HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-TA-MAY 2022

0
Wednesday May 04, 2022 - 08:51:52 in Wararka by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-TA-MAY 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Aadan Madoobe ‘oo la wareegay’ amniga doorashada, soona rogay amar culus

     Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soo maaliya Md. Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah ula war eegay maamulka amniga doorashada dalka, ka dib shir a an caadi aheyn oo uu Shalay qaad ay Saraakiisha Ciidmada DFS

      Sh.Aadan Madoobe  ayaa Shalay isugu yeeray dhammaan saraakiisha u gu sareysa ciidamada qalabka sida, ku waas oo uu la yee shay shir diiradda lagu saaray xaaladda amniga doora shada dalka.     "Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorasha ka dibna  ay ka ga amar qaataan Gudoomiyaha G/Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo ma daxweyne,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay G/shacabka.

   Amarka kasoo baxay Aadan Madoobe ee uu kula ware egay amniga doorashada ayaa imanaya ayada oo la filayo inay bishan gudaheed ku dhacdo doorashada madaxwey naha Sooma aliya.  Doorashadii G/ Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Aadan Madoobe ayaa wa xaa hareeyey muran xooggan ka dib markii taliyaha booliska Jen. Xijaar uu isku dayey inuu dib u dhigo, taasi oo ay diideen R/wa saare Rooble iyo mucaaradka.

  Ma cadda haddii saraakiisha ciidamada ay u hogaansami doonaan amarka Aadan Madoo be, ayada oo la ogyahay in intooda badan ay ku xiran yihiin madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo Oo Soo Saaray Xeer Uu Uga Hortagayo Magacaabis Uu Sameeyey Rooble

     Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday  Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa soo saaray xeer uu uga ga hortagayo isbedel uu ku sameeyay xubno ka tirsan shaqaalaha dowlada R/wasaare Max amed Xuseen Rooble.

 Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha  ayaa u qornaa sidan hoos ku qoran;

ISBEDDELADA MAAMUL IYO SHAQAALE EE HAY’ADAHA DOWLADDA XILLIYADA DOORASHOOYINKA

    Faafin degdeg ah,,Muqdisho, May 03, 2022;

    Madaxweynaha J/Federaalka Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farmaajo oo ka hortagaya ku takri-falka awoodda dowl adnimada, musuqmaasuqa maamul iyo xadgudubka ka dhanka ah shaqaalaha qaranka;

     Madaxweynaha oo tixraacaya Xeerarka jiheynayey maamul wanaagga iyo ilaalinta danta guud ee uu soo saar ay 18-kii Janaayo, 2018 iyo 7dii Ogoosto 2021;

        Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya caba shooyinka iyo khilaafaadka ka taagan isku dayada in isbe ddel maamul iyo shaqaale lagu sameeyo qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, iyada oo la ogsoon yahay xaaladda doorasho ee uu dalku ku jiro;

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAN;

    1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqa ale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeys tirka doorashooyinka.

     2. Madaxweynuhu waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhib aannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022.

    3. Xeerkan Madaxweyne wuxuu baabi’inayaa isbeddela da maamul ee lagu sameeyay Agaasimaha Guud ee Was aaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ku-simaha Ma areeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Hay’ad da Tayo Dhawrka Qaranka iyo xil ka qaadis kasta oo la sa meeyay wixii ka dambeeyay taariikhda aan kor ku xusan.

      4. Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xaasaasi ga ah in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaran.

    5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowl adda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta su macadda dowladda iyo hay’adaheeda. DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo U Hambalyeeyay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

     R/ Wasaaraha XFS  ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa suxufiyiinta Soomaali yeed ugu hambalye eyay munaasabadda 3-da May oo ah Maali nta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka. R/W asaaraha ayaa ammaanay ka alin ta muhiim ka ee saxaafadda iyo howsha adag ee wariy eyaashu u hayaan bulshada ee ah war gelinta iyo bidha aminta xaqiiqooyinka jira.

 "Warbaahinta Soomaaliyeed waxay kaalin laf dhabar ah ku leedahay sare u qaadista wacyiga bulsha da, soo ban dhigista xaqiiqooyin ka jira iyo waxbarista bulshada, waxayna ku soo shaqeysay duruufo adag, taas oo ay mu dan tahay in lagu bogaadiyo”   Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyay sa xafiyiinta in ay sii wadaan shaqada muhiimka ah ee ay dalkooda u ha yaan, isagoo xaqiijiyay in ay lama taabtaan tahay xorriya dda saxaafad da oo ah mid ay shuruucda dalku damaanad qaadayaan.

     Ra’iisul Wasaaraha XFS  ee xilgaarsiinta Md. Rooble ayaa guulo &horumar joogto ah u rajeeyay wariyeyaasha iyo guud ahaan bah da saxaafadda Soomaaliyeed.

Xiisad ka taagan kursiga HOP141 ee DUCAALE iyo doorashadii oo dib loo dhigay

     M/Jowhar ee  D/G/hirshabelle waxaa ka taagan xii sad xooggan oo ka dhalatay qabashada doorashada kursiga HOP141 ee G/Sh/ Soomaaliya, kaas oo uu 12-kii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey wasiirkii hore ee amniga gudaha Md.Maxamed Abuu kar Islow (Du caale).

 Kursigan oo ka mid ah 2 kursi oo ku har tay Hi rShabelle ayaa waxaa hareeyey dood xoogan iyo murano sababay dib u dhaca doorashada kursigan, waxaana si we yn isugu haya xildhibaankii horey ugu fadhiyey ee Ducaale oo markale u sharraxan iyo 5 Musharrax oo iyagu na ku dhowaaaqay inay yihiin isbedal doon, ku waas oo kala ah:-

   1- Dr. Guuleed Cabdi Sh.Cali oo ah dhaqtar iyo ganacs ade, 2-Dr Axmed Gacal Cali Carabow oo soo noqday wasi irkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, 3-Marwo Madi ino Caamir Maxamed oo soo noqotay agaasimihii shirkad da diyaaradaha ee Soomaali Airline 4-Maxamed Cali Dhi ilow oo ah agaasimaha Qorsheynta W/ Amniga Soomaaliya 5-Sh.Cumar Xuseen Indhoy oo soo noqday kaaliyihii Duqa Muqdisho, sidoo kalena lasoo shaqeeyey World Bank.

   Murashixiinta isbeddalka doonka ayaa diiddan liiska gudd iga xulista ergada ee kursiga HOP141 ee uu dhowaan sha aciyey guddiga SEIT ee HirShabelle, waxayna musharxii ntu ca bashadooda toos ugu gudbiyeen madaxweyne Cali Guudlaawe, kadib kulan ay kula yeesheen   madaxtooyada D/G/HirShabe lle, taas oo keentay in la hakiyo doorashada inta xal laga gaarayo.

     Xubnaha la gudbiyey oo ka kooban 5 xubnood ayaa wa xaa kasoo muuqday rag aad ugu dhow wasiirkii hore ee am niga gudaha, ayna ku jiraan shaqaalihiisa, iyada oo laga te gay odayaashii rasmiga ahaa, sida ay ku doodayaan Mu sharixiinta garabka isbeddal doonka.

    Dhankiisa Ducaale, oo hadda ah madaxa ololaha Xasan Cali Kheyre, kuna sugan M/Jowhar ayaa billaabay kulamo siyaasad eed & dadaallo uu ku doonayo in lagu qabto door ashada kursigaas, si loogu xiro.

  M/Jowhar ayaa sidoo kale la ciir ciireysa siyaasiyiin, sara akiil ciidan, ergo iyo marti sharaf kale oo dooneysa inay go objoog ka ahaadaan doorashada, waxaana laga dareemay aa dhaq-dhaqaaq siyaasade d& mid ciidan.

   Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana isoo tar aya baaqyada kala duwan ee la dirayo ee ku aaddan in la dadajiyo doorashada, waxna laga qabto tabashada jirta, maadaama ay soo dhowaatay dorashada madaxw eynaha.

     Si kastaba, arrintan ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu dhameystiro, isla-markaana uu go’ aan ka soo saaro mada xweyne Guudlaawe oo kaashanaya SEIT, maadaama kur siga HOP141 iyo kursiga kale ee HOP135 ay xujo ku noq otay HirShabelle oo noqotay DGka kaliya ee ay haatan ku harsan yihiin kuraas ka mid ah baarlamaanka.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in saxaafadda Soomaaliya lagu hayo cabsi galin joogto ah

  Xafiiska Q/ Midoobay ee Somaliya ayaa sheegay in Saxa fiyiinta ku sugan Soomaaliya lagu hayo hanjabaad joogto ah & cabsi galin ka dhan ah gudashada waaji baad kooda shaqo.

   Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaaf adda Adduunka, ayuu danjiraha QM ku nuuxn uuxsaday doorka muhiimka ah ee warbaahinta dalku ay ku leedahay bulshada Soomaaliyeed.

   "Saxaafadda Soomaaliya waa qayb muhiim ah oo ka mid ah kobaca dimuqraadiyadda, waxayna u baahan yihiin inay awooddaan inay shaqadooda si xor ah u wataan," ayuu yiri Er geyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM  u qaabils an arrimaha SoomaaliyaMr. James Swan.

   Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ    ayaa she egay, in Muddadii u dhaxay say May 2021 ilaa May, 2022, la diiwaan- geli yay 98 xad-gudub oo lagula kacay wariyay aa sha Somaliyeed. Waxaana la dilay 1 weriye, waxaana la xiray 53 wariye, waxaana dhibaatayn &handadaad la ku m ay 37 weriye.

    GolahaQM oo maalinta xor riyadda saxaafadda adduun ka asteeyay sannadkii 1993-kii, ayaa ah Maalin ay xasuusi n u tahay dawladaha baahida loo qabo in la ixtiraa mo xorri yadda saxaafadda, lagana difaaco weerarrada ka dhanka ah madax-bannaani dooda, & in la xuso saxafiyiinta naftoo da ku waayey iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Shalay Kulan La Qaatay Beesha Caalamka                              Guddoomiyaha G/Shacabka  BJFS Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Shalay kulan mira-dhal ah la yeeshay saxiib bada Beesha Caalamka, gaar ahaan kuwooda lagu magacaabo C6+. Kulanka ayaa diira dda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban & baahida loo qabo in la hour mariyo qors haha dhismaha D/nimada Somaliya.  Wakiila da Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ayaa uga mah ad celiyay Guddoo miye Sh.Aadan Madoobe ajiibida kulan ka oo ahaa mid muhiim u ah  mustaqbalka dalka.

     Kulankaan uu G/ Aadan Madoobe la yeeshay Beesha Caalamka ayaa waxaa ka horreeyay kulan uu isla Shalay la qaatay Taliy eyaasha Ciidamada Booliska, Milateriga iyo Nabadsugida, wuxuuna kala hadlay amniga   doorashada Madaxweynaha.   Saraakiisha ciidankaDFS

Maxaa kasoo baxay kulankii wasiirka batroolka iyo xeer-ilaaliyaha? (Shaki cusub)

   Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa 21-kii April u yeeray Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Axmed oo xiisad si yaasadeed dalka ka abuuray ka dib heshiis shidaal oo uu la saxiixday shirkad Mareykana.

    Heshiiska shidaalka ee wasiirku la galay shirkadda Coastline Exploration Ltd ayaa wax aa diiday madaxwey naha & Ra’iisul wasaara hadalka, oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

    Si kastaba, kadib u yeeristaas, weli wax wa rah lagam hayo haddii ay kulmeen xeer-ilaa liyaha & wasiirka oo kul ankooda la filayay inuu dhaco 25-kii April 2022-ka.

    Waxaa shakiga sii badiyey in xeer-ilaalintu aanay soo sa arin war saxaafadeed ku saabsan haddii kulanka uu dhac ay & haddii kale, balse waxaa jira warar sheegaya in wasiir ka Batroolku uu dhegaha ka fureystay u yeerista kaga timid xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka.

     Wasiir Cabdirashiid ayaa markii uu heshiiska soo baxay sheegay inuu la ogaa Madaxweyne Farmaajo, laguna qaat ay 7 Milyan oo dollar, isla markaana uusan garaneyn sab abta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo

   "Feylkaan waxaa si qaas ah u hayey aniga iyo madaxwey naha, aad ayaan isaga war qabnay mudo dheerna waan ka wada shaqeyneynay, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si khaas ah howshaan iila wa day,”ayuu yiri wasiirka batroolka Somaliya C/shiid M/xmed .

   Waxaa kale oo jira tuhun ah in Ra’iisal Wasaare Maxam ed Xuseen Rooble codsaday in waraysiga Wasiirka dib loo dhigo si dowladda cusub ee imanaysa ay ula wareegto ga lka baarista heshiiska sharci-darrada ah oo Ra’iisal Wasaar uhu ku gacan-sayray laakiin u oggolaaday wasiirka inuu shaqadiisa sii wato.

    Sharciga maamulka dowladda ayaa dhigaya in shaqada laga joojiyo mas’uulka xilkasnimo-darro lagu helo ka hor inta aan baaritaan rasmi ah lagu samaynin qofka xilka ha ya.     Shirkadda Coastline Exploration ayaa horey ugu gac ansayrtay go’aankii ay madaxda sare ee dowladda uga hor yimaadeen heshiiskii uu Wasiirka shidaalka dowladda kula saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

     Madaxa shirkadda Coastline, Richard Anderson ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyaay barnaamijka Galka Baarista waxa uu si weyn u difaacay in uu sax ahaa nidaamkii ay he shiiska kula saxiixdeen Wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

     "Waxaa aaminsanahay in heshiiska aan saxiixnay uu sax yahay oo si buuxda u jiraan. Filashadeyda waxa weeyi inaan fasax ka heli doono dowladda federaalka, kadib wax aa bixin doona lacagtii saxiixa oo waa shaqo galeyna,” ayuu yiri.  "Cid iskama dhago tirin, markale aniga oo dooneyn in aan hoos ugu sii galo faah-faahinta dooda sharciga ah, sababta oo ah way jiraan iyaga oo dhowr ah.”

  Sidoo kale waxa uu sheegay in ka hor inta ay saxiixin he shiiska ay la tashi la sameeyen wasaarada iyo wakaalada Batroolka, kuwaasi oo kalsooni ka siiyay in madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka warqabaan saxiixa he shiiskaas.

     "Nagama suurtowdo taxadar la’aan intaas le’eg in aan galno howl intaas le’eg anaga oo aan ogeyn ama rumeysn eyn in howsha ay korka ka toosan tahay.

     Waxaa ku xasuusinaya in marka la raaco sharciga Bat roolka aan nagala dooneyn in aan la hadalno Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha midkoodna si toos ah, ” ay uu yiri Madaxa shirkadda Coastline, Richard Anderson.

    ichard Anderson ayaa ku cel-celiyay in madaxda sare ee dalka ay ka warqabeen heshiiskaas.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Al-shabaab oo shaacisay iney 59 askari kaga dileen cii C/Burundi Weerarkii ka dhacay Saldhiga D/Ceelbaraf

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa faah faahin hordhac ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilaa wday oo ay Shalay aroornimadii hore ku qaadeen Saldhig ciid amada dow ladda & kuwa Mi/Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin de egaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe, kaasoo gey stay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Al-shabaab ayaa barahooda Internet ka ay ku leeyihiin waxay ku soo bandhig een khasaaro ay sheegeen inuu hord haca u yahay weerarkii cu slaa ee Shalay ay ciidamadoodu ku qaadeen d eegaanka Ceel baraf ee G/Sh/dhexe, iyagoona sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen 59 askari oo ka tirsan ciidamada Burndi ee ka mid ka ah howgalka ATMIS.

"Aroornimadii hore ee Shalay 2-da Shawwaal 1443 oo waaf aqsan 03 May, 2022, Mujaahidiinta ayaa weerar xoogan ku qa aday saldhigga ciidamada ATMIS ee deega anka Ceel-Baraf ee G/Sh/dhexe, Dagaal xoogan ka dib, ciidamada Mujaahidiin ta ayaa cagta mariyey saldhigga, xilligan hadda ah si buuxda ayaan gacanta ugu haya saldhiggaas. xogaha hordhaca ah ee weerarka ayaa tilmaamaya in 59 saliibi lagu dilay weerarkaas, 10-naan kalena lagu dhaawacay" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Al-shabaab. waa sida ay hadalka u dhigeene

Howlgalka ATMIS oo hub lagasoo furtay Alshabaab ku wareejiyay ciiiddanka xoogga dalka

Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaa liya ATMIS ayaa hub lagu soo qabtay howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Hubka ayaa isugu jiray Qoryaha fudud, dhashiikeyaaal iyo rasaas, kuwaasoo ay soo furteen Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka ee ku sugan Shabeellaha Hoose.

Ku-xigeenka Madaxa ATMIS, Marwo Fiona Lortan, ayaa hubkan ku wareejisay Tal iyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, Jen. Biixi.

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AT MIS waa in ay diiwaan geliyaan dhammaan hub ka iyo agabka milatari ee lagu qabto weerarrada ama inta ay ku guda jiraan waajib aadkooda," ayay tiri Ms. Lortan, ku xigeenka ATMIS.

Waxa ay xustay in qabashada hubkan iyo wareejinta ay tahay guulo wax ku ool ah oo laga gaaray dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Taliyaha ciidddanka dhulka, Gen. Maxamed ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya ATMIS iyo SNA ee dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo ­­­xasilloonida dalka, ka hor inta aan mas’uuliyadda amniga lagu wareejin ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

"Wadashaqeynteenu waxay wiiqaysaa cadowga, waxayna dhiirri-gelinaysaa ciidamadeenna - ATMIS-ka iyo kuwa Nabadsugidda Soomaaliya," ayuu yiri Gen. Maxamed Biixi.­­

Puntland oo $18 Million oo Dollar ku bixisay si mee sha looga saaro shirkadda P&O oo gacanta ku haysay dekedda Boosaaso

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, Ax med Yaasiin Saalax ayaa sheega y inay ku guulaysteen inay meesha ka saaraan shirkadda P&O port oo gacanta ku haysay deke da Bosaso. Wasiirka dekeda ha oo BBC Somali u wara mayay ayaa shee gay inay Puntl and $18 million oo dollar ay ku qarashgaraysay sharci yaqaanno u dooddayay si meesha looga saaro shirkadda P&O port.

"Maxkamad bay tagtay arrintu, waad dare emi kartaa mar kaad maxkamad tagaysid wax aad u baahan tahay dad sharci yaqaanno ah oo maxka madda kaa difaaca oo dooddaada gud biya. Waad dareemi kartaayo lacag fud ud ma ahan, oo lacag illaa $18million ayay qarashgaraysay inay qareen nada ku baxaan,” ayuu yiri wasii rku.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay isla gaareen meel adag, inkastoo uu sheegay in markii dambe shirkadda D-P world ay bixisay magdhow lasiiyay shirkadda P&O, taasoo sheega tay in khasaare weyn uu kasoo gaaray dekeda Bo saso.

Axmed Yaasiin waxa uu sheegay in Puntland ay dib u eegis ku sameeysay heshiiska dekeda Bosaso, islamarkaana la ko rdh iyay saamiga uu maamulku ku yeelanayo wax soo saarka dek eda Bosaso. Puntland ma aysan sheegin magaca shirkadda lagu beddelay shirkaddii hore, waxaase lagu he shiiyay in dhis maha ballaarinta dekeda dib loo bilaabo bishaan May, iyadoo DP-world ay soo dir tay Engineero qiimayn ku sameynaya dek eda.

 

DOORASHADAN FARMAAJO MA WUXUU NOQON DOONAA BOQOR MISE BOQOR-SAMEEYE?

in Maqaalo Kaddib doorashadii Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa waxaa soo baxaya is wayd iimo aan wali laga jawaabin oo ku saab san fursadaha uu haysto madaxweynaha haatan xilkiisu dhammaanayo iyo caqabad aha ku gudban dib u doorashadiisa.

Qormadankooban waxaan ku eegayaa laba fursadadood, oo aragti ahaan aan is leeyahay, waa hortaalla Madaxweyne Max amed Cabdullaahi Farmaajo si uu uga ba dbaado dharbaaxooyi nkii ku dhacay Madaxweyneyaashii isa ga ka horreeyay kuwaasoo boorsooyinkooda ka xirxirtay Villa Somalia iyaga oo aan saameyn ku lahayn qofkii baddalay.

Xogo sugan oo ay ila wadaageen Sanataro ka tirsan Golah Aqalka Sare ayaa ii xaqiijiyay in dib u doorash ada Guddoomi yaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdi llaahi ay sabab u ahaayeen Sanataro taabacsan Villa Soomaal iya oo ay ho rmuudka u yihiin kuwa laga soo doorto Koonfur Ga lbeed, iy aga oo dhabarka ka jabiyay Senator Saalax Axmed Jaamac oo ay Villadu dagaal aan qarsooneyn la gashay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu ahaa hormuudka mucaa radkii gilgilayMadaxweyne Farmaajo 5-tii sano ee uu fadhiyay Villada, wuxuuna Guddoomiyah Aqalka Sare iska diiday muddo kordhintii ay sameeyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sidoo kale Guddoomiye ka noq day madal ay aasaaseen Midowga Musharixiinta iyo Mada xweyneyaasha Puntland iyo Galmudug taasoo loogu magac daray Golaha Badbaadada Qaranka.

Hase yeehee, Villa Somalia oo dagaalkaas ba’an uu dhexma ray Guddoomiye Cabdi Xaashi waxay kaalin mug leh ka qaa datay dib u doorashadiisa. Haddii ay dhici lahayd inay garab ist aag u muujiso Wasiirka Dastuurka Sanatar Saalax Axmed Ja amac waxaa hubanti ahayd inuu si xarrago leh ku qaadan lah aa booskan. Tallaabadan lama filaanka ah waxaan ka bar anaynaa in markii ay Villa Somalia ka saqiireen labadii Musharax ee ay ku taamaysay, waa Wasiir Cismaan Ab okor Dubbe iyo Wasiir Saalax Axmed Jaamac, inay ka door-biiday kursiga kusoo celisay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Arrinta labaad ee la yaabka ku noq otay dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya waxay ahayd in markii Nabad iyo Nolol looga adkaaday door ashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay riixay een Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Mudane Xasan Cab dinuur, uuna kusoo baxay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran inay baddaleen shaxdii ciyaarta ee tartanka Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad.

Musharaxa Villa Soomaaliya Md. Maxamed Wali Cabdalla Axmed oo hoggaaminayay wareega koowaad ayaa isaga haray tartanka si loo dhiso Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kaalinta 3-aad ku jirtay, wuxuuna baarlamanka ka hor sheegay inuu taageerayo Sacdiya, kana codsaday xildhibaanadii Villada inay ayada u codeeyaan.

Isbahaysiga wareegga labaad ee Nabad iyo Nolol iyo Musharax Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar wuxuu barida dhulka ugu dhuftay isbahaysigii Himilo Qaran, Puntland iyo Jubaland ee lagu dhisaayay Musharax Maxamed Cali Cumar (Caananuug). Qorshahan wuxuu keenay kala shaki ku yimid isbahaysigii Puntland iyo Jubaland, wuxuuna farriin u diray musharixiin badan kuwaasoo haatan ku loolamaya inay xulafaysi la sameeyaan Villa Somalia. Xildhibaan Caanonuug ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kooxdiisii ay ku milantay kusii ay dhufeyska iskula jireen oo uu ula jeedo Villa Somalia. Musharixiinta qaar ayaa haatan bilaabay qorshe ay hoos ugu dhigayaan dagaalka ay ku hayeen Villa Somalia maadaama haddii Farmaajo gaari waayo bartilmaameedkiisa uu ku khasban yahay inuu codadka u wareejiyo musharaxa uu u arko inay kooxdiisa kula midoobi karto dhismaha Xukuumadda soo socota.

Casharka laga bartay doorashadan waxa weeye in Farmaajo uu ka heli karo Golaha Shacabka codad ku dhaw 100, taasoo ay usii dheertahay ugu yaraan 20 xubnood oo Aqalka Sare ah, waxayna wadarta uu heli karo wareega koowaad lagu qiyaasayaa 120 ilaa 130, inkasta oo ay suurta-gal tahay inaysan intaas gaarin.

Haddii Farmaajo uu gaaro tiro intaas la eg, wuxuu xulafaysi la yeelan karaa musharaxa ugu macquulsan ee uu kula shirkoobi karo dowladda, haddiise uu ka hoos maro 100 sidii ku dhacday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu rarkiisa u wareejin karaa 3-da musharax ee soo gudba midka uu doono.

Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah, Madaxweyne Farmaajo ma heli doonaa xulafo siyaasadeed oo ka qeyb qaadan karta dhismihiisa wareega labaad haddii uu cudud xoog leh soo bandhigo? Yuuse dhisi karaa wareega labaad haddii uu socon waayo sidii ku dhacday musharixiisa Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad oo makrafoonka ka sheegay inuu u tanaasulay Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo mucaarado xooggan ku haysay kooxda taageerada u fidisay ee Nabad iyo Nolol?

Isku soo wada duuboo, doorashooyinkii Labada Guddoon ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabku waxay bannaanka soo dhigeen awoodda Madaxweynaha xil kiisa sii dhammaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Far maajo, waxaana hubaal ah inuu noqon doono laba mid kood; Boqorka ama Boqor-sameeyaha doorashada loo madlanyahay labada usbuuc ee nagu soo aaddan, oo macnaheedu yahay inuu madaxweyne noqdo ama mad axweyne soo dhiso.

Maxamed Jaamac Xersi

Email: mjaamachersi@googlemail.com



BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO MAANTA KULAN KA YEELANAYA DOORASHADA MADAXWEYNAHA JFS

Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in M/Muqdisho kulamo ku yeeshaan Xildhib aanada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Xarumaha ay ku kulmaan ee Magaalada Muqdisho ayey kulamo ku yeelan doonaan Xildhibaanada Gola ha shacabka & kuwa Aqalka Sare ee Baarlamaanka, xili kulamadooda ay kaga arrinsan doonaan dhamey stirka arrimaha doorashooy inka digaar ah tan Mada xweynaha J/F/Somaliya ee 10-aad.

Xildhibaanada labada gole ayaa lala wadaagay farriin ah in maanta ay kulamo leeyihiin islamarkaana ay kaga doodi doonaan doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka ah ee 2da Aqal ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS. Sidoo kale, ka dib dooda Xildhibaanada ee anjendahaas, waxaa ay go,aan ka gaari doo naan xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soo maaliya

SAFIIR HORE OO MAREYKAN AH OO LAGU HELAY DAMBI CULUS OO LA XIRIIRA DOWLADDA QATAR

Safiir hore oo Mareykan ah ayaa qirtay dambi ah inuu si sharci darro ah ugu ololeeyey do wladda Qatar, islamarkaana uu aqbalay safar raaxo, isaga oo ah danjiraha Mareykanka ee Pakistan, sida ay muujiyeen dokumentiyo maxkamadeed. Mr.Richard Olson, oo sidoo kale soo noqday danjiraha Mareykan ka ee Imaaraadka Carabta,& wakiilka gaarka ah ee Afghanis tan& Pakistan, ay aa lasoo taagay maxkamad federaal ayada oo lagu eedeeyey inuu jebiyey sharciga xa didaya in loo ololeeyo dal shisheeye sanad gudihiis marka xafiiska laga tago.

Sida lagu sheegay dacwadda lagu soo oogay, Olosn oo xilligaas ahaa safiirka Marey ka nka ee Pakistan ayaa 2015 wuxuu Magaalada/Los Angeles kula kulmay nin Pakistani Mar eykan ah oo usoo jeediyey la shaqeynta ganacsade ku sugan Bahrain.

Ninka Pakistani Mareykanka ah, oo aan la shaacin, ayaa ka dib agaasimay safar deg deg oo ay ku aadeen London si ay u ga wada-hadlaan iskaashigooda, ayada oo Olson uu ku guul-darreystay inuu shaaciyo $19,000 oo loo siiyey ticket first class, jiifka hotel qaali ah & Cunno, sida ay sheegeen dacwad-oog ayaasha.

Ganacsadaha ayaa ka dib Olson usoo jeediyey hal sano oo qandaraas ah oo ku kacaya $300,000 ka dib marka uu ka tegay shaqadiisa diblomaasi, sida ku cad dukumentiyada dacwadda.

Olson ayaa waxaa markii hore la weydiistay inuu dowladda Qatar uga ololeeyo Washingt on, si kastamka Mareykanka ay u ogolaadaan inay xafiis dadka lagu soo baaro ka sameyst aan garoonka diyaaradah Doha, taasi oo sahleysa safarka 2da dal. Safiirka hore ayaa wa xaa ka dib la weydiistay Inuu dowladda Qatar caawiyo xilli ay wajahey say xanibaado kaga yimid dalalka deriska la ah ee Sacudi Carabiya &Imaar adka Carabta.

Taas beddelkeed, sarkaal ka tirsan D/Qatar ayaa kadib ninka Pakistani Mareykanka ah usoo diray $5.8 Milyan oo dollar, kaa si oo kadi b lasoo xiriiray Olson, sida dacwadda lagu sheegay. Olson ayaa qirtay dambiyada lagu soo oogay, ayada oo kiiskiisa laga soo wareejiyey gob olka California oo la keenay Magaalada Washin gton AFP + VOA

 

 


 

UNOPS JOBS

Operations Analyst

Job categoriesProject Management, Programme Management

Vacancy code



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip