HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA ABRIIL 2022

0
Tuesday April 26, 2022 - 08:01:55 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA ABRIIL 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Faransiiska ee guuleystay

   Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaa day ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa

 dalka Faransiiska Emmanuel Ma cron guusha uu ka gaaray doora shooyinka dalkaas, kaddib markii loo doortay Muddo xileed Labaad oo Madaxweyne.

Qoraal uu Farmaajo soo dhigay bartta twitter-ka ayaa waxaa uu kuyiri” Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faraxsan yihiin in madax weyne

    EmmanuelMacron dib loo doorto waxaayna u rajaynayaan guul. Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah.

Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Faransi Iska ee Emmanuel Macron ayaa waxaa tartan ad ag oo doorasho la gashay haweenayda xisbiga afkaarta fog ee Marine Le Pen.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka bilaabay Magaalada Geneva

      Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Gen eva kula kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas Da njire Philip Parham, ka hor shirka heerkiisu sarree yo ee looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika kaas oo berri ka furmaya Geneva.

    Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo horumarinta iskaa shiga xooggan ee lab ada dal iyo xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen habsami u socodka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya. Danjire Parham ayaa Ra’iisul Wasaa re Rooble uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u maamulay doorashooyinka dalka oo si guul ah ku soo gaaray heer gebogebo ah.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay iskaashiga iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee kala dhaxeysa dowladda Soo maaliya, gaar ahaan xilliyada ay ku jirto duruufan adag oo kale

Guddida qaban qaabada Doorshada guddon ka aqalka sare oo booqday goobta doora shadu ka dhacayso

      Gudidda qaban qaabada Doorashada Guddo onka aqalka sare ayaa kormeer ku tegay Xarunta Teendhada Afisyoone oo beri 26-ka bishan ay ka dhacayso Doorashada Guddoonka aqalka sare ee Baarlamaanka.

Xubnaha Gudidda ayaa kormeer kooda la xiriiray xaqiijinta u diyaar garowga hasha baaxadda leh ee guddo galja Doorashada Guddoon ka aqalka sare.Doorashada beri ayaa waxa ay xu bnaha aqalka sare kusoo dooran doonaan Gud doomiyaha Aqalka sare iyo Ku-xigeenadiisa.

Xildhibaannadii lagu doortay degmada Ceelwaaq oo la dhaariyay

      Waxaa Hotel kuyaalla Xeenda abka Garoonka Diyaarad aha Aad an-Cadde ee Magaaada Muqdi sho lagu dhaariyay 16-kii Xildhib aan ee dhawaan lagu doortay deg mada Ceelwaaq ee Gobolka Ge do. Munaasab adda dhaarinta xildhib aanada waxaa goob joog ahaa Gudoom iyaha KMG ah ee Baarlamaanka 11-aad, Xoghay aha Baarlamaanka iyo qaar kamid ah xildhiba ana da Jubaland.Shalay ayaa qorshuhu ahaa in 16 Xildhibaan la gu dhaariyo Xerada Afisiyooni ee M/Muqdisho, balse ay goobta tageen 16 kale ee lagu doortay degmada Garbahaareey, waxaana buuq ka dha shay halkaasi kadib laga soo wareejiyay dhaari nta.

16 Xildhibaan ee lagu dhaariyay Magaalada Mu qdisho ayaa waxaa la fil ayaa inay ka qeyb gala an doorashada Guddoo miyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen, taas oo lagu wado in 27 Bishaan lagu qabto xer ada Afisiyooni.

Weerar Lagu Qaaday Hoteel Lagu Dhaarinay ay Xildhibaanadii Lagu Soo Doortay Ceel-Waaq

     Xildhibaanadii dhawaan lagu soo doortay M/ Ceel-waaq ee degaan doorashada Labaad ee Jubbaland ayaa  la dhaariyay, iyadoo sidoo kale ay jiraan Xildhibaanno kale oo lagu soo doortay Garbaharreey oo iyagana Xalay lagu dhaarinayo Muqdisho.

     16-ka xildhibaan ayaa la dhaariyay, waxaana inta dhaarintu socotay weerar lagu qaaday Hoteel ka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Ci idan taabacsan dhanka Farmaajo  kana tirsan NISA ay weerarka qa adeen Sidoo kale Wa xaa dhaarintooda go objoog  ka ahaa gud doo miyaha kmg ah ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federal.

     Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha shacabka oo Xildhibaanada dhaariyay ayaa sheegay in we erarka ay soo qaadeen Ciidamada ammaanka oo uu sheegay in ay ka amar qaataan madaxda sare

Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka oo sheegay in lagu soo weeraray hotel lagu dhaa rin ayay xildhbaannada Ceelwaaq lagu soo doortay

      Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee barlam aanka Soomaaliya Cabdisalaan dhabancad ayaa sheegay in lagusoo weeraray hotel lagu dhaari na yay xildhibaannada lagusoo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiye Dhabancad waxa uu sheegay in cii damada dowladda loo adeegsaday sidii looga hor tagi lahaa dhaarinta xildhibaannada, wuxuuna sheegay in dhammaan xarumihii dowla dda ee la gu dhaarin lahaa xildhibaanada laga hor istaagay

      "Waxa dhacaya waxaan ku tilmaami karnaa, yaan waxba dhismin. Waxaan moodayay in la he lay waayo aragnimo ku filan in helo dowlad oo dal ku dhismo oo ummaddu dhibaatada ka yaraato. Waa kusii badanaysaa, weli dalku ma bisla," ayuu yiri guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka.

Dhabancad wuxuu sheegay inay sha qadooda sii wadayaan illaa lagasoo doorto guddoomiyayaa sha labada aq al ee barlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale guddiga doorashada ayaa sheegay in si rasmi ah loo dhaariyay 16 ka xildhibaan ee Ceelwaaq lagusoo doortay, kuwaas oo ay shee geen inay ka qeyb galayaan howlaha barlamaan ka ee soo

Rooble oo war kulul ka soo saaray weerarkii lagu qaaday guddoomiye Dhabancad

      Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan mag aalada Geneva ee wadanka Switze rland ayaa war ka soo saaray weerarradii Shalay lagu qaaday gu ddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacab, xilli uu doonayey in uu dhaariyo 16-kii Xil dhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq. "R/Wasa araha XFS Md.Maxamed Xu seen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeyna yo habsami u socodka doora shooyinka, fici lladaas oo uu  ugu dambeeyay isku daygii Shalay lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Go laha Shacabka, Ho wlwadeennada Golaha Shac abka iyo 16-kii xildh ibaan ee dhaw aan lagu doo rtay degmada Ceel waaq ee G/ Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal ka.

    R/Wasaare Rooble ayaa digniin u diray taliyey aasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda, isagoo uga digay  in ay ku lug yee shaan falalka gurracan ee lagu carqal adeyn ayo habsami u so codka doorashada oo heer gebogebo ah mar eysa.

      Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa shacabka Soo maaliyeed wuxuu ka codsaday in ay isha ku haya an dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.

"R/ Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay  sida geesinimada leh ee gud doonka  KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajib aad kooda gutaan.”

     Ugu dambeyntii qoraalkaan waxaa lagu yiri,      

    "R/Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xil dhibaan nada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelina yaa in ay u miboobaan dha mmeystirka doorash ada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.”

Madaxweynaha Jubbaland” Waa nasiib da rro weerarkii lagu qaaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka

     Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubba land Axmed Maxamed Islaam, ayaa Warsaxaafa deed uu soo saaray wuxuu nasiib daro ku tilma amay qorshayaasha Madaxweynaha Xilkiisu dha maaday uu ku carqaladayno doorashooyinka dal ka oo ay u danbaysay weerarkii  lagu qaaday Gud oomiyaha KMG ah ee golaha shacabka oo ka qey bgalayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano katirsan Golaha Shac abka.

     Waxaa Madaxweynahu uu tilma amay in lagula xisaabtami doono sarakiisha amn iga ee fulinaya ama rada sharci dar ada ah ee kasoo baxaya Madaxw eynaha xilku ka dhamaaday kuwa as oo lagu fa shilinayo doorashoo yinka gaba gabada maraya.

      Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah ee golaha shacabka sida naf hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka.

      Ugu danbayntii waxaa Madaxweynahu uu sha cabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab ista agan Xildhibaanada baarlamanaka iyo gudoonko oda KMG ah si dalka looga saaro marxaladan ad ag isla markaana ay indhaha ku hayaan qorshay aasha lagu curyaaminayo in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka gaba gabada maraya taas oo masuuliyadeeda ay qaadayaan saraakiisha ciid amada iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xukuumadda oo ka hadashay qaraxa lagu dhaawacay Sarkaalka katirsan Ciidamada Millateriga

      Ka dib markii Shalay barqadii qarax Miino la gu dhaawacay xilli uu marayay agagaarka Isgoys ka Banaadir ee M/Muqdisho sarkaal ka tirsan Ciidamada Millateriga oo lagu Magaca abo Ge neral Maxamed Xaashi ayaa waxaa ka hadashay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay Ge neral Maxamed Xaa shi oo qaraxa ku dhaa wacmay, sidoo kalena uu u tacsiyadeeyay labaa mid ah ilaaladiisa oo qaraxa ku dhaawacmay.

Qoraal uu Afhayeenka soo dhigay Bartiisa Face book ayuu ku sheegay in General Maxamed Xaa shi uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah  u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Afhayeenka Xukuumadda Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu.

     Caafimaad deg deg ah ayaan Eebe uga bary aynaa General Maxamed Xaashi Guuleed.

Kooxda cadowga ee Shabaab waxaa ay Shalay qarax miino ku bartilmaameedsadeen General Ma xamed Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee CXDS inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalkii hore ee Digfeer kaas oo uu soo gaaray dhaawac.

      Waxa aan General-ka Ilaah uga baryeynaa in uu siiyo caafimaad deg deg ah , waxa sidoo kale aan halkan u tacsiyadeynayaa qaraabada  labada askari ee geeriyooday oo kala ah Feysal Xasan Cumar iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ah aa ilaalada Jananka ,waxana aan Eebe uga raj eynayaa in Janadiisa uu u hibeeyo.

      General Maxamed Xaashi waxa uu ka mid ya hay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah  u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ,xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga So omaaliya. Ilaah ha caafiyo.

Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay xildhib aanada kas oo jeeda HirShabelle + Ujeedka

     Madaxweynaha dowlad goboleedka HirSha be lle, Mudane cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaa we) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ay aa Habeen hore kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Hiiraan iyo Shab eelaha Dhexe

    Cali Guudlaawe ayaa kala hadlay xildhibaanada baarlam aanka ee laga soo doortay HirShabelle arrimo ku aadan dhammeystirka doorashada dalka, gaar ah aan mida guddoonka Golaha Aqalka Sare.

     Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xildhib aanada uu la kulmay inay qaataan kaalintoda, is la-markaana ay u midoobaan sidii ay u soo saari lahaayeen musharrax Cali Shacbaan oo ka soo jeeda Hiiraan, kaas oo u tartamaya xilka gudoomi ye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Soo maaliya.

      Cali Shacbaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa dadaal xoogan ugu jira ku guuleysiga xilkaasi, balse wuxuu loolan adag kala kulmayaa Senator Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo isna isku soo ta agay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare, kaas oo ka soo jeeda Galmudug. Sidoo kale waxaa fashil ku soo dhamaaday gogol ay Galm udug u dhigtay HirShabelle, taas oo ay ku dalban eysay in loogu tanaasulo kursiga gudoomiye xi geenka koowaad ee Aqalka Sare, balse waxaa dalabkaas ku gacan seeray xubnihii ka socday HirShabelle oo ku adkeystay inay tartamayaan.

Doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay beri ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana haatan caasimada laga dareemayaa diyaar garow ku aadan doorashadaasi.

     Si kastaba, doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka ayaa muhiim u ah doorashada ma daxweynaha oo iyadana dhowaan la guda geli do ono, waxaana loolanka uu yahay mid culus.

Garab ka mid ah Guddiga FEIT oo shahaado siiyay xubnihii kusoo baxay doorashadii Garbahaarey

     Garab kamid ah Guddiga doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) ayaa qabtay munaasibada uu shahaadooyin ku siinayo xubnihii kusoo baxay doorashadii lagu qabtay Garbahaarey, oo kal hore uu guddoonka guddiga FEIT uu shaaciyay in laga wareejiyay kuraas tii taallay.

    Garabkaan oo la fah amsan inay si toos ah u gu xiran yihiin Villa Som alia ayaa waxay dalbadeen in xubnaha kusoo ba xay doorashadii ka dhacday Garbahaarey la siiyo kaar-ka aqoosniga Xildhibaanimo, si ay uga qeyb galaan dorashada guddoonka Golaha Shacab ka.

     "Ilaahay ayaa mahadsan si nabad ah noogu soo gaba-gabeeyay oo safarka noo soo fudude eyay, inoo sahleyna in Shahaadooyinka aan bix ino Shalay. Waxaa u mahad-celinaya guddoomiy aha KMG ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo runtii si geesi-nimo leh u aqbalay inaysan diiwaan-gelin oo dhaarin dadkii kusoo baxay nidaamkii baal-marsana doorashada ee laga soo abaabulay magaalada Ceel-Waaq,” ayuu yiri Cabdiwali oo kamid ah xubnaha Gudd iga FEIT.

     Sidoo kale waxa uu ka codsaday guddoomi yaha KMG ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud in sida ugu dhaqsaha badan u dhaariyaan xubnihii kusoo baxay 16-ka Kursi ee doorasha dooda lagu qabtay Garbahaarey.

      Doorashada 16-ka Kursi ayaa ka kala qabso omtay Garbahaarey iyo Ceel-waaq, ayada oo gud doonka guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu kal hore shaaciyay in sababo amni darteed aan doorasho lagu qaban karin Garbahaarey, isla markaana loo raray kuraastii halkaas taalay mag aalada Ceel-waaq.

    Go’aanka guddoonka guddiga FEIT ayaa waxa si adag uga horyimid Farmaajo iyo xulafadiisa, oo ayagu markii horeba awood ciidan ku haystay Ga rbahaarey, halkaasina ka sameeyay doorasho aan ogolaanshiyo ka haysan guddoonka FEIT.

Waxay su’aal ka taagan tahay shahaadada ay bix iyeen xubno kamid ah guddiga FEIT inay u sha qeyn doonto xubnaha laga soo doortay Garbaha arey, ayada oo la ogyahay in xildhibaano uu gu ddoonka FEIT iska hortaagay shahaadada aysan illaa Shalay aheyn kuwa rasmi ah.

     Si kastaba, waxay u badan tahay in kuraasta doorashadooda ka dhacday Ceel-waaq ay noqon doonaan kuwa helaya aqoonsiga, inkasta oo weli aysan hubneyn, maadaama ay garab taagan yih iin Jubbaland, guddoonka guddiga doorashada FEIT iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta oo lagu dilay Muqdisho

   Koox hubeysan ayaa Xaafad katirsan degmada Dharkeenleey ee G/Banaadir waxaa ay ku dileen X/le Xirsi Raage Wehliye (Xagaley) oo ka mid ah aa Saraakiisha Taliska Ciidanka Asluubta Somal iyeed. Sarkaalkaan ayaa ka howlgalayay  qeybta hoggaanka howlgelinta Ciidanka Asluubta Soo maaliyeed, iyada oo Kooxdii ka dambeeys ay dilk iisa ay Goobta ka baxsadeen.

    Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Xigeenka Cii danka Asluubta Somaliyeed S/Guuto Cabd ikariin Cali Afrax ayaa ka tacsiyeeyay dilka Sarkaalka.

     Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in  /le Xirsi Raage Wehliye (Xagaley) uu ahaa mid daacad u ah dalkiida iyo dadkiisa, isla markaana si wanaag san ugu Shaqeeyay.

      Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil kaas, iyada oo ay xusid mudan tahay in dilal ho ray uga dhacay M/Muqdisho & Gobollada dalka ay sheegteen Al-Shabaab.

Salaad Roob-doon ah oo laga dukaday Harg eysa & Muuse Biixi oo ka qeyb galay

     Madaxweynaha Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada ku dhaqan caasimadda Har geysa kala qaybgalay tukashada salaad roob-ddo on ah oo Dorraad la iclaamiyey, manta  la oogay.

     Madaxweynaha oo ay weh elinayaan xubno ka mid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo sa raakiil kale, ayaa shacabka kala qaybgalay sal aad roob-doon ah oo lagu oogay masaajidka Ibraahi m-dheere ee M/ Hargeysa.

      Wasiirka wasaaradda Diin iyo Awqaafta Som aliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa bulshada u jeediyey khudbad dheer oo u sa absan iscafinta, Alle bariga iyo midaynta quluubta bulshada, waxana uu ku baaqay inay maalmaha Khayrka leh ee bisha Ramadaan ku camiraan ba ryada Eebbe, gaar ahaan weydiisashada raxma adka oo waqtigan dad iyo duunyoba baahi weyn loo qabo.

     Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Somalil and Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa isa guna bulshada reer Somaliland ugu duceeyey in uu Eebbe abaaraha kasoo jebiyo, isaga oo shac abkana ugu baaqay inay tobad-kenka badiyaan.

    Degaannada Soomalailand ayaa waxaa xilliga an ka jira abaar aad u daran taas oo saameysay dad & duunyo, waxana dhowr jeer Madaxda Som aliland ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in loo soo gurmado.

Dil ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose

     Kooxo hubeysan ayaa  Xaafada Doolaale  oo katirsan dagmada Afgooye ee G/Sh/Hoose waxaa ay kudileen laba Ruux, iyaga oo dilka kadib goob ta ka baxsaday.

    Labada Ruux ee la dilay oo Magacyadooda la gu kala sheegay Cumar Gaduudow iyo Qaasim ayaa waxaa Wararka aan helnay ay sheegayaan in ragga la dilay

mid uu la Shaqeeynayay Guddoo miyaha degmada Afgooye halka mid kale uu la Shaqeynayay Gudd oomiyaha Xaafada Doolaale ee degmada Afgooye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip