Mashruuca walaalaynta shacabka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka qabyaaladda

0
Thursday May 05, 2016 - 22:53:47 in Maqaallo by
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruuca walaalaynta shacabka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka qabyaaladda

    Qeexid:waa mashruuc ijtimaaci ah oo u socda walaalaynta shacabka Soomaaliyeed iyo midayntiisa, iyo baabi'inta wax kasta oo wax u dhimaya walaalnimadiisa iyo midnimadiisa, sida cuqdadaha, kala shakiga, qabyaaladda, gobolaysiga iwm.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeexid:waa mashruuc ijtimaaci ah oo u socda walaalaynta shacabka Soomaaliyeed iyo midayntiisa, iyo baabi'inta wax kasta oo wax u dhimaya walaalnimadiisa iyo midnimadiisa, sida cuqdadaha, kala shakiga, qabyaaladda, gobolaysiga iwm.
Halkudhig:waa aayadda Qur’aanka ah " Mu’miniintu walaalo uun bay isu yihiin ee walaalihiin heshiisiiya”.

Yoolka:waa in aynu aragno shacaba soomaaliyeed oo walaaloobay, isjecel, isku duuban, isuna kaashanaya hirgalinta danihiisa adduun iyo aakhiro, kana hufan wax kasta oo dhaawacaya walaalnimadiisa iyo wadajirkiisa oo ay qabyaaladdu ugu horayso.

Sababaha aynu uga hadlayno mawduuca:

1. Waxaa si xoog leh bulshadeena ugu dhex faafay dacaayado iyo sheeko-xariir dadka kala geynaysa siiba jiilka soo koraya iyo dabaqadda wax baratay. Taas oo noqotay caqabad weyn oo hortaagan walaaltinimada iyo midnimada dadkeena.

2. Cudurka qabyaalada oo bulshadeena aad ugu dhex faafay, ugana tagey raadad xun xun oo leh is naceyb aan waxba hambaynayn, haba ugu darnaato markay qabyaaladaas adeegsadeen dad doonaya inay dano gaar ah ku gaaraan iyagoo ku andacoonaya inay soo dhicinayaan xuquuqda reerka iyo difaaca masaalixdiisa.

3. Ficilada qabyaaladeed oo gashay dhinacyada nolosha oo dhan, isla markaasna saamaysay dhammaan qaybaha bulshada ilaa ay ka noqotay (ficilada qabyaaladu) caqiido la maaminsan yahay iyo halbeeg wax lagu miisaamo ama mindaar (doorbin) wax lugu eego.

4. Fashilka tirada badan ee lagala kulmay daaweynta cudurka qabyaalada iyo heshiisiinta ummadda waxaa ka dhalanaya in la baaro sababaha keenaya iscolaadinta, isla markaasna la garto wadiiqooyinka lagu faafiyo qabyaalada iyo siyaabaha leysu dhaxalsiiyo; si loo dabargooyo bulshadana looga tallaalo.

5. Cadaawadda dadkeena dhextaal waxay noqotay garweyn ama burris lagu dumiyo bulshada soomaaliyeed iyo furin cadawgu uga soo duso.

6. Isfahan darrida iyo iskaashi la’aanta buslshada dhextaal ayaa marar badan dhalisa colaad iyo hardan dandaro ah oo la sii kala dhaxlo.

7. Marar badan tarbiyada qabyaaladeed ee jifada ama beeshu hoos hoos isugu sheegto ayaa ka xoog badata tarbiyada diineed iyo tan waddaniga ah; waayo tarbiyada diinta iyo wadaninimadu waa mid guud oo dadka ka wada dhaxaysa oo aan qarsoodi ahayn, tarbiyada qabyaaladeedna waa mid u gaar ah beesha, isla markaasna sir u ah. Qofka wixii loogu sheego si gaar ah oo qarsoodi ah saameyn weyn ayuu ku yeeshaa naftiisa.

8. Dad badan baa isku qalda qabiilka iyo ku abtirsigiisa, iyo ficilada qabyaaladeed oo iyadu ah in qabiilka la isugu faano, la isuguna hiiliyo gar iyo gardaraba, farqi weyn ayaana u dhexeeya labadaas arrimood; waayo qabiilku waa nimco Ilaahay ina siiyey oo uu inagu galladaystay laakiin ficilada qabyaaladeed waa dhaqan jaahiliyo oo diintu mamnuucday. Waxaa kale oo keenaya in mawduucaan laga hadlo dad baa eed ka dhiga in bulshadeenu qabiilooyin tahay, dhibaatooyinka soomaali ku dhacayna dusha ka saara jiritaanka qabiilooyinka, taasina waa dulmi iyo hafaryo cad.

9. Cadowga Islaamka oo waligiisba ficilada qabyaaladeed u adeegsan jirey la dagaalanka diinta Islaamka iyo dadka ummadda wanaaga ugu yeeraya. Tusaalayaasha waxaa ka mid ah:

a) In la soo bandhigay fikrad oranaysa: si nabiga scw loo dilo qabiilooyinka Quraysh mid walba ha laga keeno wiil xoog badan oo ka qaybqaata faldambiyeedkaas; si dhiigga Nabigu scw ugu baaho qabiilooyinka oo dhan, loona garan waayo qabiil gaara oo loo qabsado. Taas oo keenaysa in Banuu Haashim mag iska qaataan maadaama aanay la wada dagaalami Karin qabaa’ilkaas oo dhan. Taladaas waxaa soo jeediyey Abuu jahal, waxaana u guuxay oo taageeray Ibliis oo shirka ka soo qaybgalay isagoo iska soo dhigay oday reer Najdi ah!.

b) in markii Nabiga scw iyo xigtadiisa la cunaqabataynayey qabiilooyinka reer Makka lagu kiciyey waxaa la khilaafay diintii aabbayaal iyo awoowayaal. Taas oo keentay in si wadajir ah loo go’aansaday in aan nabiga scw iyo xigtadiisa wax laga gadin, laga iibsan, laga guursan, loona guurin!.

c) Abuu Dhaalib oo ahaa nabiga scw adeerkiis, una taagnaa difaaciisa iyo ilaalintiisa ayaa markuu sakaraadka ahaa nabigu scw u bandhigay inuu ashahaato laakiin waxaa u qoonsaday Abuu jahal iyo odayaashii kale ee Quraysh oo dhinac fariistay, kuna yiri: Abuu Dhaalibow ma waxaad ka tagaysaa diintii Cabdul-muddalib ilaa odaygii ay naftu ka baxday isagoo leh waxaan ku dhimanayaa diintii Cabdulmuddalib.

d) Qabiilooyinkii reer Makka waxaa lugu kiciyay in qabiil kasta dadkii ka soo islaamay diinta ka saaro ama laayo ama xirxiro, iyadoo lagu andacooday inay diintii awoowayaal khilaafeen.

e) Qabiilooyinkii carbeed iyo kuwii yahuudaba waxaa lagu kiciyey ficilo qabyaaladeed; si ay muslimiinta ula diriraan duulaankii Khandaq ama Axzaab ee lugu soo qaaday magaalada Madiina Almunawara.

f) Isku daygii Abuu Caamir Al-faasiq in uu qabyaalad ku kiciyo reerkii uu ka dhashay ee Aws; si uu muslimiinta u kala jabiyo markuu socday dagaalkii Uxud ee gaaladu ku soo qaaday magaalada Madiina.

g) Isku daygii Munaafiqii weynaa ee Cabdullaahi Ibnu Ubayyi Ibnu Salool ku doonayey inuu asxaabta iska horkeeno isagoo adeegsanaya ficilo qabyaaladeed markay isqabteen labo nin oo midkood ka mid ahaa Muhaajiriinta midna Ansaarta. Waa markii munaafiqu uu lahaa " Haddaan Madiina ku noqono kan sharafta leh ayaa ka saari doona midka dulliga ah” kan sharafta leh isaga isula jeeda, kan dulliga ahna nabiga scw ayuu ula jeedaa. Dhab ahaan isagaa dulli ahaa, nabiguna kan sharafta badan buu ahaa.

h) Odayga Yuhuudka ah markuu ka xumaaday isjacaylka iyo isku duubnida islaamku dhex dhigay Aws iyo Khazraj oo colaad dheer ka dhexayn jirtey wiil buu u diray dhex fariista oo xusuusiya gabayadii ay isu tiriyeen xilligii jaahiliyada ee ay dagaalami jireen; si colaadii dib ugu soo noqoto.

10. Gumeystayaashu waxay u adeegsan jireen qabiilooyinka gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo hormuudyada kale danahooda gumeysi, iyagoo usii maraya heshiisyo ay la galaan iyo shaqaaleysiin ay mushaar ku siiyaan.

11. Dadyowga danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya waxay ku dadaalaan inay saameyn ku yeeshaan aragtida iyo hab-fakarka hoggaan dhaqameedka, ayna ku qanciyaan inay dhinocooda ka soo saftaan; si ay u marsiistaan mashaariicdooda gaarka ah iyagoo aalaaba u maraya siminaaro, shirar iyo inay sandareerto siiyaan.

Waxaa Qoray: Sheekh Axmed C/Samad


alwaqaar@hotmail.com

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip