HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 7-DA ABRIL 2022

0
Thursday April 07, 2022 - 08:10:56 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 7-DA ABRIL 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xog: Rooble oo isbeddel ku sameeyey madaxda ilaaladiisa

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Rooble ayaa lasoo warinayaa inuu dhowr isbadal ku sameeyey madaxda ilaaladiisa iyo howlwad eenada ku dhow dhow qaar.

Tan iyo markii NISA ay sii de ysay farriin culus oo muuji neysa in Al-Shabaab ay ku soo maqan tahay Farmaajo iyo Rooble oo uu amnigooda halis ku jiro, Ra’iisul Wasaaraha waxaa la sheeg ay inuu dalbaday ciidan dheeri ah iyo inuu qaaday tallaabooyin isbadal ah oo uu ku xaqiijinayo nabad-galyadiisa.

Al-Shabaab ayaa gebi ahaan iska fogaysay in ay wadaan qorshe ay ku dilayaan Ra’iisul Was aare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxw eynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, waxaa na ay si cad u sheegeen in aanu jirin shaqsi lagu magacaabo Maxamed Maahir oo ka tirsan Al-sha baab, sida ay ku sheegeen qoraal lagu daabacay warbaahintooda

Al-Shabaab ayaa dhanka kale sheegay in hadalka kasoo baxay hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA uu yahay qorshe ay iyadu wad ato, sida ay hadalka u dhigeen, ayna arrintan tah ay mushkilad ka dhex jirta dowladda.

Hadalaka kasoo baxay Al-Shaabaab ee lagu beeniyey hadalkii NISA, ayaa kusoo aadayaa iya doo ay hey’addu ay baahisay qorshe la damacs an yahay in lagu khaarijin rabo madaxda dalka u gu saraysa, waxaana la ogaa in Al-Shabaab hor ay u beeniyeen dilkii Marxuumad Ikraan Tahliil Fa rax oo lagu eedeeyey in ay dileen xubno NISA ah.

Madaxdii Sare ee Dalka ayaa si weyn u kala shakisay iyadoo khilaafkii siyaasiga uu u muuqdo inuu u wareegay dhanka ammaanka.

Muqdisho hadda ma qaadi karto khilaaf cusub iyo qorshooyin amni oo iska soo horjeeda, ayada oo dalku wajahayo abaar xooggan, sicir barar iyo dhibaatooyin kale.

Adduunka wuxuu u muuqdaa inuu kasii niyad jabayo Soomaaliya, xalka waxaa loo arkaa in doorashada deg deg ku dhammaato si loo helo hannaan dowladeed oo samatabixin kara dalka.

Mursal oo war culus kasoo saaray dhaarinta xildhibaanada cusub

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Max amed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Xalay shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay ra’iisul wasaare Rooble iyo ma amulka Koonfur Galbeed, kaas oo salka ku haya doorashada baarlamaanka 11-aad.

Maxamed Mursal ayaa ku dooday in markii la gaaro 14-ka bishaan hadii aan xal loo helin khilaafkaas aysan suurta gal ah eyn in la dhaariyo baarlamaan ka, maadaama aysan joogin xub nihii laga soo doortay deegaanada maamulkaas.

Sidoo kale Mursal ayaa Ro oble ku dhaliilay sababta uu Ko onfur Galbeed uga qanci waay ey ta bashadeeda, "Ra’iisul wa saraha waxaa waajib ku aheed inuu u dhaqaaqo sidii uu u qan ci lahaa Ko onfur Galbeed,” ayuu yiri.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in hadii baarlamaanka ay ka maqan tahay metelaada hal dowlad goboleed uusan aheyn baarlamaan, maa daama uu dalku yahay federaal, "sidaas darteed waa ku waajib Rooble inuu qanciyo maamulkaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Maxamed Mursal wuxuu u soo jeediyey dowlad goboleedyada kale inay xalliyaan khilaafka soo kala dhex-galay Ra’iisul wasaare Rooble iyo Koonfur Galbeed.

"Madasha wadatashiga qaran waa inay masuu liyad iska saarto arintaan khilaafka dhalisay ee Ko onfur Galbeed iyo Ra’iisul wasaaraha oo ku saab san doorashada, waa in tabashada maamulkaas la xaliyo, sidii ay u xali jirtay khilaafaadyadii hore, Cabdicasiis Laftagareen waa saaxiibkii aad taqaa neen,” ayuu yiri Mursal.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday xubn ihii uu R/Wasaare Rooble ka saaray guddiyada doorashada, "Maadaama guddiyadaan lagu maga caabay wada ogol oo qof kaliya uusan soo mag acaabin, in qof kaliya oo xilalkii ka qaado waa mid ka hor imaaneysa madax-banaanida guddiga, marka meeshaan wax saxan ma jiraan, laakiin hadda waxaa loo baahan yahay in la wada fariisto oo la dhameystiro inta hartay,” ayuu yiri guddoo miyihii baarlamaankii 10-aad.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay madaxa hey’adda UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgash iga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo

uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Asad Yusuf, ayaa kulan la qaatay madaxda hey’adda UNFPA-Somalia, iyagoo sagootiyey Wakiilka UNFPA-Somalia, Mudane Anders Thomsen, oo uu waqtigiisa shaqo dhawaan soo idlaaday .

Wasiirka Qorsheynta ayaa hoosta ka xariiqay doorka muhimka ah ee UNFPA ay ku leedahay daddaalada horumarineed ee dalka ka socda iyo wada shaqeynta dhow ee kala dhaxeysa Wasa aradda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalga shiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Ja maal Maxamed Xasan ayaa sidoo kale bogaadi yay doorka hoggaamineed ee Mudane Anders mu ddadii uu hormuudka u ahaa Hey’adda UNFPA-Somalia, isaga oo u rajeyey badqab iyo horumar wanaagsan.

DF Soomaaliya oo Somaliland gaarsiisay $12.7 Milyan

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Shalay guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa u dirtay lacag dhan 12 mi lyan iyo 700 kun oo dollar, sida uu bartiisa twitter-ka ku sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xu kuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed

Lacagtan ayaa iskugu jirta 11 milyan iyo 700 kun oo ah lacag loogu talo-galay barnaamijyada hour mairnta Somaliland oo ay horey u haysay dawlad da Soomaaliya, iyo 1 milyan oo dollar oo ay bix isay dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 3-dii April amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaal iya, laguna wareejiyo Somaliland

Lacagtaas ayaa ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, oo ay haysay dowladda federaalka ah ee Sooma aliya, sida uu sheegay xafiiska Rooble.

Waxaa lacagtaas lagu xoojin doonaa howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dha latay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Isla maalinkaas xukuumadda Soomaaliya iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayaa noqonaya noqonaya kuwii garabkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa taageero dhaqaale oo dhan 3 milyan dollar inay sida ugu dhaqsaha badan u geyn doo naan magaalada Hargeysa.

Madaxwenaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna Shalay jeediyey baaq caalami ah oo ku codsanayo lacag dhan 2 bilyan oo dollar oo lagu gargaaro 5 kun oo ah goobo ganacsi oo ya ryar, kuwo dhexe iyo kuwo waaweyn oo uu saam eeyey dadbkii baabi’iyey suuqa Waaheen.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in da b kaasi uu si toos ah iyo si dadban u saameeyey qoys kasta oo ku nool magaalada Hargaysa.

Dabkan ayaa kacay Bishan April 1-deedii, waxa aa uu baabi’iyey suuqa.

Muxuu yahay UJEEDKA jawaabta ay Al-Shab aab ka bixiyeen qoraalkii NISA?

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay had alka kasoo yeeray Al-Shabaab oo jawaab ka bixisay qoraalkii NISA, islamarkaaana beenisay in ay damacsan tahay weeraro ka dhan ah mada xweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Ismaaciil Daahir ayaa shaaca ka qaaday inuu ujeedka kooxda kaliya ahaa inay caddeyso in uusan run aheyn warka ay qortay hay’adda na bad sugida iyo sirdoonka qaranka.

"Ujeedkooda waxa uu aheyd inay bayaamiya an warka ay qortay NISA uusan aheyn war run ah,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA,” ay uu yiri taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey "Iyadoo labada xafiis ay ciidamo ku kala dhex jiraan haddana wax aa moodaa in amnigii dalka uu dayac yahay,”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xaalad da doorashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in ra’ iisul wasaaruhu uusan dhameystiri karin doorasha da socota, taasina ay kaga faa’iideysaneyso Villa Soomaaliya.

"Ra’iisul wasaaraha ma qaban karo doorasho nabdoon, haddii usan amniga gacanta ugu jirin, waana mida aan isleeyahay inay kaga faa’iideysa neyso Villa Soomaaliya inay ku qal-qal geliso arri maha doorashooyinka, si muddo kororsigii halka sano iyo xoogaaga socday'” ayuu markale yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Al-Shabaab ay beenisay inay qorsheynayso weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaar aha Soomaaliya, sidoo kalena iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay shakhsi ay horay hey’addaasi ma gaciisa u shaacisay in uu weerarkaasi qorshe ynayo.

 


Al-Cadaala oo shaaca ka qaaday ujeed laga leeyahay xiisaddda Villa Soomaaliya

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa ka hadlay xaaladda siyaas adeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taa gan doorashooyinka dalka.

Al-Cadaala oo weerar ku qaaday Villa Sooma aliya ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan xubno do onaya inay si xoog ah kusoo fariis taan Baarl amaanka Soomaaliya, si da uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda wa rfaafinta ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la dhowro waxa heshiiska lagu yahay, isla-markaana loo hoggaansamo go’aanka guddiga FEIT.

"Waxaan oo dhib ah maxaa loo marayaa oo dalka loo gelinayaa, waxaa loo gelinayaa qof raba in uu noqdo fowqal-qaanuun, qof dhahaya FEIT go’aan iima gaari karo waa in aan dhinac maro oo sida aan rabo qori ku gaari karo, meesha aan rabana qori ku fadhiisto, haddii sidaas lagu tagi karo maxaa dad badan bannaanka u joogaan, waxa na reebay waa waxa lagu heshiiyay” ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya la doonayo in lagu fa shiliyo dhammeystirka doorashada, gaar ahaan dhaarinta xildhibaanada labada aqal.

"Waa miino la rabo Baarlamaanka Soomaal iyeed, Dhaarinta & Doorashada lagu fashiliyo, in dadka qaanuunka inta lasoo dhinac marsiiyo oo la soo dhex fadhiisiyo oo markaas meesha la isku qabsado oo la isku xabadeeyo oo qori & xoog is ku baddesho,” ayuu markale yiri wasiir Cabdi raxaam Al-Cadaala.

Waxaa kale oo uu sii raaciyey "Haddii qori iyo xoog tahay walaalayaalow Niman boqol-boqol baabuur oo tikniko ah heysta ayaa bannaanka joo ga Magaaladaan iyo Magaalooyinka kale ee Soo maaliya”.

Hadalka Al-Cadaala oo ka mid ah saaxibada siyaasadeed ee aadka ugu dhow ra’iisul wasaare Rooble ayaa kusoo beegmaya, xilli haatan uu sii laba kacleeyey khilaafka haatan u dhexeeya hog gaanka dalka, kaas oo salka ku hayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Beesha Caalamka oo cadaadis saareysa Mad axw eynayaasha Jubbaland & Hir-Shabeelle

Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada si iya Soomaaliya ayaa waxaa ay wadaan dadaalkii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii waqti dhow loo gu soo geba-gabeyn lahaa guud ahaan doorash ada Soomaaliya oo dhaaftay xilligii loo asteeyay.

Doorashada G/Shacabka & ay aa intooda badan soo dham aatay marka laga reebo Maam ulada Jubbaland & Hir-Shabee lle oo ay ku harsan yihiin tiro Xildhibaano ah, kuw aas oo dib ugu dhacay culeyso heysta Maamulad aas. Wakiilada Beesha Caalamka iyo dalalka Da neeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ay cad aadis saarayaan xilligaan Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Hir-Shabeelle si ay deg deg ugu qabtaan doorashada kuraasta ku harsan degaannadooda, waxaana dhowr jeer ay ku xuseen qoraalo ay soo saareen.

Wararka la helay ayaa sidoo kale sheegaya in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Edward André uu sitoos ah ula xiriiray Madaxweynayaa sha Maamulada Jubbaland iyo Hir-Shabeelle Axm ed Madoobe iyo Cali Guudlaawe, isaga oo ugu baaqay inay si deg deg ah ku dhameystiraan doo rashada. Maamulka Jubbaland ayaa waxaa u har san doorashada 16 kursi oo taalla M/Kismaayo, kuwaas oo ay isku heystaan Villa Somaalia & Madaxwey naha Jubbaland halka Maamulka Hir-Shabeelle la filayo in 7aadka soo socda ay bilaab aan doora shada lix kursi oo lagu qabanayo M/ Jowhar, waxaa na kujira kursiga Hop#135 oo ay ka geeriyootay Aamino Maxamed Cabdi.

Wasiiradii uu dhawaan Magacaabay Madax weynaha Puntland oo la dhaariyay

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa goobjoog ka noqd ay munaasabadda dhaarinta Wasiiro, Wasiiro Ku-xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal cusub oo dho waan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo Shalay si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa xubnaha cus ub ee Golaha Wasiirada, ku la dardaarmay in ay Bulshada ugu adeegaan sida ugu wanaagsan ee ay awoodaan, wuxuuna u raj eeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igma day.

Qaar kamid ah Xubnaha la dhaariyay oo dhan kooda hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay si hagar la’aan ah ugu Shaqeyn doonaan Bulshada degaann ada Puntland kana soo bixi doonaan waajibaadkoo da Shaqo.

Wasiirada, asiiro kuxigeennada iyo asiiru dow layaa sha uu dhawaan Magacaabay Madaxweyn aha Pun tland ayaa xubnihii ku fadhiyay waxaa ay dhaw aan kamid noqdeen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

MAREYKANKA oo digniin cusub ka soo saaray dagaalka ka socda Ukraine

Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Maraykan ka ayaa ka digaya in dagaalka Ukraine ay u ba dantahay inuu socdo muddo sanado ah, taasoo kor u qaadaysa walaaca ah in dunidu ay noqoto mid aan xasilloonayn iyo suurtagalnimada isku dhac caalami ah oo u dhexeeya quwadaha waaw eyn. Intii lagu guda jiray dhageysiga Guddiga Ade egga CQ S .G/Congresska Talaadadii, ayaa taliya ha guud ee ciidamada qalabka sida ee Maraykan ka General Mark Milley uu sheegay in duulaanka Ruushka ee Ukraine uu yahay "khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Yurub, iyo addunkaba” ee uu arko muddadii 42 sano aheyd ee uu xirnaa tuu taha ciidanka Maraykanka.

"Waxaan u baahanahay inaan raacno istaraat iijiyad cad, inaga oo ilaalinayna nabadda, lehna awood aan mugdi ku jirin oo xoog ah marka loo bar-bardhigo Shiinaha ama Ruushka” ayuu yiri Gen. Milley, isaga oo ula jeeday labada khatarood ee militari ee ugu sarreeya ee Maraykanku wajihi karo.

Mar ay xunbaha Congress-ku ay waydiiyeen waxa ka joojin karay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in uu weeraro Ukraine, ayuu Milley sheegay in difaaca kaliya ee suurtogalka ah uu no qon kari lahaa in ciidamada Maraykanka la geliyo gudaha Ukraine, taas oo uu sheegay in aanu ku talin laheyn sababo la xiriira halista isku dhac hu baysan oo lala galo Ruushka. "Si daacad ah, marka laga reebo ballanqaadkii ciidamada Mareykanka ee Ukraine, ma hubo in isaga (Putin) uu ahaa mid laga cabsado. Tani wa xa ay ahayd ujeeddo fog oo uu lahaa sannado ba dan,” ayuu yiri General Milley.

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa isna in taa ku daray in dalabaadka Ruushka, oo ay ku jir aan in Ukraine laga mamnuuco inay gasho NATO iyo in la xaddido in NATO ay geyso ciidamadeeda iyo hubke eda dhanka bari, ay yihiin kuwa aan la aqbali karin. Austin yo Milley waxay xaqiijiyeen in ciidamada Maraykanku aysan ku tababarin ciidamada Ukraine gudaha Ukrain ama Poland oo deris la ah, laakiin ay ku tababarayeen meel ka baxsan Ukraine oo uu ku jiro gudaha Mareykanka

Wasiir Beyle oo Jaamacadda Carabta kala had lay Arrimaha deyn Cafinta Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaali ya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ku sugan M/Jeddag ee wadanka Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Agaasimaha guud ee Sanduuqa Dhaqaa laha iyo Horumarinta Arimaha Bulshada ee wad amada Carabta Dr. Bader Alsa ad oo ah.

Kulanka ayaa waxaa ay ka wada hadleen dib-u-habeynta Maaliyadda Soom aaliya iyo dhameystirka hana anka Deyn-Cafinta oo hey’ada ha dhaqaalaha Carabtu ay qeyb muhiim ah ka yihiin.

Wasiir Byele ayaa u mahad celiyay Agaasima ha guud ee Sanduuqa Dha qaalaha iyo Horumarin ta Arimaha Bulshada ee wadamada Carabta dad aalkooda ku aadan sidii deynta looga cafin lahaa Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay ku mashquul saneyd sidii Soomalaiya looga cafin lahaa deynta, wax aana jira dalal dhowr ah oo ka cafiyay wallow dal al badan ay harsan yihiin.

Yuusuf Garaad oo sheegay arrin looga gudbi karo xiisada cusub ee dalka ka taagan

Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dal ka, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaal iya ee ka dhalatay dhameystir ka doorashada.

Yuusuf Garaad oo warbixin soo dhigay Facebook-giisa ay aa shaaca ka qaaday in door ashada ay tahay wadada kal iya ee looga gudbi karo xiisad da siyaasaded iyo mida amni ee ka taagandalka.

"Doorashadu waa waddada keliya ee inoo furan oo uu dalku uga gudbi karo qulubka siyaasadeed ee qotada dheer iyo khatar amni oo ay ka mid tahay digniinta NISA ee ah in Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha la doonayo in la dilo” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray "Waxa keli ya oo ka harsan gunaanadka doorashadu waa in is afgarad laga gaaro kuraasta Gedo iyo muranka Afar kursi, kuwaas oo weliba laba ka mid ah aan maqlayo in ay yihiin arrin farsamo,”.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa si doo lale soo hadal qaaday xalka arrintan iyo sida looga gudbi karo, wuxuuna shaaciyey in duuduub loogu xallin karo Baarlamaanka oo fariista, ka dibna doorta guddoon cusub.

"Sida keliya ee arrimahaas dudduub loogu xall in karo, waa Baarlamaanka cusub oo fariista, oo dhakhso u doorta Guddoon. Wuxuu noqonayaa billowga awood sharciyad haysata,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ka dhalatay si qab-qabsiga siyaasadeed ee ka jira dalka iyo daaha doorashooyinka weli socda.

Beesha Habargidir oo R/W Rooble ugu baaq day inuu ku dhaqaaqo arrin la hadal hayey

Suldaaan Mowliid Sheekh Jaamac oo ah Sul daanka beesha Saleebaan ee Habargidir ayaa di gniin u diray dad uu sheegay inay beesha ka dha sheen, ee hadana ay iib geynaya, sida uu hadal ka u dhigay.

Suldaanka oo hadalkaan ka jeediyey kulan ay Muqdisho ku yeesheen odayaasha

dhaqanka, siyaasiyiinta iyo saraakiisha saree e beesha Habargidir, kaas oo looga dhawaaqay shirweyne looga tashanayo aayaha Soomaaliya oo beelaha Hawiye ay isugu imaanayaan.

"Ka Suldaan ahaan waxaan u digayaa dad ka dhashay beesha Habargidir oo hadana aan ku dhaqmeyn kala dambeynta beesha, waxaan u sheegayaa Habargidir iib ma ahan, beeshu gole ayey leedahay, laakiin dadkaas qowleysatada ah qorsha ay wataan ka aqbali meyno,” ayuu yiri Suldaan Mowliid.

Dhanka kale Suldaanka ayaa fariin u diray Ra’siiul Wasaare Rooble, isagoo yiri, "Ra’siiul Wasaare khudbadaadii waa dhageysanay, in ilinu kaa timidna waan kuu jeednay, cabsi badana waa muujineysay, koley anigu waxaan ku jiray dadkii ku garaadsaday iyadoo Soomaalida kale ay leedahay Habargidir yaa naga dhiciya, marka Ra’siiul Wasaare madaxaaga kor u qaad,” ayuu yiri.

Sidoo kale Suldaan Mowliid ayaa Ra’siiul Wasaare Rooble u soo jeediyey inuu musharax madaxweyne noqdo, si dadka ay is hayaan uu isaga dhiciyo.

"Ra’siiul Wasaare hadaa rabto Soomaali inaad badbadiso xilka madaxweynaha ayaa iska cidla ahe isaga qabso, taladaas ayaan ku siineynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Suldaanka beesha Saleebaan ee Habargidir.

Caasimada Online ayaa dhowaan shaacisay in Rooble ay cadaadis ku hayaan beeshiisa iyo Imaaraadka Carabta, si uu madaxweyne isugu sharxo. Halkan ka aqriso.

Ugu dambeyntii Suldaanka ayaa golaha hoggaa minta Habargidir u soo jeediyey inay cadeeyaan musharaxa ay wataan, "Habargidir waxaa la rabaa in musharaxeeda uu cadyahay, hadii gola ha hoggaaminta uu yiraahdo musharaxa ay sanadkaan Habargidir wadato waa ‘hebel’ naf iyo maal ayaan isugu geyneynaa dhismihiisa,” ayuu yiri Suldaan Mowliid.

Madaxweynaha Somaaliland oo soo saaray baaq ku socda Beesha Caalamka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cab di ayaa Shalay soo saaray baaq caalami ah oo uu ku saxeexan yahay looguna talo-galay in taa geero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musii bada dabka ee dhaw aan baabi’ isay suuqa Waaheen ee Magaal ada Hargeysa.

Baaqa ayaa wax aa uu ku soc daa bee sha caalamka, kuna lifa aqan tahay warbixi nta hordhaca ah ee ay soo saa reen guddida taak ulaynta heer qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen.

Baaaqa oo ku qoran luuqada English-ka aya laga codsaday Caalamka inay siwyen u taageera an Ganacsatadii ku hanta beeshay Suuqa Waahe en, isla markaana Somaliland ku garb siiyaan.

Suuqan Waaheen ee dhawaan uu dabka ka kacay ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan Somaliland, isla markaana xuddun u ahaa dhammaan wax kala beddelashada lacagaha qal aad ama ganacsi ee u adeegi jiray guud ahaan Somaliland.

Xisbiga Waddani oo ka hadlay dabkii burburi yay suuqa Waaheen

Xisbiga Waddani, ayaa soojeediyay in gacma ha laysku qabsado taakulaynta dadka ku hanti waayay suuqa Hargaysa, isaga oo ku baaqay in la sameeyo gudddi baadha sa babta dabka dhalisay iyo guddi tir akoobta hantida burburtay

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdiraxm aan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo Hargaysa war baahinta kula hadlay, ayaa sheegay in dhamaan reer Somaliland ka midaysan yihiin taakulaynta dadkii ku hanti beelay dabka suuqa Waaheen.

"Habeenkaa waxaynu ka midaysnayn ilaa had ana ka midaysanahay, mucaarad iyo muxaafad, ciidan iyo shacab sidii dadka caydhoobay ee han tidoodii halka ku gubatay loogu gurman lahaa, Shalayna, dib u dhiskooda, xoolayntooda iyo ka soo kabashadooda looga qayb qaadan laha" ayuu yidhi Cirro.

Musharaxa ayaa soo jeediyay in lala shaqeeyo isla markaana wixii kaalmo ah lagu soo hagaajiyo guddida ay xukuumadu magacowday, waxa kale oo uu soojeediyay in la as aaso guddi baadha sa babta dhalisay dabka iyo guddi diwaan galisa hantida ku burburtay suuqa.

Musharaxa ayaa sidookale ku baaqay in how sha dib u dhiska suuqa Waaheen faraha looga qa ado Dowlada Hoose ee Hargaysa, oo uu sheegay in sharcigu farayo oo ay masuuliyadeeda tahay.

Cirro ayaa sheegay in Suuqa Waaheen uu hore ula soo kulmay dhibaatooyin, kuwaasi oo ganac satada suuqu kasoo kabteen, waxaanu sheegayn in sidaa si lamid ah loogasoo kaban doono dhibka hada dhacay.

Somaliland oo xukun ku riday dad si sharci darro ah uga Ganacsanayay xayawaanka Haramacadka

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Somal iland ayaa hal Sanno oo xarig ah iyo 3 Milyan oo ganaax lacageed waxa ay Shalay ku xukuntay shan nin oo hore loogu soo eedeeyey in ay si sharci-darro ah uga ganacsanayeen xayawaanka Hari-macadka.

Ragga la xukumay ayaa 14-kii bishii March ee sannadkan lagu soo qabtay hawl-gal ay si wada jira u fuliyeen Wasaaradda Deegaanka iyo Ciidan ka Booliska Somaliland.

Dhinaca kale kale Maxkamada Gobolka Maro odi-jeex waxa ay isla Shalayba ku wareejisay Wasaar adda Deegaanka labo ka mid ah Harim acadkii lagu soo qabtay eedaysanayaashii, halka labo kalena ay bakhtiyeen.

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa xukuno kala duw an ku rideen Rag Ajaanib ahaa, kuwaas oo lagu hel ay inay si sharci darro ah u kalluumeeysana yeen.

Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsi isay carruur agoon iyo barakacayaal 

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Shalay deeq gaarsiisay 

carruur agoon ah iyo bar akacayaal ku sugan Dagmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Shalay deeq raashiin gaarsiisay carruur agoon ah iyo dadka barakacayaasha ee ay gacanta ku hayso markazka Al Raxma ee ku yaal xerada Sili ga ee Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir

Deeqda Raashinka ah ee ay Hormuud Salaam Foumdation gaarsiisay Caruurta danyarta ee agoonta ah iyo dadka barakacayaasha ah ay gacanta ku heyso Markaska Al Raxma, ayaa waxa ay iskugu jirtay, Bur, Bariis, Sokor iyo Jirg aanno Saliid ah, si ay ugu afuraan caruurta ago onta ah iyo dadka danta yar ee barakacayaasha.

Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Mudane Cabdiraxmaan Ibra ahim Cilmi Kobac ayaa sharaxaad ka bixiyay dee qdan ay Hormuud Salaam Foundation soo gaarsii say Carruurta agoonta ah iyo dadka barakac ayaasha ay gacanta ku heyso Markaska al rax ma, isagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay barnaa mijka taakuleynta affurinta dadka danta yar, ee bishan barakeysan ee ramadaan ay Hay”adda Hormuud salaam Foundation, waday.

Dhinaca kale Macallin Nadiir Cabdulqaadir Cabdull aahi iyo Macallin Nuur Maxamed Cabdir axmaan oo kamid ah macallimiinta madarasada Al Raxma ayaa sheegay in sanad walba marka la gaaro bisha ramadaan ay la soo gaaraan deeq daan waxa ayna hay’adda Hormuud Salaam fou ndation uga mahad celiyeen taageerada ay soo gaarsiisay, uu qeyb weyn ka qaadaneyso afurinta carruurta Agoonta ah iyo dadka barakacayaasha ah.

Mareykanka Iyo Midowga Yurub Oo Cunaqaba tayn Dheeraad Kusoo Rogaya Ruushka

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in ay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogaan Ruushka Arbacada Shalay, taasoo jawaab u ah eedeymaha Ukraine ee ah in ciidamada Ruushka ay dambiyo dagaal ka geysteen magaalada Bucha.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sheegtay in Maraykanku uu cunaqabatayn ku soo rogi doono maalgashiga cusub ee Ruushka, isla markaana uu cunaqabatayn dheeraad ah saarayo hay’adaha maaliyadda ee Ruushka, iyo sidoo kale saraakiisha Kremlin-ka iyo qoysaskooda.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Washington ay ka fiirsaneyso cunaqabateyn dheeri ah oo lagu soo rogo laba gabdhood uu dhalay Putin.

Danjirayaasha Midowga Yurub ayaa Arbacada tixgelin doona qorshaha cunaqabateynta, oo ay ku jirto mamnuucidda soo dejinta dhuxusha Ruushka, iyo ka hortagga inta badan maraakiibta Ruushka laga leeyahay ama laga maamulo inay isticmaalaan dekedaha Midowga Yurub.


Guddiga Doorashada Hirshabeelle Oo Shaa ciyay Jadwalka Doorashada Saddex Kursi

Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleed ka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada do orashada saddex kursi oo kamid ah ku hars an ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo dee gaan doorashadoodu tahay Magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay Gu ddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa wax aa lagu sheegay inuu Guddiga qabanayo doora shada saddex kursi oo tirsigoodu kala yihiin #HOP106 #HOP024 iyo #HOP140, iyagoona Guddiga soo saaray Jadwalka doorashada kuraasta.

Guddiga ayaa xusay in diiwaan-gelinta erga da wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Mushar axiinta ku tartamaya kuraasta ay bilaabaneyso maalinta Jimcaha soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8 bishaan April 2022.

Ugu dambeyn Guddiga doorashooyinka do wlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay in doorashada kuraastan la qaban doono 9-ka bishaan, isla markaana doorashada ay ka dha ceyso Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ay aan weli dhammeeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana Hirshabeelle ku harsan 6 kursi, halka Jubbaland oo caqabad siyaasadeed heysato ay ku dhiman yihiin 16 kursi oo taalla Magaalada Garbahaareey ee Xa runta Gobolka Gedo.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ta ku dhigay Gaari siday Qaraxyo ka la duwan

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidama da Militariga Soomaaliya qeybta 21-aad iney ga canta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa, kaasoo lagu qabtay duuleed ka degmada Guriceel.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka qe ybta 21-aad ayaa warbaahinta u sheegay in ci idanka Xoogga ay gacanta ku dhigeen gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo laba ruux oo la socday, isagoona tilmaamay iney u suurta galisay in gaariga qaraxa siday gacanta ku dhigaan xog ay ka heleen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Gaariga siday qaraxyada oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in qaraxyada ay ahayeen kuwa kala duwan oo isugu jiray miinooyin noo ca dhulka lagu aaso, kuwa wadada dhinaceeda la dhigo iyo Jaakadaha ka sameysan wax yaabaha qarxa.

Gaariga qaraxyada siday ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay inuu ahaa noociisa noo ca ay Soomaalida u taqaan Probox, kaasoo ilaa hada aanan la xaqiijin halka loo waday, wa low labada ruux ee gaariga la socday lagu xiray Saldhiga degmada Guriceel ee gobolka Galg aduud.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa maalm ahii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo culus ka waday deegaanada dhaca maamulka Galmu dug, waxaana sidoo kale barbar socday dhaq dhaqaaqyada Shabaab howlgalo ay ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka ay dhankooda uga hortagayeen weerara da Al-shabaab kaga imaanayay.

Al-Qaacida: Hoggaamiyihii hadalkiisa la waayay oo soo muuqday isagoo gabadh ama anaya


ARBACIIN Xadiith: N°6 Ka Dheeraanshaha Shubhaada


 

Waxaa laga weriyay Abuu-Cabdulaahi an-Nucmaan ibn Bashiir (Allaha ka raalli noq dee), ”Inuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii Allah( s.c-w) oo leh: Xalaashu waa cadda hay, xaaraan tuna waa caddahay, waxaana jira arrimo murug san oo aan xalaal iyo xaa raan midna ku caddeyn, dadka badanki is una ka warqabin, marka ninka ka dhowrsada arrimahaa shakigu ku jiro waxaa u bad baaday diintiisa iyo sharafkiisa, nin kii arr imaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dha cay xaaraan oo kale sidii nin xoolo u foof iyay meel seero agteed ah, waxaa looga baqaa in xooluhu seerahaa u dhac aan oo ay daaqa an

Hooya ay! Ogaada in Boqor kasta leeya hay seero ama xirmoo yin, seeraha llaahay na waa waxa uu xaaraantimeeyey. Hooyaay! Ogaada in jirka ay ku iirto waslad hilib ah oo haddii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaag aya, haddii ay xumaato jirkoo dhan baan xu maanaya. Ogaada taasi waa qalbiga.” [Bukh aari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Lixaad

Xadiiskani waa saldhigga cilmiga fiqiga ee lagu geexay xalaashai yo xaaraanta, w axaanu xadiisku inoogu qaybiyey waxyaal aha innaga hor imaanaya ‘inaaney ka baxsa neyn saddexx aalo midkood.

1. Wax lagu caddeeyay xaaraannimadiisa.

2. Waxa la caddeeyay xalaalnimadiisa.

3. Waxa l aga shakiyay in uu xalaal yahay iyo

inuu xaaraan yahay. Marka labada’ hore muran kama joogo, waxaase xadiisku tilmaa may wixi laga yeeli lahaa xaaladda seddex aad, waxaanu amray in laga dheeraado shu bhaada intii lagu dhici lahaa xaaraanta. Wux uu ku mata lay shubhada nin xoolo u foofiyay beero soohd intood, wuxuu halis u yahay in xooolihiisu beer aha u dhacaan oo ay daaq aan, halkaana waxa ka dhacaya in ninkii be ertiisa la daaqay dagaal ku qaado ninka xoo laha la jiray, marka si dagaalka looga nabadg alo waa in xoolaha laga dheereeyo soohdinta beeraha. Haddaba, beer ta llaahay waa waxa uu xaaraantinnimeeyey, ninkii beertaa u dhacaana waa inuu isu diyaa riyo dagaalka llaahay. Waxaa kaloo xadiisku sheegay in qofka gudihi isa laga hoggaamiyo, haddii, qofka hoggaaankiisa guduhu toosnaa do, qofkuna waa toosayaa’ haddii hoggaanka guduhu qalloocdo qofkuna waa qalloocanayaa. Haddaba, hoggaanka guduhu muxuu yahay? Hoggaanka guduhu waa Qalbiga. Marka waa in uu qofku ku dadaalo siduu qalbigiisa uga dhigi ‘lahaa mid saafi ah oo toosan.

FAA’IIDADA XADIISKA

1. Kala soocidda xalaasha, xaaraanta iyo shu bahada,

2. ln shubahada laga dheeraado si looga naba dgalo xaaraanta,

3. ln qofku hagaajiyo qalbigiisa kana nadiifiyo xinka, xasadka, calool kuhaynta i.w.m.

La soco qeyb kale


DARUUSTA RAMADAANKA {WAX-YAALAHA AAN SOONKA FURIN}


1. Qofka soomani ka furmi maayo Soonka hadduu cuno waxya al aha Soonka fura asagoo illowsan ama jaa hil ka ah ama lagu dirq iyo, waxaa na u dal iil ah Oraahda Sarreeye Eebbe: {Rabigay ow ha noo qabanin had deynu illowno ama ay nu gefno} {illaa qofkii lagu dirqiyo asag oo qalbigiisa imaanku ku sugan yah ay} {wax dembi ah idin kama saarna waxaad ku geftaan, balse waxaa la idin weydiinayaa waxey qalbiyad iina (laa bihiina) u qasdaa}

2. Hadduu qoka soomani wax cuno ama cabo isagoo illowsan so onka ka buri maayo, maxaa yeelay asagoo illowsan ayuu sameeyay.

3. Hadduu wax cuno ama cabo asagoo aamminsan in cadceeddu dhacday ama waaga uusan wali baryin soonka ka buri maayo, max aa yeelay ogaal la’aan ayuu u sameeyey.Hadduu luqluqdo oo ay bi yuhu dhuunta u gudbaan isagoo aan ula kac u samayn soonka ka buri maayo, maxaa yeelay uma uusan qasdin. 4. Hadduu qof isku jun ubo (shahwo ka tim aaddo) isagoo (iyadoo) huruda, soonka ka buri maayo. Maxaa yeelay rabitaankiisa/keeda ku ma ayan iman…LA SOCO QEYB KALE

W/Q: Sheekh Maxamed Bin Saalax Al-Cutheymiin.


W/T: Xuseen Cali Cilmi

 

WARGELIN:-Maamulka Wargeys ka M.Times Wuxuu Akhrista yaashiisa Qiim aha leh leeyahay RAMADAAN KARIIM marka hore mar ka xigana wuxuu ku Wargelinayaa inay ilaaliyaan oo ay xafidaan wargeyska maadaa ma ay ku qoran yihiin daruus Diini ah alle ha inagu anfacee Dhammaanteen

Fadlan walaal ka ilaali inaad dhigto meel uusan Mudneyn Bogga Diiniga ah ee Taxanaha inoo ahaan doona Insha allaah Bishan Ramadaan ee Bar akeys kan Alle ha ku Barakeeyee kana Faa’iideyso Acmaasha & kheyrka ka buuxo Dadka kalena ugu faa’idee Nabad Alle ha inooga dhammeeyee

Aamiin..MAHADSANIDIIN


URURKA AL-QAACIDA AYAA SHAACIYAY MUUQAAL LAGA ARKAYO HOGGAAMIYAHOODA, AYMAN AL-ZAWAHIRI, KAASOO CADDEYN U AH IN UU NOOL YAHAY.

2-dii bishii May ee sanadkii 2011-kii, ayaa Ayman al-Zawahiri laga dhi gay hog gaamiyaha ugu sarreeya al-Qaacida kaddib ma rkii ay ciidamada Mareykanka dileen aasaasihii ururka, ahaana hoggaamiyahooda, Cusaama Bin Laadin.

Cusaama waxaa lagu dilay weerar ka dhacay ma gaalada Abbottabad oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan.

Dr. Ayman al-Zawahiri ayaa muddo dheer soo ahaa ku xigeenka Cusaama Bin Laadin, wax aana la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii (oo loo yaqaanno weerarradii 9/11).

AShalay gabadha

Muuqaalkan ay dhawaan shaaciyeen al-Qaacida ayuu Al-Zawahiri ku amaanayaa gabadh ardayad ah oo lagu magacaabo Muskan Khan, oo u dhalatay dalka Hindiya.Ardayaddan oo kasoo jeedda gobolka Karnataka ayaa dhowr isbuuc ka hor warbaahinta qabsatay kaddib markii uu cirka isku shareeray muranka la xiriira xijaabka. Sanadkii 2020-kii waxaa soo shaac baxay warar sheega yay in hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri uu u geeriy ooday xanuun uu muddo la il darnaa.

Hase yeeshee muuqaalka cusub ee ay sii daysay shabakadda ayaa lasoo saaray 5-tii bishan April, waxaana lagu arkayaa Aym an al-Zawahiri oo isagoo la maqli karo ka hadlaya arrin dhacday 8-dii bishii February ee sanadkan 2022-ka.

Ardayadda u dhalatay Hindiya

Muuqaalkan cusub ayuu Zawahiri ku xusay magaca Muskan Khan, oo ah gabadha Muslimka ah ee kasoo jeedda Hindiya.

Intii ay socotay doodda Xijaabka ee muranka bad an ka dhalisay gobolka Karnataka, Muskan Khan waxay kusoo caan baxday muuqaal ay kasoo muuqatay iyadoo ku dhawaaqaysa "Allahu Akbar" xilli ay rag badan ku mudaharaadayeen dharkeeda asturan.

Waxaa markaas laga hor istaagay in iyadoo xijaab xiran ay ga sho xarunta ay wax barashada u tagaysay, muuqaalkaasina waxa uu noqday mid si weyn ugu faafay caalamka.

Cajaladda uu soo diray Zawahiri, ayaa ciwaan looga dhigay or aah micnaheedu yahay "Gabadha Sharafta leh ee Reer Hindiya".

Ayman al-Zawahiri ayaa muuqaalkan xushmad weyn ugu muuji yay heerka Muslimnimada ee Muskan Khan.

Dhanka kale, hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman al-Zawaahiri ayaa muuqaalkan lagu arkayaa isagoo uu caafimaadkiisu wana agsan yahay.

Waxaa muuqaalkan looga soo duubay meel aad uga duwan goobtii looga duubay muuqaalkiisii ugu dambe eyay. Taas ayaa caddeyn kale u ah in muuqaa lkani uu yahay mid cusub oo aan mar hore la duubin.

Labo sano ka hor markii la isla dhex ma rayay wararka ku saabsan geerida al-Zawahiri, waxaa soo baxay muuqaallo dhowr ah oo ay soo saareen al-Qaacida.

Balse dhammaan muuqaalladaas waxaa lagu arkayay al-Zawahiri oo ka hadlayay dhacdooyin taariikh ah iyo mowduucyo guud, wax aana adkayd in la xaqiijiyo sida ay muuqaalladaas u yihiin kuwo cusub.

Markaas kaddib waxaa xoogaystay shakiga laga qabay inuu ge eriyooday, dad badanna waxay rumaysanayeen ku tiri ku teenta ku saabsan inuu xanuun u dhintay.

Muuqaalkan uu hadda soo duubay hoggaamiyaha al-Qaacida waxaa laga sii daayay warbaahinta kooxda al-Shabaab ee gacan saarka la leh.

Maxay samaysay Muskan Khan?

Muskan Khan waa gabar 19 jir ah oo ku jirta sanadka labaad ee waxbarashada machadka ku yaalla degmada Mandya ee gob olka Karnataka. Bishii February ee sanadkan, Baraha Bulshada iyo warbaah inta caalamka ayaa si weyn u hadal hayay muuqaal la ga arkayay iyadoo ku dhawaaqaysa "Allahu Akbar".

Waxay ka hadashay sababta ku kalliftay inay erayadaas adee gsato.

"Waxaan ku qeyliyay Allahu Akbar sababtoo ah waan cabsa day. Marka aan baqayo, waxaan isticmaalaa magaca Alle," ayay tidhi.

Waxaa caalamka qabsaday muuqaal laga soo duubay Miskan oo iyadoo mooto yar ku galeysa dhismaha Jaamacaddeeda ay ka hor imaadeen rag badan oo isbahaystay, kuwaasoo iyagoo qeyli naya eryaday gabadha.

Markii ay ragga badan ku qeyliyeen hal ku dhigyo ka dhan ah xijaabkeeda, ayay mar qura dib ugu jeedsatay, iyadoo hal gacan kor u qaadeysa ayayna ku dhawaaqday "Allahu Akbar", oo ay dhowr jeer ku celcelisay.

BBC-da oo wareysi la yeelatay Miskan Khan ayaa weydiisay su'aalo ku saabsan muuqaalkaas iyo wixii dhacay maalintaas.

"Waxba ma aanan ogeyn, Jaamacadda ayaan ugu socday si caadi ah," ayay tidhi Miskan.

"Dad koox badan ka kooban oo bannaanka ka yimid ayaa is hor istaagay, waxayna ii sheegeen inaanan gali karin Jaamacadda anigoo xiran Xijaab. "Waxay igu dha heen, 'haddii aad rabto inaad gadho gudaha Jaam acadda, iska siib xijaabka iyo shukada kaddibna gal. Haddii aad rabto inaad dharkan xirnaatidna, gurigaaga iska aad'".

"Dhag jalaq uma aanan siinin. Gudaha ayaan soo aaday. Wax aan moodayay inaan si aamusnaan ah kusoo gali doono balse wa xaa socotay qaylo iyo dhawaaqa hal ku dhigyo. Waxay nimanka tirada badan ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ka mid tahay "Bixi Xijaabka".

"Waxaan u maleynayay inaan fasalkeyga aadi karo balse wiila shii oo dhan way isoo daba socdeen iyagoo u muuqday inay i wee rarayaan. Waxay ahaayeen qiyaastii 30 ilaa 40 qof. Aniga waxaan ahaa kaligey, wax bani'aadannimo ah ma aysan lahayn. Xageyga ayay soo aadeen waxayna billaabeen inay soo ordaan, iyagoo watay maro jaalle ah.

"Horteyda ayay imaadeen, maryihii ayay warfiyeen iyagoo igu dhahaya, 'Ka tag meesha', 'Bixi Xijaabka'."XIGASHO:BBC

Madaxweynihii Hore Ee Burkina Faso, Com paore Oo Lagu Xukumay Xabsi 

Daa’in

Maxkamad ku taal magaalada Ouagadougou ayaa xabsi daa’in ku xukuntay madaxweynihii hore ee Burkina Faso, Blaise Compa ore, kaddib markii lagu helay inuu dilay Thomas Sankara.

Xukunkan oo in muddo ah la sugayay ayaa soo xiraya dacwad lix bilood ah oo loo haystay Sankara oo la dilay 15kii Oktoobar 1987.

Dacwad oogayaasha militariga ayaa cod saday in lagu xukumo 30 sano ah Com paoré, kaas oo lala maxkamadeeyay sad dex iyo toban kale.

Sankara, oo ahaa hogaamiye Afrikaan ah oo la ixtiraamo, ay aa isaga iyo 12 kale lagu dilay weerar lagu qaaday.

Compaore laf ahaantiisa waxaa lagu qasbay inuu xafiiska ka tago 2014 ka dib kacdoon dadweyne ka dib 27 sano oo uu xukunka ha yay, wuxuuna u cararay Ivory Coast, halkaas oo uu ka qaatay dhalashada Ivory Coast.

Compaore, oo 70 jir ah, waxa uu had iyo jeer diidaa eedeymaha ah in uu amray dilka Sankara



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip