HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 10-KA MAY 2022

0
Tuesday May 10, 2022 - 08:25:57 in Wararka by
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 10-KA MAY 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Farmaajo oo Shalay qaatay shahaadada musharaxnimada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cab dullaahi Farmaajo oo hadda ah Musharax ayaa Shalayeyd is diiwaan-geliyay, islamarkaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tegay xarunta Aqalka Sare oo ay ka socoto diiwaan-gelinta, waxaana shahadaada guddoonsiiyey Cabdiqani Geelle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada.

Farmaajo ayaa Habeen hore si rasmi ah ugu dhaw aaqay inuu yahay musharax mar kale u taagan inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, isa goo shacabka ka codsaday in mar kale ay furs ad siiyaan.

Kooxda Farmaajo ayaa maalmihii dambe bil aabay ololaha dib u doorashadiisa, xili uu waj ahayo loolan adag oo uga imanaya madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin kale oo miisaan culus.

Is diiwaan-gelinta iyo qaadashada mushara xnimada madaxweyne ayaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socota magaalada Muqdisho, ayada oo ay is diiwaan-geliyeen in ka badan 25 Mush arax.

Waxaa Dorraad is-diiwaangeliyey illaa 10 mu sharax oo ugu horeeyay Shariif Sheekh Axm ed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Khe yre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdi nuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guule ed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Sidoo kale waxaa Shalay is-diiwaangeliyay illaa hadda, Jabril Ibrahim Cabdulle, Xasan Sh. Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Ca bdi raxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Ge elle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxa med Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Ca bdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daa hir Aweys, Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cab dulqaadir Axmed Fiq, Nucmaan Shiekh Cum ar, Muqtaar Maxamed Sayid, Maxamed Cabdu llaahi Farmaajo iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.

Murashixiin kale ayaa lagu wadaa inay iya guna tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo ka dib la guda-geli doono jeedinta khudbadaha musharaxiinta.

Doorashada madaxweynaha ayaa la qorsheeyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022, haddii uusan ku imaan dib u dhac kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Ururada Bulshada Rayidka

G/G/Shacabka BFJSh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Shalay Magaalada Muqdisho kulan la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka (SONSA).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu Ururada Bulshada Rayidka ku boga adiyay doorka muhiimka ah ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka iyo ka shaq eynta dib u heshiisiinta.

Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee SONSA Cismaan Macalin Muxu yadiin (Shaatax) ayaa marka hore salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cismaan Shaatax ayaa waxaa uu sheegay in Bulshada Rayidka ah kala shaq eyn doonaan Baarlamaanka horumarinta dalka iyo geedi socodka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka oo 15-ka bishaan ka dhaceysa Muqdisho.

Shuruud cusub oo la hor dhigay mushar axiinta madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga doorashada madaxweynaha So omaaliya ayaa shaaciyey tirada musharaxiin ta is diiwaan gelisay, goorta ay ku egtahay is dii waan gelintu iyo shuruudo cusub oo laga rabo musharaxiinta hadal jeedintooda ka hor.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah guddiga ayaa maqribkii warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in Dorraad iyo Shalay ay diiw aan geliyeen 32 musharax, waxaana xubnaha aan weli is diiwaan gelin u hartay hal maalin.

"Ilaa hadda waxaan diiwaan gelinay 32 musha rax, waxaana diiwaan gelinta ka hartay berri oo kaliya, qofkii berri 4:00 Shalayni mo ka hor aan shahaadadiisa qaadan, mu sha rax ma noqon doono, wax aan ku adkeyneyn aa musharaxiinta dhiman inay ka soo hor maraan waqtiga aan soo gabagabey doono howshaan,” ayuu yiri Macalimuu.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey dalab cusub oo loo diray musharaxiinta is diiwaan gelisay ee u tartame ysa xilka Madaxweynaha, kaas oo ah in musha rax kasta laga doonayo inuu berri soo gudbiyo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan.

"Guddiga Doorashada Madaxwaynaha JFS wuxuu ku wargalinayaa Musharraxiinta Xilka Mad axwaynaha JFS inuu musharax kasta gu ddiga u soo gudbiyo 400 (afar boqol) oo nuqul ee barnaamijkiisa doorasho oo daabacan (hard co py) iyo hal nuqul oo electronic ah (pdf) oo ah ha daljeedinta murashaxa, maalinta barri ah oo ku beegan 10 May 2022,” ayaa lagu yiri qoraalka. Hoos ka daawo Macalimuu

Guddiga doorashada oo diiwaan galiyay Haweeneydii ugu horreysay oo u tartami doonta xilka madaxweynaha Soomaaliya

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqon doonta haweeneyda Soomaaliyeed ee ugu horr eysay ee u tartami doonta xilka madaxweyna Sooma aliya.

Fowsiyo ayaa Shalay si rasmi ah isaga diiwaan gal isay guddiga qaban qaaba da doorashada madaxwey naha, iyadoo buuxisay dha mmaan sharuudihii looga baahnaa.

Fowsiyo oo hadda ah xildhibaan katirsan ba rlamaanka aqalka hoose waxay sannadkii hore shaacisay inay u taagan tahay xilka madaxwey naha.Waxay horey usoo noqotay Ra'iisul was aare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheikh Maxamuud, waxayna sidoo kale muddo ka badan toban sano tahay xildhib aan katirsan golaha shacabka.

Waa siyaasad caan oo kasoo jeeda gobol ada waqooyi ee Somaliland, waxayna sidoo kale madax ka tahay xisbi siyaasadeed lagu macaabo UDP .

Ma jirto haweeney Soomaaliyeed oo xilka madaxweynaha horey ugusoo tartantay, waxaa na la ogyahay inta badan haweenka hanku ka ga jiro xilka madaxweynaha inay ku hari jireen marka la gaaro sharuudaha diiwaan galinta.

Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka ay ku guulay satay sacdiyo Yaasiin Xaaji Salaad oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata.

Wada-hadallo laga dhex bilaabay Deni & kuxigeenkiisa

Madaxweynaha ku xigeenka maamulka Pun tland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo war eegtooyin magacaasi iyo xil ka qaadis isugu ji ray soo saarayay dhawaa nahaan ayaa dhalisay khil aaf balaaran oo hareeyay dowlad goboleedka Puntl and xilli madaxweynaha maamulkaasi uu ku su ga nyahay Muqdisho, isaga oo u sharaxan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Shanti bishaan May ayuu ku simaha madax weynaha Puntland xil ka qaadis ku sameyay saddex kamid ah golaha wasiirada maamulk aas isaga oo sidoo kalana saddex wasiir oo ka le u magaacabay jagooyinkaas. Balse illaa had da lama oga dhaqangalka isbadelkaasi.

Guddi ka kooban dhowr iyo toban xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa magaalada Bosaaso kula kulm ay madaxweyne ku xiigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cism aan (Axmed Karaash), si ay xal ugu gaaraan khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Deni.

Maxamed Axmed Cabdi Xaraf oo ka mid ah xubnaha xildhibaannada ah ee la kulmay mad axweyne ku xigeenka ayaa BBC-da u sheegay inay u sheegeen Axmed Karaash in Puntland ta hay baarlamaani isla markaana arrimaha jira hoos loo dheemayo uuna madaxweyne ku xige enku ku laabto magaalada Garoowe.Wuxuu sheegay Maxamed Axmed in wali ay u socdaan kulamo looga sii wadahadlayo arrimaha taa gan.

Axmed Madoobe Oo La Kulmay Aadan Mad oobe Kadib Fasixida Kuraasta Ceelwaaq

Madaxweynaha maamulla Jubaland Ax med Maxamed Islaam, ayaa Habeen hore salaan iyo Hambalyo ugu tagay Gudoomiyaha Cusub ee golaha shacabka BJFS Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo dhawaan ku guulaystay xilka Gudoomiyaha golaha shac abka.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha ugu ha mbalyeeyay xilka Cusub ee loo doortay isagoo la wadaagay Sida shacabka Jubaland iyo Bul shada Soomaaliyeedba ay ugu riyaaqeen doo rashadiisa.Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu Gudoomiyaha uga mahad celiyay go’aanka lagu fasaxay Xildhibaanada deegaan doorasha da labaad ee Jubaland si dadka gobolka gedo ayna uga harin doorashooyinka guud ee dalka.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadn Madoobe ayaa gelinkii danbe ee Dorraad she egay in xildhibaanada laga soo doortay Ceelw aaq ay reer Gedo ku metelayaan baarlamaan ka, go’aankiisa waxa uu yimid saacado yar ka dib markii uu muqdishoyimid Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayuu la kulmay Aad an Madoobe ka dib fasixida kuraasta ceelwaaq


Guddiga doorashada oo soo saaray hab-ra aca amniga doorashada madaxweynaha

Guddiga Baarlamaanka ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray hab-raaca amniga doorashada iyo sida ay xildhibaanada iyo musharixiinta ku gaarayaan hoolka ay ka dhaceyso doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in la diyaariyey saddex albabaab oo ay ka geli doonaan marti sharafta, musharixiinta, xildhibaanada Laba Aqal iyo Marti sharafta, waxayna Albaabada laga galayo kala yihiin School Policia (Marina Gate), Main Gate iyo Madina Gate.

Dhammaan musharixiinta ayaa loo asteeyey inay kasoo galaan albaabka Madina Gate, halkaas oo ay kaga soo tagayaan gawaaridooda dagaalka, ciidanka iyo Gawaarida kale, waxaana halkaas ka qaadi doono Basas VIP ah oo loo diyaariyey.

Xildhibaanada Labada Aqal, marti sharafta iyo shaqaalaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loo asteeyey inay kasoo galaan Ablaabka Marina Gate ( School Policia) iyo Main Gate.

Qodobka Sedexaad ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha xilka hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo ogol yahay inuu hoolka lasoo galo 3 qof oo kala ah:

Askariga Astaanta Qaranka

Qof hab-maamuska ah

iyo Qof codadka u tiriyo

Musharixiinta madaxweynayaasha soo noqday waxaa loo ogol yahay labo qof inuu hoolka la soo galo, hal qof oo hab maamuus iyo hal qof oo codka u tiriyo, halka Musharaxiinta kale loo ogolyahay hal qof oo ah kan codka u tirinaya.

Guddiga ayaa sidoo kale hab-raaca amniga ku sheegay in dhammaan albaabada la dhigay magacyada xildhibanada Labada Aqal, musharixiinta, Shaqaalaha Baarlamaanka, Marti sharafta iyo warbaahinta.

Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in saxaafadda loo diyaaryey hool gaar ah oo loogu diyaariyey shaashado ay ka tabayeen doorashada.

Marka laga soo tago qodobada aan kor kusoo xusnay, waxaa sidoo kale habraaca ku jira qodobo kale oo aad u adag oo lagu ilaalinayo hufnaanta doorashada madaxweynaha.

Halkaan hoose ka akhriso hab-raaca oo dhamesytiran



Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare & Wakiilka QM?

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah Magaalada Mu qdisho kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Qar amada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soo maaliya Amb, James Swan.

Amb, James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilka mar kale dhowaan loo doortay guddoo miy aha Aqalka Sare, waxa uuna kala hadlay ta llaabada xigta ee lagu dhammeystirayo doora shada Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-ka Maajo, iyo in uu wax ka ogaado arrimaha horta binta u leh Guddoomiyaha ee dhanka sharci-dejinta.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa uga mahad celiyay Amb, Ja mes Swan taageerada Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha do orashooyinka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo u dhaxeeya Saa mileyda siyaasadeed ee dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kuw aas oo loogu diyaar garoobayo doorashada Ma daxweyaha Soomaaliya oo dhaceeysa 15 Bish aan May ee sanadkan 2020.

Madaxweynaha Somaliland oo khudba dii u dambeeysay u jeedinaya Baarlamaanka

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Soma liland ayaa Shalay oo Isniin ah Kulan aan ca adi aheyn waxaa ay ku yeelnayaan xaruntooda Magaalada Hargeysa, waxaana hortagaya Mad axweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha ayaa khudbadii ugu dambeey say u jeedin doona Gola ha Baarlamaanka Somal iland maadaama dhawaan ay dhac eyso doorashada Madaxwe ynaha Somali land.

Madaxweyne Muuse Bi ixi ayaa waxaa uu ka ga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Som aliland, sida Amniga iyo Abaaraha iyo si doo kale qabsoomida doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ay aa ka hadli doona waxa ay hiigsaneyso Som aliland oo ay ugu horreeyso inay helaan aq oonsiiyo Arrimo kalr.

Xubnaha Xisbiyada mucaaradka ayaa Ma daxweynaha Somaliland ku cadaadinaya in aysan markale dib u dhicin doorashada Madax tooyada, iyada oo ay horay u dhaceen doora shooyinka Golaha Wakiilada iyo degaanka.

Xukun dil ah oo lagu ridday sarkaalkii dilay NAJMO

Somaliland ayaa Shalay xukun adag oo dil toogasho ah ku ridday Gaashaanle Dhexe, Sa alax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Somaliland, kaas oo saddexdii bis haan May toogasho ku dilay marxuumad Na jmo Cabdillahi May ka. Maxkamadda milatar iga Somaliland oo soo soo saartay xukunka ayaa sheegtay in Saa lax oo isla-markiiba ga canta lagu dhigay falka kadib lagu helay dambiga lagu soo oogay, wax ayna ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaas marxuumada oo ahey gabar dhalinyaro ah.

Goobta maxkamadeynat ee sarkaalkaan iyo xukunka soo baxay waxaa goobjoog ah aa saraakiil ka tirsan ciidamada, ehellada lab ada dhinac iyo dadweyne kala duwan.

AUN Najmo oo wadatay xilliga la dilayey ga ari nooca raaxada ah, ayaa iyadoo mareysa ag agaarka maxkamadaha waxaa rasaas ku furay sarkaalkan oo isku dayey inuu baxsado.

Marxuumadda ayaa sidoo kale ka mid ah eyd shaqaalaha wasaaradda beeraha ee Som aliland, waxaana dilkeeda si weyn uga falcel iyey ehelladeeda iyo dadka shacabka ah.

Sidoo kale Najmo Cabdullahi waxaa la she egay in xilliga la dilayey ay isku qaban qaabin eysay xafladda arooskeeda, sida ay sheegeen waalidiinteeda.

Si kastaba, dhacdadan ma ah mid ugub ku ah Somaliland, waxaana dhowr jeer magaaloo yinka waa weyn ee maamulkaasi ka dhacay dil al ay geysteen askar ka tirsan Booliska Somalil and, kuwaas oo qaarkood la xiray, kuwa kalena lagu ridday xukuno adag.


Cabdi Xaashi oo kulan xasaasi ah la qaatay wakiilada beesha caalamka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Sen ator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Shalay waxa uu kulan la qaatay Safiirka Midowga Yu rub u fadhisa Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Talyaaniga.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay arri maha doorashooyinka dalka, kuwaasi oo mar aya heer geba-gebo ah, kadib marxalado kala duwan oo ay soo martay iyo gaabis badan oo ku yimid.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saa ray sidii doorashada Madaxwaynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ay ugu qabsoomi lahayd jawi xasilan oo nabad ah.

Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii dam be si dhow ula socotay doorashooyinka Soom aaliya, ayada oo cadaadis badan ku saartay madaxda iyo siyaasiyiinta dalka in lasoo gaaro marxalada Shalay ay mareyso.

Doorashada madaxweynaha ayaa la qorshe eyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022, haddii uusan dib u dhac ku imaad.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa Dorraad ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ku dhowaad 25 musharax ayaa illaa hadda isu diiwaan-geliyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka.

Sida loo qorsheeyey haddii u dhaqan-galo jadwalka doorashada, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.

Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle & Jubba land oo wadatashi la bilaabay Xildhi baannada labada Aqal

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaamka JFS ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Kulankaan waxaa kasoo galay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Guddoomiye xu xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo la iska xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo maraya heer gabo gabo ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada labada aqal kula dardaarmay inay wadajir noqdaan oo ay ka shaqeeyaan danaha iyo horumarka deegaanada Hirshabeelle.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Muqdisho kulan kulan kula qaatay Xildhibaanada deegaan doorashadoodu ay tahay Jubaland ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Kulankan oo ahaa Mid wadajir ah waxaan diirada lagu saaray xaalada dalka iyo sidii xildhibaanada kasoo baxay Jubaland ay uga qeyb qaadan lahayeen jihaynta doorashooyinka gaba gabada maraya.

Xubnihii lagu soo doortay Garbahaareey oo sheegay waxa u qorsheysan kadib go’aankii baarlamanka

Xubnihii lagu soo doortay magaalada Garbahaarey ee sheeganayey xildhibaannada federaal ayaa ka hadlay waxa u qorsheysan kadib markii gudodonka golaha shacabka uu sharciyeeyey xildhibaanadii ay kuraasta isku haysteen ee lagu soo doortay Ceelwaaq

War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Dorraad lagu sheegay in xildhibaannaadii lagu soo doortay Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharciga ah ee matali doona gobolka Gedo.

Maalimihii u dambeeyey waxaa jirey khilaaf ka taagan metelaadda gobolkaas, kaddib markii xubno kala duwan ay ku soo baxeen doorashooyin is khilaafsanaa oo ka kala dhacay Garbahaarrey iyo Ceelwaaq.

Xubnaha lagu soo doortay Garbahaarey oo muddooyinkii u danbeeyey ku sugnaa Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas aanay u hoggaansamayn islamarkaana aanu iyaga khusayn.

"Horta warqadda go’aanka waan aragnay, saxiixbna ma leh tiimbarana ma leh, waxaan aragnay iyadoo Social Media-yaha la wareejinayo oo la leeyahay waxaa soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka, haddii ay arrintaas jirto anaga waxaan u aragna arrin aan sharci aheyn dastuurkana aan waafaqsaneyn, anaga go’aankeena waa kaas,” ayuu yiri Axmed Buulle Maxamed Canjeex oo ka tirsan xildhibaanada laga soo doortay Garbahaarey oo la hadlay idaacadda BBC.

Go’aanka guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid lagu deg deg ah oo ay aheyd in la marsiiyo guddiga xalinta khilaafaadka ama uu baarlamanka sameeyo guddiga go’aanka kasoo saaro kiiskaan.

"Guddoomiyaha baarlamanka anaga wax aan isku heynay waxay aheyd sharci qoladii Ce elqaalow lagu soo doortay ee dalka Kenya iyo anaga oo kasoo baxnay Garbahaarey, waxay aheyd in guddi loo saaro kadibna la dhageysto doodda laba dhinac lana ogaado cidda sharciga ku taagan, waxaa kaloo furneyd in dooddan loo gudbiyo guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiyada kale ee Baarlamaanka, go’aakiisa wuxuu ahaa mid lagu deg degay,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Canjeex ayaa sheegay in xildhibaanada lagu soo doortay Garbahaarey ay yihiin kuwo sharci ku taagan oo maray dhammaan hab-raacyadii la dajiyey iyo heshiiskii 17-ka September.

"Anagana waxaan ku taaganahay sharci cid na xaqiri kartana ma jirto, waxaan ku taaganahay heshiiskii Soomaalida ay gaartay 17-ka bishii September, waxaaxna marnay habraacyadii loogu talagalay inuu xildhibaanka maro, doorashadeena waxaa goobjoog ka ahaa 13 xubin oo ka mid ah guddiga doorashada heer federaal, waxaana la ogyahay in guddiga doorashada ee Jubbaland in garoonka Kismaayo lagu celiyey iyagoo usoo socda Garbahaarey,” ayuu yiri Axmed Buulle Maxamed Canjeex.

Lama yaqaano sida ay tallaabada lagu ansixiyey kuraasta Ceelwaaq u saameyn doonto guud ahaan baarlamaanka gaar ahaan kulanka la filayo inay 15-ka bishaan ku doortaan madaxweyaha cusub ee Soomaaliya.

Taliye Farxaan Qaroole Oo Xalay Ka Badba aday Qarax Lagula Eegtay Duleedka Muqdisho

Taliyaha qeybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa salaadii maqrib ee Xalay ka badbaaday qarax lagu eegtay duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya qaraxa faah faahino dheeraad ah.

Qaraxaas oo ahaa miino lagu aasay laamiga dhinaciisa ayaa waxaa kolonyo uu la socday Taliye Farxaan lagula beegsaday deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, xili uu Taliyaha halkaas socdaal ku marayeen, iyagoona kusoo jeeday Magaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolkaan Banaadir Farxaan Qaroole ayaa ka badbaaday qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray afar kamid ah ilaalada Taliyaha.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Taliye Farxaan Qaroole uu aagga Ceelasha biyaha u tagay kiis la xiriiro Askar ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laa maha amniga dowladda Federaalka Soomaa liya oo ay uga hadlayaan qaraxa uu ka badb aaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, ka asi oo xiligii la qarxinaayay ka yimid deegaanka Calamada, kuna soo jeeday Magaalada.



TIRO BADNIDA MURASHAXIINTA HAWI YE MA DHALIN DOONTAA NATIIJO LA MID AH TII 2017?


Murashaxiinta u taagan tartanka hoggaanka dalka ee loo balansan yahay 15 May oo ka dhaceysa teendhada xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni ayaa badankood waxay kasoo jeedaan hal beel oo ah beesha Hawiye.

Murashaxiinta Hawiye ee damaca kaga jira hoggaaminta dalka waxay tiro ahaan ka badan yihiin 20 murashax oo doonaya hal kursi, halka murashaxiinta kale ee beelaha kale kasoo jeeda marka la isku geeyo aysan ka badneyn 10 murashax.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soom aaliya ayaa qaba in tiro badnaanta murashaxiinta beelweynta Hawiye ay fursad u tahay murashaxa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la ogya hay taariikhdii dhacday 8-da Febraayo 2017, markaasoo tiro badnaanta beesha Hawiye iyo isu tanaasul la’aantooda fursad u siisay inuu aruur sado cododkii murashaxiintii beeshaasi oo dhexdooda is-diidanaa.

Cashar iyo tusaale midna kama baran wixii soo dhacay doorashadii 2017, xiligaasi oo wareega koowaad murashaxiintii usoo gudubtay uu u cod badnaa Xasan Sheekh oo markaasi xilka hayay helayna 88 cod, wa xaa kusoo xigay Farmaajo oo 72 cod aruursaday, Sheekh Shariif oo 49 helay iyo Cumar Cabdirashiid oo 37 cod ugu soo gudbay wareega lab aad balse iskiis ugu haray doorashada.

Shaxdaasi uu cododka ugu badan ku hoggaamiyay Xasan Sheekh war eega koowaad ayaa markii loo gudbay wareega labaad waxay cododkii xildhibaanada aadeen dhinaca Farmaajo oo ku guuleystay wareega labaad 184 cod.

Guuldaradaasi Xasan Skeekh wajahay ayaa u sabab aheyd cododkii Sheekh Shariif oo aaday dhinaca Farmaajo iyo cododkii kale ee mur ashaxiintii wareega koowaad ku haray.

Xiligaan waxaa muuqata in isbarbar-yaaca murashaxiinta Hawiye inay dhabar jab ku tahay iyaga dhexdooda oo is-tooganaya isna diidan, mid walbana diyaar uma aha in uu tanaasul sameeyo si ay ugu mid oobaan hal murashax ama laba murashax.

Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sh. Axmed, C/raxmaan C/shakuur, Xa san Cali Kheyre, Dahir Maxamuud Geelle, C/kariin Xuseen Guuleed, Eng. C/llaahi Cali Xasan, Cabdinuur Shiikh Maxamed, iyo kuwo kaloo ba dan mid walba dhinaciisa ayuu u ordayaa, mana jirto midow ama isbah eysi xiligaan aakhiru saaca ah, midba midka kalena inuu u tanaasulo ma ogola.

Ugu danbeyntii Murashaxiinta Hawiye ee tirada badan midkoodna ca shar iyo tusaale kama baran wixii dhacay 8-dii Febraayo, waxaase arki doonaa natiijada ay dhasho midow la’aanta iyo isbarbar yaaca 15-ka May

Qore.Ali Muhiyaddiin Caasimada Online

Muqdisho, Somalia



Sagaaal carruur ah iyo hooyadood oo ku dhintay daadad ka dhacay Koofur Afrika.

Dhacdo naxdin leh ayaa ku dhacday qoys reer Koofur Afrika ah iy adoo qoyska oo lagu magacaabo qoyska Mdlalose ay hooyada oo 43 jir aheyd iyo sagaal carruur ah o da’doodu u dhaxe yso labo jir ilaa 10 jir ay ku dhinteen daadad ka dhacay gobolka KwaZulu-Natal waxayna daad kaasi ahaayeen masiibadii dabiiciga aheyd ee gu dhimashada Badenydee dalkaa soo marta.

Way hurdayeen markii daadad xoog leh ay qaaden gurigoodii , arrintan waxaa laga joogaa marka ay dhacday saddex toddobaad welina qaar ka mid ah meydadka lama helin.

‘’ marka aan kuu sheego runta waan waalan nahay ..wax ma maqalno .. maskaxdeena ma joogto .. wax laga sheekeyn karo maaha ‘’ ayuu car rurta adeerkood Thokozani Mdlalose u sheegay BBCda.

Aas wardareed loo sameyey hooyadaa iyo shan ka mid carruurteed iyadoo afarta kalena la waayey ayaa dhacay subax aad u qabow iyadoo marka laga tago carruurteeda lala aasayey iyo kuweeda la waayeyba ay u dheer tahay in ay eeddo u tahay afar carruur ah oo kale oo Iyana la waayey.

Iayaga oo keliya ma aha dadka murugoonaya ee daadadku waxay dileen 435 qof welina tobaneeyo qof ayaa la weysan yahay kuwaaas oo qoysaskoodu xaalad murugo ay la soo deristay .

Ilaa haatan in ka yar 200 qof ayaa la aasay iyadoo 59 qof oo kale me ydadkaooda lagaran la’ yahay oo ay ku jiraan qolalka meydka ee isbitaa lada .

Madaxweynaha Suuriya Oo Wadahadal La Yeeshay Hoggaamiyaha Sare Ee Iran

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad ayaa Axaddii booqday dal ka Iran oo ah dalka iskugu dhow yihiin dalalka gobolka si uu wadahadal ula soo yeesho hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollaha Ali Khamenei.

Labada hogaamiye ayaa intii wadahadalka lagu jiray ku baaqay in iskaashi adag oo ay yeeshaan Tehran iyo Damascus, sida laga soo xigtay warbaahinta dawladda Iran.

Madaxweyne Assad oo booqashadii labaad ku tagaya Iran ilaa markii dagaalku dalkiisa ka bilowday sanadkii 2011kii, ayaa si doo kale la kulmay madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA.

Assad ayaa awood u helay inuu horjoogsado dagaalki sokeeyey ee dalkiisa ka bilowday markii ay dhaceen dibadbaxyo ay dadku dimoqra adiyad ku doonayeen sanadkii 2011kii, isaga oo kaalmo ka helay urur ada gacan-saarka la leh Iran iyo faragin militari oo weyn oo Ruushka ka timid sanadkii 2015kii. Telefishanka Iran ayaa madaxweyne Assad ka soo xigtay isaga oo leh "xiriirka istaraatiijiga ah ee Iran iyo Suuriya waxa uu horjoogsaday awooddii taliska Sahyuunidda [Israel] ee gobolka. Warbaahinta Nournews ee Iran ayaa iyaduna warisay in Assad uu dib ugu noqday dalkiisa.

Dad ku dhintay Iskuul ay duqeeyeen diyaaradaha Ruushka

Darsanno dad ah oo reer Ukraine ah ayaa laga cabsi qabaa in ay dhin teen ka dib duqeyn Ruushka ka timid oo keentay in iskuul ay ku jireen ilaa 90 arday uu dhulka la sinmo, kaas oo ku yaallay bariga dalka Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka lagu muransan yahay ee Luhansk, halkaas oo dagaallo qaraari ay toddobaadkyo ku dhex mare yeen ciidanka Ruushka iyo xoogagga Ukraine, ayaa sheegay in 30 qof laga soo badbaadiyey goob ku taa lla Bilohorivka, hase yeshee, kuwo kale oo iskuulka ku jiray ay u badan tahay in aanay badbaadin.

"Sida ay u badan tahay, dhammaan 60 qof oo burburka ku soo hoos jira hadda way dhinteen,” ayuu yiri guddoomiye Serhiy Haidai, mar uu far iin ku qoray boggiisa Telegramka. Waxa uu intaas ku daray in duq eymaha Ruuhsku ay sidoo kale dileen labo wiil oo da’doodu kala ahayd 11 iyo 14, kuwaas oo ku sugnaa magaalada goobtaas ka ag dhow ee Pryvillia.

Duqeymihii u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Donbas ayaa yimid xilli Ruushku si aan kala go’ lahayn uu weerar ugu hayey bariga Ukraine si uu u muujiyo guul dhinaca dhulka ah. Tallaabadan ayuu qaaday ka hor maalinta Isniinta berri ah oo ku beegan fasaxa Maalinta Guusha oo uu xuso markii Ruushku uu jabiyey Naasigii Jarmalka, xilligii dagaalkii 2aad ee dunida

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Gre enfield ayaa barnaamijka State of the Union ee telefishinka CNN u shee gtay in aanay jirin wax "Ruushku uu u dabbaaldego”, dagaalka uu Ukr aine ku qaadayna "uu ku guuleystay oo kaliya inuu dunida kale go’doon ka noqdo.”

Kenya oo heegan gashay kadib weerar kii Alshabaab ku qaadeen ciidamada Burundi

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa kordhiyay feejignaantooda ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada midowga Afrika ee Burundi ay ku lahaayeeen gobolka Shabeelada dhexe.

Kenya ayaa kordhisay ilaalinta xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu wiiqo qorshayaasha ay maleega yaan Alshabab, sida uu sheegay sarkaal katirsan laam aha dalka Kenya. "Waxaan fahamsanah ay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameed yada Kenya ka dib dhammaadka bisha Ramadaan," ayuu yiri sarkaalkan.

Todobaadki hore, taliyaha ciidamada difaaca Kenya Gen Robert Kib ochi ayaa xarunta Pentagon-ka kula kulmay gudoomiyaha ciidamada is ku dhafka ah ee dalka Mareykanka General Mark A. Milley.2da hogaa miye ee ciidamada ayaa ka wada hadlay arrimaha 2da dal, gaar ahaan

sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga la dagaalanka kooxaha argagixisada



MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE EE IS-DIIWAAN GELIYEY OO GAARAY 30 + MAGACYADA

Illaa 30 musharax ayaa illaa hadda isu diiwaangeliyey doorashada ma daxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qat aya guddiga doorashada ee baarlamanka.

Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa Dorraad ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu

Noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guud ahaan waxaa Dorraad is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo kala ah: Shariif Sheekkh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Khe yre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socotay Shalay waxaana si doo kale is-diiwaangeliyey madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Habeen hore ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo kursiga iyo 20 musharax oo kale.

Xubnaha Shalay is-diiwaangeliyey ayaa waxaa ka mid ah Xasan Sheekh Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Max amed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Mu qtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys, Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Ca bdulqaadir Axmed Fiq, Nucmaan Shiekh Cumar, Muqtaar Maxamed Sa yid, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Maxamuud Daahire Aweys, Xuseen Cabdi Nuurow, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) iyo Cabdulaahi Cali Axmed(Cadoow Cali Gees) iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda ka liya ee xilkan u taagan xlliigaan.

Musharaxiinta ayaa lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacag is-diiwaangelin oo gaareysa $40,000, inay haystaan saxiixa 20 xil dhibaan oo taageersan iyo soo gudbinta barnaamij siyaasadeedkooda oo qoran.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa ku eg berri, ayada oo doorashada madaxweynaha la qorsheeyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022.

Haddii uu sida loo qorsheeyey u dhaqan-geliyo jadwalka doorashada, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid door ashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farm aajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.

Guddoomiye Xirsi: Qudbada madaxweynuhu waa shimbirayohow heesa

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qudbad sannadeedka madaxweynaha Somaliland uu u jeediyay labada gole ba arlamaan ku tilmaamay qudbad aan nuxur badan lahayn.

Guddoomiye Xirsi ayaa sheegay in madaxw yn uhu aanu soo gudbin qorshe doorasho lagu galayo oo cad, sidaas darteedna anay qudbada madaxwey nuhu lahayn nuxur badan.

"Haddii Madaxweynaha wakhtigiisi aanu soo gudbin oo golayaasha iyo qarankaba la wadaagin qorshahii doorasho dee waxay iila muuqataa khudbad aan nuxur lahayn iyo "Shimbirayahow heesa" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sidookale madaxweynaha ku eedeey ay in qudbadiisu an ay sheegin qorshaha xukuuma da ee sannadkan ama sannadka soo socda, isla markaama ay kusoo be egantahay xili sannadkiiba kala bad hyayahay. Wa xa kale oo uu ku andacoo day in qudbadu anay soo ba ndhigin xalal wax lagaga qabanayo dhibaa tooy inka taagan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip