Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Real Madrid & Man City – Kumuu Ahaa Xiddiga Garoonka, Ayaase Ugu Liitay Ciyaartii Bernabeu?

0
Thursday May 05, 2016 - 10:07:46 in Sports News by
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Real Madrid & Man City – Kumuu Ahaa Xiddiga Garoonka, Ayaase Ugu Liitay Ciyaartii Bernabeu?

    Real Madrid Navas 6– Habeen degan ayay u aheyd Keylor kaasoo ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd Real Madrid xilli ciyaareedkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid Navas 6– Habeen degan ayay u aheyd Keylor kaasoo ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd Real Madrid xilli ciyaareedkan.

Carvajal 6 –Difaacashadiisa waa ay fiicneyn laakiin sida ay isku fahmeen isaga iyo Bale ayaa kooxda ka caawiyay weeraradooda cajiibka ahaa.

Ramos 7– Daafaca dhexe ayaa hubiyay in Sergio Aguero uusan wax saameyn ah yeelanin habeenka oo dhan.

Pepe 6 –Cid qalqal gelisay ma jirin, isagoo sii nadiifinayay wax walba oo uu ka tago Sergio Ramos.

Marcelo 6– Si wanaagsan ayuu u maareeyay orodka Jesus Navas, waxaana uu helay boos weyn oo uu weerar ku qaado.

Marcelo in action with Fernandinho

Modric 7– Waxa uu ahaa hal abuurka Madrid sida caadiyan looga bartay laakiin waxa uu seegay kubad ku taabasho aheyd markii uu u maleynayay inuu offside ahaa.

Kroos 8 (Xiddiga Garoonka)Burburiyaha khadka dhexe ee kooxda ayuu ahaa, waxaana uu naftiisa u diyaariyay boos weyn oo uu mar walba ku soo bilaabo weerarada kooxda.

Bale 7– Xiddiga reer Wales waxaa goolkiisa ka qaadatay UEFA laakiin isagaa u sabab ahaa in Madrid ay iska xaadiriso Milan 28ka bishaan May.

Gareth Bale celebrates scoring the first goal for Real Madrid

Isco 7 –Waxa uu si sahlan u la wareegayay khadka dhexe ee Man City. Waa ciyaartiisii ugu fiicneyd ee xilli ciyaareedka.

Ronaldo 6 –Taam buuxda uma aheyn kulankaan laakiin joogitaankiisa kaliya ayaa fursado u abuuray asxaabtiisa.

Jese 6– Waxba ma uusan qabanin qeybtii hore laakiin qeybtii labaad ayuu boorka iska jafay ka hor inta aan la bedelin.

 

Gareth Bale celebrates scoring the first goal with Cristiano Ronaldo

Manchester City

Hart 6– Ma jirin wax uu ka qaban karay goolkii Madrid iyadoo ay ciyaaryahan kale ku dhacday laakiin waxa uu sameeyay badbaadino kale.

Sagna 6– Wuxuu isku dayay inuu celiyo Ronaldo laakiin waa kuu dhibtoonayay.

Kompany 5– Wuxuu garoonka ku jiray in ka yar 10 daqiiqo ka hor inta uusan dhaawacmin mar kale.

Vincent Kompany walks off as he is substituted after sustaining an injury

Otamendi 6– Jaale ayuu qaatay. Waxa uu ku qasbanaa inuu hogaanka difaaca la wareego, waxaana uu awoodi waayay inuu maareeyo xiddigaha weerarka ee Madrid.

Clichy 5– Ma jirin meel lagu arkayay iyadoo Bale uu si sahlan ku soo maray garabka bidix ee City si uu hogaanka ugu dhiibo kooxdiisa.

Fernando 5– Nasiibdarro ayay ku aheyd inuu iska dhaliyay goolka furitaanka, waxaana uu ceyrsanayay hooskiisa khadka dhexe.

Fernandinho 5– Awood jireed ahaan wuu muuqday laakiin waa uu awoodi waayay inuu maareeyo Isco. Meel dheer ayuuna birta ka garaacay.

Fernandinho looks dejected

Navas 5 –Difaacasho ahaan wuu fiicnaa laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu weerar ahaan dhibaato geysto.

Toure 3(Xiddiga Ugu Liitay)– Midkoodna ma uusan caawinin Aguero ama daafaca iyadoo Kroos iyo Modric ay ku hareerihiisa ku qoob ciyaarayeen.

Pepe in action with Kevin De Bruyne

De Bruyne 6– Waxa uu bartanka ka ahaa waxyaabo yaryar oo fiican oo ay City sameysay laakiin waxa uu u baahnaa kubada inteeda badan.

Aguero 5– Wax fursad ah ma helin sababtoo ah waxaa la degay Ramos iyo xulafadiisa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip