HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA MAY 2022

0
Thursday May 12, 2022 - 09:28:44 in Wararka by
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA MAY 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Sheekh Aadan Madoobe oo magacaab ay la-taliyihiisa siyaasadda iyo amniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarl amaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa La-taliye sare oo arrimaha siyaasada iyo amniga ah u magacow day Maxamed Xasan Idi ris. Guddoomiye Aadan Ma doobe ayaa warqadda uu ku soo saaray magacaabi daan, wuxuu xoghayaha guud ee golaha shacabka ku faray inuu u dham eystiro la-taliyaha cusub habraaca iyo meelmar inta go’aanka sida ugu haboon ee sharciga wa afaqsan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa warqadaan ku sheegay in xafiiskiisu uu baahi badan u qa bo la-taliyahaan, isla markaana uu Maxamed Xasan Idiris leeyahay aqoon iyo waayo aragni mo siyaasadeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa hadda ah masuulka ugu sareeya dalka, waxaana hor taalla mareynta marxaladaan kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto.

Maxamed Xasan Idiris La-taliyaha cusub ee guddoomiyaha golaha shacabka ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacab ka, wuxuuna ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad oo uu kasoo galay deegaanada K/ Galbed.

Marwada Madaxweynihii Hore Ee Soomaal iya Oo Geeriyootay Iyo Madax Tacsi Dirtay

Allaha u naxariistee waxaa dalka Imaaraadka ku geeriy ooday Xaawo Cali Samtar oo aheyd marwaadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdull aahi Yuusuf Axmed.

Geerida ku timid Xaawo Cali Samtar ayaa w axaa xaqiijiyay qaar kamid ah qoyskeeda, iya goona sheegay in marwadii 1aad ku geeriyoo dy dalka Imaaraadka Carabta, Ma jirto farah-faah in dheer ah oo laga bixiyay geerida Xaawo Cali Samatar.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dham Maaday Soomaaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoys ka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soom aaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar.

"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Wa xaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qara abada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Sam atar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdull aahi Yuusuf Axm ed. Waxaan si gaar ah xanuun ka tac sida ula qayb sana yaa qoyska Mada xweynihii hore eed al ka.” Dhinaca kale Madaxw eyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya, Mad axda maamul Gobo leed yada iyo Mas’uuli yiin kale oo aad u ayaa ka tacsiyeey ay geeridii ku timid marwaadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Rooble Oo La Kulmay 16kii Xildhibaan Ee Lagu Soo Doortay Ceel-Waaq

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Maxamed Xus een Rooble ayaa kulan casho ah la yeeshay 16 -kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay de gmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Md.Rooble ayaa ugu hambalyeeyay mas’uul iyadda Qaran ee loo doortay xildhibaanadan is agoo ku boorriyay inay dalkooda iyo dadkooda si hufan ugu adeegaan mudada afarta ah ee metelayaan.

Wareegto ka soo baxday dhowaan guddoon ka cusub ee golaha shacabka ayaa lagu sharci yeeyey xildhibaanada lagu soo doortay Ceel waaq, taasoo meesha ka saartay xildhibaano kale oo sheegtay in la gu soo doortay M/Gar bahaarey.

Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq oo aan u suurtogelin inay codeeyaan doorasha dii guddoonka golaha shacabka ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan doorashada madaxweyna ha oo 15ka bishan ka dhici doonto magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweyna ha Soomaaliya ee Maalinta koowaad oo soo gabagaboowday

Waxaa soo gabagaboobay hadal jeedinta maalinta koowaad ee Musharaxiinta

u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, wa xaana Shalay khudbadahooda ka hor jeediyay Xildhibaanada labada Aqal 20 Musharax oo mid ah 39-ka Musharax ee isku diiwaan galiyay tartanka door ashada Madaxweynaha JFS.

Musharaxiinta ayaa khudbadahooda uga hadlaayay barnaamij si yaasadeedkooda iyo si dii Xildhi baanadda laba da gole ay ugu dooran lahay een xilka ugu sare ya dalka Soomaaliya, waxa ana Musharax kasto uu diirada ku saaray hadal jeedintiisa sidii loo gu dooran lahaa mad axtin imada Soomaaliya.

Munaasabada hadal jeedinta 20-ka Musha rax ee Shalay waxaa goob joog ahaa labada gu ddoon ee Golaha Shacabka, Golaha Aqalka sa re iyo ku xigeenadooda iyo qaar ka mid ah mu danayaasha 2da Gole ee B/F/Soomaaliya. Gu ddoomiyaha guddiga isku dhafka ah ee do ora shada madaxweynaha Soomaaliya Senator Ca bdiqani Geelle Maxamed oo Shalay daahfu ray Munaasabada, islamarkaana Shalay soo xiray ayaa sheegay in si wanaagsan ay ugu soo gabagabowday munaasabada hadal jeedin ta 20-ka Musharax, isagoona sheegay in berito la dhageysan doono hadal jeedinta 19 Mushar rax oo ay ka mid yihiin Farmaajo iyo madaxwey nay aashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xa san Sheekh iyo siyaasiyiin kale oo caan ah. Gabagabadii guddoomiyaha guddiga doorasha da Madaxweynaha 10aad ee dalka ayaa ka co dsa day Xildhibaannada labada Aqal in ay ka soo qeyb galaan hadal jeedinta Musharaxiinta ee loo madal sanyahay maalinta berito oo ah maalinta u dambeysa ee hadal jeedinta Mushar axiinta madaxweynaha dalka.

Doorashada madaxweynaha ayaa lagu wa daa inay dhacdo 15- ka bishaan May oo ku bee gan maalin Axada ah, waxaana kahiman sadax maalmood oo kaliya.

Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFSoo maaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoo be) ayaa hoygiisa ku qaa bilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna mu sha rrax madax weyne Shariif Sh. Ax med Kulanka lab ada ma suul ayaa looga hadlay arr imo la xir iira doorashada iyo sidii Doora shada mad axweym aha Soomaal iya loo qaban lahaa iyada oo ay ji rto hufnaan iyo cadaalad.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ballan qaaday in ay doorashada noqon doonto

mid loo wada siman yahay oo nabad iyo xasill ooni ku qabsoonta.

Maalinta Axada ah Tariikhduna ku began tah ay 15-ka bishaan May ayaa la filayaa sida qor shuhu yahay in la qabto Do orashada Madaxw aynaha 10-aad ee JFS.

Guddoomiye Degmo Ka Tirsan Gobolka Ba naadir Oo Ka Badbaaday Qaraxii Muqdisho

Guddoomiyaha degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir Seynab Maxamuud Warsa me (Xaabsey) ayaa ka badbaaday qaraxii Is-mi idaaminta ahaa ee ka dhacay barta Koontarool ee laga ilaaliyo wadada aada Garoonka diyaar adaha Aadan Cadde ee Magaa lada Muqdisho.

Qof isku soo xiray jaakad waxya abaha qarxa ayaa isku dhex qar xiyey gaadiid taagnaa Koon tarool ka Ciidanka Nabad sugida dowl adda ee lagu hubiyo gaadiidka aadaya dhanka Gar oon ka, waxaana qaraxaas uu ah aa mid xoogan oo jugtiisa laga maql ay Muqdisho.

Guddoomiye Seynab Xaabsey oo Qoraal ko oban kusoo qortay barteeda Facebook ayaa sheeg tay inay Nabad qabto, isla markaana wa xaa ay tacsi u dirtay Askar la soc otay oo ilaalo ahaa oo ku dhintay qaraxa, iyada oo Caafim aad u rajeeysay Askarta dhaawacantay.

"Alhamdulilah ilaahey ha unaxariisto askart eeni inta dhawa cana allaha noo caafiyo waa na bad qabnaa Alhamdulilah” ayey tiri Guddomiye Seynab Xaa bsey oo ka badbaaday qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay M/Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Askar ilaalo u aheyd Seynab Xaabsey iyo dad shacab ah oo goobta marayay, waxaana sidoo kalena dhaawacmay dad kale oo shacab ahaa, iyado ona ay gubatay kaalin shidaal oo ku taalla go

ob ta


Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku amr ay ciidanka xaqiijinta ammaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay aa cambaareyay weerarkii Shalay ka dhacay bar koontorol oo u dhow agagarka KM4 ee Mu qdisho.

Guddoomiyaha ayaa faray ciidamada amma anka in dedaalkooda dheeriga ah muujiyaan lagana hortago weerarada abaabulan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Ebbe u gu baryay intii ku waxyeelowday qaraxa inuu ca afimaad deg deg ah siiyo

Taliyaha ciidanka booliska oo tababar u soo xiray ciidamo cusub

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa Shalay ha lkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska Somaaliyeed.

Ciidanka tababarka loo xiray ayaa noqonaya duf caddii 16-aad oo ta babar heerkeedu sarreeyo ku qaadata dalkaas.

Taliyaha oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soo maaliyeed, ayaa kula dardaarmay gudashada wajibka qaran ee loo tababaray.

Waxa tababarka dufcaddani qayb ka yahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Boolis ka Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda am niga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku-Xigeenada Galmudug Iyo Jubbaland Oo Shalay Ku Kulmay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenada D/G/Galmudug iyo Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo Ca li Daahir Ciid ayaa Shalay kulan ku yeeshay Ma gaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ku sugan yihiin.

Labada Madaxw e yne ku-xigeen aya a kulankooda u ga wada hadlay Arri mo dhowr ah oo kamid yihiin xaaladda siyaasa deed ee dalka iyo Iskaashiga ka dhexeeya 2da maamul ee Galmudug iyo Jubb aland.

Sidoo kale waxaa ay ka wada arrinsadeen doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS ee 15-ka bi shaan May ka dhaceysa Teendh ada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho. Madax weyne ku-xigeenada dowlad Gobol eedyada Galmudug iyo Jubbaland Maxam uud Say’id Aa dan iyo Cali Daahir Ciid ayaa maa lmo kahor yi mid Muqdisho, iyagoona u soo ga aray ka qeyb galka doorash ada Madaxweyna ha dowladda Federaalka

Al-Shabaab oo shaacisay in nin ajnabi uu ah aa qofkii isku qarxiyey xerada Cee lbaraf iyo dalka uu ka yimid

Kooxda Al-Shabaab ayaa Shalay shaaca ka qaaday in nin ajnabi ah uu fuliyey qaraxii u gu horreeyey ee lagu bil laabay weerarkii ay kooxdan dhawaan ku qa ad ay saldhig ay daga naayeen ciidamada Bur undi oo ku yaalay de ega anka Ceelbaraf ee G/Sh/ Dhexe Kooxda ay aa sheegtay in qaraxaas ismi idaaminta ah uu fuliyey Jamaal Diba Diida oo kooxda dhexdeed looga yaqaano Zubeyr Al Mu haajir, kaasoo u dhashay dalka Kenya.

Ninkaan ayaa cod laga duubay kahor inta uu san is qarxin ku sheegay inuu sanadkii 1996 ku dhashay magaalada Isiolo ee dalka Kenya.

Codka uu duubay ayuu ninkaan ajnabiga ah ugu hanjabay ciidamada Burundi inay dhibaato xoog leh kala kulmi doonaan imaanshiyahooda Soomaaliya, islamarkaana aysan kooxda joojin doonin weerarada lagu hayo saldhigyada AMI SOM inta ay Soomaaliya ka baxayaan sida uu hadalka u dhigay.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaad ay saldhigga Ceelbaraf oo ay dagaayeen ciida mada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Bu rundi ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoog leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal u hadlay Dowladda Burundi ayaa sheegay in weerarkaas ay uga geeriyoodeen illaa 30 Askari, halka uu sheegay inuu dhaawa ca kor u dhaafayo 20, sidoo kalana ay jiraan ku wa nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Al-Shabaab ayaa iyadana sheegtay war ka as ka duwan, waxayna sheegatay inay weerar kaas ku dishay ku dhawaad 170 Askari, iyadoo xaqiijisay inay nolosha ku qabatay Tobaneeyo kale. Weerarka Ceelb araf ayaa noqonayo mid kamid ah weerar adii

C/CShakuur oo khudbadiisa ku weerar ay Xildhibaanada uu codka ka raadinayo

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee Shalay hadal-jeenta kulahaa teendhada Afisyoone ay aa qaaday tallaabo wax u dhimi karta rajadiisa doorashadiisa.

Md.Cabdiraxmaan oo int ii hore si qurux badan u je ediyay khudbadiisa mushar axnimo ayaa daqiiqadii u da mbeysay si weyn u duray xildhibaanada labada aqal, kuwaasi oo ah go’aamiyayaasha cidda ku soo baxeysa doorashada loo balansan yahay 15-ka bishaan.

Musharaxa ayaa sheegay in Xildhibaanada badankooda ay ku yimaadeen qaab aan ka du waneyn magacaabis oo kale, inkasta oo arrant aasi run tahay, haddana marka la joogo marxl adaan oo kale si toos ah looma duro Xildhibaa nada oo asaga laftigiisa uu ka rabo cod.

"Xildhibaano badan oo halkan fadhiya oo labada aqal ah sida ay ku imaadeen dhamaant een waa ogsoonahay, waxaa lagu soo doortay duruufo, markay codka dhiibanayaan waxay fiir inayaan duruuftii ay kusoo baxeen iyo damiirko oda,” ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Cabdi shakuur. Fallan-qeeyayaasha Siyaasada ayaa qaba in durista Xildhibaanada ee uu sameeyay Musharax C/C/Shakur ay aheyd mid aan mee sha oolin, maadama laga wada dharagsan yah ay sida ay ku soo baxeen iyo qaabkii doora shadooda u dhacday.

"Khudbada Cabdiraxmaan aad bey u fiicn eyd illaa inta laga gaarayo daqiiqadii u dambe ysay, Shalay ma aheyn maalin su’aal la galiyo sharciyada xildhibaanada, lana xasuusiyo inay soo saarteen shaqsiyaad gaar ah oo cod uga fa dhiya,” ayuu yiri Aqoonyahan kamid ah falla nqeeyaasha arrimaha siyaasada oo la hadlay Caasimada Online.

Sida la fahamsan yahay Musharaxa ayaa ha dalkiisa ka lahaa ujeedo beer laxowsi iyo inuu ku sasabto xildhibaanada, hase yeeshe waxay u horseeday inuu ku dhaco qalad siyaasadeed uusan fileyn oo saameyn ku yeelan kara doora shadiisa.

Si kastaba, Doorashada madaxweynaha oo lagu wado inay teendhada Afisyoone ka qabso omto maalmo kooban kadib ayaa cida soo ba xeysa waxaa go’aaminteeda leh Xildhibaanada labada aqal oo ayagu u codeynaya musharax iinta.

Saraakiisha ATMIS Iyo Kuwa Soomaal ida Oo Shir Ka Dhan Ah Ahlu-Suna Ku Yeeshay Dhuusa-Mareeb.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kul an saacado badan qaatay oo magaalada Dhu usa-Mareeb ku dhexmaray saraakiisha ciida madda dowladda, kuwa Galmudug iyo taliska ci idanka ATMIS ee deegaanada Galmudug.

Sida wararku

Sheeayaan, kulanka waxaa gudoominayay Tal iyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Mid owga Afr ika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac oo Shalay gaaray caasimadda Galmudug, waxa ana sara akiisha goob jooga ka eheyd kamida Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaam ac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta Gorgor Maxam ed Dhaga wayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka Gor Gor.

Wararka hordhaca ah ee la hekaya ayaa sheegaya in kulankan intiisa badan diirada lagu saaray xaqiijinta amniga Dhuusa-Mareeb iyo sidii loo bilaabi lahaa holwgalo joogta ah oo la gu baarayo xaafadaha magaalada, iyadoo laga cabsi qabo weerar dhinacyo kala duwan leh oo magaalada lagu soo qaado.

Saraakiishan ayaa isku raacday in cabsida ugu weyn ay tahay weerar ka yimaada dhanka ko oxda Ahlu-Suna ee ku sugan deegaanka Bo hol, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen hub uruursi iyo dhaq dhaqaaqyo ci idan, iyadoo digniin kama dnabeys ah loo diray hoggaanka kooxda Ahlu-Suna.

Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ku dhawaaqey in aysan gacmaha ka laaban doonin Ciidankooda Dhuus amareeb jooga xoogaga Ahlusunna ee qorshey naya in ay Dhuusamareeb soo weeraraan.

Si kastaba, Ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhawaan dagaal dhiig ku daatay oo socday mu ddo ku dhow 10 Maalin looga saaray M/ Guric eel, waxayna wixii marka as ka da mbeeyey saldhig ka dhigte en dee gaanka Bohol oo ay is ugu geeyeen dham maan cii dankii daacadda u ahaa


Wariyaasha madaxa banaan oo ka hadlay sababtii Shalay loogu diiday iney galaan hoolka doorashada madaxweynaha

Wariyaasha ayaa guddiga doorashada mad axweynaha ku eedeeyay iney ka hor istaageen soo tabinta khudbahada ay jeedinayaan Musha raxiinta madaxweynaha, iyagoona tilmaamay in guddiga ay ku xad gudbeen heshiiskii 17-kii Se ptembar oo ay ku cadeed in saxaafada madaxa banaan ay qeyb ka noqdaan howlaha tabinta doorashooyinka dalka.

"Waxa gudaha Afisyooni ka socda waxba ka ma ogin oo waa naloo diiday inaan gudaha gal no oo soo tabino sida ay wax u socdaan, wax aana gudaha loo ogolaaday Tv-ga qaranka oo kaliya dhamaan saxaafada madaxa banaan ho olka doorashada waa loo diiday, waxaana gudd iga doorashada ay ku xadgudbeen heshiiskii 17 -ka Septembar oo saxaafada madaxa banaan loogu ogolaaday iney soo tabiso doorashada dalka" ayuu yiri mid ka mid ah wariyaasha mad axa banaan.

Xoghayaha Ururka saxafiyiinta Soomaaliye ed SJS Cabdalla Muumin oo dhankiisa ka had lay wariyaasha Shalay loo diiday iney gudaha u galaan hoolka doorashada ayaa sheegay in nasiib daro weyn ay tahay in wariyaasha loo dii do soo tabinta hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha.

"Warbaahinta madaxa banan Shalay albaab ka ayaa laga xirtay oo waxaa loo diidey iney gal aan gudaha hoolka doorashada inay kaso tabi yaan hadal jeedinta musharaxiinta madaxwey naha Soomaaliya, iyagoo maray dhaman wixi sharudaho aha sida baaritanka isdiiwan galinta, waxana arinkaasi ka dembeyay xubno ka tirsan gudiga doorashada ee labada Aqal oo waliba ay ka mid yihiin rag aqoonyahano ah" ayuu yiri Xoghaye Cabdalla Muumin.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliye ed SJS Cabdalla Muumin ayaa sidoo kale shee gay in guddiga doorashada ay 9-kii bishaan soo saareen warqad ay ku sheegayaan in saxa afada hool gaar ah oo kaamorooyin lagu xiray la geyn doono, islamarkaana wadahadalo ay arintaasi kala yeesheen guddiga ay ku ogolaa deen in wariyaasha loo gudbiyo hoolka doora shada, hayeeshe waxuu sheegay in Shalay si cad ayaa loogu diiday wariyaasha madaxa ban aan iney gudaha galaan.

"Shalay iyo beri waxaa soconaya hadal jeed inta Musharaxinta Madaxweynaha oo ay dane ynayaan shacabka Soomaaliyeed iney saxaafa da madaxa banaan kala socdaan sida ay u soo tabinayaan hadalada Musharaxiinta madaxwey naha oo aragtiyo kala duwan leh, wariyaasha madaxa banaan kuma filno muqalada yaryar ay duubayaan Tv-ga qaranka iyo shirkad kale uu leeyahay Taliyahii hore ee NISA Fahad Yaas iin, marka saxaafada madaxa banaan dhamaan musharaxiinta si isku mid ah ayay ugu adeegey sa waana in loo ogolaada soo tabinta arimaha doorashada" ayuu yiri Cabdalla Muumin. Gaba gabadii Wariyaasha madaxa banaan ayaa gud doomiyaha Golaha shacabka waxay ugu baaq een inuu soo faragliyo caqabada wariyaasha ka haysato soo tabinta doorashada madaxweyna ha, maadama uu isaga haatan yahay masuulka ugu sareeya dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo dhaliilay dad ka reer Somaliland ee u tartamaya doora shooyinka Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cab di, oo ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Jaa macada Hargaysa, ayaa doqoniimo ku tilmaa may in dadka reer Somaliland ay u ordaan doo rashooyinka Soomaaliya.

"Waxay nacasnimo haysataa dadka Somaliland u dhashay ee halkan magac ku lahaa, ee qaarkood jaamacadan wax ka aas aaseen, ee abaabayaashood magac iyo taariikh halkan ku lahaayeen, ee intay tageen Xamar yidhi waxaa nu matalayna Somaliland, oo baarlamaanka ay aanu doonayna oo waanu codaynayna" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dadka waxgaradka ah ee reer Muqdisho ay ogsoon yi hiin, in dadka Somaliland kasoo jeeda ee door ashooyinkaa ka qayb galaya anay cidna ma talin.

"Xamar intaaso caalim ayaa joogta oo diinta ayaa la akhriyaya oo xadiiska ayaa la akhriya yaa, intaasa wanaaga la is farayaa oo aqoon la leeyahay, hadana ka dhaariyay, ka dooranaya iyo ka uu codka siinayaaba waxay ogyihiin, in ninka Somaliland ka taga ee baarlamaanka gal ayaa aanu cidna matalin" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in dad ka reer Somaliland ee ka qayb galaya, doora shooyinka Soomaaliya iyo kuwa dooranaya an ay waxba is dhaamin, isla markaana dhibaata da arrintaa ka dhalata aan Somaliland loo raaci karin.

"Kaa ninka doortay ee damiirkiisu kaa siiyay iyo ninka ogolaaday ee doonaya in uu masiir kii sa ka taliyaa, horta waa dameer iyo labadiisii daan oo waxba isma dhaamaan, dhibaatada ka soo gaadhana anaga nooma eersadan, oo Somaliland ayaa wax na yeeshay ma yidhaah daan" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa waali ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ka qayb galaan doora shooyinka Soomaaliya "Kuwa Somaliland ee ay kamidyihiin kuwii jaamacadan xaadh xaadhay, ee aas aaskeeda lahaa, ee aabahood tacliinta ku suntanyahay, ee intuu kaligii Xamar tagay leh madaxweyne ayaa la ii dooranaya anu miyir qab uma arko".

Shirkad ka shaqeysa dabka iyo badqab ka korontada, una shaqeysa qaab casri ah oo laga furay Muqdisho

Shirkadda Cumar Sabriye Engineering Com pany oo ka shaqeysa howlaha dabka iyo bad qabka korontada, ay aa Shalay lagu daah-furay magaalada Muq disho. Agaasimaha maamulka shirkadda Injineer Cumar Sabri ye, ayaa horay uga soo shaqeeyay mashaariic la xiriira koront ada iyo badqabkeeda oo laga fu liyay maga alada London ee caasimada dalka Britain. Wax aa uu la soo shaqeeyay qaar ka mid ah shirka daha hormuudka ka ah injineern imada ee UK sida British Gas, Haden Young iyo Belfour Beatty. "Anniga oo soo bartey, isla markaana khibrad u leh shaqadda ayaa ha ddana waxaan ku shaqeyneynaa qalab casri ah.

Waxaan korontada u gelineynaa guryaha iyo goobaha ganacsiga si casri oo badqab leh (safe) oo ka duwan qaababkii hore, maadaama shirkadda iyo shaqaallaheeda ay ku taqasus een arrimaha korontada”, ayuu yiri Eng Cumar Sabriye.

Ganacsiga bartamaha magaalada Muqdisho oo burbursanaa muddo sannado ah ayaa wax aa xiligan laga dareemayaa horumarro xagga dhismayaal casri ah, kuwaas oo sara u qaaday bilicda caasimadda. Sidaasi awgeed Injineer Cumar Sabriye iyo kooxdiisa ayaa doonaya in ay xoogga saaraan korontada iyo badqabkeeda (Electrical Safety).

Xafiiska shirkadda oo ku yaalla daarta Giy aajo Business Center ee isgoyska KM-4, ayaa shaqooyinka kale ee ay qabato waxaa kamid ah naqshadeynta website-yada, gaar ahaan nooca WordPress.

Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Xalay Ku Kulmay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kul an ay albaabada u xirnaayeen oo Xalay maga alada Muqdisho ku dhexmaray madaxw eynaha maamulka Puntland Siciid C/lla ahi Deni iyo Madax weynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe

Sida wararku sheegaya an, kulankan oo ca suumaa diisa uu fidiyay Deni oo u sharaxan xil ka madaxweynaha ayaa diirada la gu saaray xa aladda guud ee dalka si gaar ay ar rimaha doo rashada madaxweyne ee loo balan san yahay 15-ka bishan.

"Waxaa Xalay booqasho noogu yimi oo aan kulan wada qaadanay Madaxweynaha Dowlad da Jubaland Axmed Maxamed Islaam, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan xaaladda dalka” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay bogga Siciid Deni ee Facebook.

Axmed Madoobe ayaa la rumeysan yahay inuu dooqa koowaad ee musharixiinta u yahay Siciid Deni, walow uu heysto dooq labaad oo xil dhibaanada ka soo baxday Jubaland uu doo nayo iney u soo saaraan, waa hadii Deni uu soo dhaafi waayo wareega koowaad ee codeyn ta oo ay ka gudbi doonaan afarta musharax ee ugu sareysa.

UK Oo Ogolaatay Inay Taageerto Sweden Iyo Finland Haddii La Soo Weeraro

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ballan qaaday inuu Sweden iyo Finland ka taag eeri doono khataraha ka iman kara Ruushka ka dib markii uu booqasho ku tegey dalalka Swe den iyo Finland.

Dalalka Sweden iyo Finland oo xubno ka ah ayn gaashanbuurta NATO ayaa waxa ay ka fi irs anayaan hadda inay ku biiraan isbahaysiga .

johnson oo ay si wadajir ah shir jaraa’id u qa bteen ra’iisul wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson ayaa sheegay in nooca iyo inta ay la egtahay taageerada suurtagalka ah noqon doonto waxa ay Sweden weydiisan karto.


Xukuumada Somaliland oo markale sheeg tay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo

Xukuumada Somaliland ayaa markale si ka soo horjeeda shakiga ay mucaaradku ka qab aan in doorashada madaxtooyadu dib u dha cdo, sheegtay in doorash ada wakhtigeeda lagu qaban ayo

Wasiirka Wasaarada Warfaa finta Dhaqanka iyo Wacyi-galin ta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore, oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in xukuumadu ay doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qabanayso.

"Hadalkaa kasoo baxay xisbiyada mucaarad ka waxaanu qabnaa in aanu jirin, markasta xuk uumadu waxay qabtaa oo ay riixaysa in doora shadu wakhtigeedii qabsoonto" ayuu yidhi wa siir Koore.

Koore oo sidoolale ka hadlay guddida uu ma daxweynuhu u saaray khilaafka maamul ee soo kala dhexgalay xubnaha guddida doorashooy Inka, ayuu waxa uu sheegay in sharcigu uu ma daxweynaha awood u siiyay in uu guddi u saari karo hadii khilaaf soo kala dhexgalo xubnaha guddida.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Wadd ani iyo UCID, ayaa aad uga qayliyay furista urr urada siyaasada Somaliland, oo ay aaminsan yihiin in madaxweyne Biixi uu uga gol leeyahay in uu doorashada madaxtooyada ee qorshay san in ay qabsoonton 13, November, 2022 dib u dhigo.

Mucaaradka ayaa sidookale ka biyo diidan guddi madaxbannaan oo uu madaxweynahu u saaray khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha Gu ddida Doorashooyinka Somaliland, iyagoo gud dida ku tilmaamay mid aan loo dhamayn oo aan dhex dhexaad ahayn.

Roobab ka da’ay Gaalkacyo oo bur buri yay guryo ay Daganaayeen dad Barakac ayaal.

Wararka ka imaanayo Magaalada Gaall kac yo ayaa sheegaya in Barakacayaasha ku nool xeryaha ku yaal daafaha magaalada Gaalkacyo ay Shalay soo wajahday xaalad adag, ka gadaal markii roobab dabaylo xo ogan wata ay ka da ’een xarunta gobalka Mud ug. Roobabka xoog an ayaa sababay in ay bur buraan guryo jiinga do iyo cooshado ka samay naa oo hoy u ahaa barakacayaasha ku nool Da afa ha magalada Gaalkacyo.

Maamulka gobalka, degmada iyo bulshadda ku dhaqan Magaalada Gaalk acyo ayay ka cod sa nayeen barakacaay asha in la caawiyo ma ad aama ay san haaysan hooy iyo raashin.

Askar katirsan Booliska Somaliland oo dhi masho & dhaawac ku noqday Shil Gaari

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo katirsan Ciid amada Booliska Soma liland ayaa ku geeriyo iday 7 kalena waa ay ku dhaawac meen ka dib Gaari ay saarnaay een Ciidamada oo shil ku galay Gudaha M/Cey naba ee degaanna da Somalil and. Shilka ay aa wax aa uu yimid kadib markii uu ro gmaday Gaari Ca bdi Bille ah oo ay saranaaye en, wax aana 7 Askari oo dhaaeacoodu cu lus yahay la geeyay Isbitaalka Magaalada Ceyn aba ee Gob olka Somaliland ula baxday Sarar.

Ciidamo iyo Saraakiil katirsan Ciidamada ila alada waddooyinka Somaliland ayaa tegay hal ka uu shilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qa aday meydka Askariga iyo 7 kale oo la sheegay in dhaawacooda uu yahay mid aad u culus.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Askar katirsan Ciidamada Somaliland ay dhimasho iyo dhaa wac ku noqdeen shilal Gaari, waxaana dadka Inta bafan sheegaan inay sabab u tahay Daraw alada oo Gawaarida si xowli ah ku wada.

Al Shabaab Oo Madaafiic Ku Weeraray Deegaanka Biyo Cadde

Wararka ka imanaya deegaanka Biyo Cad de oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheeg aya in madaafiic lagu weeraray Xalay saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaankaas iyo xaafado ka tirsan Biyo Cadde ay sababeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiic xoog leh oo lagu duqeeyay Deg mada Biyo Cadde Xalay xilli ay dadka jiifeen guryahooda, ayaa sababay dhimashada haw eeney umul ahayd iyo ilmo yar oo ay dhash ay,sidoo kale wa xaa ay wararka sheegayaan in shan ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen ma daafiicdan.

Ciidamada ATMIS iyo kuwa dowlada ayaa madaafiic ugu jawaabay weerarka lagu soo qaa day hase yeeshee lama oga khasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada iyo weliba dagaala mayaasha Alshabaab oo weerarkan soo qaa day.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa kordhi yay weerarada ay ka geysanayaan gobolka Sh/dhexe iyadoo toddobaadkii hore weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ku laha ayeen deegaanka Ceel Baraf uu ka dhashay qa saare xoog leh.

Suxufiyaddii ay dileen Ciidamada Israa ’iil oo Aas Qaran loo sameeyay

Waxaa Shalay Aas Qaran loogu sameeyay Daanta Galbeed ee Dhulka Reer Falastiin Sux ufiyadda Shireen Abu Caqli oo ay Ciidamada Israa’iil dileen.

Shireen Abu Caqli ayaa muddo ku dhow 20 sano u Shaqeyneysay Tv-ga laga leeyahay dal ka Qatar ee Aljazeera, waxaana Shalay la toog tay, iyada oo Shaqadeeda wadata.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ayaa ku tilmaamay toogashada Shariin Abuu Caqiil "arrin naxdin leh” isla markaana ay bila abanayaan baaritaan wadajir ah oo ay dhacd adan kala kaashanayaan mas’uuliyiinta Falas tiin.

Shariin Abuu Caqiil oo muddo dheer warar ka kasoo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa saa kay si toos ah u tabinaysay iska hor imaad ay ciidamada Israa’iil ku lug lahaayeen oo ka dha cay halkaasi, waxaana la sheegay in ay rasaas kaga dhacday madaxa.

Dad Ku Sugan Ingiriiska Oo Ka Cabsi Qaba In La Geeyo Rwanda

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in dad magangalyo doon ah oo jooga Ingiriiska ay is qarinayaan iyadoo ay sabab u tahay iyaagoo ka cabsanayain la geyn doono dalka Rwanda .

Sida uu dhigayo heshiis la saxiixay bishii hore , dadka ay ku caddato in ay Ingiriska sharc idarro ku soo galeen waxay wajahayaan in dib loogu duuliyo dal ka Rwanda si dib u dejin halkaa loogu sam eeyo.

Urarada Bisha Cas iyo Golaha Qaxootiga ay aa sheegay in hanjabaadda dadka in la raro ay keentay in qaar ka tirsan daka magangalyo do onka ah ay ku keentay in ay iyaga naftooda is dhaawacaan , mid ka mid ahna wuxuu isku da yey in uu is dilo.

Hay’adaha gargaarka ayaa dhaliilay qorsha haa dwoladda Ingiriiska oo ay ku timaameen mid ay kaga baxsaeyso mas’uuliyadeeda .

Xafiiska arrimaha gudaha ee ngiriiska ayaa she egay in ay qaadayaan tallaabo kasta oo looga hortagayo dadkaaas in ay iyaga naftooda wax u geystaan ama ay isdilaan.

Amiirka Dowladda Qatar Oo Booqasho Ku Tagaya Tehran Iyo Xogta Safarkiisa

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa lagu wadaa inuu Kha miista booqdo

magaalada Tehran kadib booqa shadii uu mad axweynaha Iran ku tegay Doha, waxaa sidaas sheegtay wakaal adda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA.

"Amiirka Qatar waxa uu 12-ka May iman doo naa Iran si uu usii wado fulinta he shiisyada iyo ballaarinta xiriirka labada dal,” waxaa sidaas Shalay qortay wakaaladda.

Waxay intaas ku dartay in booqashada diira dda lagu saari doono iskaashiga la xiriira koob ka adduunka 2022 ee bisha November ka bil laaba naya Doha, kadib markii Iran ay sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerayaasha qaar ku marti-geliso jasiiradda u dhow ee Kish.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha di bedda Iran Saeed Khatibzadeh ayaa Isniitii she egay in hoggaamiyaha Qatar uu Tehran bo oq an doono "isaga oo ka jawaabaya booqa shada madaxweyne Ebrahim Raisi uu Doha ku tegay February.”

Labada hoggaamiye ayaa saxiixay heshiisyo dhowr ah intii ay socotay booqashada Raisi oo uu kaga qeyb-galay shir madaxeed ay lahaaye en dalalka soo saara gaaska.

Xiriirka Doha iyo Tehran ayaa korayey san adihii dhowaa ayada oo labada dal ay wadaag aan halka laga soo saaro gaaska ugu badan caalamka. Wasiirka gaadiidka Qatar Jassim bin Said al-Sulaiti ayaa bishii April booqday jasiir adda Kish, wuxuuna saxiixay lix heshiis oo iskaashi. Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa joojisay lacagta Visa-ha ee ay ka qaado adka booqan aya Kish, ayada oo rajeyneysa inay taa geeray aasha koobka adduunka kusoo jiidato Jasiir adda.

LAMA FILAANKA KA DHICI KARA DOO RASHADA MADAXWEYNAHA

Iyada oo ay dhowdahay doorashada ma daxweynaha oo loo madlan yahay maalinta Ax adda ah ee 15-ka bisha May, ayaa waxaa laga dhex dareemayaa guux aad u xoogan xildhibaa nada labada gole ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada ayaa waxaa isu-diiwaange liyey 39 musharax balse way adag tahay in saadaal laga bixiyo kan kasoo dhexbixi doono, oo ku rsiga calfan doona. Xil dhibaanada qaarkood ay aa sheegaya in doorashada ay tahay mid ka du wan doorashooyinkii hore iyadoo ay suurta-gal inay hoolka ka dhacdo natiijo lama filaan ku no qon doonta murashaxiin badan oo isku arka in ay yihiin kuwa ugu xooga badan horeyna dalka uga soo qabtay xilalka madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, xukuumadda iyo dowlad gobolee dyada. Xildhibaanada qaar ayaa laga soo xi gtey inay macquul tahay in doorashadan ay aadi doono shaqsi cusub oo aan wax xil ah horey uga soo qaban dalka islamarkaana aan koox gaar ah oo siyaasadeed u afduubneyn, is ku hayn kara siyaasiyiinta is diidan ee dalka.

Wax cusub maaha in mar kasta la doorbido siy aasiyiinta ama dadka aan horey dalka wax uga soo noqon, sida dhacday doorashadii Xasan Sheekh uu kusoo baxay, waana suurta-gal in taas mar kale ay dhacdo, ayey leeyihiin xildhiba anada

"Suuragal nooma ahan inaan kala xulanno madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaal ama wasiiradoodii sidoo kale madax dowlad go boleedyo aan naqaano,” ayaa laga soo xigtay ilaa afar kutlad oo ka tirsan labada gole taasoo ka dhigan in goluhu uu ka dhabeyn doono isbe del dhab ah .

Xuuraan Siyaasadeed oo aan sameyney ayaa 8-da murashax ee safka ugu horeeya kaga jira doorashada waxay kala yihiin; Maxamed Far maajo oo kursiga ku fadhiya, Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif, Xasan Khayre, Sici id Deni, Cabdikariin Guuleed, Daahir Maxam uud Geelle iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Haddii sida ay xildhibaanada wax u sheegayaan ay u dhacaan, waxa tani fursad siin kartaa Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ah kan kaliya ee aan xil kasoo qaban Soomaaliya, haddiiba la go’aansado in weji cusub la aado.

Rajada Jabriil ayaa aad sare ugu kici doonto, haddii uu kasoo gudbo wareegga koowaad, maadaama inta badan xildhibaanada ay wareegaas kadib doorbidaan qofka cusub ee aan dhinacna raacsaneyn.

By:-AsadCabdullahi Mataan

FARQIGA U DHAXEEYA LACAGTA LAGA QAADO MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA EE DALALKA AFRIKA IYO SOOMAALIYA

Waxaa maalmihii dambe si weyn dalka looga hadal hayaa doorashada madaxweynaha, taasi oo lagu wado in 15-ka bishaan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa waxaa isku soo taagay 39 musharax oo is diiwaan-geliyay, halka kuwa kale ay iskaga hareen kadib markii ay soo buuxin waayen shuruudihii looga baahna ee ay soo saareen guddiga doorashada madaxweynaha.

Habraaca iyo shuruudaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan waxaa qayb ka ahaa bixinta lacag gaareysa 40,000 dollar oo la isku diiwaan-gelinayo, waana qarashkii ugu badnaa abid ee ku baxa diiwaan-gelinta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa warbixintaan ku eegeyna qaar kamid ah dalalka qaarada Afrika iyo lacagaha musharaxiinta laga qaado, taasi oo marka loo eego midda Soomaaliya ee sanadkaan ay noqoneyso mida ugu badan ee laga qaado musharaxiin u baratameysa xilka madaxweynaha.

Tansania: dalka Tansaaiya oo ah dal dhaca bariga qaaradda afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 59.73 milyaan oo qof ayaa waxaa dhowrkii sanaba mar ka dhaca doorasho madaxweyne.Musharixiinta isku soo taagta xilka madaxweynaha dalka Tansania ayaa waxaa laga qaada lacag gaaraysa $1,000 dollar, taasi oo lagu diiwaan-gelinayo musharaxa madaxweynaha dalka Tansaaniya.Dalkaan ayaa kamid ah dalalka ugu yar ee laga qaado lacagaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha, waxaa dalkaan hadda madaxweyne ka ah Haweeney lagu magacaabo Samia Suluhu Hassan, taas oo baddashay madaxweynihii ka horeyay kadib markii uu geeriyooday.

Kenya: dalkaan oo deris la ah Soomaaliya ayaa isna kamid ah dalalka qaaradda ku yaallo oo 5-tiii sanaba mar ay ka qabsoonto doorashada madaxweynaha.Musharixiinta xilka madaxwynaha dalka Kenya isku soo taagta ayaa laga qaada lacag gaareysa $10,000 dolar, taas oo ah lacagta diiwaan-gelinta musharixiinta madaxweynaha dalka Kenya.

Burundi: Dalkaan oo kamid ah dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 11.89 milyan oo qof , ayaa dhowrkii sanaba ay mar ka dhacda doorashada madaxweynaha dalkaa.Burundi oo hadda madaxweyne uu ka yahay Évariste Ndayishimiye ayaa marka lagaaro doorashada madaxweynaha, musharixiinta xilkaas isku soo taagta laga qaadaa lacag gaareysa $7,500 dolar, taas oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta.

Ghana: Dalkaan oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay yihiin 31.07 milyaan oo qof ayaa kamid ah dalalka afrika ee lacagaha ugu badan laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalkaas.Ghana waxaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha laga qaadaya lacag gaareysa $17,00 dolar oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta xilka madaxweynaha daneyneysa.

Marka loo eego dalalka aan kor kusoo xusnay lacagta laga qaaday musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa illaa xad uga badan, waxayna midaan noqoneysa middii ugu badneyd ee abid laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

By :-Guuleed Muuse

RAILA ODINGA OO BALLAN QAADAY INUU XOOJ IN DOONO XIRIIRKA KENYA IYO SOOMAALIYA HADDII LA DOORTO

Hogagamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa ballan qa aday in uu xoojin doono xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Ken ya iyo Soomaaliya, si buu yiri loo hormariyo dhaqaalaha Kenya.

Isagoo kula hadlayay magaalada Nairobi ururka gana csatada xaafaddda Eastleigh, musharaxa Raila Odi nga, hogaamiyaha Orange Democratic Movement (ODM) ayaa horey u sheegay inuu dib usoo celin do ono suuqa qa adka ee Kenya hadii loo doorto door ashada sagaalka August ee sannadan 2022.

Madaxweynaha Kenya mr Odinga ayaa wuxuu ku celiyay sida ay uga go ’an tahay in uu wax ka qabto canshuuraha badan ee soo wajaha gana csiya da. Xildhibaan Yuusuf Xa san oo lagasoo doorto xaafadda Eastl eigh, iyo Fat uma Gedi oo laga soo doortay Wajeer ayaa sheegay Odinga inuu muujiyay inuu yahay hogga amiye heer sare ah oo kicinaya dhaqaa laha Kenya.

Qaadkii Kenya ay keeni jirtay Soomaaliya oo dhaqaale badan ka soo gali jiray muwaadiniinteeda ayaa waxaa joojisay dowladda Soomaal iya kadib kh ilaaf soo kala dhexgalay labada dowladood, wuxuuna Odin ga wacad ku mar ay inuu suuqa soo celin doono marka la doorto. Odinga ayaa sheegay in uu ka warhayo dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food saaray dadka reer Kenya. taasoo uu sheegay inay ugu wacan tahay joojinta Qaadka Soomaa liya. "Waan fahansanahay dhibaatada beeraleyda qaadka, waxaana iga go’ an in aan xal u helo suuqyada qaadka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriya dda Dimuqraadiga ah ee Congo,” ayuu yiri Raila Odinga.

SIRDOONKA MAREYKANKA OO SHAACIYAY ARRIN UU PUTIN DAMACSANYAHAY

Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vla dimir Putin uu isku diyaarinayo dagaal dheer oo uu ku qaado Ukraine, iyadoo xitaa guushii bariga laga gaaray ay suuragal tahay inaysan soo afjarin colaadda.

Waxa ay ku soo beegantay iyadoo dagaalo ba’an ay ka soc daan bariga, halkaasi oo Ruushka uu isku dayayo inuu dhul ku qabsado.Moscow ayaa dib ugu celisay ciidamadeeda qabsash ada gobolka Donbas ka dib markii Ukraine ay iska caabisay isku day ay ku doonaysay inay ku qabsato caasimaddeeda Kyiv.

Laakiin iyadoo ay taasi jirto, haddana ciidamadeedu waxay ku jiraan xaa lad is-mariwaa ah, ayay sirdoonka Maraykanku sheegeen.

Avril Haines, oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka Mareykanka Talaadadii in Putin uu weli damacsan yahay "inuu ga aro yool ka baxsan Donbas”, laakiin "inuu wajahayo is-waafajin u Dhexeeya hamigiisa iyo awoodda Ruushka ee hadda”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip