HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA MAY 2022

0
Wednesday May 25, 2022 - 08:10:26 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA MAY 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durug san u leeyahay qaab-dhism eedka amniga qaranka, duru ufaha amni ee ku xeeran dal keenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidama da Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qar anka.

Md. Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ay aa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Lataliye Sa re oo dhanka Amniga iyo Ladagaallanka Argag ixisada ah Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya iyo Xubin ka tir san Golaha Amniga Qaranka, isagoona ka soo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.a

Jawaari iyo guddoomiyihii hore ee maxkam adda sare oo Xasan Sheekh u baneeyey magacaabista CC Shakuur

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xil dhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsa me u magacaabay ergeyga gaarka ah ee u qa abilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaa liya.

Magacaabista Cab diraxmaan Cabdishakuur wa xaa ka dhashay hadal heyn badan oo ku saa bsan in magacaabistaan ay keeni karto inuu Cabdiraxmaan lumiyo kursiga xildhibaanimo, maadaama dastu urka KMG ee Soomaaliya uusan xildhibaanka u ogoleyn xil aan wasiir aheyn.

Sida ay sharci yaqaano la hadlay Caasima da Online sheegeen, shaqooyinka uu dastuur ka u diidaya xildhibaanka waa kuwa ka dhigaya shaqaale rasmi ah oo diiwaanka iyo faafinta ras miga ah kusoo baxaya, sida Danjire, Guddoom iye Hey’ad, taliye hey’ad amni iyo maareeye mashruuc rasmi ah oo laftiisa wareegto lagu aas-aasay.

Sharci-yaqaanada ayaa sidoo kale ku dood aya in xildhibaanka uu noqon karo xubin kamid ah guddi gaar ah oo markaas xaalad la tacaala ya ama inuu xiriirin karo gurmad iyo adeeg kale oo dadka loo fidinayo.

Dhanka kale, xog ay sheegtay in sheegtay in ay heshay shabakadda Caasimada Online ay aa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabistaan kala tashaday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Max amed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoom iyihii hore ee Maxkamadda sare Ibraahiin Iidle Suleymaan.

Labada mas’uul ee uu la tashaday madaxw eyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mada xweynaha u baneeyey in Xildhibaan Cabdir axmaan Cabdishakuur Warsame sharciyan xiriirin karo gurmadka abaaraha oo Madaxwe yne Xasan Sheekh muhiimad gaar ah iyo hort ebin weyn siinaya boqolka maalmood ee maa mulkiisa ugu horeysa.

Madaxweyne Xasan oo xil u magacaabay C/C/ Shakuur

Madaxweynaha cusub ee dowladda federal ka ah ee Soomaaliya oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa xil u magacaabay, Cabdir axmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Sooma aliya.

Madaxweynaha ayaa siyaasigan oo in mu ddo ah mucaarad soo ahaa u magacaabay in uu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani ’aadamninada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheeg ay in Cabdiraxmaan uu si muta dawacnimo ah uu qaban doono shaqadaan, maadaama uu yahay xildhibaan qaran.

Wuxuu sidoo kale Eebe uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday ee ah u gar gaarida dadka Soomaaliyeed ee dhibaat eysan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah aa musharixiintii mucaaradka ee ka qayb-galay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan.

Magacaabistiisa ayaa kusoo beegmeysa, xilli Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan oo ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ayaa horey u magacaabay la-taliyihiisa amniga qar anka, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa.

Taliye Odawaa oo ku hor fadeexoobay shac abka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa wajahaya fadeex ad iyo weji gabax kadib markii madaxw eynihii hore ee Soo maaliya Maxamed Cabdulla ahi Far maajo uu Dorraad qiray in ciidamadii ugu bad naa ee Soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka Eritrea. Taliye Odawaa Yuusuf Raage, oo horay ugu jawaabayay eedeeyn uu madaxwey ne Xasan Sheekh u jeediyay Farm aajo kahor inta aan la dooran ee uu mucaarad ka ahaa oo ku aada neyd ciidanka la geeyey Eritrea, ayaa beeniyay islamarkaana sheegay inaysan jirin cii dan Soo maaliyeed oo dalka Erit rea ku maqan.

"Eritrea ayaa ciidan loo qaaday anigu ma ga ranayo, wasiirkana meel kaloo ciidan ka kee na yo ma aysan jirin. Eritrea ciidan loo qaaday oo xoogga dalka ka tirsan anigu ma ogi taas,” ay uu yiri Taliye Odowaa Yuusuf Raage oo ka had lay golaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si kastaba mu naasabadii xil wareejinta ee Dorraad ka sheeg ay xaqiiqda ciidankaas xili uu goobta ku sug naa Odawaa Yuusuf Raage, islamarkaana feyl ashooda uu ku wareeji nayay Xasan Sheekh.

Arrintan ayaa fadeexad iyo ceeb ay ku noqo tay Taliye Odawaa Yuusuf Raage oo laga duu bay beentaasi, haddana qof kasta uu daawan karo.

Baraha bulshada ayaa si weyn loo waree jin ayaa hadalkii Odawaa iyo khudbadii Armaajo ee qirashada, waxayna dadka ku maadeysana yaan hadalka taliye Odawaa.

Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Max amuud ayaa intii uu mucaaradka ahaa waxaa laga diiwaan geliyay hal-heysyo badan oo caan noqday, kuwaasoo ay ka mid yihiin "Wiilkeygiy oow dhiiqaa lugaha laguu geliyaabaa,” iyo er ayo kale si weyn baraha bulshada looga ade eg sado.

Waxaa hadda muuqata in Odawaa dhiiqo lu gaha loo geliyey, ooh adda uu yahaya qofka ce ebeysan ee beenta u diiwaan gashay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Galmudug & Jubbaland kala hadlay waxka qabashada dhibaatooyinka kajira degaannadooda

Madaxweynaha Cusub ee dowladda Federa alka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay Mad axweyne ku xigeennada dowl ad Gobo leedyada Jubbal and, Maxa muud Sayid Aa dan iyo Gal mudug Cali Daa hir Ciid. Masuuliyiinta ayaa

ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo si dii si wadajir ah looga shaqayn lahaa Danta Dal ka iyo Dadka.

Wararka Risaala heshay ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isla soo qaad een sida laga yeel ayo xaalad da Gobolka Gedo iyo waxka qa bashada dhibaa tooyinka Amni darro ee kajira degaannada Maamulka Galm udug.

labada Madaxweyne kuxigeen ee Galmudug iyo Jubbaland ayaa sheegay inay wadasha qe yn dhow la yeelan doonaan dowla dda Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si loo wada anbaqaado dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland aya waxaa weli caqa bad ay ka heeysataa Gobolka Gedo oo gacan tooda ka maqan halka Maamulka Galmudug ay degaannadooda dhibaato ku hayaan Al-Shab aab iyo Colaad Beeleedyo soo laab laabtay.

Rooble oo u tamashleen tegay Hotel Safari

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xu seen Rooble ayaa gelinkii dambe ee shalay u tamashleen tegay Hotel Safari ee M/ Muqdisho.

Hotelkan ayaa ka mid ah hoteelada ku yaala faras Magaalaha ee dadku u nasiinada iyo dam aashaadka tagaan, si waqti nasiino iyo ma dadaalo ahba ugu qaataan.

R/Wasaaraha ayaa la arka yay, isagoo gac an qaadaya dadkii hotelkaasi sugnaa, ku waa oo qaarkood ka codsana yay inay sawirraan xusuus reeb ah la galaan.

Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska R/Wa saaraha ayaa la gu sheegay in R/Wasaaruhu uu waqti la qaatay qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho "R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So maliya, Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa gal abta waqti la qaatay qaar ka mid ah shacabka Muq disho, iyagoona ku bogaadiyay dadaalka uuku bixi yayqabsomida dorashooyinkii dalka”

xigasho:-dhacdo. com


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Kul may Mas’uuliyiin Ka Tirsan Hay’adda Naaf ada Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Dorraad hoygiisa Muqdisho ku qaabilay masuuliyiin ka socota Hay’adda Naafada Qa ranka oo uu hoggaminayo Guddoo miyaha Max amed Cabdullahi Jaamac.

Madaxda Hay’adda Naafadda Qaranka ayay Guddoomiyaha u soo jeediyeen in fursado bad an oo lagu horumarin karo la siiyo si ay u hel aan xuquuq dhameystiran.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa she egay in uu garab taagnaan doono dadka aan lix aadkooda dhameystirneyn is la markaana Baar lamaanka uu noqon doono mid xuquuqdooda lo oga doodo dadaal dheerna lagu bixin-doono ga rab istaaggaa naafada qaranka.

Rooble Oo Shaqa Joojin Ku Sameeyay Wasi irka Arrimaha Dibadda,Baarisna Lagu Same ynayo

Qoraal ka soo baxay wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay inuu go’aankan la xiriiro warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka Cumaan.

Ra’iisul wasaare Rooble oo baabi’iyay war qada lagu fasaxay markabkaas ayaa dhinaca kale ku amray hanti-dhowrka Qaranka iyo Was iirka Amniga iney baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan wasiirka oo ay u gudbiyaan hay’ad aha garsoorka si talaabo sharci ag looga qaa do.

rooble oo shaqa joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda,baarisna lagu sameynayo

Siciid Deni Oo Ka Hadlay Xilka Uu La Ware egay Xasan Sheikh Maxamuud

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntl and Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyee yay Madaxweynaha 10-aad

ee Soomaaliya Md. Xasan Shiikh Maxamuud oo Dorraad si rasmi ah xilka ugula wareegay Ma daxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdul laahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay sida wa naagsan ay xilka isugu wareejiyeen Dorraad Ma daxweynihii hore iyo Madaxweynaha cusub, wu xuuna u rajeeyay Madaxweynaha cusub in alle u fududeeyo xilka loo doortay ee uu Dorraad la wareegay.

"Waxaan boggaadin aya sida habs amida leh oo nabadgelyada ah ee ay u dhac day xilwareejinta Madax weynaha Jamhuuriy ada Federaalka Soo maaliya, waxay dal ke ena u tahay wax we yn inaynu joogteyno isku wa reejinta xilka Madaxweynaha si nabad ah oo dimuqraadiyadd ah .

Madaxweynaha cusub ee JFS oo Dorraad Xilka la wareegay Mudane Xasan Shiikh Maxa muud, waxaa hortaalla shaqo badan, waa in lala shaqeeyo oo lagu garab istaago sidii dalk eenu hore ugu socon lahaa, waxaan u rajeyna ya in Alle u fududeeyo xilka uu Dorraad la war eegay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka gargaarka oo kormeertay dhisma ha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maar eynta musiibooyinka XFJS marwo, Khad iija Maxamed Diiriye oo ay wehlinayaan Agaasima ha Guud, Axmed Abuukar Axmed, Agaasimaha Gargaarka iyo lataliyaha Xiriirrada Guud ee Wasaaradda Gargaarka ayaa Dorraad Korme eray dhismaha cusub ee Xarunta Qaran ee Gur madka Deg Dega ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo markii ugu hor reysay dalka laga hirgelinayo.

Xarumaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maa reynta Musiibooyinka XJFS iyo Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg dega ayaa si dar-dar ah u socda dhismahooda.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dhismaha Xar unta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ee Was aaradda Gargaarka iyo MM lasoo gaboga beyn doono dhamaadka sanadkan wixii xilligaas ka dambeeyan shacabka loogu adeegi doono.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaa do sharaf guddoonsiiyay Saraakiil ciidan

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Ba arlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Dorraad shahaado shar af guddoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka iyo ku wa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Gudoomiyaha oo ay wehliyaan Labadiisa Kuxig een ayaa shahaadada guddoonsiiyay Tali yaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Ca bdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Ciidan ka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, Korneyl Xasan Dhicisow, Taliyaha Ciidanka Baarlam aanka, Korneyl Daahir Sheekh Axmed, Saraa kiil sare oo qayb weyn ka qaatay sugidda amn iga ee doorashooyinkii dalka iyo Taliyaha Qay bta 1aad (Sector 1) ee Ciidanka ATMIS, Gen eral Keith Katungi.

Saraakiishan ayaa soo dhaweeyay tallaab ada uu Gudoomiyuhu ku guddoonsiiyay shahaa do sharafta, si ugu yaraan loogu muujiyo doo rkoodii muhiimka ahaa ee sugidda amniga ee doorashada.

Aadan Madoobe ayaa dhankiisa Saraakiish an ku ammaanay in door muhiim ah ka qaateen ilaalinta iyo sugidda amniga ee doorashadii dha waan lagu soo geba-gabeeyay Teendhada Afi syooni ee Magaalada Muqdisho, ayna Dorraad shahaado sharaftaasi ku muteysteen dadaalkii dheeraa, ee ay geliyeen howlihii sugidda ee amniga doorashadaasi.

DF oo shaacisay tirada shirkadaha ku guule ystay adeega XAJKA ee sanadkan

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Md. Cumar Cali Rooble ayaa shaaciyay inay 63 Shirkadood ay si hordhac ah ugu guuleysteen bixinta adeega Xajka ee sanadkaan.

Wasiirka ayaa sheegay in tirada shirkadaha soo codsaday kamid noqoshada tartanka ay kor u dhaafeen saddex boqol, kuwaasi oo mar kii dambe lagu kala reebay khibrada iyo buuxin ta shuruudaha guddiga ku shaqada lahaa.

"Waxaa kamid noqoteen 309 shirkadood oo Shan kun ee Soomaali ah oo Xujeydayda u khi dmeeyan soo dalbadeen, runtii khidmadaan yar ta waxa ku filneyd 5 shirkad. 63-ka shirkadood ee ku guuleystay waxay kusoo baxeen khibra da ay u leeyihiin Xajka, hufnaantooda iyo karti doodana hore loo bartay,” ayuu yiri Wasiir Cum ar Cali Rooble.

"Wey dhamaatay in Xaaji Soomaaliyeed bas ka la iska saaro oo la diro ayada oo shaqaale loo diyaarin. Shirkadii khidmada Dorraad aan do oneynay ee shuruuda aad buuxin doontan, shi rkadii ka bixi weyday waxaa ku ciqaabi doona ciqaab adag oo ay muteysatay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in dad ka Xajinaya ay la kulmi jireen dhibaatooyin kala duwan, islamarkaana ay hadda wax badan ka badeleen kuna korjoogteyn doonaan shirkada ha ku guuleystay.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili Sacuudi Carabiya ay xayiraad duulimaad oo lama filaan ah kusoo rogtay Soomaaliya, ayada oo dadka Soomaaliya ka imanaya ka mamnuu cday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.

Soomaaliya ayaa ku jirta liiska 16 dal oo boq ortooyada ay dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan Sacuudiga, taasi oo la shee gay in ay jawaab u tahay kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya dalkaas.

Go’aanka Sacuudiga ayaa ka hor-istaagaya inay dalkaas u safraan kumanaan qof oo Soo maali ah oo isu diyaarinayey inay u cumreyst aan labada xaram iyo sidoo kale Xajka sanad kan oo ay naga xigto kaliya bil iyo ar. Ma cadda xilliga uu socon doono go’aankan iyo in xayir aadda Soomaaliya laga qaadi doono ka hor

Xajka oo ku beegan horaanta bisha July 2022.


Duqa Muqdisho oo u ambabaxay dalka Turkiga

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/ Muqdisho Md., Cumar Maxamud Maxamed

(Cumar Filish) ayaa Dorr aad Saf ar shaqo oo maalma kooban qaadan do ona uga ambaba xay Magaalada Kon yo ee Dal ka Turkiga.

Duqa ayaa halkaas uga qe yb gali doona shir muhiim ah oo ku saabsan horumarinta iskaa shiga magaal ooyinka Muqdisho iyo Konya.

Maxay salka ku heysaa xiisadda siyaasa deed ee ka qaraxday Koonfur Galbeed?

Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogga amiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxa med (Lafta Gareen) ayaa haatan wajahaya mo wjado siyaasadeed oo cusub, kuwaas oo kusoo aaday, kadib doorashooyinkii soo dham ma aday.

Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa ka kala socda kulamo siya asadeed oo iska soo hor jeedo, kuwaas oo ay wadaan siyaasiy iinta reer Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa soo baxay guux ku aadan mooshin ka dhan ah Lafta Gareen, kaas oo ha atan abaabulkiisa uu ka socdo magaalada Muq disho ee caasimada Soomaaliya

Haddaba maxay salka ku hesayaa xisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed?

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquu qul insaanka Soomaaliya, Marwo Xaniifo Xabs ade oo ka mid ah siyaayiinta ka soo jeeda dee gaanada Koonfur Galbeed ayaa qoraal ay soo saartay ku bidhaamisay, sida ay wax u jiraan iyo waxa la’isku hayo labada dhinac.

"Gudoomiyahiisa Gobalka Bay, gudoomiy aha Baarlamanka ,teliyaha ciidamada qaybta lixdimaad qofkii xildhibaano kasoo wada dhigay maa maamulka duminaayo ? Mise dadka dha hooyo December waa in doorasho dhaca daa ayaa maamulka duminaayo?” ayey tiri.

Xaniifo oo hadalkeeda sii wadata ayaa ugu baaqday Madaxweyne Lafta Gareen inuu wax ka barto muddo kororsigii horey u fashilmay ee Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Far maajo, waxayna intaa ku dartay in muddo kor orsi uusan xilligan ka shaqeynin Somalia.

"Waxaa ila haboon Madaxwayne Laftaga reen in uu cashar kabarto mudo korarsigii Baar lamanka 10aad sameeyey halka uu kudambe eyey !! . Hadii mudo korarsi Somalia kashaq aynayso taas ayaa shaqayn lahayd ,waqti bad an haiska gelin doorasho u diyaar garoow tar tan taas bes ah ayaa xal kujiraaa” ayey qoraal ka sii raacisay wasiirka haweenka.

Ugu dambeyn waxa ay jawab kulul ka bix isay shirkii jara’iid ee uu maamulku ku qabtay magaalada Baydhabo, kaas oo ay ka hadleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ku jiro Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo weeraray garabka ka soo horjeeda Lafta Gareen.

"Waxba masoo kordhinayso shir jaraaid iyo booto ,Somalia qori waa lugu kala adkaan waa yey adeerkey General Mahad Intaas wuu og ya hay ,doorasho bes ayaa lugu kala adkaan ka raa wadadaas hauhogaansamo adeerkay mad axwayne laftagareen wixii kasoo haro waa iska fowdo,”. Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Soomalaiya uu ka dha cay isbedal siyaasadeed, kadib doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Aabe oo laba wiil uu dhalay ku dilay Magaalada Gaalkacyo

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyay in aabahan uu laba wiil uu dhalay ku dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, oo Puntland ka arrimiso.Taliska Bo oliska ayaa falkan la xiriiriyay maandooriye uu aabahaasi isticmaali jiray, haatana ay caafima adkiisa baarayaan, ka hor inta aan la horgayn sharciga.

Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Qaybta Booli ska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in Axmed Maxamed Faarax uu labadiisa wiil ka soo kaxeeyay hooyadood oo haysatay, ka dib markii uu u sheegay in goobaha waxbarashada uu ku dari doono.

"Axmed Maxamed Faarax oo 43 jir ah baa wuxuu dilay laba wiil oo uu dhalay, oo midna uu yahay 10 jir, midka kalena uu yahay 11 jir, lag una kala magacaabo Idiris Axmed Maxamed iyo Sakariye Axmed Maxamed.” Ayuu yiri Tal iyaha.

Taliyaha ayaa yiri "Wuxuu ku dilay guri uu magaalada ka deganaa oo uu Dorraad la yimid, oo markii hore ay hooyadeed haysatay, marka Dorraad ayuu yiri waxaan gaynayaa iskuulo iska caadi ah, iyadana way u ogolaatay, laakiin isla Dorraad waxaan aaminsanahay inuu ku dilay gurigii uu deganaa.”

Taliyaha ayaa xusay in ninkaasi dhowr jeer lagu xiray xabsiyada magaalada, sababo ku aa ddan isticmaalka maandooriyaha iyo falal kale oo dadka deegaanka uu u gaystay.

"Dhowr jeer buu xabsiyo soo maray oo arrimo daraagis iyo waxyaabo kale oo dad uu u gaystay loo xiray.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray "Waa kiis khatartiisa leh oo aad u fool xun oo Dorraad meesha ka dhacay.”

Dhacdadan ayaa noqotay midda loogu ha dalha ynta badan yahay Magaalada Gaalka cyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Swan oo shaaciyey in halis weyn ay ka jirto Somalia

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo khudbad ka jeediyey kulan ay Golaha Am maanka ka yeesheen xaalada Somalia ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah iyo isbedalka ka dha cay dalka.

Swan oo marka hore khu dbaddii sa uga ha dlay do orashooyinkii soo dhamm aaday ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay inay la shaqe yso dowladda cusub ee So omaaliya.

"Dhammaan nidaamka Qaramada Midoobay ee Soo maaliya waa mid diyaar u ah in uu la sha qeeyo daw ladda cu sub si loo taageero yool alkan la wadaago” ay uu yiri.

Wakiilkada Qaramada Mi doobay ee Sooma aliya ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay weli ka jirto halis aad u weyn, taas oo ka dha latay xaaladda bani’aadanimo ee dalka.

Danjiraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd ee dhanka no losha, taas oo ka dhalatay abaaraha markale ku dhuftay Soomaaliya.

"Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso. Dalku waxa uu wajahayaa khat ar aad u weyn oo macaluul ah deegaanno ay ku nool yihiin lix bulsho haddii qiimaha cunnada uu sii kordho, gargaarka bini’aadannimadana aan la joogteyn,” ayuu sii raaciyey.

Soomaaliya ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay abaaro xoogan oo saameeyey nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Taiwan iyo Somaliland oo kala saxeexday heshiis la xidhiidha macdanta iyo shidaalka

Taiwan iyo Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis lagu tirakoobayo xadiga macdanta iyo shidaalka ah ee ku jira Somaliland, in la dhiso bangi lagu kaydiyo macluumaadka macdanta iyo caawimooyin kale oo ay Taiwan ka siinayso Somaliland ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.

"Labada dowladood waxa ay ku heshiiyeen in la oggaado macdanta ku jirta Jamhuuriyadda Somaliland nooceeda, caddadkeeda, meelaha ay ku jirto iyo qiimaha ay lacag ahaan ku fadhido. In la inoo sameeyo bangi macluuma ad ka iyo xogta macdanta iyo tamarta aan ku ka ydino oo casri ah ama digital ah" ayaa lagu yidhi qoraal uu baahiyay wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Hagi.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay So maliland ka caawiso sidii shaqaalaha Wasaara da Macdanta Somaliland loo siin lahaa tab abar la xidhiidha baadhista macdanta iyo in ay sid oo kale ka caawiso in la baro shuruucda lagu maamulo macdanta & khayraadka dabiiciga ah.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Somaliland loo fududeeyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabi iciga ah iyo in la wajaho caqabadkasta oo ka hor imanaysa, iyo in kor loo qaado oo la taag eero sidii Somaliland uga faa'iidaysan lahayd macdanta iyo shidaalka.

Heshiiska waxaa kala saxeexday Wasaara da Arrimaha Dhaqaalaha ee Taiwan iyo Wasa arada Macdanta ee Somaliland.

Guddiga Doorashooyinka Kenya oo siyaasi yiin ka hor istaagay inay tartamaan.

Guddiga doorashada Kenya ayaa shaaciy ay in aysan u ogolaan doonin siyaasiyinta iya goo xilka haya xilka laga tuuray sababo la xiri ira Musuq-maasuq ama dacwad laxiriirta lunsa sho hanti dadweyne ay ka taalo maxkamadaha Kenya.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelan doonto si yaasin aad u tirbadan oo ay kujiraan kuwa Soomali ah.

Waa markii ugu horeysay oo uu Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Kenya uu qaado talaabo noocan oo kale ah.


Turkiga oo ku dhawaaqay howlgal cusub oo ka dhan ah argagixisada

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tay yip Erdoğan ayaa sheegay in dhawaan uu bil laabi doono howlgal cusub oo militari oo laga sameyn doono xadka dhanka koonfureed, si lo ola dagaallamo khatarta argagixisada ee halk aasi ka jirta.

Bartilmaameedka ugu weyn ee howlgalkan ayaa noqon doona in dib loo bilaabo dadaa llada lagu abuurayo aag nabdoon oo 30-km ama (20-mile) ah oo ku teedsan xuddu udda Turkiga uu la wa daago Suuriya, ayuu Erdoğan ku sheegay khud bad telefishanka dalkaasi laga sii daayay.

Ma uusan bixin faah faahin intaas ka dheeri ah, balse wuxuu sheegay in howlgallada la billa abi doono marka ay dhameeyaan diyaar garo wga ciidamada,kuwa sirdoonka & nabadsugida.

Laba Dal oo Yurub ah oo la ogaaday inay si sharci-darro uga kalluumeysteen Somalia

Warbixino dhowr ah oo ay daabacday hay ’adda Blue Marine Foundation ayaa shaaca ka qaaday caddeymo muujinaya kalluumeysi shar ci-darro ah oo maraakiibta qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub ay ka sameeyeen xeebaha Soom aaliya.

Warbixinada oo ay kala daab aceen OceanMind, Blue Ma rne iyo Kroll, ayaa tusmeynaya dhaq-dhaqaaq sharci-darro ah oo maraakiibta dalalka Spain iyo France ka sam eeyeen badweynta India, ay aga oo aan haysan wax ogolaansho ah oo ku saabsan inay ka kall uumeystaan Soomaaliya.

Warbixinadan ayaa imanaya ayada oo gu ddiga kalluumeysiga Badweynta India ee IOTC ay ku kulmayaan dalka Seychelles, ayaga oo ka wada hadlaya sidii loo badbaadin lahaa noo cyo ka mid ah kalluunka oo kasii guraya Bad weynta India.

Noocyadaas ayaa waxaa ka mid ah Yellow fin Tuna oo tan iyo 2015 loo kalluumeysanayey si xaddhaaf ah, taasi oo keentay inuu aad u yar aado, waxaana hadda loo baahan yahay in la yareeyo saddex meelood meel si uu dib ugu soo kabto illaa sanadda 2030.Wasaaradda Kal luumeysiga Soomaaliya ayaa xaqiijisay inaysan wax shati kalluumeysi ah siin maraakiibta dalal ka Spain iyo France.

Labadan dal ayaa caddeymaha la helay ay muujinayaan inay badda Soomaaliya ka kall uu meysteen sanadihii 2017, 2018, 2019 iyo 2020.

Xeebaha Soomaaliya ayaa muddo 14 sano ah waxaa ka shaqeynayey maraakiib ka socay Mi dowga Yurub oo ay saaran yihiin ciidamo la sheegay inay ka ilaalinyaan burcad badeedda, kuwaas oo fulinayey howlgal loogu magac dar ay Atalanta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa how lgalkaas soo geba-gebeysay bishii March 2022, kadib markii ay diiday in waqtiga loo kordhiyo, taasi oo aad uga careysiisay Midowga Yurub.

Booliiska Columbus oo dacwad kusoo oog ay nin labaad oo loo haysto dilkii Sheikh Ma xamed Xasan Aadan

Eedeysane labaad ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta afduubkii keenay in la dilo imaam Soomaaliyeed oo caan ka ah magaal ada Columbus ee Maraykanka, bishii Dece mber. Isaiah Brown-Miller, oo 22 jir ah, kana soo jeeda magaalada Columbus, ayaa lagu soo oo gay dacwad ku saabsan dilka Sheikh Maxamed Xasan Aadan oo 48 jir ah, oo muddo dheer im aam ka ahaa masaajidka Masjidka Abu Hur airah ee ku yaal magaalada Columbus.

Sheikh Maxamed Xasan Aa dan ayaa sidoo kale ahaa ho ggaamiyaha bulsho weynta Soaliyeed ee M/ Columbus.

Intii ay hay’addaha dambi baaristu ku guda jireen baar itaankooda waxay sheegeen Sabtidii inay Brown-Miller u aqoonsadeen inuu ya hay ka qaybqaataha labaad ee dilka imam ka.

Sheikh Maxamed Xasan ayaa la waayay 22-kii Diseembar, markii uu ka soo baxay gurig iisa. Sida ay booliisku sheegeen. Qoyskiisa ay aa soo sheegay in la waayay maalin kadib wa xa ana meydkiisa laga helay gaari Van ah 24-kii December meel kayn ah oo ku taal dhanka Waqooyi ee magaalada Columbus.

Erdogan Oo Sheegay In Uusan Aqoonsan ayn Ra’isulwasaaraha Giriiga

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdog an ayaa sheegay in uusan aqoonsanayd Ra’is ulwasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis, islam arkaasna uusan la kulmi doonin.

Waxa uu ku eedeeyay in uu isku dayay in uu hor istaago in Maraykanka uu Turkiga ka iib iyo diyaaraha F-16 kadib booqasho uu ra’I sulwasaaraha Giriiga ku tagay dalka Mara ykanka.

"Aniga buugayga waan ka tiray nin la yira ahdo Mitsotaksi, mana la kulmayo” ayuu yiri Erdogan oo la hadlayay golihi isa wasiirada.

Muranka labada dal ayaa ka biloowday kadib markii Tur kiga uu diiday in dalalka Fi nland iyo Sweden ay ku biiraan gaashaanburta NATO.

Ra’isulwasaaraha Giriiga ayaa ka hor hadlay Koongareeska Maraykanka uu todob aadkii ho re ka hor sheegay in aanan mamnuuci sta laga qaadin Turkiga ee la xiriirta in laga iibiyo diyaa radaha dagaalka.

Siyaasi Caan Ah Oo Xabsiga La Dhigay Ka Dib Dibadbaxyo Ka Dhacay Uganda

Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Dr Kiz za Besigye ayaa la xiray Dorraad oo Talaadado ah isagoo isku dayay inuu hoggaamiyo dibad bax ka dhacay caasimadda Kam pala, kaas oo looga soo horjeedo qiimaha maciishada.

66 jirkaan ayaa afar jeer mad axtini mada kula tartamay Yow eri Museveni.

Wuxuu ahaan jiray dhakhtarka gaarka ah ee Mr Museveni, ma rar badan ayaana xabsiga la dhigay. Dr.Besigye ayaa yimid mudaharaadkii Talaadadii isagoo wata gaadhigi isa, wuxuuna sababay in ganacsigii aagga dee gaanka uu ist aa go, sida uu sheegay wargeysa Daily Mon itor.

Booliska Uganda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay gacanta ku hayaan Dr Besigye oo loo haysto eedo la xiriira hurinta rabshadaha.

Taliban oo go’aamisay dalka maamulaya gar oonka Kabul kadib loollan dhex-maray Qat ar, Turkey iyo Imaaraadka Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afgh anistan iyo Imaaraadka Carabta ay aa saxiixan doono heshiis ku saabsan xaka meynta amniga iyo maamulka garoomada diya aradaha dalkaas.

Warkan ayaa waxaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay ku-simaha ra’iisul wasa are ku xigeenka Afgaanistaan Abdul Ghani Bar adar.

Go’aanka ay Taalibaan ku gaartay inay he shiiskan u saxiixdo Imaa raadka ayaa yimid ka dib muddo bilooyin ah oo uu loolan ku saabsan ci dda qaadaneyso qandar aas ka maamulka garoo mada dhex maray dowlad aha Imaaraadka, Turkiga iyo Qatar.

"Tallaabadaan waxay albaabka u furi doon taa maal-gashiga caalamiga ah ee Afghanistan, maadaama hadda la helay damaanad qaad am ni," ayuu yiri Baradar oo ka hadlayay saxiixa he shiiskaan.

Garoonka caalamiga ah ee Kabul ee dalka Afghanistan ayaa burburay bishii Augusto san adkii hore markii Taliban ay la wareegeen gac an ku haynta caasimadda markii ay dowladda Mareykanka la baxday ciidamadii ka joogay dalkaas muddada 20-ka sano aheyd.

Markii ay ciidamada Mareykanka ka baxeen Afghanistan waxaa la filayey in Turkiga iyo Qa tar ay si wadajir ah uga howlgalaan oo ay sug aan ammaanka garoonka caalamiga ah ee Ka bul.

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa kaalin weyn ka qaatay dadaalkii daad-gureynta kadib bixitaankii Mareykanka, waxayna xilligaasi shee geen inay diyaar u yihiin inay la wareegaan ho wlaha garoonka.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arri maha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa u she egay wargeyska Middle East Eye bishii Nove mber in Imaaraadka oo horay u maamuli jiray garoonka diyaaradaha ee Kabul, xilligii jamhu uriyadda Afghanistan ee uu Maraykanku taage erayey ay ka go’an tahay sii wadidda howlaha garoonka iyo in la helo marin ammaan ah oo la soo mariyo gargaarka bini’aadanimo.

Xiriirka Imaaraadka iyo Qatar ayaa sanado badan ahaa mid mugdi ku jiray, kadib markii lab ada dal ee Khaliijka ay ku loolameen inay saa meyn ku yeeshaan gobolka.

Hadda, shirkadda maraakiibta iyo saadka Imaaraadka ee GAC Dubai – oo uu matalo Raz ack Aslam Mohammed Abdur Razack – ayaa mas’uul ka noqon doonta hawlgelinta iyo sugi dda ammaanka garoomada diyaaradaha.

Bishii August ee la soo dhaafay, waxaa daa ha laga qaaday heshiis qabyo ah oo dhexm aray Taliban iyo Turkiga. Heshiiska qabyada ah ayaa waxaa ka mid ahaa qodobo dhigaya in Ankara ay u aqoonsato Taliban inay tahay dow ladda sharciga ah ee Afghanistan iyo inay sug to ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul iyada oo loo marayo shirkad gaar ah.

Laakiin Turkiga iyo Taliban ayaa ku dhibtoo day inay gaaraan heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan sugidda iyo ka shaqeynta garoonka diyaaradaha ee Kabul, taasi oo ugu dambeyn soo dadajisay inay Imaaradka loolana uga adka ato Turkiga iyo Qatar oo si wadajir ah heshiiska as u daneynayey.


Hadal-heyn ka dhalatay wax albaab u eg oo lagu arkay hawada sare.

Sawir ay Hay’adda Hawada Sare ee Mareykanka (NASA) ka soo qaadday hawada sare oo muujinayay wax u eg albaab ayaa dha liyay hadal-heyn badan, iyadoo dadka ay ku til maameen inuu caddeynayo jirintaanka nooley aasha la aaminsan yahay inay deggan yihiin hawada sare (alien).

Albaab-u-ekaha ayaa ka soo dhex muuqday sawi rro uu qaaday gaariga xogta ururiya ee NASA, kuwaas oo la faafiyay toddobadkii bishan.

Waxaa albaabkaas lagu arkay dhul dhagax ah xilli la sahminayay nolosha ka suurtagalka ah hawada sare.

NASA ayaa BBC u sheegtay in sawirka la isla dhex qaaday internetka ee qofba uu si’ u macneeyay uu yahay duleel yar oo dhulka ah.

Godka cabbirkiisu waa 45 senti-mitir oo dhirir ah iyo 30 senti-mitir oo ballac ah.

Hoos ka arag sawirka laga soo dhex saaray ‘albaabka’ oo waxyaabo kala duwan muujinaya. XIGASHO:-BBCSomali

Ciidanka Liyu booliska oo lagu eedeeyay in qof shacab ah ay ku dileen tuulo kamid ah gobolka Qoraxay

Ciidanka gaarka ah ee degaanka Soomaalida ee Liyu booliska ayaa lagu eedeeyay inay qof shacab ah ku dileen tuulo lagu macaabo Ceel-lamood oo ka tirsan degmada Dhooboweyn ee dowlad degaanka Sooma alida Itoobiya.

Qofka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi rashid Mataan Muxumed oo da'diisu qiyaastii kuntomeeyo jir ahaa, lama sheegin sababta dilk iisu ku dhacay balse mid kamid ah Odayaasha degaankaasi oo lagu magacaabo Cawaale Faarax Canshuur oo Warbaahinta la hadlay ay aa sheegay in ninka la dilay uusan wax qori ah wadan dilna gaysan.

" Ninkan wax qori ah uu watay iyo cid uu wax yeelay midna ma jirin, isagoo reerkiisa jooga umbaa xabad lagu dhuftay, nin ciidan ah oo Li yuu Boolis ah ayaa xabadda ku dhuftay, tu ulada xabad kale kama dhicin dad is haystana ma jirin, xabadaas ninkaa lagu dhuftay umbaa ka dhacday tuulada". ayuu yiri Cawaale Faarax Canshuur oo kamid ah Odayaasha degaanka as.Sidoo kale Cawaale Faarax Canshuur waxa uu sheegay in ka Odayaal ahaan, xukuumadda degaanka Soomaalida ay ka codsanayaan in cadaaladda ay mariso ciddii falkaasi ka damb aysay, oo haddii ninka la dilay uu dhib wadayna ay sheegto, haddii laga gardarnaana cadaala dda la mariyo ciddii dhibka gaystay.

Waxa kale oo uu xusay Cawaale in shacab ka iyo Ciidanka Liyu booliska ay yihiin dad wal aalo ah, balse xukuumadda degaanka Soomaa lidu looga baahan yahay inay qabato cidda kha ladka ku jirta.

Wali xukuumaddu ka maysan hadlin eeddan loo soo jeediyay ee ah in Askari kamida Ciid anka gaarka ah ee dowlad degaanka Soom aalida uu qof shacab ah ku dilay tuulada Ceel-lamood oo ka tirsan degmada Dhooboweyn ee Gobolka Qoraxay ee degaanka Soomaalida.


LUQADA SOOMAALIGA OO KA MID NOQDAY AFAFKA SI RASMI AH LOOGU TARJUMO GOOGLE

Toban luqadood oo kale oo Afrikaan ah ayaa dhowaan ka soo muuqday adeegga turjumaada khadka tooska ah ee muhiimka ah ee Googleka waxaana ka mid ah luqada Soomaaliga.

"Dorraad waxaan ku darnay 24 luqadood si aan u turjuno, hadda waxay gaar tay wadarta 133 ee laga isticmaalo adduunka oo dhan. In ka badan 300 milyan oo qof ayaa ku hadla luqadahan cusub ee lagu daray – sida Mizo, oo ay isticm aalaan ku dhawaad ​​​​800,000 oo qof oo ku nool waqooyi bari ee Hindiya, iyo Lin gala, oo ay isticmaalaan in ka badan 45 milyan oo qof oo ku nool Afrikada Dhe xe,” ayuu Isaac Caswell, Injineer Software ka ah Google ku qoray qoraal 11-kii Maajo.

Luuqadaha cusub ee lagu soo kordhiyey waxaa ku hadla tobanaan milyan, oo ku baahsan qaaradda. Adeegga hadda waxaa ku jira 24 luqadood oo Afrikaan ah. Waxaa jira in ka badan 2,000 oo luqadood qaarada Afrika, Nigeria waa dalka ugu badan, oo leh 522 luqadood, sida laga soo xigtay shirkadda cilmi-baarista, Statista. Shirkadda cilmi-baadhista ayaa Cameroon (oo leh 275 luqadood) iyo Ja mhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (oo leh 217) inay yihiin waddamada lab aad iyo saddexaad ee tirada ugu badan ee luqadaha ay isticmaalaan oo ay ku hadlaan dadka qaaradda.

Luqadaha Afrika laga aqoonsan yahay kuwaas oo dedejiya fidinta macluuma adka, xuduudaha iyo isku xirka dadka, guud ahaan qaarada ayaa waxa ka mida .

Sawaaxili

Luuqaddan ayaa ah tan ugu ballaaran ee Afrika lagaga hadlo iyadoo Qara mada Midoobay ay tirada ku hadasha ku sheegtay in ka badan 200 oo milyan. 2021, Qaramada Midoobay waxay 7-da Luulyo u aqoonsatay maalinta caalamiga ah ee luqadda Kiswahili. Qaramada Midoobay waxa ay sidoo kale u aqoonsatay asal ahaan luqadda Tansaaniya, halkaas oo laga helay dukumeentiyadii Sawaax iliga ee ugu horreeyay. Sawaaxiligu inta badan waa isku dhafka luqadaha Bantu ee maxalliga ah iyo Carabiga.

Madaxweynihii hore ee Tansaaniya, Mwalimu Julius Nyerere, ayaa ku dhawa aqay Sawaaxiliga in uu yahay aalad muhiim u ah dagaalka madax-bannaanida, isaga oo u adeegsanaya midaynta dalka. Sawaaxili waxay ku leedahay heerka luqadda rasmiga ah ee Tansaaniya iyo Kenya. Isku geyn 126 luqadood ayaa looga hadlaa Tansaaniya.

Hausa

Waxaa la oran karaa waa luqadda ugu badan ee laga isticmaalo Nigeria, Hausa waxa sidoo kale looga isticmaalaa luqad ganacsi ahaan gudaha Benin, Ghana, Ivory Coast iyo Togo.

Dadka tirada badan ee ku nool Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Gabon iyo Cam eroon iyo sidoo kale dadka ku nool Waqooyiga Galbeed ee Suudaan ayaa istic maala luqadda Afro-Asiatic, oo ay ku hadlaan in ka badan 50 milyan oo qof. Hausa waxay isticmaashaa xarfaha Boko iyo Laatiinka.

Lingala

Waxaa si ballaaran ugu hadla in ka badan 45 milyan oo qof oo ku nool Jam huuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Jamhuuriyadda Kongo sida laga soo xi gtay Google. Waxay ka soo baxday luqad kale oo Bantu ah, Bobangi, oo ay isti cmaalaan ganacsatada jiinka webiyada ee ku teedsan webiga Congo.

Luqadda ayaa sidoo kale laga isticmaalaa Angola, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyo Koonfurta Suudaanta Koonfureed ka dib guusha muusiga Lingala.

Yoruba

Waxaa jira ku dhawaad ​​45 milyan oo ku hadla afka Yoruba wadamada Galb eedka Afrika- oo ay hogaaminayaan Nigeria, Togo iyo Benin. 43 milyan oo qof oo u badan qowmiyadda Yoruba ayaa u isticmaala luqaddooda koowaad halka inta kale ee ku hadasha ay tahay luqaddooda labaad. Farta Laatiinka iyo Carabiga ayaa la adeegsadaa marka la qorayo luqaddan.

Oromo

Luqaddan ayaa ka timid gobolka Oromada ee Itoobiya, oo ay inta badan ku hadlaan dadka Oromada ah. Luuqaddan ayaa sidoo kale laga isticmaalaa dalka Kenya iyo weliba qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo Masar.

Itoobiya ayaa leh dadka ugu badan ee ku hadla afka Oromada, iyadoo 30 mil yan ka mid ah 37 milyan oo qof. Oromada Itoobiya waxay ka badan yihiin saddex meelood meel dadka dalka. Afaan Oromoo afaan Oromoo keessatti mul’ataa fi laatiinii fi barattoota adda addaa ture. Amxaarigu waa "Luqadda shaqada” ee Itoobiya.

Igbo

Waxaa jiray ilaa 30 milyan oo ku hadla afka Igbo dhamaadka 2020, oo ay ku nool yihiin dad aad u badan dalka Nigeria, Niger iyo Congo. Qowmiyadda Igbo waxay ka soo jeedaan Bariga Nigeria.

Waxa kale oo jira dad laga tiro badan yahay oo ku hadla luqaddan Equatorial Guinea iyo Cameroon.

Soomaali

In ka badan 21 milyan oo qof ayaa ku hadla af-soomaaliga, oo ah luqadda ra smiga ah ee Soomaaliya, Somaliland iyo Itoobiya. Djibouti waxa ay sidoo kale u isticmaashaa luuqad qaran waxana ay ku sii badanaysaa isticmaalka waqooyi bari ee Kenya, halkaas oo loo aqoonsan yahay luqad laga tiro badan yahay. Wa xay leedahay saddex lahjadood oo waaweyn – Soomaali Woqooyi, Soomaali xee beed iyo Maay. Soomaaliya waxay leedahay 13 luqadood oo asal ah.

Luganda

Sidoo kale loo yaqaan Ganda, Luganda ayaa asal ahaan ka soo jeeda gobolka Buganda ee dalka Uganda, waxaana ku hadla 20 milyan oo qof oo ku nool Uganda iyo Rwanda. Luuqadu waxay leedahay saddex lahjadood – Kooki, Ludiopa, Luvuma iyo Sese. Waa luqadda ugu badan ee looga hadlo Ugandha kadib Ingiriisi, luqadda rasmiga ah ee dalka.

Sepedi

Qiyaastii 14 milyan oo qof oo ku nool Koonfur Afrika ayaa isticmaala luq addan, oo sidoo kale loo yaqaan Waqooyiga Sotho ama "Sesotho sa Laboa”. Waa mid ka mid ah luqadaha rasmiga ah ee dalka ee isticmaala Gauteng, Go bolka Limpopo iyo aagga Mpumalanga. Isticmaalayaasha sidoo kale waxaa laga heli karaa Botswana. Koonfur Afrika waxay leedahay 11 luqadood oo rasmi ah.

Bambara

Luqada qaranka Mali waxaa sidoo kale loo yaqaan Bamana ama Bamanank an waxaana ku hadla in ka badan 14 milyan oo qof. Kaliya 5 milyan ayaa ku had la afka hooyo, inta soo hartayna waxay u adeegsadaan luqaddooda labaad. Wax aa kaloo jira dad badan oo ku hadla dalalka Niger, Mauritania, Senegal, Gambia

iyo Côte d’Ivoire. Maali waxay leedahay 68 luqadood.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip