HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 28-KA MAY 2022-KA

0
Saturday May 28, 2022 - 08:44:03 in Wararka by
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 28-KA MAY 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xildhibaan Mahad Salaad oo loo magacaabay agaasim aha hay'adda nabad sugida ee NISA

Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa meel mariyay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugida iyo sir doonka Soomaaliya ee NISA oo loo magacaabay xildh ibaan Mahad Maxamed Salaad.

Warsaxaafaddeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaa raha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabidda aga asimaha nabad sugida ay ahayd soo jeedin katimid was iirka amniga Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa sidaas ku waayay xubintii xildhib aanimo ee golaha barlamaanka, maadaama dastuurka Soo maaliya uusan ogolaanayn in qof katirsan barlamaanka uu qabto xil aan ka ahayn wasiir.

Agaasimaha nabad sugida ayaa kamid ahaa masuuliy iintii ku eedeeynayay hay’adda NISA inay ka dambeyso dilkii Ikraan Tahliil Warsame.

Lama oga waxa ay magacaabidiisa ka beddeli karto in la helo ciddii ka dambeysay dilka Ikraan Tahliil oo kadibna caddaalada la horkeeno.

Mahad Salaad wuxuu kamid yahay saaxiibada dhow ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna ahaa xidlhibaannadii mucaaradka ugu adag ku ahaa dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay xubno cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu saddex xubnood ugu magacaabay La taliyeyaal Madaxwe yne.

Madaxweynaha ayaa Ibraahim Iidle Suleymaan u magacaabay inuu noqdo La taliyihiisa Dhanka Sharciga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Sakariye Xas an Cali (Gaashaan) u magacaabay inuu noqdo La taliyihi isa Siyaasadda & Xiriirka Baarlamaanka ee Xafiiska Madaxweynaha

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xasan Aadan Hoosow u xushay inuu noqdo La taliyihiisa Dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay xilal sarsare oo Hay’adaha Dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.

Hanti-dhawraha oo su’aalo weydiiyey wasiirka uu R/W Rooble shaqada ka joojiyay

Xubno ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa Shalay la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cab disaciid Muuse Cali ee dhawaan shaqada uu ka joojiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore ugu eedeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku takrifal awoodeed markii uu ku sameynayay shaqo jooj inta

Kulanka Cabdisaciid iyo xubnaha ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dalbaday in Hanti-dhawrka iyo Hay’a ddaha amnigu ay baaritaan ku sameeyan tallaabooyinka Wasiirka, gaar ahaan fasaxida Markab siday dhuxul sharci daro ah

Wasiirka shaqada laga joojiyay ayaa dhankiisa xaqiijiyay kulankaan, isaga oo qoraal uu soo saaray ku yiri "Shalay waxaan kulanay xubno ka socda Xafiiska Hanti dhawrka Guud ee Qaranka. Waxaa ka wada-hadalnay sida ay wax u jiraan. Waxaana ka warsugaynaa wixii ka soo ba xa.”

24-kii bishaan ayay aheyd markii uu Ra’iisul Wasaar Rooble shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda, sidoo kalena uu baabi’iyey warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka Cumaan.

Arrimahaan ayaa imanaya kadib markii uu Rooble sharci darro ku tilmaamay shaqaalaha Wasaaradda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday laga soo bilaabo kowdii Ja naayo 2022, uuna amray in shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay lacagtii ka timid Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kula kulmay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Cara bta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Imaaraadka Carabta iyo Danjire Maxamed Al Cusmaan u ga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaa liyeed ee ay saameeyeen abaar aha, gaar ahaan deeqda lacageed ay Shalay ku wareejiyeen dowl adda Federaalka Soomaaliya, taas oo gaaraysa 9.6 Milyan Doolar.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Ergey Gaar ah oo qaabilsan arrimaha Gur madka Abaaraha, taas oo ka turjumeysa sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta hannaan daahfuran oo deeqaha Caalamiga ah lagu gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero buuxda u fidiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo xilligan la halgamaya daruufo adag oo ay sababeen isbedelka Cimillada. Waxa uuna Alle uga baryey Ummadda Soomaaliyeed in uu ka dulqaado dhibaatooyinka.

ROOBLE oo madaxweyne Xasan u jeediyay fulinta arrin uu ku fashilmay Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb-galay munaasibad lagu abaal-marinay ay guddiyadii iyo howl-wadeenadii doorashada ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u jeediyay inuu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in markale dalka dib loogu celiyo doora shadii dadbaneyd ee dhibka badan iyo caqabadaha horta leh uu kasoo maray. "Madaxweyne Xasan waxaa ka sugeyna doorasho qof iyo cod ah oo aan dib loogu noqon dhibkii lasoo maray ee ahaa doorasho dadban, waxaa Ilaahay ka baryaya in uu dib noogu soo celin doorasho dadban,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyay inay joogteeyan ducada madaxda Qaranka ay la garab taagan yihiin si dalkeena ugu horseedan horumar iyo xasilooni amni.

"Ilaahay SWT ayaa mahad iska leh, oo duruuf kasta oo adag nasoo dhaafay, haddii aan Alle u mahad-celin dham aanteen meesha aan Shalay gaarnay iyo meesha u socono ma gaari doono, Ilaahay waxaa leeyahay mahads anid dhibka aad naga saartay.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in xiligaan xaalada guud ee dalka ay dagan tahay hadey dhan siyaasadeed iyo amni ay tahay, isaga oo madaxw eynaha cusub uga barya ya Alle in uu xilka u fudu deeyo.

"Madaxda dalka howsheeni ayay wadaan oo waxay gacanta ku hayaan hantideeni, amnigeeni iyo siyaasadeeni marka haddii aan loo duceyn iyaga wey rafaadayan ana gana waa khasaarayna, markaas aan u duceyno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khadka Telefoon ka Kula Hadlay Xoghayaha Jaamacadda Carabta

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd ayaa waxaa uu khamiistii Dorraad aheyd kulan khadka Telefoonka kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Xogheynta Ururka Jaamacad da Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in Xoghaye Axmed uu Xasan Sheekh ugu hambalyeeyey xilka Madaxweynaha ee loo doortay 15-dii May iyo sida nabadda ee ay doorashadii Madaxtinimada Soomaal iya ku dhacday.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu sheegay inuu aqbalay casuumaada loo fidiyey ee uu kaga qeyb geli doono Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhaceysa Magaalada Muqdisho. idoo kale Axmed Abul Qeyd ayaa waxaa uu Madaxw eynaha u ballanqaaday in Ururka Jaa macadda Carabta garab taagan yihiin dowladda Federalka Soomaaliya, isla markaana ay taageero buuxaan ka gey san doonaan Dega naansha, Horumarka iyo Dib-u-dhiska Dhaqaalaha iyo Kaa bayaasha Asaasiga ee Soomaaliya.Si kastaba Munaasab adda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inay 9-ka bisha soo socota ee June ka dhacdo Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb geli doona Madax kala duwan oo aad u faraban.

Duqa Muqdisho & Duqa Magaalada Konyo oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Ma gaalada Muqdisho Cumar Maxa mud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga MR.ibrahim uğur altay ayaa si wadajir ah u wada saxiixay he shiis la xariira Walaaleynta iyo Iskashiga Labada Magaalo.

labada dhinac ayaa sidoo kale waxaa ay iska kaashan doonaan Sagaal qodob oo muhiim u ah dhaqangalinta heshiiskan, kuwaas oo kala ah.

1. Maareynta qashinka iyo warsh adeyntiisa

2. Gaadiidka Dadweynaha noocyadi isa kala duwan (Public transportation ).

3. Qorsheynta Magaalada iyo hagaajinta nidaamka adress yada Magaalada guud ahaan. (urban planning and adre ssing system )

4. Diiwaan galinta dadweynaha (Civic registration ) .

5. Tababaradda

6. Dalxiiska

7. Isboortiga noocyadiisa kala duwan

8. Dhaqanka iyo

9. Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure ) .

Xasan Sheekh oo sameeyay ballan-qaad la xiriira 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasibad ka dhacday maga alada Muqdisho ayaa sheegay inay ka go’an tahay in marka uu dhamaado muddo xileedkiisa 2026-ka ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan ayaa ka codsaday madaxda iyo bulshada Soomaaliyeed inay kala shaqeeyan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho awooda ku celinaysa shacabka, islamarkaana aan dib loogu noqon teendhada.

"Hadafka u weyn ee aan leeyahay weeyi in aan ka gudubno doo rashada dadban. Ilaahay idinkii waa in aan afar sano kadib aan u noqon hangarkii iyo meelo lamid ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xas an Sheekh Maxamuud.

"Ballanteena waxay tahay 2026 in aan loo noqon tee ndhadii oo waa ka shaqeynayna inay taas dhacdo, wax aana dadka Soomaaliyeed ka codsanaya inay nagu garab istaagan oo ay nagu taageeran in aan gaarno meeshaas oo ilaashano sharafteen iyo karaamadeena.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in la gaaray xiligii tallada dalka gacanta awooda shacabka loogu celin lahaa, sidaas darteedna inta uu jooga xafiiska uu ka shaqeyn doono oo dadaal badan uu ku bixin doono hirgelinteeda.

Ugu dambeyntiina waxa uu si weyn uga mahad-celiyay gud diyadii kala duwana ee doorashooyinka, kuwaasi oo marxalada Shalay dalka uu soo gaaray horseed u ah, taasi oo uu ku hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha dalka.

DFS oo Bangiga Adduunka & IMF kala hadashay bilaabida lacagihii laga joojiyay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Feder aalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Shalay oo Jimce ah shir gud doomiyay kulanka wadajirka ah ee Ban giga Adduunka iyo IMF.

Shirka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen habka ugu sahlan ee Dowladda Soomaaliya ku heli lah eyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo dhaafay la joojiyay.

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayay qabsoomida shirka ayaa yiri’ Waxaa kale oo aan diiradda saarnay sii wadidda isbaddalka Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga gudaha oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya. Ugu dambeyn Wasiir Beyle aya u mahad celiyay Madaxda Bangiga Adduunka iyo IMF oo gacan ka geysanaya hour marka iyo kor u kaca dhaqaalaha Soomaaliya kalana Shaqeynaya howlaha deyn cafinta.


Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Midowga Yurub Kala Hadla Taageerada Amniga Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soom aaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah Xafiiskiisa kula qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Max amed Xuseen Rooble dhame ystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo DFS, wuxuuna Rooble uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Dorraad ayey aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber, iyagoona ka wada hadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa dowladda Federaalka ka taageera dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, tababarada Ciidamada, Amniga iyo shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalka.

Ciidanka Danab oo gobolka shabeelada dhexe ku qabtay xubno katirsan Al-shabab iyo qalab kale

Ciidanka Dana bee Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa degaanka War-ciise ka fuliyay howlgal qorsheeysan ,kaasi oo lagu dilay maleeshiyaad Al-Shabaab ah,isla markaana lagu lagu soo qabtay qaar kale oo ka mid ah kooxdaasi

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen:Odowaa Yuusuf Raage, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada xoogga ay dileen maleeshiyaad gaaraya 7-ruux,isla markaana ay argagixisada ka soo furteen hub iyo gaari noociisu yahay Hoomey oo ay adeegsan jireen kooxdaasi.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortagga dhagarta argagixisada ay u soo maleegayaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed

Howlgalka ayaa waxaa khasaare xoogan lagu gaarsiiyay nabadiidka, iyadoo laga gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka War Ciise sida saldhigii maxkamad beenaadki ay ku dhibaateeyn jireen dadka shacabka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay hindisaha shaqo abuur qaran iyo hindisaha qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kul may qa ar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sha aciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto hortebinta koowaad Hind isaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyar adu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoraynta dalkeenna.

"Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yih iin in ka badan 70%. Waxa ay aasaas u yihiin dowla dnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bul shada. si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dalka, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyey in ay hormuud u noqdaan hal-abuurka iyo hirgelinta qorsheyaasha kobcinta dhaqaalaha dalka, si xal waara loogu helo caqabadaha waaweyn ee haysta dalkee nna iyo dadkeenna.

Senator Kamid Aheyd Baarlamaanka Soomaaliya Oo Shalay Ku Geeriyootay

Waxaa Shalay oo khamiis ah Isbitaal ku yaalla Mag aalada Heydarabad ee dalka Hindiya ku geeriyootay Sanatar hore Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid ahayd Sena torada Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka Soom aaliya. Marxuumad Jawaahir Axmed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku yaalla Mag aalada Heydarabad oo Shalay xanuunkii haayay ay ugu gee riyootay halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdeeda Caa fimaad.

Geerida Senator hore Jawaahir Axmed ayaa waxaa xa qiijiyay qaar kamid ah Eheladeeda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana geerida ka tacsiyeeyay Xildhibaano ka tirsna labada Aqal ee Baarlamaanka, iyagoo Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ka mid aheyd Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhawaan xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya oo ay Shalay ku dhimatay.

Muddo Kordhin Loo Sameeyay Howlgalka Qara mada Midoobay Ee Kaalmada Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa me el-mariyay qaraar muddo xileedka Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loogu kordhiyay, kadib markii ay si wadajir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee Golaha.

Muddo xileedka shaqada Xafiiska Howlgalka Kaalmeynta ayaa waxaa lagu daray shan bilood, waxaana shaqada Xafiiska ay sii soconeysaa illaa 31 bisha Octoober 2022, sida 15-ka xubnood ee Golaha ku ansixiyeen qaraar tirsigiisu yahay 2632.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Xoghaye Antonio Guterres ka dalbaday inuu wad atashi la sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya, si dib u eegis loogu sameeyo shaqada Xafiiska UNSOM ee Mag aalada Muqdisho.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gut erres ayaa waxaa kaloo ay Golaha ugu baaqeen inuu Gol aha si joogto ah ula socodsiiyo meel marinta qaraarkan muddo krdhinta loogu sameeyay Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Nabadoon caan ah oo Xalay lagu dilay Magaa lada Baladweyne

Kooxa hubeeysan ayaa Xalay magaalada Baladweyne ku dilay Nabadoon Cali Macalin Maxamuud (Cali dheere) oo kamid ahaa Waxgaradka aadka looga yaqiinay mag aalada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Marxuumka ayaa kamid ahaa Nabadoonadii soo xulay ergadii soo dooratay xildhibaan Cabdul laahi Sambalooshe doorashadii dhow aan ka dhacday magaalada Baladw eyne.

Lama oga cidda ka dambeysa dilkiisa, inkastoo Alshabaab ay bartilmeemeed u yihiin qof kasta oo ka qeyb qaata doorashada Soomaaliya.

15 kii bishaan ayay ahayd markii magaalada Baladweyne lagu dilay allaha u naxariisto Bashiir Maxamed Geeddi oo katirsanaa Ergadi dooratay kursiga tirsigiisu yahay HOP 058.

Weli laamaha amnigu kama hadlin dilka nabadoonka Xalay lagu dilay magaalada Baladweyne. Iyadoo horey magaalada Baladweyne ugasoo kabanaysay qaraxyadii lagu laayay masuuliyiinta dowladdeed.

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa meelo kamid ah dalkaas waxaa ay kudileen Wiil Dhalinyaro Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Dhalinyarada dalkaasi u tegay inay ka Shaqeystaan.

Alle Ha u Naxariistee muwaadinka Soomaa liyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdicasiis Axmed Siciid, ayaa lagu Toogtay Xaafadda South Gate oo ka tirsan Magaalada Johann esburg ee dalkaasi Koonfur Afrika, ka dib markii Burcad hubaysan ay ku weerareen Dukaankiisa.

Mid kamid ah Soomaalida kunool halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in ka sokow muwaadinka Soomaaliga ah ee la dilay ay jireen laba kale oo si dirqi ah kaga badbaaday weerarkaas.

"Dkaanka ayuu ku jiray, Tuugada markay soo gashay Dukaanka, kadibna si hal-haleel ah ayey isaga xabadda u gu bilaabeen, dhaawac halis ahaa gaaray, isla markiiba intaan Isbitaalka la gaarsiinin ayey Nafta ka baxda, Laba Wiil oo la joogtayna midna wuu cararay kii kalana way qab teen balse waxba ma gaarsiinin” ayuu yiri mid kamida Soo maalida ku sugneyd Goobta.

Alle ha u Naxariistee Cabdicasiis Axmed Siciidayaa kamid ahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhowr iyo To ban Sano deganaa Dalka Koonfur Afrika, waxaana Burcad da ka dambeeyay dilkiisa ay wateen Gawaari badan si ay wax ugu dhacaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogta ah loogu dilaa Soomaalida, waxaana todobaadkaan Kooxaha Burcadda ah ay dhac u geysteen Goobo Ganacsi oo dhowr ah, ku waas oo ay lahaayeen Dhalinyaro Soomaaliyeed.

Wareysi: Gaas oo ka hadlay ra’iisul wasaaraha ay tahay inuu soo xulo Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay Ra’iisul Wasaa raha cusub ee laga rabo in uu soo magacaabo madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Ra’ iisul Wasaaraha cusub lagu xusho la bo arrin oo kala ah; In uu qaban karo shaqada loo igmanayo iyo in uu si wanaagsan ula shaqeyn karo mada xweyne Xasan.

"Madaxweynaha cusub wax badan waa ogayahy oo dalkaan afar sano iyo xooga ayuu soo maamulayay, marka uu ogyahay jihada uu rabo in dalka uu u jeediyo. Waxaa loo baahan yahay Ra’iisul Wasaare shaqeyn kara oo wad anka meesha uu jooga ka qaada oo meesha uu istihaalo geeya, isagana la shaqeyn kara,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku dooday inaysan muhiimad gaar ah laheyn deegaanka uu kasoo jeedo qofka loo magac aabayo Ra’iisul Wasaaraha, xili saami-qeybsiga xilalka dal keen uu yahay hab beeleed.

"Xasan hadda khibrada waa u leeyahay dadka uu soo xu shay waxay isku maan-dhaafeen, marka waa in uu soo magacaabo qof uu ogyahay in shaqo uu la qaban karo oo is-fahamsan yihiin.”

"Ra’iisul Wasaaraha la magacaabayo waxa u muhiim san ee horyaalla waa amniga iyo socodsiinta howlaha kale ee horyaalla ee kamid yihiin dhameystirka Dastuurka, hab federaalka iyo arrimaha siyaasada ee dalka.”

Cabdiweli Gaas ayaa ugu dambeyntiina kula taliyay mada xweyne Xasan in uu si aad ah uga fiirsado shaqsiga uu xi lka Ra’iisul Wasaaraha usoo magacaabay, si aysan caq abad ugu noqon geedi socodka horumarka dalka.

Madaxweyen Xasan oo sheegay ‘arrin dhif iyo na adir ah’ oo ay tahay in looga daysado ROOBLE

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashada oo uu kala soo dabaashay caqabado hor leh

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in bulshada Soo maaliyeed ay abaal uga hayso Ra’iisul Wasaare Rooble ho wsha uu qabtay oo aysan dan gaar ah ugu jirin, islam arkaana ay tahay in looga daydo tallaabadaas naf hurida ah ee dalka bad-baadisay.

"Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa lee yahay Allaha ajar iyo xasanaad ha ka siiyo, magac iyo karaamo ku muteyso doorasho ayuu sameeyay aysan dan ugu jirin oo isaga uu muraad ka lah eyn, Shalay waxa uu diyaar u yahay in muwaadin Soo maaliyeed inuu dadkiisa sharaf iyo karaamo ku dhex noolaado inuu noqdo,” ayuu yiri.

"Waa tusaale mudan in lagu daysado oo ah in madaxa lagu hayo dadkaas noocaas ah ee danta umadda Soom aaliyeed ay wadi karaan oo ayagu aan dan ka dhex laheyn waa in aan ogaano oo meel noogu qornaadan, cidkasta oo danta umadda usoo istaagta oo muujisa inaysan dan ka dhex laheyn waa in umadda ogaado oo meel lagu qorto.”

Waxa kale oo xusid mudan intii uu Rooble ku jiray howlaha doorashooyinka uu halis galay amnigiisa, hase yeeshe u dhabar adeygay marxalad iyo culeys kasta oo kusoo wajahay dhameystirka doorashada.

Si kastaba, Go’aankii uu qaatay Rooble iyo dadaalka uu galiyay in lasoo afmeero doorashada Soomaaliya ee daahday, isaga oo aan wax dan gaar ah ka laheyn ayaa ah tallaabo dhib iyo naadir ku ah in lagu arko siyaasadda Soomaaliya ee daneysiga ah, waana mid bogaadin mudan.

Wasiirka Awqaafta XFS oo boqday Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jiddah

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Cu mar Cali Rooble ayaa booqday Xarunta Qunsuliyadda Soo maalliya ee magaalada Jiddah,halkaas oo uu kula kulmay maamulka xaruntaasi.

Wasiirka iyo ,waxaa xaruntaasi ku soo dhoweeyay Qunsulka Guud ee Safaar adda Soomaalia ee Jidah ee dalka Sacu udiga Axmed Maxamuud Diiriye iyo madax kale.

Dhinacyadaasi,waxa ay ka wadahadleen sidii loo maareynta lahaa xujeyda Soomaalida,isla markaa loogu fududeyn lahaa howlaha la xiriira adeegyada ay u baahan yihiin

Wasiirka Difaaca XFS oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay Tansaaniya

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS , Ca bdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo gabagabeeyay bo oqasho 3-cisho ah oo uu ku tagay dalka Tansaaniya.

Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Tansaaniya Cabdi Wali Jibriil Xasan,ayaa warbaahinta Qaraanka u sheegay in booqashada wasiirka ay la xiriirtay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaalkiya iyo Tansaaniya.

Wasiirka Difaaca Dowladda Soomaa liya ayaa intii uu ku sugnaa dal kaasi,waxa uu u kurgalay qaabka ay u socdaan howlaha safaaradda iyo adeegyada kale ee loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wasiirka XFS,waxa uu la kulmay wasiirka ade egga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence.

Safiirka Mareykanka oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay hoggaamiye qaran

Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Larry André ayaa Mad axweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay inuu ya hay hoggaamiye qaran, kaasoo sida uu yiri aragti leh, isla-markaana garanaya sida koox loo hoggaamiyo, ayna ka go’an tahay in mustaqbal wanaagsan uu u horseedo Somaliya

"Waxaa sharaf ii ahayd inaan la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu musharaxa ahaa, waxaana gor feyn ku yeelanay Safaaradda, waxa uuna iiga waramay aragtiisa dalka iyo waxa uu doonayo inuu hanto, isaga oo metelaya shacabka Sooma aliyeed. Muhiimad ayuu siinaayay inuu wadar ogol wax ku maamulo iyo in xiriir xoogan oo guuleysto oo dhinacyada ka wada faa’iideysan uu dhex maro Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, si ay wadajir horumar ugu sa meeyaan, haddii ay tahay dhinacyada amniga, wax ka qab ashada qalalaasaha daran ee bani’aadanimada ee abaartu sababtay, sii wadista howshii Madaxweyne Farmaajo ka qabtay dayn-cafinta, xiriirka hay’adaha dhaqaalaha ee caa lamiga ah iyo sii wadista hannankaasi, si ay mashiin ugu noqoto kobaca dhaqaale.” Ayuu yiri Safiirka oo wareysi siiyay VOA.

Safiirka ayaa yiri "Waxay sidoo kale ay ka dhigan tahay sii wadista dhammaan wixii horumar ah ee laga gaaray dhinaca maamulka, dhameystirka dastuurka, in si hufan loo qeexo Federaalka Somaliya, marka ay noqoto doorka iyo masuuliyadaha gobolada iyo Dowladda Federaalka. Waxa uu si bayaansan uga hadlay sida uu u doonayo inuu wax ku maamulo, qaab la isla wada ogolyahay iyo inuu haga ajiyo nolosha dadka Soomaaliyeed. Taasi waxa ay ahayd markii uu musharaxa ahaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri "Illaa iyo intii ay do orashada dhacdayna waxaan arkay laba jeer, waxaana uu hadda faah faahin dheeraad ah uu ka bixinaya qorshey aashiisa, dabcan waxaa uu ku jiraa marxaladdii dowlad dhi sidda, isagoo ka fekeraya dadkii ku soo biiri lahaa, si ay nolol fiican ugu abuuraan dhammaan Soomaalida. Waxaan dhahnaa xulashada shaqaaluhu waa siyaasad, waxaad sa meynaysaa go’aan siyaasadeed, hadda taas ayuu diiradda saarayaa.”

Waxa uu intaasi ku daray "Waan la dhacay inuu yahay hoggaamiye qaran oo leh khibrad, aragti, yaqaana sida koox loo hoggaamiyo, kuna dhiiran inuu mustaqbal wanaag san gaarsiiyo dhammaan dadka Soomaaliyeed.”

Mar Safiirka wax laga weydiiyay kalsoonida uu qabo inta ay le’egtahay ee ku aaddan in Madaxweynuhu uu dalka isu keeni karo, gaar ahaan xiriirka Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada iyo in dib u heshiisiin uu dalka ka hirgelinayo ayaa waxa uu muujiyay in ka hadalka taasi ay haatan xilli hore tahay.

"Dhab ahaan waa xilli hore, wax kastoo aan aragnay ama maqalnay illaa iyo haatan waa wax wanaagsan, waxa kaloo aan dhihi lahaa inuu Baarlamaankii jiro oo qaybtii sharci-dejintu ay soo laabato, waxayna muhiim u tahay horumarka, waa Baarlamaanka 11aad ee Somaliya, loona shaqeeyo hannaan ixtiraamaya doorka sharci-dejinta, howlo badanoo sharci-dejina oo sugaya in la eego ayaa jira. Waxaan la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, Aadan Madoobe, isaga qudhiisa waan la dhacay sidoo kale. Waa hoggaamiye-yaal khibrad leh oo yaqaana jihada ay wadanka u kaxeynayaan, oo ay ka ha dleen xilligii ay musharaxiinta ahaayeen, ayna haatan doorteen wakiilada ummadda Soomaaliyeed, doorashadii dadbaneed. Dhammaan waa sababo lagu niyad-samaado, laakiin waan arkaynaa waxa dhaca, marka dowladda la sameeyo, waana arkaynaa marka ay dowladaasi bilowdo inay wax-qabad ula timaado ummadda Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Larry André, Safiirka Mareykanka ee dalka. Dan jire André ayaa xusay in Washington ay la shaqayn doonto Xukuumadda cusub iyo Baarlamaanka, ayna xiriir dhow la yeelanayaan Baarlamaanka, haddii in badan oo Xil dhibaanada ka mid ah ay yihiin kuwo cusub.

Waa kuma mahad salaad? – akhriso sooyaalkiisa nololeed

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo Shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasi madda Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA).

Taliyaha cusub ee hay’adda ayaa waxaa loo magacaabay Mahad Salaad Maxamed oo kamid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud.

Mahad Salaad oo sidoo kale ka mid ah xubnaha Baarlamaan ka Soomaaliya ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa mucaaradkii dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxam ed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba waa kuma Mahad salaad?

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sanaddii 1980-kii ku dhashay magaalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Taliyaha Cusub ayaa mar uu taariikhdiisa ka hadlayay waxaa uu sheegay in waxbarashadiisii dugsiyada hoose dhexe uu qeyb ka mid ah ku qaatay Soomaaliya halka qeyb-na uu ku qaatay dalka Kenya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in waxbarashadiisii dugsiga sare uu ku soo qaatay dalka Masar.

Mahad Salad ayaa waxbarashadiisii heer Jaamacadeed ku soo qaatya dalka Masar, isaga sidoo kale shaahaha Ma star-ka ku qaatay isla wadanka Masar.

Waayihii siyaasadda ee Mahad salad

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa siyaasada ku soo biiray sanaddii 2011-kii markaasi oo uu ka mid noqday xubnihii xisbigii PDP.

Sanaddii 2012 ayaa markii ugu horeysay loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa mar kale waxaa uu ka mid noqday golaha shacabka doorashadii sanaddii 2016.

Taliyaha cusub ee nabad sugida ayaa sanadkan markii sad dexaad ka mid noqday golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sanadii 2013 waxaa uu ka mid noqday golaha wasiirada isaga oo loo magacabay wasiir ku xigeenka arrimaha dib adda.

Waxaa uu sidoo kale Mahad maxamed Salaad uu xilligii dowladdii madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud uu mar noqday wasiiro dowlaha madaxtooyada.

Mahad Salaad ayaa 10 sano ee ugu dambeeysay ee uu siy aasadda ku jiray waxaa uu ahaa mid ka mid xildhibaanada ugu firfircon.

Waxaa intii uu xilka hayay madaxwayne Farmaajo uu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida wayn uga soo horjeeday. Wa xaa lagu xusuustaa in markii uu madaxwayne Farmaajo is ku dayay in uu muddo kororsi sameeyso uu ka mid ah dad kii horkacayay ciidamadii loo bixiyay "badbaado qaran”.

Waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad sidoo kale ka mid ah aa masuuliyiintii ka qeyb qaatay abaabulkii ciidan ee looga hortagayay xoogagga Ahlu-Suna ee Guriceel.

Faysal Cali Waraabe: U tagi mayno, horfadhiisan may no madaxweynaha

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu ka leexday nidaamkii doorashadu ku qabs oomi lahayd, isla markaana aanu cidna dhagaysanayn.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi hadalkiisa iyo ficil kiisu is burinayaan, oo uu leehay doorashadii waan qabanayaa, lakin uu burburinayo ha naankii doorashadu ku qabsoomi la hayd."Madaxweynuhu waxa uu leeyahay doorahadii waan qabanayaa, wuxu lee yahay waan idin baabiinayaa, wuxuu leeyahay koomiishankii ayaan baabiinayaa, waa waxan dalka hore loogu arag, wuu jiri jiray madaxweyne yidhaa muddo korodhsi ayaan doonayaa lakin lama arag ma daxweyne rukumadii doorashooyinku ku taagnaayeen ka saara meesha" ayuu yidhi Faysal.Faysal ayaa sheegay in kulankii u danbeeyay ee ay madaxweynaha la yeeshan uu madaxweynuhu waxba ka dhagaysan waayay oo ay u tageen isaga oo talo meel dhigtay, isla markaana uu ka dii day codsiyadii ay ula tageen."Heeb hore ayaanu u tagnay, habeen hore waxaanu helay madaxweynihii oo taladiisu meel taalo, oo kibir ku jiro, wuxuu yidhi koomishanka ka saari maayo dadka baadhaya, wuxuu yidhi urruro ayaad noqonaysaan, waxaanu ku nidhi taasi nama qabato" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in ka axsaab mucaarad ahaan ay joojiyeen, wadahadaladii u socday madaxweynaha isla markaana anay ka qayb galayn wadahadalada loo bal ansanyahay Sabtida "Waanu joojinay u tagi mayno hor dhafiisan mayno".

Faysal waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu markii hore diyaar u ahaa in uu doorashada qabto, lakiin uu is badalay kadib markii uu Cirsi Cali Xaaji Xasan noqday gud doomiyaha xisbiga Waddani, oo cadho uu Xirsi u qabo darteed uu urrurada u furayo.

Xaalado daran oo soo wajahay Shacabka degaan nadii ay ku dagaalameen Soomaalida & Canfarta

Xaalado daran ayaa laga soo sheegayaa galbeedka Gobolka Sitti ee degaanka Soomaalida, iyadoo shacabka ha lkaas ku dhaqani ay lasoo deristay xaalad abaareed oo saameyn ku yeelatay bulshada iyo dagaallo kaga imaanaya dhanka degaanka Canfarta.

Shacabka ku dhaqan galbeedka gobolka Sitti ayaa haatan wajahaya xaalad abaareed middii ugu darnayd, iyadoo dadkan oo markii horeba ay soo daashadeen colaadda Soo maalida iyo Canfarta, ayaa haddana waxaa ugu sii dars amay haraad iyo cunto yari ay keentay abaartu, taas oo haddii aan gurmad lala soo gaarin keeni karta dhimasho.

Dhinaca kale waxaa jira inay wali go’doon ku jira shacabka ku dhaqan magaalada Danlahelay iyo magaal ooyin kale, kuwaas oo ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Canfarta, mana jiro wax biyo iyo baad ah oo la gaarsiiyay dadkaas go’doonsan, iyadoo lasoo sheegayo inay jiraan dad gaajo iyo haraad ugu dhintay, goobaha ay go’doom iyeen Canfartu.

Sidoo kale Shacabka ku dhaqan galbeedka Sitti ee deg aanka Soomaalida ayaa wajahaya xaalado daran, haddii aan lala soo gaarin gargaar bani adantinimo, iyadoo wali aysan jirin wax gargaar ah oo ooga yimaadda dhinaca dowlad degaanka Soomaalida.

Xukuumadda degaanka Soomaaliduna wali kamaysan hadlin xaaladahan daran ee ay ku sugan yihiin shacabka ku dhaqan galbeedka Sitti, iyadoo la xasuusan yahay in dhawaan un ahayd markii madaxda labada degaan ee Soo maalida iyo Canfartu ay Jigjiga ku kulmeen, balse kulan kaasi uusan wali joojin colaadda u dhaxaysa Soomaali iyo Canfar oo ah labo qowmiyadood oo deris ah.

Puntland oo Shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin dil geystay

Maxkamadda Derajada 1-aad ee Gobalka Mudug ee do wlad Goboleedka Puntland ayaa Shalay oo Khamiis ah dil Toogasho ku fulisay Jaamac Urur Faarax oo 7/1/2022 qof Shacab ahaa ku dilay degaanka bursaalax ee Gobolka Mudug.

Ninka dilka toogashada ah lagu fuliyay oo lagu Magacaabo Urur Faarax ayaa xilli Barqo ah waxaa uu kudilay Nin lagu Magacaabi jiray Feysal jaamac Garre, waxaana gac anta ku dhigay laamaha Amniga gobolka mudug.

Goobta lagu fuliyay xukunka dilka toog ashada ah ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidanka Booliska Gobalka Mudug, Masuuliyiinta maxkamadda Darejada 1aad ee Gobalka mudug & mas’uuliyiin kale.

Garsoore katirsan Maxkamadda Derajada 1-aad ee Gob alka Mudug ayaa sheegay in Jaamac Urur Faarax uu u ade egsaday dilka Feysal jaamac Garre tooreey uu 28 jeer kaga dhuftay qeybta sare ee jirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kadib bariis dheer oo la sameeyay ay Maxkamadda Derajada 1-aad ee Gobalka Mudug ay Shalay xukun dil toogasho ah ku riday acan ku dhiigle Jaamac Urur Faarax, isla markaana Shalay ugu dambeyn lagu fuliyay.Maxkamadda Derajada 1-aad ee Gobalka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay sidaan oo kale xukuno kala duwan ugu riday dad dilal & dhac u geystay dad Shacb ah.


Human Rights Watch Oo Madaxw Eynaha Soomaaliya Ugu Baaqday Inuu Dib U Eegis Ku Sameeyo Baaritaan Nada Shaqaalihii Caafim aad Ee Lagu Xasuuqay Golaley

Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay xasuuq lagu xas uuqay 8 ka mid ah shaqaale caafimaadka oo ka howlg alayay tuulada Golaley ee katirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Hay’adda udooda xuquuqda Aadanaha ee HRW ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku she egtay in baaritaannadii lagu sameeyay dilkan iyo kuwa kale oo dambeeyay oo dhacay sannadihii ugu dambee yay aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday inuu mudnaan ta koowaad siinayo dib u habeynta sharciga iyo gars oorka.

Human Rights Watch waxay ugu baaqday madax weynaha inuu ballanqaadkiisa ka bilaabo in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanada wali la sugayo ee ku saabsan xasuuqii xirladlayaashii caafi maad ee lagu xasuuqay Gololey.

Maajo 27, 2020, rag wejiyada soo duubtay oo afar kamid ah ay wateen dareeska ciidanka dawladda, ayaa toddobo shaqaale caafimaad ah ka afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay'ad aan dowli ahayn.

28-kii May, ayaa shaqaalahan meydadkooda laga helay meel ka baxsan tuulada Golaley, iyagoo ay jirkooda ka muuqatay rasaas aan loo Aabbe yeelin.

Muqdisho Oo Markii Ugu Horreysay Si Toos Ah Ugu Xirantay Qaaradda Yurub

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa soo afj artay duulimaadkeedii Istanbul-Jabuuti-Muqdisho ayada oo ku beddeshay laba duulimaad oo kala duwan oo kala ah; Istanbul-Muqdisho iyo Istanbul-Jabuuti.

Adeeggan oo dhowr toddobaad u socday si tijaabo ah, ayey Turkish Airlines sheegtay inuu hadda kadib yahay rasmi illaa amar dambe, taasi oo macnaheedu yahay in Soomaaliya ay hadda si toos ah ugu xiran tahay Yurub, markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano.

Garoonka Istanbul Airport ayaa ku yaalla dhinaca Yurub ee marinka Bosporus, wuxuuna sanadkii tegay ahaa ga roonka labaad ee ugu mashquulka badan ee ay maraan safrayaasha caalamiga ah, kadib garoonka Dubai oo kow ku jiray.

Intii uu socday Coronavirus, Turkish Airlines ayaa si ku-meel gaar ah isaga kala gooshi jirtay Muqdisho iyo Istanbul bilihii July illaa September 2021, balse wuxuu ahaa kaliya ku-meel gaar, waana la joojiyey.

Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Istanbul ayaa sidoo kale si kooban u jiray 2012-kii markii Turkish Airlines ay billowday duulimaadyadeeda Muqdisho.

Istanbul iyo Soomaaliya

Turkish Airlines waxay si toos ah uga shaqo billow day Soomaaliya 6-dii March 2012, ayada oo isaga kala gooshi jirtay garoonkii hore ee Atatürk iyo Muqdisho. Duulimaadkaas ayaa billowday toddoba bilood un kadib markii madaxweyne Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare uu booqday dalka markii ugu horreysay.

Waxay markii horey Muqdisho tegi jirtay laba maalin tod dobaadkii, ayada oo ku hakan jirta Khartoum, balse waxay kadib hakashada u wareejisay Jabuuti bishii August 2012. Duulimaadkaas ayaa soo socday illaa dhammaadkii March 2022, markaas oo kadib si ku-meel gaar ah loo joojiyey. Hadda waxay Turkish Airlines ay si toos ah isaga kala goosheysaa Istanbul iyo Muqdisho, taasi oo meesha ka saareysa ku dhowaad saacad dheeri ku ah eyd safarka, oo lagu hakan jiray Jabuuti. Halka dadku yi maadaan?

Xog laga helay shirkadda ayaa muujineysa in 49,000 oo qof ay isaga kala goosheen labada magaalo sanadii 019. Dadkaas ayaa badankood ka yimaada Yur ub, gaar ahaan UK, Sweden, Finland iyo Norway.

Tobanka garoon diyaaradeed ee ugu badan ee ay soo maraan dadka yimaada Istanbul ee ku socda Muqdisho ayaa kala ah.

1- London Heathrow

2- Stockholm Arlanda

3- Ankara

4- Gothenburg

5- Helsinki

6- Oslo

7- Amsterdam

8- Copenhagen

9- Birmingham

10- London Gatwick

Dadka Turkish Airlines u raaca Muqdisho ee ka yima ada Mareykanka iyo Canada ayaan sidaas u badneyn sababo la xiriira jadwalka duulimaadka.

Duulimaad faa’iido badan

Agaasimaha Turkish Airlines ee Muqdisho ayaa 2017-kii sheegay in duulimaadka Muqdisho iyo Istanbul "uu yahay mid ka mid ah kuwooda ugu faa’iidada ba dan.”

Muddo sanado ah, Turkish Airlines waxay aheyd diy aaradda kaliya ee caalami ah ee tagta Muqdisho, taasi oo u suurta-gelisay inay shacabka saarto qiimo aad u badan marka loo eego duulimaadyadeeda kale, maad aama aysan shacabka haysan ikhtiyaar kale.

Tusaale, qiimaha duulimaadka Istanbul-Muqdisho wu xuu laba mar ka badnaa kan Istanbul-Nairobi inka sta uu saacado gaaban yahay kan Muqdisho, maadaa ma marka laga yimaado Istanbul ay Muqdisho ka dho wdahay Nairobi.

Hadda oo ay Muqdisho tagaan diyaarado kale oo ca alami ah sida Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines, qiim aha ayaa hoos usoo dhacay.

Tahriibayaal farabadan oo lagu la’yahay Xeebaha Tunisia

Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in la la’yahay illaa 600 oo muhaarijiin ah oo isku deyayey inay tahriib ku galaan wadamada Yurub, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey. Tahriibay aashan ayaa ka safray xeebaha dalalka Tunisia iyo Liibiya.

Toddobaadkan gudihiisa waxaa la soo sheegay in doon ay saarnaayeen tahriibayaal kala duwan oo ka saf ray xeebaha dalka Tunisia inay ku qarqoomeen meel u dhow jaziiradda Kerkennah ee ku taalla dhinaca koo nfur-bari ee dalka Tunisia.

Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa ku soo waramaysa in doonta degtay ay saarnaayeen in ka ba dan 100 qof, taas oo la soo badbaadiyey oo keliya 30 qof, halka weli la’yahay illaa 75 tahriibe, kuwaas oo aan weli la garanayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Cutubyo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Tunisia ayaa haatan wada baadigoob ay ku raadinay aan inay helaan tahriibayaasha maqan. Maalinimadii Arbacada ee toddobaadkan, waxaa la soo badbaadiyey illaa 110 tahriibe oo ka booday doontii ay saarnaayeen oo cilladi ay soo foodsaartay.

Marinka biyaha badda ee Mideterranean-ka ee isku xidha Afrika iyo Yurub ayaa ah goob ay sannad walba ku nafwaayaan tahriibayaal doonaya inay safar dhinaca badda ah ku gaadhaan wadamada Yurub iyaga oo raad inaya inay helaan nolol ka wanaagsan tan ka jirtay dal alkii ay ka soo carareen.

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia oo la Maxkamadeynayo

Dowladda Gambia ayaa sheegtay inay aqbashay talo uu soo jeediyay guddiga runta iyo dib u heshiisiinta, taas oo aheyd in madaxweynihii hore Yahya Jammeh oo hadda dibad-joog ah lagu maxkamadeeyo dilal iyo dembiyo kale oo looga shakisan yahay tan intii uu xaafiiska joogay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gambia Dawda Jallow ayaa sheegay in dacwad-ooge gaar ah uu kormeeri doono kiisaska xadgudubyada laga helay xukunkii Jammeh ee 1994 ilaa 2017, kuwaas oo lagu soo bandhigay warbixintii Guddiga Runta, Dib u heshiisiinta iyo Magdh awga (TRRC) ee sanadkii hore.

Guddigan madaxa-banaan ayaa sheegay in Jammeh iyo gacansaarayaashiisa ay mas’uul ka yihiin 44 dambi oo gaar ah oo ka dhan ah saxafiyiinta, askar hore, siyaasiyiin kasoo horjeeda iyo dad rayid ah, oo ay ku jiraan dil iyo kufsi.

Jammeh ayaa talada dalka yar ee Galbeedka Afrika ku qabsaday afgambi sanadkii 1994-tii, waxaana lagu khasbay in uu xilka ka dego kadib markii looga guuleystay doorashadii 2016-kii ee uu ku guuleystay madaxweynaha hadda, Adama Barrow, wuxuuna u cararay waddanka Equatorial Guinea, isagoo dafiray inuu geystay wax dambi ah.

Maxkamad Ku Taalla Dalka Jabuuti Oo Xukun Ku Riday Wasiir Iyo Taliye Hore

Maxkamad ku taalla dalka Jabuti ayaa min saddex sano oo xarig ah ku ridday, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka booliska Jabuti, Corneel Cabdullahi Cabdi Farax, kaddib marki sida ay Maxkamaddu sheegtay lagu helay danbi ah in ay si sharci darro ah u iibsadeen cod sir ah oo la duubay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in wasiir Boode iyo Taliye Cabdullahi Cabdi ay saddexda sano ee xariga ah ku qaada doonaan xabsiga dhexe ee Gabood.

Waxaa iyaguna mid shan sano oo xarig ah lagu xakumay Yabeh Said Geldon iyo Ibrahim Abdi Geelle oo ay maxkamaddu sheegtay in ay codka sirta ahaa ay dad kale lasii wadaageen.

Qoraalka laguma faah-faahin codkaasi sirta ah cidda laga duubay, balse VOA-da ayaa ogaatay, in dadka codka laga duubay uu ku jiro madaxweynaha Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle.

Qareennada saraakiisha xakunka lagu ridday oo aan la xiriirnay ayaaney wali suura-gelin inaan helno.

AL-JAZEERA OO MAXKAMADDA ICC U GUD BINEYSA KIISKA DILKII SHIREEN ABU AKLEH

TV-ga Aljazeera ee waddanka Qatar ayaa maxkam adda dambiyada caalamiga ah ee ICC u gudbin doona dacwadda dilka wariyaheedii Shireen Abu Akleh, sida la gu sheegay warbixin laga sii daayay Tv-ga Khamiistii Dorraad.

Kooxda qareennada ee Aljazeera oo ay wehliyaan khubaro dhanka sharciga ah oo caalami ah ayaa soo diyaarin doona fayl ku saabsan dilka Abu Akleh, si lo ogu gudbiyo maxkamada ICC. Abu Akleh, oo aheyd weriye caan ah oo u dhalatay Falastiin, heysatayna dhalashada Mareykanka, ayaa la toogtay intii uu socday duullaan ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed ee la haysto 11-kii May.


XARUNTA DHAQANKA EE AW-JAAMAC OO MUQDISHO KUSOO GABO-GABEYSAY TABABAR SOCDAY SHAN BILOOD

Xarunta dhaqanka, cilmi baarista iyo akhriska ee Aw-Jaamac Cumar Ciise, ayaa Shalay magaalada Muqdisho kusoo gabo-gabeysay tababar socday muddo shan bilood oo in ka ba



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip