Thierry Henry Oo Ku Weeraray Joe Hart Inuu Qosol Ka Dhigtay Qaladkii Uu Sameeyay Gael Clichy Ee Keentay Goolkii Arsenal.

0
Monday May 09, 2016 - 08:48:32 in Sports News by
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Thierry Henry Oo Ku Weeraray Joe Hart Inuu Qosol Ka Dhigtay Qaladkii Uu Sameeyay Gael Clichy Ee Keentay Goolkii Arsenal.

    Thierry Henry ayaa ku dhaleeceeyay goolhaye Joe Hart inuu qosol ka dhigtay qalad difaac oo ay kooxdiisa sameysay taasoo keentay in Manchester gool laga dhaliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Thierry Henry ayaa ku dhaleeceeyay goolhaye Joe Hart inuu qosol ka dhigtay qalad difaac oo ay kooxdiisa sameysay taasoo keentay in Manchester gool laga dhaliyo.

Wax yar ka dib markii Sergio Aguero uu hogaanka u dhiibay Man City kulankii Arsenal, daafaca Gael Clichy ayaa isku dayay inuu kubad karoos ah uu soo dhigay Oliver Giroud madax ugu baaso Joe Hart.

Si kastaba, daafaca Faransiiska ayaa qalday kubadii uu u celi islahaa Hart, waxaana ay kubada ku dhacday birta ka hor inta aysan koone u bixin.

Kaamirada ayaana qabatay goolhayaha Man City oo ku qoslaya qaladkaas, laakiin qosolkiisa waxaa durbadiiba tirtiray Oliver Giroud oo madax ku dhaliyay koornadii ay qaladkaas keentay.

Manchester-City-v-Arsenal

Isagoo ka hadlayay goolkaas, qabiirka Sky Sports ayaa yiri: "Waa inaad wax badan ku amaanto Arsenal. Giroud dareenkiisa wuu taagnaa, wuxuuna soo karoosay kubada laakiin waa inaad la yaabto sababta uu Clichy isagu dayay inuu kubada dib ugu celiyo Joe Hart.

"Ma fahmi karo runtii. Wuxuu isdhigay xaalad ay Arsenal ku heshay kooner oo ay malaha gool ku dhaliso.

"Falcelinta Joe Hart ayaan la yaabay – waa maxay sababta aad u qosleyso? Waa maxay sababta aad u qosleyso? Waxaad siisay kooxda kale kooner raqiis ah.

"Waxaad arki kartaa Hart oo dhahaya ‘Bixi, bixi’. Si uu Clichy kubada u bixiyo, laakiin waxa uu isku dayay inuu qatar iska dhigo.

"Laakiin waxaan ku xaqiijin karaa, waxaan la soo ciyaaray Jen Lehmann haddii aad sidaas ku sameyso isaga waxa uu kaaga dhegayaa kuleetiga iyo qoorta waxaana uu ku sheegayaa waxa uu ka aaminsan yahay.

"Maxaana ka dib? Gool ayay dhaliyeen. Waan ognahay Giroud ma uusan dhalinin gool 15 kulan laakiin kubad madaxeyntiisa waa waxa uu ku fiican yahay.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip