HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAIL NEWSPAPER MAANTA OO AH ARBACO 13-KA ABRIL 2022

1
Wednesday April 13, 2022 - 08:53:43 in Wararka by
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAIL NEWSPAPER MAANTA OO AH ARBACO 13-KA ABRIL 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Nuxurka Khudbaddii Farmaajo Ee Munaasabadda 62 Sano Guradii Aas-Aaska Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 62-Aad ee Aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku soo bandhigeen dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey waxa uu ka warramay muuhiimadda ay leedahay xuska 12-ka Abriil, taariikhda iyo mabaadi’da uu u aasaasan yahay Ciidankeenna geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

"Munaasabadda 12-ka Abriil waa maalin weyn oo ku suntan gobannimo iyo dowladnimo. Waa maalintii la aasaasay Ciidankeenna Geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ah astaan qarannimo iyo midnimo, oo u taagan difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka warbixiyey dadaalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib-u-dhiska Ciidanka, joogtaynta xuquuqdiisa iyo soo celinta haybaddii uu lahaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan laga wada qayb qaato dadaallada dib-u-dhiska ciidanka iyo xoraynta dalka.

"Markii aannu xafiiska nimi, ciidanku ma lahayn gal iyo diiwaan sugan toona, taasoo horseedday in la musuqmaasuqo xuquuqda ciidanka. Si wax looga qabto dhibaatooyinkaas, waxaannu guud ahaan Ciidanka ku samaynay tirakoob iyo diiwaangelin casri ah. Waxaannu kor u qaadnay tababarrada, qalabaynta, tayaynta iyo kordhinta tirada ciidanka. Kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa tababarro heerkoodu sarreeyo ku qaatay dalka gudihiisa iyo dibadda. Sidoo kale, waxaa kor loo qaaday miisaaniyadda ciidanka, iyada oo la kordhiyey lana jooogteeyey mushaharka Ciidanka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ciidan Xoogga Dalka Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka, difaaca Xuduudaha dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada caadeysatay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u duceeyey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiidday iyo kuwii u dhaawacmay difaaca dalka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiya Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaarihii Hore Mudane Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada, Xoogga Dalka, Booliska, Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xildhibaanno ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka socotay saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya.

Taliye Odawaa oo shaaciyay sababta sanadihii la soo dhaafay loo qaban waayay dabaaldaga Aas’aaska Ciidanka xoogga

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage oo khudbad ka jeedinayay munaasabad loogu dabaaldegayay 62 sano guuradii kasoo wareegtay Aas’aaska Ciidanka xoogga dalka ee ka socoto Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka hadlay marxaladaha uu soo maray ciidanka io waxa uu hiigsanayo.

Taliye Odawaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ay soo mareen marxalado kala duwan, isla markaana Maalinba meel uu joogay, hayeeshee haatan ay yihiin kuwo gaaray horumar kala duwan oo u suurto gelinaya inay sugaan Amniga Guud ee dalka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage waxaa uu sheegay in haatan ciidamada ay ku sugnaa dib u habeyn ballaaran ayna jiraan dowladdo gacan weyn ka siinaya dowladda Federaalka, kuwaas oo uu u mahad celiyay.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaan la qaban dabaaldaga Munaasabadaha Aas’aaska Ciianka xoogga dalka , balse sanadkaan la qabtay, waxaana Xubno kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ay shaki ka muujiyeen, waxaana Taliyaha ciidanka xoogga uu ku sheegay sababta loo qaban waayay inay tahay Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Ugu dambeyn Taliye Odawaa ayaa ka hadlay xaaladda Amni ee dalka iyo howlgallada kala duwan oo ay fulinayaan Ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysta Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Guddiga FEIT oo shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee la dhaarinayo Xildhibaannada

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay in waqtigii loo qabtay dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee Shahaadooyinka la siiyay ay dhaceyso, kaas oo ku beegan 14-ka Bishaan oo Maalinta Kahmiista ah.

Qoraal Doraad kasoo baxay Guddiga ayaa la ogeeysiiyay dhamaan Xildhibaannada Shahaadada qaatay in Maalinta Kahmiista ah ee soo socota inay tagaan Teendhada Afisiyooni si loo dhaariyo.

” Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub. Waxaan Xildhibaanada Sharafta leh ka codsaneynaa in Saacaddu markay tahay 10:00AM, ay isugu yimaaddaan Hoolka Teendhada ee Afisooni. Waxaana si xushmad leh idiinka codsaneynaa inaad ilaalisaan waqtiga islamarkaana aad u soo diyaar garowdaan Munaasabaddaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay ugu baaqeen Xildhibaannada labada Aqal ee aan weli qaadan Shahaadada iyo kaararka aqoonsiga inay qaataan ka hor 14 Bishaan si ay uga qeyb galaan munaasabadda dhaarinta.

Maalmihii la soo dhaafay ayay Guddiga doorashooyinka Heer Federaal wadeen Shahaado siinta Xildhibaannada, waxaana weli maqan oo aan Shahaadada qaadan marka laga reebo Saddex mudane Xildhibaannada laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed , kuwaas oo ka gadoodaan Saddex Kursi oo Guddiga doorashooyinka ay hakiyeen, isla markaana ay sheegeen in lagu laabanayo doorashadooda.

Xukuumadda Rooble oo go’aan cusub kasoo saartay Terminal-ka MOVECON

   Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shalay soo saartay warqad ay dib ugu fasaxayso oo lagu furayo Terminal-ka MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Amarka dib u furista terminalkaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu yimid kadib markii laga sal gaaray inta badan sababihii loo xiray markii hore.

     "Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan hay’adaha sare ku xusan in dib loo furay Terminal-ka MOVECON si buuxda laga bilaabo doraad oo ay taariikhdu tahay 12/4/2022,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga oo uu ku saxiixna Wasiir Cabdullaahi Nuur.

      Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in dib u furista terminalkaas ay soo dadajisay kadib markii ay xukuumaddu tix-gelisay adeega muhiimka ah ee lagu fuliyo marinkaas.

      Dhawaan unbey aheyd markii ay Wasaaradda ku wargelisay ayna fartay Hey’adda socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde in si ku meel gaar ah loo xiray dhammaan hawlahii terminal-ka MOVECON ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.

        Amarka markii hore si kumeel gaar ah loogu xiray terminal-ka ayaa yimid kadib markii Ururka Midowga Afrika uu ku gacan sayray go’aankii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryey wakiilka gaarka ah ee ururka u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Xukuumadda ayaa sidan oo kale dhowr jeer xirtay haddana dib u fasaxday terminal-ka gaarka ah MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo ay adeegsadaan hay’adaha Qaramada Midoobay, ciidamada AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka.

 Farmaajo Oo Khadka Taleefanka Kula Hadlay Xoghayaha-Guud Ee Qaramada Midoobay

Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihin doorashooyinka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud Antonio Guterres iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay in la dedejiyo hannaanka doorashada ee Soomaaliya, isaga oo xoghayaha guud uu sheegay inuu rajaynayo in si degdeg ah loo soo gebagebeeyo geedi-socodka doorashada iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal.

Xoghayaha guud ayaa la wadaagay madaxweyne Farmaajo, sida uu u garab taagan yahay Soomaaliya gaar ahaan xilligan ay sare u kaceen weerarada ururka al-Shabaab iyo abaaraha daran ee Soomaaliya ka jira.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale muujiyey sida uu u taageersan yahay hawlgalka cusub ee Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, isaga oo Soomaaliya u rajeeyey inay awood u yeelato inay si buuxda ula wareegto amnigeeda

Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal oo weli ka socota Muqdisho

Guddiga doorashooyinka Heer federaal ayaa waxaa ay weli magaalada muqdisho ka wadaan Shahaado siinta xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo soo bilaawday laabdii Bishaan.

Guddiga ayaa ilaa iyo hadda shahaadada siiyay ilaa ku dhawaad 210 Mudane, waxaana Doraad Xildhibaannada ugu horreeya ee Shahaadada rasmiga ah qaatay kala yihiin Faadumo Ismaaciil Xuseen oo kusoo baxday kursiga Hop#242 iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ( Sanyare) oo loo doortay kursiga Hop# 199.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer federaal ayaa sii wadi doona Shahaado siinta Xildhibaannada, waxaana qorshuhu yahay hadii aan wax isbedelin in Maalinta Khamiista ah ee taariikhdu ku beegan tahay 14 Bisha Apriil in la dhaariyo Xildhibaannada Shahaadada qaatay.

Musharrax Daahir Geelle” Waxaan rab naa in aan Ciidamada ugu cudurdaarno marar badan oo la isku dayay in siyaasadaha la geliyo”

Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sarreeyeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda iyo dablayda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda ugu hambalyeeyay sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay maalintii dhidibbada loo aasay.

Qoraal uu musharraxa soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in  uu yahay Lafdhabarta uu ciidanka ku tiirsan yahay kalsoonida dadweynaha Soomaaliyeed. Sidaas awgeedna uu u rajaynayo in ay mar walba mudnaan siiyaan sida ay u ilaalin lahaayeen kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan.

 " Waxaan rabnaa in aan ugu cudurdaarno marar badan oo la isku dayay in siyaasadaha la geliyo Ciidamada Sannadguuro wacan. Sannado badan ha jiro ciidankeenna oo aan siyaasad ku jirin ayuu yiri” Musharrax Daahir Geelle.

Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo Ciidamada ugu baaqay ka hortegida weerarada Al-Shabaab

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sanadguuradii 62-aad ee kasoo wareegtay aas aaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 1960-kii.

Madaxwaynaha ayaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dableyda iyo Qoysas kooda ugu hambalyee yay Munaasabadaan waxa uuna la wadaagay inay xoojiyaan difaaca dalka iyo hortagga kooxaha aragixisada ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin Astaan Qaran oo u taagan difaaca iyo haybada Qaranimada Dalka, isagoo bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa hambalyo udiray Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu hambalyeeyay munaasabadda 12 April oo ah markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka 1960-kii oo ay kasoo wareegtay 62 sano.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale hambalyada udiray ehelada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha ayaa ku ammaanay Ciidamada sida nafti hurnimada leh oo ay goor iyo goobkasta cadowga uga difaacaan dalka, asagoona ku dhiirigeliyay in ciidanku ay sii laba jibaaraan dadaalada iyo howlgallada amniga lagu sugaayo.

CC Shakuur oo dalab u diray madaxweyne Farmaajo

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay munaasabadii doraad iyo khudbadii uu ka jeediyey Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhaliilay in dhowr qodob oo muhiim ah oo Madaxweynuhu uu iska indha tiray doraad.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa dalab la xariira doorashada Gedo u diray Madaxweyne Farmaajo, wuxuun xusay dhowr qodob oo doraad la gudbooneed in Farmaajo uu khudbadiisa ku soo daro, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaraha dalka ka jira, doorashooyinka dalka ka socda, gaar ahaan dhaarinta xildhibaanada iyo doorashada kuraasta Garbahaarey.

            Xildhibaan Cabdiraxmaan oo marka hore u hambaliyeeyey ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa kula dardaarmay inay ka fogaadaan in loo adeegsado dano guracan, wuxuu kula taliyey inay xirfadahooda kor u qaadaan, isagoo dhaliilay hanaankii saraakiisha loo dalacsiinaayey waayihii dambe.

            Wuxuu sheegay in doraad uu Farmaajo khudbadiisii ku soo koobay faan iyo qab aan jirin, isagoo ku ehbiyey inuu ka hor wareego doorashada kuraasta gobolka Gedo, si dadkiisu aysan u weyn metelaad ay doorashada uga qeyb galaan.

            "Farmaajo haddii uu ilaahey yaqaano waa bil Ramadaan, haddii uu qabyaalad ka fogyahay, ha iska daayo muranka doorashada Gedo, dadkiisa iyo deegaanka uu ka soo jeedo doorashada inay ka qeyb galaan ha ogolaado. Guddiyada doorashada iyo maamulka Jubbaland Garbahaarey ha tagaane ka wareeg,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

            Wuxuu intaas ku sii daray, "Walaalow hadaa Soomaali qabyaalad ka waanineysid adigu iska bilaaw oo ogolaaw doorashada Gedo, si aysan uga harin doorashooyinka baarlamaanka, Farmaajo adigey taasi kaa falantaa ee u tanaasul umadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale siyaasigaan ayaa Farmaajo ku dhiliilay in doraad uusan soo hadal qaadin abaarta baahsan ee dalka ka jirta, xilli Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dilaacdo macaluul daran.

            Dhanka ammaanka ayuu sidoo kale sheegay in doraad oo ciidankii qaranka uu ka hor hadlaayey uusan Farmaajo soo hadalqaadin, xilli Al-Shabaab ay ka dagaalamayaan gudaha Muqdisho, sidoo kale ay gumaadayaan masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed.

            Xigasho:-caasimadda.net

Wasiirka Gaadiidka oo qaabilay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa Magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya, Getachew Mengiste oo doraad booqasho ku yimid dalka.

      Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) ayaa baahisay in kulanka looga hadlay iskaashi dhexmara laba da hay’adood ee Duulista Rayidka ee labada dal.

            "Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada, Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in muhiimad ay u leedahay iskaashiga Duulimaadyadda Rayidka iyo horumarintiisa, waxaana intaas uu ku daray in ka Somaliya ahaan xiriirada Hay’adda Duulista Rayidka ee caalamka uu kor u kacay, tan iyo markii Maamulka Hawada ay Somaliya la soo wareegtay.     Maareeyaha Hay’adda Duulis ta Rayidka ee Itoobiya, Getachew Mengiste ayaa  dhankiisa uga mahadceliyay Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka ee Somaliya, sida ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in kulamada noocaan ah ay kor u qaadayaan iskaashiga labada hay’adood iyo is-dhaafsiga khibradaha shaqo.” Ayay ku warantay SONNA.

            Waa markii ugu horeysay uu Getachew Mengiste booqasho ku yimaado dalka, tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay bishii January ee sanadkan.

Hooyada IKRAAN Tahliil oo arrin cusub dalbatay

            Maama Qaali Maxamuud Guhaad ayaa markii u horeysay ka hadashay dacwada uu Fahad Yaasiin u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka, xili aysan waxba ka qaban kiiskii gabadheeda Ikraan oo

 Fahad uu kamid ahaa eedeysanayaasha liiska u horeeya ku jira.

            Qaali ayaa ka dalbatay guddoomiyaha maxkamadda sarre in uu wax ka qabto kiiska Ikraan Tahliil, oo kal hore ay NISA kusoo gunaanaday inay dileen Al-Shabaab kadib markii ay u gacan gashay, inkasta oo sheegashadaasi ay beenisay kooxdu.

            "Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in cadaaladdii ay halkaas marayso, doraad in Fahad Yaasiin oo aan gabadhaydii ku tabaayo inuu maxkamadda tagay uu dacwad furay, wax adduunyo darteed kursi. Aniga waxaa iga maqan qof nool, gabar dhan ayaa iga maqan oo nolol iyo geeri aan heyn oo gacantiisa ku dambaysay, maalin waliba waa la iska kay daba wareejinaa, wax cadaaladda oo iiga soo naaso cad uma jeedo” ayey tiri Maama Qaali.

            Sidoo kale waxay ayaan-darro ku tilmaamtay in maxkamadii sare ay doraad kursi la raadineyso Fahad, oo asagu ku eedeysan maqnaashaha gabadheeda Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda NISA.

            "Ninka Maxkamadda ugu wayn waa uu maqlayaa, nin weyn oo sharaf iyo qiimo leh ayaa tahay, Ilaahaga ka cabso, maxakamaddii gabadhii yareed oo 24 jirka aheyd ee dalkeeda iyo dadkeeda wax usoo baratay oo madaxdii dalka ay dhibaataysay wax ayaad ka qabawayseen.”

            "Doraad kursi ayaa la raadina, miyaan muwaadin aheyn, waa wax laga xishoodo ee Ilaahey ka cabso (guddoomiye) taydii wax ka qabo.”

            Hadalka Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa imanaya kadib markii uu Fahad Yaasiin dacwad ka dhan ah guddiga FEIT u gudbiyey maxkamadda sare, kadib markii guddiga uu ka reebay liiska xildhibaanada dooran ee qaadanaya shahaadada, kuwaasi oo qorshuhu yahay in la dhaariyo maalinta Khamiista ee 14/04/2022.

Xarunta Xalane: Suuqa ugu weyn khamriga ee Muqdisho

Waxaa mudooyinkaan danbe magaalada Muqdisho gaar ahaan hoteellada iyo goobaha kale ee lagu cabo shiishada kusoo kordhayay khamriga noocyadiisa kala duwan oo caadi ka noqday magaalada, islamarkaana aanan lala dhuumaneyn ganacsigiisa iyo isticmaalkiisaba.

Baaris ay sameysay Caasimada Online ayaan ku ogaanay in khamriga ugu badan ee laga isticmaalo magaalada Muqdisho uu qaab ganacsi uga yimaado xerada ciidamada Midowga Africa ee ATMIS (Ex-AMISOM) ee Xalane.

Ganacsato Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ayaa ka macaashay suuqa madow ee ay khamriga uga soo saaraan xerada Xalane, waxaana loo suuq keenaa magaalada Muqdisho oo loo qeybiyo hoteellada iyo goobo kale oo si bareer ah looga iibiyo.

Suuqaasi madow ee khamriga ayaa xerada Xalane ee howlgalka ATMIS (Ex-AMISOM) ka dhigaya suuqa ugu weyn Muqdisho ee khamriga.

Duulimaadyada u socda ATMIS iyo hay’addaha UN-ka iyo kuwa kale ee kusoo dega garoonka Aadan Cadde ayaa waxay si toos ah ku xertaan Terminalka MOVCOM oo gooni u ah UN-ka iyo ATMIS, mana la baaro xamuulka ay keenaan diyaaraddaha.

Dowladda Soomaaliya oo waajibaad uu ka saaran yahay inay la socoto waxyaabaha soo gala dalka ayaan jirin cid mas’uuliyad iska saartay iyadoo ay jirto in xitaa ganacsi ahaan ay ATMIS dalka u keento cunooyinka qaar sida hilibka Digaaga, Hilib Ari, Ukun, khudaarta noocyadooda kala duwan sida Tufaaxa, Canabka iyo cunooyin kale oo fara badan, taasoo suuq xumo u keetay ganacsatada Soomaaliyeed ee quutul yoomka raadiya.Xigasho:caasimadda.net

laammaha Amniga Matabaan & Guriceel oo howlgal Isbaaro qaadis ah fuliyay

Ciidamada Booliska Dagmooyinka Matabaan iyo guriceeloo oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan & Galgaduud ayaa, iyaga oo is kaashanaya howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay, waxaa ay ka fuliyeen wadada u dhaxeeysa labada degmo.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday dhowr isbaaro oo maleeshiyaad hubeysani dhigteen inta udhaxeysa Magaalooyinka Guriceel iyo Matabaam gaar ahaan Aaga degaanka goofado.

Wararka la helay ayaa sheegaya in is rasaaseyn dhex martay Ciidamada Booliska iyo Maleeshiyaadka jidgaayadu u tiilay oo mudo ka socotay halkaas ay suurto gashay inay maleesgiyaadkii hubeysnaa ay Goobta isaga tagaan..

Howlgalkan ay sameeyeen Ciidamada Booliska ayaa daba socday kadib cabasho ka timid Gaadiidka ku safra wadada xiriirisa Magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Doon u rarnayd ganacsade reer Somali land ah oo gubatay

  Doon ganacsi oo u rarnayd ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo reer Somaliland ah, ayaa dab qabsaday kadibna dagtay xili ay rar kasoo qaaday magaalada Cadan ee dalka Yemen kuna socotay dekedda Berbera.

Cali Ducaale oo ah mulkiilaha doonta, oo waraysi siiyay Eryal TV, ayaa sheegay in doonta uu dab qabsaday maqribkii Isniinta, isla markaana markii loo gurmaday ee la bakhtiiyay dabkii, ay biyo soogaleen oo ay dagtay.

"Waxay 6:00 PM abaaro afuradii Yementa ayay kasoo baxday magaalada Cadan, iyada oo kusoo jeeda dekedda Berbera, doonta dab ayaa qabsaday, Yemen ayaanu la xidhiidhnay si loo bad baadiyo ka bacdi markaanu qayla dhaanta ka helnay doonta in ay gubanayso, way isku dayeen in ay doonta bakhtiiyaan lakin dabkii wuxuu gaadhay xaga hoose, taasina waxay kaliftay in ay biyihii soo galaan marka way dagtay" ayuu yidhi Ducaale.

Doontan ayaa siday bagaash kala duwan oo iskugu jira caano, subag iyo alaabooyin kale, kuwaasi oo gabi ahaanba ku shufbeelay isla markaana ay doontu la dagtay markii ay burburtay.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip