HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OOAH ISNIIN 25-KA ABRIL 2022

0
Monday April 25, 2022 - 08:33:19 in Wararka by
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OOAH ISNIIN 25-KA ABRIL 2022

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shalay uu ambabaxay dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay safar hal maalin qaadan doona ugu amba baxay Magaal ada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas oo uu uga qeyb galaya shir caalami ah oo ku saabsan abaa raha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.

Shirka oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda da lalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeedin doonaa khud bad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.

Ka qeyb galka R/ Wasaaraha ee Shirka Gen eve ee arrimaha abaaraha, xilli ay gebogebo mar eyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yah ay, ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay in in dhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaal adda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurm ado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Goobta lagu qabanayo doorashada gudoonka golaha shacabka oo la shaaciyey

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gud doonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday goobta la qorsheeyey in lagu qabto doorashada guddo onka golaha shacabka.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in Shaqadii loo igmaday ee do orashooyinka Guddoonka int ooda badan ay soo geba-gabeeyeen, isaga oo in taas ku daray in dhamaan musharrixiinta guddoon ka Golaha Shacabka ay khudbadahooda musharr axnimo jeediyeen, wuxuuna xusay in shaqada ha dda harsan ay tahay in la qabto doorashada gudd oonka.

Guddoomiye Cabdirsaaq oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in doorashada Guddoon ka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhi ci laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa loona bedel ay hoolka Afisiyooni.

Sababta looga badalay Villa Hargeysa ayuu ku sheegay inay tahay in munaasabadda ay kasoo qeyb geli doonaan mas’uuliyo badan sidaas dart eedna loo baahan yahay meel wada deeqi karta sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayuu guddoomiyaha sheegay in kula madii ugu dambeeyey ay xarunta ka dhaceen fal al amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo Shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ayaa hor ey u dalbaday in doorashada guddoonka Golaha Shacabka lagu qabto xerada Afisyooni iyagoo xu say in ammaanka Villa Hargeysa aan la isku hal eyn karin.

Doorashada guddoomiyaha oo ay isku soo taageen illaa 8 murashax ayaa la filayaa in la qabto 27-ka bishan, si dardar geliyo doorashada Soomaaliya ee 2022-ka.

Maxamuud Sayid oo si aan horey u dhicin ugu garnaqsaday FARMAAJO

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxam uud Sayid Aadan oo shir jaraa’id qabtay kadib doorashadii lagu soo gabagabeeyey Ceelwaaq ayaa u gar naqsaday madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isku heyb ay yihiin. Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyey Farmaajo inuu sameeyey qorshe ka sta oo dadkiisa reer Gedo uu ku cuuryaami karo, balse hadda uu ka codsanayo in dhibaato iyo jid gooyo dambe uusan u dhigin dadkiisa tabaaley san.

Wuxuu si qota dheer uga hadlay arrimaha ku xeeran doorashadii 16-ka kursi ee Ceelwaaq ay ku qabteen labadii maalmood ee lasoo dhaafay, wuxuuna carabka ku adkeeyey inuu jeclaan lahaa in doorashadaan ay ku qabtaan Garbahaarey, ba lse ay waayeen meel ay Farmaajo ka maraan.

Mudo labo sano ah waxaa Garbahaarey, Dool ow, Luuq iyo Beledxaawo oo ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo maamulaya ciidan ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo, waxayna Jubaland gobolkaas ka maamushaa degmada ay doorashada ku qabatay ee Ceelwaaq.

"Waxaan rabaa inaan la garnaqsado Madax weynaha Soomaaliya walaalkey Maxamed Cabdu llahi Farmaajo, Madaxweynow ina adeerow, dad ka reer Gedo xadgudubyada aad u geysatay ee sanadaha socday oo xeerarka iyo dastuurkii aad ku dhaara tay ka baxsan, naga jooji, waxaan na gu filan intaa noo geysatay,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu ku celceliyey in Garbahaarey ay mudn eed in lagu qabto doorashadaan, balse ay xoog ku heystaan ciidamo ka amar qaata Farmaajo, "Walaalkeenow dhibaato intaa nasoo marsiidaa noogu filan, kadaa oo mid kale hanoo celin,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jubba land oo sii waday garnaqsigiisa, wuxuu Farmaajo xasuusiyey in sanadkii 2016-kii ay u codeeyeen xildhibaano uusan kuraas u soo boobin, isagoo kula taliyey in sanadkaan uu isku kalsoonaado.

"2016-kii xildhibaanadii gobolkaan codkooda aya ad ka barisay, waana ku siiyeen, adigu sooma aa dan xulay, in lasoo doorto lacag kuma aadan bi xin, Madaxweyne ayaad Soomaaliya ka noqotay, war Shalayna hadii aad musharax tahay xildhi ba anada codkooda weydiiso, laakiin xoog ha isku de yin, wax aad ka faa’iideyso malahan, cadaaw ad &taariikh xumo ayaad kala kulmeysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku cataabay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu dhex taagnaa gobolka Gedo, isla markaana uu Shalay Farmaajo ka faro maroojiyey, "War ninyahow isku xishoo, tacabka yagii oo dhan ayaad burburisay, midnimadii, horumarkii, ammaankii, garsoorkii iyo guud ahaan maamulkii dadkeyga ayaad burburi say,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubba land.

DENI oo kulamo xasaasi ah ka wada MUQDISHO

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka wada kula mo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Deni ayaa la shiray ra’iisul wasaaraha Soomaal iya, Mudane Maxames Xuse en Rooble iyo mada xweyni hii hore ee dalka Xasan Sh.Maxamuud, iy aga oo is ka xog wareystay xaaladaha soo kordh ay iyo caq abadaha weli ka taagan dhameystirka doorasha da 2022-ka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid ay dibad joog ka tahay saxaafadda, waxaana qoraal kooban oo ay soo saartay madaxtooyada Puntland ku shaacisay kulanka mas’uuliyiintaan, kaas oo qayb ka noqonayo ololihiisa doorashada madaxweynaha ee Deni. Sidoo kale madaxweyn aha Puntland ayaa bilaabay inuu la shiro xildhiba anada Golaha Shacabka, si uu uga gado damiic sa siyaasadeed ee hoggaanka Villa Soomaaliya.

Xubnaha uu la shiray ayaa waxaa ka mid ah Mah ad Salaad oo ka tirsan mucaaradka, isla-mar kaana ka mid ah xisbiga UDP ee madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Md.Saciid Deni ayaa dhowaan usoo wareegay Muqdisho, si uu dardar geliyo ololihiisa doorasha da, maadaama la guda-galayo doorashada mada xweynaha Soomaaliya.

S i kastaba, hoggaamiyaha Puntland ayaa wax aa loolan xoogan uu kala dhexeeya Farmaajo oo ay marar badan hadallo kul kulul ay isku mariyeen warbaahinta gudaha.

Ciidamada DF oo howlgal culus ka sameeyey Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaali ya ayaa Habeen hore howlgal ballaaran ka sameeyey xa afado ka tirsan degmada Kaaraan, kaas oo ka dhan ahaan kooxaha ciyaal weerada ee kusii xo ogeystay degmadaasi. howlgalka oo ay hoggaa minayeen guddoomiyaha Kaaraan iyo saldhigga Booliska degmadaas ayaa waxaa lagu soo qabt ay koox ciyaal weero ah iyo hoggaamiy eyaashoo da, kuwaas oo la dhigay xabsiga, si loo ga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Guddoomiye Abshir Kaaraan oo Wariyeyaasha la hadlay, kadib howlgalka ayaa shaaca ka qaad ay inaysan aqbali doonin dhibaateynta dadka sha cabka ah, isaga oo farriin culus u diray waalidiinta dhalay dhalinyaradaas fowdada ka wada xaafada ha degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi in ragga lasoo qabtay ay horey uga digeen inay faraha kala baxaan falal ka ay gacmaha kula jiraan, balse ay ka dhaga adeedeen, wuxuu na tilmaamay in haatan ay ka qaadan doonaan go ’aan culus.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan baaritaanada habeenkii ee lagu xaqiijinayo amniga degmada Kaaraan oo ka mid ah degmooyinka qaar ee looga barakacay kooxa ha ciyaak weerarada ee ka jira magaalada Muqdi sho. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka caasimada oo xilliyada habeenkii ahby la soo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala du wan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyin ka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheyso culeyso amni oo is biirsaday sida qaraxyo, dhac, weeraro ay geysanayaan dhalinyarada ciyaal wee rarada iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay daa ha doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Doorashada Kursiga HOP009 Oo Shalay Ka Dhacday Magaalada Jowhar

Doorashada kursiga HOP 009 oo ka dhacday Shalay magaalada Jowhar ayaa waxa ku guuley stey Cali Xasan Ibraahim (Cali Ga ab) isaga ka guuleystey xildhibaan kii shantii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigaa Sheekh Cabdi rsitaar Cabdsalaan Sh.Xasan Bars ane. Xildhibaan Cali Gaab oo ah nin ganacs ade ah ayaa waxa uu helay codad gaaray 67 cod hal ka Cabdisitaar uu ka helay 33 cod Waxaana hala

abay hal cod.


Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay saldhig ku yaalla Beledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khas aaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo si weyn jugtiisa looga maqlay magaalada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhex dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dha shay miino lagu dhajiyey gaari nooca Cabdi Bil aha ah oo yaallay gudaha saldhigga.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaan ku dhaawa cmay ugu yaraan 2 askari, iyada oo uu burbur xo ogan soo gaaray baabuurka qaraxa lagu dhajiyey, sida aan xogta ku helnay.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa, kadib qaa day howlgal ay ka sameeyeen agagaarka saldhi gga la beegsaday, iyaga oo baadi goobayey rag gii ka dambeeyey qaraxaasi.

Ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen dhacdadaasi iyo howlga llada ay sameeyeen, kadib qaraxa.

Xaaladdda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiid ka iyo sidoo kale ganacsiga, sida ay soo warrinay aan wararka laga helayo halkaasi.

Beledweyne ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaa fay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaa na ugu dambeeeyey weeraradii is miidaaminta ah aa ee dhowaan ka dhacay magaaladaas, kuwaas oo mid ka mid ahaa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi

Puntland oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriir ta weerarkii wasiirka arrimaha dibedda

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qo raal kooban soo saaray ayaa guddi ka kooban lix xubnood u xil-saaray weerarkii habeenkii Jimcaha ka dhacay waqooyiga Gaal kacyo.

Guddiga ayaa baaris iyo dabagal ku sameyn doono si da ay wax u dhaceen, maa daama la beegsaday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ay ku jiraan odayaal.

"Waxaan guddi baaris kusoo sameeya u mag acaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalk acayo ee xarunta gobolka Mudug,” ayuu yiri Karaash.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa guddoo miye looga dhigay wasiir ku xigeenka wasaarad da amniga ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan.

Sidoo kale waxaa qayb ka ah guddiga xildhiba ano iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Booliska iyo maxkamadda ciidamada ee maamulkaasi.

HALKAN HOOSE KA AQRISO MAGACYADA:-

1- Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xig eenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye

2- Xil Axmed Jaamac C/lle.(Xildhibaan Puntland).

3- Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame. (Xildhibaan Puntland).

4-Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).

5- Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliy aha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntl and)

6- Asad Faarax Maxamed. (Xoghayn) Si kastaba, weerarkii Gaalkacyo ee habeen hore lagu bartilm aameedsaday wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdisaciid Muuse, Nabaddoon Yaasiin Cabdi samad iyo xubnaha qoyska wasiir Cabdisaciid ay aa waxaa geystay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo kulan afureedka xubnahaasi qoys ahaanta u shirayay u arkay mid siyaasadeed oo ka dhan ahaa Puntland iyo madaxweynaheeda murashaxa madaxweyne ah ee Saciid Deni.

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka aan ka heleyno xaafad ka tirsan M/ Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galm udug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Shalay lagu dilay Wiil dhallinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Wiilka la dilay uu kamid ahaa Dadka Muruq-maalka ah, uuna dilay Nin lagu magacaabo Bile Xaashi Faa ndows oo la sheegay inuu isticmaalay waxya abaha maanka dooriyaha, sidaasina uu Wiilka ku dilay.

Marxuumka dhintay ayaa isna waxaa magaci isa lagu soo koobay Burhaan, waxaana Wiilka la dilay iyo Ninka wax dilay ayaa kala ahaa ilmo Abti iyo Eedo, iyadoona qoysaska labada dhinac ay ka naxeen dilkaas ka dhacay xaafadda Waaberi ee Dhuusamareeb.

Bile Xaashi Faandows oo ah Ninka falka geys tay ayaa goobta uu dilka ka dhacay oo aheyd Xaa fadda Waaberi ee Dhuusamareeb ka baxsaday, waxaana socda howlgalo Ciidanka ammaanka Maamulka ay ku baadi goobayaan Ninka falkaas geystay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa marar hore sida an oo kale uga dhacay dilal ay isku geysteen dad isku qoys ahaa, iyadoona la amaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay dilalka ka dhacay Magaaladaas.

Taliska Booliska Nugaal Oo Digniin Adeg U Diray Waalidiinta Carruurta Iyo Dad Kale

Kulan looga hadlaayay amniga Gobolka Nuga al ayaa Shalay oo Axad ah ka qabsoomay M/Gar oowe ee Xarunta Gobolka, kaasi oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidamada am maanka gaar ahaan kuwa Boolis ka iyo Nabadsugida Gobolka.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga Caasim adda Maamulka ee Magaalada Garoowe, kan Go bolka iyo u diyaar garowga su gida amniga ee ma almaha Ciidul fitriga oo maal maha kooban naga xigaan.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/ Sare Xussen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaa hinta ayaa waxaa uu sheegay inay Ciidamo u diy aariyeen kahortega Carruurta waxyeelada isku geysata, inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda, isa goo farriin adeg u diray waalidiinta dhalay Car ruurta

Xukuumada Somaliland oo qaylo-dhaan kale kasoo saartay xaalada abaarta

Guddida xukuumada Somaliland u igmatay wax ka qabashada abaarta ku dhufatay deegaan ada Somaliland, ayaa sheegt ay in xaalada abaar tu ay ka sii darayso, isla markaana la ga cabsi qabo in ay saamay so dad ka badan hal milyan.

Madaxweyne ku Xigeenka Somalil and Cabdi raxmaan Cabdillaahi Is maaciil Saylici, ahna gud doomiyaha guddida ab aaraha, ayaa ku dhawa aqay in xaalada abaartu ay kasii darayso isla markaana uu dadkii reer miyi ga ahaa sii jilcayo.

"Hadii aan raxmaadka Ilahay inosoo dedejinin xaaladu aad ayay u sii adkaanaysa, meel adag ay ay sii maraysa dadkiina wuu sii jilciyaa, dadkii Shalay toole gurmadka u baahna ee 5 bilood ka hor lagu qiyaasay, 810,000 ee qof, imika waxay ta gaysa 1,500,000 oo qof" ayuu yidhi Saylici.

Ma daxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in tan iyo markii abaarta lagu dhawaaqay ay xukuu mada iyo ganacsatada Somaliland oo iskaasha nayaa 20,000 oo booyadood oo biyo ah ay qay biyeen isla markaana ay raashin gaadhsiiyeen 55,900 oo qoys oo reer miyi ah.

Saylici ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacan ka gaystaan wax ka qabashada ab aaraha "Waa in shacabka Somaliland guddo iyo dibadba u diyaar garoobo in uu ka qayb qaato taakulaynta dadkeena abaartu saamaysay".

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ah salaad roob doon ah laga tukan doono Somaliland "Waxaanu iclaaminay naa in berri oo Isniin ah roobdoon laga akhriyo gobolada dalka Somaliland".

Inkasta oo roobab ka da'een qaybo kamid ah gobolada Somaliland, hadana ilaa hada lama helin roobab lagu diirsado oo dadka xoolo dhaqa tada ahi kaga soo doogaan abaaraha saamee yay.

Dowladda Qatar oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday maqaayad ku taal liido

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareey say qaraxii Al-Shabaab ay ku qaadeen Maqaayad dhanka badda ah oo ku taal xeebta liido mag aalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dileen ugu ya raan lix qof ayna ku dhaawacmeen 7 kale.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayay ku sheegtay inay dii daweerarkaas uu yahay mid argagixisanimo, iya doo aan loo eegin ujee ddada iyo sababta.

qof isa soo miidaamiyay ay aa isku qarxiyay afaafka hore ee maqaayada Pescat ore Sea Food , halkaasi oo ay isugu soo ku su gnaayeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacab ka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliya dda weerarka., iyaga oo sheegay in ay bartilm aameedsanayeen saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin shir ku lahaa Maqaayada ku taal degmada C/ca siis ee magaalada Muqdisho.

Emmanuel Macron Oo Markale Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kaga adkaaday mura shaxa midigta fog ee Marine Le Pen doorashadii ku celi ska ahayd ee Axaddii dhac day.

Yadoo aan si rasmi ah loo shaa cin guusha Mac ron ayaa saadaasha ugu horeysa waxa ay muu jinaysaa in Macron uu helayo ku dhawaad ​​​​57-58 boqolkiiba codadka wareegii lab aad ee maanta.

Le Pen, oo ah musharraxa xisbiga midig-fog ee RN (Baarlamaanka Qaranka), ayaa heshay 41.8 boqolkiiba codadka, taasoo ah tii ugu sarreysay saddexdii tartan ee u dambeeyay ee ay ku guul darreysatay.

Le Pen waxay qiratay guuldarada hadal ay jeedi say wax yar ka dib markii saadaasha cod bixinta la sii daayay.

Macron wuxuu noqon lahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Faransiis ah jiil ka mid ah oo ku guu laysta mar labaad, tan iyo Jacques Chirac 2002.

Laakiin waxa uu wajihi doona qaran kala qay bsan iyo dagaal uu ku ilaalinayo aqlabiyadiisa baa rlam aanka doorashooyinka sharci dejinta ee bi sha June. Waa madaxweynihii saddexaad ee abid Faransiis ah oo ku guulaysta laba xilli oo isku xigta. Natiijada rasmiga ah ee ugu danbeysa ee wareega ugu dambeeya ee doorashada madaxw ey naha ayaa la soo saari doonaa 27-ka Abriil.

China oo iska fogeysay inay saldhig millat ari ka sameynayso Soomaaliya

Dowladda China ayaa waxay iska fogaysay In ay raadinayso sidii ay saldhig millatari uga same ysan lahayd gudaha dalka Soom aaliya.

Safiirka China ee Soomaaliya, FEI Shengchao oo wareysi siiyay war baahinta Goobjoog ayaa ku sifeey ay xog been abuur ah hadal horey ugasoo yeeray taliya ha ciiddanka Maraykanka ee Afrika.Gen, Steven Towsend, ayaa dhowaan wareysi laga qaaday wuxuu ku sheegay in Soomaaliya iyo China ay ka wada hadleen qorshaha dhismaha saldhigga mila tari ee uu china ka dhisanayso gudaha Sooma aliya.

"China ma raadinayo inuu saldhig milatari ka dhisto Soomaliya, Sidoo kale Soomaliya kama ay naan wada hadlin mowduucaas. Ma garanayo me esha xogtaan laga keenay,” ayuu yiri safiirka Chi na u fadhiya Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, China iyo Maraykanka ayaa loolan xooggan ugu jira saamayntooda Ge eska Afrika, iyagoo diblumaasiyiin gaar ah usoo dirsaday arrimaha waddamada kuyaala bariga Afr ika. Labada waddan ayaa mid kasta doonaya in ay xiriir wanaagsan la yeesho dalalkan, si uu maa lgashi ugu sameysto ugana faaidaysto kheyra adko oda dabiiciga ah.

Itoobiya oo xirtay 34 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya (NISS) ay aa shaacisay inay gaanta ku dhigtay 34 xubnood oo ka tirsan Al-Sha baab, kuwaas oo ay Hay ’Ad du sheegtay inay qorsheey nay een weeraro argaga xiso ka hor inta aan la soo xirin.

Warbaahinta Dowladda oo soo xignayesay ba yaan ka soo baxay NIS ayaa lagu sheegay in Xub naha katirsan Al-Shabaab ay u diyaar garoobeen inay weerarro argagaxiso ka geystaan ​​Magaalada Addis Ababa iyo meelo kala duwan oo dalka ah.

Howlgalka lagu soo qab qabtay dadkan ayaa wax aa iska kaashaday Ciidamada deegaanada Soo maalida ee liyuu Boolis iyo Oromada ee dalka Ito obiya, waxaana Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsu gidda Qaranka Itoobiya ay sheegtay in ay doonay een inay raggaan ka faa’iidaystaan munaasabada ha ciidaha si ay u fuliyaan qors hayaal ay ku beeg sanayaan xarumaha magaaloo yinka oo ay ku jirto Addis Ababa, ee gobollada Oromada iyo Soo maalida.10 ka mid ah dadka la xiray ayaa laga soo qabtay Galbeedka Arsi, Bar iga Arsi, Galbeed ka Bale, Bariga Bale, Bariga Shoa, Galbeedka iyo Bariga Hararge ee dawlad deegaanka Oromada, halka 24ka kale laga soo xiray xiray Afdheer, Do olo, Goday, Jijiga iyo She beelle oo ka tirsan gobo lka Soomaalida. , sida lag u sheegay warbixin ay baahisay warbaahinta dow ladda.

Sida laga soo xigtay bayaanno kala duwan oo soo baxay, waxaa jiray isku dayo soo noqnoqday oo Al-Shabaab ay ku doonaysay inay weeraro qo rsheysan ka fuliyaan Itoobiya balse aysan suurto gelin.

RW Boris Johnson Oo Ku Dhawaaqay In Qal ab Malitari Dheeraad Ay U Dirayaan Ukraine

Ra’iisal Wasaaraha dalka UK Boris Johnson, ayaa xaqiijiyay in dowladiisa ay qalab military oo dheereed ah u direyso Ukraine oo ay ka socdaan dagaal uu ku qaaday Ruushka.

Mr Johnson oo khadka talefoonka kula hadlay ma daxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale xaqiijiyay in toddobaadka soo socda ay UK dib u fureyso safaaradeeda ku taalla magaa lada Kyiv, tallabadaas oo markii ugu horreysay lagu dhawa aqay Jimcihi.

Boris Johnson ayaa Mr Zelensky u sheegay, in gawaari badan oo gaasha aman, diyaaradaha aan duuliyaha lah ayn iyo hubka taangiyada loo diri doo no Ukraine, waxaa sidaasi sheegay afh ayeen u hadlay Downing Street. Mr Zelensky ay aa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha tababarka in ka badan 20 askari oo Ukrain ah oo toddobaadkii hore gaaray UK

Mareykanka oo wafdi culus u diraya magaalada Kyiv

Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka Ant ony Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa Shalay oo Axad ah booqanaya magaalada Kyiv, sida uu sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. "Ber rito, saraakiisha Mar eykanka ayaa nagu soo wajahan, wax aan la kul mi doonaa xogha yaha gaashaandhigga [Lloyd Au stin] iyo Antony Blinken,” ay uu yiri Zelenskyy oo suxufiyi inta la hadlayay Sabtidii, taa soo noq onaysa booqashadii ugu horreysay oo rasmi ah oo saraakiil Mareykan ah ay ku tagaan tan iyo markii Ruushka uu weeraray Ukraine bishii Febra ayo. 24.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha diba dda Mareykanka ayaa email Sabtidii ugu sheegay VOA-da: "Ka ma hadleyno arrintan.” iyadaoo Pe ntagon-ku uu sidoo kale warkan aanu u xaqiijin karin VOA-da.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale diiday inuu faallo ka bixiyo. Saraakiisha Ingiriiska ayaa Sabtidii she egay in ciidamada Ruushku aysan qabsan dhul cusub oo muhiim ah in kasta oo ay ku dhaw aaqe en duullaanka soo cusboonaaday ee dhanka bari, halka Ukraine ay ku dhawaaqday bandow dalka oo dhan ah.

Saraakiisha Ukraine ayaa Sabtidii sheegay in 21,600 oo askari oo Ruush ah ay ku dhinteen Ukr aine, iyadoo madaxweynaha Ukraine Zelenskyy uu dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in uu la kulmo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin si loo "joojiyo dagaalka”.

"Waxaan u maleynayaa in qof kasta oo bil aabay dagaalkan uu awoodi doono inuu soo afj aro,” Zelenskyy ayaa Sabtidii ka sheegay shir jara a’id oo uu ku qabtay xarun metro oo ku taal bart amaha Kyiv, isagoo raaciyay "in uusan ka baq eynin inuu la kulmo” Putin haddii uu hogaa miyo heshiis nabadeed oo dhex mara labadooda dal.


10 SU’AAL OO AY TAHAY INUU KA JAWAABO WASIIRKA BATROOLKA OO BERRI HORTAGAYA XEER-ILAALINTA


Wasiirka Batroolka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed ayaa isniinta waxaa uu hortagayaa xeer ilaalinta qaran ka iyada wax laga weydiin doono heshiiska uu la saxiixday Shirkadda Coastline Exploration Limited February 2022-ka.

Qoraalka kasoo baxay xeer ilaalin ta 21-kii bishan ayaa waxaa lagu yiri "Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa uu u yeerayaa wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ay warqadda sida tooska ah ugu socoto inuu yi maado maalinta isniinta ah oo ay taariikhdu tahay Tr. 25/04/2022 saacaddu ay tahay 11: 0 0AM si wax looga weydiiyo heshiiska uu la saxii xay ee dhexmaray wasaaradda Batroolka iyo Mac danta ee DFS iyo shirkadda Coastline Exploration Limited”.

Haddaba, Halkan ka akhriso: 10 Su’aal oo ay tahay inuu Ka Jawaabo

1. Sababta uu Hoteel Dibadda ah ugu saxii xay? Xilli heshiis noocaan ah lagu saxiixi karo dalka gudahiisa ah iyo xaflad dunida kale la tunin ayo, laguna dhiirigelinayo maalgeshiga, iyada oo madaxda dalka iyo shacabkaba ogyihiin, maxaa keenay in uu ku saxiixo qol madow oo ku yaalla Turkiga! 2. Sababta uu isaga oo indhotiray am marada hakinta Heshiisyada ee Xilliga doorash ada iyo kala guurka? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu iska indhotiray Dekereeto uu Farmaajo soo sa aray 7-dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doo rashoo yinka, waxaa arrintaas ku raacay sharcide jinta, sa babta uu u baalmaray waa in wax laga weydiiyo!

3. Sababta uu uga dhuuntay Madaxweynaha muddo xileedka ka dhammaaday iyo ra’’isul was aaraha? Labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble labadaba waxay heshiiskan ku tilmaameen mid sharci darro ah, taasii ku tuseysa inuu keligii ku ahaa go’aankaasi, waa in wax laga su’aalo!

4. Muxuu u Saxiixay Heshiis aan dhaqangal no qon karin? Heshiiskan waxaa ay xafiisyada ugu sareysa sheegeen in aanu noqon karin dhaqan gal, taasi oo wejigabax ku ah shirkadihii heshiiska gashay iyo dowladda federaalka ah, muxuu dowl adda u weji xumeeyey, waa inuu ka jawaabo!

5. Hadalka wasiirka ee ah, waxaa ila ogaa ma daxweyne Farmaajo, maxaa caddeymo ah oo uu hayaa? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu sheegay in saxiixa uu la ogaa madaxweynaha waqtigiisu dha maaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, qaab no ocee ah ayuu u ogaa, ma hadal ayuu hayaa mise qoraal, waa in la weydiiyo inuu soo bandhigo caddeymo!6. Sababta uu meesha uga saaray Kaalinta iyo awoodda hey’adda Batroolka? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu isticmaalaa awoodo aan dastuuri aheyn, isaga oo la wareegay shaqadii hey’adda Batroolka, isla markaana ka shaqee yacabsigelinta shaqaalaha, waa in arrinkaas wax laga weydiiyo! 7.Ma jiraan Heshiisyo kale oo Dalal iyo Shirkado kale ah? Marka laga soo tago xermooyinkan 7-bada ah, waa in la wax weydiiyo guud ahaan wax kasta wixii shidaal la xiriira oo dalka oo dhan ka socda, uuna keenaa warbixin dhameystiran!

8. Sababta uu Dhaawac ugu geystay Maalge shiga Soomaaliya? Arrinta uu wasiir Cabdirashiid sameeyey waxay dhaawici kartaa kalsoonida maa lgeshi ee shirkadaha caalamiga ah ku qabeen So omaaliya, iyada oo loo arko dal aaney madaxdiisa iska warqabin, taasi meel ku dhac ku ah meesha loo socdo, waa in arrinkaas wax laga weydiiyo!

9. Ma jiraa lacag uu isaga ka helay arrinkan? Wasiir Cabdirashiid waa in la weydiiyo lacagaha kala duwan ee heshiiska ku hareereysan, ma jiraa wax faa’ido shakhsi ah, maxaa dalka kasoo gal aya? Arrimahaas waa in wax laga weydiiyo.

10. Ma dhici kartaa inuu ku dhiirigeliyey shir kadda la tacaamulaan maamulka soo socda? Waa in Cabdirashiid wax laga weydiiyo haddii uu shirkadda ku dhiirigeliyey tallaabadan ama iney sharci darro ku dhaqaaqaan si haddii laga horyi maado ay la tacaamulaan maamulka soo socda!

Si kastaba ha ahaatee, su’aalo weydiinta was iirka Batroolka ee isniinta waxaa isha ku haya dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyada oo xeer ilaalinta laga rabo in ay weydiiyo sababta uu tallaabadan uga degd egay, waqtiga ugu aadiyey, isaga dhagatiray madaxdi isa, ugu cayaaray masi irka umadda iyo hantidooda isla markaana uu u khatargeliyey mustaqbalka maalgeshiga Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabi karoXigasho: Goobjoog



YAA QAADANAYA MAS'UULIYADDA HALISTA KA IMAAN KARTA HESHIISKA SHIDAALKA?


Inta badan bulshada Soomaaliyeed iyo warba ahinta dalka kuma baraarugsana halista weyn ee ku gadaaman kheyraadka dabiiciga ah ee dalke enna, gaar ahaan shidaalka. dhowaan waxaa jir ay heshiis toddobo xirmo loogu saxiixay Coastline Exploration oo ah shirkad ka shaqeyneysay sahm inta shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan biyaha fog ee badda. Shirkaddan oo horay loo oran jiray Soma Oil And Gas waxaa la aas-aasay sanadkii 2013-kii, laakiin, magacii ayaa laga bedelay 2018-dii.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa webs aite-keeda ku qortay he shiiska uu saxiixay was iirka wasaaradda Betrool ka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, he shiiska oo ka dhacay hotel ku yaalla dalka Turk iga ma jirin xog badan oo markaas kahor laga hay ay, laakiin waxyar kadib markii shirkaddu qoraal ka sii deysay ayaa waxaa isna twitter-kiisa ku she egay wasiirka Betroolka Soomaaliya, waxa uu si doo kale Cabdirashiid Maxamed uu intaa ku dar ay in madaxweynaha uu la ogaa heshiiska uu sax iixay.

Qoraal uu soo-saaray madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in warka kasoo baxay wasiirka Betroolka uu yahay mid aan sax aheyn, Farmaajo ayaa sidoo kale laalay heshiiskaas, kuna tilmaa may sharci darro. Ra'iisul wasaare Rooble yaa si la mid ah tallaabada uu madaxweynahu qaaday sameeyay.

Heshiiska kahor maxaa dhacay?

Bishii December 2020-kii waxa uu shir ka dha cay dalka Turkiga, waxaa shirkaas ka qeyb-galay shan xubnood oo ka socday wasaaradda Betrool ka iyo madax ka socotay Hey'adda shidaalka ee Soomaaliya (Somali Petrol Authority- SPA).

sida ay ii sheegeen dad shirka ka qeyb-galay oo diiday in aan magacooda xigto, wasiirku qorsh aha kuma jirin in uu shirkaasi yimaado, laakiin, wa xa uu tegay Turkiga, kadibna waxa uu xubnihii So omaaliya ka socday ee shirka joogay u sheegay inuu saxiixayo heshiis, arrintaasi waxaa ka dhash ay khilaaf ugu dembeyn sababay in Soomaaliya lagu soo laabto, iyada oo aan wax is-af-garad ah la gaarin.

Mar kale ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray mas'uuliyiin ka socday shirkadaha Lib erty iyo Coastline si loola galo heshiis dhanka shi daalka ah.

Liberty ayaa qorsheyneysay in loo saxiixio se ddex xirmo oo ku kala yaalla Galmudug iyo Jubal and, halka Coastline Exploration loo saxiixi lahaa toddobo xirmo oo ku kala yaalla Galmudug, Koon fur galbeed iyo Jubaland.

Heshiiska oo xafladdiisa lagu diyaariyay Xarun ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha ayaa dhi ci laheyd 04-Janaayo, 2021-dii, laakiin, lama saxii xin sababo la xiriiro culeys ka yimid beesha caal amka, taas oo Soomaaliya ku qasabtay in he shiiskaas ay ka baaqsato.

Sida Ilo xog-ogaal ah ay ii sheegeen Xeer-ilaa linta Soomaaliya waxay horay ugu yeereen mas' uuliyiin ka tirsan SPA, iyadoo berrina lagu wado in uu hor-tego wasiirka Betroolka Soomaaliya.

Haddaba, waxaa jira su'aalo u baahan in si w eyn looga jawaabo oo mudan in xeer-ilaalintu mu hiimad siiso, kuwaas oo dan u ah Qaranka & bul shada Soomaaliyeed, si looga baaqsado in lagu takrifalo kheyraadka shidaalka Soomaaliya, wey diimaha ayaa kala ah:- 1- Maxaa qasbay in wasiir ku uu saxiixo heshiiskan oo horay looga baaqsa day in Muqdisho lagu saxiixo? 2-Wasiirka ma keligii ayaa arrintaan ku dhaqaa qay, mise sida uu sheegay mas'uuliyiin ka sarrey say ayaa arrintaan ku lug yeelan kara?— Haddii uu jiro mas'uul amray ma jiraan cadeymo qoraal ah oo la hayo?

3-Haddii loo baahdo in dad xilal sare haya su'a aalo la weydiiyo, suura-gal ma tahay in madaxwe yne Farmaajo uu dhankiisa wax aan aheyn bee ninta hadalkii wasiirka uu miiska soo saari karo?

4-Heshiiska la saxiixay culeys intee la'eg ayuu dalka ku yeelan karaa sharci ahaan, ganacsi aha an iyo siyaasad ahaanba?

5-Su'aalaha weydiinta xeer-ilaalinta maxaa da ba socon kara oo lagu qancin karaa dadweynaha Soomaaliyeed?

Haddaba, sida arrintaan ay meel adag isaga taagto xeer-ilaalinta ayaa waxaa ka dhalan kara laba arrin oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

*In qof walba uu ku dhiirran in uu ku takrifalo awo odda dowladeed ee uu hayo & kheyraadka dalka.

*Ama in laga fogaado wax walba oo qatar ku ah Qarankaan dib u dhismaya ee la tiicaya dhib aatooyinka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Si kooban xeer-ilaalinta Soomaaliya waxaa la dho wrayaa sida ay ula macaamilaan kiiskaan oo ay indhaha ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ah hal-xiraale la dhowrayo sida ay u furaan!

W/Q: Abdiaziz Ahmed Barrow

barrow1888@gmail.com

Ciidamada Tigray ah oo isku dhiibay Sudan

In ka badan 500 oo ka mid ah ciidamada Itoobi ya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyadda Ti gray ee ka mid ah ciidmada nabad ilaalinta Qar amada Midoobay ayaa diiday inay dalkooda dib u gu laabtaan, iyagoo u baqay ammaankooda, wax ayna codsanayaan magangelyo siyaasadeed oo Suudaan laga siiyo.

Ilaa sanadkii hore, ciidamada Itoobiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ku dhawaad 4,000 oo ciidan ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaali nta ee Abyei (UNISFA), oo ah gobolka lagu mur ansan yahay ee xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu bedelay ciid amo caalami ah, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Khartoum uu sii xumaanayo, kaasoo salka ku ha ya muran dhuleed iyo biyo xireenka weyn ee Ito obiya ay ka waddo webiga Nile, kaasoo Suudaan ay ka cabsi qabto inuu khatar ku noqdo helit aanka biyaha.

Inta badan ciidamada Itoobiya ayaa dib ugu la abtay dalkooda, balse qaarkood ayaa hadda co dsaday magangalyo, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay nabad ilaal inta Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada New York.

"Tiro nabad ilaalin ah ayaa doortay inaysan la aban, waxayna raadinayaan ilaalin caalami ah, waxaa lagu ilaalinayaa meel ammaan ah oo ay le edahay Qaramada Midoobay” ,” ayuu yiri afhay eenku.

"Mas’uuliyadda bixinta magangelyo waxay saa ran tahay mas’uuliyiinta Suudaan oo ay ka caaw inayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabils an qaxootiga UNHCR ee qaabilaadda dadkaas.” Ayuu raaciyay.

528 askari oo Itoobiyaan ah oo kasoo jeeda Ti gray-ga ayaa magangalyo ka codsaday Suudaan, sida uu sheegay Major Gebre Kidane, oo ka mid ahaa ciidamadii nabad ilaalinta– tiradaaas oo ay xaqiijiyeen laba saaxiibbadiis ah oo ay sidoo kale ay la xiriirtay AFP.

"Ma ahan ammaan inaan ku laabanno Itoob iya, waxaana dooneynaa inaan noqonno codka dadka Tigrayga bulshada caamalka horteeda” ay uu 40-jirkan ayaa u sheegay AFP wareysi uu khadka taleefanka ku siiyay, isagoo sharraxayay go’aanka uu ku dalbaday magangalyo horraanta Maarso.VOA + AFP.

Saldhigyo ku yaalla bartamaha dalka Maali oo la weeraray

Kooxo looga shakisan yahay inay yihiin jihaad doon ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday sa ddex saldhig oo ciidan oo ku yaalla bartamaha dal ka Maali.Wararku waxay sheegayaan inay ciidam ada dagaallameen kaddib markii qarax iyo rasaas la ga maqlay saldhiga Séva ré ee gobolka Mopti.

Weerarkaasi kaddibna Ciidamada Qaramada Midoobay ee Mali ku sug an ayaa la weydiistay inay caawiyaan ciidamada Mali inkasta oo khas aaraha weerarkaasi ka dhashay aan weli la ogeyn.

Dalka Maali waxaa ka jiray qalalaase tan iyo sannadkii 2012-kii markii ay kooxaha jihaad do onka ah ay qabsadeen qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga dalkaas.

Faransiiska ayaa hogaaminayay howlgal caal ami ah oo uu ku doonayay in uu dib ugula war eego dhulkaas inkasta ay qorsheynayaan ciida madooda

Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Xarun Saliidda Lagu Sifeeyo

Maamulka Gobolka Imo ee koonfurta Nigeria ayaa sheegay in in ka badan konton qof ay ku dhi nteen qarax ​​ka dhacay Xarumaha saliidda sif aynta ee sharci darrada ah.

Saraakiisha ayaa BBC-da u sheegay in dhim ashadu ay intaas ka badan karto maad aama ay socoto daad gur eynta dhibbanayaasha.

Maamulka gobolka Imo ayaa sheegay in qara xa weyn uu ka dhacay labo warshadood oo sifo oyin sifooyin ah oo sharci darro ah – oo isku dhow magaalada Egbema.

Tobaneeyo qof oo ka shaqeynayay warshada sifeynta iyo qeybaha bulshada ayaa waxaa qab saday dabkii weynaa ee ka dambeeyay qaraxa. Qaar badan ayaa gubtay oo aan la aqoonsan ka rin. Ma cadda waxa sababay qaraxa.

Heerarka sare ee saboolnimada iyo shaqo la’ aanta ayaa ka dhigtay sifaynta saliida sharci-dar rada ah ganacsi soo jiidasho leh, kaas oo dad ba dan oo deggan deegaamada qaniga ku ah saliid da ee koonfurta Nigeria ay nolol ka raadiy aan.

Tahriibayaal Ku Dhintay Doon Kula Degtay Xeebaha Lubnaan

Dowladda Libnaan ayaa sheegtay in ugu yar aan 6 qof oo tahriibayaal ah ay badda ku dhinte en, kadib markii dooni ay la soc deen ay ku deg tay meel u dhow magaalada de kedda ah ee Tripoli.

48 qof oo kale ayaa la ga soo badbaadiyay doonta tahriibayaa sha sidday ee degtay Dadka doontaasi degtay saa rnaa ayaa ahaa muwaaddin iin u dhashay Lubnaan iyo Suur iya, kuwaas oo ay maamulku sheegeen in ay si sharci darro ah uga tageen Lubnaan.

Dhibaatada dhaqaale ee ka jirta Lubnaan ay aa keentay iney sii korodho muwaadiniinta ay ku biiraan qaxootiga Suuriya iyo Falastiiniyiinta ee is ku dayaya inay badda isku biimeeyaan si ay Yur ub u galaan. Nin (magaciisa qariyey) oo wiil uu adeer u yahay uu doonta degtay saar naayaa siy aasiyiinta Lubnaan ku eedeeyay inay sabab u yih iin xaaladda dhaqaale xumo ee dalka Lubnaan ka jirta oo sababtay iney muwaaddiniintu dalkooda hooyo ka tahriibaan:


ARBACIIN Xadiith: N°29 Jidka Jannada Loo Maro

Waxaa laga weriyey Mucaad ibn Jabal (Allah haka raalli noqdee), wuxuu yiri:

” Waxaan ku iri Rasuulkii Allow ii sheeg ‘camal Jannada i geliya, Naartana iga dheereeya. Wuxuu yiri, waxaad weydiisay arrin culus, waana sahlan-yahay nin kiiIlaahay u fududeeyo: "Ilaahay keligii caabud oo cid kale ha la wadaajinin cibaadada, tuko salaadda, bixi sakada, soon bisha Ramadaanka, Xajka gudo, markaasuu yiri, soo kuma aan tuso irdaha khayrka: Soonku waa gaashaan, sadaqadu waxay demisaa dembiyada, sida biyuhu dabka u damiyaan, waana sidaa oo kale salaadda sada dhexe loo kaco.

Markaa buu wuxuu akhriyey aayaddan qur’aanka ah ee ammaanaysa dadka u kaca salaadda saqda dhexe, marka dadka kale hurdada macaansanayaan. Markaa suu yiri: Makuu sheegaa arinka madaxiisa, tiirkiisa iyo baarkiisa? Markaasaan iri: Haa, Rasuulkii Allow. Markaasuu yiri Nebigu (s.c.w.): Arrinka madaxiisu waa lslaamn imada; Tiirkiisuna waa Salaadda; Baarkiisuna waa Jihaadka.

Haddana wuxuu yiri : Makuu sheegaa wax intaas oo dhan isku fuuqsaday? Markaasaa niri: Haa, Rasuulkii Allow, markaasuu yiri intuu carrabka taabtay, iska celi kan. Markaasaa niri Nebi Allow miyaa na loo qabsanayaa waxaan ku hadalno? Markaasuu yiri hooyadaa ha ku weydo Mucaadow, maxaa dadka naarta ku tuura oo aan ahayn waxyaalaha carrabka lagu gafabsaday?.[Tirmidi oo yiri waa Xadiis Xasan ah]

Sharaxa:Xadiiska Sagaal & Labaatan

Xadiiskan wuxuu kulansaday arrimo waaweynoo isla markaa qiimo xeel dheer ku fadhiya. Markuu weydiiyey Mucaad Nebiga( s.c.w.), camal Jannada geeya, Naa rtanal ta fogeeya, wuxuu ugu jawaabay in camalkaas ku xiran yahay siduu ugu camal falomabaadi’ida uu hoos ugu sheegayo o Shanta Tiir eeIslaamku ka mid yihiin, sida inIlaahay keligiis la caabudo oo aan cid kale loola shariik yeelin cibaadada. In uu guto waajibaadka salaadda, soonka, sekada iyo xajka.

Wuxuu haddana uga warramay waxtarka salaadda iyo sadaqada isagoo yiri: "Salaaddu waxay gaashaan kaaga noqotaa naarta, weliba wuxuu sii ammaanay isagoo aayad Qur’aan ah tusaale u soo qaatay, dadka saqda dhexe salaadda u kaca markay dadka kale hurdo ku magan yihiin, sadaqaduna waxay damisaa dembiga qofka gubaya ee u jiidaya naarta.”

Haddana Rasuulku (s.c.w.) wuxuu ka warramay saddex wexyaalood oo ugu muhiimsan qofka dunida ku nool, kan ugu horreeya waa in qofku galo Xera daIslaamnimada, kan labaad waa Tiirka oogidda salaadda, kan saddexaado o ah heer sare oo ah halka geela kuruska kaga yaallo waa jihaadkaa ad la jihaadeyso ca dowyada naftaada ee faraha badan oo ay ka mid yihiin: Sheydaanka, hawada nafta, Cadowga Islaamka ee raba in uu demiyo iftiinka llaahay iyo cadowga aadamiga, guud ahaan, sida gaajada, cudurka, jahliga iwm.

Waa in aad cadowyadaas oo dhan midna looga soo dhicin dhinaca aadIslaamka ka joogtid, laakiin, waxaas oo dhan waxaa ka daran ee loo baahan yahay waa inaad carrabkaaga ka adkaatid, maxaa yeelay, waa qalabka sharka iyo kheyrkaba lagu fulin karo, isagaa dadka kugu diri kara, haddaad ku hadasho wax xun, isagaa dadka kuu soo dhoweyn kara hadaad kula dhaqantid wax fiican, markaa ka digtoonow in uu naar ku jiido, dadka isagaa ku ururiyey naarta.

FAA’IIDADA XADIISKA

1. Wuxuu caddeeyey TiirarkaIslaamka;

2. Faa’iidada salaadda iyo kaalinta ay kaga iirtoIslaamka;

3. Qiimaha sadaqada iyo salaadda saqda dhexe;

4. Arrimaha ugu muhiimsan qofka dunida ku nool ;

5. Jihaadka iyo waxyaalaha lala jihaadaayo;

6. Halisnimada carrabka iyo in uu qofka naar u jiidaayo, hadduusan iska celin;

7. ln gudashada waajibka qofka u jiideyso Jannada.

 

ARBACIIN Xadiith: N°30 Xuduudda Alle

Waxaa laga weriyey Abuu-Saclaba al-Khushani Jurthum ibn Naashir (Allah haka raallin oqdee),In uu yiri RasuulkiiIlaahay wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu faray waa iibaad, ha dayacina wuxuu dhigay soohdimo, ha gudbina, wuxuu xaaraan tinimeeyey waxyaalo ee, ha falina, wuxuu ka aamusay waxyaalo isagoon hilmaansanayn uu idinku naxariisanaya ee ha baarbaarina.

[Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey Ad-Daaraqudni iyo kuwo kaleba. ]

Sharaxa:Xadiiska Soddonnaad

Xadiiskani wuxuu ku soo murtiyeeyey Islaamkii oo dhan afar arrimood oo kala ah:

1. In la falo wixi i l laahayi na amray;

2. Inaah la falin wixii llaahay innaga reebay;

3. lnaan la gudbin soohdinta llaahay ku kala xiray wanaaggai yo xuShalay;

4. Inaan la baarbaarin wixii llaahay ogaan uga aamusay.

Waxaa looga jeedaa inaan la baarbaarin arrimaha dahsoon: Arrimaha dunida jira wey u wada bannaan yihiin Muslimka, wixii aan lagu caddeyn in la xaaraantinim eeyey. Haddaba, qofk a Muslimka wanaagsan ahi, waa inaanu waxyaalahaas faagfaagin, si aan shaki iyo waswaas ugu dhicin dadka Muslimka ah ee waa in uu ku kalsoonaadoIlaahiisa oo u qeexay wixii xun ee aan loo oggoleyn ee dadka dhibaaya.

FAA’IIDADA XADIISKA

1.Gudashada waajibaadka iyo ka dheeraanshaha xaaraanta;

2.Inta la fulinayo waajibaadka ee laga fogaanayo xaaraanta waa in lagu dhex jiro xuduuddaIlaahay uu dejiyey oo aan laga tallabsan;

3.Uma bannaana qofna in uu xaaraantinimeeyo waxaan sharcigu dhigin.

4.Wax kasta markooda hore wey bannaan yihiin ilaa laga helo qodob lagu xaaraantinimeeyooo sharciga ku saleysan.

 


DARUUSTA RAMADAANKA {FADLIGA SOONKA}

TOBANKA HABEYN EE DAMBE IYO LEYLATUL QADARKA

qaadanaya haddii tobanka habayn hoos laga soo bilaabo ama toban qaada naya haddii "count down”-ka laga bilaabo tobanka habayn ee dambe oo laga bila abay 21-ka Ramaadaan. Bal isha mari labada siyood ee bishan Ramadaan u dha mmaan karto haddii Ilaah idmo oo isku jaantus la isagu keenay iyagoo magacya da maalmahu ka dhexeeyaan.

Ma dhici kartaa in sida "WALAYAALIN CASHRI” in Ramadaan leedahay 10 ha bayn oo dambe "cashra awaakhir” iyadoon la eegin in bishu ku dhammaato 29 ama 30 cisho?

Aqoontayda oo gaaban darteed ma arag arrintaas cid iga shaafisa laakiin culu madu waa ka hadleen isbedelka ku dhici karta tirinta Ramadaan markay ku dha mmaato 29 ama 30 cisho.

Tusaale ahaan aan u soo qaadano tobanka ugu dam beeya Ramadaan oo la ga wado 10 habayn iyadoon loo eegin in bishu ku dhama ato 29 ama 30 cisho.

Wuxuu nabigu (SCW) si cad u sheegay in tobanka habayn ee dambe laga ra ad sho Leylatul Qadarka sidoo kalana wuxuu sheegay in qofkay u suurtoowi we ydo uu ka raadsho toddobada dambe. Wuxuu nabigu (SCW) sidoo kale noo she egay inaan ka raadino 9-aad, 7-aad iyo 5-naad.

Maxay yihiin habaynadaasi? Saxaabi gii Saciid Al-Khudriyi (RC) wuxuu fasiray arrintaas isagoo leh: sagaalaadku waa habaynka 22-naad; kan toddobaadna waa habaynka 24-naad, kan shanaadna waa kan 26-naad. Sidaas saxaabigu uma or an laakiin wuxuu yiri markay 21 ha bayn socoto, kan ku xiga 22-naad waa sagaal aad. Sida qaacidadu qabto, waxaa sagaalaadka la raacin karaa habaynka 22na ad ilayn iyadaa ugu dhowe laakiin ma dhici kartaa in saxaabigu (RC) uu ka wada yin sagaalaadka loo celiyo habaynka 21-naad? Fiiri jaantuska 4-aad iyadoon tusa ale usoo qaadanay Ramaddaankan oo ku dhammaaday 30 cisho marka fiiri hab aynka 22-naad; sagaal baa harsan baa la dhihi karaa markii habaynkaas laftiisa tirada lagu daro. Habaynkuu Leylatul Qadar ku sheego oo ah 21-kana waa noqon kartaa hadduu ka wado in 9 habayn ay ka harsantahay Ramadaan hadii habayn ka 21-naad aan lagu darin.

Waana sida aan rajaynayo in saxaabigu ka waday. Saxaabigaas waxaad mo oddaa inuu soonkaas uu ka hadlayey uu ku dhammaaday 30 cisho maxaa yeelay sida uu fasirka u siinayo taabici arrintaas weydiiyey ayaa laga fahmayaa. Waxaan xaddiiskaas ka fiirin karnaa kitaabka saxiixul Muslim. Sidoo kale isla xaddiis uu Saciid (RC) nabiga (SCW) ka warinayo ayuu ku sheegay nabiga (SCW) oo toban ka dhexe oo Ramadaan citikaafay isagoo raadinaya Leylatul Qadri. Saxaabigu wuxuu sheegay inuu tobankii dambe ka raadshay. Isla xaddiiskaas waxaan ka fahmayaa inuu soonkaas uu ahaa kaas laga fahmayo inuu ku dhammaaday 30-ka cisho.

Saciid Al-Khudriyi (RC) wuxuu kaloo sheegay in nabiga (SCW) la tusay habayn kaas isagoo subixiisa ku sujuudaya dhoobo iyo biyo. Micnaha masaajidka oo soo darrooray. Saciid (RC) wuxuu ku sheegay habayn 21-naad. Saxaabiga C/hi Binu Uneys (RC) wuxuu qisadaas oo kale ku sheegay habaynka 23-naad. Hadday isku hal Ramadaan ahayd, suurtogal ma aha in labadaba habaynba Leylatul Qadarn oq daan; sidoo kalana waxaa dhici karta inaan habayn aan Leylatul Qadar ah ayn uu roob di’i karo oo nabigu ku sujuudi karay dhoobo iyo biyo. Laakiin mar ha ddii nabiga (SCW) laga hayo sagaalaad, toddobaad iyo shanaad waxaa taariikh ah aan suurtogal ah inay ku beeganto habaynka 21-naad, 23-naad iyo 25-naad waa haddii bishu 29 ku dhammaato sidoo kalana aan tirsiga tobanka dambe ka soo biloowno habaynka 20-naad innagoo habaynada ku darayna inta ka harsan

10kaas beri. Fiiri jaantuska 7-aad ee soo socda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip