HALKAN KA AKHRISO WARARKA WAGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 1-MAY 2022

0
Sunday May 01, 2022 - 08:46:44 in Wararka by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WAGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 1-MAY 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Rooble: Labada aqal ee barlamaanka waxaan ka codsanayaa inay dalka ka badbaadiyaan doorasho dambe oo dadban

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuse en Rooble ayaa barlamaanka labadiisa aqal ugu baaqay inay dalka ka badbaadiyeen soo laabasha da doorasho dad ban, si buu yiri dalka looga badb aadiyo in cid gaar ah awoodda la siiyo.

 "Doorashada hadda dhacday oo aan aniga hoggaaminayay wali gey imasoo marin midaan oo k ale. Sidii la rabaa laga yeeshay. Wixii dhacayna marqaatiyaa ka tihiin. Doorasho dadban oo wada qalloocan ummaddu mid ay kusii jiri karo ma ah an,” ayuu yiri raysal wasaare Rooble.

      Raysal wsaaraha waxa sidoo kale uu sheeg ay, in dalku amni ahaan uu ku sugan yahay mee shii ugu xumayd, taasoo sida uu sheegay ciddii masuul ka ahayd inay ku mashquushay dano gaar ah oo doorasho.

    Rooble Rooble wuxuu ku baaqay in laga fikiro cidda madaxweynaha noqonaysa, lagana waan t oobo in dad talo xun oo isu aragta mulkile ay tal ada dalka wax ku yeeshaan.

     Raysal wasaaraha ayaa dalkaan ka sheegay isagoo Habeen hore ka qeyb galayay dood arrimaha doo rashada ku saabsanayd oo twitterka lagu qabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

     Guddoomihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu wareejiyay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shac abka Sh.Aadan Madoobe ay aa Fasax afar maalmood ah siiyey xildhibaannada isaga oo sheegey in khilaafka ka taagan kuraasta Gedona uu xallin doono.

     "Koox gaar ah lama socdo, wixii annaga naga horreeyeyna shaqo kuma lihin wixii Shalay ka bil ow waxyaabaha yaryar ee jira si cadalaad ah ay aan u xallin doonaa” – Aadan Madoobe.

Buuq ayaa ka dhashay Shalay golaha Shacabka markii ay gudaha u soo galeen xarunta golaha Sha cabka Xildhibaanadii laga soo doortay degm ada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulamo Siyaasadeed La Yeeshay Qaar Ka Mid Ah Musharixiinta

    Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlama anka Fderaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Ma xamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa Shalay hoygiisa ku soo  booqday Ra’iisul Wasa arihi hore ee dalka, ahna musharax madaxweyne Xa san Cali Kheyre.

     Musharax Xasan Cali Kheyre wuxuu bogaadiyay doorashooyinkii labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna u hambalyeeyay guddoonka la doortay.

     Waxayna si gaar ah Guddomiyaha iyo musha raxa uga wada hadleen  in si wadajir ah looga shaqeeyo qabashada doorasho hufan oo daah furan.

     Sidoo kale Guddomiyaha Golaha Shacabka ay aa  hoygiisa kulan salaan iyo xog-waraysi ah uga imaadey  madaxweynihii hore ee dalka ahna mus harrax madaxweyne Mudane Sheekh Shariif She ekh Axmed.

    Waxaana ay ka wada hadalnay muhiimadda uu dhameystirka hannaanka doorashooyinka u leeya hay maareynta marxaladda kala-guurka iyo abuu ridda xasillooni siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo oo Shalay kulan la qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

    Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay Madaxtooy ada Qaranka kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baar lamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane She ekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

     Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu ha mbalyeeyay guddoomiy aha iyo dhammaan gud donka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadk ooda dastuuriga ah ee ku aadan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlam aanka 11-aad ee dalka, is aga oo bogaadiyey guddo onkii hore ee Golaha Shac abka sidii xilkasnimada la hayd oo ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooy inkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baar lamaankii 10-aad ee dalka.

     Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa dhabkiisa Madaxwa ynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran.

     Gabagabadii Madaxweyne Maxamed Cabdull aahi Farmaajo ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

      Kulankaan ayaa imaanaya xili uu Shalay si rasmi ah ula wareegay shaqada guddoonka Gola ha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aa dan Madoobe oo 28-kii bishaan Apriil loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee Golaha Sha cabka Baarlamaanka Somali ya.

 Guddoonka Golaha Aqalka Sare oo kulan yeeshay

    Guddoonka Aqalka Sare BFS oo Shalay kulan ku yeesheen xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS. Ajandaha kulanku wuxuu ahaa:-

1- Warbixin guud ee Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ee howlaha wax-qabad ee hortbinta u leh Aqalka Sa re.

2- diyaarinta warbixinta guud ee Wax-qabadka Golaha Aqa lka Sare Baarlamaanka 10aad.

   3- Diyaarinta Ajandaha kulanka 3aad, Kalf adhiga 1aad ee Aqalka Sare.

Kulanka waxaa kaloo qayb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Feder aalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la dhameystirayo soddonka bisha Ramadaan

     Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee xukuumada Soomaaliya ayaa ku wargalisay shacabka Soomaaliyeed in maalinta beri ah la dhameyti rayo 30-ka Bisha barakeysan ee Ramad aan. Wasaaradda ayaa qoraal ko oban oo ay soo saartay ku sheegtay inaysan jirin illaa iyo hadda meel laga arkay bisha Shawwaal, sidaas daraadeed waxay shaacisay oo dadka ku wargalisay in berrito la soomayo. Sacuudiga  oo ay Soomalidu aad ugu xiran tahay ayaa shaaci yay in la dhamesytirayo soddonka cishe ee bisha    Ramadan, wuxuuna tilmaamay in maalinta isniinta oo ku beegan labada May la Ciiddi doono.

Soomaaliya gudaheeda labo waqti ayay dadku kala soomeen, hase ahaatee waxaa la filayaa in ciiddan si wadajir loo wada ciiddi soono.

Khilaafka dhinaca Ciiddaha iyo Ramadaanka ayaa ah mid muddo dheer soo jiitamayay, waxaa na sanad walba inta badan yimaada khilaafla arrintaan la xiriira.

Waare: "Farmaajo mustaqbalkiisa siyaasa deed waa la soo gabagabeeyay, waa inuu ku daydaa saaxiibkiis Mursal oo uusan tartamin

     Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabe elle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay ma daxweyne Farmaajo in uusan lahayn wax fursad ah oo mar kale loogu doo ran karo madaxweynaha Soomaaliya.

 Waare ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiisa siyaasad eed ay guul darro siyaasadeed oo xanuun badan kala kulmeen doorashada guddoonka barlamaan ka Soomaaliya.

   Wuxuu sheegay guul darrada soo gaartay mada xweyne Farmaajo inay tahay dhaxalka shantii sano ee lasoo dhaafay, isagoo tilmaamay fursada kaliya ee u furan inay tahay inuu sameeyo sidii uu sameeyay guddoomiyihihii barlamaanka, Maxa med Mursal, kaas oo aan ka qeyb galin doora shada barlamaanka.

    "Madaxweynaha waxaa caalamad ugu filan do orashadii Habeen hore, waa aragyaa tababartiisa inta ay le’eg tahay, weliba xoogaaga uu helay waxaa u keenay rag yaroo ka hari waayay oo uu talada ka diidi jiray,” ayuu yiri Waare.

   Madaxweyne hore Waare waxaa uu sheegay madaxweyne Farmaajo inuu ka tagayo casharo siyaasadeed oo u baahan in wax laga barto, loogana baahan yahay dowladda imaan doonto inay saxdo wax walba oo dowladiisu hallaysay.

Musharrax madaxweyne Dr. Cabdinuur Shiikh Maxamed oo si ballaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho

     Dr. Cabdinuur Shiikh Maxamed oo u sharrax an xilka madaxweynaha dowladda federalka Soo maaliya ayaa Shalay si ballaaran loogu soo dha weeyay Magaalada Muqdisho.

    Xildhibaanno katirsan barlamaanka Soomaal iya, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dadweyne aad u badan ayaa ka qeyb qaatay soo dhowaynta mu sharraxa madaxweyne ee dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cabd ullaahi Buraale oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay garab taagan yihiin mushar axa madaxweyne Dr. Cabdinuur Sh.Maxamed.

    "Waan sugeynay inuu in badan isbeddel yimaa do, dadkeennuna ay kamid noqdaan dadka talada dalka wax ka haya. Muhiimadda aan xildhibaan imada u noqonay waa in dadkeennu ay noqdaan dadka dalka ugu sarreeya,” ayuu yiri xildhibaan Buraale.

    Dr. Cabdinuur Sheikh Maxamed ayaa soo dho weeyay isbeddelka ka socda Soomaaliya, wuxuu na sheegay doorashadii guddoonka barlamaanka Soomaaliya inay muujinayso in Soomaaliya diya ar u tahay doorasho hal qof iyo cod ah.

    Musharrax Dr. Cabdinuur wuxuu soo dhoweey ay markii ugu horreysay barlamaanka Soomaaliya inay gabar ka noqotay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka.


 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Odawaa Gaaray Magaalada Xudur Amarna Ku Bixiyey Howlgal

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed Sareeya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, a yaa Shalay oo sabti ah gaaray Magaalada Xudur Xarunta Gobalka Bokool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

     Taliyaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay halkaasi Tal iska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda Gobolka Bakool, waxaana uu sheegay in sababta uu tagay ay hubinta shaqada Ciidanka.

    Taliyaha Odawaa ayaa Saraakiisha ciidanka xo ogga dalka ku amray in ay bilaabaan howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka, sidoo kalena Al-Sha baab looga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool..

     Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu sidoo kale Taliyaha kulan la yeeshay Saraaki isha ciidanka ATMIS ee ku sugan Bakool, kuwaa oo uu kala hadlay xaqiijinta ammaanka gobalka.

Booliska Soomaaliya oo shaaciyay cidii ka dambeysay dilka Atooraha badda

    Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay dil Dorraad loogu geys tay Muqdisho nin lagu magacaabo Atooraha bad da oo ka mid ahaa dadka sida weyn loogu yaqa ano baraha bulshada.

Afhayeenka waxaa uu beeniyay in dilkaasi ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan balse waxaa uu sheegay in uu dilay atooraha nin saaxiibkiisa ah oo lagu magacaabo Leeflefow.

"Atooraha Badda Dilkiisa waxaa qirtay saaxiibkiis    Leeleefoow oo muran lacageed uu soo kala dhex galay” ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska.

Ninkaan dilka geystay ayaa la shaqeyn jiray Atoo raha badda waxaana uu la jili jiray filiShalay, wax aa la sheegay in muran lacag dadka muxsiniin ah ay soo direen oo dhan Lix kun oo dollar ay ku dag aallameen.

     Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in kiiskaan uu marin habaabiyay ninkii dilka geyst ay balse ugu dambeyntii uu qirtay haddana uu ku jiro gacanta hay’addaha Ammaanka.

Kolonyo uu la socday Korneyl SANEY CAB DULLE oo lala beegsay qarax lagu la’day

     Kolonyo gawaari ah oo uu la socday Korneyl Saney Cabdulle oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa qarax xooggan lagula eegtay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo askar badan ay ku dhinteen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Onlinesheegtay in ay  u sheegay in qaraxa lagula dilay 9 askari oo ka mid ahaa ciidanka Saney Cabdulle. Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo aan tiradooda la shaacin.

     Dhaawaca askarta ayaa waxaa loo soo qaad ay magaalada Muqdisho, ayada oo askarta gee riyootay meydkooda la geeyay magaalada Jowhar.

    Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in Saneey Cabdulle uu ka badbaaday weerarka, islamarkaa na aanay wax dhibaato ah soo gaarin.

    Sida aan xogta ku helnay, Saney Cabdulle oo ka yimid Muqdisho markii weerarka lagu qaaday a yaa u socday magaalada Jowhar oo lagu qabana yo doorashada kursiga HOP141 oo ay leedahay beesha uu kasoo jeedo.Kursigan ayaa waxaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey wasiir kii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, balse waxaa dhowaana han ka taagnaa xiisad ayada oo ay isku haystaan jufooyin ka wada tirsan beesha Harti-Abgaal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip