HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA MAY 2022

0
Monday May 09, 2022 - 08:59:29 in Wararka by
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA MAY 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa, soona gudbiyey laba codsi

Md.Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax mar kale u taagan inuu noqdo Madaxweynaha Soomaal iya, isagoo shacabka ka codsaday in mar kale ay fursad siiyaan.

Farmaajo ayaa laba codsi u kala diray xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xildhibaan ada ka codsaday inay codkooda sii yaan, si buu yiri aan wadajir ugu guuleysano.

"Baaqa koowaad waxaan u dirayaa xildhibaanada sharafta leh ee labada Aqal, waxaan ka codsanayaa inay codkooda i siiyaan, si aan wadajir ugu guuley sano oo u hormarino dalka iyo dadkeena, una sii so codsiino is bedel doonkii soo bilowday Febraayo 2017-kii,” ayuu yiri Farmaajo.

Baaqa labaad wuxuu u diray shacabka Soomaal iyeed, isagoo yiri, "Meel walba oo aad joogtaan wax aan si qadarin leh idinkaga codsanayaa inaad mar kale igu garab istaagtaan dib u doorasho ku dhisan danta shacabka.”

Sidoo kale Farmaajo ayaa bogaadiyey hanaanka ay u socdaan howlaha doorashooyinka dalka, isa goo tilmaamay in doorashada madaxweynaha lagu aadiyey maalin muhiim ah.

"Waa nasiib wanaag in maalinta doorashada Mad axweynaha JFS lagu asteeyey maalinta xuska Halg ameyaashii SYL, taas oo direysa farriin cad oo muuji naysa sida dadka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay dib u dhiska dowladnimada iyo soo celinta heybaddo oda Qaran. Haddaba anigoo tixgelinaya codsiga sha cabka Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday in aan mar kale isu sharraxo xilka Madaxweynaha Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya, si aan usii socodsi inno isbeddelka ka socda dalka ee miro-dhalay,” ayuu yiri Farmaajo.

Guddoonka Golaha Shacabka oo go'aan rasmi ah ka gaaray murankii Xildhibaanada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaareey

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 -aad ee dalka Soomaaliya ayaa Shalay go'aan rasmi ah kasoo saaray murankii ka taagnaa maa lmahii lasoo dhaafay sharci ahaan shiyaha Xildhiba anadda lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Ga rbahaareey ee gobolka ee Gedo.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in go'aankan ay soo saareen ka dib markii ay arkeen in Xildhiba anadda lagu soo doortay Ceelwaaq ay yihiin kuwa soo maray dhamaan habraacyadii doorashada, isla markaana uu taageeray doorashadaasi Raysal wasa araha dalka oo ahaa madaxa doorashooyinka dad ban ee dalka.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay gudd oonka Golaha Shacabka lagu sheegay in xildhibaan ada sheeganaya in lagu soo doortey degmada Gar bahaarey aanay heysan Shahaadadii guddiga Hirga linta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal, islamar kaana aanay doorshadooda qaban guddiga hirgalin ta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.

Hoos ka akhriso go'aanka Golaha Shacabka:-

Shariif oo noqday musharixii ugu horreeyey ee qaatay shahaadada

waxaa Shalay si rasmi ah uga bilaabatay Muqdi sho ee caasimada dalka Soomaaliya diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ee u taagan xilka Madaxwe ynaha 10-aad ee JFS.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday mu sharrixii ugu horreeyey ee is diiwaan-geliyey, isla-ma rkaana qaatay shahaadada murasha xnimada ee xilka madaxweynaha.

Musharrax Shariif ayaa tegay xa runta Aqalka Sa re oo ay ka socoto diiwaan-gelinta, waxaana shahadaa da guddoonsiiyey Cabdiqani Geelle oo ah guddoo mi yaha guddiga doorashada.

Shariifka ayaa horey u soo noqday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, wuxuuna sidoo kale kalena soo tartamay 2017 oo looga adkaaday tartan ka, isaga musharixiin kale.

Sidoo kale murasharrixiinta kale ayaa lagu wadaa Inay iyaguna tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo kadib la guda-geli doono doorashada.

Guddiga qaban qanaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dorraad soo saaray habraaca iyo shu ruudaha laga rabo murashaxiinta dooneysa inay tarta maan.Shuruudaha oo ka kooban sagaal qodob wax aa ugu weyn in murashax kasta laga doonayo la cag dhan $40,000, waxaana sidoo kale la faray inay soo buuxiyaan dhamaan sagaalka shuruud ee habra aca diiwaan gelinta murashaxiinta xilka Madaxweyna ha 10-aad ee dalka.Doorashada ayaa qorsuhu yahay in ugu dambeyn la qabto 15-ka bishaan aynu ku jirno ee May, taas oo loolan adag ay u geli doonaan mush ar rixiin dhowr ah oo uu ku jiro Farmaajo.

Xildhibaanada Beesha DIR Oo Iska Diiday Iney La Kulmaan Madaxweyne Farmaajo.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqd isho ayaa sheegaya inuu baaqday kulan Xalay uu la lahaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Max amed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda beesha DIR.

Sida wararku sheegayaan, kulanka oo lagu balansanaa inuu ka dhoco xa runta madaxtooyada ee Villa Soomaali ya, ayaa la soo sheegayaa inuu haa tan baaqday, iyadoo sababta lagu she egay is fahan waa salka ku hayo ajendaha diirada la gu saarayo ku lanka iyo qorshaha loo tagayo Aqalka uu haatan de gan yahay Farmaajo oo musharax madaxweyne ah.

Xildhibaano ka tirsan kooxda Nabad iyo Nolol ee ku daaban Faramaajo ayaa wada dadaalo ku aadan sidii uu u qabsoomi lahaa kulankan, walow Xalay baaqday, hadana waxey wararku tilmaamayaan in la ga shaqeynayo sidii todobaadkan dhexdiisa uu u dh ici lahaa, si uu ugu soo bandhigo dalabkiisa ku aad an in lagala shaqeeyo dib u soo noqoshadiisa.

Si kastaba, Xildhibaanada beel weynta DIR ayaa dhawaan decale hotel kulan so dhawyn ah ugu sa meeyey Gudoomiye xigeenka labaad ee barlama anka Xildhibaan C/llaahi Abshirow, lama oga in baaq ashadan ay ka timid dhanka Xildhibaan ABhsiroow iyo inkale, waxeyna arintan ku soo aadeysa xili Shalay ay bilaabatay diiwana gelinta amusharixiinta u taagan xilka madaxweyne ee dalka ee dhaceyso 15-ka bishan Xigasho:Caasimadda.Net

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Wakiilo ka socda Norway kala hadlay doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay kulan la qa atay sii hayaha safaaradda Norway ee dalkeenna Mr.Haakon Svane, iyo wakiilka gaarka ah ee Wasa aradda Arimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan So omaaliya marwo Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilada ka socda Dow ladda Norway ayaa sala an iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacab ka oo dhawaan Golaha Sha cabka ay ku doo rteen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Md. Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay doorka Wakiilada beesha caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya. Gudd oomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxa med Nuur (Madoobe) ayaa Maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka, xilli 15 Bishaan la filayo inay Magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

MAGACYADA MUSHARRAXIINTA MADAXWEYNE EE SHALAY IS DIIWAAN GELISAY

Waxaa xarunta Aqalka Sare ee baarlamaanka So omaaliya ka socota diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo Shalay oo eheyd maalintii koowaad oo kaliya ay is diiwaan geliyeen ilaa 10 musharax oo isugu jira xu bno xilal ka soo qabtay dowladihii u danbeeyay iyo Siyaasiyiin caan ah.

Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif She ekh Axmed ayaa noqday musharixii u horeeyay ee guddiga isku dhafka ah ee doorashada kla gud oo may shahaadada musharaxnimo, isagoo aroortii hore ee Shalay tegay xarunta lagu diiwaan gelinayo musharixiinta.

Musharaxa 2-aad ee qaatay sha haadada mu sharaxnimo ee ay bixiyaan guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal ayaa ahaa Daahir Maxamuud Geelle oo soo noqday wasiirkii warfaafinta Soomaaliya iyo safiirkii Sucuudi Carabiya.

Musharaxa 3-aad ee is diiwaan galiyay waxa uu ahaa Bashiir Xaaji Cali, isagoo ka gudoomay gudd iga isku dhafka ah shahaadada musharaxnimo.

Musharaxa 4-aad waxa uu ahaa Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo laba jeer oo hore u tartamay xilka adaxtinimo ee Soomaaliya, walow uusan guule ys an.

Musharaxa 5-aad waa Injineer C/llaahi Cali Xas an oo hore u soo noqday Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, wuxuuna guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal ka gudoomay shahaadada musharaxnimo.

Musharaxa 6-aad waxa uu ahaa ra’iisul wasaari hii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, isagoo qaatay shahaadada musharaxnimo, wuxuuna snaad an doonayaa inuu nasiibkiisa tijaabiyo oo uu tar tamo.

Musharaxa 7-aad waa C/Nuur Sheekh Maxamed oo hore dalka wasiir uga soo noqday, wuxuuna gu ddiga ka gudoomay Shahaadada mushar axnimo.

Musharaxa 8-aad waa C/Kariin Xuseen Guuleed oo soo noqday madaxweynihii Galmudug iyo Wasiir kii arrimaha gudaha Soomaaliya, wuxuuna gudidga ka qaatay shahaad ada musharaxnimo.

Musharaxa 9-aad waa Xildhibaan C/raxmaan C/ Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mu caaradka ah ee Wadajir, wuxuuna sanadihii la soo dhaafay waday olole uu ugu jiray ku guuleysiga kur sigan.

Musharaxa 10-aad ee qaatay shahaadada mu sharaxnimo waxa uu Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal , iyadoo guddiga doorahsada ay gudoonsiiy een shahaadada.

Boqorka Sacuudi Carabiya oo isbitaal la dhigay kadib

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla mag aalada ku taalla badda cas ee Jeddah.

Boqorka ayaa lagu sameyn doonaa baaritaanno caafimaad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga Axaddii

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa soo xiganeysay bayaan ka soo baxay maxkamadda bo qortooyada, waxaana warku wuxuu intaa ku daray in uu baaritaan ku marayo cisbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal.

Boqortooyada Sacuudiga illaa iyo hadda ma bixin faah faahin kale oo dheeri ah, sida ay warisay wakaaladda ee dowladda.

Boqor Salmaan, ayaa noqday hogga amiyaha dalka ugu sareeya dhoofinta saliidda adduunka sanadkii 2015 kadib markii uu in ka badan 2-1/2 sano ku qaatay xilka dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka . Bo qorka, oo 86 jir ah, ayaa qalliin looga sameeyay xameetida sanadkii 2020-kii, isaga oo sidoo kale glay qalliin dhanka wadnaha ah bishii Maarso


Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya "Waxaa kha tar ku jira sanadkaan qabsoomida Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Dalka"

Wasiirka Wasaaradda Waxbara shada Xukuum adda Soomaaliya C/hi Abuukar Xaaji Carab ayaa shaaca ka qaaday in Imtixaanka Shahaadiga Dugsi yada Sare ee sanadkan uu halis ugu jiro inuu ba aqdo

Wasiir Cabdullaahi Carab ayaa sheegay in wasa arada Maaliyadda Xukuumad da Soomaaliya laga la’yahay lacagihii lagu qaadi lahaa Imt ixaanka Shahaadiga ah ee sanadkaan laga qaadi lahaa ardayda dhameysatay Waxb arashada Dugsiga Sare.

Waxuu intaasi ku daray Wasiirka Waxbarashadda in Wasaaradda Maaliyada

walilagu leeyahay lacagahii sanadkii hore lagu qaaday Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo ay qaado dowladda Fedaraalka, islamarkaana ay ku maqan tahay lacagahii Macalimiinta.

"Waxaan cadeynaya in Imtixaanka Ardayda Soomaaliyeed aan laga damqaneynin, khatarna loogu jiro in sanadkaan laga qaadi waayo Imtixaan ka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare, maadama Wasaaradda Maaliyadda laga la'yahay lacagahii la gu qaadi lahaa Imtixaanka iyo tan Macalimiinta iskuu ladda ay dowladda maamusho oo waliba ay kusii ma qan tahay lacagahii sanadkii hore lagu qaaday Imtix aanaadka" ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Soom aaliya Cabdullaahi Carab.

Hadalkaan kasoo baxay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili la joogo waqtigii Wasaaradda Waxba rashada ay qaadi jirtay Imtixaanka Shahaadiga Dugs iyada Sare ee dalka..

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Gudoo miyaha golaha Shacabka

Madaxweynaha Hirshabeelle Md. Cali Guudl aawe Xuseen ayaa Xalay M/Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Kulankaan oo ahaa salaan iyo is marxabeen ayaa waxa ay uga hadleen arrimaha doorashooyinka oo maraya heer gabo gabo ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Dorraad soo gaa ray Muqdisho ayaa gudoomiyaha golaha Shacabka ka dalbaday dardargalinta doorashada Madaxwey naha Soomaaliya oo lagu waddo in ay dalka ka dhacdo 15-ka bishaan.

Imaaraadka oo ballan-qaad culus u sameyey ATMIS, ka dib weerarkii Ceel Baraf

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay weerarkii cuslaa ee dhowaan lagu qaaday saldhiga ciidanka Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ee deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Abu Dhabi ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray owladda iyo shacabka Burundi oo askar badan la ga dilay. Sidoo kale warka wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey falalka dambiyada ah iyo rabshadaha argagixisada.

Imaaraadka ayaa intaasi, kadib ballan qaad cul us u sameeyey ATMIS, wuxuuna sheegay inuu si bu uxda u garab istaagi doono howlgalkan oo ah mid KMG ah. ”Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay si buu xda u garab taagan tahay Hawlgalka Midowga Afr ika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, si loo ga aro amniga iyo xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri war ka qoralka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shaba ab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay wee rarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tirade oda shaacin Al-Shaba ab.

Waaberigii hore ee Talaada dii ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wux uuna weera rkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Si kastaba, weerarkan ayaa noqday kii ugu xooga naa ee askar badan looga dilo howlgalka ATMIS, tan iyo markii lagu beddalay howlgalkii sana daha soo socday ee AMISOM.

FRICOM Oo Sheegtay Inuu Hoos U Dhacay Khasaaraha Shacabka Kasoo Gaari Jiray Duqeymaha Ay Ka Fuliyaan Somalia

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in saddex bil e ugu dambeeyay aysan soo gaarin Warbixino la xiri ira khasaaro dad Rayid ah kasoo gaaray dqueymo ka dhan ahaa Al-shabaab oo ay ka fuliyeen gudaha Soo maaliya.

Taliska AFRICOM oo Warbixin cusub soo saaray ayuu ku tilmaamay in aysan helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaaraha rayidka, isla markaana hoos u dhac uu ku yimid duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

Waxaa ay intaas kusii dareen in Taliska uusan wax warbixin ah soo saarin in ka badan hal sano iyo kadib weerarkii ugu dambeeyay ee 22-kii bishii February ee sandkaan ka dhacay Gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu duqeeyay xubno ka tirsan Al-shabaab.

"Saddexdii bilood ee u dambeeyay warbixintii qiimay nta khasaaraha rayidka, Taliska Mareykanka ee Afr ika ma helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasa araha rayidka, mana jiraan wax qiimayn ah oo furan ama dib u eegis lagu samaynayo hadda,” ayuu lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM.

Hoos u dhac ayaa ku yimid duqeymaha ay diyaarad aha Mareykanka ka fuliyaan gudaha SOomaaliya ee lagu beegsado Saldhigyada iyogoobaha ay Al-sh abaab kaga sugan yihiin Gobolada dalka, waxaana mararka qaarkood duqeymaha kha saaro kasoo gaa raan dad Rayidka ah oo aaga duq eynta laga fuliyo ka agdhow.

Xubnihii lagu soo doortay Garbahaarey oo ka jawaabay go’aanka A/Madobe

Waxaa soo jawaabay xubnihii xildhibaanada she eganayey ee lagu soo doortay magaalada Garbaha arey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo filan waa ku tilmaamay go’aankii uu Shalay gaaray guddoon ka golaha shacabka.

Guddoonka golaha shacabka ayaa go’aamiyey in xildhibaanadii lagu soo doortay degmada Ceelwa aq ay yihiin kuwa afarta sano ee soo socota baarlamaanka ku me teli doona gobolka Gedo, halka xu bnihii Garbahaar ey aan waxaba laga soo qaadin.

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen oo ka mid ah xubnihii lagu soo dhisay Garbahaarey ayaa sheegay in go’a anka guddoonka baarlamaan ka ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye iyo dad la shaqeysta.

Wuxuu ku af-gobaadsaday in go’aanka soo ba xay ay u maleynayaan in Guddoomiye Aadan Mado obe uusan waxaba ka ogeyn, isagoo hadii uu wax ka ogyahay ka codsaday in awooda dowladnimada uus an ku dulmin metelaada shacabka reer Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan cambaareynayaa warqadii la sheegay in ay ka soo baxday guddoonka baarlamaanka, wax aan aaminsanahay in warqadaasi aysan ka soo bixin guddoonka baarlamaanka, laakiin hadii ay run tahay Aadan Madoobe wuxuu Soomaaliya geliyey mugdi cusub, waana ka xumay tilmaamo dowlado shish eeye inaad qaadato,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Mac alin oo ka mid ah xubnihii Garbahaarey.

Sidoo kale ninkaan ayaa guddoomiye Sheeekh Aadan Madoobe ka codsaday inuu ka laabto hadii uu gaaray go’aankaan ah in la tuuro xubnihii Garbahaarey ee la qaato xubnihii Ceelwaaq.

"Go’aankaan waxaa nooga muuqata in Aadan Madoobe uusan dooneyn doorasho ee dalka uu qalqal cusub gelinayo, xildhibaano ayaan nahay, taas ka waantow ayaan ku leenahay, hadii lagu marin habaabiyey oo dowlado shisheeye iyo dad la shaqeeya ay ku qaldeena ka soo laabo qaladkaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Macalin oo ka mid ah xubnihii Shalay go’aanka laga garay ee xildhibaanada sheeganayey.

Hoos ka daawo

Xog: Deni oo niyad jab weyn kala kulmay xildhibaanada Jubaland iyo Puntland ee BF

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa niyad jab weyn kala kulmay xildhibaanada laga soo doortay maamulka goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ee uu sida weyn isugu haleynayey.

Sida ay ogaatay Caaismada Online, Saciid Deni ayaa isugu yeeray xildhibaanada labadaas ma amul goboleed si uu ugu sameeyo qado sharaf iyo inuu kala hadlo doorashada madaxweynaha Soom aaliya oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan.

Kulanka oo lagu casuumay 80 xildhibaan oo is ugu jiro xildhibaanada laba aqal ee baarlamanka So omaaliya ee laga soo doortay Jubbaland iyo Pun tland ayaa waxaa kasooo qeyb galay kaliya 33 xildh ibaan, taasoo muujineyso in sidii loo maleeyey aanu Saciid Deni taagero uga heysan xildhibaanada lab adii maamul goboleed ee uu isku haleenayey.

Inkasta oo kulanka ay ka qeyb-galeen kaliya 33 xildh ibaan, haddana waxaa xitaa hubneyn inay 33-kaas ay wada taageersan yihiin Deni, ayada oo qaarkood ay suurta-gal tahay inay qa dada u tageen kaliya inay ku ixtiraamaan casuumadd a loo fidiyey.

Xildhibaanada diiday in ay kasoo qeyb galaan qa do sharafta uu sameeyey Saciid Deni ayaa la sheegay inay ku kala biireen si yaasiyiinta mucaaaradka, iyagoo Saciid Deni u arko inuu yahay siyaasi aan fursad fiican u heysan in loo doorto madaxweynaha Soomaaliya, sida ay ilo-war eedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Xildhibaanada qaar oo la hadlay Caasimada Online ayaa Saciid Deni ku eedeeyey inuu soo bur buriyey maamul goboleedkii Puntland ee loo dhiibay, islamarkaana uu iska hor keenay qeybaha kala du wan ee bulshada Puntland.

"Sidee ku dhici kartaa in siyaasi ku fashilmay ho ggaaminta Puntland islamarkaana colaad ka dhex huriyey bulshadiisa dhexdeeda in lagu aamino masi irka ummadda Soomaaliyeed oo dhan, runtii waxa kaliya ee aan hubo waa in xildhibaanada ay ku mid eysan yihiin inay codkooda siiyaan Farmaajo intii ay cod siin lahaayeen Saciid Deni,” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada laga soo doortay Puntland oo dii day inaan magaciisa adeegsano.

Sida ay qabaan falanqeeyaasha siyaasadda, Sac iid Deni ayaa la rumeysan yahay inuu kaliya heli ka ro 20-30% codadka xildhibaanada laga soo doortay Puntand iyo Jubaland, illaa hadda lama soo sheegin codad kale oo uu ka heli karo xildhibaanada maamul goboleedyada kale.

Haddii ay wax u dhacaan sida ay falanqeeyaasha iyo siyaasiyiinta sheegayaan waxaa meeshaas ka cad inuu Saciid Deni ku hari doono wareegga koo waad ee doorashada taasoo aan niyad jab ku noqon doonin maadaama uu haddaba ogyahay inuusan halkaas dhaafi karin.

Nabadoonadda gobolka Mudug oo ka hor yimid tallaabooyinka madaxweyne ku xigeenka Puntland

Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Mu dug ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista ma daxweynaha ku xigeenka Puntland uu ku same eyay qaar kamid ah golaha wasirradda.

War murtiyeed kasoo baxay nabadoonadda ay aa lagu sheegay in tallaabooyinka madaxwey ne ku xigeenka Puntland uu qaadayo ay lid ku yihiin jiritaanka iyo wada noolaanshaha reer Puntland.

Waxay ku eedeeyeen Axmed Karaash inuu ka wado gobolka Bari, shirar lagu kala dhant aalayo midnimada Punlland, waxayna tilmaam een inuu madaxweye ku xigeenku qaadayo ma suuliyadda ka dhalatay tallaabooyinka uu qaad ayo.

Koox Hubeysan Oo Weerar Ku Dishay Sark aal Iyo Askar Ilaalinaysay Goob Biyo Lagu Sifeeyo

Afhayeenka milatariga Masar ayaa sheegay in weerar lagu qaaday unug ciidan ah oo ilaa linaysay goob biyaha lagu sifeeyo oo ku taal ba riga gacanka Suways ay ku dhinteen sarkaal iyo toban askari oo ka tirsan ciidankii goobtaa joogay shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Qariib Cabdelxaafid wuxuu qoraal uu Twitter-ka ku faahiyey ku sheegay in hase yeeshee ay ci idamadaasi iska caabiyeen "weerarkaa argagix iso” ee lagu qaaday goobtaas oo ay ciidanku is ka difaaceen "koox takfiiriyiin ah”

Waxaanu qoraalkaasi intaa ku daray in ay weli ciidanku caydhsanayaan kuwaa aragagixi sada ah oo haantan ay ku hareereeyeen goob ku taal saxaraha Siinaa.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in uu socon doono dedaalka ay ciidamada qalabka sida ee Masar kaga takhalusayaan argagaxisada ee ay xidida ugu siibayaan.

Ciidamada booliska iyo kuwa milatariga ee joga Siinaa ayaa heegan la geliyey si loo ilaa liyo goobaha muhiimka ah, maadaama oo weer arkan lagu qaaday goob biyaha lagu sifeeyo ee aanay ahayn xarun milatari ama boolis sidii ho re loogu yaqaanay weerarrada noocaas ah in lagu beegsado sida ay ku warantay warbaah inta

Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan Itoobiya Oo Lala Beegsaday Qaraxyo Khasaaro Dhaliyey

Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee Gobolka Baay, isla markaana waxaa lala beegsaday kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka howlgalka ATMIS.

Inta la xaqiijiyay qaraxyada lala eegtay kolo nyada Ciidamada ayaa waxaa ku dhintay laba Askari oo Itoobiyaan ah, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaana qaraxyada oo ahaa miino ahaa ku qabsadeen Ciidamada inta u dhexeeysa Buurhakaba iyo Baydhabo.

Koox Hubeysan Oo Weerar Ku Dishay Sarkaal Iyo Askar Ilaalinaysay Goob Biyo Lagu Sifeeyo Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qarax yada khasaaraha dhaliyey ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Baay, isla markaa na waxyeelo kasoo gaartay Ciidamo Itoobiyaan ah oo socdaalayay, kuwaasi oo markii dambe socdaalkooda horey usii watay,

Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale qaraxyo xoogan deegaano ka tirsan Gobolada dalka ugala eegteen kolon yo ay wateen Ciidamada AMISOM/ATMIS, wax aana xusid in dagaalo ay la galeen Ururka Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa inta badan qaraxyada miino iyo weerarada dhabba-galka ah ku qabsadaan, xiliyada ay socdaalka ku ma rayaan waddooyinka xiriiriya degmooyinka ay u ga sugan yihiin Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed.

Wararkii Ugu Dambeeyay Dad Ku Hoobtay Gan taal Ay Rideen Ciidamada Ruushka

In ka badan lixdan qof ayaa laa cabsi qabaa

inay dhinteen ka dib markii gantaal ay soo ride en ciidamada Ruushka uu ku dhacay Dorraad is kuul ku yaalla magaalada Donbas ee ku taalla bariga Ukraine. Guddoomiyaha Gobolka Luhansk Sergei Haidai ayaa sheegay in qiyaastii shagaashan qof ooo halkaa degan ay gabbaadsanayyeen dugsiga meel dhulka hoose ah oo ku taalla iyadoo dugsigu ku yaallo xaafadda Bilohorifka.

Wuxuu sheegay in 30 qof la soo badbaadiyey isla markaana labo meyd ah halkaa laga helay Sergai Haidai ayaa sheegay in fursadaha halkaa looga heli karo dad nool kuna jira iskuu lka ay aad u adag tahay

Kooxo maleeshiyooyin ah ayaa lixdan max buus ku siidaayey weerar ay Habeen hore ku qaade en xabsi ku yaalla dhinaca Woqooyi galbe ed ee dalka Burkina Faso.

Ciidamada Ammanka ayaa sheegay in rag hubeysan ay galeen magaalada Nouna xilli saqdhexe oo habeen ah iyagoo wata afar ba abuur iyo mootooyin ko rna u haya qoyaha AK 47 iyo qoryaha culus

Waxay jejebiyeen xafiisyadii waxayna gube en gaadiid ka hor inta aanay baxsan. Arrinta galista xabsiga ayaa dhacday ka dib markii mali ishiyada ay dileen ugu yaraan 11 qof, falkaas oo ka dhacay woqooyiga Burkina Faso.

Dalkaasi ayaa la dagaal kula jira kooxo jihaad doon ah oo kaga soo faafay dhinaca Mali toba nkii sano ee la soo dhaafay…

Bulshada ku nool magaalada St. Cloud oo iska aruuriyay lacag dhan 70.000 oo doolar oo qeyb ka ah Gurmadka Suuqa Waaheen

Bulshada ku dhaqan magaalada St. Cloud iyo nawaaxigeeda ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa iska aruuriyay aduun lacageed oo gaaraya 70,000 oo doolar oo ay ugu talo galeen iney uga qeyb qaataan gur madka loo sameynaayo dadkii ku hanti beelay dabkii baabi'iyay Suuqii weynaa ee magaalada Hargeysa ayaa waxay ku wareejiyeen hay'ad da Haro oo gaarsiin doonto guddiga gur madka Musiibadii Suuqa Waaheen.

Sheekh Nuux oo ka mid ah Culimada ugu caansan magaalada St. Cloud ayaa uga mah ad celiyay bulshadii ka qeyb qaadatay taagee rada loo fidanaayo dadkii ku hanti beelay dabkii baaba'shay Suuqa Waaheen, isagoona shee gay in bulshada St. Cloud ay yihiin kuwa mar walba wanaaga jecel oo ka qeyb qaata howl aha gargaarka.

Sheekh Cabdinuur ayaa dhankiisa sheegay in ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii Suuqa Waaheen ay ahayeen dad iimaan leh oo kaa shaday iimaankooda iyagoo ku khasaaray lac ago badan oo gaaraya 500 oo kun, 300 oo kun oo doolar iyo lacago kale.

"Waxyaabaha isoo jiitay waxaa ka mid ahaa in aan arkay ganacsatada muqaalo laga soo duubay ayagoo ku imaansan waxii ku dhac ay oo waxaan arkaayay rag iyo dumar leh 500, 300 oo kun oo doolar baa inaga gubatay hada na leh alaxdulilaah, waana wax lagu farxo in dadka maankoodu uu sareeyo oo ku tuseysa sidey ilaah ugu xiran yihiin" ayuu yiri Sheekh Cabdin uur.

Qaar ka mid ah waxgaradka magaala daasi oo ayaa kula dardaarmay duqa magaala da Ha rgeysa inuu si caadalad ah ugu dhiso dadkii ga nacsiyadooda uga gubteen Suuaa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Bulshada Soonaaliyeed ee ku kala nool daaf aha Caalamka ayaa si dareen leh uga falceliy ay Musiibadii ka dhacday Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo dhamaantiis ku basbe elay dab ka dhex kacay suuqaasi, waxaa na gu rmadyo kala duwan u sameeyay dadkii ku kha saaray suuqaasi Shacabka Soomaaliyeed oo muujiyay isku duubni iyo dowladdo kale oo dan eeya arrimaha Soomaaliya.



SIDEE WARQADDII SIRTA AHAYD EE KA SOCO TAY RA'IISUL WASAARIHII SOOMA ALIYA LAGU GAARSIIYAY JABUUTI?


 

Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib Alle ha u naxariistee waxa uu nooga warramayaa sida uu 1968-dii warqad sir ah oo ka socotay Raysu lwasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibra ahim Cigaal ku gaarsiiyay Xasan Guuleed Abti doon oo xilligaas madax u ahaa mucaaradkii gobonnimadoonka ee Jabuuti, markii dambena noqday Madaxweynaha Jabuuti.

bbc August 25, 1966 Madaxweynihii Faransiiska Charles de Gaulle ayaa safar ku tegay dalka Jabuuti oo uu xilligaas Faransiisku gumeysan ayay. Dibadbaxyo labo maalin socday ayay Madaxweyne Charles kala hortageen shacabkii Jabuuti oo sito boorar ay uga dalbanayaan xorr iyad iyo madaxbannaani. Culeysyo badan ayaa Faransiiska koray, waana la baajiyay khudbad uu jeedin lahaa Madaxweyne Charles. Maalmo kaddibna, Rene Tirant oo ahaa xaakimkii Fara nsiiska ee Jabuuti ayaa xilkii laga qaaday Sep tember 15, 1966, waxaana lagu beddelay Louis Saget. Louis wuxuu ku dhawaaqay in ay qaa dayaan afti dadweyne, oo reer Jabuuti lagu way diinayo in ay rabaan in Faransiisku sii haysto Jabuuti iyo in kale.

Dadka Jabuuti waxay u kala baxeen So omaali Faransiiska diiddan oo aqlabiyadda ah eyd iyo Cafar doonaysay in Faransiisku sii jo ogo. Waayo Cafartu waxay cabsi weyn ka qabeen in haddii xurnimo la helo ay Jabuuti Soomaaliweyn ku biiri doonto, sidaasna ay Cafartu Soomaaliya ugu dhex lumaan maadaama aysan iyagu Soomaali aheyn.

Aftidii waxay dhacday March 20, 1967. Sida uu Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib ku xusay buuggiisa Taariikhda Soomaalida, Faransiisku wuu ka beensheegay natiijadii aftida, oo wuxuu sheegay in dadka Jabuuti ay 60% u codeeyeen in Faransiisku sii haysto. Natiijadaas run ma noqon karin, waayo Soomaalida oo ugu badan dadka Jabuuti waxay ku midaysnaayeed in Faransiiska laga xoroobo. Dhanka kale, Faransiisku wuxuu magacii 'Dhulka Soomaaliyeed ee Faransiiska - French Somaliland(1896-1967)' ku beddelay 'Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciisaha - French Territory of the Afars and Issas (1967-77)', oo wuxuu meesha ka saaray magaca "Soomaaliyeed".BBC Dowladdii Soomaaliya waa canbaaraysay kushubashadii aftida, waxayna ka soo horjeesatay go'aankii Faransiisku ku beddelay magacii dalka. Soomaaliya waxay arrintaas horgeysay Qaramada Midoobay, waana ku guulaysatay in aan magaca dalka la baddeli karin, balse Faransiisku wuu diiday in Jabuuti laga beddelo magacii uu ula baxay, ilaa ay xurriyad ka heshay 1977. February 1968 Raysulwasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo u safrayay Yurub ayaa qorsheeyay in uu soo maro Faransiiska, si uu Madaxweyne Charles de Gaulle ugala hadlo aayaha Jabuuti. Raysulwasaare Cigaal wuxuu warqad u diray Xasan Guuleed Abtidoon, oo madax u ahaa mucaaradkii gobonnimadoonka Jabuuti, si uu mowqifkiisa u ogaado ka hor inta uusan Maarso 1968 kala hadlin Madaxweynihii Faransiiska. Ma sahlaneyn in warqaddaas la gaarsiiyo Jabuuti, waayo Faransiisku si feejigan u baari jireen dadka Soomaaliyeed oo Jabuuti geleyay. Sidoo kalena, sirdoonka Faransiisku waxay si dhow indhaha ugu hayeen dhaqdhaqaada Xasan Guuleed oo inta badan ku sugnaa magaalada Carta.

Maxamed Ibraahim Cigaal

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Raysulwasaare Cigaal wuxuu warqaddaas u xilsaaray Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo markaas ahaa Taliyaha Boliiskii ee Woqooyi. Janaraal Jaamac wuxuu iiga warramay, sidoo kalena ku qoray boggagga 227-233 ee buggiisa Taariikhda Soomaalida iyo boggagga 89 -103 ee buggiisa The Cost of Dictatorship sidii uu warqaddaas ku gaarsiiyay Xasan Guuleed. Wuxuu yiri "February 1968 ayaan maalin dhambaal Muqdisho ka yimid ka dhex helay warqad gal ku jirtay oo ku cinwaansan 'Jamhuuriyadda Soomaaliya', kuna socoto Xasan Guuleed Abtidoon. Waxaa ku lifaaqnaa warqad yar oo aniga igu socotay, oo ay ku qran tahay 'Waxaad u xilsaaran tahay in aad warqaddaas gaarsiisid Xasan Guuleed, dhakhsana jawaab uga keentid ka hor inta aan Wasiirka 1aad ee Soomaaliyeed u safrin Yurub.''

Getty Images XIGASHADA SAWIRKA,BACHRACH Qoraalka sawirka,

Maxamed Ibraahim Cigaal oo mar soo noqday R/Wasaaraaha Soomaaliya ayaa sawirkan ku galay magaalada New York sanaddii 1968

Waxay igu noqotay xil culus. Warqaddu sid ay ahayd laguma gelin karin Djibouti, oo haddii warqad cinwaankii dowladda Soomaaliyeed leh Xasan Guuleed lagu arko dhibaato ayuu ku mudan lahaa. Waxaan go'aansaday in aan warqadda kab hoosteed geliyo. Yaan ku aammini karay tolidda kabahaas? ayaan is waydiiyay. Kabatole kasta kuma aammini karin oo wax aan ogaa in ay jireen basaasiin Faransiis.Waxaa jirtay xarun dadka naafada ahaa lagu xanaaneeyo, laguna bari jiray tolidda kabaha, harqaanka, iwm. Waxaa xaruntaan oo ay laheyd hey'adda Save the Children maamule ka ahaa saaxiibkey Ismaacil Xaaji Cubulle oo aan aad u garanayay. Asagii ayaan u sheegay waxii aan rabay, wuxuuna igu yiri "Ii keen qiyaasta, nin aammin ah oo fiican baan u dhiiabayaye."

Kaddib waxaan is waydiiyay yaa warqadda qaadi kara oo aan kabaha u tolayaa? Waxaan raadiyay Ciise Gaboobe oo Jabuutiyaan ahaa, oo joogto ugu safri jiray Jabuuti. Wuuna iga aqbalay in uu warqaddii qaado.

Soomaaliya: 'Jabuuti waxay dhaawacday walaaltinimadeenna'

Shirka madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti

Shan qodob oo ay Soomaaliya ku diidday warbixintii IGAD

Tolmadii kabihii markii ay ku soo dhammaatay maalin gudahaaheed ayaa Ismaaciil iyo ninkii tolay guriga iigu yimaaddeen goor gabbal dhac ahayd. Si uusan kabatoluhu u shakin, ayaa Ismaaciil ku yiri "Nin Jaamac abtigiis ah ayaa waxaa haya cudur la garan waayay, oo waxa lagu la taliyey in uu ninka xanuunsan u qoro xirsixir (qardhaas) aanu ogayn, oo sidaas ayaa kabta loo gelinayaa. Warqadii baa farsamayaqaankii geliyay meeshii u bannaanayd, hortayda ayuuna ku tolay.

Gurigaygii ayaan Ciise keenay. Kabihii ayaan ku tijaabiyay, si fiican ayayna ula ekaadeen. Nin ganacsade ahaa ayaan baabuur Land Rover ahaa ka soo qaatay, oo ma rabin in Ciise baabuur Boliis lagu arko.

Isla aroortii ayaa Ciise safray, aniguna waan dabagalay anigoo weli kabihii sida. Xuduudda Lowyacaddo markii aan ku dhowaannay ayaan dhaafay, waxaana ku sii sugay dabaqa sare ee saldhiggii Boolista ee Lowyacaddo. Markii uu ii yimid ayaan kabihii siiyay. Waxaaan tusay meesha duntu ku tolnayd, oo mindi lagu sari karay marka warqadda looga la soo bixinayo.

Ciise wuxuu igula ballamay in uu saddex beri gudahaaood ku soo noqonayo. Markii saddaxdii beri la dhaafaytay welina uusan imana ayaan aad u welwelay, oo waxaan ka baqay in Ciise iyo warqaddiiba wax ku dhaceen!

Intii aan sugayay soonoqodkii Ciise iyo jawaabtii Xasan Guuleed, waxaan maalintii isku mashquulin jiray in aan soo ugaarsado. Waayo shaki ayay dhalin kartay in masuul anigoo kale ahi shan beri Lowyacaddo is ka fadhiyo. Baabuurtu waxay Jabuut ka imanayeen Shalaytii. Aniguna maalin walba goortaas waxaan diyaar ku ahaan jiray guriga saldhiggii Lowyacaddo. Nasiib wanaag, Shalaytii maalintii shanaad ayaa askari iigu yimid dabaqa sare, wuxuuna igu yiri "Nin Ciise la dhaho ayaa ku raba." Soo daa ayaan ku iri. Ciise oo ku faraxsan hawshi qiimaha laheyd ee uu soo qabtay ayaa markii uu ii yimidba ku dhawaaqay "Waa tan Jawaabtii" wuxuuna billaabay in uu warqaddii ka soo saaro meeshii halkii hore la galiyay.

Xasan Guuleed Abtidoon

Xasan Guuleed Abtidon, wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti, ka dib xuriyadda.

Sannad kaddib, iyadoo doorasho baarlamaan ka dhacayso Jabuuti ayaa dawladdii Soomaaliya doontay in lacag loo diro Xasan Guuleed. Habeen annagoo dubnad ku ciyaarayna Naadigii Boliiska ee Hargeysa ayaa isgaarsiintii Taliskii Boliiska Muqdisho la iiga yeeray.

Waxaa la igu yiri "Beri subax diyaarad ayaa Boorama kuugu imanayso ee ku waabariiso'. Sidii ayaan yeelay. Waxaa timid diyaaraddii oo uu la socdo Daahir Xaaji Cusmaan, oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaraddii Arrimaha Gudaha. Wuxuu siday boorso lacag ka buuxdo oo loogu talagalay in la gaarsiiyo Xasan Guuleed. Raysulwasaare Cigaal oo aan ogayn sidii aan warqaddiisii ku gaarsiiyay Xasan Guuleed ayaa Daahir ku soo yiri "Jaamac ayaa yaqaanna meesha loo marayo Xasan Guuleed ee lacagtaan ha gaarsiiyo."

Waxaan ku iri "Meel aan warqad marsiiyay shandad lacag ah la ma marin karo" anigoo aan u sheegin sidii aan sameeyey. Lowyacaddo ayaan tagnay annagoo lacagtii wadna oo dhowr beri joognay, lacagtiina waan gelin kari weynay Jabuuti, oo Hargeysa kula soo noqonnay kaddibna Daahir ayaa lacagtii Muqdisho ula soo dhoofay.

Haddii ay goor hore ahaan lahayd, ganacsatada Soomalida ee Jabuuti midkood ayaan lacagta u dhiibi lahayn. Kaddibna inta ku ganacsado ayuu Xasan Guuleed lacagtaas ka siin lahaa Jabuuti. Sidaas oo kale ayaana samaynay mar ay dowladdii Soomaaliya lacag u diraysay Xisbigii Movement Popular. Waxaan u dhiibnay Maxamed Jaamac Carraale oo lo' ku iibsaday, Xisbigiina lacagtii qiimaheeda ku siiyay Jabuuti.

Xuseen Sabriye Qoraa madaxbannan 7 Maajo 2022 bbc


COLAADDA UKARINE: MAXAY TAHAY MAALINTA 9-KA MAY EE AY REER GALBEEDKA WADNA QABADKA KU NOQOTAY?


In 2014, President Putin celebrated the annexation of Crimea by travelling to Sevasto pol on Victory Day Xoghayaha Gaashaandhigga ee UK, Ben Wallace, ayaa todobaadkii tegay sheegay in bandhigga Moscow ee lagu xusayo guushii laga gaaray Naziyiinta ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka - ay suuragal tahay inay taageero u raadiso abaabulka ciidammo badan oo hab cusub u riixa dagaalka Ukraine.

Hasayeeshee saraakiisha reer Galbeedka ayaa waxa ay isla dhexmarayeen in Madaxweyne Vladimir Putin uu Bandhigga Guusha ee 9-ka May uu kaga faa'iidaysan doono inuu ku dhawaaqo ballaarinta tallaabadiisa milateri.

Sidoo kale dabbaaldegga sanadlaha ah ee Moscow lagu qabto, ayaa sidoo kale waxaa jiray warar muddo dheer soo socday oo sheegaya in Kremlin-ka uu qorshaynayo in ciidammo kale oo dheeraad ah uu geeyo magaalada Mariupol ee koonfurta Ukraine, halkaas oo inta badan haatan ay gacanta ku hayaa Ruushka.

Ciidammada Ukraine ayaa waxa ay ku sugan yihiin hal aag oo magaaladaasi ah - waa warshadda birta lagu farsameeyo ee Azovstal.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee loogaga taliyo waddankaasi, Dmitry Peskov, ayaa sikasta oo uu xaalku ahaadaba sheegay in warkaasi uu "gebi ahaanba" runta ka fogyahay

Maxay Tahay Maalintan ay caalamka indhaha ku wada hayaan?

Bandhiga maalinta guusha waxa mararka qaar la xusi jiray xilligii Soviet-ka, waxaana dib u soo nooleeyay Madaxweyne Boris Yeltsin sanadguuradii 50-aad ee 1995-kii, laakiin Vladimir Putin ayaa 2008-dii ka dhigay munaasabad sanadle ah oo lagu soo bandhigayo agab ciidan.

Aqoonsiga Ruushka waxaa si weyn loo abuuray iyadoo maalinta guusha gadaal ka taagan tahay, iyada oo buugaag dugsiyeedka iyo buugaagta taariikhda diiradda saaraya Ruushka oo ah xoreeyayaashii Yurub ee wakhtiga dagaalka.

Prime Minister of Russia Vladimir Putin looks on as soldiers march in the annual Victory Day military parade at Red Square May 9, 2008 in Moscow, Russia

Vladimir Putin was prime minister when the Victory Day parade began featuring military hardwareKa dib markii Ruushku qabsaday Crimea 2014, Vladimir Putin wuxuu maalinta guusha isagoo khudbad ka jeediyay fagaaraha cas xusay jabinta Faashiistaha, ka hor inta uusan ku duulin dekedda Sevastopol ee badda madow.

Madaxweynaha Ruushka oo dalalka reer Galbeedka ugu baaqay inay cadaadis saaraan madaxweynaha Ukraine

Maxaad ka taqaannaa duuliyaha loogu magac daray 'Rooxaanta Kyiv'?

3 Arrimood oo sababi kara in NATO ay ku biirto dagaalka Ukraine

"Muddo laba bilood ah wax qorrax ma aanan arag, waxay ahayd nolol cadaab ah oo lama ilaawaan ah"

"Sanadkan ujeeddada koowaad waxay ahayd in lagu dhawaaqo guushii la filayay inay dhacdo bishii Febraayo," ayuu yiri Ernest Wyciszkiewicz oo ka tirsan Xarunta Wada-hadalka iyo Fahamka Polish-Russia.

"Magaalooyinka Ruushka iyo caasimadaha gobollada waxaan ku arki karnaa calaamado leh astaanta maalinta guusha," ayay tiri Olga Irisova, oo ah aasaasaha kooxda falanqaynta ee Riddle Russia. "Sida caadiga ah calaamaduhu waxay muujiyaan 9-ka May 1945 laakiin sanadkan waa 1945/2022, sidaas darteed waxay isku dayayaan inay dadka siiyaan fikradda ah in mar kale ay u taagan yihiin la dagaalanka Naasinimada."

A Russian Su-35S combat aircraft and a Tu-95ms strategic bomber fly in formation above a church during a rehearsal for the flypast,

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Diyaargarowga dabaaldegga guusha sanadlaha ah ayaa waxaa Arbacadii lagu qabtay hawada Moscow

Saraakiisha Ruushka ayaa duullaanka waxa ay ku tilmaamaan uun "howlgal milateri oo gaar ah" si ay "u hubka uga dhigaan" ama "Nazinim ada uga saaraan" dalkaasi, iyagoo soo qaad anaya sheegasho aanan sal lahayn oo ku saab san Naziyiinta dowladda Ukraine taas oo ay Moscow ku bannaysanayso duulla ankeeda.



 

MURASHAXOOW HADDII AAD GUULEYSATO MAXAA KU HORYAAL? BY ALI MUHIYADDIIN MAY 8, 2022 IN MAQAALO



7baad ayaa ka harsan xiliga doorashada madaxtinimada Somalia, oo la filayo inay ka dhacdo 15-ka May teendhada Afisyooni ee xeyn-daabka xerada ATMIS. Ku dhawaad 50 Musharax iyo ka badan ayaa la maleyn karaa inay u taagnaan karaan iney ka qeyb galaan tartankaasi hoggaanka Madaxtinimada dalka oo aysan ku jirin wax dumar ah Mushaxiinta, waxaa ku jiro kuwo qurba joog ah, qaarkoodna , war uma haayaan marxaladaha adag ee Somalia la il darran tahay. Halka qaar kalena ay jiraan iyagoo meelna uga bixin dalka, Kuw aan waxay u soo joogeen, haddana goob joog u yihiin duruufaha xag walba leh ee dalku il aa hadda ku jiro. Laakin waxaa dhici karta inay ku jiraan murashaxiintaan qaar hoggaamin ta ku adkaan doonto, haddii midkood guuleysto.

Shuruudaha tartanka aasaas u noqon doona ayaa la filayaa qaarkood ama intooda bad an inay ku haraan ama sheegtaan tanaasul, ka hor doorashada inta aan la qaban tiradana aysan ka badnaan doonin 20 murashax. Sida caadadu tahay, murashaxiinta qaar ayaa damacoodu kaliya yahiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kalena loo maleyn karo inay wata an qorshe siyaasadeed qaran, inkastoo istaraatiijyada doorashadu tahay midda Madaxwey naha iyo Afhayeenka Baarlamaanka inay ku yimaadaan doorasho cod aqlabiyad ah oo ka yimid laba gole qabiil ee u taagan Baarlamaan hoose iyo mid sarre.

Maba jiraan nidaam iyo habab rasmi ah ee la xiriira tirakoob dadweyne iyo diiwaangelin jiritaan xisbiyo sharciyaysan. Qaab guracan oo aan xalaal ahayn ayay ku yimaadeen Gol oyaasha qabiil, waxa lagu magacaabay , "Aqalka Sare iyo Aqalka hoose”, oo iyagana soo doortay Afhayeenadooda iyo Madaxweynaha oo la sugaayo.

Murashax walba waaxqabadkiisa wuxuu ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah iyo inay shirar u qabtaan dadka kuna kala qaybsan qabiil-qabiilka. waxay hadda bilaabeen iney gu dbiyaan fikrado siyaasadeed oo aan horay looga baran iyo qorshaha ay ku dhiqi doonaan marka ay guuleystaan. Qaar taageerayaal ah wey ku qancayaan, laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo shaqsiyadda hoggaan ee hormuudka u ah Xisbiga magac u yaalka ah ama murashaxa halkee ayuu gaari karaa marka laga baxo ololaha doorashada.

Markaan mid mid u gorfeyno murashaxiinta kuwooda ugu cad cad ee orodka ugu Jira ololaha doorashada laakiin aan la ogeyn halka ay gaari doonaan, waxaa ka mid ah:.

Mohamed Abdullahi Farmaajo: Murashaxa Nabad iyo Nolol, ka hor xilka madaxweyne muddo lix bil ku siman ayuu ahaa Wasiirka koowaad. Xilkaas ka hor, ma ahayn shaqsi hore siyaasadda looga yaqiin, laakin waxaa keenay waqtiga iyo awood-qaybsiga 4.5. Sida uu ku sheegtay taariikh-nololeedkiisa markii xilka wasiirka koowaad oo ka bilaabay jago siyaa ad eed ee uu qabto, wuxuu degganaa muddo labaatan sanno ah, dalka Mareykanka oo jinsiy addiisa haystay, wax ku bartay, ku guursaday, kuna ilmo dhalay.

Maxamed C.hi Farmaajo, wuxuu xilka RW ku waayay, markii uu la soo baxay siyaasado waddaniyad ku dhisan, maamul wanaag, ka xureynta dalka xoogagga argagixisada iyo mu ujin wadashaqeyn wadareed ee isaga, xukuumaddiisa iyo Madaxweynaha. Taasoo sababt ay in mar kale loo doorto 8 Feb 2017 madaxweynaha Somalia. Doorashadiisa oo guud aha an dhulka Soomaalida laga soo wada dhoweeyay waxaa xigay isbadal iyo sidii laga filayay si ka duwan in loo arko, waxaa Farmaajo loo arkaa xiligaan madaxweyne wax badan ka ba dalay Somalia-da cusub, laakiin nidaamkiisa iyo dadka ku xeeran ay dhabihii guushiisa ka weeciyeen markii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ku fashilantay inay dalka ka qabato doo rasho xor iyo xalaal ah, taas badelkeedna madaxweynaha lagula taliyay inuu sameeyo mu do kororsi, tallaabadaasi oo sidoo kale kalsooni daro gelisay shacab fara badan, waana cila da kaliya ee Shalay Farmaajo boog ku no



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip