Hordhac: Liverpool v Villarreal – Reds Maka Soo Kabsan Doontaa Guuldaradii Spain, Miyeeyna U Soo Bixi Doontaa Finalka Europa League Caawa?

0
Thursday May 05, 2016 - 10:52:55 in Sports News by
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Liverpool v Villarreal – Reds Maka Soo Kabsan Doontaa Guuldaradii Spain, Miyeeyna U Soo Bixi Doontaa Finalka Europa League Caawa?

    Liverpool v Villarreal Kulanka: Lugta 2aad Ee Semi-finalka Europa League Lugtii hore: Villarreal 1-0 Liverpool Garoonka: Anfield Waqtiga: 10:05pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Viktor Kassai (Hungary)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool v Villarreal Kulanka: Lugta 2aad Ee Semi-finalka Europa League Lugtii hore: Villarreal 1-0 Liverpool Garoonka: Anfield Waqtiga: 10:05pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Viktor Kassai (Hungary)

Gool soo daahay oo ku dhashay Spain ayaa sii adkeeyay kulankaan, iyadoo Liverpool ay qasab ku tahay inay ku badiso in ka badan farqi hal gool ah kulanka caawa gurigeeda Anfield lagu ciyaarayo haddii ay rajo ka leeyihiin inay reebaan Villarreal.

Gool uu waqtigii dhimashada dhaliyay Adrián López ayaa guul 1-0 ah u sahlay kooxda Villarreal kulankii ka dhacay garoonkeeda isbuucii hore, waxaana uu ahaa kulankii ugu horeysay ee tartan rasmi ah ee labada kooxood.

Liverpool ayaa muhim uu u yahay koobkaan Europa League xilli ciyaareedkan waana rajadooda kaliya ee ay ugu soo bixi karaan koobka Champions League oo ay ka maqnaayeen xilli ciyaareedyadii ugu danbeysay, laakiin waxaa hortaagan kooxda Yellow Submarines oo natiijo 1-0 ah wadata.

CgF0ixYW4AAvoFR

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Liverpool waxaa hareeyay dhaawacyo iyadoo Divock Origi iyo kabtankooda Henderson ay dhaawacyo canqowga iyo jilibka ah ku kala maqan yihiin, waxaa sidoo kale kulankaan seegaya Danny Ings oo tababarka kooxdiisa ku soo laabtay balse aan ka diiwaangashaneyn ciyaartoyda Liverpool u ciyaareysa Europa League.

Sidoo kale waxaa dhaawacyo kaga maqan Rossiter iyo Gomez halka daafaca Mamadou Sakho uu ganaax ku maqan yahay ka dib markii uu ku dhacay baaritaanka isticmaalka dawooyinka mamnuuca ah. Dhanka Villarreal wax ka maqan ma jiraan waxaana la filayaa inay la soo shirtagaan shax la mid ah tii isbuucii hore.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool:Mignolet; Clyne, Lovren, Touré, Moreno; Allen, Can, Milner; Lallana, Coutinho; Sturridge.

Villarreal: Asenjo; Mario Gaspar, Musacchio, Víctor Ruiz, Jaume Costa; Jonathan Dos Santos, Bruno Soriano, Trigueros, Denis Suárez; Soldado, Bakambu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip