HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 19-KA ABRIL 2022

0
Tuesday April 19, 2022 - 09:42:36 in Wararka by
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 19-KA ABRIL 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Khasaare ka dhashay Hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta Villa Hargeysa iyo Al-shabaab oo sheegatay

Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Hargeysa oo ay Shalay kulankoodii ugu horeeyay si wadajir ah ugu yeelanayeen labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen afaafka hore ee xarunta Villa Hargeysa, xili ay si toos ah u socotay dooda mudanayaasha labada Gole, waxaana la soo wariyay in dooda ay istaagay markii madafiicda ay kuso dhaceen meelaan ka fogeyn dhismaha xarunta Villa Hargeysa.

Waxaa sidoo kale lasoo shesgaya in ilaa laba ruux oo ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ay ku dhaawacmeen madaafiicda lagu garaacay xarunta Villa Hargeysa.

Dagaalyahanada Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday dhismaha xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay sheegeen in hoobiyeyaasha mid ka mid ah uu ku dhacay albaabka laga galo dhismaha, islamarkaana uu geystay khasaare walow aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda ah.

14-kii bishaan ayay aheyd markii Al-shabaab sidaan oo kale tiro madaafiic ah ay ku weerareen Teendhada Afisyooni oo ay ka socotay munaasabad lagu dhaarinaayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, walow aysan madafiicdaasi aysan ku dhicin gudaha xerada Afisyooni oo aysan geysan wax khasaare ah.

Abwaan Beddal Jaamac Oo Shalayeyd Lagu Dilay Muqdisho

Alle ha u naxariistee waxaa Shalayyed Degmada kaxda ee Gobolkani Banaadir lagu dilay Abwaan Beddal Jaamac Xersi Laangare, oo ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn looga garanayay Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wararka aynu helayno ayaa sheegaya in dilka ASbwaanka ay fuliyeen kooxo hubaysan oo Bistooladley ah, kuwaasi goobta isaga baxsa day dilka kadib.

Alle ha u naxariiste Marxuumka ayaa inta bad an waxaa uu kasoo muuqan jiray Warbaah inta gudaha, isagoo hadba falanqayn jiray mo owdu uca taaaggan ee u baahan in wax badan laga ogaado, waxaana sidoo kale waqtiyadii ugu dambeeyay uu ka hadlayay arrimo dhowr ah oo quseeya marxaladaha dalku ku jiro.

Goobta uu dilku ka dhacay waxaa gaaray Ciidanka Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay in ay howgallo kooban sameeyeen, lamana sheegin ilaa iyo hadda cid ay u soo qabteen dilkaasi loo gaystay Abwaanka miisan ka ku dhex lahaa umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale maamulka iyo laamaha ammaanka ee degmada kaxda wax war ah kama soo sa arin dilka loo gaystay Marxuum Abwaan Bed dal Jaamac Xersi Laangare.

Farmaajo oo war kasoo saaray weerarkii Villa Hargeysa iyo dilka Abwaan Bedel

Farmaajo oo war kasoo saaray weerarkii Villa Hargeysa iyo dilka Abwaan Bedel Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha

 

u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo Xalay lagu dilay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee Shalay lala beegsaday xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kuwaas oo labo ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ku jireen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska dalka.

"Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee Shalay lagu qaaday xarunta Villa Hargeysa.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada gurracan ee kooxaha argagixisada ah, si buuxdana loola shaqeeyo ciidamada qaranka ee maalin iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa salaadii Maqrib kadib banaanka Masaajid ku yaalla degmada Kaxda waxay ku toogteen Allaha u naxariistee Abwaan Bedel Jaamac oo isla goobta ku geeriyooday, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka.

R/W ROOBLE oo shaaciyey ujeed laga lahaa weerarkii lagu qaaday xarunta BF

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday ujeedka laga lahaa weerarkii Shalay lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ka socday kulan wadajir ah oo ay yeelanayeen labada Aqal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble lagu yiri "Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ujeedada weerarkii hoobiyayaasha ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu cabsi gelinayey baarlamaanka, si loo carqaladeeyo dhameystirka doorashada.

"Isku dayga Shalay waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Rooble kasoo baxay.

Dhinaca kale, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaalka Baarlamaanka Federaalka ee dhameystirka doorashada guddoonka labada gole iyo jadwalkii lasoo saaray Shalay.

Warka kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa ku soo beegmaya xilli Shalay labada Gole ay yeesheen kulan wadajir ah, kaas oo ay ku meel marinayeen jadwalka doorashada guddoonka labada gole ee baarlamanka federalka Soomaaliya.

Ka hor kulanka ayaa waxaa jiray cabsi xooggan oo laga qabay in taageerayaasha madaxweynaha Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay fowdeeyaan kulanka, si dib loogu dhigo doorashada guddoonka labada aqal.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Hadalka kasoo baxay ra’iisul wasaare waxaa laga fahmi karaa in eedda uu jeediyey ay tahay mid siyaasadeysan, ayada oo aanu si toos ah cid gaar ah u magacaabin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyadoo sheegtay in madaafiicdu ay dhaawaceen ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ilaalo u ahayd qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka.

Shuruudaha musharaxa u tartamaya xilka gud doonka BF oo la shaaciyay (Akhriso)

Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Shalayeyd soo saaray shuruudaha laga rabo musharaxiinta isku soo taagaya xilka Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Shuruudaha uu guddiga soo saaray ayaa waxa kamid ah in Xildhibaanka isku soo tagaya jagadaas uu haysto Aqoonsiga Xildhibaanimo (ID Card-ka).

Guddiga ayaa ku wargeliyay musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka in 19-ka illaa 22-ka April ay soconeyso diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka.

Shuruudaha Musharixiinta laga rabo oo dhameystiran, ayaa waxay kala yihiin;

Aqoonsiga Xildhibaanka (ID Card)

Arjiga caddeynta Musharaxnimo

Taariikh nololeedka Musharaxa (CV)

Labo Sawir

Warqadda cadeynta lacag qabashada Bangiga Dhexe

Balan-qaadka u hogaansamridda natiijada doorashada

Foomka diiwaan-gelinta Musharaxa

Foomka soo-joodinta Musharaxnimada

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii ay Shalay si wada-jir ah u ansixiyeen labada gole jadwalka doorashada guddoonka labada aqal, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa dadajinta doorashada madaxweynaha.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sida lagu ansixiyey kulankii Shalay.

Labada Aqal ayaa 19-ka ilaa 22-ka April qabanaya diiwaan-gelinta murashaxiinta u taagan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.Dhinaca kale, baarlamanka ayaa kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha oo laga dhigay $40,000, halka sanadkii 2016 ay ka aheyd $30,000. Waxaa sidoo kale la kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada oo laga dhigay $20,000 halka kalkii hore ay ka aheyd $15,000.


Wasiirka W/Beeraha & Waraabka XFS oo ka qeyb galay Shirka Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha

Wafdi uu hogaaminayo Mudane Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, ayaa ka qeyb galay Shir ay ku qabaneysay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha Wadanka Mooritaaniya, waxaana ka qeyb galay Shirka Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ee Carabta Madaxda Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha, Jaamacadda Carabta, Safiirada Dowladaha Carabta iyo wakiilo ka socday Wasaaradaha Beeraha ee Dowladaha Carabta.

Waxaa nasiib wanaag aheyd in Wadanka Soomaaliya loo doortay inay qabato Shir Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Saciid Xuseen Ciid, waxuuna kala wareegay xilka Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Dalka Mooritaaniya oo horay hogaanka u haayay.

Safiirka Soomaliya ee dalka Masar oo la kulmay dhigiisa dalka Burundi

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Shalay Xafiiska ku qaabilay Safiirka dalka Burundi Ambassador Malachie Rachid Niragira.

Kulanka ayaa ahaa is xog wareysi, waxa ay kawada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Burundi iyo sidii loo adkeyn lahaa iyagoo isku afgartay arrimo badan oo muhiim u ah labadda dal.

Al-shabaab oo la wareegay degmada Matabaan ee G/hiiraan

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa Shalay la wareegay guud ahaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo ay hore ugu sugnaayeen Ciidamada dowladda, sida ay KNN u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dagaalameyaasha ayaa shacabka ku amray in aysan wax dhaqdhaqaaq ah sameyn karin, taasi oo cabsi xooggan ku abuurtay dadka deegaanka.

Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa degmada ayaa isaga baxay, waxaana ilaa hadda la oggeyn sababta keentay in ay banne eyaan Matabaan oo ah degmo muhiim ah.

Saraakiisha iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale weli ka hadlin tillaabada ay Al-shabaab kula wareegeen degmada Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ooshir la qaatay Taliyaha Qaybta Koowaad ee Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa Shalay shir la qaatay Taliyaha Qaybta Koowaad ee Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS, shirkaas oo looga hadlayey adkaynta amniga guud iyo kan Doorashooyinka oo maraya heer gabagabo ah Si gaar ah waxaa shirka diiradda loogu saaray sugidda amniga guud ee Caasimadda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyo adkaynta amniga Murashixiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xog: Agaasimaha cusub ee loo magacaabayo NISA

Taliyaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda NISA Yaasiin Farey ayaa la filayaa inuu xilka ka dego marka uu maro dhaarta xildhibaan, waxaana xog aan helnay ay sheegeysaa in lagu beddeli doono sarkaal ka tirsan NISA oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Absame

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magacaabista Taliyaha NISA todobaadkii hore dib loo dhigay iyo in Yaasiin Farey uu xilka wareejiyo sababo la xiriira cabsi laga qabay diidmo iyo khilaaf hor leh inuu ka dhex abuuro Villa Somalia iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa lagu tijaabiyay xil wareejinta taliyaha ciidamada Asluubta Taliye Shub oo awood qeybsi ahaan kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, taasi oo wax fal celin ahna uusan ka sameyn Rooble.

Taliyaha cusub ee Asluubta Jen. Cabdikariin Cali Afrax oo aan ku beel aheyn Taliyihii hore ayaa wado cusub u furay xilalka awood qeybsiga ku dhisan, waxaana la filayaa in taliyaha cusub ee NISA loo magacaabi doono Taliyaha hoggaanka IT Eng. Cabaas oo kasoo jeeda beesha Weyteen Absame.

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ahmiyad gaar ah siinaya qofka noqon doona taliyaha NISA inuu yahay qof ay hubaan oo la shaqeyn kara.

Hay’adda NISA ayaa ku eedeysan falal tacadiyo ah oo ugu horeyso kiiska Ikraan Tahliil oo ka mid aheyd shaqaalihii ku dhowaa Fahad Yaasiin, waana sababta dhalisay khilaafka ay ku kala guureen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Farmaajo.

Ma cadda xilka ay heli doonta beesha shanaad, oo awood qeybsiga beelaha ay tahay inay hesho mid ka mid ah shanta taliye ee ciidamada, ayada oo markii hore u uku fadhiyey Fahad, balse sidii xilka looga qaaday uu hayey Yaasiin Farey oo kasoo jeeda Abglaa/Hawiye.

Xigasho:caasimadda.net

DF oo jawaab ka bixisay dalabkii reer MUQD ISHO, kadib qaaday tallaabo culus

Dowladda federaalka ah ee Soomalaiya oo ka jawaabeysay dalabkii reer Muqdisho ee ku aadanaa wax ka qabashada kooxaha ciyaal weerarada ee ka dilaacay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa Habeen hore qaaday tallaabo culus.

Ciidamada Booliska oo fulinayey amar kasoo baxay madaxa sare ee dalka ayaa Habeen hore howlgallkii ugu ballaarnaa ka sameeyey degmada Dharkenley oo ka mid ah degmooyinka laga barakacay, kadib markii ay ku xoogeysteen kooxaha ciyaal weerada ee hubeysan.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaas oo lagu xiray saldhigga degmadaas, si markaasi looga qaado tallaabo sharci ah.

Taliyaha Booliska degmada Dharkenley Macalin Aadan oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dhibaateynta dadka shacabka, isla-markaana wuxuu farriin u diray waalidiinta dhalay dhalinyaradaas fowdada ka bilaabay xaafadaha Dharkenley.

"Haddii cunugaagii oo gacanta lagu hayo ka daba imaato oo tiraahdo kama tirsaneyn waa inkirmaad ama difaacid, haddaad qarisaa la mid ah hadaad soo sheegi weyso ayaa la mid ah haddaad wax ka qaban weyso ayaa la mid ah,” ayuu yiri Macalin Aadan.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Dharkenley Guhaad Sheekh Xasan oo ka hadlay dhibaatada ka taagan degmadiisa ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay cirib tiri doonaan kooxaha ciyaal weerarada, isla-markaan ay dhigi doonaan xabsiga, si loo xiro.

"Ka maamul ahaan ka hay’ad amni ahaana waxaa naga go’an inaan ciribtirno, insha allah ciyaalkaas weerarada,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Dharkenley.Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka reer Muqdisho oo xilliyada habeenkii ay lasoo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala duwan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Cali Guudlaawe Oo Soo Gaaray Muqdisho, Billaabayna Kulamo Siyaasadeed

Madaxweynaha Dowlad Goboeedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay safar shaqo kusoo gaaray M/Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa Groonka waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo Xildhibaanno ay ka mid yihiin, waxaana uu billaabay kulamo siyaasadeed.

waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Max amed Abuukar Islow Ducaale, qaar kamid ah Xildhibaanada Dowladda Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale.

Dhanka kale Madaxweynaha waxa uu garoonka diyaaradaha ee aadan cade kula kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iska wareysteen xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug Oo Ka Hadlay Dilkii Muqdisho Loogu Gaystay Abwaan Beddal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee kutimid Allaha u raxm adee, Abwaan Badal Jaamac Xersi (Laangare), oo goor dhow kooxo hubaysan ku beegsadeen xili uu salaadii maqrib kasoo baxay masjid kuyaala degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa si guud ugu tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna qoyska, qaraabada iyo xigtada marxuumka, waxuuna Eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowza.

Alle ha u naxariiste Marxuumka ayaa inta badan waxaa uu kasoo muuqan jiray Warbaahinta gudaha, isagoo hadba falanqayn jiray moowduuca taaaggan ee u baahan in wax badan laga ogaado, waxaana sidoo kale waqtiyadii ugu dambeeyay uu ka hadlayay arrimo dhowr ah oo quseeya marxaladaha dalku ku jiro.

Abwaan Badal ayaa kamid ahaa nabadoonada Galmudug, waxuuna had iyo goor utaagnaa nabadeynta iyo dadaalada dib udhiska

dowladnimada Soomaaliya.

Mahad Salaad, Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire oo la kala qabtay

Kulankii Shalay ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay buuq lagu sigtay inay gacanta iskula tagaan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan inay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Hase yeeshee, markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa ka dhacay buuq ay abuureen labo xildhibaan oo qaraabo la ah madaxweyne Farmaajo kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Cabdullaahi Kulane (Kulane Jiis).

Labada xildhibaan ayaa la arkayey iyaga oo ku buuqaya kursiga guddoonka ku-meel gaarka ah ee labada aqal, taasi oo sababi rabtay in gacanta la isku qaado.

Kaamirooyinka warbaahinta ayaa qabatay xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo u fak-fakanayo xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha ugu culus ee mucaaradka, kaasoo xildhibaanada buuqa sameynayey ugu baaqayey inay ka ag fogaadaan guddoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaan Kulane Jiis oo NISA ka tirsanaa baarlamaanka kusoo biiray uu u gacan qaadi rabay guddoonka ku-meel gaarka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad), inkastoo aan ka helin caddeymo.

Cabdishakuur Cali Mire iyo Kulane Jiis ayaa kasoo horjeeday in Shalay uu Baarlamaanka ansixiyo jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka Labada Aqal taas ugu dambeyn ku dhammaatay si aysan ku qanacsaneyn.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasi oo xildhibaanadan la sheegay inay doonayeen inay ka hortagaan.

Dalal ay kujirto Somalia oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Amniga

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa Shalay shir ku yeeshay Hay’adaha Sirdoonka Milliteriga ee Bariga Afrika, iyaga oo kulankooda kaga hadlay Amniga gobolka & la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka socday dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Tanzania, Uganda & Koonfurta Suudaan , waxaana madaxda ay xoojiyeen baahida loo qabo feejignaanta joogtada ah iyo dadaalada wadajirka ah ee wadamada gobolka si loola dagaalamo caqabadaha amniga.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya ayaa lagu sheegay in hay’adaha milaterigu ay saxiixeen heshiis is-afgarad ah oo si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada iyo Kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Sidoo kale Hay’adaha Sirdoonka Milliteriga ee Bariga Afrika ayaa go’aamiyay in laga wada Shaqeeyo Amniga Xaduudaha, Amniga Baraha bulshada, Amniga Internet-ka & ilaalinta deegaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka ay kajiraan qalalaasaha Amni, waxaana dowaldda Soomaaliya ay dagaal kula jirtaa Ururka Al-Shabaab & kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Al-shabaab oo Shalay la wareegtay gacan ku heynta D/Matabaan ee G/Hiiraan

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya iney la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dadka ku dhaqan degmada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay si guud ula wareegeen gacan ku heybta degmada, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen ciidamadii dowladda ee horay ugu sugnaa magaalada.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iney isaga baxaan gudaha degmada ciidamadii ku sugnaa, waxaana dagaalamayaasha Al-shabaab u suurta gashay iney si nabad ah kula wareegaan gacan ku heynta degmada.

Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo ah magaalo muhiim u ah isku socodka wadada laamiga ah ee xiriirisa gobolada koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan la wareegista Al-shabaab ee degmada Matabaan.

Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soo maaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16-aad ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyey degaanka Caliyoow Baaroow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ujee dka howlgalka uu ahaa burburinta goobo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab laguna guul eystay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu howlgalka socday Ciidanku ay sameeyeen ba aritaano lagu xaqiijinayay Ammaanka isla mark aana ay soo qabteen 4 Xubnood oo kati rsan Al-haabaab, kuwaas oo dhibaato ku haayay Bulshada.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada in Ciidanka Kumandooska DANAB ay meelkasta uga daba tagi doonaan Ururada Argagixisada ah ee Dhibaatada ku kaya Dadka Shacabka ah.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay Cii dam ada Kumaandooska DANAB howlgall ada ka fuliyaan, hayeeshee weli ay ka dhacay aan falal Amni darro.

Macalimuu oo shaaciyey inay soo weerareen ciidamo ku beel ah Farmaajo

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Mudane Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey weerar Habeen hore saq-dhexe lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay Garbahaarey.

Macalimuu ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in weerarkaasi ay ku soo qaadeen xilli Suxuurtii ah ciidamo ku beel ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in la doonayey in lagu khaarijiyo weerarkaasi, balse uu ka bad-baaday, sida uu u sheegay Suxufiyiinta.

"Habeen hore 3:30AM xiligii suxuurta aan isku diyaarinayay waxaa la isku dayay in la isug soo weeraro ciidamo ka amar-qaata Villa Somalia, Iskudaygaas waxa uu ahaa mid la rabay in la igu soo afjaro, sagaal-saac habeennimo waxaa la igu yiri ciidanku xerada wuu kasoo baxay oo way kugu soo wajahan yihiin, waxaa nasiib darro ah in ciidamada oo aan cadawga lagu weerarin lagu beegsado saraakiishii Al-Shabaab ka qabsatay Gobolka Gedo,” ayuu yiri.

Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee la geeyey gobolkaasi, wuxuuna tilmaamay inay yihiin hal beel ah, isla-markaana dano siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyeed loo geystay halkaasi.

Ninkan ayaa mar la safnaa Villa Soomaaliya, gaar ahaan xilligii ay dowladu dagaalka ku qaadeysay Axmed Madoobe, walow markii dambe ay kala furteen isaga & madaxtooyada.

Xaaladda Garbahaarey ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidanka dowlada oo ku aadan eedeyntaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan meel qaraar ay mareyso arrinta degmada Garbahaarey, kadib markii doorashadii magaaladaas loo wareejiyey degmada Ceelwaaq.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse maamulka gobolka ee taabacsan Villa Soomaaliya ayaa ka horyimid tallaabadii ay qaadeen FEIT iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Xisbiga Waddani: Xukuumada waxaanu leenahay xoriyadooda usoo celiya saxafiyiinta

Hogaanka sare ee xisbiga Waddani oo booqday saxafiyiinta ku xidhan magaalada Hargaysa, ayaa ku baaqay in xoriyadooda loo celiyo.

Saraakiisha ugu saraysa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo ay hogaaminayaan musharaxa madaxweyne ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargaysa, ku booqday saxafiyiin toban kor u dhaafaya oo xidhan, ayaa ku baaqay in xoriyadooda losoo celiyo.

"Xukuumada waxaanu leenahay xoriyadoodi usoo celiya, waxan leeyahay yaan saxaafada la cabudhinin, waxaanu u aragnaa car hadla...horay ayaanu u sheegnay in xukuumada Shalay jirta ay xidh xidhay wixii rayigooda kasoo horjeeda oo ay xisbiyadu ka midyihiin" sida waxa yidhi guddoomiye Xirsi.

Musharax Cirro ayaa isna sheegay in saxafiyiinta aan loo marin hanaan sharci ah, wuxuu ku tilmaamay gaf sharci, isla markaana waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay cambaaraynayaan.

"Nidaam ala nidaam loo maray ma jiro, dastuur looma marin, xeer looma marin, nidaamka booliisku ku shaqeeyo ee waranada dadka loo jaro looma marin, arrintaa horayna waanu u cambaaraynay waanan ku celinayaa mar labaad, arrintaasi waa gaf sharci" ayuu yidhi Cirro.

Madaxda xisbiga ayaa sheegay in marka laga yimaado in saxafiyiinta xoriyadooda laga qaaday, anay jirin dhibaato kale oo ay sheegteen, isla markaana ay caafimaad qabaan sifiicana loola dhaqmay.


Madaxweynaha Puntland Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu soo gaaro magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, waxaana socda qaban-qaabo ku aaddan soodhaweyntiisa oo laga dareemayo Caasimadda.

U jeedka Deni ee Muqdisho ayaa waxaa uu la xariirta arrimo ku aaddan Ola-lihiisa Musharraxnimo ee Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana socdaalkiisa ku wehilnin doono Mas’ uuliyiin ka trsan Maamul Goboleedka Puntalnd oo Wasiirro iyo Xildhibaanno isugu jira.

Deni iyo wafdigiisa ayaa saacadaha soo aaddan waxaa ay kasoo amba-bixi doonaan Garoowe, iyagoo kusoo wajahan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Puntlandtimes, in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ay soo dadajisay socdaalkiisa Muqdisho, kaddib kala daadsanaa badan oo soo kala dhexgashay Xildhibaanada Puntland laga doortay, iyo xoojinta olalihiisa doorashada.

Dhanka kale Deni ayaa xalay Kulan uu la yeeshey Golaha Wakiilada, wuxuu u sheegey in uu iska casili doono madaxweynaha Puntland haddii uu hanto Villa Somalia, uuna soo laaban doono hadduu soo hungoobo, sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya.

Siciid Deni Madaxweynaha Dowlaad Goboledka Puntal;and ayaa Axaddii lasoo dhaafay kasoo laabtay socdaal todobaadyo qaatay oo ku tagay dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta, waxaana safarkaasi la aaminsan yahay in uu salka ku hayay arrimo ku aaddan Ola-lihiisa Musharraxnimada ee Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

M/weynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Puntland ee Garo owe, kadib safar uu ugu maqnaa dalka iskugu taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Mada xweynaha Ku-xigeenka maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Guddoomiy aha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdir ashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xige enka 1-aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Gud doomiye ku-xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxa med Warsame, xubno ka mid ah Gol eyaasha Dawladda, Maamulka Gobolka, Kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay dhawaan da lka isagoo halkaas kulamo kula duwan kula soo qaatay qaar ka mid ah Madaxda ka tirsan dowl addaas, waxaana uu markaa kadib u sii safray Imaaraadka Carabta, balse maanta ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarun ta Puntland.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa shee gaya in Madaxweyne Deni lagu wado in uu dhowaan u soo safro magaalada Muqdisho, iyadoo qorshihiisa ugu weyn uu ku imaanayo Muqdisho ay tahay sidii uu ugu bilaabi lahas olilihiisa doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, maadama Musharixiinta Madaxweynaha u sharxan haaatan ay wadaan ololahooda doorashada ee madaxtinimada Soomaaliya iyagoo kulamo la qaadanaya Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya qaarkood.

Dhimasho & dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Qaraxa oo ahaa Bambada gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada la weeraray ay ahaayeen kuwa ilaaliya Suuqa Tabeelaha ee Cansuurta ka qaada, waxaana ku dhintay laba Askari halka ay ku dhaawacmeen lix Ruux oo qaarkood Shacab yihiin.

Dadka ku dhaawacmay weerarka Bambaano ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Duco ee kuyaalla tabeelaha Sheekh ibraahim ee duleedka Magaalada muqdisho si halkaasi loogu daaweeyo.

Ciidamada dowladda eek u sugan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa qaraxa kadib waxaa ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay weerarkaasi bambaano.

Bannaanbaxyo rabshado wata oo ka socda dalka Sweden

Dalka Sweden ayaa waxaa weli ka socdo dibad baxyada rabshadaha wata ee ka dhashay tallaabada ay dhaqdhaqaaqa Stram Kurs (Hard Line) toddobaadkii hore ku gubeen Kitaabka Quraanka Kariimka.

Rasmus Paludan oo ah qareen cunsuri ah, una dhashay dalka Denmark ayaa Xisbiga Xagjirka ah ee Stram Kurs u aasaasay Islaam naceyb. Ninkan oo sidoo kale haysta dhalashada dalka Sweden ayaa ku hanjabay in mar kale uu gubi doono kitaabka ugu xormada badan Islaamka.

Axaddii, Ciidamada Booliska iyo dad bannaannbax ka waday Magaalada Norrköping ayaa isku dhacay. Bannaanbaxayaasha ayaa waday qorshe ay kooxda midigta fog ku dooneysay inay mar labaad ku gubto Kitaabka Quraanka Kariimka. Booliska oo dibadbaxaasi xakamayn kari waayay ayaa markii dambe bannaanbaxayaasha u adeegsaday rasaasta nool nool, oo dhaawac uu ka soo gaaray saddex qof.

War ka soo baxay Taliska Booliska ee magaa ladaasi ayaa lagu sheegay in ciidamada amn iga ay weerar kala kulmeen dibadbaxayaasha, taa oo ku khasabtay inay rasaas digniin ah ridaan, ayna ku dhaawac meen saddex qof. Booliska ayaana markii dam be xiray nin ay ku tuhmayaan fal dembiy eed.

Taageereyaasha Rasmus Paludan ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Norrköping, ka dib markii uu ugu baaqay inay isku soo baxaan.

Rabshado ayaa sidoo kale laga soo sheegay magaalada ku dhow ee Linkoping, halkaas oo Paludan uu qorsheynayay inuu mudaaharaad ku qabto, balse markii dambe uu joojiyay.

Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in sababta uu go’aankan u qaatay ay tahay in masuuliyiinta Sweden aanay lahayn awood ay ku difaacaan isaga iyo naftooduba.

Dowladaha Iraq iyo Iran oo ka carooday ficilada foosha xun ee Rasmus Paludan ayaa u yeeray Wakiilada Sweden, si ay ugu muujiyaan, sida ay kaga soo horjedaan gubidda Quraanka Kariimka.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay isku dhacyo rabshado wata ayaa ka socday Magaalada Caasimadda ah ee Stockholm iyo magaalooyin kale, oo ay ka mid tahay Malmo.

Anders Thornberg, Taliyaha Booliska Sweden ayaa sheegay inaanu noloshiisa arkin bann aanbax la mid ah midka haatan ka socda dalk aasi. Bannaanbaxayaasha ayuu ku eedee yay inaanay wax dan ah ka lahayn nolosha Ciid am ada Booliska.

Ra’iisal Wasaaraha Sweden, haweeneyda lagu magacaabo Magdalena Andersson ayaa Paludan ku eedeysay in uu doonayo in dadka reer Sweden uu iska horkeeno. Waxay sheegt ay inaysan aqbali doonin in dalka laga horse edo rabshado

Madaxweynaha Iraan oo u hanjabay Israel

Madaxweynaha dalka iraan ayaa ku hanjabay inuu talaabo qaadi doono hadii Israel isku daydo ficilo ka dhan ah tehraan Isagoo ka hadlayay dhoolatus milateri oo lagu xusayay maalinta ciidamada qaranka Iraan ayuu sheegay in haddii ammaanka Iraan uu halis galo cadowga soo jireenka ah ee Israa’iil, ay ciidamadeeda qalabka sida si adag uga aargoosan doonaan.

Intii ay socotay xaflada ayaa ciidamada Iraan waxa ay dhoolatuska ku soo bandhigeen dhoolatuska ka dhacay duleedka magaalada Tehran ee caasimada dalka Iraan hub noocyadiisa kala duwan,diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa difaaca.

Todobaadki hore Raisi ayaa u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq Fu’aad Xuseen oo booqasho ku jooga Iraan in Iraan ay "si dhow ula socoto” ficillada Israel, isla markaana aysan u ogolaan doonin inay "khatar geliyaan amniga gobolka iyaga oo sii maraya waddan kasta”.

Israa’iil ayaa lagu eedeeyay weeraro isdaba joog ah oo lagu qaaday xarumaha muhiimka ah ee Nukliyeerka Iraan iyo dilkii tiro badan oo ka mid ah saynis yahano u dhashay Iraan.

Sacuudiga Oo Ka Mid Noqday Dalalka Sida Weyn Uga Carooday Tallaabadii Kitaabka Qur’aanka Loogu Gubay Sweden

Sacuudi Carabiya ayaa aad uga carootay wararka sheegaya in si ula kac ah Qur’aanka loogu gubayo Sweden. Sida wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ay ku xustay bayaan ay Shalay soo saartay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa bayaankeeda waxay ku tiri, "Wasaaradda arrimaha dibadda waxay gudbineysaa cambaareynta Sacuudi Carabiya ee ku aaddan tacaddiga iyo daandaansiga Muslimiinta.”

Bayaanka ayaa intaa ku daraya, "Sacuudi Carabiya wuxuu xoojinayaa muhiimadda dadaallada lagu dardar gelinayo wada xaajoodka, dulqaadka iyo wada noolaanshaha. Iyo sidoo kale baabi’inta nacaybka, xagjirnimada iyo tacaddiyada dhammaan diimaha iyo goobaha barakeysan.”

Adam Abdelmoula oo kormeeray Suuqa Waaheen ee Magaalada

Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey ee Somaliya ahna Isku-duwaha Xafiiska Gargaarka Bani’aadanimada,

Adam Abdelmoula ayaa Shalay booqasho ku tegay Magaalada Hargeysa, isagoona la kulmay xukuumadda, Kuxigeenka Duqa Hargeysa iyo weliba Guddiga Gurmadka ee Suuqa Waaheen.

Kuxigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ayaa sheegay inuu Magaalada Hargeysa u yimid, in uu shacabka reer Hargeysa u muujiyo, sida ay Qaramada Midoobey u garab taagan tahay.

Adam Abdelmoula ayaa kormeeray Suuqa Waaheen, halkaas oo uu ku soo arkay burburka baaxadda leh ee uu gaystay dabkii dhawaan ka kacay suuqaaasi.

"Waxay ahayd wax xanuun badan inaan soo arko burburka ka dhashay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa. Lama soo koobi karo baaxadda burburka iyo saamaynta uu ku yeeshay dadka deegaanka iyo nolosha dhaqaale, mid toos ah iyo mid dadbanba. Dabku waa mid burburiyay magaalada.” Ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Adam Abdelmoula ayaa yiri "Qaramada Midoobey waxaa ka go’an inay gacan ka gaysato dib-u-dhiska mustaqbalka dhow, dhexe iyo midka fogba.”

Abdelmoula ayaa intaasi raaciyay "Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa waa mid aad muhiim u ah, sidoo kale waxaa muhiim ah in la hubiyo qorsheyaasha dib u soo kabashada, waxna looga qabto baahiyaha dadka aadka u nugul ee ay saameysay masiibadani, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka ay noloshooda ku tiirsan tahay nolol maalmeedka iyo ganacsatada yar-yar.”


Xadiith: N°21 Qumanaanta

Waxaa laga weriyay Abuu Camar, waxaa sidoo kale la oranjiray Abuu Camra Sufyaan ibn Cabdullaah, (Allah haka raalli noqdee):

"Inuu yiri: Waxaan ku iri Rasuulkii Allah (s.c.w.”) iiga sheegIslaamka eraya anan weydiin doonin qof aan adiga aheyn. Wuxuu yiri Nebiga (s.c.w.) Waxaad dhahdaIllaahay baan rumeeyay kaddibna ku toos jidka quman.”[Muslim]

Sharaxa:Xadiiska Kow & Labaatan

Xadiiskani waa laba eray oo aad u xeel dheer , maxaa yeelay,Islaamkii baa intaas ku idil: In qofku llaahay rumeeyo sharcigana ku camalfalo, ku toosnaanta jidka quman waa in la fuliyo waxa lagu amray, ka reebtoonto wixii lagaa reebay. qofkii intaas laga helo ma jiro wax uga dhim anIslaamnimadii.

FAA’IIDADA XADIISKA

1. Iimaanka ayaa ka horreeya camalfalka kale,

2. Ku sugnaanta iimaanka,

3. Ku toosnaanta jidka quman,

4. Hadalka gaaban oo lagu murtiyeeyo arrimo aad u xeeldheer.

 

Xadiith: N°22 Waxa Jannada Lagu Galo

Waxaa laga weriyay Abuu Cabdullaah Jaabir ibn Cabdullaah- al-Ansari( Allah haka raalli nogdee):

”In nin weydiiyey RasuulkaIllaahay( s.c.w. ): Haddaan tukado salaadda oon soomo Ramadaanka oon baneesto xalaasha oon iska reebo xaaraanta intaanaa anan waxna ka siyaadin ma gelayaa Jannada? Wuxuu ku jawaabay Nebigi i( s.c.w.): Haa…![Muslim].

Macnahaa an ka reebtoonaado xaaraanta waaa an ka dheeraado xaaraan oo idil.Macnaha baneysto xalaasha waa aan ku dhaqmo waxa xalaasha ah anigoo rumeysanxalaalnimadooda.

Sharaxa:Xadiiska Laba & Labaatan

Xadiiskani wuxuu inooga warramay waxa lagu muteysanayo Jannada taasoo ah in qofku guto waajibaadka lagu farad yeelay kana dheeraado waxyaalaha laga xaaraantimeeyay oo aad ugu yar dunida sida Doofaarka, Khamrada iyo xaga dadka kale, iyo inuu cuno wixi il laahayu xalaaliyay oo ah wixii ka soo haray xaaraanta.

FAA’IIDADA XADIISKA

1.Oogidda salaadda, soomidda,

2.Ka dheeraanshaha xaaraanta;

3.Ku dhaqanka xalaasha,

4. ln camalka fiican lagu helayo Jannada

La Soco Qeyb Kale

DARUUSTA RAMADAANKA {FADLIGA SOONKA}


LIFAAQ # 1

TIIRARKA ISLAAMKA uu ku dhisan yahay waa shan (5), taasoo mid ka mid ah haddii uu qofku ka tago aysan muslinnimadiisu sax ah ayn. Xaddiis uu wariyey ibnu Cumar A.K.R. Wuxuu yiri: "Islaamka wa xa uu ku dhisan yahay shan: Shahaadada oo ah in la qiro inuu Ila ahay mooyee ilaah kale uusan jirin, Nabi Muxammadna (S.C.W.) uu yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa; in Salaadda la oogo, in Sakada la bixiyo, in la soomo, iyo in Xajka la tago".

(1) SHAHAADADU WAA: in la ictiqaadiyaa carrabkana laga she egaa. Shahaadadu waa Aasaaska Ansixitaanka Acmaasha oo dhan, taa soo ah in lagu socdo jidkii uu Ilaahey na faray, innagoo ay naga tah ay ikhlaas (run), lana raaco sunnadii Nabiga (s.c.w.)

MIRAHA SHAH AADAD:Qalbiga oo nadiif noqda, nafta oo ka xu rowda addoonsiga aadamiga iyo raacidda qof aan rasuul Ilaahay ahayn. Marka diinta Isla amka la gelayo waa in si ikhtiyaari ah loo qiro ASHAHAADADA - "in aan ilaah jirin xaq lugu caabudo Allaha aw ooda sare leh ma ahee, iyo in Nebi Muxammadna Rasuulkii Alle yahay".

SALAADDA OO LA OOGO WAA: Ilaahey oo lagu caabudayo ficilka salaadda, iyadoo si toos ah Rabbi loogu tukanayo iyo iyadoo la il aalinayo waqtiga salaadda. Salaadu waa tiirka 2-aad ee Islaamku ku taa gan yahay, qofkii ka tagaana waa qof Alle ku kufriyey. MIRAHA SAL AADDA: Xabadka oo furma iyo ka dheeraashada dambiyada waa weyn iyo kuwa yar yarba.

SAKADU WAA: Ilaahay oo lugu caabudo bixinta maalka ku waa jibay qofka. Sakada waxaa laga rabaa in uu bixiyo qofka leh xoolo ay ka waajibtay. MIRAHA SAKADA waa oo daahir ka noqota akhlaaqda xun oo ay ka mid tahay bakhiilnimada iyo iyadoo la daboolay baahida Muslimiin baahan.

SOONKA BISHA RAMADAAN WAA: Ilaahay oo lugu caabudo ayadoo laga af-qabsado wixii soonka jebinaya oo laga reebtoomo galm ada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax du ka dhacdo.MIRAHA SOONKA: Nafta oo la baro in laga reebo wa xa ay u baahan tahay, iyadoo Ilaahay dartiis loo sameynayo. Inaad soon tid bisha Ramadaan, oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo ga lmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo waaberiga ilaa qor raxdu ka dhacdo. XAJKU WAA: Ilaahay oo lagu caabudo aadidda xajka, iyadoo la nooleynayo calaamadaha Islaamka. MIRAHA XAJKA: Nafta oo la gu tar biyeeyo in la bixiyo maal iyo iyadoo qofkii guriga Ilaahay uu u qas do inuu soo siyaarto, sidaas darteed ayuu xajku u noqday nooc ka mid ah jih aadka.

Inaad u xajidid Baydka Alle (S.W.) ee Makka ku yaalla waxaana la ga rabaa tiirkaan qofka awoodda u leh. Tiir kasta oo ka mid ah shanta ti ir ee kor ku xusan, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo fur uuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabto waxaad ka heli kartaa kutub ta fiqiga.

LIFAAQ # 2

Arkaanta (Tiirarka) Iimaanka: Tiirarka IIMAANKU waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahey uun baana og in uu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka Islaamka. Tiirarka IIMAANKU waa lix (6) waxayna kala yihiin sidan:

(1) Inaad rumeyso, oo si dhab ah u ictiqaadiso jirista iyo midnimada Allaah (S.W.)

(2) Inaad rumeyso jirista malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahey ka uumay nuur oo innaga duwan.

(3) Inaad rumeyso in Ilaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolo sha looga baxo ah soo dejiyey ee uu u dambeeyay luguna khatimay kita abka Qur’aanka Kariimka ah.

(4) Inaad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey la guna khatimay Nebigeennii suubanaa Muxammad (S.C.W.).

(5) Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah in ay jirto, maalin la xis aabi doono dadka iyo jinka waxa ay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xu maan.

(6) Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaya dunida in ay yih iin wax Ilaahey qaddaray shar iyo khayrba Updated: Nov 15, 2001 | Updated: Oct 18, 2003 | Updated: Oct 15, 2004

Cabdulfataax Maxamed Cabdulle Ottawa, Ont. Canada abdulfatah@yahoo.com

WARGELIN :- Maamulka wargeyskan wuxuu kugu wargelinayaa inaad xafidid Bogagga Qoraalada Diinigaah ee ku Qoran wargeyskan,kana Ilaalisid Meelaha wasaqeysan oo aanad dhigin Mahadsanidiin


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip