DEG DEG: Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka

0
Thursday April 28, 2022 - 02:35:39 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

Guddoomiyaha kmg ee baaralamaanka soomaaliya Md. Dahanacad ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada xildhibaan Sh. Aadan Maxamed Nuur iyo xildhibaan Xasan Cabdinuur  ka dib markii ay isugu soo hareen tartanka ayaa waxaa ay natiijadu noqtay  in uu ku guuleystay Sh. Aadan Maxmed Nuur oo keenay Codad gaaraya163 Cod 

 dhinaca kale xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa isagana keenay Codad gaaraya 89 Cod

Guddoomiyeha kmg baarlamaanka soomaaliya ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, ka dib doorasho saacado badan qaadatay ayna hareeyeen caqabado.

    Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur.

Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo afjareysa xaalad hubanti la’aan ah oo dalka uu ku jiray in ka badan sanad, waxayna ka dhigan tahay inay hadda dhisan yihiin labadii hay’ad ee sharci-dejinta islamarkaana ay leeyihiin guddoon.

    Guushan ayaa ka dhigan guul u soo hoyatay mucaaradka iyo isbeddelka doonka diidan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga iyo kooxdiisa ay aad u taageerayeen Xasan Cabdinuur.

   Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, hase yeeshee waxaa guushiisa kaalin wanaagsan ka wada qaatay dhammaan Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxweyne goboleedyada dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.

    Doorashada ayaa qaadatay in ka badan ilaa 2: saac iyo 25 daqiiq waxayna timid ka dib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan.

Ugu dambeyn ayaa waxaa codeynta laga reebay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga.

      Guusha Aadan Madoobe ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo kale, ayada oo la filayo inay dhabbaha u xaarto in xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq ay toos uga mid noqdaan Golaha Shacabka.

 iyadoo dhammaan hoolka doorashada sacab is qabsaday magalda muqdisho darayaan rasaasta ay ahyed mid dadka si weyn ugu kicisay hirdada  waxaan halkaa habalyo iyo bogaadin looga diaray sh. adan maxamed nuur aadaaan madoobe guusha uu gaaray iyadoo hoolka doorashada lagu dhariyey
 iyadoo loo ballamay in berri la qabto qeybaha dorashada kuxugeennada 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip