HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO TALAADO 3-DA MAY-2022

0
Tuesday May 03, 2022 - 08:02:14 in Wararka by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO TALAADO 3-DA MAY-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

FARMAAJO IYO ROOBLE OO FARIIN U DIRAY SHACABKA

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Fa rmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay aa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasab adda dabaal dega Ciidul Fidriga.

Farmaajo ayaa shacabka Soom aaliyeed ku boorriyey inay sii jo ogteeyaan dhaq ammada wanaag san ee mudnaanta siinayay mud dadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalm ada iyo u gargaaridda dadka danyarta ah, ka shaqeynta da nta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

       Wuxuuna Madaxweynaha si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, isaga oo dhiirri geliyey horumarka dhanka amniga iyo dib-u-habeynta Ciidamada Soomaaliyeed.

     Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isaga na dhankiisa munaasabada Ciida awgeed hambalyo u di ray shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed wuxuu ka cod saday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

     Rooble ayaa sheegay in munaasabadda Ciiddul Fidrigu sanadkan ay ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga du wan yahay si ka duwan sanadkii hore, xiligaasi oo ay dalka ka jirtay xaalad amni iyo  mid siyaasa deed oo la xiriirtay do orashada dalka iyo heshiis la’aanta siyaasadeed ee dalka ka taagneyd. Wuxuuna Alle ugu mahdiyay in sanadkan xaa lada sidii hore ka duwan tahay shacabkana si farxad leh ay ku ciidi doonaan maadaama howlihii doorashadu soo gaa reen heer gebogebo ah, ka dib dadaal iyo shaqo badan oo la galiyay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.

    Dhinaca kale, Guddoomiyaha baarlamaanka, Sh.Aadan Madoobe iyo Guddoomiayaha aqalka sare Md. Cabdi Xaashi C/laahi  iyo  madaxdii hore ee dalka ayaa dhanko oda shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fit    riga inay si farxad leh ugu dabaal degaan.

RW Rooble” Waxaan leeyahay han Siyaasadeed balse badbaadada dalka ayaan u tanaasulay”

     Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roo ble ayaa sheegay in uu yahay mid leh han siyaasadeed oo isku sharixi kara xilka Madaxweynaha Soomaaliya balse uu u tanaasulay badbaadada dalka iyo Shacabka Soomaaliya.

    R/Wasaaraha  oo Shacabka ugu hambalyeeyay Maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga ayaa ka hadlay Arrimo ku saabsan doorashooyinkii dhacay iyo sida uu u wajahay.

    "Waxaa Alle mahaddii ah in go’aankey gii ahaa inaanan doorashada ka dhex ra adin dano shaqsiyadeed oo ii gaar ah ay ii hirgashay, sidii dhici jirtay waxaa suurta gal ii aheyd inaan madaxweyne isku sharraxo, doorashada na u maamulo si u adeegeysa damaceyga, laakin waxaan goostay in aan dib u dhigto hankeygii siyaasiga ahaa, si aan dalkaan u badbaadiyo”.

    Hadalkaan ka soo yeeray R/w/re  Rooble ayaa ku soo aadaya xilli7aadyadii la soo dhaafay la hadal haayay in uu Isku sharixii doobo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo QM kala hadlay Arrimaha doorasho oyinka

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ee Baarlamaanka So omaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayah a Guud ee (QM) ee Soomaaliya marwo Anita Kiki Gbeho oo Gudd omiyaha la wadaagtay dhambaal casuummaad ah oo ay ka sidday dowladaha C6+.

    Marwo Anita Kiki ayaa G/G/ha cabka  ugu hambalyaysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlam aanka 11aad ee J/F/Soomaaliya.

     G/G/Sh/Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Max amed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahad celiyay Anita Kiki Gbeho kaalinteeda ku aadan taageerada Q/Midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha doorashooyinka.

     Maalmihii la soo dhaafay Sh.Aadan Maxamed Nuur (Ma doobe) ayaa waxaa uu waday kulamo uu la qaadanayay sa amileyda Siyaasadeed ee dalka, isaga oo kala hadlay arr imo ku saabsan diyaar garo owga doorashada Madaxwey naha.

Xildhibaannada Mudullood oo kulan xasaas ah isugu yimid + Ujeedka

     Xildhibaanada BFS ee kasoo jeeda beelweynta Mud ullood ayaa Habeen hore kulan ku yeeshay M/uqdisho, waxaana kullankaan soo qaban qaabiyay xildhibaan Maxamed Ax med Beereey.Kulankaan ayaa ahaa wadatashi iyo is-xog wareysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo isku xirka beesha Mudullood oo siyaasiyiintooda siyaasad ahaan kala aragti duwan.     Xubnaha kulanka ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan murashax Cdir Cosoble, Yaasiin Fareey, Cali Balcad Cusmaan Xaadoole iyo xildhibaano kale.

Xildhibaanada ayaa waxay isla garteen qodobadii ay ka hadleen iyo in si wadajir ah loo weyneeyo kullankaan mid ka xiga iyo in la mideeyo afkaarta gu ud ee beesha si codk ooda u noqdo mid muuqda.

      Kulankan ayaa imanaya ayada oo inta badan xildhibaa nada Mudu lood oo ku dhow 20 lagu dhaliilo in aanay u mi deysneyn ka shaqeynta danta dadkooda iyo deegaanka ay matalaan, ayaga oo ku kala xiran dhinacyo kala duwan.

Beesha Mudulood ayaa waxaa sanadkan xilka madaxwey naha u taagan musharaxiin badan, waxaana ugu cad cad Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud,  Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo Daahir Maxamuud Geelle. iyo kuwo kale

Sheekh Shariif oo xildhibaan loo doortay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ay aa Shalay ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga uu ku guuleystay Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay doorasha diisa ka qabsoontay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlada HirShabelle, sida uu shaaciyay guddiga SEIT ee HirShabelle.

Doorashadakursigaan ayaa wa xaa ku baratamtay labo musha rax oo kala ah Shariif Sheekh Ax med iyo Shariif Abuukar Axmed.

Ka dibGuusha Shariif waxaa xar unta madaxtooyada maamulka HirShabelle ku qaabilay Madaxweynaha Dow ladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

"Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka BJ FS waxaana xilka loo doortay ugu hambalyeeyay Ma da xxweyne Cali Guudlaawe Xuseen,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada HirShabelle.

Kursiga uu ku guuleystay Shariif ayaa waxaa Baarla maan kii 10aad ku fadhiyay Wasiirka Amniga XFS C/hi Max amed Nuur.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip