RW Rooble oo farriin weyn u diray xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka FS

0
Thursday April 14, 2022 - 14:18:27 in Wararka by
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Rooble oo farriin weyn u diray xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka FS

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra”iisal Wasaaraha xil gaarsiinta dowladda federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta khudbad ugu jeedoyay teendhada Afisyooni oo lagu dhaarinayay in ka badan 200 xildhibaan ee labada aqal Baarlamaanka 11aad.

Waxa uu sheegay RW Rooble in xildhibaanada maanta la dhaariyay ay si wanaagsan xilka loo igmaday isla markaana dalka ka samata bixiyaan xaaladda adag ee uu ku jiro.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay heystaan duruufo adag, isagoo xildhibaanada xusuusiyay inay matalayaan shacabkaas dhibaateysan oo qarka u saaran macluul.

"Sidaas darteed waxaan idinkula dardaarmayaa in aad Alle uga baqdaan mas’uuliyadda weyn ee idin saaran, la timaaddaan aragti qaran oo ka jawaabeysa duruufaha haysta dalkiinna iyo dadkiinna, una doortaan hoggaan awooda in uu xal u helo caqabadahaas” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble oo mararka qaar hadaladiisa kaftan ku soo darayay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip