Korneylkii hogaaminayey Badbaado Qaran, Xaadoole oo xildhibaan loo doortay
Colonel Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa ku guuleystay doorashadii adkeyd ee kursiga HOP106 ee beelaha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar, isaga oo ka adkaaday saddex musharax oo kale.
Colonel Cusmaan Xaadoole, oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalk, ayaa wareegga koowaad ee doorashada helay 56 cod, isaga oo ka adkaaday musharaxiinta kala ah:Bashiir Maxamed Yuusuf, Fowziya Sheekh Cali Maxamuud iyo Yaxye Abuukar Aadan.
Afarta musharax ayaa cododka u kala helay sidan
1. Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole 56
2. Bashiir Maxamed Yuusuf 20
3. Fowziya Sheekh Cali Maxamuud 0
4. Yaxye Abuukar Aadan 25
Colonel Cusmaan Xaadoole, oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle, ayaa lagu xusuustaa inuu hoggaaminayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Waqooyiga Muqdisho, kuwaas oo halkaas ka galay dagaal horseeday in laga laabto muddo kororsigii madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu ku biirayaa xubno kale oo ka mid ahaa saraakiisha Badbaado Qaran oo baarlamanka soo galay, uuna ka mid yahay Jeneraal Saadaq John.
Kadib guusha Xaadoole ayaa waxaa rasaas xooggan oo dabaal deg ah laga riday inta badan waqooyiga Muqdisho, ayada oo aad loogu soo dhoweynayo guusha Colonle Xaadoole.
Korneylkii hogaaminayey Badbaado Qaran, Xaadoole oo xildhibaan loo doortay
...