HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 26-KA MAY 2022

0
Thursday May 26, 2022 - 07:28:47 in Wararka by
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 26-KA MAY 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Erg ayga Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hogg aam ineyso Ergeyga Gaarka ah ee Mid owga Yurub u qaabilsan Ge eska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safi irka Mid owga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Inte lmann.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaag ga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiim adda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya. Madaxweyna ha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogta da ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yi hiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aa xusay in la sii amba-qaadi doono,lana hour marinayo qorsheyaasha dib u habeynta hanna anka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeyst iro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna tan iyo burburkii kaddib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida

Maxaa ka jira in xildhibaan MAHAD SALAAD loo wado agaasimaha hay’adda NISA?

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Gola ha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahayey baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo sheega yey in loo magacaabay agaaas imaha hay’adda NISA.

Mahad Salaad oo qoraal kooban soo saaray ay aa beeniyey wararkaasi, wuxuuna farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u hambalyeynaya.

"Wararka Baraha Bulshada lagu qorayo waa been ee yaan lagu khatalmin ikhiyaarey. Hamb alyadana yaan la iga qasaarinin ee hala ii ka ydiyo. Mahadsanidiin,” ayuu qoraal uu soo dhig ay Facebook-giisa ku yiri Xildhibaan Mahad Sal aad.

Xildhibaankan ayaa ka mid ah saaxibada Madaxweynaha mar labaad la doortay ee asan Sheekh Maxamuud, wuxuuna si aad uga soo muuqday ololihiisa doorashada.Sidoo kale wu xuu ka mid yahay xubnaha aadka loo saada alinayo inay kasoo muuqan doonaan garabka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isaga oo mucaarad isoo ahaa 5 sano ee lasoo dhaa fay.

Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fed eraalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku ho wlan dhismaha dowladdiisa cusub, waxaana dadka illaa iyo hadda la magacaabay ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ergeyga arrimaha abaaraha iyo bani’aadanimada So omaaliya..

Si kastaba, waxaa isha aad loogu hayaa xubnaha soo socda iyo ra’iisul wasaaraha ima an doono, iyada oo maanka lagu hayo ballan qaadkii Madaxweynaha cusub ee ahaa in koox gaar ah uusan wadan, isla-markaana uu wato tareen weyn oo la wada raaci karo.

Sidee ayuu noqon karaa xiriirka XASAN SHEEKH iyo Maamul Goboleedyada?

Madaxweynaha cusub ee dowladda feder aalka ah ee Soomaaliya, Md.Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa la filayaa inuu la yimaado isbedal siyaasadeed dalka, islamarkaana uu wax ka bedalo sidii ay markii hore wax ku socdeen.

Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay xilka Madaxweynaha dowladda federaa lka ah ee Somalia ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada ballan qaadan siyaasad xasiloon, isaga oo hal hees ka dhigtay, ‘Soomaali wada heshiis ah, Dunidana heshiis la ah’.

Haddaba sidee ayuu noqon karaa xiriirka Xasan Sheekh iyo Maamul Goboleedyada?

Xildhibaan Axmed Sheekh Nuur oo ka tirsan baarlamaanka HirSh abelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu hagaagi doono xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u liitay.

"Xiriirka maamul goboleedyada iyo Mad axweynaha cusub muxuu noqon doonaa? Wax aan rajeyneynaa inuu hagaagsanaan doono, sababtoo ah Madaxweyne Xasan Sheekh Max amuud, haddii aad ogtahay waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo mar labaad soo laabto, ahna odey dal joog ah wax badan aan ku tuhmeyno,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey "Waxaa xusid mudan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ahaa dhammeystirihii federaalka marka horeba,”.

Axmed Sheekh Nuur oo wareysigan siiyey Universal TV ayaa xusay inay haatan u muu qato yididiilo wanaagsan oo ku aadan wada-shaqeynta labada dhinac.

"Waxaan rajeynayaa odeytinimada iyo waa yo aragnimada aan ku tuhmeyno Madaxweyne Xasan Sheekh, Khayr badan ayaan ka rajeyne ynaa, yididiiladana hadda way muuqataa,”. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo door ashadii Madaxweynaha kadib ay Muqdisho ku wada shireen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul gobo leedyada oo kulankooda diiradda ku saaray dowladda cusub iyo wada shaqeyntooda.

Gudoonka Golaha Shacabka oo la kulmay xubno ka socda wakiilada beesha Caalamka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa waxay kulan muhiim ah la qaat een danjiraha dalka Taliyaaniga Amb. Alberto Vecchi.Danjiraha ayaa xusay kaalinta ay ku lee dahay Dowladda Talyaaniga mashaariicda hour marineed ee wadamada EU-da ka fuliyaan dal ka, ahmiyad gaar ahna siin doonaan wada sha qaynta golaha sharci dejinta sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in dowladda Taliyaaniga ay soo dhoweyneyso gabdhii ugu horeysay oo noqata Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay doorka hor umarineed ee lama ilaawaanka ah ay ku leeyih iin dowladda Taliyaaniga Dowlad dhiska dalka inuu yahay mid soo jireen ah oo Taariikh facw eyn ku leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho Oo Magacaabay Guddoo miyaha Cusub Degmada Deyniile

Guddoomiyaha gobolka Bena adir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa u magacaabay guddoomiyaha deg mada Deyniile Cabdishakuur Abu ukar Macalin (Rooble) oo ka tirsanaa Baarlama anka Galmudug.

Guddoomiyihii degmada Day niile Maxa med Abuukar Jacfar ay aa ka mid noqday xildh ibaanada go laha shacabka waxana uu bane eyay xilkaas maadaama u noqday xildhibaan.

Mas’uulka loo magacaabay xilkan Cabdisha kuur Abuukar Macalin (Rooble) ayaa hore u soo noqday guddoomiye ku-xIgeenka degmada Warta nabada (Ex-Wardhiigley) xiligii uu maam ulka gobolka Banaadir gudoomiyaha ka ahaa Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Somaliland oo dowlada Soomaaliya ku eed eysay in ay siyaasadaysay arrimaha Xajka

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in la badii sanno ee u danbeeyay ay 6.8% ka he shay qoondada guud ee tirada xujayda laysku siiyo Somaliland iyo Soomaaliya oo dhan 5,206 xaaji halka ay barigii hore ka heli jirtay 40%, kadib markii ay dowlada Soomaaliya siy aasadaysay arrimaha xajka.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa dowlada So omaaliya ku eedeeyay in ay siyaasad galisay arrimaha xajka labadii sanno ee ugu danbe eyay ee la xajiyo oo ahaa 2018 iyo 2019.

"Dowlada Sacuudigu waxay Somaliland iyo Soomaaliya oo isku jira siiyay tiro dhan 5,206 xaaji, waxa caado ahayd in kolba tirada la helo labada dal qaybsadaan, hadaba waxa jirtay in labadii sanno ee ugu danbeeyay ee la xajiyo oo ahaa 2018 iyo 2019 la siyaasadeeyay arrimaha xajka" ayuu yidhi Wasiir Albaani.

Albaani waxa uu sheegay in siyaasad ay do wladii Farmaajo galisay arrimaha xajka awgeed ay dowlada Sacuudigu soo saartay in Somali land ay kasoo xajiyaan dad dhan 350 xaaji, oo wadarta guud ka ah 6.8%, halka ay Somaliland hore u qaadan jirtay tiro dhan 2,082 xaaji oo u dhiganta 40%.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland anay mardanbe aqbali doonin qoondada 350 qof ah ee laga siiyay tirada 5000 ka badan "Waxaanu halkan ka caddaynaynaa in aanaan sinaba u aqbalaynin tirada 350 xaaji, shacabkayagana anaan u qaadaynin wax aanay u qalmin".

Wasiirka ayaa D/Sacuudiga ugu baaqay ina dib iskugu noqoto arrintaana wax ka qabato, oo an ay aqbalin in cibada la siyasadeyo Ayuu yiri


Madaxweynaha Somaliya oo teleefanka kula hadlay Antony Blinken

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad kha dka teleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Bli nken, isagoona kaga mahadceliyay taageerada Mareykanka ee Somaliya.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aa Dorraad khadka taleefanka kula hadlay Xo ghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Ant ony Blinken. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka taageerada joo gtada ah, ee ay la garab taagan tahay Soma liya.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Twitter-ka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxwey nuhu uu ku celiyay, sida ay dowladdiisa uga go’ an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Mar eykanka.

"Waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu ku celiyay, sida ay dowladdiisa uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa bartamihii bishan saxiixay amar boqolaal ka mid ah ciidamada gaarka ee Mareykanka dib loogu celinayo Somaliya, si gacan uga gay staan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada Mareykanka oo gaarayay 700 oo askari ayaa dalka laga saaray maalmihii ugu da mbeysay ee xilka uu ka degayay Madax weynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.

Xisbiga Kulmiye: Xukuumada Kulmiye uma qarsoona dariiqyo lagu hor istaagayo doorashooyinka

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, ah na Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Xisb

iga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in mada xweyne Biixi uu sha rciga u cuskaday tab ashooyinka ay mucaaradku ka qa baan arrimaha doorashooyinka.

Kaahin waxa uu sheegay in shirkii ay Hab een hore yeesheen madaxda mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, ay mucaa radku ku dalbadeen in madaxweyne Biixi uu ka noqdo guddida uu u magacaabay u kuur galka khil aafka soo kala dhexgalay guddida door asho oyinka, furista urrurada siyaasada oo ay sharci daro ku tilmaameen iyo qabsoomida doo ra shada madaxweynaha oo ay walaac ka qab aan.

"Aarrinka koomiishanka waxay ka soo jeediy een 'guddida aad u saartay waxaanu u aragnaa faragalin, arrinka furitaanka urruradana waxa anu u arganaa sharci daro, arrinka doorashada madaxtooyadana waxaanu u aragnaa in ay ga abinayso' " ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Kaahin ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu dalabka mucaaradka u cuskaday sharciga, isla markaana uu u sheegay in uu sharciga u maray dhamaan talaabooyinka uu qaaday, isla markaana hadii ay caddeeyaan in talaabooyink iisu ay sharci daro yihiin uu sharciga u hog aansami doono.

"Madaxweynuhu wuu ka jawaabay, wuxuu ku yidhi 'anuu saddexdaa waxan u maray dariiq qaynuun, hadii aad idinku haysaan dariiq kale oo caddaynaya in talaabada aan qaaday ay sharci daro tahayna sharciga ayaan u hogaan samayaa' arrinka sifiican ayaa looga dooday layslamana afgaranin" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiir ka ayaa sheegay in wadahadaladu ay soconayaan, oo hadii lagu kala koco kul amada hore kulamada danbe la heshiin doono, waxa kale oo uu sheegay in xukuumada Kul miye anay qorshaha ugu jirin in ay dib u dhigto doorashooyinka.

"Dadka shicibka ah iyo beesha caalamka labadaba waxaanu u sheegaynaa, in aan xukuumada magaca Kulmiye ka dhisan, in aa nay diyaar u ahayn, in anay meel hoosena ugu qarsoonayn, siyaasad iyo dariiqyo lagu jooji nayo ama lagu horjoogsanayo doorashooyinka" ayuu yidhi Kaahin.

Soomaaliya iyo Tanzania oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga Gobolka

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Xukuu madda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Dorr aad kulan kula qaatay magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalka Tanzaniya wasiirka Difaaca iyo adeegga Qaran ka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence Tax.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoo jinta xiriirka Soomaaliya iyo Tanzaniya, gaar ah aan arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee difaaca.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahad celiyay dowladda Tanzaniya soo dhoweynta diir ran ee ay isaga iyo wafdigiisu u sameeyeen.

Soomaaliya ayaa waxaa ay dagaal kula jirtaa Ururka Al-Shabaab, waxaana jira dowlado dho wr ah oo dowladda Soomaaliya ka taageera tab abarka iyo qalabeynta Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.]

C/C/Shakuur oo shaaciyay qorshihiisa kadib xilkii uu u magacaabay Xasan Sheekh

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Dorraad u magaca abay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka in uu noqdo ergay ga gaarka ah ee arrimaha Bani ’aada mnin ada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo uu barbar taagan yahay mad axweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal badan gelin doono wax ka qabashada xaalada abaareed ee dalka, islamarkaana ay ka hortagi doonaan inta aysan isku badalin Macaluul.

"Waa u guntan doona in aan dadka Soomaal iyeed wax alaale iyo wixii aan gaarsiin karo gaarsiino, inta aysan isku bedelin Macaluul aan ka hortagno. Dowladdana waxaa ka rajeynayna inaan garab buuxa ka helno hay’addaheeda kala duwan, adduunkana aan ka helno,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in maadama dalka uu ku jiray xili kala-guur ah aysan jirin taa geero ay beesha caalamka ka geysatay xaa lada aabaareed ee dalka, islamarkaana uu taas ka howl-gali doono sida ugu dhaqsaha badan.

"Mas’uuliyada aad na-saartay (Madaxweyne) waxaa ugu shaqeyn doona si niyad ah Umadda Soomaaliyeed oo adduunka u jeedino baaqiisa, oo dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba isku xirkaas aad na-saartay mas’uuliyadeeda.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kamid ahaa musharixiintii mucaaradka ee ka qayb-ga lay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May, ta as oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabistiisa ayaa kusoo beegmeysa, xilli Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan oo ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Wasiir Beyle oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Dowladda UK oo kala ah Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho Kate Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii wa didda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soo maaliya.

Wasiirka Wasaarad da Maali yadda dowla dda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirax maan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiy ay mas’ uuliyinta uu la kulmay taageerada dowladda Uk ay siiso Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay wadaa dadaal ku aadan sidii deymaha looga cafin lahaa, waxaana jira dalal dhowr ah oo deymaha ka cafiyay Soomaaliya halka kuwo kale ay qorsheeynayaan.

Dowladda Cusub ee uu hoggaamiyo Mada xweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaw aan wada-hadallo la biloowday Hey’adaha dha qaalaha Adduunka sida ey’adda IMF, Bangiga Adduunka & Bangiga Horumarinta Afrika.

Faah-faahino dheeraad ah oo kasoo baxayo dilal ka dhacay muqdisho.

Xaafadda Ceel Aw-muudde ee Degmada Bo ondheere ee gobolka Banaadir waxaa Habeen hore goor dambe lagu dilay laba wiil oo dhaliny aro ahaa sidoo kalana ahaa saxiibo isku dhaw.

Wiilashaan ayaa la dilay ka dib markii ay wa da murmeen nin lagu magacaabo jibriil oo mar ahaa taliyaha Nisa ee degmada Cadalle ee gob olka Shabellada dhexe balse haatan howl-geb ahaa.

Dilka ka dib ayaa ninka falkaan fuliyay oo la gu magacaabo jibriil lasheegay inuu baxsaday illaama haddane aan la aqoon halka jaan iyo cirib uu dhigay.

Waxaa xasuusin mudan in labada wiil ee la dilay mid kamid ah uu ahaa dhalinyarada Nisa ee degmada boondheere.

Maydadka dhalinyarada ayaa hadda waxaa ay ku jireen qaboojiyaha isbitaalka digfeer lama Aasayo sida ay sheegeen qoyskooda inta laga keenayo ninka dilka geystay.


Puntland oo qaadacday habka dowladda Soomaaliya u qeybisay Xujeyda

Dowlad goboleedka Puntland ayaa Dorraad qaadacay oo ka horyimid habka ay dowladda federalka Soomaaliya uqeybisay Xujeyda Soomaaliyeed ee tagaya Xajka.

Sarkaal katirsan wasaaradda

caddaalada Puntland oo lagu mag acaabo Ismaaciil Xaaji Cabdi, ayaa meel fagaare ah oo lagu oogayay Salaada Roob doonta, ka sheegay inay Punt land diiday 300 xujey ah oo ay dowladda Soom aaliya usoo qoondeysay.

Ismaaciil Xaaji Cabdi wuxuu sheegay in Soomaaliya 500 xujey ah ay sannadkaan soo gudanayaan acmaasha Xajka, isagoo sheegay inay caddaalad darro tahay in tirada intaas le’eg ay Puntland ka hesho 300 kaliya. "Punt land waxaa la siiyay 300 oo xujey ah, intii kal ena waxaa la siiyay Muqdisho. "500 oo Xaaji in 300 oo xaaji Puntland ka hesho, waa arrin adag oo caddaalad darro ah,” ayuu yiri Ismaaciil Xaaji.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta Soomaaliya ayaa masuul ka ah qeybinta Xujeyda Soomaal iyeed, waxaana sanna walba ka yimaada khil aaf nuucaan ah, inkastoo marar badan la isku dayay in xal loo helo.

Maamulka Hir-Shabeelle oo qeylo-dhaan kasoo saaray Abaaraha

Kusimaha Madaxweyanaha ahna Guddoo miye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Dow lad Goboleedka Hir-Shabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Abaara baahsan xilligaan ay kajiraan deegaannada Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle, isla markaana deg aano badan laga soo sheegayo xaalado Adag oo dhanka Nolosha ah.

Haa’yadaha Gargaarka Iyo Dowladda fede raalka ayuu ugu baaqay in si gaar ah isha lo ogu haayo Dadka ay Abaaruhu saameeyen Gaar ahaan Dowlad Gobolkeedka Hir-Sha beelle.

Kusimaha Madaxweyanaha Hir-Shabeelle ayaa sheegay in degaano katirsan Gobolka Hiir aan xilligaan Macluul ay soo wajahday, Isla mar kaana qoysas kasoo barakacay Baadiyaha ay gareen Magaalada Beledweyne iyo degaan nada hoosyimaada ayna u baahan yhiin Gar gaar bila”aadinmo sida ugu dhaqasiyada badan in lala Gaaro

Ugu dambeyn ka Maamul Hir-Shabeelle ahaan ayuu sheegay inay dadka ay abaartu saameysay ay dejin doonaan meelo ay Gabaad ka dhigtaan Hayeeshee baahida baaxada leh ee Dadkaas aysan kaligood ku filneyn.

Degaano badan oo kuyaalla Koonfurta iyo Bar tmaja Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar baahsan, halka meelaha qaar uu roob ka d’ay, waxaana dowladda Soomaaliya iyo Maa mulada dalka ay ka gaabiyeen u gurmashada dadka ay saameeysay abaarta.

Askari katirsan Ciidanka dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa ay Dorraad ku dileen askari katirsan Ciidamada Milla teriga Soomaaliya, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxs aday.Goobjoogayaal ayaa wax aa ay sheegeen in rag ku hubeysnaa bustoolado ay Xaafada Wajeer ee degmada Kaaraan ku dileen askariga oo lagu Magacaabi jiray Axmed Yare.

Alle ha u Naxariistee Askariga ayaa kamid ahaa ilaalada Sarkaal katirsan Ciidamada Milla teriga oo Magaciisa lagu soo koobay foofoo kana howlgalla Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana askariga la dilay uu siweyn ula daga alami jiray Burcadda dhaca geysta.

laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Kaar aan ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay Askarga katirsanaa Ciidamada Millateriga siwy ena looga yaqaanay degmada Kaaraan

Maxay tahay arrinta ay milatariga Kenya sameyn rabaan oo ay shacabka ugu yeereen?

Ciidamada Difaaca Kenya oo kaashanaya Aero Club ayaa Sabtidan soo socta ee 28-ka May, 2022 ku qaban doonaan Bandhig dhoo latus ah, beerta Uhuru ee ku teedsan Waddada Lang’ata ee magaalada Nairobi.

Sida aan kasoo xiganay barta wasaaradda difaaca Kenya, bandhiggan,oo ay hoggaamina yaan Ciidanka Cirka ee Kenya, ayaa soo ban dhigi doona awoodda iyo tababarradda cida mada cirka kenya ay leeyihiin.

Bandhiggan dhoollatuska ah, waxaa ka qeyb qaadan doona qaar kamid ah diyaradaha rayidka iyo kuwa milatariga, waxaana loogu talagalay madadaalinta dadweynaha.

Dhammaan shacbaka kenya ayaa loogu yeeray in ay kasoo qeyb galaan bandhiggan.

Shirqool madaxweyne Bush lagu dili lahaa oo uu waday nin Ciraaqi oo la fashiliyey

Nin Ciraaqi oo magan-galyo siyaasadeed weydiistay Mareykanka ayaa qorsheeyey inuu dilo madaxweynihii hore George W. Bush, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka Talaadadii.

Shihab Ahmed Shihab, oo ah 52 jir, ayaa u sheegay qof la shaqe eya FBI-da balse uusan ka war hayn, inuu doonayey inuu ugu yar aan afar qof oo kale oo Ciraaqiyiin ah usoo tahr iibiyo Mareykanka isaga oo kasoo gelinaya xud uudda Mexico, si ay uga qeyb qaataan shirqo olka, sida ku cad kiis ay FBI-da ka diiwaan-geli say maxkamad federaal oo ku taalla magaa lada Columbus ee gobolka Ohio.

Laba ka mid ah kooxda shirqoolka ayaa no qon lahaa saraakiil horey uga tirsanaa sirdo onka Iraq, halka labada kale ay noqon lahaaye en xubnaha kooxda Daacish ama koox fadhig eedu yahay Qatar oo Shihab uu ku magac aabay "Al-Raciid.”

Shihab ayaa u sheegay qofka la shaqeeya FBI-da inay doonayeen inay dilaan Bush oo am ray duulaankii Ciraaq ee 2003, "sababtoo ah waxay dareemeen inuu mas’uul ka ahaa dilka Ciraaqiyiin badan iyo inuu burburiyey dalka oo dhan,” sida ku cad warqadaha Maxkamadda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu adeer u ahaa hoggaamiyihii hore ee Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana uu dilay dad Ma reykan ah kadib duulaanka.

Shihab ayaa la xiray aroortii Talaadada waxa ana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dambi socdaal, iyo inuu kaalin iyo gacanka gay stay isku day lagu dili lahaa mas’uul hore oo Mareykan ah. Shihab oo degan Columbus iyo qofka la shaqeynayey FBI-da ayaa shirqoolka gaarsiiyey heer ay booqdaan magaalada Dallas ee gobolka Texas, si ay usoo eegaan meelaha uu degan yahay Bush, iyo inay ka wada hadl een sida lagu heli karo hub, dareeska ciidama da amniga iyo baabur loo adeegsado shirqolka.

Waxa uu sidoo kale weydiistay qof kale oo si hoose ula shaqeeya FBI-da balse uusan isaga ogeyn inuu gacan ka siiyo soo tahriibinta xubno ka tirsan qoyskiisa isaga oo u ballan-qaaday to banaan kun oo dollar.

Shihab ayaa Mareykanka ku yimid Visa boo qasho bishii September 2020, wuxuuna mag an-galyo dalbaday bishii March 2021 markii uu Visa-ha ka dhacay. AFP + VOA

Idaacadda Kulmiye oo warbixin qarsoodi ah ka diyaarisay Masuq ka jira Hay’adda Socdaalka

Idaacadda Kulmiye ayaa warbixin qarsoodi ah ka diyaarisay masuq maasuqa baahsan ee ka jira Hay’addan Socdaalka iyo Jinsiyadaha, taasi oo dhibaato kala kulmaan dadka danta u geysay in ay halkaasi u raadsadaan Baa saboor.

Muuqaallo iyo Sawirro aanu halkaasi ka soo duubnay ayaa muujin aya tiro dhal inyaro ah oo bannaanka Xarruun ta dhexe hay’adda laca go laaluush ah uga qa adaya dadka halkaasi u soo doontay Baas aboorka.

Sidoo kale, waxaa muuqaalkan hoose ku jira tacadiyo lagu la kacay dad da’ah oo weliba Na afo ah.

Maamulka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsi ya daha oo aanu xiriiro kala duwan la sameynay kama aysan jawaabin wicitaannadeena.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo boor ka ka jafaya doorashooyinkii qof iyo codka ahaa

Waxaa Shalay xarunta dhexe ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ka dhacay shir muhiim ah oo u dhexeeyey Guddiga iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland.

guddiga ayaa warbixin faa hfaahnsan ka siiyey Was iirada

diyaar garowga Doorash ada degmooyinka dhiman sida Jadwalka cu sub, qorshaha wacyigelinta dadwaynaha iyo dhaqan galinta waxyaabihii laga bartay doorash ada hordhaca ahayd.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay wada shaqaynta Guddiga iyo wasaraadaha kala du wan si loo sameeyo wacyigelin baahsan iyo hir galinta Doorashada.

TPEC ayaa dhowaan munaasabad ku soo bandhigi doona jadwalka doorashada iyo qorsh aha wacyigelinta dadwaynaha, dhanka kale wasiiradda ayaa aad u soo dhaweeyey dedaal ka Guddiga iyagoo balan qaadaay inay wasaar ad kasta kaalinta kaga aadan ay ka taageri do onto guddiga.

Kulanka waxaa kasoo qaybagalay wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Cabdirixmaan Dhabancad, Wasiirka Amniga Cabdisamad Ma xamed Galan, Wasiirka Haweenka Naciimo Ca bdiraxman Guuleed, Wasiirka shaqada sh dhal inyarada Cabdiraxmaan Caydid Ibraahim, W/W/NTA Maxamud Caydid Dirir & W/ru Dowl aha waxbarashada Axmed Ibraahim Cawaale.

Ciidanka Booliska Jubbaland Oo Xiray Nin War Been Ah Ku Faafiyay Aaladda Tik-Tok

Ciidanka Booliska Gobolka Jubbada Ho ose ayaa xabsiga u taxaabay nin dhallinyaro ah oo aaladda Tik Tok ku faafiyay muuqaal uu isagu iska duubay oo uu ku sheegay in uu Kismaayo ku noolyahay nin ay xaas u tahay "gabadh uu aabbe u yahay”, islamarkaasna ay carruur u dhashay.

Ninkan ayaa laga soo qabtay Magaalada Dhoobley ee Jubbada Hoose, kadibna diyaarad ayaa Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland lagu geeyay, halkaas oo lagu xiray.

"Arintaas oo markii Ciidanka Booliska Jubba land baadhitaan ku sameeyeen noqotay mid aan waxba ka jirin” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo bog ciidanku leeyihiin lasoo dhigay.

Muuqaal kale oo xabsiga looga dhex duubay ninkani dhallinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayuu ku qirana yaa in warkii uu horey TikTok ugu faafiyay uu ah aa mid been abuur ah, is lamarkaasna uu ga roowsaday in bulshada ku dhex abuuray qal qal iyo welwel badan.

Booliiska Jubbada Hoose ayaa sheegay in markii uu soo gaaray warka uu ninku sheegay ay durbadiiba baaritaan galeen, maadaamaa waxa la sheegay uu yahay wax kasoo horjeeda dhaqanka iyo diinta, ayna u caddaatay in warkaasi been yahay.

Ninka ayaa markii uu muuqaalka duubayay ku sugnaa magaalada Dhoobley, kadibna loo duuliyay magaalada Kismaayo halkaas oo su’aalo lagu weeydiiyay.

Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinta ka hor imaa naya.

Ugu yaraan 18 caruur ah oo lagu dilay wee rar lagu qaaday iskuul ku yaalla Mareykanka

Ugu yaraan 18 caruur iyo macallin ayaa la gu dilay toogasho uu nin hubeysan ka fuliyey dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka Talaadadii, sida ay sheeg een saraakiisha gobolka.

Barasaabka gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in tuhmanaha weerarka oo ahaa 18 jir deganaa magaalada Uvalde ee Texas ay toogasho ku dileen saraakiil u gurmatay isk uulka.

Weerarka ayaa ka dhacay dugsiga hoose ee Robb Elementary School ee magaalada Uvalde

o 85 mile galbeed kaga beeganmagaaladaSan Antonio. Tuhmanaha

ayaa magaciisa lagu sheegay Salvador Ramos, sida ay ku warrameen booliska. "Wuxuu toogtay oo uu si arxan-darro ah u dilay 18 arday iyo macallin,” ayuu yiri barasaab Greg Abbott.

Saddex qof oo kale oo dhaawac ah ayaa isb itaal la dhigay, ayada la sheegay in xaalad dooda ay halis tahay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa shee gay in markii uu madaxweynaha noqonayey uu rajeynayey inuusan qaban shir jaraa’id oo no ocan ah.

"Waalid ayaan mar dambe arki doonin caruur tooda, oo aan marnaba kula bood boodi donin sariirta oo aan hab siin doonin. Waalidiin ayaan marnaba sidoodii hore noqon doonin. In aad weyso ilmahagaa waa sida ayada oo qeyb ka mid ah naftaada la qaaday,” ayuu yiri.

Madaxweyne Biden ayaa sharci-dejiyayaa sha Mareykanka ugu baaqay inay xanuunkan ku beddelaan inay ansixiyaan sharci xakamey naya haysashada hubka oo caadi ah ka ah Ma reykanka.

Toogashadan ayaa timid wax kayar laba to ddobaad un kadib markii nin ay mas’uuliyiinta sheegeen inay dhiiri-gelisay cunsurinimo, uu su uq ku yaalla magaalada Buffalo ee gobolka New York ku dilay 10 qof oo badankood mad ow ahaa.

Madaxweynaha Ruushka oo ka badbaaday isku day dil

Madaxa Sirdoonka Ciidamada Ukraine ayaa shaaca ka qaaday in madaxwe ynaha Ruushka Vladimir Putin uu laba bil kahor ka badbaaday isku day dilIsaga oo la hadlayey wargeyska Pravda ee Ukraine ayaa Jener aal Kyrylo Budanov waxa uu sheeg ay inuu jir ay isku day "a an guuley san” oo ka dhan ah aa no loshada hogagamiyaha Kremlin-ka, markii uu bil lowday duulaanka Ru ushka uu ku qaaday Ukraine.

"Waxaa jiray isku day lagu khaarajin lahaa Putin. Xitaa weerar ayaa lagu qaaday, waxaa weeraray wakiilo ku sugan Caucasus, muddo aan fogeyn. Tani waa akhbaar aan la shaacin,” ayuu yiri Jeneraal Kyrylo Budanov.

Waxa uu intaas ku daray "Wuxuu ahaa isku day aan guuleysan, balse xaqiiqdii wuu dhacay … waxay aheyd laba bil kahor. Waan ku cel ina yaa mar kale, Putin wuxuu ka badbaaday is ku day dil.”

Caucasus waa gobol aad u ballaaran. Waxa uu ka kooban yahay qeybo ka mid ah dhulka Ruushka, oo ay ku jiraan North Ossetia-Alania iyo Chechnya iyo gobollo kale oo aan Ruushka ka tirsaneyn kana mid ah dalalka Georgia iyo Azerbaijan.

Sheegashadan weli ma aysan xaqiijin NATO ama sirdoonka Mareykanka. Haddii xogtan ay sax noqoto, tani ma noqon doonto markii u gu horeysay ee Putin uu wajaho isku day noo can ah. Waxaa la ogyahay inay jir aan ugu yar aan laba isku day dil oo uu Putin ho rey waja hay, mid dhacay 2008 iyo mid dhacay 2012. Waxaa sidoo kale jiri kara kuwa kale oo aan la ga war-hayn. Warka ku saabsan isku dayga dil ayaa iman aya ayada oo dagaalka u dhaxe eya labada dal uu galay bishii saddexaad, ay ada oo weli aysan muuqan wax guul la taaban karo ah oo Mo scow ay ka gaartay colaadda.

Caddaymo laga helay xeryo Shiinuhu Musl imiinta ku jir dilo.

Xog aad u badan oo laga jabsaday kombu yuutarada dowladda Shiinaha oo loo soo gud biyay BBC-da ayaa daaha ka qaadday wax bad an oo ku saabsan nidaamka qarsoodiga ah ee Shiinaha uu ku xirayo dadka muslimiinta ah ee ku nool gobolka Xinjiang ee galbeedka fog ee dalkaas.

Xogtaan ayaa caddaynaysa in la toogto qo fkii iskudaya in uu ka baxsado xeryaha sida kha sabka ah dadka loogu hayo, iyo xukun xabsi oo dheer oo lagu xukumayo qofkii lagu arko cal aamad Muslinimo.

Qaar badan oo ka mid ah faylasha ayaa loo xqiijiyey si madax bannaan.

Dowladda Jarmalka ayaa ku baaqday in baa ritaan hufan lagu sameeyo nidaamka Shiinaha ee lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee Uyghurs-ka ee gobolka Xinjiang, ka dib markii ay soo ba xeen cadeymo cusub oo ku saabsan xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. BBC

Maxkamadda Ciidamada oo Waaran soo qab asho ah u jartay Saraakiil katirsan Ahlus unna

Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waaran soo qabasho ah u jartay 16 Sarkaal iyo tiro malee shiyaad ah oo katirsan xoogagga Ahlusunna Waljamaaca, kuwaas oo ku sugan degaano katirsan do wlad Goboledka Halmudug.

Saraakiisha oo horay uga tir sanaa Ciidamada kala duwan ee dowladda So omaaliya iyo maleeshiyaadka ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen weerarkii Dhuu samareeb ay kusoo qaadeen xoogagga Ahlus unna, waxaana Nagacyadooda ay kala yihiin.

TITANIC: GABADHII KA BADBAADDAY MARKABKII CAANKA AHAA IYO 2 MUSIIBO OO KAL

Waxaa gabadhan loo yaqaannaa 'Marwada aan quusin' ama 'Boqoradda maraakiibta quusta'.

Gabadha lagu naanaysi jiray 'Boqoradda Maraakiibta quusta' waxay ka badbaadday dhowr musiibo oo taariikhi ah.

Markii uu quusayay markabka caanka ah ee Titanic, ugu horrayn waxaa la badbaadinayay ha weenka iyo carruurta oo la saarayay doo maha yar yar.

Doontii ugu damb aysay waxaa saa rnaa cunug yar, wiil aan qaangaarin iyo haweeney. Inta aan doonta la fasixin ay uu ninkii rakaabka saarayay ku qayl iyay, "Ma jirtaa haw eeney kale oo ku hartay markabka?"

Laakiin qof horay soo istaagay ma jirin.

Haddana nin kale oo shaqaalaha markabka ka tirsan ayaa su'aashii ku celiyay, "Miyaysan jirin haweeney hartay?". Kaddib ayay haweeney soo istaagtay, iyadoo dhahaysa "aniga". "Balse anigu ma ihi haweeney rakaab ah, waxaan ka mid ahay shaqaalaha markabka," ayay sii raa cisay.

Ninkii doonta maamulayay ayaa fiiriyay waxa uuna ku yiri, "Dhib malaha, waxaad tahay hawe eney, doontan ayaad boos ku leedahay."

Sidaas ayay daqiiqadihii ugu dambeeyay ku badbaadday Violet, waxayna raacday doontii.

Sheekadan waxaa lagu sheegay buugga la yira ahdo "Runta ku saabsan Titanic" oo la daaba cay hal sano kaddib dhacdadaas.

Hase yeeshee taasi ma ahayn markii ugu horraysay ama ugu dambaysay ee ay ka bad baaddo musiibo noocaas ah. Markabkii Titanic waxa uu burburay bishi April ee sandkii 1912kii.

Taariikhda waxaa looga yaqananaa 'Mar wada aan quusi karin' ama 'Boqoradda Maraaki ibta quusta'. Waxay ahayd kalkaaliso ka howl gali jirtay maraakiibta waawayn, magaceeda sa xda ahna waxa uu ahaa Violet Jessop.

Sanadkii 1998-kii ayaa la daabacay taariikh nololeedka Violet. Waxaa tifaftiray John Maxt on-Graham.

Kaddib dunidu waxay ogaatay in Violet ay san ka badbaadin markabkii Titanic oo keliya balse ay sidoo kale ka badbaadday saddex mar kab oo kale oo waayay oo quusay.

Tumay ahayd haweeneydan?

Violet waxa ay kasoo jeeddaa qoys Irish ah oo u qaxay waddanka Argentina. Maadaama ay ahayd gabadha curadda u ah reerkeeda, wa xay durbadiiba u istaagtay inay xannaanayso lix walaalaheed ah.

Aabeheed wuxuu ka tagay iyadoo ilmo yar ah hooyadeedna waxay ahayd kalkaaliso ka shaqaysa maraakiibta. Muddo kaddib hooyad eed way xanuunsatay, wayna geeriyootay.

Iyadoo 21 jir ah ayay shaqaale ka noqotay ma rkab. Howsheedu waxay ahayd in ay la joogto dad ka maalqabeenka ah ee markabka saaran, si ay raashin u siiso, qolalkooda u nadiifiso, uguna adeegto. Violet 25 jir ayay ahayd markii uu quusay markabkii Titanic. Muddo 40 sano ah ayay ka shaqaynaysay maraakiib, caqabado badan ayayna la kulantay.

Habeenkii uu quusay Titanic

Dhacdadii Titanic waxaa hadda laga joogaa 110 sano. Inta badan rakaabku way hurdayeen markii ay bilaabatay musiibada. Xilli habeen ma dow ah ayuu markabku ku dhacay baraf wayn.

Markabku wuxuu ku jiray safar uu kaga tagay magaalada Southampton ee waddanka Engl and waxa uuna kusii jeeday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

 Qoraalka sawirka,

Markii uu Titanic ka shiraacanayay dekedda Belfast Waxa uu markabku ku socday xawaare dhan 41 kiiloomitir saacaddiiba. Saddex saaca dood gudahoodba, xilli saq dhexe ah oo ku bee gnayd April 14 ilaa 15, 1912-kii, Titanic wuxuu ku quusay Badwaynta Atlantic.

Qiyaastii 1,500 oo ruux ayaa ku geeriyooday markabkaas oo loo malayn jiray in uusan walig iis quusi karin. Dhacdan waxaa lagu tilmaamaa musiibadii ugu xumayd ee badda ka dhacda muddo 110 sano ah oo lasoo dhaafay.

"Waxaa jirtay mar la wada aamusay, mugdi guna uu na qariyay, kaddibna oohin kaliya ayaa soo hartay. Waligay ma hilmaami doono taas. Markabkeenna ayaa ku burburayay badweyn baraf ah," ayay tiri Violet.

Buug ay qortay ayay Violet ku sheegtay in nin ka mid ah raggii ka shaqeynayay markabka uu u dhiibay cunug yar kaddibna ay la fuushay doonta badbaadada. Cunugga yar hooyadiis dib dambe looma arkin.

"Xilligaas wixii ka dambeeyay dadka aan ku ha dlin ingiriiska ayaan u sheegi jiray sida loo xirto jaakadaha badbaadada," ayay tiri.

Shilkii Olympic

Isla shirkaddii lahayd markabkii Titanic, oo la oran jiray White Star Line, ayaa shiraacday markab kale oo la yiraahdo Olympic. Waxaa la sheegay in markabkaasi uu ahaa mid la dhisay ka hor Titanic.

Ka hor inta uusan soo bixin Titanic, waxa uu Olympic ahaa markabkii ugu waynaa uguna raaxada badnaa ee jiray. 20-kii bishii Septe mber ee sanadkii 1911-kii ayuu markabkan ka baxay xeebta magaalada Southampton, Britain, waxyar kaddibna waxa uu ku dhacay markab dagaal oo ay lahayd Britain oo la oran jiray HMS Hawk.

Nasiib wanaag, cidna kuma dhimanin halk aas, balse markabka ayaa si xun u burburay wuuna quusay. Maadaama uusan ka fogeyn xeebta dib ayaa loo soo celiyay waana la dayac tiray.

Violet waxay ka mid ahayd dadkii saarnaa markabkaas xilliga uu shilka galayay, waxayna ka shaqeyneysay 8 bilood. Xoogaa yar kaddi bna waxaa loo wareejiyay markabka Titanic.

Burburkii Titanic kaddib Violet waxay qaadatay tababar kalkaalisanimo.

Burburkii Markabkii Britannic

Sanadkii 1916-kii, oo ahayd afar sano kaddib markii uu quusay Titanic, Violet waxay shaqo kalkaalisanimo ah ka billowday ha'adda laan qayrta cas ee Britain.

Dagaalkii Koowaad ee Adduunka ayaa socday xilligaas.

Maraakiib badan oo nooca rakaabka qaada ah ayaa loo adeegsanayay in lagu daabulo ciida mada iyo in isbitaal ahaan loogu daweeyo ask arta dhaawacanta.MAGES

Markabka Britannic oo ay lahayd isla shirk adda White Star ayaa loo baddalay isbitaal war eega. Markabkan waxa uu qudhiisu ahaa "kii la baad ee wayn ee ku xigay Titanic". Violet wax ay ka mid noqotay shaqaalaha markabkan.

Miinooyin badan ayaa lagu tuuray badda, maadaama uu dagaal socday. Britannia waxa uu ku dhacay waddo badda hoosteeda laga dhi say, halkaas ayuuna ku burburay.

Dhacdadan waxay ahayd mid ka naxdin bad an kuwii hore, sida ay sheegtay Violet.

Iyadoo ka sheekeyneysa wixii ay kala kulantay ayay tiri: "Nafteenna ayaa meel ku xannibantay. Waxba ma aanan arki karin. Mararka qaar wax aan isku dayayay inaan biyaha galo si aan u neefsado. Biyo ayaa ka daadanayay sankeyga iyo afkeyga."

In ka badan kun qof ayaa markaas saarnayd markabka, 32 ka mid ahna halkaas ayay ku ge eriyoodeen. Dhammaan dadkii kale waa la ba dbaadiyay. Waxaa jiray sharci lasoo dejiyay musiibadii Titanic kaddib oo dhigayay in mar kab kasta uu wato doomaha badbaadada oo ku filan dadka rabaabka ah.

Dhammaan saddexda jeerba Violet waxay ku sigatay geeri.

Sanadkii 1920-kii ayay mar ale ka shaqo bill owday shirkadda White Star Line.

Inkastoo ay khatar badan la kulantay hadda na kama aysan bixi jirin shaqada badda. 40 sano oo kale ayay ka shaqeysay maraakiib. Wa xay howlgab noqotay iyadoo 62 jir ah, waxayna geriyotay 1971-kii, xilligaas oo ay ahayd 83 jir.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip