Macsalaama Manuel! Jamaahiirta Man City Oo Dhabarka U Jeediyay Pellegrini Xilli Uu Macsalaameeyay Garoon Faaruq Ah. (Daawo Sawirrada)

0
Monday May 09, 2016 - 08:50:51 in Sports News by
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macsalaama Manuel! Jamaahiirta Man City Oo Dhabarka U Jeediyay Pellegrini Xilli Uu Macsalaameeyay Garoon Faaruq Ah. (Daawo Sawirrada)

    Jamaahiirta Manchester City ayaa dhabarka xijiyay tababarahooda ka tagaya Manuel Pellegrini isagoo macsalaameeyay Etihad Stadium ka dib seddex sanno uu joogay kooxda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaahiirta Manchester City ayaa dhabarka xijiyay tababarahooda ka tagaya Manuel Pellegrini isagoo macsalaameeyay Etihad Stadium ka dib seddex sanno uu joogay kooxda.

Pellegrini ayaa lagu qasbay inuu hadal macsalaameyn ah u jeediyo in ka yar shan kun taageerayaal ah ka dib markii jamaahiirta City ay ugaga baxeen garoonka markii uu soo dhamaaday kulankii ay barbaraha la galeen Arsenal.

Garoonka Etihad Stadum ayaa buuxay markii ay ciyaarta socotay iyadoo ay soo xaadireen 54,425 taageerayaal ah, laakiin jamaahiirta City ayaa u degdegay inay garoonka ka baxaan ka dib seerigii ugu danbeeyay taasoo keentay ceeb ah inuu Pellegrini la hadlo garoonka inta badan faaruq ah.

Manchester-City-v-Arsenal123456

Pellegrini ayaa loo soo bandhigay fursad ah inuusan wax hadal macsalaameyn ah ka dhex jeedinin garoonka laakiin waxa uu ku adkeystay inuu sameeyo inkastoo inta badan jamaahiirta City ay isaga baxeen garoonka.

Markii la weydiiyay haddii uu ka xumaaday in taageerayaal aad u yar ay ku negaadeen Etihad Stadium kulankiisii ugu danbeysay ee garoonka isagoo tababare City ah, Pellegrini ayaa si diblumaasiyad ah u hadlay kana gaabsaday su’aasha.

"Waxaan ka xumaaday inaanan badinin kulankaan” ayuu yiri Pellegrini.

"Inaan ku guuleysano seddexda dhibcood ayaa noqon laheyd hab aad u fiican oo la isku macsalaameeyo.

"Waxaan halkaan ku qaatay seddex sanno oo lama ilaawaan ah, mana doonayo inaan waqti xaadirkaan qiimeyn ku sameeyo. Waxaan taas sameyn karnaa axada soo socota.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip