HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 11-KA MAY 2022

0
Wednesday May 11, 2022 - 08:43:48 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 11-KA MAY 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Aadan Madoobe oo kormeer deg deg ah ku tegay teendhada Afisyoone

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaal iya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay kormeer deg-deg ah oo indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afisy oone.

Teendhada Afisyoone ayaa waxa ka socota qa ban-qaabada doorasha da madaxweynaha, taa si oo qorshuhu yahay inay ka dhacdo halkaas 15-ka bishaan May.

Sidoo kale waxaa halkaas ka bilaaban doonta maalinta berri ah hadal jeedinta musharaxiinta madaxw eyne, kuwaasi oo kor u dhaafaya soddomeeyo.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afisyoone kul an kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta AT MIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

Waxa uu faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejign aan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madax weynaha, oo ay ugu dhacdo si nabdoon.

Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala-galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqee yaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.

Kormeerka uu Shalay teendhada ku tagay Guddoom iyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa iman aya kadib markii uu Habeen hore kulan deg-deg ah isugu yeer ay saraakiisha sare ee ciidamada howlgalka nabad ilaal inta ATMIS.

Shirkaas ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doora shada madaxweynaha Soomaaliya oo la filaayo inay dhacdo maalinta Axada oo ku beegan 15-ka May.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray saraakiisha iyo tali yeyaasha ugu sareysa ATMIS inay gutaan waajibaadk ooda shaqo ee ah mas’uuliyada ka saaran ilaalinta amn iga doorashada madaxweynaha Somalia.

Si kastaba, doorashada madaxweynaha ayaa loo bal lansan yahay 15-ka bishaan, ayada oo guddiga doora shooyinka ay soo saareen habraaca amniga doorash ada madaxweynaha, oo la filaayo inay murashaxiinta madaxweyne ku dhaqmaan

Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay Bandow ku soo rogayaan Xerada Afisiyooni & Agagaarkeeda

War kasoo baxay Howgalka Midowga Afrika ee Soo maaliya ee (ATMIS) ayaa waxaa lagu sheegay in , iya ga oo la tashanaya guddoomiya ha

Golaha Shacabka ee Baarla maanka Soomaaliya inay xoojin ayaan amniga xerada Afisyooni , halkaas oo la filayo in 15 bisha May lagu qabto door ashada madaxweynaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ay aa lagu shaaciyay in bandow lau soo rogayo xerada Ci idamada circa ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow, laga bilaabo Shalay oo taariikhdu tahay 15 May ilaa to banka bisha ah iyo illaa 17 ka Bisha.

Maalin ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha barla maanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida amamanka doorashada, iyadoo ATMIS lagu wareejiyay amniga guud ee teendhada Afisyooni, halkaas oo doorashadu ka dhacayso.

Dorraad qoraal kasoo baxay Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada madaxweynaha waxaa la faray Ciidama da howlgalka ATMIS inay la wareegaan Amniga teen dhada Afisiyooni , halkaas oo lagu qabanayo doorash ada madaxw eynaha.

Deni oo xarunta is diiwaan-gelinta doora shada la tegay tirada xildhibaanada uu haysto

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo Shalay is-diiwaangel iyey ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada ee mad axweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya. Saciid Deni ayaa xarunta guddiga doorashada ee Aqalka Sare la tegay xildhibaano uu sheegay inay taageersan yihiin, ayada oo shuruudda musharaxiinta ay ka mid aheyd inay helaan saxiixa 20 xildhibaan. Sa wir laga soo qaaday ayaa muujinaya Saciid Deni oo dhe xda uga jira illaa qiyaastii 30 xildhibaan oo u badan xub nihii kasoo kala baxay maamul goboleedyada Jubba land iyo Puntland.

Tirada xildhibaanada ee Saciid Deni u raacay xar unta diiwaan-gelinta ayaa ah tiradii ay horey u qiyaastay Caasimada Online inuu haysto taasi oo dhan 30 xildhib aan oo macnaheedu yahay inaanu dhaafi karin wareeg ga koowaad. Deni oo horey loo rumeysnaa inuu haysto taageerada inta badan xildhibaanada Puntland iyo Jub aland, ayaa niyad jab weyn kala kulmay Sabtidii.

Sida ay sheegtay inay ogaatay Caaismada Online, Saciid Deni ayaa isugu yeeray xildhibaanada labadaas maamul goboleed si uu ugu sameeyo qado sharaf iyo inuu kala hadlo doorashada madaxweynaha Soomaal iya oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan.

Kulanka oo lagu casuumay 80 xildhibaan oo isugu jiro xildhibaanada laba aqal ee baarlamanka Soomaa liya ee laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa Sabtidii kasooo qeyb galay kaliya 33 xildhibaan, taasoo muujineyso in sidii loo maleeyey aanu Saciid Deni taagero uga heysan xildhibaanada 2dii maamul goboleed ee uu isku haleenayey.

Xildhibaanada qaar oo la hadlay Caasimada Online ayaa Saciid Deni ku eedeeyey inuu soo burburiyey maa mul goboleedkii Puntland ee loo dhiibay, islamarkaana uu iska hor keenay qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

15-ka May oo ay dhaceyso doorashada ayaa lagu kala bixi doonaa xerada Afisyoone oo lagu qabanayo do orashada madaxweynaha 10-aad ee JF/ Soomaaliya.

Guddiga doorashada BF oo soo saaray 14 qod ob oo la xiriira maalinka doorashada

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa soo saa ray war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan cidda loo xil-saaray mas’uuliyadda ammaanka goobta doorasha da iyo doorka ay ku yeela kar aan ciidamada qaranka

Qodobka 1aad ee warqad da guddiga ayaa lagu cadee yey in taliska booliska Sooma aliya uu yahay hoggaamiyaha guud ee amniga doorash ada, halka amniga irdaha laga galo teendhada Afisyo oni iyo gudaha xarunta ay masuul ka yihiin ciidanka ATMIS. Nabad Sugidda iyo Militeriga ayaa loo sheegay Inay adkeeyaan oo masuul ay ka yihiin amniga gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho oo doorashadu ay ka dhaceyso, waxaana si gaar ah Nabad sugidda loo faray inay fashiliyaan hadii ay jiraan dhagaro loo maleegay doorashada. 24 askar oo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo aan hubeysneyn ayaa gudaha hoolka doo rashada kala shaqeyn doona ciidanka ATMIS, sida lagu cadeeyey bayaanka guddiga.

Sidoo kale ciidanka militeri ah oo qayb ka degan Te endhada Afasiyooni ayaa si ku meelgaar ah looga rarayaa xarunta teendhada, inta doorashada lagu guda jiro.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran:

Tariikh 10/05/2022 Guddoonka Baarlamaanku waxuu soo saarey bayaankan Amni ee Tafaasiishu hoos ku qoran:

A) Taliyaha Ciidanka Boolisku waa hogaaminaya Amn iga guud ee Doorashadda.

B) Amniga iyo galitaanka fadhiga Xarunta waxaa ga ar u leh Ciidanka ATMIS Sector 1.

C) Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka waxay u xilsaaran yihiin amaanka guud ee Magaalada gudaheeda iyo banaankeedaba in ay ka hortagaan wax kasta oo amaanka khalkhal galink ara sida shabaab iyo wixii la mid ah.

D) Ciidanka Nabadsugidda waa in ay si gaara ula soc daan xubnaha ka tirsan Alshabaab ee gudaha magaala da ku dhuumaalaysanaya oo ay fashiliyaan intaanay wax sameyn.

E) Ciidanka Booliska iyo kan Nabadsugida waxay ka masu’ul yihiin fududeynta socodka Murshaxiinta, Xildhi baanada iyo martida madaxda ah ee la martiqaaday ay ku soo gaarayaan Teendhada ilaa inta lagu guddo juro Doorashada.

F) Afar iyo labaatan (24) Booliis ah oo aan hubays nayn waxay kala shaqeynayaan ATMIS warunta door ashadda ee Teendhada Afasiyooni.

G) ATMIS oo raaceysa awaamiirta Gudoonka ma ogolaanayso in wax hub ah lala soo galo Xalane maalin ta Doorashada.

H) Ciidanka Xoogga Dalka qaybta degan Teendha da Afasiyooni waxay si ku meelgaar ah u banaynayaan Xaruunta teendhada inta Doorashada lagu guda jiro, waxayna xoojinayaaan Amaanka banaanka.

I) Ayadoo la raacayo sida ku cad habraacyada Gu ddiga qaban qaabada Doorashada Madaxwaynaha ay soo saareen, Murashaxiinta u tartamaya Xafiska Mada xweynaha waxay ka soo galayaan albaabada tilmaam an, halkaas oo ay ATMIS ka qaadi doonto ayna sii galbi nayaan ilaa Teendhada.

J) Dhamaan Xildhibaanada Sharafta leh waxaa laga rajeynayaa in ay gacan siiyaan ciidanka amniga sugaya ee baraha baaritaanka joogo si loo hubiyo amniga ka soo qaybgalayaasha oo dhan.

K) Maalinta Doorashada Madaxweynaha lama og ola in lala soo galo Teendhada Telephone ama Tablet. Ka soo qaybgalayaasha waxaan kula talinaynaa in ay Telephoonadooda uga soo tagaan banaanka oo ay darwaladoodu u dhiibtaan.

L) Murashaxiinta u taagan Xafiiska Madaxweynaha maalinta Doorashada waxaa loo ogolyahay min hal caawiye. Madaxwynaha hada jooga waxaa loo ogol yah ay Saddex caawiye. Madaxweynayaashii hore waxaa loo ogolyahay laba caawiye kiiba.

M) Dhamaan Murashaxiinta, Xildhibaanada iyo mart ida la martiqaaday baaburtooda waxay uga soo tagay aan Dugsiga Tababarka Ganaraal kaahiye ama Barxa da Airportka. Intaa ka dib waxaa la marayaa baaritaan ka amniga ee albaabka Airportka, dabadeedna waxaa la raacayaa Basaska Booliiska iyo UN oo geynaya Teendhada.

N) Murashaxa ku guuleysta/guulaysata Xafiiska Ma daxweynaha waxaa isla markiiba amnigiisa/ amnigeeda la wareegaya ATMIS, waxaana loo qaadayaa meel amn igeedu suganyahay.

Rooble Oo Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Shacabka Kala Hadlay Doorashada Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soom aaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Gu ddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday u diyaar garoowga doorash ada Madaxweynaha Jamhu uryadda oo maalmo kooban ka harsan yihiin.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baar lamaanka Federaalka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Sam atar ayaa Ra’ iisul Wasaaraha ku boggaadi say sida uu u soo hoggaamiyay ge edi socodka hanna anka door ashada dalka oo heer gaba-gabo maraya.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo 15-ka bishaan May 2022 Teendhada Afisyooni, waxaana tartanka doorashada isku diiwaan-geliyay 39 Musharax oo isku soo taagay xilka Madaxweynaha.


Wargeysyada Kenya Oo Ku Tilmaamay Daahir Geelle Inuu Ugu Cadcad Yahay Doorashada Madaxtanimada Soomaaliya

Seddexda wargays ee ugu afka dheer dalka Kenya iyo guud ahaanba Geeska Afrika ee kala ah Daily Na tion, The Times, iyo Kenya Satellite News Network ayaa daabacay warbixin ay ugu magac dareen Iftiinka Rajada Hoggaamineed ee Soomaaliya oo ay ku she egeen in Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle uu yahay musharraxa ugu cadcad in uu ku guulaysto doorashada Madaxweyna ha Soomaali ya.

Waxay tilmaameen in mu sharrax madaxweyne Da ahir Maxamuud Geelle uu haysto taageerada shacabka iyo tan beesha caalamka oo ay dowladaha deriska ugu horreeyaan.

Waxay sheegeen in siyaasadahiisa dabacsanaanta, nabadda, dib u heshiinta iyo wada noolaanshaha ku dhi san ay aad u soo jiiteen indhaha bulshada Soomaal iyeed iyo diblumaasiyiinta ajnabiga ah.

Waxaa wargaysyada qoreen in musharrax mada xweyne Daahir Maxamuud Geelle uu wacdaro muujiyay muddadi sannadka iyo barka ahayd ee uu taagnaa is mari waaga doorashada, isaga oo ahaa musharraxa kal iya ee nabadda u ololeeya. Waxay wargaysyadu muuj iyeen dareen walwal iyo walaac leh haddii uu door ashada ku guulaysto musharrax aan Daahir Geelle ah ayn, iyaga oo sheegay in colaad iyo ka aargudashada la fili karo.

Waxay wargaysyadu qoreen in xiriirka dhaw ee mus harraxa la leeyahay diblumaasiyiinta ajnabiga ah ee Soomaaliya ka howlgala iyo booqashooyinka joogtada ah ee ay is waydaarsadaan ay muujinayso taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan.

Musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa kamid ah musharriinta ugu cadcad in ay ku guulay staan siyaasadda Soomaaliya, warbixintan ay wargays yadu daabaceen iyo xelliga ay ku soo aadday ayaa abu uray hadal-hayn ah in uu taageero xooggan ka haysto dowladaha deriska iyo dalalka Soomaaliya daneeya.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soo maaliya oo ka haray tartanka doorashada

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo soo saaray qoraal kooban ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya.

Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay inuu go’aansaday inuu isaga haro doorashada, isaga oo tilmaam ay in uusan haysan wixii u suurto galin lahaa inuu guu leysto.

Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in ololihiisa uu la xiriiray inuu toos ula hadlo shacabka, balse wuxuu ho osta ka xariiqay in qaabka dadban ay liddi ku tahay ham igiisa siyaasadeed.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagaha faraha badan ee ku xee ran doorashada ay ka hor imaanayaan danaha shacab ka Soomaaliyeed.

"Aqbalaadda lacagaha ololaha ee ka hor imaanaya danta mustaqbalka fog ee shacabka Soomaaliyeed wa xay khiyaamaysaa wax walba oo aan u hayo, balse wax aa ka sii muhiimsan, hooyooyinka, aabbayaasha, iyo dhallinyarada sida dhiirigelinta leh ee iigu garab ista agay ololihii aan ku jiray,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxa med Cabdirisaaq.

Go’aanka wasiirka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Shalay ay ku egtahay diiwaan-gelinta doorashada mad axweynaha cusub oo ay isku diiwaan-geliyeen illaa 32 musharrax.

Doorashada dalka ayaa lagu wadaa in la dhameysti ro maalmaha soo socda, waxaana mida madaxwynaha ay dhaceysaa 15-ka bishaan aynu ku jiro May ee sana dkan 2022-ka.

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Ax med Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan M/ Muqdisho ayaa waxaa uu Habeen hore kulan la qaatay Guddo omiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo geedi soco dka uu dalku ku jiro, sidii si wadajir ah looga wada shaq ayn lahaa inuu noqdo Mid ka dhabeeya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Gu dd oomiye Cabdi Xaashi Cabdull aahi la wadaagay dha mbaal hamb alyo ah, isagoona ugu hambalyeeyay in mar kale loo doortay xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baar lamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa u mahad ce liyay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana labada dhinac ay sidoo kale isla soo hadal qaadeen hannaanka lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Ax med Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa uu wadaan kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Mu sharaxiinta iyo mas’uuliyiin kale.

Xasan Sheekh Iyo Lafta Gareen Oo Kulan Yee shay Saacdo Kahor Hadal Jeedinta Musharix iinta

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa Xalay hoygiisa ku qaabilay Mush arax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Kulankan ayaa ku saabsanaa is xog wareysi xaalada dalka iyo do orashada Madaxweynaha, iyadoo la rumeysan yahay In Koofur Galbeed ay ka mid tahay go’aamiyeyaasha ugu weyn ee drashada Madaxweynaha.

2da mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday xaaladihii u danbeeyay ee dalka iyo sidii Lafta-Gareen uu kaalin ugu yeelan karo dadaalada uu Xa san Sheekh ugu jiro in mar kale loo doorto madaxweyn aha Afarta sano ee soo socota, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn mowqifka madaxweynaha koofur galbeed.

Si kastaba, maalinimada beri oo Arbaca ah waxaa loo balansan yahay hadal jeedinta musharixiinta, taasoo so con doonto ilaa Khamiista, iyadoo la gali doono laba maalin oo olole ah si 15-ka bishan oo Axada ku beegan ay u dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaana u taagan 39 misharax.

xasan sheekh iyo lafta gareen oo kulan yeeshay saacdo kahor hadal jeedinta musharixiinta

Waare oo ka digay halista xooggan ee musharax Xasan Cali Kheyre`

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa ugu horeyn fariin dardaaran ah oo doorashada la xariirta u diray xildhibaanada Soomaaliya, isagoo weeraray siyaasadaha Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii hore Xasan Cali Kheyre.

Waare oo wareysi siiyey TV-ga Goobjoog ayaa xildhibaanada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dalka codkooda ku badbaadiyaan Shalay, "War xildhibaanow yaan laguugu mashquulin sandareertada iyo waxyaabaha beenta ah ee maalmaha doorashada, ee dalkaan si mustaqbalkiisa loo badbaadiyo wado fiican noo saara,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa aad u naqdiyey siyaasadii ay dalka ku soo maamuleen Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, isagoo tusaale u soo qaatay, dhibistii Qalbi-dhagax, tacadiyadii kale ee dowladnimada Soomaaliya ay ugu geysteen ONLF iyo weerarkii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadka looga dilay.

"Waayahaan waxaan arkaa Farmaajo iyo Kheyre oo la kala wado, war Farmaajo waa Kheyre, Kheyrana waa Farmaajo, cid kala saari karta ma jirto ragaas, Ilaahey hana dhaafiyo labadaas,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Wuxuu intaas ku sii daray in gabood-fallada iyo talo xumadii uu ku sifoobay xukunkii Farmaajo uu Kheyre leeyahay eeda ugu badan, maadaama uu ahaa madaxii xukuumadda, sidoo kale markii uu Kheyre ku soo biiray golihii midowga musharaxiinta ayuu Waare sheegay inuu aad iga xumaaday. "Midowga Musharaxiinta markii ay aqbaleen in Kheyre uu ku soo biro, waxay direen fariin ah Farmaajo waxaan ula dirireynaa arrimo qabiil iyo kursiga, waxyaabaha qaar ee hadda Farmaajo loo heysto, waxaa geystay Xasan Cali Kheyre,” ayuu yiri Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ilaahey ka baryey in shan sano oo Farmaajo soo xukumayey Soomaaliya, uusan noogu darin afar sano oo Xasan Cali Kheyre ah. Isagoo yiri, "Naxariista Alle kama aanaa rijo dhigin, si kasta oo aan isku dulminay, Soomaaliya Shalay ma qaadi karto talo xumada Kheyre ee Allow na dhaafi.”

Akhriso: 39 Musharax Oo Ku Tartamaya Xilka Mada xweynaha 10-Aad Ee Dalka (Magacyada

Guddiga isku dhafka ee doorashada Madaxweyna ha ayaa Shalay soo gaba-gabeeyay saddexdii Shalay ee diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Ma daxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya, iyagoona horey u bila abay 8-dii May.

Guddiga doorashada ayaa diiwa an-geliyay 39 Mu sharax oo isu soo taagtay qabashada xilka Madaxwey naha dalka, kuwa asi oo la siiyay shahaadada Mu sharaxnimo, kadib mar kii ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii Guddiga soo saareen ee loo baahnaa.Musharaxiinta ayaa waxaa ku jiro Madaxweynaha mu ddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soo maaliya, Ra’iisul Wasaareyaal hore, siyaasiyiin iyo xub no kale oo siyaasadda dalka ku cusub. Sidoo kale Gu ddiga ayaa shaaciyay magacyada 20 Musharax ee maalinta berri khudbadahooda kahor jeed in doona Xil dhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka oo ay uga haddli doonaan waxa ay qaban doonaan mar kii loo doorto xilka Madaxweynaha.

Musharaxiinta maalinta berri khudbadaha jeedin doo na ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ee Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cab diraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Musharaxiin kale oo aad u farabadan

Hoos ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta berrito khudbadaha jeedinaya.


Xog: Axmed Madoobe oo xildhibaanada Juba land siiyey amar la xiriira doorashada

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Mado obe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo iyo shirar kala gooni ah la leh xildhibaanada deegaan Door ashadooda tahay Jubbaland iyo qeybaha kale ee bulsh ada.Axmed Madoobe ayaa ujeedada socdaalka uu ku joogo Muqdisho ay tahay mid la xiriirta doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo inuu dhiso cidda uu ka dhex arko danta Jub baland marka laga reebo madaxw eyne Farmaajo oo colaad gaamurtay ay kala dhaxeyso.

Sida ay Sheegtay inay fahamsan tahay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa xildhib aan nada deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo iyo Ce elwaaq kala hadlay cidda ay tahay inay codkooda ugu hiiliyaan iyagoo eegaya danta dalka iyo tan Jub baland.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada uu la kulmay kula dardaarmay inaysan cod kooda siismo iska daayee xitaa aysan ku qaldin murashax madaxweyne Farmaajo oo khilaaf shan sano jirsaday kala dhaxe eyo maamulka Axmed Madoobe.

Go’aanka baarlamaanka ku sharciye eyay xildh ib aanada Ceelwaaq oo madaxweyne Farmaajo looga guu leystay ayuu Axmed Madoobe u arkaa mid dhabar jab ku ah Farmaajo, maadaama Shalay uusan hal xildhib aan ka haysan mudanayaasha Kismaayo iyo Ceeleaaq lagu soo doortay.

Farmaajo ayaa dhankiisa taageerayay sidii xildhibaa nada Garbahaareey lagu soo doortay ay u noqon lahaa yeen kuwo ka qeybgala fadhiyada baar lamaanka si uu ugu xisaabtamo cododka xildhiba anadaasi la diiday.

Ugu danbeyn, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu ku sii sugnaado Muqdisho ilaa maalinta doora shada si uu u hubsado guuldarrada madaxweyne Farmaajo, ink astoo aysan caddeyn murashaxa guuleysan doona.

Inkasta oo markii hore la fahamsanaa in Axmed Mad oobe uu taageersan yahay Saciid Deni, hadd ana warar soo baxay maalmihii dhowaa ayaa shee gaya inuu had da si hoose u dhisayo madaxweynihii hore ee Sooma aliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa rumeysan inay aad u yar tah ay rajada uu Saciid Deni ku noqon karo madax weyna ha Soomaaliya, isaga oo aan haysan taa geero ku filan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axaddii niyad jab weyn ka la kulmay xildhibaanada laga soo doortay maamulka goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ee uu sida weyn isugu haleynayey.xigasho:caasimadda.net

XOG-Kutladda NISA oo dhabar jebin ku bilow day Farmaajo iyo Saraakiil waji cusub la soo baxday.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kutladdii siy aasadda ee hey’adda NISA ay gadaal ka toogteen mad axweyne Farmaajo iyadoona qaar kamid ah saraakiisha ay safka hore ka galeen is bedello ku yimid hanaankii si yaasadda. Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad walaac looga qabay islamarkaana dhisnaa kutlad is ku xiran oo kamid ah saraakiisha NISA kuwaas oo qaar soo galeen baarlamaanka qaar na iyagoo banaanka ay qeyb ka ahaayeen abaabulada siyaas adda.

Waxaana lagu eedeynayay in ay Farmaajo u boobayaan doorashada. Balse xogaha hadda soo baxaya ayaa tilmaamaya in dhabar jebin ay saraakiishu kutladda ahayd ku sameeyeen Farmaajo, kana shaqeynayaan sidii doorashada loogu jebin lahaa. Saraakiisha NISA ee tilaabadan qaaday ayaa waxaa ka mid ah Yaasiin Fareey, Cabdullahi Dheere, Cabaas, Ca bdiraxmaan Dheere iyo kuwo kale oo badan, waxaana horboodaya Cabdullahi Dheere oo markii hore kamid aha saraakiisha ugu dhaw Farmaajo, halka Cabdiraxm aan Dheere la wariyay inuu lacagtii ololaha qeyb kamid ah la goostay.

Taliyaha dabagalka NISA Cabdullahi Dheere oo la aaminsan yahay inuu isbedelkan horboodayo ayaa si doo kale bixiyay oo banaanka keenay danbiyo qarsoo naa oo Farmaajo horay u galay, waxaana si hoose loo ga soo xigtay inuu Farmaajo ku qancin waayay fariimo ay usoo direen sirdoono caalami ah, kuna saabsaneyd in Farmaajo doorashada ka haro. Xubno kamid ah kut ladda NISA ayaa laga soo xigtay in markii hore uu Farmaajo waday dhismaha hey’adda balse mudooyinkii dambe uu bilaabay inuu dano gaar ah u adeegsado. Saraakiisha NISA ee uu horboodayo Cabdullahi Dheere ayna kamid yihiin Yaasiin Fareey, Cabaas iyo kuwo ka le ayaa xilligan ka shaqeynaya ololaha rag kale, waxa ana ay si dhaw ula heshiiyeen qaar kamid ah musharax iinta ugu cad cad xilka madaxweynaha.

Dadka falanqeeya siyaasadda waxay qabaan in tilaa badan ay garabkii ugu weynaa ee uu ku tashanayay Far maajo ahaydna Kutladda NISA uu waayo ay ka dhigan tahay inuu barxadda kala tagayo guul daro siyaasadeed midda ugu daran ee lama filaanka ah. Hey’adaha am niga dalka ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa aad looga digayay in ay ku milmaan siyaasadd, wax aase dhacday in natiijada ku Milankooda noqotay in ay afka ciidda u daraan ninkii ku tashanayay ee muddo soo ababiyay.

Dhinaca kale waxaa soo baxayay warar xooggan oo sheegaya in sirdoono caalami ah ka shifeen Farmaajo in sababta uu isu sharaxay ay tahay in aan danbi lagu soo oogin balse uu sii ogyahay in aanu guul ka keeneyn doorashada.

Macluumaadka waxay intaas ku darayaan in musharaxiin badan ay safaf dhaa dheer ugu jiraan sidii ay dhankooda u mari lahaayeen kutladda NISA ee Korneel Cabdullahi Dheere uu hogaamiyo, iyadoona waqti kooban ay ka harsan tahay maalinta ugu danbeysa ee doorashada. Ninkan lagu bartay wajiyada badan ee Cabdullahi Dheere ayaa xiriir la leh sirdoonada caalamka, waxaana rag badan oo kursiga Villa Somalia doonaya rumeysan yihiin inuu caalamka ka gadi karo. XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Beesha caalamka oo war kasoo saartay doo rashada madaxweynaha Soomaaliya

Saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa Shalay soo saaray war-saxafaadeed ku saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la qor sheeyey inay Muqdisho ka dhacdo 15-ka May 2022, ayaga oo ka digay dib u dhac ku yimaada.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqa abada baarlamaanka ee ah in doo rashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda, ayaga oo bogaadiyey sida ay ku socoto diiw aan gelinta musharixiinta iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeys ta ah ee doorashada.

"Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wana agsan ee laga gaaray diiwaangelinta mu sharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro ina an laga dib dhicin waqtiga kama dambey sta ah ee doorashada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka bee sha caalamka.

"Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon kar ta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlam aanka ba la dhaariyay oo si buuxda u shaq eynay aan, arrin kasta oo doorasho oo taag an waa inay xalliyaan madaxda baarlamaan ka ee sida saxda ah loo doortay.”

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa ugu dambeyn lagu yiri "Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dhee han tahay ku soo gabagabeeyaan marxa laddan kama dambeysta ah ee geeddi-soc odka doorashada si loogu soo jeesto arrim aha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudna anta leh”.

Wuxuu qoraalka beesha caalamka ku soo aadayaa xilli ay Shalay ku egtahay is diiwaangelinta musharixiin ta, waxaana illaa hadda la diwaan geliyey musharixiin ku dhow 40 iyadoo saacadaha soo socdana la filayo in ay kuwa kale qaataan shahaadada. Musharaxiinta ay aa waxaa ka mid ah madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxwey neyaal hore Shariif Shekeh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamu ud, ra’iisul wasaare hore, madaxweyne goboleedyo, xil dhiba ano iyo siyaasiyiin kale.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa laga dareemayaa ololaha doorashada, waxaana la filayaa inay doo rashadaan noqoto doorashadii ugu badne yd oo ay ka qeyb galaan musharixiin u taa gan xi lka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray: Haw lgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AT MIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Mido wga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Gobole edka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqort ooyada Sacuudi Car abiya, Ururka Jaamacadda Carab ta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalal ka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suud aan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Ugan da, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqorto oyada Midowday ee Britain, Dowlad da Mar aykanka and Qaramada Midoobay.

Shariif Xasan oo hal sabab uga baaqsaday doorashada hoggaanka dalka

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaanan ka mid noqon musharaxiinta loo diiwaangeliyay inay u tartami doonaan jegada mada xtinimada ee dalka, waana xilli Shalay la soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharaxiinta.

Shariif Sheekh Xasan Aadan oo horey u iclaamiyay inuu yahay musharax u taa gan Doorashada Madaxweynaha Qaranka ayaa mudd ooyinkii ugu dambeysay ka mid ahaa Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka.

Dadka qaarkii ayaa su’aal gelinaya waxa aanu Shar iifku uga dhabbeen ballanqaadkiisii ahaa inuu u tartami doono doorashada xigta ee madaxtinimada dalka, oo 15-ka bishan la qaban doono.

Siyaasiyiinta ayaase kuu sheegaya in Shariif Xasan uu tartanka doorashada uga baaqday, maadaama nin ay ka soo wada jeedaan Koonfur Galbeed uu noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fed eraalka, taasina ay qabad ku tahay damaciisii siyaasiga ahaa ee bal inuu markaan qabto hoggaanka dalka, ink astoo haatanba ay xubno reer Koonfur Galbeed ah qaat een shahaadada musharaxnimada.

Shariif Xasan ayaa Khamiistii hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nu ur (Aadan Madoobe), waxaana loo fasirtay inuu ugu teg ay kala warqaadasho ku aaddan doorashada dalka, wa low bogga Golaha Shacabka lagu daabacay in kulank aasi la xiriiray salaan iyo hambalyayn uu Shariifku ugu hambalyaynayay Aadan Madoobe guushiisii Doorash ada Golaha Shacabka.

Shariif Xasan oo sidoo kale horey u soo noqday Gu doomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu tiriyaa Siyaa siyiinta Soomaalida, kuwooda ugu saamaynta badan.

Faysal Cali Waraabe: Muuse doorasho diyaar uma aha

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in aanu daacad ka ahayn qabashada door ashada madaxtooyada.

Faysal oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC Somali, ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in aanu ha yn wadadii doorasho lagu gaadhi

lahaa, isaga oo ku andacooday in madaxweynuhu uu ka danbeeyo khilaafka soo kala dhexg alay guddida doorashooyinka.

"Waxba u diyaar maaha, wuu iska had layaa, hadii uu u diyaaryahay farsama deedi ayuu keeni lahaa, wadatashi ay uu keeni laha, waxaa la gaadhay wa khtigii diwaanga linta la bilaabayay, koomiishankii ayuu buuq galiyay oo hada aan shaqayn todobaad dhan, wuu meeraysanay aa" ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu rabo in uu Somaliland qaso balse ay ka hortagi doonaan, "Waanu ka hor tagaynaa in aanu dalku naga qasmin, waxyaabihii lagaga hortagayay waanu hays anaa".

Faysal oo wax laga waydiiyay mawqif kiisa ku aadan in xiligan la furo ururrada siyaasada madaama oo ay sii dhamaanayaan 10 kii sanno ee sharcigu siiyay xis biyada jira, ayaa sheegay in qabashada doorashada ururrada siyaasadu anay sharci ahayn. "Lama furayo ur urro sharci maaha, wax dalka yaga ka soconaya maa ha, ururro toos ah oo aan loo tartamayn deegaan ama baarlamaan adduunka kama dhacdo, waxan u suurogal ayn ayuu maskaxdiisa ka keenay, wax dhacayaa ma jir to" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa ku hanjabay in hadii doorashada madaxt ooyadu dhici waydo aanu Biixi madaxweyne sii ahaan doonin "Doorashadu haday dhici waydo wakhtigeedi oo madaxweynuhu wax kale keeno albaabka ayuu ka baxaya".


Muuse Biixi Oo Magacaabay Guddi Baaraya Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/G/083-859/052022 uu ku magacaabay Guddi-baaris oo madax-bannaan oo ka soo war-bixisa Komi shanka Doorashooyinka Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sid an:-Wareegto Madaxweyne.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 13aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad iyo Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2a ad ee Xeerka Guud

ee Doorashooyinka iyo Diiw aan-gelinta Cod-bixiyaya asha; Xeer Lr: 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Su mmaddiisu tahay KDQ/X K/008/2022, kuna Taariikh aysan 25/04/2022, ujeeddad iisuna tahay Codsi Guddi- baariseed;

Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay GDQ/X K/009/2022 kuna taariikhaysan 27/04/2022, ujeeddadi isuna tahay Is-beddel lagu sameeyay Hoggaanka Komi shanka Doorashooyinka;

Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay Ref: HAN/GQ/05/62/2022, kuna taariikhaysan 05/05 /2022, kana soo baxday Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee, ujeeddadeeduna tahay soo gudbin war-bixin baar iseed;

Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay XGD/WM/02/08/191/2022, kuna taariikhaysan 05/05 /2022, kana soo baxday Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ujeeddadeeduna tahay war-bixinta xisaab – xidhka Kom ishanka Doorashooyinka;

Markaan Arkay: Muhiimadda uu Komishanka Doo rashooyinka u leeyahay hannaanka dimoqraadiyadeed ee iyo hir-gelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah;

Markaan Arkay: Khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee soo kala dhex galay xubnaha Komishanka uu caqab ad ku noqon karo xil-

gudashada waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee Kom ishanka

Doorashooyinka;

Markaan Helay: Talo-bixinta sharci ee Garyaqaanka Gu ud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland;

Waxaan Go’aamiyay;

1) In aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu ho os ku xusan yihiin in ay noqdaan Guddi-baariseed ma daxa-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqra dihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyin ka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;

1- Maxamed Jaamac Cabdi Guddoomiye

2- Farxaan Maxamed Cali Xubin

3- Siciid Xasan Habbane Xubin

4- Axmed Saleebaan Jaamac Xubin

5- Bashiir Cabdi Xariir Xubin

2) Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin:

– Nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda eeXubnaha Komsihanka.

– Nidaamka Iibka iyo Qandaraasyada Adeegyada iyo Agabka Komishanka.

– Nidaamka Maamulka iyo Diiwaan-gelinta Hantida raagta ee Komishanka.

Galmdudug, Hir-Shabeelle & Jubbaland oo ka wada hadlay doorashooyinka socda

Waxaa Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Jubbaland Ku lanka oo uu soo qaban qaa biyey Guddoomiyaha Baarlam aanka Hirshabelle Dr Abdulh akim Lukman Haji Mohamed ayaa looga hadlay Iskaashiga Golayaasha Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada, Arrimaha Doorashoyinka Dalka iyo wada shaqeynta Gol ayasha Baarlamanada Dowlad Goboleedyada iyo Golay asha Sharci Dejinta Qaranka ee Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka BJFS War kssoo baxay Guddoo miyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in kulamada wadatashiga ee Gudd oomiyayaasha ayaa socon doonaan maal maha soo socda

Qarax geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa lagula eegtay degaanka Buurane oo kuyaalla duleedka Magaalada Jowhar ee Caasima dda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa Goobjoogay aal sheegeen inay wateen Mooto nooca labada lug leh ee Fekonta loo yaqaan, waxaana qaraxa ku dhintay hal Askari halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Ciidamo kale oo katirsan ku wa dowladda kana agdhowaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa tegay Goobta, iyaga oo halkaasi ka qaaday Askar ta ku waxyeeloobay qaraxa.

Dadka kunool degaanka Buurane ee Gobolka Shabeell aha Dhexe ayaa sheegay inay wajahayaan cabsi Amni darro kadib markii degaanka ay kusoo bateen qaraxya da, waxaana ay aheyd markii todobaadkii hore degaank aas lagu qarxiyay Ciifamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidanka Jubbaland Iyo Kuwa DANAB Oo Wee rar Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan J/Hoose

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka daraawiishta Maamul ka Jubbaland, kuwa Xoogga dalka ee DANAB oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan kuwo dhan ka Koonfur uga beegsan Magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB ay weerar ku qaadeen saqdii dhexe ee Habeen hore fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Xali ima Cadeey oo ku dhow Buu ĺa Xaaji ee Koonfur Galbeed Kismaayo.

Inta uu socday dagaalka ayaa labada dhinac waxaa ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa dagaalkii dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha jira inta uu la egyahay.

Saraakiisha Ciidanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee hoggaaminayey howlgalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi Habeen hore ka dhacay deegaanka Xaliima Cad eey, iyagoona intaas kusii daray inay dib ka faah faahin ka bixin doonaan dagaalkaas dhacay.

Si kastaba Ciidamada Jubbaland iyo kuwa DANAB ay aa marar kala duwan waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan G/Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Qaar kamid ah Wasiiradii uu xilalka ka qaaday Axmed Karaash oo Shaqadooda wata

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ahna Guddoomiyaha guddigga dib u-habeynta Ciidamada Xasan Shire Cabdi iyo Tal iyaha Ciidamadda Difaac Puntland Gen. Yaasin Cumar dheer ayaa Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiir Xasan Shire syaa kakid Haa Saddex

Wasiir oo Madaxweyne kuxigeenka Puntland uu xilka qaadista ku sameeyay, waxaana Mas’uuliyiintan maga alada gaalkacayo ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka kan Degmada iyo taliyaasha kale duwan ee ciidamada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ahna Guddoomiyaha guddigga dib u-habeynta Ciidamada Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Ujeedka socdaal kooda uu salka ku hayo tababar loo soo xir ayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland oo mudo tababar uga socday Dugsiga tababarka Gen. Careys ee Magaa lada Gaalkacyo

Waxaa ay u muuqataa in aysan dhaqan gelin wareeg tooyinkii xilka qaadista ahaa ee uu dhawaan soo saaray kusimaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland, iyada oo Wasiiradii uu xilalka ka qaaday ay sicaadi ah u wataan Shaqadooda.

Ciidanka Xoogga Iyo Kuwa ATMIS Oo Howlg alo Ka Sameeyay Waddo Isku Xirta Deg mooyin

Ciidamada Ururka 260-aad guutada 9-aad qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika gaar ahaan Itoobiya ee ATMIS ayaa Shalay howlgalo ka sameeyay Wadada isku xirta Wajid iyo Burdhuxunle ee Gobolka Bokool ee Maamulka KGS.

Howlgalkaan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha degmda Waajid Maxamed Yuusuf Cali ayaa waxaa lagu sheegay inuu ujeedkiisa ahaa xaqiijinta amniga wadada isku xirta Wajid iyo Burdhuxunle, kaasi oo lagu arkay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Ururka 260-aad guutada 9-aad qaybta 60-aad ee ayaa sheegay in howlgalkaan ka dhan ah Al-shabaab uu sii socon doono, isla markaana lagu doonayo in Shabaabka looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.

Maalmo kahor ayey markii Ciidamada qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ay howlgal waddo furis ah ka sameeyeen waddooyinka isku xira degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo Gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.

Al-shabaab ayaa sanno badan Go’doomiyay waddooyin isku xira degmooyin ka tirsan Gobolada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socday howlgalo lagu furayo waddooyinkaas.

Faah Faahin: Nabadoon Xalay Lagu Dilay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Xalay guda ha xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Ba naadir ku dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaasi, waxaana falka dhacay kasoo baxaya faah faahino dhee raad ah.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolado ay Nabadoonka ku toogteen xa afadda Raadeelka ee Dey niile, xili uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday sal aadii Cisho ee Xalay.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Guure, isaga oo u dhintay rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay, waxaana goobta uu falku ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday kooxihii fuliyay dilkaas.

iidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Feder aalka iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa goobta dilka ka dhacay ka qaaday Meydka Cabdi Cali, mana jirto cid lasoo qabtay falkaasi ka dhacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar kood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag ku hub eysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalka iyo wee rarada ka dhaca Magaalada sheegta mas’uuliyadooda Al-shabaab

MA JIRO AADANE DHINAC KASTA KA FIICAN EE DOORO KAN LEH ASTAAN HOGGAAMIN


Aadamaha gaal iyo Muslim, waxay noloshu ku qasbeysaa in uu helo ama yeesho maamul iyo dad madax u ah. Haddii aan taas la helin, waxay noloshu la mid noqoneysaa midda xawaanka duur joogta ah oo kale.

Nolosha dunidu waa mid isku xiran, waxaana lagama maarmaan ah in ay jiraan waxyaabo xariirinaya oo ka dhaxeeya Aadamaha nool, inta isku deegaan ah. Sidoo kalana waa in ay jiraan hab ay isku fahmi karaan inta kala deegaanka ah.

Ambiyada (Calayhim Salaam) waxaa dooranayey Allah, wuxuuna ka dhigayey hadba ninka uu u garto, kaas oo noqonayey mid gudbiya rasaaladdiisa, gaarsiiyana dadka loo direy.

Nabi Maxamed CS ayaa ugu danbeeyey masuuliyad oo Alle u dooro Aadamaha, wuxuuna ahaa kii lagu khatimey Ambiyada.

Nabi Maxamed CS wuxuu ahaa Rasuul loo soo direy ama Alle u doorey caalamka oo dhan, wuxuu ahaa hoggaamiyaha ummadda muslimka ah iyo u digaha dadka aan muslimka aheyn.

Kadib geerida Nabigeena CS, waxaa khiyaar loo siiyey Aadamaha oo ay ku jiraan muslimiinta in ay doortaan iyagu dadka maamulaya ama hoggaaminaya, waxaana habkaas lagu doortey Abubakar Al-sadiiq in uu ahaado Amiirka Muslimiinta Nabi Maxamed CS kadib.

Nabiga CS intii uu noolaa ayuu muujiyey in Abuu-bakar Al-sadiiq uu mudan yahey in uu ummadda hogaamiyo geeridiisa kadib, kuma amrin, mana ka dardaarmin Nabigu CS, laakiin wuxuu muujiyey inuu leeyahey sifooyinka hogaamiyaha loo baahan yahey marka loo eego ummad uu ka geeriyoodey Nabigoodii Alle u soo direy (Salla-llaahi Caleyhi Wassallam).

Nabiga CS ayaa laga wariyey Xadiis micnhiisu ahaa " Sedax haddii ay jid isku raacdo, mid ha doortaan si uu u hoggaa miyo ama madax u noqdo”.

Dunida aan joogno waxay isku waafaq san tahey in ay waajib tahey in ay dadku helaan nidaam iyo madax hoggaa misa, isla markaana u kala garqaada haddii ay isku xadgudbaan, una maamula waxa ka dhaxeeya. Dadka muslimiinta ah iyagu waxay heys taan Kitaab Alle iyo Sunnaha Nabi Maxa med CS, taas oo ah dastuur iyo hab ay raa caan, una fududeyneysa sida ay ku dooranayaan ama ku sameysanayaan maamulkooda iyo madaxdooda. Alul-xalli wal-caqdi oo ay ummaddu wakiilatey una dhiganta Barlamaan ayaa dooran jirey madaxda, waxaan hadda la soo gaarey in shaqsigu wax doorto oo isaguna khiyaarkiisa helo. In aad wax doorato waa masuuliyad weyn oo ku fuuleysa, maxaa yeeley, waxaad qaadeyneysaa masuuliyadda go’aankaaga iyo midka qofka aad dooratey, waana wax la is weydiinayo adduun iyo aakhiraba. Marka aad qaadaneyso go’aan aad Aadame ku dooraneysid, waxaa muhiim ah in aad xasuusnaato in go’aankaagu aheyn mid shaqsi ah, balse uu yahey mid aad ku mataleyso dad badan.

Waa inaad tixgelisaa dareenka iyo rabitaan ka waayeelka, Hooyada, dhallaa nka, curyaanka, ardeyga, macallimka, faqiirka, qaniga iyo dhammaan qeybaha aad ku mataleyso go’aanka.

Marka aad kala dooraneyso Aadame, il gaar ah ku fiiri qodobadaan:

1) Sunnada abuurka ayaa ah kala duwanaan, mana jiro labo Aadame ama ka badan oo dhinac kasta iskaga mid ah;

2) Ha ku daalin raadinta qof dhinac kasta ka fiican, maxaa yeeley maba jiro qof wada fiican ama wada xun (cillad leh). Aadame kasta wuxuu leeyahey wanaag iyo xumaan (cillad), balse waxaa kala duwan meelaha ay kaga jiraan qofka iyo heerkooda;

3) Haddaad isku daydo inaad qof wada fiican hesho, waxaa kuu muuqanaya qof kugu cusub oo aadan baran, taasna micnaheedu ma ahan inaad heshey qof wada fiican ee waxaa kuu dhimman barashadiisa;

4) Marka aad kala dooraneyso labo Aadame ama ka badan waxaa fiican in aad ku miisaanto, il gaar ahna ku fiiriso; Ammaanada, Aqoonta, Waaya-aragni mada, Yoolka, Fahamkiisa waajibka loo igamanayo iyo xaaladda taagan, Kartida, Farsamada, awoodda Hal-aboorid dda, dhaqanka,gacan-furnaanta (deeqsinim ada), go’aan qaadashada, iyo sida uu u dhaqey gurigiisa.

1) Addoon la leeyahey

2) Tuug aan ammaano laheyn

3) Mid go’aan jilicsan, mid waalan iyo mid qallafsan oo qalbi adag

4) Mid ku fashilmey gurigiisa

5) Qof cusub oo aan la garaneyn

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip