HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH 12-KA ABRIL 2022

0
Tuesday April 12, 2022 - 08:29:53 in Wararka by
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH 12-KA ABRIL 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Gaashaandhigga oo amar siiyey ciidanka xoogga kahor 12-ka April

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaa liya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa cii danka xoogga dalka uga digay in loo adeegsado dano siyaasadeed oo guracan, inta lagu guda jiro da baaldegga sanad guurada 62-aad oo ku beegan Talaadada berri ee 12-ka Abriil.

Wasiirka ayaa ugu horeyn hambaliyo, salaan iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda 12-ka April u diray ciidanka, saraakiisha xoogga dalka iyo qoysas kooda.

"Waxaa laga doonayaa dhammaan qeybaha CQS iyo taliyayaashooda in aysan yeelan sumad iyo ujeedo oyin aan aheyn kuwa qaranka ee dastuuriga ah, kana foojignaadaan ku milanka siyaasadaha is diidan ee waqtiga la dham maa doona,” ayuu yiri was iirkagaashaandhigga XFS.

Waxaan si gaar ah sala an ugu dirayaa halyeeya da wiilasha iyo gabdhaha ba leh ee furimaha hore ku horfadhiya cadawga ar gagixisada ah, habeen iyo maalinna u shubaaya dhi igooda si ay u difaacaan qarannimada soomaa liyaad.

"CQS guud ahaan waa hay’ado dastuuri ah oo aan dhicin, waqti ka dhamaan, oo haysto mandate furan inta uu jiro qaran soomaaliyeed, arintaas ayaa ka dhigan in ciidamadu yihiin xudunta dowladnimada iyo aasaaska qarannimadeena,” ayuu yiri wasiir Jaa mac.

Wuxuu xasuusiyey in ciidanka xoogga in waqti dheer uu horyaallay waajib qaran oo weyn, oo ah in dalka laga ciribtiro Al-Shabaab, "waxaana rajeyna yaa in mar walbo maanka lagu haayo in arrintaas ay tahay waajibka ugu weyn ee na sugaaya,” ayuu yiri.

"Waxaan halkaan si gaar ah uga mahad celin aayaa dowladaha aan saaxiibada nahay ee sida wal aatinimada ah noogala shaqeeya tayeynta CXD. Wa xaana leenahay mahadsanidiin. Ugu danbeyntii, waxaan u rajeynayaa dhammaan xubnaha CXDS in sanadkaan sanadkiisa uu ALLAH ku gaarsiiyo nab ad, guul iyo horumar,” ayuu hadalkiisa ku soo gab agabeeyey wasiir Jaamac.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo Habeen hore waqti ku qaatay Hotel Jazeera

R/Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Habeen hore u fiidsi tagay Hotel Jazeera, oo ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho ee aadka loo ila aliyo. Hotelkan ayay dadku xilliyada qaarkood u tag gaan nasiino iyo inay waqti madadaalo ah ku qaataan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hotelkaasi waqti kula qa atay shacab iyo masuuliyiin kale, oo halkaas ku fiids anayay

Muuqaalo goobtaasi laga soo qaaday ayaa muujin aya Ra’iisal Wasaaraha oo gacan qaadaya dadka, isla-markaana xaal wareysanaya.

R/Wasaare Rooble ayaa waxaa booqashadiisan ku wehlinayay Saraakiil uu ka mid yahay Agaasima ha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Midowga Musharaxiinta madaxweyne oo digniin culus kasoo saaray 12-ka

Golaha Midowga Musharaxiinta oo Shalayeyd soo saaray war-saxaafadeed ayaa waxa uu ka digay in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaas adeed, sida uu kal hore sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Golaha ayaa cadeeyay in xuska 12-ka April uu ya hay maalin weyn oo ay tahay in umadda u dabaal-de gto,isaga oo ciidamada xooga dalka ugu hamba lyeeyay munaasibada aasaaskooda oo ku beegan maalinta berri ah.

Waxa uu soo jeediyay in hantida iyo qarashka la gu bixinayo dabaal-degga badankeeda loo weeciyo taakulaynta dadka tabaaleysan ee la daala dhacaya afur la’aanta bisha barakeysan ee Ramadaan.

"Si looga baaqsado magaalada oo la xiro, isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo la joojiyo iyo in la xanibo xoogsata la diriraysa nolosha maalinlaha ah, in sidii ay horey u ahaan jirtay dabaal-dega lagu ekeeyo taliska ciidanka iyo xaruntiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Golaha ayaa wuxuu ciidanka uga digay inay qeyb ka noqdaan ama fuliyaan ajandaha guracan ee la da macsan yahay in lagu carqaladeeyo dhaarta xildhib anada oo loo mudeyay 14-ka April ee 2022-a.

Ugu dambeyntiina wuxuu Goluhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda, madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamkaba in si isku mid ah looga horyimaado cid kasta oo isku deyda carqaladaynta dhameystirka hawlaha doora shooyinka dalka.

Maamulka G/Banaadir oo ka shiray u di yaar garo owga Doorashooyinka Guddo onka labada Aqal

Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/Muqd isho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ay aa shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Maa mulka Gobolka Banaadir, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Dhamaan Maamulada 17 Degmo iyo sede xda Deegaan, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Guddiga Wacyigelinta iyo Abaabulka Qara nka.

Shirka ayaa loogu hadlay Amniga Guud ee Caasi mada Muqdisho, u diyaar-garowga Doorashooyinka Guddoonka Labada Aqal iyo u gar-gaarida Bulshada danta yar Bisha Barakeysan ee Ramadaan Awgeed.

Sidoo kale Shirka ayaa lagu boogaadiyay kaalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee ka qaadanaya an dib-u-hanashada Dowladnimada iyo Qarannima da Soomaaliyeed iyadoona loogu Hambalyeeyay xu ska 12 April oo maalinta bari ku beegan kuna suntan 62 guurada kasoo wareegatay Aas-aaska Ciidanka Xooga dalka ee 1960.

14-ka Bishaan ayaa qorshuhu yahay hadii aan wax isbedelin in la dhaariyo Xildhibaannada labada Aqal kuwa Shahaadooyinka rasmiga ah la siiyay wal ow Xildhibaano ka badan 100 mudane aan weli la siin shahaadooyinka Xildhibaannimo.

Caqabado culus iyo shaki hareeyey qor shaha dhaarinta xildhibaanada ee 14-ka April

Dhowr Cisho ayaa ka dhiman waqtigii loo qorshe eyey in la dhaariyo xildhibaanada Laba Aqal ee Baa rlmaanka Soomaaliya, jadwalkaan waxaa horey u soo saaray guddiga doorashada ee FEIT.

Xildhibaanadii is-diiwaan geliyey ayaa waxaa qaar dib u ceshaday maamuladii ay ka yimaadeen, gaar ahaan kuwii ka socday Puntland iyo Jubaland, halka Koonfur Galbeed ay weli diidan tahay inay raacdo jadwalkaan oo xubnaheeda ay shahaadada qaataan.

Guddi xal doon ah oo uu hoggaaminayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Baydhaba u tagay wada-hadallo ay la qaadanayaan hoggaamiyaha Ko onfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftag areen, kaasi oo si weyn u diidan sida ay shaqada ku wadaan guddiga FEIT iyo xafiiska Ra’iisul Wasaar aha.Tiro xildhibaano ah oo ku filan inuu baarlamaan ka fadhiisto ayaa qaadatay shahaadada, laakiin wax aa hadda xoogeysatay doodda sheegeysa inaan dhaarin loo dhaqaaqi karin iyadoo uu maqan yahay maamulkii ugu kuraasta badnaa dalka.

In K/ Galbeed laga socdo inta taageersan waa sii yaraaneysaa hadda, muddada lagu xalin karo taba shadoodana lama yaqaano, taasoo shaki gelineysa in 14-ka bishan la mari karo dhaarinta xildhibanada.

Dhowr caqabadood oo aan weli natiijadooda la aqoon ayaa taagan, Koonfur Galbeed waa mid ka mid ah caqabadahaa, waxayna ka tagistooda dha awaceysaa heshiiska ay ku dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya.

In la xaliyo Koonfur Galbeed waxay ku xiran tah ay sida loo maareeyo kuraasta looga dhagay. Xafiis ka R/Wasaaraha iyo guddiga FEIT waxay heystaan fursad ay xalka ku caawin karaan si gunaanadka doorashada loo aado.

Khilaafka weli ka dhaxeeya guddiga doorashada FEIT waa mowduuc kale oo weli taagan, laakiin dho wrka xubnood ee hadda howsha wada in la isticm aalo ma jiraan wax diidaya.

Hoggaamiyaha K/Galbeed Cabdicasiis laftag areen wuxuu asbuucii dhammaaday sheegay in gud digii doorashada la burburiyey oo seddex qeyb loo kala jabiyey.

Xildhibaanada dib ugu laabtay deegaanadii laga soo doortay iyaduna waa caqabad kale. Puntland iyo Jubaland iyo badi Xamar ka saaray xildhibaa nadii ay soo direen ee shahaadada qaatay.

Dib u celintooda oo ay dan gaar ah ku dheehan ta hay ayaa dhinaca kale muujineysa farriin ah inaysan deg deg ku dhici karin dhaarinta xildhibaanada.

Ogaal la’aanta ku saabsan waxa kooxdamadax weyne Farmaajo qorsheenayaan 12-ka Bishan ayaa iyaduna culeys kale ah. 12-ka April oo ah maalinta ciidanka xoogga dalka waxaa jira isu soo bixin ciidan iyo dhoolatus, waxaa kaloo xooggan dareenka ah in ay wax kale ka fakarayaan kooxda madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo hadda kor loo sheegay walaaca laga qa bo qorshooyinka 12-ka April, ayna muuqato in loo di yaar garoobay nooc walba oo ay tallaabadaasi noqo to ayna macquul tahay inay qorshahooda wax ka ba dalaan, haddana hubanti la’aanta maalintaasi la xir iirta ayaa iyaduna culeyskeeda leh.

Haddii ay kooxda madaxweyne Farmaajo magaa lada xirto dhowr cisho sida laga cabsida qabo waa adkaan kartaa in dhaarinta xilligeeda ku dhacdo.

Waxaa kaloo u baahan in waqti la siiyo wada-hadall ada ay Qoor Qoor iyo xildhibaanada la socdo u tag een magaalada Baydhaba, taasi oo ay rabaan inay Laftagareen ku soo qanciyaan inuu xildhibaanada soo fasaxo.

Iyadoo ay dhammaan caqabadahaasi jiraan ayaa dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wakiilada Beesdha Caalamka waxay xoojinayaan in 14-ka Bishaan la dhaariyo xildhibaanada Laba Aqal inta ka horeysana la xaliyo cabaqadaha taagan.

Xubnaha Ra’iisul Wasaaraha ku dhow dhow waxay ku adkeysanayaan inaysan dhaarinta dib uga dhici karin 14-ka bishan oo ay ku arkaan guul siyaasadeed, laakiin caqabadaha aan kor ku sheegnay waa xaqiiqooyin bannaanka yaala oo ay adag tahay sida looga dul boodo


Waare: "Haddii kursiga Fahad la fasaxo wala alnimo iyo islaamnimo midna ma jirto

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay khilaafka hareeyey natiijadii la diiday ee doorashada afar kursi oo seddax laga soo doortay K/Galbeed iyo kursigii uu Beledweyne ka soo qaatay Fahad Yaasiin.

Waare ayaa ku taliyey in wax kasta haddii ay dhacaan aan la fas ixin kursiga Fahad Yaasiin uu soo qaatay ee HOP#086, kaas oo sida uu sheegay horseed u noqon kara in dowladnimada dadka lagu sii dulmiyo.

"Kursigaasi eed badan ayuu qabaa, dhaawac, dil, qarax, dad la ilhaaneystay iyo ciidan la isku adeegs aday ayuu qabaa kursiga HOP#086, wuxuuna cal aamad u yahay siyaasadda ah waan kaa xoog ba dan yahay, saan rabo ayaana kaa yeelayaa,” ay uu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa intaas ku sii daray, "Iyadoo qarax ka dhacay Beledweyne oo dhaawaca iyo meydku banaanka yaallaan ayaa kursigaas la boobay, waxaa la yaqaan dadkii cod eeyey cidda ay yihiin, hadii la fasaxo kursigaas wax ay ka dhigan tahay inaan aqbalnay wax dadka Soom aaliyeed ku kala tegi karaan oo walaalnimada iyo islaanimada aan ku jirin.”

Waare ayaa sheegay in beesha kursigaas iska leh ee reer Aw-Xasan ay tahay culumo reer Hiiraan ay aad u jecelyihiin, "Waxaan is qabadsii la’ahay dad ka kursigaas iska leh dhaqankooda suuban ee soo jireenka ah, hadana waxaan arkay odayaal dhahaya kursigaas nagaa leh anagaana bixinay, walaalayaal dhaqanka ninka kursigaas soo qaatay dhaqankiinii maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Waare.

Dhanka kale Madaxweyne Waare ayaa soo jeedi yey in seddaxda kursi ee Koonfur Galbeed 3 sababo od dartood in la fasaxo, kuwaas oo kala ah:

1 – Doorashadaan waxay lamid tahay tii Imbagaati, xilligaas oo ujeedadu ay aheyd war baarlamaan la’a an ayaa ka darane, waxay doonaan hanoqdaane wax un hala soo saaro, dhibkii ka dhacay wadanka oo dhana waa laga war qabaa.

2 – Isku tanaasul ayaa wax lagu soo waday, laa kiin hadda lama dhihi karo kooramkii waa buuxsa may, waana laga maarmaa inta maqan, runtii waqtig aas lama gaarin, hadii cid laga tegaa faa’iido lagu ga aray reer waqooyi ayaa naga maqan.

3 – Habraaca lagu eedeeyey natiijada doorasha da, sidee 3 kursi uga duwan yihiin doorashooyinkii ka dhacay gobollada kale? Waxaan qabaa in sabab ta loo beegsaday kuraastaas ay tahay inay ugu ho reeyeen doorashada oo markaas rajo laga qabay in doorasho xalaal ah la qabto, laakiin hada wax ka daran ayaaba dhacay.

"Sidaas darteed, anigoo daliishanaya seddaxd aas sababood, waxaan qabaa in kuraasta Koonfur Galbeed la fasaxo, Rooble waxaan leeyahay ha isku qaban arrimahaan isma lahane oo iska fasaxa kura asta 3-da ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hir Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Maxay Maxkamadda Sare ka tiri qaadis ta dacw adaha doorashada xilli FAHAD uu dacwad ka gu dbiyey FEIT?

Tan iyo markii uu Fahad Yaasiin u gudbiyay dac wad ka dhan ah go’aamada guddiga FEIT maxk amadda sare ayaa waxaa soo baxaysay hadal hayn badan oo ka dhalatay in maxkamadda ay qaadi karto dacwado la xiriirta arrimaha do orashooyinka.

Doodda ugu weyn ayaa aheyd in Maxkamadda aysan qaadi karin dacwadaha doorashada, maadaama doorashadan ay tahay mid dadban oo ku dhisan he shiis ay wada gaareen maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha maxkamadda sa re ayaa bishii July 2021 sheegay in Maxkamadda ay awood u leedahay ka garnaqa dacwad kasta oo ka dhalata doorashooyinka, kadib marka lagu qanci wa ayo go’aamada kasoo baxa guddiyada ku shaqada leh. "Marka ay billowdaan doorashooyinka go’aan kasta oo soo saaran guddiyada waa kuwa maamul oo waxaa cabasho looga qaadan karaa maxkama dda sare ee dalka waxay diyaar u tahay ka garnaqa cabasho kasta oo ka dhalata go’aanada maamul ee gaareen guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan,” ayuu yiri guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa su’aasha ka dhalatay dacwada uu gudbiyay Fahad, kadib markii uu ka biyo diiday go’aamada guddiga FEIT oo ayagu go’ aamiyay dib ku noqoshada kursiga uu ku guuley stay ee HOP#086.

Tallaabada Fahad ayaa sida la fahamsan yahay timid kadib markii ay kasoo xirmeen albaabadii kale, si loogu fasaxo kursigiisa oo la sheegay in uusan marin habraaci saxda ahaa ee doorashada.

Si dhab ah looma oga sida ay u wajahi doonto maxk amadda dacwadaan uu gudbiyay Fahad, hase yeeshe waxa marnaba shaki ku jirin in uusan kasoo bixi doonin go’aan lidi ku ah saaxiibka Farmaajo.

BEESHA iska leh kursiga HOP#086 ee Fahad oo soo saartay go’aan kale oo cusub

Shir ay iskugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiy iinta iyo Odayaal Dhaqameedka qaar kamid ah Be esha Reer Aw Xasan ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed lagu taageerayo tallaabada uu gu ddiga FEIT ku hakiyay kursigooda tirsigiisu yahay HOP#086.

Xubnahaan ayaa ku dooday in kursigaas si sharci darro ah lagu boobay, ayaga oo uga mahad-ce liyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddiga FEIT inay hakiyaan kur sigaas iyo in dib loogu noqdo doorashadiisa.

"Kursigaas in uu boob ku maqan yahay waa iska cadeyd oo wax qarsoodi ah maaha. Shan Xildhibaan ayaa u tartameysay waa in dib loo soo celiyo oo si xor iyo xalaal ah u tartamaan. Waxaa la yaab leh int an waa odayaashii iyo salaadiintii u waaweyna oo re er Aw Xasan in maalinkasta wax uun lasoo saaro waa dhibaato inteeda le’eg,” ayuu yiri Oday dhaqam eed kamid ah beesha oo ka hadlay munaasibadaas.

Sidoo kale waxay sheegen in guddiga dhaqanka ay u gudbiyeen cabashada kursigaas guddiga door ashooyinka ee heer federaal, kaasi oo uu guddiga ku qaatay go’aankii ku noqoshada kursigaas.

"Dowladnimada kuma dhismeyso in qofka awoo da badan uu isaga sameysto habraac u gaar ah oo uu xirto kursiga oo uu yiraahdo la ilama tartami karo, soona aruursado dad uu ku sheego ergo. Suurta-gal ma aha in awoodii dowlada ee dadka ka dhaxeysay loo isticmaalo dano gaar ah,” ayaa lagu yiri War-sa xaafadeedka kasoo baxay guddiga dhaqanka bee sha reer Aw Xasan.

Kulankaan ayaa imanaya labo maalin kadib mar kii xubno kamid ah beesha ay difaaceen Fahad Yaasiin, ayna sheegen in kursigaas ay doorteen er gada beesha leh oo garwadeen ka ahaa saxiixaha beesha ku metela dhaqanka oo asagu soo xulay ergadii dooratay.

Muxuu R/W Rooble Shalay deg deg uga tegay shirkii golaha wasiirada dowlada?

Waxaa muuqata in beesha reer Aw Xasan ay ku ka la jabeen doorashada kursiga Fahad, kaasi oo la ga reebay liiska xildhibaanada la doortay, kadib mar kii uu guddiga FEIT sheegay in loo maray habraac aan sax aheyn.

Si kastaba, Fahad ayaa hadda ciirsi biday in uu dacwad u gudbiyo maxkamadda sare, maadama ay guul-dareysteen isku dayadii kale ee uu ku raby in lo ogu fasaxo kursigaas, isaga oo isku dayaya in maxkamadda sare ee dalka ay go’aan ka gaarto kursiga loo doortay ee HOP#086.

Cabdulqaadir Cosoble oo Habeen hore lagu doortay Jowhar

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa Habeen hore ku guuleystay kursiga HOP#140 oo doora shadiisa lagu qabtay M/Jowhar ee xarunta D/G/Hir Shabeelle.

Cosoble ayaa ka guuleystay Cabdikariin Cilmi Tifow oo kurs igaas kula tartamay, wuxuuna Cab dikariin helay 22-cod oo kaliya, halka Cabdulqaadir Cos oble oo tartanka uga guuleystay uu helay 76-cod.

Ergada codeysay ayaa aheyd 98 qof, wuxuuna tartankaan ahaa mid furan, sida ay noo sheegeen xubno ku sugnaa hoolka doorashadu ka dhacday ee Jowhar.

Halkaan kursi ayaa Habeen hore doorashadiisa lagu qabtay magaalada Jowhar oo ay weli yaallaan ugu yaraan lix kursi oo aan la dooran, kuwaas oo labo ka mid ah laga soo wareejiyey magaalada Beledweyne.

Kuraasta doorashadooda laga soo raray Beled weyne waxaa ku jira kursiga HOP135 oo ay horay ugu fadhisay Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo 23-kii bishii hore Beledweyne lagu dilay.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in doora shada kuraasta ku hartay HirShabeelle lasoo gabag abeeyo, si xubnaha ku guuleystay ay uga qeyb gala an dhaarinta baarlamaanka 11-aad oo dhaceysa 14-ka bishaan, sida la qorsheeyey.

Muxuu Yuusuf Garaad ka yiri muranka hareeyey April 12?

Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadme ed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay mur anka hareeyey xuska maalinta ciidan ka Xoogga da lka oo ku beegan 12-ka April.

Yuusuf Garaad ayaa she egay in ay muhiim tahay in aan la siyaasad eyn arrinta cii damada, ayna tahay muxaaf ad iyo mucaarad in la dhiira-geliyo Xoogga dalka Soomaaliyeed.

"Xoogga Dalku waa Ciidan ay tahay in muxaafad iyo mucaarad la taageero lana dhiirri geliyo. Ma aha in la siyaasadeeyo kaalintiisa Difaaca Dalka Hooyo iyo sannadguuradiisa,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray siyaasiga caanka ah ee Yuusuf Garaad Cumar.

Sidoo kale wuxuu kula dardaamay Xoogga dalka inuu istaago difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay laaliyaan mas’uuliyadda ka saaran amniga madaxda.

"Xoogga Dalku waa in uu dhankiisa ku sifoobaa inuu ahaado siyaasad – moog daafaca dalka iyo dad ka, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta talada haya iyo kuwa raba in ay wadiiqo sharci ah u maraan in ay iy agu dalka ka taliyaan,” ayuu markale ku yiri qoraal kiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dood xo ogan ay ka dhalatay u diyaar garowga xuska sanad kan ee 12-ka April, kadib markii lagu eedeeyey Villa Soomaaliya in ay wado qorshe kale oo ka leedahay dano siyaasadeed, sida ay shaaciyeen xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, arrintan ayaa waxaa ka jawaabay sar aakiisha ciidamada Xoogga dalka oo dalbaday in aan la siyaasadeedn xuska maalinta 12-ka April oo ah aas aaska Xoogga.


Axmed Madoobe oo kashifay qorshe ay beesha caalamka usoo jeediyey oo la xiriira kuraasta Garbahaarey

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Isla am (Axmed Madoobe) oo Habeen hore kulan afur iyo casho sharaf ah xarunta Madaxtooyada Kismaayo ugu sa meeyay xildhibaanada dooran ee baarlamaanka fed eraalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay arrintan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo marka hore la dardaarmay xildhiba anadaan laga soo doortay Kismaayo ayaa ka hadlay amni darrada Muqdisho, khila afka doorashada, cabsi gelintii NISA ee madaxda federaalka, kuraasta aan weli doorashadooda lagu heshiin ee Garbahaarey iyo afarta kuraasi ee nat iijadooda la diiday.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 16-ka kurasi dhiman ee gobolka Gedo dhawaan lasoo dooran do ono, isla markana matalaad la’aan aysan noqon ka rin dadka ree Jubaland ee gobolkaas ku nool.

Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in aysan macq uul ahayn doonista qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka oo raba in Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweyne Farmaajo ay kala qeybsadaan xildhi baanada kasoo baxaya gobolka Gedo.

"Wadankaan doorashaa xal u ah, intaan ka badan jiitan laguma sii jiri karo, waxaa hadda calaacal bad an ka jiraa kuraas natiijada doorashadooda la diiday, 16 kursi oo Jubaland ah ayaa weli maqan, waxaa ha lkaan jooga Maxamuud Sayid Aadan oo kuraasta go bolka Gedo gacantiisa ku soo qoray doorashadii Inbagaati, Shalay hadii uusan isagu qeybin yaa qey binaya?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa shee gay in hadii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubaland ay jog aan, isla markana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arintaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka ah ee kasoo baxay Jubaland ay saaran tahay masuuliyad guud oo ah in dalka la samata bix iyo, iyadoo la kaashanayo xildhibaanada kale ee ka soo baxay qeybaha kale ee dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in Ju baland ay dhibaato adag kala kulantay maamulka Farmaajo, loona baahan yahay in si wadajir ah xaal adan qalafsan dalka looga saaro, gaar ahaan amaan xumada iyo burburka uu dalku qarka u saaran yahay.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay ha dda tahay meel aan la kala saari karin hey’adaha am niga dowlada iyo kooxda Al-Shabaab, isla markana ay si weyn iskugu milmeen, loona baahan yahay in xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda.

Sidoo kale dardaaranka Madaxweynaha waxaa ku jirtay in baarlamaanku yahay hey’adda hooyada u ah dhamaan hey’adaha kale ee dowladda, balse ay nasiib daro tahay in baarlamaanku uu shaqooyinkii sa u daba fadhiisto NISA, isla markana ay garan wa ayaan waajibaadka saaran, isagoo farta ku goday ba arlamaankii waqtigu ka dhamaday ee 10-aad.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyey in si guud dadka Soomaaliyeed iyo Xildhi baanada cusuba ay saaran tahay masuuliyad weyn oo la xiriirta samata bixinta dalka.

Labada Madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaas ayaa kulank aan ku sugnaa, sidoo kale waxaa soo xaadiray inta badan xildhibaanadii lagu doortay magaalada Kism aayo oo maalmahaan ku sugnaa magaaladaas.

Maamulka Gedo oo jawaab ka bixiyay hadalkii Axmed Madoobe

Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay inay marwalba diyaar u yihiin doorashadii loo ballansa naa in lagu qabto magaalada Garbahaarrey. Axmed Buulle Maxamed, ayaa sheegay inuu la yaabay hadalka madaxweynaha Jubaland ee ahaa inay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa kaddib markii madaxwaynaha dowlad gobole edka Jubbaland, Axmed Maxa med Islaam (Axmed Madoobe) uu Habeen hore carrabka ku adkeeyay in 16-ka kursi ee ay deg aan doorashadoodu tahay magaa lada Garbahaarey aanay ka hari doonin doorashada dal ka ka socota.

Waxa uu intaa ku daray in mar-naba aan la qeybin doonin kuraasta gobolka Gedo islamarkana uusan ka tanaasuli doonin hal kursi oo kuraastaasi ka mid ah.

Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruu ray maamulka gobolka Gedo oo sheegay in arrinta as ay u baahan tahay dib u heshiin maamulkaas la ga dhex sameyo, dorashaduse ay sidedii u dhacdo.

Guddoomiyaha Gedo Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo BBC-da u warramay.

Wafdigii Baydhabo U Tagay Xalinta Cab ashada KGS Oo Muqdisho Ku Soo Laab tay

Waxaa Shalay M/Muqdisho dib ugu soo laa btay wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor ee Baydhabo maalmi hii la soo dhaafay u joogay cabashada K/Galbeed ee hakinta kuraas deeganadooda laga soo door tay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ahaa wafdigan ayaa sheegay iney Muqdisho u yimaadeen sidii ay u sii amba qaadi lahaayeen wadahadalada, iyagoo kul amo la yeelan doona ra’iisil wasaare Rooble iyo gud diga doorashooyinka heer federaal oo ah labada dhi mac ee uu lafta gareen cabashada ka yahay.

"Muqdisho ayaan ku soo laabanay Shalay si aan u dhammeystirno turxaanbixinta tabashada reer KG ee maalmahaan aan u joognay magaalada Baydha bo. Aad ayaan ugu mahadcelinaynaa MW Cabdicas iis, Xildhibaanada iyo shacabka reer KG soo dhawe ynta diiran ay noo sameeyeen iyo sida ay diyaarka u gu yihiin xal u helida arimaha taagan ee la xariira dhamaystirka doorashada” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook.

Wararku waxa ay sheegayaan in arrimaha ay isla meel dhigeen dhinacyada ku shirsanaa Baydhabo ay qeyb ka tahay in kuraasta Koofur Galbeed la fos oxo, xildhibaanadoodana ay shahaadada qaataan, Lafta Gareen ayaa lagu qanciyay inaanu isku xirin kuraastiisa iyo midka Fahad Yaasiin.

Mahad Salaad ayaa dhanka kale sheegay in ra’I isul wasaare Rooble uu diyaar u ahaa xal kasta oo ay kala soo laabtaan Baydhabo, isagoo ku amaanay kaalintiisa qancinta reer K/Galbeed si doorashada loo sii amba qaado, maadaama waqtigu gabaabsi ya hay.

"Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa RW Roo ble iyo guddiga doorashooyinka heer federaal oo mar walba diyaar noola ahaa taabagelinta xalka ka sta oo fure u noqon kara tabashada reer KG iyo dar dargelinta arimaha doorashooyinka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xaafado ka tirsan magaalada MUQD ISHO oo laga barakacay

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaal iya waxaa qaybo ka mid ah ka taagan xaalad adag oo la xiriirta dhanka ammaanka, taas oo soo wajah day dadka deegaanka, isla-markaana sababtay ba rakacka socda qaar ka mid ah xaafadaha degmooyi nka gobolka Banaadir.

Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa ka mid ah degmooyinka laga barakacay, kadib mar kii ay kusoo bateen weerarada ay geysanayaan koo xo ciyaal weero ah oo baangado iyo mindiyo ku hub eysan, kuwaas oo dadka shacabka ah dhibaatooyin u geysta.

Dadka deegaanka ayaa waxaa habeenadii lasoo dhaafay ay la kulmayeen dhacdooyin argagax leh oo ay geysanayaan kooxahaasi oo raxan raxan u so cda, iskana soo horjeeda, , iyaga oo si gaar ah u be egsanaya dadka socotada ah iyo xittaa kuwa ku su gan guryahooda. Aabbe ka mid ah dadka ku dhaqan Dharkenley oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sabab la xiriirta ciyaal weero dartood looga bara kacay xaafadda, isla-markaana caruurtiisa uu gee yey degmada Waabari ee isla gobolka Banaadir, si aysan dhibaato usoo gaarin.

"Xaafadaan Dharkenley ayey ka mid tahay, waa xda 2aad laanta 3aad ayaa la yiraah daa Aniga reer keyga waa qaxeen Waabari ayey jiraan anne xaafa ddii iyo alaabtii inaan waardiyeesto ayaan ugu tala-galay,” ayuu yiri Aabbe ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxahaasi ay ku jiraan rag waa weyn oo Xaasleyaal ah, isla-markaana ay qayb ka yihiin dhalinyarada dhibaatada ka wada halkaasi.

"Waa rag waa weyn ciyaal yar yar ma’ahan rag naaga leh ayaa ku jira rag waa weyn waayey,” ayuu sii raaciyey.

Arrintan kuma koobna degmada Dharkenley wax aana ka mid ah degmooyinka Wadajir, Kaaraan iyo kuwa kale oo caasimada ku yaalla oo ay ku sugan yihiin kooxo kale oo ciyaar weero ah, isla-markaana halis ku ah shacabka iyo nabad-geliyada guud ee deegaanka.

Si kastaba, laamaha ammaanka ayaa u muuqd ay inay kuu guul darreysteen wax ka qabashada dha cdooyinkan oo soo laa laabtay bilooyinkii lasoo dhaafay.

Howlgalka ATMIS oo iska fogeeyay inay carqala daynayaan dhaarinta xildhibaan nada barl amaanka cusub

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa faahfaahin ka bixiy ay sababta xiritaanka xerada Xalane iyo bandowga lagusoo rogay.

Howlgalka ATMIS, ayaa sheegay in tallaabadan looga hortago isku dayga mar labaad ay kooxda Alshabaab ku doonayso in ay ku weerarto Xerada Xalane, iyadoo ka faaidaysanaysa xilliyada Ramada anka ama ciidaha.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegay inaan sinnaba loogu talagelin tallaabadan in lagu carqaladeeyo, laguna qasbo in dib loo dhigo, ama lagu farageliyo habsami u socodka xafladda dhaarinta Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ama hawlo kale oo doorasho ah.

Waxay sheegeen ujeedada kaliya ee laga leeyahay inay tahay in la fududeeyo howlgallada loogu talagalay in lagu xaqiijiyo in Xerada Saldhiggu ay ahaato meel ammaan ah, inta lagu guda jiro xilligaan xasaasiga ah ee doorashada, oo ay ku jiraan dhaarinta, dabbaaldegga maalinta Ciidanka Xoogga dalka iyo bisha Ramadaan.

ATMIS waxa ay sheegtay inay si wada jir ah ula shaqeyneyso Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) si loo xaqiijiyo in dhameystirka hannaanka doorashada lagu gaaro jawi wanaagsan oo ka caaggan rabshado.


UNOPS JOBS

Procurement (Contract Management) Senior Associate

 Job categories                    Procurement, Programme Management

Vacancy code                     VA/2022/B5001/23674

Department/office               NYSC, PSC, Peace and Security Cluster

Duty station                          Mogadishu, Somalia

Contract type                      Local ICA Support

Contract level                     LICA-7

Duration                                   Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,  

                                                   availability of funds and satisfactory performance)

Application period                05-Apr-2022 to 19-Apr-2022



Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.

 Background Information - PSC


Peace and Security Cluster

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners.  It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients.  The Director is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

 

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”). As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor

 

 Functional Responsibilities   The Procurement (Contract Management) Senior Associate, under the direct supervision of Contract Management Specialist, and in close cooperation with the UNMAS Somalia Head of Support Services, will be responsible for the following:



I. Monitoring Compliance of Third-Party Agreements

·         Monitor the progression of the implementation of agreements, including tracking non-compliance to agreement terms and the negotiation of amendment processes.

·         Assist in development of a management plan for the Programmes’ contracts, including but not limited to monitoring delivery of terms, certifications of reports and payments.

·         Assist in the development and implementation of systems for internal controls to ensure compliance with agreements’ terms, conditions and monitoring tools;

·         Monitor contract performance against agreed benchmarks and through agreed reporting mechanisms.

·         Participate in meetings with Contractors to allow ample opportunity for identification and early resolution of potential disputes to improve collaboration and coordination between various project activities for effective programme delivery.

II. Providing Guidance on Contracting Processes

·         As part of Contract Management Team, advise on the implementation of third-party agreements (solicitation, evaluation, monitoring and best practices)

·         Advise in the Planning of Project proposals, inputting statement of requirements, including having the ability to advise on budget creation as relates to contract management.

·         Assist in Solicitation process and advise project team on best practices in developments of solicitation documents, evaluation, submission to HQCPC/LCPC, negotiations, awards, agreement finalization.

·         Participate in provision of advice to the Support Team and Procurement Officers in contracting processes

·         Compile lessons identified and input to learnt and best practices

 

 Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip