Cabdi Xaashi oo markale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka

0
Tuesday April 26, 2022 - 12:48:04 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Xaashi oo markale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni waxaa maanta lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ay ku tartameen illaa saddex musharrax.

Musharixiinta loolamay ayaa kala ah 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi, 2-Saalax Axmed Jaamac 3-Cismaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay illaa 54 Senator ee uu ka kooban yahay Golaha Aqalka Sare, waxaana guusha ay raacday Cabdi Xaashi.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi helay 28 Cod, Musharrax Saalax Axmed Jaamac ayaa isna helay24 Cod, halka wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe uu helay codad  gaaraya 2 Cod.

Cabdi Xaashi ayaa markale 4 sano ee soo socota hoggaaminayo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo 5 sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Golahan.

Ninkan oo ka mid ah rugcadayaasha siyaasadeed ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa lagu xasuustaa dagaalkii siyaasadeed ee uu horey ula galay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



 
 

Guusha Cabdi Xaashi ayaa dhabar jab ku ah kooxda Villa Soomaaliya, waxaana dhinac kale ee guul siyaasadeed u tahay kooxda Rooble iyo Mucaaradka oo soo dhoweeyey guushiisa.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad oo ay taagan yihiin labada musharrax iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay isku soo taageen illaa 7 Senator oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi oo markale ku guuleystay Aqalka Sare – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip