Daawo: Farmaajo oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa, soona gudbiyey laba codsi

0
Sunday May 08, 2022 - 23:22:05 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Farmaajo oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa, soona gudbiyey laba codsi

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharrax mar kale u taagan inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shacabka ka codsaday in mar kale ay fursad siiyaan.

Farmaajo ayaa laba codsi u kala diray xildhibaannada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xildhibaannada ka codsaday inay codkooda siiyaan, si buu yiri aan wadajir ugu guuleysano.

    "Baaqa koowaad waxaan u dirayaa xildhibaannada sharafta leh ee labada Aqal, waxaan ka codsanayaa inay codkooda i siiyaan, si aan wadajir ugu guuleysanno oo u hormarinno dalka iyo dadkeenna, una sii socodsiinno is beddel doonkii soo bilowday Febraayo 2017-kii,” ayuu yiri Farmaajo.

Baaqa labaad wuxuu u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo yiri, "Meel walba oo aad joogtaan waxaan si qadarin leh idinkaaga codsanayaa inaad mar kale igu garab istaagtaan dib u doorasho ku dhisan danta shacabka.”

   Sidoo kale Farmaajo ayaa bogaadiyey hannaanka ay u socdaan howlaha doorashooyinka dalka, isagoo tilmaamay in doorashada madaxweynaha lagu aaddiyey maalin muhiim ah.

     "Waa nasiib wanaag in maalinta doorashada Madaxweynaha JFS lagu asteeyey maalinta xuska Halgameyaashii SYL, taas oo direysa farriin cad oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay dib u dhiska dowladnimmada iyo soo celinta heybaddooda Qaran.

    Haddaba anigoo tixgelinaya codsiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday inaan mar kale isu sharraxo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aan usii socodsiinno isbeddelka ka socda dalka ee miro-dhalay,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka daawo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip