HALKAN KA AKHRISO WARARKA .WARGEYSKA MOGTIMES DAIL NEWSPAPER KHAMIIS 28-KA ABRIL 2022

0
Thursday April 28, 2022 - 08:21:16 in Wararka by
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA .WARGEYSKA MOGTIMES DAIL NEWSPAPER KHAMIIS 28-KA ABRIL 2022

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Farmaajo oo ka jawaabay ammarkii Rooble ee ATMIS, soona saaray mid cusub

     Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Max amed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal lix qodob ah oo cinwaan uu uga dhigay, "Hawlgalka AT MIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doora shooyinka ee ay ku heshiiyeen madasha wadatashiga qaranka.”

    Qoraalkaan oo jawaab u ah mid saacado ka hor xaf iiska Ra’iisul wasaaraha ka soo baxay ayuu Farmaajo ku sheegay in ATMIS aysan la wareegi doonin amma anka Afisyooni, taas bedelkeedna ay ciidanka booliska uga dambeyn doonaan howlaha sugidda amaanka door ashooyinka dalka.

     Sidoo kale Farmaajo ayaa ku taliyey in doorashada laga reebo xildhibaanada beeshiisa ee baarlamaanka ka soo galay gobolka Gedo, kadibna ay heshiis ka gaa raan golaha wadatashiga qaranka ee RW Rooble iyo madax goboleedyada, oo ayagu aan wax dood ah ka qabin doorashadii Ceelwaaq.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Farmaajo

      Muqdisho, Abriil 26, 2022: Madaxweynaha Jamhu uriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo markuu arkay dhacdooyinkii u da mbeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka iyo ba ahida loo qabo dhammeystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuu Madaxweynuhu adkeynayaa qodobbadan;

    1- Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Mada sha Wadatashiga Qaran, Guddiga Amniga Doorashada oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa masuul ka ah sugidda amniga do orashooyinka dalka. Sidaas darteed, Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

    2- Golaha Shacabku waa hay’ad astaan u ah mata aladda iyo madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed. Amniga xarumaha ay ku shaqeynayaan waxaa masuul ka ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

    3- Hawlgalka ATMIS wuxuu gacan siiyaa Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo iskaashi wadashaqeyn la leh Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ah hoggaanka arri maha amniga doorashooyinka.

    4- Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa Habraa ca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Mada sha Wadatashiga Qaranka, umana hoggaansami kara an amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Golaha Shacabka.

     5- Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in la dardar geliyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wux uuna ka digayaa falalka lidka ku ah Heshiiskii 17-ka Se bteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa oo ay Madashu ku heshiisay.

    6- Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii Abriil 2022, ka soo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo do ortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadata shiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteem bar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad la badiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen.DHAMMAAD

Taliye Xijaar oo dalbaday in dib loo dhigo doorasha da guddoonka golaha shacabka

    Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo jeediyey in dib loo dhigi doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Arbacada Shalay ah, sababi amni dartood.

Taliye Xijaar oo la rumeysan yah ay inuu ku xiran yahay Villa Som aliya ayaa shir jaraa’id oo uu qab tay ku yiri "Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada berri dhacaysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doorasahadaasi, sabab amni darteed.”

     Taliye Xijaar ayaa sheegay in nidaamkii amniga teen dhada Afisyoone oo ahyed in lagu soo wareejiyo laba maalmood kahor si ay u xaqiijiyaan amniga doora shada, taasi oo sida uu sheegay aan dhicin.

     Taliye Xijaar ayaa sheegay in dib u dhacan ay mas ’uul ka yihiin guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Gola ha Shacabka iyo kooxda la shaqeyneysa, waxaana arri maha jira uu sheegay inay ka mid yihiin inaan loo soo gudbin liiska xildhibaanada iyo marti-sharafta kale ee ka qeyb-galeysa doorashada. Xijaar ayaa sidoo kale shee gay in codsigooda ku aadan dib u dhigista ay qeyb ka tahay in la xaliyo khilaafka ka taagan xildhibaanada ka qeyb-galaya codeynta, oo uu ula jeedo muranka xil dhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq iyo xubnaha ka yi mid dhanka Garbahaarey ee sheegay inay xildhiba ano yihiin.

     Waxa uu intaas ku daray in ATMIS ay la shaqeey aan booliska Soomaaliyeed, ayna ku wargeliyaan arrin tan, ayna ogyihiin in xaaladda amniga ee haatan aysan suurta-gelineyn inay doorasho dhacdo.

      Taliye Xijaar ayaa ugu dambeyn sheegay in arrintan ay tahay soo jeedin kaliya, islamarkaana go’aanka qaba shada iyo dib u dhigista doorashada ay leeyihiin gudd oomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo guddiga doorashada golaha shacabka.

      Hadalka kasoo yeeray Xijaar ayaa imanaya ayada oo horey loogu jeediyey eedeymo la xiriira inuu Villa So malia kala shaqeynayo carqaladeynta doorashada gud doonka, taasi oo uu ku beeniyey qoraal uu horey usoo saaray.

Wasiirka Amniga oo shaqada ka joojiyey taliyaha booliska

     Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaqada ka joojiyey taliyaha ciidanka bool iska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, oo uu ku eedeeyey inuu wado falal amni-darro oo halis ah.

     Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu go’aankan qaatay ka dib markii uu garowsaday kha tarta iyo xasilooni-darada dalku ku sugan yahay ee ab uurtay hubanti la’aanta dhamaystirka doorashooyinka oo uu sabab u yahay Taliyaha Boliiska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Taliyaha Ciidanka Boolisku uu si ba reer ah iskugu dayay in uu u hor-istaago doorashada   Guddoonka Golaha Shacabka ee loo balansan yahay   Shalay oo ah 27/4/2022, islamarkaana uu si bareer ah   ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka    dalka asaga oo u adeegaya dano gaar ah.

      Wasiirka ayaa intaas ku daray inuu helay xogo muuj inaya in uu taliyuhu ku howlan yahay falal khatar ku ah badqabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo ma’suu liyiin sarsare oo xilal muhiim ah ka haya dalka.

Isaga oo eegaya arrimahaas oo dhan ayuu yiri wasiirka      "Waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxam ed, laga bilaabo Shalay oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022.”

     Wasiirka ayaa sheegay in si KMG ah hogaanka Ciid anka Booliska usii wadayo Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

     Wasiirka ayaa faray saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad-Sugidda in ay ka fogaadaan kumilanka siya asada gaar ahaan arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri

     Wasiirka Amniga ayaa ku wargeliyey Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaanada shar afta leh in ay u madaxbanaan yihiin goorta, Goobta qa bashada doorashada Guddoonka Golaha.

    Tallaabada uu qaaday wasiirka ayaa timid kadib mar kii Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo jeediyey in dib loo dhigi doorashada gu ddoonka Golaha Shacabka ee Arbacada, sababi amni dartood.

    Taliye Xijaar oo la rumeysan yahay inuu ku xiran ya hay Villa Somalia ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri "Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada Shalay dhac aysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doora sahadaasi, sabab amni darteed.”

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Baarlamaan ka & Wari yeyaasha oo loo diiday inay galaan Teendhada Afisiyooni

     Ciidamada ATMIS ayaa qaar kamid ah Shaqaalaha Baarlamaanka iyo Warbaahinta u diiday inay galaan Te endhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu wado inay ka dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

     Saraakiisha Ciidamada ATMIS ayaa u sheegay Sha qaalaha Baarlamaanka & Wariyeyaasha inay dib ugu la btaan Goobihii ay ka yimaadeen, isla markaana aysan ku soo wargelin Ciidamada Booliska oo ay sidhow ula Shaqeeyaan.

     Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay weli dood ad ag ka taagan tahay Xildhibaan nadii lagu doortay Gobol ka Gedo inay ka qyeb galaan doorashada Guddoonka Gola ha Shacabka.

     Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Habee hore ku amray Ciidamada ATMIS inay la wareegaan sugida Amniga Xerada Ciidamada Cirka ee Teendhada Afisiyooni si ay u sugaan amniga doorashada.

     Hayeeshee Taliyaha Booliska Janeraal Xijaar ayaa sheegay in amniga doorashada ay sugayaan Ciidam ada Booliska Soomaaliyeed, taas oo keentay in Wasiir ka Amniga Soomaaliya inuu Shaqada ka joojiyay Taliyi hii Booliska Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Xildhibaan Mahad Salaad oo shaaciyay sida ay Shalay wax u dhaceen

    Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qalalaasihii Shalay laga sa meeyay xarunta uu ku yaallo hoolka doorashada, halk aasi oo markii hore laga hor istaagay inay galaan xildhi baanada.

    Mahad Salaad ayaa sheegay in kooxda Villa Somalia ay ka cabsi qabto in sidii Dorraad ay faro madhan kala laabato doorash ada Guddoonka Golaha Shacabka, islamarkaana ay doonayaan in la fashilayo doorashada.

    "Hoolka ayaa hadda joogna Xil dhibaanada saaxiibadaya ah waxa an ugu baaqeyna inay hoolka yima adan. Dalka meel dheer ayaa laga keenay, nimanka ha dda intaas oo isbaaro ah u dhiganaya Xildhibaanada waa niman aan doorasho rabin waaye oo raba in dalka dib u celiyaan,” ayuu yiri.

    Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Wixii Dorraad ka raa cay Aqalka Sare oo ay ugu fashilmeen dadkii ay dhisay een in hal qof usoo bixi waayay ayey aamisan yihiin in dhinacaas oo kale u socda Golaha Shacabka. Waxay rabaan inay carqaladeeyan oo doorashada la fashiliyo. Kama yeelayno, meesha waa imanay waa joogna.”

    Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxa kale oo uu Mud aneyaasha kale ugu baaqay inay soo xaadiraan hoolka, si ay u dhacdo doorashada guddoonka, taasi oo ay si weyn uga soo horjeedo Villa Somalia inay qabsoomto Shalay.

     "Waa in aan juhdigeena oo dhan isugu geyna sidii ay Shalay u dhici laheyd doorashada oo aan u dooran laheyn guddoonka, si dalka iyo dadkaba loo bad-baadiyo.”

     Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib mar kii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorasha da, oo loo diiday inay dhaafan baraha kontorool.

     Ciidamada Booliska ayaa iridaha laga galo garoonka oo ay ku taallo goobta ka dhaceyso doorashada ku celi nayay xildhibanaada, si aysan uga sii gudbin oo u gaar in goobta doorashada Guddoonka loo diyaariyay.

     "Ciidamada Police ka ayaa si fowda ah irdihii laga ga layey Aden Cadde Airport gabi ahaanba diiday in xi ldhibaanadu tagaan teendhadii doorashada gud oonka golaha shacabka ka dhici lahayd,” ayuu ku yiri qoralka uu soo saaray Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene.

    Hase yeeshe waxaa jira tiro xildhibaano ah oo gud bay, mana cadda inta ay le’eg tahay tiradooda iyo had dii ay ku filan yihiin inuu qabsoomo kulanka Shalay.

Waxaa weli jirta rajo ah in la qabto doorashada guddon ka Golaha Shacabka, waxaana Xalay Wariyeyaa sha loo ogolaaday inay gudaha u galaan hoolka Afisyoo ne si ay doorashadaas ugu soo tabiyaan dadka Sooma aliyeed ee la socda

 

Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo bilaa bay dadaalo xal loogu raadinayo xiisa dda Afisiyooni

      Dadaalo xal loogu raadinayo in laga hortago isku-dhac dhex-mara Hay’adaha Amniga ayaa billowday, waxaana horbo odaya Madaxweynayaashii hore ee dal ka ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxam uud.        Kulan u dhaxe eya RW Rooble, Taliyihii Ciidanka Booliska ee la sheegay in Shaqada laga joojiyay, Madaxwey nayaa shii hore ee dalka, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka dhacday  Saldhiga Airport-ka Muqdisho.

    Arrintaan ayaa looga gol leeyahay sidii si Nabdoon lo ogu qaban lahaa doorashada Guddoonka Golaha Shac abka oo Ciidamo katirsan dowladda ay isku daya yaan inay hor-istaagaan.

      Xerada Afisiyooni ee xeendaabka Ga roonka diyaar adaha Aadan-Cadde ee M/Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka taagneyd xiisad ka dhalay qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo loo diid ay inay galaan si ay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka uga qeyb galaan.

Qaabkii cajiibka ahaa ee xildhibaanada qaar lagu geliyey gudaha Afisyoone

     Waxaa ugu dambeyn Teendhada Afisyoone gaaray tiradii ugu badneyd ee xildhibaanada Golaha shacabka kadib saacado lagu xayiray jidadka laga soo galo Gar oonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

      Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in xildhibaanada qaar ay sameeyeen kaarto cajiib ah oo xildhibaanada la gu soo gudbinayey si ay usoo gaaraan Teendhada Afis yoone oo la filayo inay ka dhacdo doorashada gud doon ka Golaha Shaca bka.

     Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xil dhiba anada cusub ee Golaha Shacabka oo watay gaw aarida dagaalka iyo ciidan tiro badan ayaa gudbiyey illaa 30 xil dhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka kuwa as oo loo diiday inay galaan gudaha Xerada Xalane.

      Xil.Xaadoole oo adeegsanayo ciidankiisa ayaa guda ha u gudbiyey xildhibaanadaan, waxaana sidoo kale jiro xildhibaano kale oo ilaalo hubeysan watay oo soo gudb iyey xildhibaano kuwaas oo awood u sheegtay ciidam adii Booliska ee diidanaa in gudaha loo gudbo.

     Dhabaatada ugu weyn ee xildhibaanada qaar ay waj ahayeen ayaa waxaa kamid ah inaysan heysan ilaali iyo gawaari ay soo raacaan, waxayna xildhibanadaas u badan yihiin kuwa cusub ee ku soo biiray Baarlamaan ka 11-aad.

    Teendhada Afisyoone ayaa hadda waxaa ku sugan ku dhawaad 150 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacab ka, waxaana la sugayaa xildhibaano kale oo Hoteelo ku xayirnaa kuwaas oo hadda loo ogolaaday inay soo baxaan, waxayna xildhibaanada Hoteelada lagu xayiran u badan yihiin kuwa kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

     Guddoomiyaha kmg ah ee Golaha Shacabka iyo xil dhibaanada ku sugan gudaha Teendhadada Afisyoone ayaa go’aan ku gaaray in doorashada guddoonka ays an dhaafin Shalay, waxaana laga yaabaa inay gaarto illaa Xalay Saq Dhexe.

Gudoomiyaha KMG ah oo diiday in hool ka doorashada laga saaro xildhibaana dii laga doortay Ceelwaaq

     Gudomiyaha Ku meel gaarka ah Cabdisalaam Xaji Dhabancad, oo marki 3 aad ku gacan seeray in Holka Dorashada Laga saaro  Xildhibaanada Ceelwaaq

Isku dayadi ugu dambeeyey ee  lagu doonayay in Doo rashada guddoonka golaha shacabka loo ga saaro 16-ka xubnood ee lagu soo door tay Ceelwaaq  ayaa natiijo la’aan ku dha maaday

Isku deygaan oo ay wadeen xildhiba ano sida muuqata is xilqaamay ayuu diiday Gudoomiyaha wuxuu ku adkeystay ineey Codeynayaan.

Xog: Maxaa lagu xaliyey is-mari waagii Afisyoone?

  Sida ay sheegtay in ay  Caasimada Online u xaqiijiye en masuuliyiin ku sugan teendhada Afisyooni waxaa ha dda is faham laga gaaray is qabqabsigii salka ku hayey codeynta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

    6-ka Xildhibaan ee laga soo doortay Ceelwaaq ayaa laga reebayaa codeynta doorashada guddoonka golaha shacabka, maadaama aysan heysan aqoonsiga golaha ee ID-carka.  Sidoo kale Taliyaha KMG ah ee NISA ay aa lagu dhaariyey hoolka, balse ma codey doono, isaga iyo xildhibaan kale oo Hir Shabeelle laga soo door tay, maadaama aysan hey san ID-cardka golaha sha cabka.

 Waxaa meesha laga saa ray oo aan lagu soo hadal qaadin kulamadii wada xaaj oodka xubnihii kooxda Far maajo ay ku soo dhiseen Garbahaarey, sida ay noo xaq iijiyeen masuuliyiin qeyb ka ahaa xal u raadinta is qabq absigaan.

    Waxaa lagu wadaa in Xalay la guda galo doora shada guddoonka golaha shacabka, sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisala an Dhabancad.

    Beesha caalamka oo ugu baaqday madaxda Soomaalida inay is xakameeyaan, doorash adana si nabdoon lagusoo gabagabeeyo

     Beesha caalamka oo bayaan soo saartay, ayaa ku baaqday in geeddi-socodka lagu soo gababageeyo si nabdoon. Waxyna soo dhoweysay doorashadii Guddo omiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqal ka Sare ee qabsooontay 26ka Abr iil 2022. Beesha caalamka wa xay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakame eyaan, khilaafaad kana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, ka na fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystir ka geeddi socodka doorashada.

     "Ka dib dib-u-dhacii dhee raa ee uu lasoo kulmay ge ed di-socodka doorashada Soo maaliya, waa in aan loo oggol aan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka am ni inay carqaladeeyaan marxaladda u gu dambeysa ee geeddi-socodka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay be esha caalamka.

     Bayaanka kasoo baxay beesha ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay loo madlan yahay in la qabto doorasha da guddoonka barlamaanka, inkastoo uu khilaaf xoog gan ka taagan yahay xildhibaannada gobolka Gedo in ay ka qeyb galaan doorashada.

    Lama oga inay Shalay qabsoomi karto doorashada guddooonka barlamaanka, inkastoo guddiga doorasha da uu ku adkaysanayo in doorashada la qabanayo

Madaxda Dalka oo ka Tacsiyeeyay Geerida Jana raal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geer iyooday Dalka Jabuuti

      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tii raanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan um madda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxar ii stee Janaraal Jaa mac Maxamed Qaa lib oo ku geeriy ood ay Dalka Jabuuti.

   Madaxweynaha Jamhuuriyad da ayaa tilmaamay in Marxuum ku uu mud do dheer u soo ade eg ayey Qaranka So omaaliyeed, isaga oo dhawr mar xilka wasiirnimo ka soo qab tay dowladdii dhexe sannadihii 1974-1984-kii, waxa ka le oo uu soo noqday Taliyaha Ciidanka Bool iska Soo maaliyeed sannadihii 1970-1974-kii.

       "Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Mar xuum Jaamac Maxamed Qaalib waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaran ka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer. Wa xa uu xilalka kala duwan oo muhiim ah ka soo qabt ay dowladdii Dhexe, isaga oo markii danbe na door muhi im ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soo maaliya.”

     Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Ja nnatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoys ka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

     Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mxam ed Xuseen Rooble ay isna ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

     "Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku ti mid Allaha u naxariistee Gener



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip