiral Yahya ayaa sheegay in lixda waddan ay muujinayaan muhiimadda marin-biyoodku u leeyahay adduunka oo dhan.

Admiral Yahya ayaa sheegay in marin biyoodkaan uu yahay marin-biyood dhaqaale fiican leh sidaas darteedna ay u go’aansadeen inay sameeyaan dhoola-tuskaan si ay usoo jiitaan adduunka intiisa kale. Lixda wadan ee ka qeybgalayo dhoolatuska militari ayaa waxay ku midaysan yihiin isbaheysi lagu horumarinayo iskaashiga siyaasadda, dhaq aalaha iyo amniga.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin warka kasoo baxay Admiral Yahya, balse waxay noqon doontaa dhoola-tuskii ugu hor reeyey ee dalal badan ah oo muddo ay ka qeyb gasho Soomaaliya.

Biden iyo xaaskiisa oo booqday dugs igii uu weerarka ka dhacay

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo xa askiisa Jill ayaa Axadda Dorraad ah booqday ma gaalada Uvalde ee gobolka Texas si ay beer nu geyl ugu muujiyaan xigtadii iyo dadkii ka badbaa day toogasho-wadareedkii u dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacda. Dhacdadaas oo toddob aadkii hore dhacay ayaa waxa ku dhintay 19 car uur iskuuley ah iyo labo macallin.

Reer Biden ayaa socod ku ag maray ubaxyo lagu maamuusayey dhibanayaasha meel ka baxsan dugsiga hoose ee Robb, iyaga oo mar mar joogsanayey si ay u taabtaan sawirada 21kii dhibbane oo meesha ku dhaganaa, magacyad oodana akhrinayey.

Xilli ay reer Biden tacsidaas gudbinayeen ayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku ay shaaca ka rogtay in, ka dib codsi uga yimid duqa magaalada Uvalde, Don McLaughlin, ay dib u eeg is ku sameyn doonto sidii booliisku uu uga jawaa bay dhacdadii Talaadadii iskuulka ka dhacday. Wasaaradda ayaa sheegtay in la "eegi doono darsiga laga bartay iyo sida ugu wanaagsan ee dadka gurmadka ah loogu diyaarin karo sidii ay uga jawaabi lahaayeen markii qof hub wataa uu weerar soo qaado.” Weerarkii Texas, saraakiish abooliiska ayaa aad la isku weydiiyey waxa ku keenay in hal saac wax ka badan ay ku qaadato

in ninkii hubeysnaa ay ka hortagaan.

Maqaayad Faransiis ah oo Sacuudiga ku taalla oo loo diiday haweenka xijaaban

Maamulka maqaayad laga leeyahay dalka Faransiiska oo ku taalla magaalo xeebeedka

Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa mamnuucay inay maqaayada soo galaan haw eenka xiran xijaabka ama indha shareerka Isla amka, taas oo kicisay carro badan oo ka timid ma caamiisha maqaayadda iyo muwaadiniinta boq ortooyada Sacuudi Carabiya.

Bagatelle Jeddah, oo ah laan ka mid ah silsil adda makhaayadda caanka ah ee Faransiiska, ay aa la sheegay todobaadkii hore iyo horraantii tod dobaadkan inay diiday inay soo galaan dumarka xiran xijaabka iyo cabaayadaha.

Sidoo kale, maqaayadda ayaa la diiday inay soo galaan haweenka xiran cabaayadda dabacs an oo ay xirtaan hweenka boqorootyada ingiriiska. Sidoo kalana waxaa maqaayadda loo diiday inay soo galaan ragga ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Sacuudiga.

Kadib markii ay warbixinada sheegaya arrinta an soo bandh igeen wargeysya da iyo boggaga int ernet-ka, wax aa bilowday durba kacdoon ay dad ka Sacuud iyaanka ah uga hor tagayaan arrintaa, waxaana baraha bulshada lagu soo qoray warbi xino iyo hadalo adag oo arrintaan looga jawaab ayo.

Qof ay ugu qortan tahay Facebook Amee ra Al Qahtani ay aa tusaale aha an tiri"Uma qala nto ma qaayadaan wax xidig ah, sa babtoo ah waxay dii day inay haw eenkeena u ogo laato inay xirtaan xij aabka, sidoo kalana waxay diiday inay raggeena xirtaan khamiiska, waa in laga ceyriyo Jeddah, ma aysan tixgelin diinteena waxayna naga dhi gtay kuwa aad u careysan”.

Maqaayadda oo maalmihii dambe lagu eedee nayey in cunto xumo iyo dhadhaqan la’aan ay aa hadda ku jirto xaalad halis ah maadaama ay fara ha lasii gashay waxyaabo kiciyey carada dad ka Muslimiinta ah ee ku sugan Sacuudiga.

Maqaayadda ayaa marka laga raadiyo Googlaha waxaa dadka usoo baxayo inay xiran tahay taasoo la sheegay inay ka dhalatay kac doonka ay internet-ka sameeyeen dadka Sacuudi yaanka ah. Laakiin waxaa kale oo laga yaabaa inay sabab u tahay amar ka soo baxay maamulka Sucuudiga, inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo deg deg ah, haddana qaar ka mid ah warbaahinta gobolka ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee Jeddah uu qaatay go’aanka lagu xirayo maqaa yadda.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegantay iyadoo Boqortooyada Sucuudigu ay sannadihii u dambee yey kordhisay dadaallada ay ku doonayso inay ku soo jiidato dalxiisayaasha ajaanibka ah, gaar ahaan kuwa reer Galbeedka ah, si ay u tagaan go obaha dalka gudihiisa ah. Mid ka mid ah meelaha soo jiidashada leh ayaa ah xeebta Jeddah oo ay ku taalo maqaayadan muranka dhalisay.

Waa tusaalihii ugu dambeeyay ee walaaca ku saabsan xiisadaha bulshada ee ka dhashay iska hor imaadka u dhexeeya qiyamka bulshada Isl aamka ee Sacuudiga u dhashay iyo waaga cusub ee uu Maxamed Bin Salman rabo inuu geliyo dal kaas si loo dhiirageliyo dalxiisayaasha.



Maraakiibta Yurub oo si sharci darro ah uga kalluumeystay Badweynta Hindiya oo ay ku jirto Soomaaliya 

Maraakiibta kalluumeysiga ee Yurub ayaa si sharci darro ah uga jilaabtay kalluunka tunaha ee ku jira Badweynta Hindiya, sida lagu sheegay baa ritaan la sameeyay oo khubaradu ay falanqe eyeen. Labo baa ritaan ayaa lagu sa me yay kalluumeysi ga Badweynta Hind iya, mid waxaa sam eysay kooxda Oce an Mind, halka mida kalena ay sameysay hay 'adda samafalka Blue Ma rine Foundation oo ay weheliso shirka dda Kroll.

Agaasimaha fulinta ee Blue Marine Foundation Charles Clover, ayaa sheegay in caddeymaha iyo warbixinta ay muuji nayaan in maraakiibka Mido wga Yurub ay kallu umeysiga sharci darrada ka sameyeen biyaha waddamada Soomaaliya, India, Mozambique iyo dalalka kale ee ku teedsan xeebaha badweynta India. Maraakiibta sameeyay kalluume ysiga sha rci darrada ah ayaa ah Seine (Waa no oc leh shaba agta waaweyn) ee ku su gan biyaha xee baha ba dweynta Hindiya, waxaana ay xaalufiyiin noocy ada kallunka sida skipjack, bieye & yellowfin tuna.

Maraakiibta kalluumeysiga sameysay ayaan wax sharciyad ah u heysan in ay ka kalluumeyst aan biyaha xeebaha Badweynta Hindiya, sida ay sheegtay hay’adda Blue Marine Foundation.

Hay’adda Blue Marine Foundation ayaa warbixint eeda ku xustay in maraakiibta jilaabtay Tunada ee laga leeyahay dalka Spain ay ka kalluumeyst een biyaha Soomaaliya intii u dhaxeysay sannadi hii 2017-18 iyo dalka Hindiya oo ay ka kalluumey staan intii u dhaxeysay sannadihii 2018-19, balse dowladda Spain wali kama aysan jawaabin eeda ha loo jeediyay.

Warbixinta labaad ee hay’adda Blue Marine Fo undation iyo shrikadda Kroll, ayaa baartay xogta laga helay software-ka ilaalinta maraakiibta ee loo yaqaan The automatic identification system (AIS), waxayna ogaadeen in maraakiibta joogtay gobol ka qaarkood ay damiyeen aaladaasi, taas oo noq on karta calaamad muujinaysa kalluumeysiga aan loo heysan fasaxa ama sharci darrada ah.

Cadaadis xooggan ayaa lagu haya kalluunka Tuunada, iyadoo ay sii kordhayaan maraakiibka kalluumeysiga warshadeysan ee xaalufinta ku ha ya kalluunka Tunada, taas oo horseedi karta in ka lluunka Tunada uu dabar go’, saynisyahannadu ayaa arrintaaso ka digay.

Hay’adda Europêche oo iska fogeysay eedaha kalluumeysiga sharci darrada.

Europêche ayaa ah wakiilka kalluumaysatada Midowga Yurub. Waxaana ay wakiil ka tahay ilaa 45,000 oo markab ah, 80,000 oo kalluumaysato ah oo ay xubno ka yihiin 16 urur oo ka kala socda 10 wadan oo Yurub ah.

Xeel-dheerayaasha iyo dadka xog-ogaalka u ah arrimaha shatiyada ayaa xaqiijiyay in maraa kiibta Midowga Yurub aysan wax shati ah u hays an inay ka kalluumeystaan biyaha Soomaaliya tan iyo 2013. Hay’adda Blue Marine Foundation ayaa dhi naca kale sheegtay in mas’uuliyiinta dalka India ay sidoo kale xaqiijiyeen in aysan wax ruqsad ah siinin maraakiibta Midowga Yurub.

Europeche ayaa ku andacooneysa in aysan jirin wax kalluumaysi ah oo maraakiibta Midowga Yurub ay ka sameyaan biyo xeebeetyada dowlad daha iyagoo aan heysan wax shati ah, balse hay ’addaha warbixinta soo saaray ayaa Europeche ka codsaday in ay keenaan heshiis kalluumeysi oo ay la galeen dowladdaha Soomaaliya iyo India.

Waxaa xooggan caddaymo muujinaya in qaar ka

mid ah maraakiibtaas ay ka kalluumaystaan biya ha xeebaha Indian Ocean iyaga oo aan hay

san wax oggolaansho ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip