HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER MAANTA OO AH SABTI 16-KA ABRIL. 2022

0
Saturday April 16, 2022 - 08:32:52 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER MAANTA OO AH SABTI 16-KA ABRIL. 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u Hambalye eyey oo Guddoonka KMG ee Shalay ay doorteen Xildhibaanada Labada aqal

                                                                     Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyey Labada Guddoomiye ee KMG ee Shalay ay doorteen Xildhibaanada Labada aqal ee baarlamaanka Sooma aliya.

     "Waxaan u hambalyeyn ayaa labada guddoomiye ee KMG ah ee Golaha Sha cabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhaban cad iyo Aqalka Sare Mudane Maxamed Cabdi Yu usuf Gaagaab. Waxaan u rajeynayaa in ay ku guu leystaan maamulka doorashada guddoonnada rasmiga ah ee labada aqal sida ugu dhaqsaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                       RW Rooble oo farriin weyn u diray xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka FS

      Ra”iisal Wasaaraha xil gaarsiinta dowladda fe deraalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay khudbad ugu jeedoyay teendhada Afisyooni oo lagu dhaarinayay in ka badan 200 xildhibaan ee labada aqal Baarlamaanka 11aad.

Waxa uu sheegay RW Rooble in xildhibaanada Shalay la dhaariyay ay si wanaagsan xilka loo igmaday isla markaana dalka ka samata bixiyaan xaaladda adag ee uu ku jiro.

    Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay heystaan duruufo adag, isagoo xildhibaanada xusuusiyay inay mat alayaan shacabkaas dhibaateysan oo qarka u sa aran macluul.

     "Sidaas darteed waxaan idinkula dardaarmay aa in aad Alle uga baqdaan mas’uuliyadda weyn ee idin saaran, la timaaddaan aragti qaran oo ka jawaabeysa duruufaha haysta dalkiinna iyo dadki inna, una doortaan hoggaan awooda in uu xal u helo caqabadahaas” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble oo mararka qaar hadaladiisa kaftan ku soo darayay.

Farmaajo oo u hambalyeeyay xildhibaannada BFS ee Shalay la dhaariyay

     Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabd ullaahi Farmaajo oo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu ha mbalyeeyay gudashada Dhaarta Dastuuriga ah ayaa tilmaamay doorka shacabku ay ka sugayaan Xildhibaannada cusub ee ku aaddan xoojinta dowlad-nimada, horumarinta dalka iyo adkeynta midnimada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammeystirka doorashadu, si wa afaqsan heshiiskii 17-kii Sebteem bar ee ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha Wad atashiga Qaranku, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Barlamaanka JFS, kaas oo saldhig u ah fulinta doorashooyin wadar-ogol ah.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xildhibaan ada labada Aqal in ay dhammeystiraan dadaalkii uu Barlamaanka 10aad ku bixiyay meel marinta hindise sharciyeedyo waxtar u leh dowlad dhisi dda kuwaas oo hortabin u leh sii ambaqaadida is badallada socda ee amniga, dhaqaalaha iyo adee gyada bulshada ee lagu tallaabsaday sanadihii ee lasoo dhaafay.

     Madaxweynaha ayaa shacabka soomaaliyeed ku adkeeyey in ay xoojiyaan wadajirka iyo midni madooda, ilaashadaanna miraha dowladnimada, iyada oo muwaadin kasta uu mudnaanta siinayo danaha Qaranka iyo sidii aan u horumarin lahayn dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay aa u rajeeyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Shalay la dhaariyey in uu Alle u fududeeyo waaji baadka Qaran ee horyaalla, kana yeelo masuuli yiin ka shaqeeya danta dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Muxuu Cabdirashiid Janan ka yiri doorashadii laga wareejiyey Garbahaarey?

      Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdira shiid Janan ayaa si lama filaan ah uga hadlay go’ aankii uu guddiga doorashadad heer Federaal uu magaalada Ceelwaaq ugu wareejiyay doorashada kuraastii taalay magaalada Garbahaareey.

      Janan ayaa go’aanka guddiga FEIT ku tilma amay inuu yahay go’aan mudan in lasoo dhawe eyo maadaama uu kusoo aaday waqti loo baa hnaa. Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in gob olka Gedo laga badbaadiyay inay ku dhacdo mat alaaad la’aan, isagoo sheegay in gu ddiga doorashada uu qaatay go’aan wanaagsan oo Gedo looga saarayo jiitanka doorashada.

     "Haddii Garbahaareey xoog lagu haysto oo madaxweyne ku-xigeenkii ku dhashay loo diidan yahay, hadduu Ceelwaaq imaan karo, oo madaxweynihii Jubaland imaan karo, oo gu ddigii doorashada Jubbaland imaan karo, in doora shada lagu qabto wax dhib ah uma arko. Taas wa xaa ka xun inay ka haraan barlamaanka Sooma aliyeed, sida Shalayba dhaarta uga hareen,” ay uu yiri Cabdirashiid Janan oo wareysi siiyay Idaa cadda goobjoog.

     Cabdierashiid Janan ayaa ku eedeeyay madax weyne Farmaajo iyo hay’adda Nabad-Sugida inay cuuryaamiyeen gobolka Gedo, isagoo sheegay in danahooda gaarka ah u dhibaateeyeen masiirka reer Gedo.

     Janan ayaa intaas kusoo daray inay quus taag an yihiin cid kasta oo isku dayaysay inay masiirka gobolka Gedo looga taliyo Villada, sida uu yiri.

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland oo sannadkii hore heshiis la galay dowladda islamarkaana ku wareejiyay ciiddankiisii, ayaa hadda u muuqda mid mowqifkiisii uu isbeddelay, isagoo ka hor yim id wax ka socda gobolka Gedo ee madaxweyne Farmaajo ku lug leeyahay.

     Halkaan hoose ka daawo wareysiga Janan oo dhameystiranXigasho:caasimadda.net

Muxuu Indha-Cadde ka yiri musharrax nimada Deni?

      Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cad de oo markii u horeysay wax laga weydiiyay mush araxnimada madaxweynaha Puntland, Saciid De ni ee xilka u sareeya dalka ayaa sheegay in Deni uu jaanis wanaagsan u muuqdo.

      Indha-Cadde ayaa sheegay in Saciid Deni uu soo saartay Xildhibaano badan oo u gudbin kara wareega 2-aad ee tartanka madaxtinimada dalka.

"Saciid Deni waxa uu arkay jaanis oo wuxuu is-yi dhi jaanis ayaa haysata. Farmaajo iyo Deni meel lagu tartansiiyo mayba gaadhinba, oo waa la ark ay sida uu u dhaqmay Farmaajo, waxaanba isle yahay asaga (Deni) ayaa doorasha da qof iyo cod ah ka bilaabay,” ayuu yiri.

     Jeneraal Indha-Cadde ayaa mad axweyne Deni ku amaanay doorash ada uu ka hirgeliyay maamulkiisa, taasina ay aad u kala fogeynayaan madaxweynaha muddo xileed kiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmajo

          Farmaajo ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay inta uu joogo Villa Somalia in uu dalka dhowr jeer u horseeday hubanti la’aan amni, iskuna dayay in uu sameysto muddo kororsi sharci darro ah, kaasi oo markii dambe uu si sandule ah uga laabtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa bishii hore ku dha waaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Mad axweynaha Soomaaliya, isagoo shaaciyey in had afkiisa ugu weyn uu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo.

    Saciid Deni ayaa asagu ku tashanaya Xildhib aanada uu gacantiisa kusoo saartay iyo kuwa kale ee usoo saaray saaxiibkii Axmed Madoobe, wuxuuna ololihiisa doorashada hal ku dhig uga dhigay "Bedelida Farmaajo iyo taageerada musha rax kasta oo aragtidaas qaba”.

    "Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweyn aha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farma ajo,” ayuu yiri Deni.

      "Hadafka u weyn oo aan leeyahay wuxuu ya hay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan sii jo ogi karin xilka, waa adagtahay in dalkaani uu hor ay u sii socdo, hadii uu sii joogo.”

Sababta ay Taliyaasha Xildhibaanada Noqday u Diideen inay dhaartaan

      Laba ka mid ah Afarta taliye ee xukunta cii damada dalka ayaa ku biiray golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad. Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ah taliyaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda NI SA iyo Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo taliyaha ciidamada Asluu bta Soomaaliya ayaa xubno ka no qday Baarlamaanka

     Cusub Labada Nin ayaa Baarl amaanka kasoo galay Galmudug iyo K/albeed. Saraakiishaan weli waxay ku fadhiyaan xilalkoodii hore.

Dorraad waxay aheyd Maalintii la dhaarinayey xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad. Taliye Yaasiin Farey ayaa tagay xarunta gud diga FEIT, wuxuuna qaatay shahaadada xildhib aanka laakiin ma uusan xaadirin dhaartii xildhib aanada, halka taliyaha Asluubta xildhibaan Ma had uu isna dib isaga dhigay shahaado qaada shada iyo dhaarta Labada.

    Labada sarkaal ayaa haddii ay dhaartaan noq onaya xildhibaano rasmi ah, taasoo ka dhigan in ay si toos ah u weyn doonaan xilka taliyinimada.

Qofka xildhibaanka ah looma ogala xil ka hoose eya wasiir federaal ah, taliyaaashana waxay xis aabsan yihiin darajo ka hooseyso wasiir, sid aas darteed, maalintii ay dhaartaan oo ay xildhibaano buuxda noqdaan waa banaan yihiin hoggaanka labadaas ciidan.

   Yaasiin Farey oo hadda kamid ah xubnaha sida weyn Farmaajo ugu dhow dhow ayaa haddii uu NISA baneeyo waxaa abuurmaya dood cusub, horey Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo waxay ugu heshiiyeen inuu Yaasiin Farey si ku-meel gaar ah hay’adda NISA usii ho ggaamiyo, balse ay ka heshiiyaan cidda loo mag acaabayo xilka taliyaha rasmiga ah.

      Labada Nin ee Farmaajo iyo Rooble si weyn ayey u kala fog yihiin waqtigaan, mana ka heshiin karaan qadiyad noocaas ah, sidaas darteed NISA waxay heysataa inuu Yaasiin Farey sii joog ama inuu abuurmo buuq cusub oo hoggaankeeda la xiriira.

    Labada taliye ee Asluubta iyo NISA dib ayey is ku sii dhigi doonaan illaa muddo si ay xilakooda u sii heystaan ayaa laga soo xigtay qaar kamid ah dadka ku dhow dhow taliyaashaan, Farmaajana hadda xiiso uma qabo isbadal xagga hoggaanka ciidanka ah, maadaama ay dhammaan saraaki isha isaga weli daacad u yihiin.


Shir loogu jawaabay Beelaha Hawiye oo Shalay ka dhacay Muqdisho

    Waxaa Shalay magaalada Muqdisho ka dhac ay shir aaya-tashi ah oo ay isugu yimaadeen Uga asyada, Odayaal dhaqameedka iyo Waxgaradka Dir, Digil iyo Mirifle iyo sidoo kale beelaha Shan aad, kaasi oo looga hadlayay xaalada dalka.

     Shirka ayaa waxaa si ga ar ah looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka oo ma raya heer geba-gebo ah, ka dib markii uu guddiga FEIT Dorraad dhaqan-geliyay jadwalkii dhaarinta xildhib aanada cusub.

     War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaas ayaa waxaa meesha looga saaray cabsida ku aadan in shirarka Dir, Digil iyo Mirifle uu dan gaar ka leey ahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaad ay, la iskagana hor keenayo qabiilada qaarkood.

"Maalmahaan waxa jiray hadalo ay beesha Hawi ye la wadaagayeen saxaafada, kuwaasi oo ahaa in Beelaha Dir, Digil iyo Mirifle iyo beesha Hawiye uu dagaal dhexmari doono, dagaalkaasi oo uu abaabulayay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamadaay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ta asi oo aan sal iyo raad toona laheyn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay shirka.

      Sidoo kale waxay cadeeyen in shirarkooda uu ku saabsan yahay aaya-tashigooda gaarka ah, is lamarkaana aysan meesha oolin dagaal kala dha xeya beesha Hawiye.

      "Dadkaan cid ma soo abaabulin oo ayaga ayaa dantooda iyo midda dalka isku xilqaamay. Waa waxba kama jiraan in aan abaabuleyno dag aal iyo hebel ka dambeeya oo soo dirsaday,” ay uu yiri Oday kamid ah Nabadoonada ka hadlay shirka.

      Ugu dambeyntiina waxay sheegen inay u mid oobeen danta umadda Soomaaliyeed oo aysan jir in cid si gaar ah u taageersan yihiin ama u neceb yihiin, ayna ka shaqeynayaan Soomaaliya hor umarkeeda.

Musharaxii ugu horreeyey ee beesha Daarood oo isku soo taagay gudoomiyaha BF

      Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ay aa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarala manka Soomalaiya.

      Cabdirashiid Xidig ayaa qoraal uu ku daabacy bartiisa facebook ku yiri "Mudaneyaal iyo marwooyin ani goo ah xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig wa xaan idinla socod siinayaa inaan u sharaxnahay xilka gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federal ka ee Soomaaliya 2022/2026.”

       Waxa uu intaas ku daray "Mudaneyaal iyo marwooyinm baarlamanka federaalka waxaa hor yaalla waajibaad dastuuriya oo lagama maarm aan u ah dowlad dhisida dalkeena, sidaas dart eed anigoo fahamsan waajibaadkaas aqoon iyo waayo aragnimo dheera u leh hogaaminta baarl amaanka iyo gudashada waajibaadkiisa, waxaan go’aansaday inaan isusoo sharaxo qabashada xilka gudoomiyaha golaha baarlamaanka federal ka ee Soomaaliya.”

     Xidig ayaa ka codsaday xildhibaanada federal ka inay taageeraan codkoodana siiyaan, wuxuuna intaas ku daray inuu maalmaha soo socda soo ba ndhigi doono faah-faahinta qorshihiisa siyaasad eed.

    Xidig ayaa sidoo kale xilkan isku sharaxay do orashadii guddoomiyaha baarlamankii 10-aad ee dhowaan muddo xileedkiisu dhammaaday, balse aan ku guuleysan. Musharaxnimada Xidig, oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha.

      Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha Daarood ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, inkasta oo aysan caddeyn heerka ay gaarsiisan tahay taageerada uu haysto.

Dhowaan waxaa jiray dadaal ay wadeen beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, oo ay waxa kaga bedelayaan habka awood qeybsiga, waxaana musharaxnima da Xidig ay siineysaa fursad ay taas ku xaqiijiy aan haddii ay codkooda ku taageeraan.

Musharaxnimada Farmaajo iyo Saciid Deni oo halis lama filaan ah ay soo wajahday

      Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ay aa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baara lamanka Soomal aiya.Musha raxni mada Xidig, oo ka soo jeeda bee sha Ogaadeen, ayaa leh cawaaq ib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wa saaraha.

     Dhowr iyo laabatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa xilkaas loo dooran jiray siyaasi ka soo jee da Koonfur Galbeed, halka Xidig oo doorashadii u dambaysay ee January 2017 galay kaalinta laba ad uu noqday qofka labaad ee ugu codadka bad an. Damaca Koonfur Galbeed

      Balse, Koonfur Galbeed ayaa hadda dooney sa in taas wax laga beddelo, ayada oo odobaady adii la soo dhaafay ay jireen warar sheegaya in K/ Galbeed oo ku dhawaad rubuc qarni haysatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ay hadda tijaa bin rabto xilalka kala ah Madaxweynaha ama Ra’ iisal wasaaraha. Maadaama kuraasta ugu sarrey sa dalka – Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka – lagu sale eyo qaab awood qaybsi ah oo ku dhisan habka 4.5 ee beelaha Soomaalida, haddii ay Koonfur Ga lbeed wareejiso Gudoomiyaha, waxa taasi bedal aysaa cidda helaysa labada xil ee kale.

      Daahir Qoriyoow Isaaq, oo falanqeeya siyaa sadda Gobolka Geeska Afrika, ayaa aaminsan in ujeeddada ugu weyn ay tahay "in kursigaas uus an ahayn mid la isku halleyn karo, oo aan cago adag ku taagneyn”.

      "Waxay ila tahay waxa ugu weyn waa caqa badaha uu guddoomiyaha golaha shacabka la kul mayo marka uu Golaha hoggaanka u hayo. Ma aha kursi uu qofka hubo in uu kusii fadhin karo inta aysan muddo xileedka u dhammaanin. Wax aa taas sii dheer in aan lagu tixgelinin kursiga”. Ayuu yiri Daahir Qoriyoow.

Farmaajo iyo Saciid Deni

      Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha Daarood ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, taasi oo si rasmi ah u dileysa rajada ay leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Sic iid Deni oo ay isku beel kasoo jeedaan.

     Maadaama Xidig uu ku qoondo yahay lab adaas nin marka la eego hannaanka 4.5, haddii uu ku guulaysto doorashada gudoomiyaha golaha shacabka, waxaa meesha ka baxaysa fursaddoo da, ayay leeyihiin dadka darsa qaab dhismeedka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

     Xildhibaanada taageersan Deni iyo Farmaajo waxay labaduba xaqiijin doonaan inaan la taagee rin Xidig, si aanay taas u dhaawicin rajadooda.

     Hase yeeshee, ayada oo ay jireen isku day is baheysi oo ay rabeen Dir, Digil iyo Mirifle, suurta-galna ay tahay in xildhibaanada Hawiye ay sidoo kale taageeraan Xidig, lama yareysan karto hali sta kusoo wajahan Saciid Deni iyo Farmaajo.

Wax ay ahaatdaba, tani waxa xamaasad kale u yeeleysaa loolanka hoggaanka sare ee dalka, waana arki doonnaa halka ay ku dhammaato.

xildhibaan Cali Xaaji oo sharaxay sababta uu u amaanay Al-Shabaab

       Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ka mid ah xildhibaannadii Golaha Shacabka ee Dorraad xilka loo dhaariyay, ayaa muddo kooban kadib ma rkii lagu doortay magaalada Baladweyne waxaa soo ifbaxay muuqaal laga duubay isaga oo ku su gan deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan, halk aas oo ay Al-Shabaab ka taliyaan.

     Hadal uu goob musaanasabad ahayd ka jeediyay ayuu ugu mahad naqay Al-Shabaab, isaga oo adeg saday ereyga "WILAAYADA ISLA AMIGA AH” iyada oo arrintaas ayay dad badan ka fal-celiyeen kuwaas oo xildhibaanka ku eedeeyay   in uu xiriir dhow la leeyahay Al-Shabaab.

       Wareysi uu siiyay VOA SOMALI ayuu ku she egay in muuqaalkiisa lagu faafiyay Baraha Bulsha da laga soo jartay khudbad uu ka jeediyay deega anka Ceel Cali 2014-kii xili uu halkaas u tagay adeeg caafimaad maadaama uu yahay dhaqtar & hormarinta Waxbarashada Deegaankaas.

      "Video-ga waxa uu ahaa 2014-kii, xilli aniga oo dhaqtar iyo bare Jaamacadeed ah oo ka shaq eeya Muqdisho aan aaday Deegaanka Ceel Cade oo waxa aan waday macalimiin Iskuul oo maadoo yinka Seyniska dhiga waxaana geeyay Iskuulka Ceel Cali oo 2012-kii aan u baddelnay Dugsi Sa re, Guddigii maamulayay Iskuulka ayaa ii xil saar ay in aan u hadlo, khudbaddii aan jeediyay oo dheereed ayaa laga soo jartay qaybta aan ka le eyahay "Wilaayada Islaamiga” haddii aan tegay meesha ay ka talinayaan oo madaxdoodii fadhiso waan ku qasbanaa in aan adeegsado ereygaas,” ayuu yiri xildhibaan Dr. Cali Xaaji Aadan.

     Wuxuu intaas kusii daray  "Qofka meesha ka taliya in aad ugu yeerto magaca uu jecel yahay haddii kale adiga ayaa dhibaato laguu geysanay aa, tan kale waxa aan u baqay iskuulka in ay dhib aato soo gaarto oo aan loo fahmin in ay dowlad ama hay’ad taakulo ka helo, anigana nafteyda ay aan u baqay”. Xildhibaankaan ku guuleystay HOP #039 ayaa beeniyay in uu xiriir la leeyahay Al-Sha baab isaga oo difaac ka dhigtay in dalka dibadd iisa uu waxbarasho u aaday kahor inta aanay aas aasmin, isla markaana aanay jirin shaki laga qaa day ama caqabad ka dhalatay muuqaalkaas oo soo gaartay kaddib faafintiisa.

     Waxa beeniyay in ergada dooratay ay ku jire en kuwa Al-Shabaab u tagay, Guddi qaabilsan hu binta Codeeyaasha uu xaqiijiyay maadaama la mamnuucay Eragadii u tagtay Al-Shabaab ee soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka 10aad ee JFS.

      "Dad Ergooyinka galay oo inta cabsaday u ta gay Nimankaas way jiraan, kuwaas in ay dib usoo galaan doorashada dambe lama ogola oo Dowla ddu go’aan ayay ka gaartay, aad ayaa loo hubina yay oo Guddiyo Amniga ayaa ka shaqeynayay,” ayuu yiri Xildhibaan Dr Cali Xaaji Aadan.

      Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar ayaa 04/04 /2022 ku guuleystay HOP#039 isaga oo helay 86 cod, waxa uu ballanqaaday in uu wax u qaban do ono Deegaanka uu metalo ee Ceel Cali oo gacan  ta D/G/ Hir-Shabeelle ka maqan.

Murashax Madaxweyne Cabdullaahi Cali Xasan oo baaq iyo dardaaran u diray xildhibaanada cusub

     Wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay dhaarta xildhibaanada cusub ee labada aqal baarlama anka Somalia.

     Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xildhibaanada cusub ee labada aq al ay u taal howl culus iyo samatab ixinta dal iyo dad ay dowladnimada kusii dhacey so ceel dheer.

    "Farriinta ugu horeysa ee aan halkan uga diraa yo waa in ay Alle uga baqaan xilka loo dhaariyay, dal kana ka saaraan mugdiga iyo walaaca” ayuu yiri wasiirkii hore ee Ganacsiga haddana ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia.

     Wuxuu sidoo kale amaan iyo bogaadin u jeed iyay gudiga doorashooyinka dadban iyo cid walba oo suuragalisay in halkan Shalay lasoo gaaro sida uu hadalka u dhigay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip