Macalin Arsene Wenger Oo Qirtay Inuu Aad Ula Dhacsan Yahay Xiddiga Leicester City Ee N'Golo Kante – Miyuu La Soo Wareegi Doonaa?

0
Saturday May 07, 2016 - 11:14:56 in Sports News by
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalin Arsene Wenger Oo Qirtay Inuu Aad Ula Dhacsan Yahay Xiddiga Leicester City Ee N'Golo Kante – Miyuu La Soo Wareegi Doonaa?

    Macalinka kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay mashiinka khadla dhexe ee xulka France iyo kooxda horyaalka qaaday ee Leicester N'Golo Kante oo ay kooxdiisa dhowr jeer isugu dayday saxiixiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinka kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay mashiinka khadla dhexe ee xulka France iyo kooxda horyaalka qaaday ee Leicester N'Golo Kante oo ay kooxdiisa dhowr jeer isugu dayday saxiixiisa.

Waxaa la fahasan yahay in Wenger uu taageero u yahay ninkaan aan kaamirada kasoo muuqan ee ree France taas ayaana cadaatay markii uu macalinkaan saxaafada ku yiri: "Waa xaqiiq inaan aad ula dhacsanahay isaga (Kante) waxaan aqaanay xitaa markii uu ka ciyaarayay horyaalka heerka hoose ee France laakin marwaliba waxaa jirtay su’aal ku aadan yaraantiisa iyo inuu la qabsan karo Ingiriiska oo xoog laga ciyaaro”.

ngolokante-cropped_16030yi4p1wim1mgogkg5r30fk

Wenger ayaa la weydiyay inuu isku dayi doona saxiixa xidigaan marka la gaaro xagaagan laakiin wuxuu sheegay iney adag tahay in xidig isaga oo kale ah ay koox ku fasaxdo si sahal ah laakin wuxuu si maldahan u sheegay iney taasi ka celin doonin inuu isku dayo saxiixiisa.

Kante ayaa kulankiisii ugu horeysay xulka qaranka France u ciyaaray bishii March kulankii Holland, ka dibna waxa u ciyaaray ciyaarta dhan ka dhanka aheyd Russia dhawr maalmood ka dib.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip